Daljire :Codka Noo Hura ( Cabdillahi Geeljire)

DALJIRE

Daljire :Codka Noo Hura

By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:Wallaahi waan garanayay in ninkaa C/rashiid Qambi hadalkaa laga raacayo. Anigu wuxuun baan sugayey goorta Ina Rayaale xukuumaddiisu ay odhanayso qaraxii buu ku jiray oo Alshabaab baa taleefan noo soo dirtay.

Doolaal:Waa maxay hadalkaad sheegaysaa? Maxaase markaydin duni qastaan ee laydin qabto u tidhaahdaan mucaaridnimo ayaa nalagu xidhay?

Dubbe:Anigu weliba kelmad buu ka illaabay baan leeyahay hadalkii ee inuu Boolisna ku daraa bay ahayd.

Doolaal:waa maxay waxan aad ka hadlaysaa? Muxuu yidhi?

Dubbe:wuxuu yidhi . waa siduu hadalka u dhigaye. “Ina Rayaale waa nin laga garasho badan yahay oo bakhti iyo been isla helay aan cidina ka hor joogsanayn.” Anigu waxaan ugu dari lahaa “bakhti,been iyo Boolis buu isla helay.”

Doolaal:Ma waxaasuu ku hadlay ood leedahay maxaa loo xidhay? Bal waataase waxaan cay ahayn ha laydinka maqlo. Allah nimanku afxumaa.

Dubbe:Waar iska daayoo runtaa cay u taqaanaane. Jagadii marxuumkii Ina Bullaale weli cid ma la qoray? Sawtan la yidhi anagoon Waladaaliintii faataxadaba dhamayn meeshiisii shan nin baa isku haysta.

Doolaal:maxaa kaa galay adiga ma xisbigayagaad tahay?

Dubbe:mayee wallaahi waxaan ka naxsanay raga u soo cumaamatay halkaan ogaa. Marxuumka ayaanu isagoo nool u ooyi jirnay. Waar nimanka waxaad tidhaahdaan meeshan wax xoghaye la yidhaa ma jiro ee ha ku qaran jabina. “waar ma tanbaa Jafaalna baqal u soo fuulay” buu yidhi ninkii jiray. Meesha markeeda hore dadka udub u taliyaa golayaashiisaba wax yar baa kaga jira sawta la yidhi. Miyaanay taa ogeyn tolow?

Doolaal:yaa kugu yidhi?

Dubbe:waar tani waa iska wada Abasguule. Meesha waxa ka taliya ayaa layidhi ragga jeebkoodu gunta dheer yahay ee aan golayaasha ku jirin iyo cawil. Aar aan nimanka hoos ugu warramee ii kaadi.

Doolaal:waar adigu badayada ka bax.

Dubbe:Ma waxaad leedahay “do not enter our sea.” Waayahay ee Cabdillahi Darawal ka warran iyo arrintiisa u ku dhawaaqay shalay.

Doolaal: “Bal soo bax baa la leeyahay oo ay sacabka leefaysaa.” Ma noqotay haddana.

Dubbe:waxaan maqlay durba waxaad tidhaahdeen lacagta xisbiga muu bixin jirin. Oo yaa haddaa bixiya. Ta dawladda ayuumbaa xaddaan oo xisbiga ku quudisaane. Bal rasiidhkii Ina Rayaale ku bixiyay ha na tuso. Mise Ina Bullaale ayaa la dhintay buu odhan Alla ha u naxariistee? Wallaahi wax walba ka yaab. Wallaahi Darawal hadduu waxaa yeello isagaan kaanu naqaanayba ahayn.

Doolaal:waar waxayaga ka baxoo maxaa Kenya ka doonteen?

Dubbe:maxaa idinku Djibouti ka doonteen? Beentii yarayd ee guddi wasiiro ah ayaanu samaynay iyo heshiis baanu wadnaa saw maaha? Waanu ognay inaydin meesha macawiso u doonataan. Lix sanadood baanu beentaa yar soo dhegeysanaynay. Sawkaa nin waliba halkuu wax ku ogaa tegey maaha. Anagu dadkayaga ayaanu la soo kulmaynaa dawladahana waxaanu leenay sii diyaargarooba guusha dabeed been dambe oo laydiin sheegayaa ma jirto eh.

Doolaal:Oo maxaa dadkan gudaha ula hadli weydeen intaad kuwa debedda la soo hadlaysaan kuwanaaba codaynayee?

Dubbe:Waanu la hadallay oo waxaanu nidhi:

madax caanoo

cilmi badanoo

wada caadilla

baanu cuganee

codka noo hura

Dadkan cudurkiyo

Jahliga cuskaday

Aan ka cuudshoo

Ka casharinee

Codka noo hura

Cajam iyo carab

Dalka caddaw iyo

Col ku soo maqan

Aan ka celinee

Codka noo hura

Aan dhallinta cidlada

Caydh la tubanee

Cimrigood tegey

Camal siinee

Codka noo hura

Musuqa carrada

Cidhib tiray iyo

Boolli qaran cune

Hayska cararee

Codka noo hura

Kaan u ciil qabay

Citiraafkaan

Caska waagiyo

Ciyoon keeniye

Codka noo hura

Qof carruuriyo

Mid cirroole ah

Aynu ciidnoo

Ciyaar tumanee

Codka noo hura.

Waa innoo toddobaadka dambe. Haddii Eebbe idmo.

A.Geeljire

Comments are closed.