Madaxweynaha Somaliland oo Cayimay Maalinta Nadaafadda Qaranka
Hargeysa,(LMIYE.ORG) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Maanta soo saaray Digreeto cusub oo uu ku cayimayo Maalinta Ololaha Nadaafada Somaliland sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed isla maanta ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cakuse).
Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirani waxa uu u dhignaa sidan:-
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
Republic of SOMALILAND
Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
Date: 03/09/2010
Khudbadii Maanta ee Madaxweynaha
Bismilahi Raxmani Raxiim
Wa bihi nastaciin calaa umuuri dunyaa wa diin
Asalaamu calaykum wa raxmatulaahi wa barakaatahu
Walaalayaal, dhamaan ummada reer Somaliland meel aydin joogtaanba waxaan idin soo gaadhsiinayaa salaam walaltinimo, salaam ehelnimo, salaanta islaamka.
Waxaan ilaaheena weyn inooga baryayaa inuu ina siiyo barakada iyo khayrka bisha Ramadaan ee uu bilaha ka doortay. Waxa kale oo aan ka baryayaa in uu inagu nageeyo nabadiisa iyo nimcooyinkiisa oo aan nuqsaan lahayn. Aamiin.
Walaalayaal,
Aniga oo ka duulaya tilmaamaha diinteena islaamka ah, tusaalaha Rasuulkeenii suubanaa iyo dhaqankeena iyo hiddaheena.
Aniga oo raacayaa distoorkeena JSL
Aniga oo hirgalinaya qodob ka mid ah qorshe hawleedkii aanu xukuumad ahaan go’aansanay inaanu fulino 100 cisho ee u horeeya
Aniga oo xoojinaya dareenka wadaniyadeed ee isku tashiga ah ee muwaadiniinteena.
Iyo aniga oo dhiiri galinaya fikirka wax wada qabsiga bulshadeena iyo daryeelka hantida wadareed ee umadda ka dhaxaysa.
Waxaan maanta ku dhawaaqayaa Maalinta Nadaafadda Qaranka
Waxaan ku dhawaaqayaa in ay Maalinta Axadda ee Bishan September tahay September 05, 2010 todobada Subaxnimo “7: 00 Am” in ay dalka oo dhan ka bilaamayso maalinta loo qoondeeyay ololaha nadaafada, taas oo 45 kii maalmoodba dalka oo dhan laga hirgalin doono si joogto ah haddii eebe idmo.
Waxaan ku wargelinayaa dhammaan Muwaadiniinta reer Somaliland, Madaxda iyo shaqaalaha Dawladda, Ganacsatadda, Hay’daha aan Dawliga ahayn, Culimadda iyo Dhamaanba Shacbiweynaha reer Somaliland-ba inay ka qayb qaataan ololaha Nadaafadda Qaranka.
Waxaan farayaa Badhasaabada iyo Dawladaha Hoose ee Dalka inay si buuxda ugu diyaar garoobaan Ololaha oo ay hirgelintiisa iyo guushiisaba ay hubiyaan.”
Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa
Email, kulmiyeparty1@gmail.com