Madaxweynaha Somaliland o Digreeto Dib Ugu Magacaabay Gudigii Cusbitalka Hargeysa
Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta Magacaabay Guddida Cisbitaalka Guud ee Hargeisa.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa mar kale maanta dib u magacaabay guddidii horumarinta cusbitaalka Hargeysa ee uu badhtamihii sanadkan kala diray Madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale.
Gudiga Madaxweyne Silaanyo magacaabay oo ka kooban toban xubnood oo dhammaantood ah xubnihii uu hore shaqada uga eryay Rayaale, waxa guddoomiye looga dhigay Mudane: Maxamed Xuseen Caabi, halka guddoomiye ku xigeenna uu u noqonayo Dr. Aadan Axmed Abokor.
Warsaxaafadeed uu maanta soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo lagu shaaciyey magacyada guddida cusub ee Cusbitaalka Hargeysa, waxa uu u qornaa sidan:
”
Markuu arkay: Qodobka 90aad ee Distoorka Qaranka.
Markuu tixgeliyey: Ahmiyada ay Guddida Cisbitaalka Guud u leedahay Dhismaha Qaranka.
Markuu la tashaday: Cidda ay kusayso.
Markuu Kafiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo
Markuu ku qancay: in ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay.
Wuxuu Go’aansaday Madaxweynuhu:
1. Mudane: Maxamed Xuseen Caabi ( Gudoomiyaha Guddida Cisbitaalka)
2. Dr. Aadan Yuusuf Abokor ( G/ku-xigeenka Guddida Cisbitaalka)
3. Mudane Suldaan Xasan Warsame Shire
4. Mudane: Xasan Cali Muuse
5. Marwo. Aamina Yuusuf Aar
6. Marwo. Saakin Jirde Xuseen
7. Xildhibaan Cabdilaahi Cali Askar
8. Xildhibaan Yuuusuf Maxamed Guuleed
9. Mudane: Axmed Muxumed Madar
10. Dr. Cali Qaadi.”
Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa
Email, kulmiyeparty1@hotmail.com