Xoghayaha Kulmiye Oo Ku Tilmaamay Muddo Kordhinta Guurtida Mid Lagu Degdegay.
Hargeysa(Haatuf/KULMIYE.ORG) Sept.08, 2010 – Xoghayaha guud ee xisbiga Muxaafidaka ah ee KULMIYE Kayse Xasan Cige ayaa ku tilmaamay muddo kordhinta guurtidu ay shalay ansixisay inay tahay mid lagu degdegay, waxaanu intaasi ku daray in aan loo baahnayn in muddada intaa leeg la kordhiyo.
Xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye waxa kale oo uu sheegay inay hoboonayd in muddo sanad ama sanad iyo badh ah ugu badnaan la kordhiyo, balse tani tahay mid aan loo baahnayn.
Xoghayaha xisbigu waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay khadka telefoonka ugu waramayey Wargeyska Haatuf waxna kaga weydiinay sida ay u arkaan xisbi ahaan muddo kordhinta guurtidu muddada xilka ugu kordhisay labada gole Baarlamaan iyo dawladaha Hoose.
“Arintan maanta dhacday ee ay Golaha Guurtidu iskugu kordhiyeen muddada xilkooda Wakiilada iyo Golayaasha deegaankana ugu kodhiyeen xisbi ahaan waxaanu u aragnaa arin lagu dagdagay, looma baahnayn in sanad ama sanad iyo badh wax ka badan la kordhiyo waana talaabo aanu dhaleecaynayno, waxaynu nahay dawladd yar oo aan dhaqaale badan haysan oo aan qaadi karayn arimo badan, waxay ahayd in arintan lala kaashado dadkii markii horeba inaga caawinayey”.
S: Maadaama oo hadda muddo kordhin ay sameeyeen Guurtidii idinkiina aad diidan tihiin maxaad xal u arkaysaa?
J: Arintan xalkeedu waxa uu yaalaa oo looga wareegi karaa waa dhinaca sharciyada Maxkamada sare, arintaasina maaha arin anaga noo taala waa mid u taala Madaxaynaha, Baarlamaanka iyo Maxkamada.
S: Warqadii uu Madaxwaynuhu u gudbiyey Guurtida miyaan la odhan Karin waxa ay qayb ka ahayd muddo kordhintan oo wuu kula socdaa miyaanay shacbigu u qaadan Karin?
J: May Madaxwaynuhu marna kulama socdo, sida loo dhigay iyo sida ay ahayd way kala duwan yihiin, Madaxwaynuhu waxa uu yidhi isagoo tixgalinaya duruufaha jira ee dhinacwalba leh, maadaama oo uu wakhtigii Golayaasha Guurtida, Wakiilada iyo Golayaasha deegaankaba dhamaanayo Guta waajibkiina Guurtidaay.
S: Talaabadani miyaanay u muuqan tii aad hore ugu dhaleecayn jirteen xukuumadii Rayaale?
J: Hadalkaas afeef ayaan ka sii dhigtey oo waanigii ku idhi UDUB hadii aanay hore u sameynin may dhacdeen hada, runtiina meel looga leexdo korodhsiimo hada ma jirto, mihiimaduna waa sidii la iskula waafaqi lahaa mudada korodhsiimada.
Dhinaca kale Ugu horayn ku simaha Gudoomiyaha xisbiga UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasin, oo isagu shalay uga waramayey idaacada BBC-da laanteeda afka Somaliga, sida ay xisbi ahaan u arkaan talaabadan Guurtidu mudadii sharciyooda iyo tii sharciyada Wakiilada iyo Deegaanka waxa uu yidhi “Sadexda Xisbi qaran iyo komiishanka doorashooyinka ayaa u balansanaa in 15 Septem 2010 ay isugu yimaadaan kulan ay kaga arrinsanayaan arrintan Muddo Kordhinta Baarlamaanka iyo Golayaasha Deegaanka, Hasayeeshe muddo kordhintan ma noqonayso mid la aqbali karo waana arin aanu leenahay waa lagu dag dagay oo xisbi ahaana ma aqbalayno.”
Waxa uu intaa ku sii ladhay oo uu yidhi “Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu gowracay taladii loo balansanaa, in la isaga yimaado (UCID, UDUB iyo KULMIYE iyo komiishanka) ee la xidhiidhay muddo kordhinta”.
Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa,
kulmiyeparty@gmail.com