Wasiirka Isgaadhsiinta oo Shaaciyey inay Dalka ka Hirgalin doonaan Nidaam isku Furaya Xidhiidhka Isgaadhsiinta
Hargeysa (KULMIYE.ORG/Jam)- Wasiirka cusub ee Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Md. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed, ayaa markii ugu horreysay daboolka ka qaaday in ay dalka ka hirgelin doonaan sidii ay shirkadaha isgaadhsiinta dalku iskugu furmi lahaayeen, isaga oo wasiirku ugu baaqay shirkadaha dalka in ay aqbalaan sidii ay telefoonanooda isugu furi lahaayeen si dadweynuhu uga baxo cidhiidhiga ka haysta kala qoqobnaanta shirkaddaha isgaadhsiinta.
Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta oo shalay u waramay qaar ka mid ah warbaahinta dalka, waxa uu sheegay in wasaaradiisu diyaarinayso siyaasadii ay ku maamuli lahayd sidii la isugu furi lahaa khadka isgaadhsiinta telefoonnada shirkadaha kala duwan ee dalka, isaga oo carrabka ku dhuftay in hadii shirkadu iska dhego mariyaan inay arrintaasi ay xukuumad ahaan ku qasbi doonaan fulintiisa.
“Waxa ay shirkaduhu u baahan yihiin in ay wasaarada ka caawiso sidii ay u midoobi lahaayeen kalana xidhnaanin oo aanay qoloba kooto meel ku haysan ee ay bulshada jaanis siiyaan iyaguna ay isku tanaasulaan oo ay mid xoog weyn iyo mid xoog dhexe in aanay noqon karaan shirka ganacsi oo wada faa’iido doon ah oo iyagu ay ilaaliyaan nidaamka isgaadhsiinta ee ay adduunyada oo dhammi ku dhaqanto,” Ayuu yidhi Md. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed.
isaga oo ka hadlaaya ka maanta shirkadaheenu ku dhaqmaan waxa uu yidhi “Waa nidaam dadka macaamisha shirkadaha kale sita aanay wada xidhiidhi Karin, nidaamkan aanu doonaynaa wax uu fasaxayaa in adigoo hal telefoon sita aad la hadli karto shirkado kale.
Haddii ay adkaato in ay shirkaduhu xalka nala raadiyaan waxay noqon doontaa in ay wasaarada iyo xukuumadda guud ahaanba ay samayso siyaasad ay ku maamulayso, waayo xukuumaddu iyada uga masuul ah fulinta shuruucda isgaadhsiinta dawliga ah, shirkaduhu waa shirkadaheenii ganacsi waanay u madaxbannaan yihiin ganacsigooda, haddanay wax ka hor imaanayaa sharcigeena iyo qawaaniinteena, laakiin nidaamka dawladu doorka ay ka ciyaaraysaa waxannay ka mid ahayd isbedelka ay dadku doorteen in la hirgaliyo shuruucda dawliga ah awooda aanu u leenahayna waa mid dhab ah, haddii ay shirkaduhu buuxin waayan waxaannu la kaashanaynaa waa xeerarka dalka u yaala iyo xeerarka caalamiga ah.
Isaga oo wasiirku arrinta xadhkaha isdulsaarsaaran, isla markaana isaga oo ka hadlaaya waxa uu yidhi “Wakhtigan maanta la joogo ee 2010 waa nidaam fool xumo ah oo badowtinimo ah in magaalooyinka xadhko noocan oo kale ah la isdul saarsaaro, adduunyaduna mar hore ayey ka gudubtay, shirkadahana aad baan u ogahay inay ku baraarugsan yihiin, waana waajib waana shaqada ugu horreysa ee aanu ka wada hadli doono, waxaananu u soo jeedinaynaa shirkadaha inay aqbalaan.”
Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa