Khudbadii Gudoomiye Xigeenka Komishanka Iyo Marti-sharafta Kale Ee Shirweynaha 2-aad Ee Xisbiga Kulmiye
Khudbadii Gudoomiye Xigeenka Komishanka Iyo Marti-sharafta Kale Ee Shirweynaha 2-aad Ee Xisbiga Kulmiye
Hargeysa(Somaliland.Org) Shirweynaha labaad ee xisbiga kulmiye oo ay ka soo qaybgaleen goobjoogayaal doora oo kala socday hay’ado.caalami ah,kuwo wadani ah,shirgudoonada labada aqal ee baarlamaanka,wakiilka ka socday sarkaalka itoobiya u fadhiya Somaliland iyo xaubno ka mida gudiga doorashooyinka qaranka sida gudoomiyihii hore ee is-casilay Maxamed Yuusuf axmed ku gudoomiye ku xigeenka gudiga doorashooyinka xubno doora oo madashaasi shirweynaha labaad ee xisbiga kulmiye ka hadashay ka mid ahaa Xirsi Cali X. Xasan Gudoomiye ku-xigeenka komishanka Doorashooyinka hadal uu ka jeediyay madasha shirweynaha labaad ee xisbiga Kulmiye waxa uu yidhi “Doorkayaga aanu halkan u nimi waxa weeye mid ka duwan ka ay Xisbiyadu iyo ururka Qaran u yimaadeen. Waxa weeye in aanu ilaalino, kormeerno, dhinac joogno bal sida Xisbiyadu dhexdooda ugu talo-galeen ku dhaqanka dimuqraadiyada. Waxaanu u sheegaynaa warbaahinta dawlada inay shirweynahan Qaran si hufan oo cadaaladi ku jirto saxaafada oo dhami u baahiso. Waxaan u qirayaa geesinimo, raganimo, hogaamiyenimo iyo inuu cadkiisa goosan karo ugu hambalyaynayaa Dr. Maxamed Cabdi Gaboose. Shakiga laga muujinayo doorashooyinku inay dhacayaan waxa aanu aaminsanahay inay xilligoodii dhacayaan. Wax carqalad ahi hadday jirtana xisbiyada waa in lagala tashado. Waxaanu si talo wadaag ah xisbiyada ugu balan-qaadaynaa inaanu la tashayno talaabo kasta. Ilaa hada wakhtiga doorasho loo tixgelinayaa waa xilligeedii hadaan la helin talo qaran iyo heshiis loo dhan yahay. Doorashada waxaan leeyahay werwerka laga qabo way inoo dhici doontaa. Dhamaan bulshadana waxaan leeyahay waa in Komishanka lagu garab gala sidii ay u dhici lahayd doorashadu dhacdo.” Ayuu yidhi Gudoomiye ku-xigeenka guddiga doorshooyinka Xirsi Cali Xaaji Xasan
Xigasho / Somaliland.org Hargeysa.