Mas’uuliyiinta Xukuumada Daahir Rayaale Oo Isku Riixriixaya Furitaanka Wadada hormarta Aqalka Madaxtooyada Oo Xidhnayd Mudo Hada La Joogo Laba Bilod Iyo Dheeraad
Wadada Wadnaha
Kuliye.org
Wadada wadnaha u ah magaala madaxda Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa oo hormarta guriga madaweynaha Daahir Rayaale Kaahin ayaa xidhnayd mudo ku dhow laba bilood iyo dheeraad sababo lagu tilmaaay inay la xidhiidhaan aminiga iyo qaraxyadii lala beegsaday guriga madaxtooyada, xafiiska wakiilka dawlada Ethiopia iyo xafiiska UNDP bishii Oktobar.
1. Hadaba su’asha is waydiinta mudani waxay tahay wadada labadaa bilood ma waxay u xidhnayd dhisimayaal (dayr adag) oo lagu kordhinayay agagaarka guriga madaxtooyada?
2. Wadadaas oo ay ku yaalaan golayaasha qaranku , xafisyo badan oo dawladeed isla mar ahaantaasna ay si waacan uga dhex gooshaan baabuurta dadweynaha ku nool caasimada iyo gaadiidlayda danyarta ah ee magaala madaxda ka dhex shaqaysta, khasaare intee le’ eg bay u gaysatay labadaa bilood xidhitaanka wadadaas cid xidhay iyo furaba la garan la’yahay?
3. Hadayba mas’uuliyiinta xukuumada Daahir Rayaale sidaas oo kale isugu riixriixayaan furitaanka wadadaas, maxaynu ka sugaynaa dalkii intiisii kalena inay xukuumadu ka yeesho, yaa ka mas’uul ah wadada marka hore ?
4. Ugu dambayn iyo su’aal ah imisa goor oo hore ayaa wadadaas loo xidhay sababo la xidhiidha xafladaha iyo ruwaayadaha isdaba jooga ah ee habeeno badan ka dhacay guriga madaxtooyada?
Kulmiye.org
_________________________________________________
Murtida Dhanxiir Oo Anu Ka Soo Xiganay Website ka Jamhuuriya online
Maansha Allaah, Alleylehe, waa kaa Saqadhi Dubbad iska leexiyey balan furkii wadada gaadiidka laga cuno qabateeyey, kolhaddii uu yidhi; ‘Alla hay ka Alle, dambiga balan jabintaa anigu malihi ee halagala xisaabtamo Daakhiliga isagaa og sida wax yihiin iyo halka laga haystee

Weger; Adeer, xukuumadan Aw Rayale balan furku ceebteeda maahee waa caadadeed oo malaha faalkaa qabtaye iga daa warkoodoo waxaad ka warantaa raashinkan yare ee sadaqo ahaan Hay’aduhu masaakiinta u siiyaan ee laga baayac mushtaraynayo. Cajab
Masuuliyiinta sare ee xukuumadda oo isku tuurtuuray dib-u-dhaca ku yimi Furitaanka Waddada Madaxtooyada Hormarta
“Anigu furitaanka waddada waan ku dhawaaqay, sababta dib-u-dhaca ku keentayna wasiirka daakhiliga weydiiya isagaa warkii oo dhan hayee”
Taliyaha booliiska Somaliland
“Arrinta ku dhawaaqidda furitaanka waddada waxay shaqadiisa tahay maayirka Hargeysa… isaga waydiiya”
Wasiirka Daakhiliga
“Haddii taliyaha boolisku ku dhawaaqay in waddadu furan tahay, ma garanayo sababta ay dib ugu dhigeen”
AF hayeenka madaxtooyada
Hargeysa (Jam)- Masuuliyiinta sare ee xukuumadda Somaliland ayaa isku tuurtuuray sababta dib-u-dhaca ku keentay go’aan hore loogu dhawaaqay oo ku saabsanaa in la furayo waddada madaxtooyada hormarta oo xidhnayd tan iyo wixii ka dambeeyey qaraxyadii 29 October 2008 dalka ka dhacay.
Wadadan oo muddo laba bilood ah ka xidhnayd isticmaalka gaadiidka ayaa waxa qorshuhu ahaa in shalay la furo, kadib markii Axaddii uu sidaas ku dhawaaqay taliyaha booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad.
Haseyeeshee ballanqaadkaas waxba kamay fulin, ilaa haddana si rasmi ah looma oga sababta dib-u-dhaca ku keentay, iyada oo masuuliyiinta dawlaadduna masuuliyadda arrintaasi midba midka kale iskaga riixay.
Taliyaha Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubbad oo isagu ah masuulkii ay afkiisa ka soo baxay go’aanka furidda jidkaas oo xalay Jamhuuriya wax ka weydiisay sababta baajiyey ballanqaadkii uu shaaciyey ee ahaa in shalay gaadiidka loo furo waddada hormarta madaxtooyada, ayaa masuuliyadda dib-u-dhaca furista wadada iska leexiyey dhinaca wasiirka daakhilga Md. Cabdilaahi Cali Ismaaciil (Cirro), isaga oo sheegay in arintaas la waydiiyo wasiirka.
“Anigu furitaanka wadada waan ku dhawaaqay, sababta dib-u-dhaca ku keentayna wasiirka daakhiliga weydiiya isagaa warkii oo dhan hayee,” ayuu si kooban u yidhi taliyaha booliisku isaga oo hadalkiisa laga dhex dhadhansan karayay siduu uga cadhaysan yahay fulid la’aanta go’aankii uu ummadda maqashiiyey ee ay waxba ka socon waayeen.
Dhinaca kale, wasiirka arrimaha gudaha Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo isagana aannu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay si aanu wax uga weydiino sababta loo hakiyey go’aankii Taliyaha booliska ee ahaa in shalay la furo waddada madaxtooyada hormarta, ayaa uu isaguna arrintaas isaga leexiyey dhinaca maayirka caasimadda Hargaysa oo uu sheegay in ay tahay masuuliyaddiisa.
“Arrinta ku dhawaaqidda furitaanka waddada waxay shaqadiisa tahay maayirka Hargeysa, isaga ayaana u xilsaaran oo ay hayd inuu basaska iyo takaasida u sheego in waddadu furan tahay, qorshuhuna muu ahayn in shalay la furo ee waxay ahayd in berrito [manta] la furo waddada, maayirkuna maanta ku dhawaaqo, ilaa haddana ma ogi inuu ku dhawaaqay iyo in kale, isaga waydiiya inuu ku dhawaaqay iyo in kale,” ayuu yidhi Md. Cirro.
Maayirka caasimadda Hargeysa, Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo isagana xalay aanu la xidhiidhnay si arrintan wax uga waydiino maadaama ay borotokool ahaan tahay masuuliyaddiisa inuu ku dhawaaqo furitaanka waddada, ayaanay noo suurtogalin in aanu khadka telefoonka ku helno.
“Haddii taliyaha boolisku ku dhawaaqay in waddadu furan tahay, ma garanayo sababta ay dib ugu dhigeen, wax qorshe ah oo socdana iminka idiinma sheegi karo.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Mr. Siciid Caddaani Mooge aannu wax ka weydiinay arrinta furista jidka wadnaha ee masuuliyaddiisa laysku tuurtuuray.
Dhinaca kale gaadiidleyda ayaa farxad ka muujiyey markii ay maqleen go’aankii taliyaha booliiska ee ahaa in wadadu furantahay, kuwaasi oo shalay ku hungoobay qorshahoogii ahaa in ay six or ah u mari karaan wadada halbawlaha ah ee muddada dheer xidhnayd, iyada oo baabuur badani ku khaldameen wadada xidhan oo naftooda khasaare u gaysan gaaddhay, kadib marka ay ilaalada madaxtooyadu qoryaha u soo rogtaa.
“markii aan idaacada ka maqlay in wadadu furantahay aad baan u farxay, subaxiina waxaan ku soo talo galay in aan maro waddadii, laakiin waxaa naxdin iyo filan waa igu noqotay markii aan arkay wadadii oo sideedii u xidhan oo qoryo lala hor tuban yahay, waxan la yaabanahay sababta loo fulin waayay balanqaadkii ahaa in wadada la furayo.” Sidaana waxa yidhi mid ka mid ah darawaliintii shalay ku hungoobay wadada xidhan ee madaxtooyada Hormarta.
Jidka hormara qasriga madaxtooyada oo xidhitaankiisa dhibaato weyni ka haysato gaadiidlayda, ayaa sida oo kale waxay hoos u dhigtay bilicda caasimadda, iyada oo aad arkayso maryo, baco iyo xadhko si qaab daran loogu taxay kaantaroolka waddada laga xidhay. Waxa kale oo ay arrintani wax u dhimaysaa kalsoonida shacabka iyo ajaanibku ku qabaan xasiloonida iyo nabadgalyada Somaliland, gaar ahaan baabuurta tignikada ah ee jidka hareerahiisa dhufayska kaga jira oo muujinaya xaalad amni-darro oo dalka ka jirta.
Jamhuuriya Online
a