Gudoomiyaha Xisbiga Oo Kormeeraya Hawsha Diiwaangalinta Gobolka Sanaag Deegaamadiisa Galbeed (News)


Gar-Adag (Somaliland.Org) Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa maanta kormeer hawleed ku soo maray sida ay hawsha diiwaan-gelintu uga deegaamada galbeedka gobolka Sanaag.

Weftiga gudoomiyaha xisbiga KULMIYE oo saaka ka soo boqoolay magaalada Ceergaabo waxay socdaalkooda ku soo mareen deegaamada Yufle, Kalmac, Kal-sheekh iyo degmada Ceel-Afweyn, kuwaas oo ay ka socoto hawsha diiwaan-gelintu.

Gudoomiyaha KULMIYE Axmed Siilaanyo oo si weyn loogu soo dhaweeyay degaamadaa uu soo maray ka hor intii aanu soo gaadhi degmada Ceel-Afweyn waxa uu faagaare kala hadlay dadweynaha  deegaamada Yufle {Daara-Salaam},kuwaas oo ku dhiiri geliyay muhiimada ay diiwaan-gelintu u leedahay qaranka iyo shacbiga reer Somaliland, isla markaana wuxuu warbixino ka dhegeystay duqayda degmada Yufle kuwaas oo si weyn uga hadlay wax qabad la’aanta xukuumada maanta haysa talada dalka iyo sida ay degmadu uga aradantay adeegyadii arrimaha bulshada.

Gudoomiye Axmed Siilaanyo wuxuu shacbiga degmada Yufle si weyn ugu guubaabiyay inay si nabad gelyo ah ula tartamaan deegaamada iyo gobolada kale ee dalka oo ay uga qayb galaan sidii ay u muujin lahaayeen tiradooda deegaan ahaa, waxa isna faagaarahaa kala hadlay dadweynaha degmada Yufle Xildhibaan C/raxmaan Yuusuf Cartan oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada kaga jira xisbiga KULMIYE oo ka mida weftiga xisbiga KULMIYE ee kormeeraya hawsha diiwaan-gelinta.

Gudoomiye Axmed Siilaanyo iyo Weftigiisa markii ay soo gaadheen degmada Ceel-Afweyn waxa si weyn ugu soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE oo isugu jiray heer degmo, heer qaran, cuqaal, xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka degmada Ceel-Afweyn kaga jira xisbiga KULMIYE iyo dadweyne tiro badan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha xisbiga ee degmada Ceel-Afweyn Maxamed Maaweel Ducaale, Maxamuud Raage Axmed, Axmed Yuusuf Ducaale, Dalmar Saalax Jaamac, Caaqil Cabdi Gaas, Faysal Gadhle.

Waxaanu wefigu caawa ku sugan yahay degmada Ceel-Afweyn iyagoo beri kormeeri doona deegaamada degmadan isla markaana wuxuu weftigu kulamo la yeeshay odayaasha iyo waxgaradka degmada.

Dhinaca kale weftiga gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo waxay socdaalkooda ku soo mareen deegaamada degmada Gar-Adag halkaas oo ay si weyn ugu soo dhoweeyeen dadweyne aad u tiro badan oo tuban safaf dhaadheer oo badhtamaha magaalada ah isla markaana sita caleemo qoyan, kuwaas oo uu horkacayay Axmed Cilmi Bare oo ka mid ah gudiga fulinta ee xisbiga KULMIYE.

Axmed Siilaanyo oo faagaare kala hadlay dadweynaha degmada Gar-Adag wuxuu ku dhiiri geliyay shacbiga reer Gar-Adag ahmiyada ay diiwaan-gelintu u leedahay deegaanka iyo guud ahaanba qaranka Somaliland.

Xigasho/ Somaliland.Org Gar-Adag

Comments are closed.