September 3rd, 2009 in Announcements, Kulmiye_party | Comments Off
GARABADA DHALINYARADA HEER QARAN EE LABADA XISBI UCID IYO KULMIYE
War Mur-tiyeed


Ujeeddada shirkan jaraa’id waxay ku aroortaa falalka foosha xun, isla markaana nidaamka dawladnimo iyo anshaxaba ka durugsan ee ay xubno Xisbiga UDUB ka tirsan kula dhex jiraan Ardeyda Jaamacadaha dalka. Read more »
September 2nd, 2009 in Announcements, Kulmiye_party | Comments Off

WARSAXAAFADEED : Dhacdooyin Xusuus Mudan
Waxaa caado u noqotay Ciidamda Booliska iyo Nabbadsuggida ee Xukuumadda inay mar walba garaacid, cabudhin iyo cagajuleyn u geestaan taageerayaasha Xisbiga Kulmiye. Waxaa kaloo dhacda in lagu xareeyo saldhigyada Booliska muddo ka badan waqtiga uu sharcigu dhigayo iyo waliba iyadoo loo taxaabo Jeelasha waaweyn sida kan Mandheera iyadoo aan maxkamad lasoo taagin. Waxaa kaloo dhacda in la iska soo daayo dadka qaarkii marka ay muddo xidhnaadaan loona sheego in waxba lagu waayey. Read more »
August 12th, 2009 in Announcements, Kulmiye_party | Comments Off

U DIYAAR GARAWGA DOORASHAYOONKA
iyo
KULANKA LAAMAHA UK
Dhammaan taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee ku dhaqan carriga Ingiriiska waxa lagu martiqaadayaa inay ka soo qaybgalaan munaasibaddan qaaliga ah ee sida weyn loo soo agaasimay.
Shirkan ballaadhan waxaa lagaga wada tashanayaa sida ugu habboon ee looga qayb qaadan karo u diyaar garawga iyo qabashada doorashooyinka Madaxtooyada ee la isku maandhaafsanyahay, inagoo ka duulayna kuna Read more »
August 6th, 2009 in Announcements | Comments Off


Shir laba geesood ah ay ka soo qeybgaleen guddiyo ka kala soda labada Xisbi Qaran ee UCID iyo KULMIYE ee Waqooyiga America iyo taageerayaashoodu oo ka dhacay Magaalada Toronto, Axad August 2, 2009, waxa ka soo baxay baaqan soo socda: Read more »
July 30th, 2009 in Announcements, Press | Comments Off
Askar Ka Tirsan Booliska Somaliland
Hargeysa, Somaliland- Waxaa saaka subaxdii weerar ku qaaday Hotelka wayn ee mansoor oo uu degan yahay mr Rebun Zamora ahna maamulaha hay’da Interpeace ee Somaliland, askar ka tirsan booliska Somaliland kadib markii uu shalay qeybiyey natiijadii ka soo baxday Serverka ee uu u gudbiyey Asxaabta mucaaridka ah.


Gudoomiyaha Komishanka Qaranka Jaamac Sweden ayaa Saaka soo saaray waraaq uu ku eedaynayo mr Zamora inuu yahay dambiile qaran, kuna sifoobay waxa Duplamaasiyadda lagu yidhaa ‘ Personna non garanta”‘ warqadaas oo uu mr Zamora ku eedaynayo 8 qodob oo dambiilamino ah oo ay ka mid tahay ISKA HORKEEN, FIDMO-WADE, QALLAASE ABUUR, FARRIIMO BEER ABUUR AH, DIIDMO AMARKII GUDOOMIYAHA KOMISHINKA, INUU KU GEFAY DHAMMAAN XEERARKII DOORASHADA EE DALKA U YIIL, sidaasi darteed, waa inay Wasaaradda Arrimaha Guduhu dalka ninkaasi kaga saartaa , ayuu Jaamac Sweden qoraalkiisa ku yidhi.
Kdibna saaka ayey ciidamada Booliisku weerareen Hotelka Mansoor oo ah Hotel-ka uu degnaa mr Zamora. Waxaa weerarkaas ka biyo diiday oo cabatin ka muujiyay maamulkii Hotelka. Wararku waxay intaa ku darayaan in illa hadadan ay Ciidamo Booliis ahii mr ku hor fadhiyaan mr Zamora iridda laga soo galo Hotelka Mansoor ee Magaalada Hargeysa.
Dhinaca kale arinatan waxay si wayn uga cadhaysiisay asxaabta mucaaridka ah iyo dhamaan deeq bixiyeyaasha oo ka biyo diidsan facii’lika waxshnimada ah ee xukuumada Rayaale kula kacayso ha’yadaha dalka ka hawl gala.
Warar aad loogu kalsoon yahay ayaa sheegayaa in maanta illa bari dalka ay ku soo fool leeyihiin danjireyaasha (Ambassdores) dalka Maraykanka, dalka Ingiriiska iyo dalka Sweden ee Nairobi fadhiyey oo Somaliland u imanaya arrimaha deeq-bixiyeyaasha iyo falkan foosha xun ee xukuumada Rayaale iyo Jamac Sweden kula kaceen mr Zamora . Waxaana la filayaa inay qoraal ahaan ugu dhiibaan Daahir Rayaale go’aankoodii ay nairobi ka soo saareen arimahan cakiran ee doorashada uu ka caga jiidayo.
Kulmiye.org
__._,_.___
July 21st, 2009 in Announcements | Comments Off
Ahmed Yussuf Dualeh (dhigane)
Somaliland xilli kasta oo xalkeeda iyo xurmaynteed caalam soo dhowaatoba waxa ceejinteeda & carqaladeedaba loo adeegsadaa xubno iyada kasoo jeeda oon garanayn xilka iyo ammaanada ummadeed ee ay xambaarteen kuwaasoon Allena kaga baqayn tuhunada baahay ee beeshii caalamku qarin kari weydey. Warkoodana ku koobeen kuwaas Read more »
July 19th, 2009 in Announcements | Comments Off

Aniga oo ku hadlaya magaca Gudida Idaacadda Horyaal & xubnaha qurbajoog reer Somaliland ee taageera Idaacadda Horyaal oo kala degan dhamaan dalalka kala ah:
USA, UK, Canada, Sweden, Germany, France, Holland, ItalyNorway, Saudi Arabia, Bahrain, Kuwait, Read more »
July 17th, 2009 in Announcements | Comments Off
Somaliland Canadian Congress
Somalilandlandcanadiancongress@gmail.com
Toronto, Canada

Ururaka Somaliland Canadian Congress waxa ay si wayn u canbaareynayaan xadhiga xaqdarada labada Suxufi ee Idaacada Radio Horyaal, md Maxamed Cismaan Mire (Sayid) iyo Axmed Saleebaan Dhuxul oo ciidan boolis ahi ku soo weerareen xafiskoodii iyaga oo shaqadoodii saxaafadeed ku guda jiraill hada ku xidhan xarunta CID-da. Read more »
July 16th, 2009 in Announcements | Comments Off
SDWO.COM – London 16/07/09 (Somaliland Democracy Watch Organisation) Astaamaha, dal in ay dimoqraadiyadi ka jirto ugu waaweyn waxaa ka kow ah, madaxbannaanida saxaafada iyo ilaalinta, dhowridda madaxbanaanidaa. Intii ay Somaliland ay dib u dhalatay xad gudubyo badan ayaa lagula kacay saxaafada, xadhig iyo xayiraado kaleba. Read more »
June 26th, 2009 in Announcements | Comments Off

DALJIRE
Kala war la’aa
By A. Geeljire
Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee Read more »