Dawladda Itoobiya oo Markii ugu Horreysay Martiqaad Rasmi ah u Fidisay Madaxweyne Siilaanyo

Addis Ababa (Jam/KULMIYE)- Dawladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay shalay daboolka ka qaadday in ay martiqaad rasmi ah u fidisay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Sidaana waxa lagu sheegay war-murtiyeed ay si wadajir ah magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ka soo wada saareen Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Dr. Tekeda Alemu oo kulan gaar ah markii labadaas shalay yeeshay.

Warsaxaafadeed uu magaalada Addis Ababa ka soo diray Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ku leedahay Itoobiya Mr. Ayaanle Salaad Diiriye oo lagu faahfaahiyey natiijada kulamo muhiim ah oo Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar magaalada Addis Ababa kula yeeshay shalay madax sare oo ka tirsan dawladda Itoobiya iyo diblomaasiyiin shisheeya oo kala duwan, waxa uu isagoo faahfaahsan u qornaa sidan:

“Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa maalintiii labaad maanta [shalay] kulan khaas ah la yeeshay Wasiiru-dawlaha Arrimaha Debadda ee Itoobiya Dr. Tekeda Alemu, kulankaasna waxa si qoto-dheer loogu lafoguray xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal Itoobiya iyo Somaliland, iyadoo si gaar ah looga wadahadlay arrimo la xidhiidha nabadgelyada, ganacsiga, isgaadhsiinta iyo guud ahaan iskaashiga labada dal, waxana si buuxda laysugu afgartay in labada geesoodba ku faraxsan yihiin xidhiidhka fiican ee hadda ka dhexeeya labada dal, diyaarna u yihiin sidii loo kobcin lahaa, loona ballaadhin lahaa xidhiidhkaas.

Ugu dambantii, labada wasiir waxa ay kulankaas ka saareen war-murtiyeed ka turjumaya siyaasadda iyo dareenka labada dawladood ee ku wajahan xidhiidhka iyo iskaashigooda.

Waxa kaloo war-murtiyeedkaas lagu caddeeyey, laguna baahiyey in Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu booqasho rasmi ah ku tegi doono waddanka Itoobiya. Sidoo kale, waxa war-murtiyeedkaas lagu baahiyey warbaahinta Itoobiya ta gobolkaba.

Geesta kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland waxa kaloo uu isla maanta [shalay] la kulmay Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Maraykanku ku leeyahay magaalada Addis Ababa, ahna sii haya safaaradda Mr. T.Kirk Mcide iyo safiirku-xigeenka labaad Mr. Casey, waxana ka mid ah arrimaha wasiirku kala hadlay masuuliyiinta Safaaradda Maraykanka sidii dhallinyarada ka qallin-jebiya jaamacadaha Somaliland loogu samayn lahaa fursado shaqo si uu markaas u kordho dhaqaalaha dalku iyo si loo yareeyo saamaynta arrimaha xagjirku yeelan karaan dhallinyarada.

Waxay kaloo labada dhinac kulankaas iskula soo qaadeen doorka Maraykanku ka qaadan karo dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha dalka sida dekedaha, waddooyinka wershadaha wax-soo-saarka, kulankaasina guud ahaan wuxuu ku dhammaaday is afgarad buuxa.

Sidoo kale waxa wasiirka maanta [shalay] ku booqday hudheelka uu deggan yahay ee Hilton Hotel, Addis Ababa Safiirka Itoobiya u fadhiya waddanka Roomaaniya Ambassadot Gabriel, iyagoo ka wadahadlay sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya Midowga Yurub iyo Somaliland, maadaama safiirku yahay madaxa ururka safiirrada Yurub ee fadhigoodu yahay Itoobiya. Waxay kaloo ka wadahadleen sidii Somaliland uga qaybgeli lahayd shirarka Midowga Yurub ee lagaga hadlayo arrimaha Geeska Africa

Safiirku waxa uu sheegay sida loola dhacsan yahay Somaliland dhan walba, isla markaan aan loo dafiri Karin mihiimadda Somaliland iyo saamaynta ballaadhan ee ay ku leedahay gobolka

Kulamadaas waxa wariirka ku wehelinayey Mr. Ayaanle Salaad Diiriye oo Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ku leedahay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa
Email, kulmiyeparty1@hotmail.com

Comments are closed.