Tirooyinka Hordhaca Ah Ee Iska Diiwaan-Gelisay Deegaamada Gobolka Sanaag (Xigasho Somaliland.org )
Burco (Somaliland.Org) Iyadoo maalintii shanaad ay ka socoto hawsha diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha inta badan deegaamada gobolka Sanaag ayaa waxa soo baxaya tirooyinka hordhaca ah ee iska diiwaan-gelisay inta badan deegaamada gobolka Sanaag.
Wararka aan si rasmi ah loo shaacin ayaa sheegaya in tirada hordhaca ah ee iska diiwaan-gelisay deegaamada gobolka Sanaag ay gaadhayso afartii maalmood ee hawshu ka socotay deegaamadaasi 140-Kun.
Waxayna xogo lagu kalsoon yahay iftiimiyeen in degmada ceegaabo dibadeeda ay gaadhayso tirada iska diiwaan-gelisay afartii maalmood ee la soo dhaafay 29-Kun oo qof, halka 19-Kuna in ka badana ay iska diiwaan-gelisay goobaha magaalada gudaheeda ah.
Sidoo kale waxay xoguhu tibaaxeen in guud ahaan deegaamada degmada Ceel-Afweyn oo ka koobnayd 33-goobood ay iska diiwaan-geliyeen afartii maalmood ee u dambeeyay ku dhowaan 32-Kun oo qof, halka deegaamada degmada Gar-Adagna iyana ka koobnay 20-goobood ay marayeen dadka iska diiwaan-geliyay afartaasi maalmood ee la soo dhaafay in ku dhow 30-Kun oo qof.
Wararka ka imaanaya dhinaca deegaamada bari Sanaag oo hawsha diiwaan-gelintu ka bilaabantay maalintii shalay waxay sheegayaa in gobo yar oo cayiman oo ku dhowdhow dhinaca degmada Dhahar ay hawsha diiwaan-gelintu ka bilaabantay maalintii shalay, taas oo wararku sheegayaan in tirada ka hawl gashay gudaha magaalada Dhahar ay aad u yartahay lama oga sababta ay uga hawl galeen tiradaasi yar hase yeeshee sida laga war qabo deegaamada bari Sanaag ayaanay wax doorasho ahi hore uga qabsoomin, taas oo dadka deegaamadaasi aad ugu kala qaybsan yihiin.
Waxaanay waraku sheegayaan in degmada Dhahar loo qoondeeyay 25-goobood, halka degmada Badhana loo qoondeeyay 24-goobood, taas oo wadarta guud ee labadaasi degmo ka dhigaysa 49-goobood balse tirada hawl wadeenada ilaa iminka gaadhay deegaamadaasi waxa la cadeeyay in aanay gaadhay labaadta.
Isku soo wada duuboo sida xogo u dhuun daloolaa tibaaxeen waxa lagu qiyaasayaa tirada deegaamada gobolka Sanaag iska diiwaan-gelinaysaa inay gaadhi doonto in ku dhow laba boqol oo kun oo qof haddii aanay kaba badnaan.
Xigasho / Somaliland.Org Burco