Tacsi uu dirayo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE
Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka qoyskiisa iyo ka xisbiga KULMIYE, wuxuu tacsi u dirayaa Read more »
Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka qoyskiisa iyo ka xisbiga KULMIYE, wuxuu tacsi u dirayaa Read more »
Tan iyo marki lagu dhawaaqii Dawladnimada Soomaali Laand 1991kii, Qurba joogta Reer Soomaali Laand ee degan Waqooyiga Mareeykanka iyo Dunida kaleba, marnaba kama caajisin wax u qabadka dalkoodii hooyo maal iyo nafba si ay u taageeraan hamiga Jamuuriyadan curdinka ah ee Somaliland ku doonaysay in ay ku samaysato dowlad madaxbanaan oo iskeed isu maamusha . Read more »
Baaq ay Waxgaradka iyo Aqoonyahanka Qurbajooga Beesha Baligubadle ay kaga soo horjeedaan Shirka Udub ee ka bilamaya Magalada Hargeysa. Read more »
![]()
![]()
![]() |
| Xafladii Soo dhowaynta Dr. Gaboose ee Minnesota |
Waxaa shalay oo Axad ah bisha January-na tahay 18 xaflad soo dhowayn ah Hotel-ka Hilton ee ku yaal downton Minneapolis loogu sameeyey Guddoomiya ururka Qaran Dr. Maxamed Cabdi Yuusuf (Gaboose). Read more »
![]() |
| KULMIYE-Canada-conf |
Dhamaan Taageeryasha Xisbiga Waxaanu Ka Codsanaynaa In Wakhtiga La Ilaaliyo.
Washington (TogdheerNews..7Mey)- Dawladda Maraykanka ayaa la sheegay inay cadaadis ku saartay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, in uu la yimaaddo tanaasul iyo debecsanaan suurtogelin
kara in xal waara laga gaadho khilaafyada cakiran ee waqtigan ka dhex aloosan muxaafidka iyo mucaaradka Somaliland.
Ilo xogogaal ah oo u dhuundaloola dhinaca xarunta Madaxtooyada ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey, in Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika Drs. Jendayi Frazer ay khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Madaxweyne Rayaale, isla markaana ku wargelisay in dawladeedu welwel weyn ka qabto marxaladda siyaasadeed ee xilligan ka jirta Somaliland, sidaa darteed Madaxweynaha looga baahan yahay inuu la yimaad debecsanaan iyo tanaasul muuqda oo xal lagaga gaadho furdaaminta khilaafyada cakiran ee ka dhashay arrimaha doorashooyinka.
Drs. Jendayi Frazer waxa kale oo ay u xaqiijisay Md. Rayaale sida dawladda Maraykanku u danaynayso dadka Somaliland iyo geeddi-socodka hannaanka dimoqraadiyadeed ee dalkooda ka hirgalay, taas oo ay ku tilmaantay mid mudan in la sii xoojiyo, balse aan u baahnayn in la dhaawaco oo la kala dhantaalo, waxaanay ku cannaanatay xallinta khilaafyada jira, maadaama uu isagu mindidda daabkeeda hayo.
Waxa kale oo ilahaasi tibaaxeen in Mss. Frazer si qotodheer u hogo-tusaalaysay Madaxweyne Daahir Rayaale hayaankii dheeraa ee shacbiga Somaliland u soo galeen dhismaha qarannimadooda iyo hirgelinta hannaanka dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka xorta ah, kuwaas oo xustay in beesha caalamka kaga kasbadeen qiimayn iyo tixgelin mug leh. Sidaa awgeedna waxa ay ku baaqday in ummadda Somaliland sii xoojiyaan hannaankii u suurtogeliyey qabashadada doorashooyinkii hore, iskana jiraan inay ku dhacaan murugga siyaasadeed ee laga dhaxlay khasaarooyinkii baaxadda lahaa ee ka dhashay doorashooyinkii ka dhacay dalalka Kenya iyo Zimbabwe.
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ee Afrika Drs. Jendayi Frazer, ayaa horraantii sannadkan socdaal ku timi caasimadda Hargeysa, waxaanay kulamo la yeelatay Madaxweyne Rayaale iyo hoggaamiyeyaasha axsaabta mucaaradka, iyadoo dhinacyada siyaasadda ku dhiirrigelisay inay ku faro adaygaan horumarka indhaha beesha caalamka soo jiitay ee ay Somaliland ka gaadhay nidaamka dimoqraadiyadda iyo hannaanka doorashooyinka.
Xigasho / Togdheernews

Riyale’s Revenge Arrests Continue
President Dahir Riyale is issuing the warrant for the arrest of the Deputy Chairman of the National Election Commission, Mr. Hirsi Haiji Ali. When Hirsi adamantly refused to put Riyale’s interest above the interest of the country, he became the enemy. Nothing short of his arrest will stop the election process. While the optimist vice president and Mr. Waranadde predict a compromise, Riyale is weaving his web of deception and wants to silence the voices the people by arresting not only the defiant head of NEC but all the opposition leaders.
He is not only interested in arresting the head of National Election Commission but he is also working hard to imprison Mr. Ahmed Silanyo, the Chairman of the opposition party KULMIYE and Mr. Faisal Ali Waraabe, Chairman of the UCID party. If he succeeds the arrest of these three men, then he succeeds in silencing the voices of dissension and he stalls the process of democratizing Somaliland. One wonders where he is taking the country by such actions. As long as he can live in the presidential mansion and misappropriate the meagre resources of the country, he feels to be sitting pretty. But will he really?
People of Somaliland be aware of this president. He is giving you all the indication that he will take you to hell after May 15. Keep him contained. Stay vigilant.
Rhoda Rageh
SOMALILAND FORUM
Summad SFLCC/04/08 Taarrikh: 19/04.08
Warsaxaafadeed
Ururka Somaliland Forum waxa uu si aada uga xun yahay in mar kale doorashooyinkii Somaliland dib-u-dhac ku yimaado, oo muddo kordhin aan Distoorka waafaqsanayn oo baalmarsan soojeedintii Kommishanka Doorashooyinka ay Guurtidu go’aamiso.
Anagoo wada ogsoon sababta aanay doorashooyinku xiligii loogu talo galay u dhacayn, haddana waxaanu aaminsanahay inaan Golaha Guurtida sharciga iyo distoorka dalka midnaba awood u siineyn inay ku go’aamiyaan muddo kordhin. Sida aynu la wada socono, sanadkii 2002dii oo go’aan kan oo kale ah ay Guurtidu ku tallaabsadeen wakhtigii marxuun Maxamed X Ibraahim Cigaal (Allah ha u naxariistee), ayaanu Urur ahaan caddeynay sida aanu uga soo horjeedno maadaama oo ay ka hor imanaysay distoorka qaranka. Muddo korodhsiimooyinkii ka dambeeyeyna sidaasoo kale ayaannu u arkannay inay Distoorka baalmarsanaayeen.
Maanta, Urur ahaan waxaanu taageersanahay heshiisyadii saddexda xisbi qaran iyo Komishanka Doorashooyinka ay isla gaadheen bishan (9/04/2008). Arrintan waxaanu ku raacsanahay soo jeedintii mudanayaasha iyo marwooyinka Gudida Anshaxa iyo Kormeerka Doorashooyinka, hase yeeshee waxaanu kaga duwanahay intaa ay raaciyeen in Guurtidu Korodhsiimo muddo sameyso oo heshiiska raacsan. Haddii aanay Guurtidu marnaba waqtigan taagan awood distoori ah u laheyn in ay korodhsiimo sannad ah sameeyaan, mid 9 bilood ahna awood uma laha in ay sameyaan.
Sidaas awgeed, ma qabno in Guurtida keligood laga doonto sharciyaynta arrintan inagu soo fool leh 15ka May marka muddadii xilka Madaxweeynahu ay ku egtahay. Annaga oo tixgelineyna heshiiska ay isku raaceen 3da xisbi qaran iyo Kommishanku, oo aanay jirin qodob distoorka oo ka hadlaya dib-u-dhaca doorashada aan nabadgelyo xumi ku xidhneyn, waxaanu qabnaa in heshiiskan lagu hirgelinkaro marka dib loogu noqdo mabaadii’da Distoorka ee ay ka mid yihiin wadatashiga iyo habka xisbiyadda badan. Sidaad awgeed, wixii lagu heshiiyo in lagaga gudbo marxaladdan aan Distoorka ku qornayn, waxaa lagu sharciyayn karaa Xeer muddeysan oo ah kuwa loo yaqaaan Xeerarka Qorraxdhaca (Sunset Laws) oo lagu dhaqmayo uun muddada 16-ka May ilaa Madaxweynaha la doorto la dhaariyo oo noqoneysa bisha January 2009 dhamaadkeeda.
Waxaanu ku talineynaa waxayaabaha lagu heshiin karo ee Xeerkan Muddaysan lagu soo saarayaa inay noqdaan sidan oo kale:
1. M/weynaha iyo Ku-xigeenkiisa oo aqbla in sharciyan mudadii 5ta sano ay ka dhamaatay, laakiin ay sii hayaan jagooyinkooda muddadaa cayiman ee ah 16ka May ilaa doorashada jadwalka lagu heshiiyey ay dhacdo oo dhaarta la gaadho.
2. Waxay danta waddanka iyo shicibku ku jirtaa; in muddadan aan caadigan ahayn in M/weynuhu magaacabo dawlad qarameed loo dhan yahay oo ka soo jeeda 3da Xisbi Qaran, maamulka iyo awoodana loo qaybsado si dheelitiran.
3. In ahmiyadda ugu weyn ee Golahan cusub ee Dowladdu ay noqoto qabashada doorashooyinka.
4. In wixii muddooyin cayiman ah ee ku jira Xeerka Diiwaangelinta (Xeer Lr. 037/2008) ee kasoo horjeeda jadwalka ay mar kasta ku heshiiyaan Koominshanka iyo 3da Xisbi laga doorbido oo loo raaco, muddada Xeerkan Qorraxdhaci u jirayo, jadwalka lagu hashiiyo, ahmiyaduna ay ahaaneyso qabashada doorashada. Diwaangelintu waa inay Doorashooyinka Habeysaa oo aanay Halleynin.
5. Mar hadii isagu ka faa’idayo muddo kordhin, waa in mudadaas Madaxweynhu aanu qaadin tallaaboyin wax-u-dhimaya heshiiska la gaadhay iyo Xeerka Qorraxdhaca ah.
6. Heshiiska in la gaadho oo Xeerkan Qorraxdhaca ah ay ansixiyaan labada Gole iyo Madaxweynuhu 15ka May 2008 inta ka horreysa. Adduunka Barlammaannadu xeerarka deg -dega ah waxay ku dhameeyaan maalin gudaheed.
7. Xeerkani in uu baabao’ (oo qorraxdu u dhaco) maalinta Madaxweynaha lasoo doortay la dhaariyo oo Golahan dawladda ee muddadan cayiman ay malintaas ku ekaato.
Waxaanu qabnaa doorasho waqtigii xilalka Madaxweynuhu iyo xildhibaannadu ay dhammaadeen dhacdaa in aanay jirayn haddii aaynaan korodhsiimadan Guurtidu innoo horseeday aynaan ka gudbin. Waxaanu soo jeedineynaa in labada qodob (83(5) iyo 42(3)) ee ku saabsan kordhinta muddada xilalka Madaxweynaha iyo tan Golaha Wakiillada ee hadda ku jira Distoorka laga saaro 2009ka, marka aynu dhammeyno doorashooyinka waa inaynu ka tashanaa doorashooyinka Guurtidan xilka haysay ilaa 1997kii.
Ugu dambayn, waxaannu shacbi weynaha reer Somaliland ugu baaqaynaa inay ilaaliyaan nabadgalyada iyo xasilloonida dalkooda hooyo oo ah ta kaliya ee maanta dunidu inoogu soo joogsato. Xisbiyada iyo goleyaasha qarankana waxaanu u soo jeedinaynaa inay sharciyada dalka u hogaansamaan oo khilaafka dhexdooda ahi aanu ragaadin wada shaqaynta ka dhaxaysa iyo geedisocodka dimuqraadiyada Somaliland. Golaha Wakiillada waxaanu ku guubaabineynaa inay xasuustaan inay yihiin waaxda xeerdejinta ee la soo doortay, ayna awoodooda distoorka siiyay fuliyaan.
Somaliland Forum
Ururka Somaliland Forum waa urur madaxbannaan oo ay isku bahaysteen qurb-joog reer Somaliland ahi. Waxa uu ururkani aaminsan yahay qarannimada, horumarka iyo madaxbannaanida Somaliland, waxanu iskaashi la sameeyaa jaalliyadaha Somaliland ee dalka dibaddiisa ku dhaqan iyo waliba ciddii kale ee danaysa horumarka Somaliland. Ururkani wuxu rumaysanyahay in dadka reer Somaliland ee dibaduhu ay door ka ciyaari karaan horumarinta dalkooda.
Giddida Dhexe ee Somaliland:
Gudoomiye: Rashid Garuf ©\ USA , Chairman@somalilandforum.com
Ku-Xigeen: Abdirahman Mohamed Magan©\ UAE, vice@somalilandforum.com
Xoghaye: Cabdinaasir Haybe Farah ¨C Canada ,secretary@somalilandforum.com
Xisaabiye: Ismaaciil Cawed ©\ Kenya , treasurer@somalilandforum.com
Xubin Guud: Ahmed Abdi Jama ¨C Somaliland, xubin@somalilandforum.com
Faahfaahin ku saabsan Somaliland Forum: www.somalilandforum.org
RSS 2.0 |
Annagoo ah Dhallinyarada Gobolada Bari ee Togdheer iyo Saraar, waxaanu cambaaraynaynaa waxa ay Guurtidu ugu yeedhay mudda-kordhinta oo aanu u aragno annagu “Aynu Is-dillo, doorasho dambena ma jirto iyo diktaateernimo”.
Sababta oo ah, waxa is weydiin leh, kuwa wax kordhinayaa maxay ku joogaan iyagu meesha? Jawaabtu waxa weeye “Waa isukordhin Xaaraan ah”. Waxaanuna leenahay Hal Xaaraan ahi Nirig Xalaal ah ma Dhasho. Gole Xaaraan ahi waxa uu yidhi waan kordhiyeyna waa “Xaaraan Nijaas lagu Dallacay sow ka durug maaha”.
Odayaasha Guurtida iyo Xukuumadda waxaanu kula talinaynaa “Adeerrayaalow, dantiinna Kursiga ha u sadqaynina Qaranka ee Danta Ummadda ka taliya”. Waxaanu u dulqaadanay tii aad idinku isu kordhiseen oo idinku awelba Beelaad ku timaaddeen, laakiin ma qaadi karayso Madaxweynihii ummaddu dooratay ee 5ta sannadood ee lagu tijaabiyey xilka in markii ay ka dhammaatay aad tidhaahdaan iska joog annagaa dib kuu dooranaye.
Waxaanu idiinka digeynaa inaad ku adkaysataan sharci daradaa aad ku dhawaaqdeen oo dalka iyo dadka cawaaqib xun iyo dib u dhac u horseedaysa.
Ta kale, waxaanu u aragnaa haddaanu nahay dhallinyarada iyo waxgaradka Gobolka Togdheer godob badheedh ah oo Daahir Riyaale ka galay gobolkayaga markuu Badhasaabkayagiina ku eryey Banaanbax selmi ah oo Burco ka dhacay, Badhasaabka Awdalna aad u fasaxday inuu abaabulo bannaanbaxyo lagugu taageerayo. Godobtaana illaawi mayno.
Ummadda Somalilandna waxaanu leenahay Caddaaladda iyo Sharciga Daahir Riyaale waa kaa!
Magacyada Dhallinyarada: