Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalay Maalinta Nadaafadda Qaranka


Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyaan xubno ka mid ah Golaha Wasiirradda ayaa saaka dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa iyo shaqaaleweynaha dawlada kala qeyb galay maalinta olalaha nadaafadda qaranka oo uu isagu dhawaan iclaamiyay.

Madaxweynuhu wuxuu kormeeray shanta degmo ee caasimada Hargeysa waxaanu gacantiisa kaga ururiyay xashiishka ka dibna waxa uu hadal uu ka jeediyay halkaasi u mahad celiyay dadweynaha caasimada Hargeysa iyo gobolada dalka oo si weyn ugu soo baxay olalaha nadaafada waxaanu yidhi “Waxaan doonayaa inaan halkan mahad naq uga soo jeediyo dadweynaha reer Hargeysa, shaqaalaha dawlada Hoose iyo guud ahaan shaqaalaha dawlada dhexeba oo maanta olalahan oo ka dhacaya dalka oo dhan ka qeyb galay. Waxaan u mahad celinayaa ammaana u soo jeedinayaa cid allaale iyo cidii ka qeyb qaadatay arrintan.”

<
Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay inuu olalahani joogto noqon doono.“Waxaan leeyahay bulshada aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin waxay inoo noqon doontaa mid joogto ah oo aynu ku hanano caafimaadka bulshadeena, ummadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogtaba hambalyo ayaan u soo jeedinayaa,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Olalahan saaka ayaa dalka oo dhan ka furmay 7:00 subaxnimo waxaana u soo baxay kumaanaan dadweyne ah iyo shaqaalaha dawladaha Hoose iyo dawlada dhexe oo maanta shaqadii fasax ka ahaa.

http://lughaya.com/wp-content/uploads/2010/09/madaxwayne-siilaanyo-oo-ka-qayb-qaadanaya-maalinta-ololaha-1.jpg

Dadweynaha Somaliland ayaa soo dhaweeyay olalahan nadaafada ee Madaxweynuhu iclaamiyay, waxaanay soo jeediyeen in si joogto ah 45-kii cishaba hal mar la qabto.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa
Email, kulmiyeparty1@gmail.com

Comments are closed.