Waraysi Ay Shabakada Somalilandtoday La Yeelatay Xildhibaan Dr Axmed Maxamed Diiriye ( NacNac ) Oo Hada Ku Sugan Galbeedka Magaalada London

Main News
Waraysi Xiisa Badan oo Aannu La Yeelanay Xildhibaan Dr. Axmad Maxamed Diiriye (Nac Nac). Waraysigan oo ka dhacay guriga xildhibaanka oo ku yaalla galbeedka London wuxuu u dhacay sidan:

S. Marka ugu horreysa, adigu waad xanuunsatay intii aad socdaalka ku joogtay waddankan ingiriiska, markaa immika xaaladaada caafimaad siday tahay?

J. Xaaladayda caafimaad aad iyo aad bay u wanaagsantahy waana Ilaahay mahaddii oo nin iga nasiib badani maba jiro ayaan u malaynayaa waayo waxa la igu daweeyey qaybta wadno xanuunka soo boodada ah (Heart Attacks Unit) ee Hammersmith Hospital. Halkii Ra’iisal Wasaarihii hore ee Ingiriiska Tony Blair lagu daweeyey ayaa anna la i dhigay markaa ma nin iga nasiib badan ayaa jira. Waa Ilaahay mahaddii, waanaan caafimaad qabaa.

S. Haddii aad xisbiga KULMIYE tihiin maxaa ka yeelaysaan dadka badan ee Siilaanyo ka soo horjeeda siday doonaanba ha uga soo horjeedaane?

J. Markaad leedahay “dad badan ayaa Siilaanyo ka soo horjeeda” xageed adigu cabirka ka qaadanaysaa, maxaadse tix raacaysaa?. Waxaan u malaynayaa inuu hadalka uun halkaa kula xulay. Horta Nebigeenii suubanaa (CSW) ayaa markii Risaaladda loo soo dhiibay laga soo hor jeestay. Markaa in qof hoggaamiye ah laga soo hor jeesto wax lala yaabo maaha, laakiinse waxa wax lala yaabo ah hoggaamiye wixii uu yidhaahdaba ama sax ha noqoto ama qalad ha noqotee “HAA HEY” laga daba leeyahay; marka fikirkiisa laga soo horjeesto ee wax tusaaleeya la is-yidhaadana jeelka kuu taxaaba, taasaa wax lala yaabo ah.

Annagu [KULMIYE] waxaannu qabsanay laba shirweyne oo ummadda oo dhami goob joog u ahayd oo kana warqabtay. Waxa lagu soo doortay- waa shirkii Hargeysa eh- guddoomiye iyo guddoomiye-ku-xigeenkii xisbiga oo lagu loolamayey. Kii Burco isna waxa lagu baratamay murashaxiinta xisbiga ee madaxweyne iyo madaxweyne-ku-xigeen isu soo taagi lahayd inkastoo aan anigu markaas waddanka ka soo maqnaa. Si dimuqraadiyadi ku jirto ayey u dhacday oo cod ayaa lagu kala baxay, wixii is-maan dhaaf ah ee ka dhashayna waa la soo af-jaray immika ee bal UDUB ayeynu ka dhur sugaynaa siday shirweyne sida kaayaga oo kale ah u soo qabsato. Illaa iyo imminka waxa laga hayaa in hawlwadeen xisbiga UDUB ka tirsani yidhi“annaga waxa noo sharraxan Madaxweye Riyaale iyo Madaxweyne –ku-xigeekiisa” iyadoo aanay shirweyne weli qabsan. Hadda ka horna waxay yidhaahdeen shirweyne Qaranba (National Party Convention) uma baahnin.

KULMIYE wuxuu aaminsan yahay in fikradda lagu kala duwanaan karo, si caafimaad qabtana loo doodo oo la is-qanciyo taas ayaanu annagu adkayn doonaa haddii xisbigayagu talada qabto. Haddaad ha naga soo horjeesatana ku xidhimayno.

Bal su’aashaas aad aniga i weydiisay Daahir Riyaale weydii, nasiib baad leedahay haddii aad jeelka Mandheera ka sokeysid.

S. Socdaalkii Norway aad ku tagteen adiga iyo Xidhibaan Professor Maxamed Cumar Jiir maxaad kala soo kulanteen?

J. Waxa casuumaad noo fidiyey Kambani Norwegian ah oo baatroolka ku shaqo leh oo Seminar ay qabanayeen noogu yeedhay markii dambena waxaanu shirar la yeelanay Waaxda Arrimah Debedda iyo qaybo kale oo ka mid ah dawladda Norway.

Waxay horta noo sheegeen in waddankeena baatrool badani ku jiro laakiinse waxay nagula dardaarmeen intuu waddankeenu ku sugan yahay xaaladdan musuqmaasuq iyo maamul xumada ah in aan wax baatrool ah laga qodin illaa Qaynuun Baatroolka ku shuqul leh (Petroleum Act) laga ansaxiyo baarlamanka haddi kale ay waddanka fidno badan u keeni doonto.

S. Madaxweynuhu heshiisyo badan oo uu la galay shirkado baatrool ah iyo qaar kaleba way jiraan markaa qaynun baatrool (petroleum Act) oo aad soo dejisaan muxuu soo kordhinayaa?

J. Horta Madaxweynuhu heshiish wuu la soo geli karaa kambaniyo iyo dawladaba laakiinse sharci ma noqon karaan heshiisyadasi haddii aanu Baarlamanku ansaxin sida ku qeexan dastuurka qodobkiisa 53aad, faqradda 3aad.

Laakiinse sida gaal iyo muslinba ogyahay Daahir Riyaal isaga ayaa heshiiyadaa la soo gala kamabaniyo wada suq madow ah isaga ayaana isu ansixiya inay sharci tahay. Tusaale ahaan waxa ka mid aha Al-Jaabiri oo uu heshiish xoolaha nool ah la galay, waxa ka mid ah TOOTAL, waxa ka mid ah shirkadaha kalluunka badaheena xaalufiyey ee illaa ugxantii soo qaaday, waxa kale oo ka mid ah heshiiskan immika la sheegayo, anigu ma hubo eh, ee ah in saldhig laga dhigto Berbera. Waxaas oo dhami waa in baarlamanka la horkeeno laakiinse Madaxweynuhu indhaha iyo dhagahaba wuu ka furaystaa. Uma haysto in sidiisa oo kale nala soo doortay oo aannu dad ka wakiil nahay.

S. Markaa golihii baarlamanka ee ummaddu u soo dooratay inay madaxweynaha xakameeyaan markuu marinka sharciga ah ka leexdo miyaanuu fashilmin?

J. Muu fashilmin baarlamanku laakiin waxa jira in madaxweynuhu hantidii ummaddu u dhiibatay ee uu ku dhaartay inuu ilaalinayo inuu u adeegsaday inuu ku kala qaybiyo golihii sharci dejintii oo uu aqal ka mid ahi isaga u go’ay, kii kalena waa golaha wakiilada eh ay qaybi u xidhantahay isaga, Garsoorkii (Judiciary) iyo laantii Fulintuna (Executive Department) ay isku milmeen. Markaa dawladdi waxay noqotay nin qudha oo gacanta laga dhunkado oo amar laga qaato. Qofka shaqo fiican hay’ad ka doonanayaa haddii aanuu madaxweynuhu ansaxin ma helayo shaqada xatii haddii aad ku guulaysatid imtixaanka sida ku dhacday Aamina Weris.

S. Haddii sida aad sheegayso madaxweynaha ay gacanta ugu jraan hay’adhii sharciga oo dhami, maaliyaddii waddanka iyo qalabkii warbaahinta oo dhan, maxaa isku tidhaadeen KULMIYE doorashada dambe wuu heli karaa?

J. Horta ciddii xukunka ku guulaysn doonta inay qabato Ilaahay weyn ee waaxidka ayuunbaa og. Hase ahaatee waxa la wada og yahay in Daahir Riyaale la doortay muddo 5 sano ah oo weliba sannad dheeraad ah oo aan meelna ku tirsanayn loogu daray bal wixii uu ummadda shantaa sanadood u qabtay ha soo bandhigo oo ha u sheego waxa uu u doonayo in shan sano oo dambe dib loogu doorto. Waxaan kaa tusaalanayaa meel yar oo qudha. Dorraad waxa laga mudaharaaday magaalada Seylac oo bulshadu ka cabanaysay wax qabad la’aanta maamulkan Daahir Riyaale. Magaalada Seylac waxay biyo la’ayd muddo saddex sannadood ah. Magaalada Hargeysana waxa weli ku jira beebakii biyaha ee Ingiriiskii dhigay oo loogu tala galay markay magaalada shan kun oo qof ku noolaan jireen, maantana dadka iska diiwaangeliyey ayaa ku dhawdhaw shan boqol oo kun, tirada ku noolina milyan waxba kama yara. Beeb qudha lagama beddelin oo biyo la’aan ayaa loogu dhimanayaa. Dadku habeenkii jirikaano iyo baaldiyo ayey la wareegaan casrigaa maanta ah. Aniga gurigayga oo magaalada badhtankeeda ku yaal waa biyo la’yahay oo taangibaa booyadi iigu shubtaa biyaha. Foostada biyaha ah iyo ta shiidaalka ah sicirkoodu waxba isma dhaamo, meelaha qaarkoodna biyaha ayaaba qaalisan. Nolosha la sheegaana biyaha ayay ka bilaabataa, bal adigaan ku weydiiyaye waa maxay markaa sababta Daahir Riyaale dib ay ummaddu ugu dooranaysaa? Isaga ayaa la weydiiyey wuxuu ummadda u qabtay intu xukunka hayey wuxuuna ku jawaabay, doorashooyin dimuqraadi ah ayaan keenay waddanka mid labaadna wuu ku dari kariwaayay. Daahir Riyaale iyo dawladiisa ummaddu maanta way ka dharagsantahay inay fadhiid tahay, markaa waxaanu leenahay shacabka Somaliland ee wanaagsan ee aan mar qudha xukun fiican helin, bal annagana [KULMIYE] na tijaabiya oo fursad na siiya aannu isku muujino.

S. Dhawaan waxa ka dhacay waddanka qaraxyo la isku dayay in madaxweynaha lagu dilo meelo kalena lala beegsaday, sideed arrintaa u aragtaa?

J. Dilka la isku dayay in lala beegsado madaxweynaha JSL Daahir Riyaale Kaahin waa dill ala damacsanaa in lagu baabiiyo qaranimada Somaliland, arrintaasna lama aqbali karo, waana la wada cambaareeyey. Arrintaas mucaarad iyo muxaafadba iskaga mid ayaanu nahay oo ul iyo diirkeed ayaannu ka nahay. Qofka aan aqoon u lahayn arrimaha siyaasadda ama aan u bislaan ayaa laga yaabaa marka la cambaareeyo madaxweynaha iyo wax qabadka maamulkiisa inuu u qaato in la iska soo horjeedo oo cadow la isu yahay. Cadow isuma nihin dawladda iyo Daahir Riyaale-toona laakiin fikradda iyo aragtida ayaanu ku kala duwanahay, wixii ay eedayn u arkaanna xaq bay u leeyihiin inay iska difaacaan.

S. Maxaad ummadda ugu dambayntii faraysaa?

J. Horta waxaan u mahadnaqayaa jaaliyadda reer Somaliland ee Norway ee sida fiican noo soo dhaweysay iyo Jaaliyadda UK gebi ahaanba aniga oo aan kala qaadqaadin.

Marka labaad waxaan ummadda farayaa inay ka digtoonaadaan been maamulka Daahir Riyaale shan sano oo dambe u soo maleego. Waxaad ogtihiin in la idinku yidhi shirkado South Africa ah ayaa waddanka imanaya, waxay qabteen ma hayno; waxa la inagu yidhi waxa la samaynayaa warshad dhuxul-dhagaxa ku shaqaysa oo shaqo lagaga dhargo, waxba kama shaqayn; waxa la inagu yidhi warshaddii sibidhka ee Berbera oo saddex boqol oo milyan oo doolar lagu samaynayo oo mar walba madaxweynuhu dhagax dhigo, weli way soo socotaa, waxa la yidhi idaacad waddanka oo dhan gaadha ayaa la keenaya, mid meel dheer warka u lalisa iska daayoo, tii hore u taalay ayaan Habaas-weyn laga maqal, Waddankii harraad ayaa loogu bahktiyayaa oo riig qudha oo la inagu tabarucay ayaad ogeydeen dhiigii ku qubtay, Cusbitaalo ayaa markii daryeel loo waayay guryo martidu seexato laga dhigtay, Carruurtii jaamacadaha ka soo baxday ayaan waxba loo hayn oo mustaqbal la’aan awgeed badda isku wada miidamiyey oo maydkooda yaxaasku badweynta ku raqaa, caddaaladi ma jirto oo ninkii lacag haysta ayuunbaa wax loo xukumaa. Kuwa Daahir Riyaale dan gaar ah ku qaba mooyaane u malaynmaayo inuu jiro qof caadiga ah oo maskaxdiisa qaba oo odhanaya shan sano oo kale musuqmaasuq, caddaalad darro iyo silic ah ha naloogu celiyo. Hadal iyo dhammaantii waxaan ummadda leeyahay in la tashado ayaa loo baahan yahay.

Bisha March 29da ee 2009 waxa la qaban doonaa, Insha Allaah, doorashadii madaxweynaha markaa waxaan leeyahay ummaddu ha ka fiirsato cidda ay u ku aaminayso aayaheeda shanta sano ee dambe ee soo socda, Daahir Riyaale xukunkiisa aragnaye.

Dhammaad

Xigasho / Somaliland Today

Comments are closed.