Archive for the ‘Announcements’ Category

Jaaliyada Reer Somaliland Ee Liverpool Oo Baaq Ka Soo Saaray Mudo Kordhinta Guurtidu Hadyada U Siisay Daahir Rayaale Kaahin

Waxaanu si cad u cambaraynaa xadhiga Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Hargeysa, Mudane Axmed Cumar Cabdillaahi “Xamarji” iyo ugaadhsiga Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed. Waxaanu u aragnaa in ay tahay mid an xaq ahayn, waana qalad in cabiraada ra’yigooda iyo run ka sheegida taariikhda dhabta ah ee ummada iyo shakhsiyaadka hoggaanka dalka haya in lagu ugaadhsado. Waxaanuna leehanay taariikhdu maaha wax duugowda, qof walibana wuxuu leeyahay taariikh aan been laga sheegi karin.


Annagoo ah Jaalliyada Qurbo Jooga ah ee reer Somaliland ee ku dhaqan cariga Ingiriiska, gaar ahaan magaalada Liverpool, waxaanu cambaaraynaynaa hab dhaqanka masuuliyiinta iyo xukuumada Somaliland, annaga oo ka duulayna:

Markaanu aragnay in gebi ahaan dalkii marayo xaalad halis ah, dhamaana ay soo noqdeen wixii laga dagaalamay. Markaanu aragnay ku xadgudubka birmagaydada Somaliland iyo mujaahidiintii qaranka xoreeyay karamadooda iyo sharaftooda sida loogu tumanayo.

Markaanu daraasaynay sida maamul xumo, caddaalad darro, xattooyada xoolo dadweyne, ku tumashada xeerarka iyo qawaaniinta dalka, iska-horkeenidda beelaha walaalaha ah ee wada dega dalka, waxa noo muuqatay inay tahay waajib in laga hadlo xaaladan ka tagan dalka Somaliland, mar haddaanu nahay bulshada Qurbo Jooga ah ee Somaliland, dalkana lexejeclo naga hayso.

Waxaanu ka muujinaynaa welwelkayaga, walaaca aanu dareemayno ee uu dalku ku sugan yahay, waxanu u aragnaa qalad, arrin aan si quman looga fekerin, laguse kala kaxaynayo ummada walaalaha, ugaadhsiga mujahidinta, ku xadgudubka xuquuqda muwaadiniinta, ku tumashada distuurka qaranka iyo carqaladaynta geedi socodkii dimoqraadiga ahaa, in uu yahay mid wax yeelo iyo dhaawac u keenaya sumcada Somaliland iyo hidihii iyo dhaqanki lagu soo caano maalay ee nabadaynta Somaliland.

Waxaanu si cad u cambaraynaa xadhiga Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Hargeysa, Mudane Axmed Cumar Cabdillaahi “Xamarji” iyo ugaadhsiga Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed. Waxaanu u aragnaa in ay tahay mid an xaq ahayn, waana qalad in cabiraada ra’yigooda iyo run ka sheegida taariikhda dhabta ah ee ummada iyo shakhsiyaadka hoggaanka dalka haya in lagu ugaadhsado. Waxaanuna leehanay taariikhda maaha wax duugowda, qof walibana wuxuu leeyahay taariikh aan been laga sheegi karin.

Waxaanu mar labad u sheegaynaa xukuumada Somaliland in ay arrintaas ka waantoodo, arrimaha loo igmdayna ka shaqayso, kana waantowdo iska horkeenka iyo kala kaxaynta ummada Somaliland, waxaanu leenahay annaga oo ah Jaalliyada Somaliland ee Liverpool, xukuumada Somaliland, ha tixgeliso xurmada ay leeyihiin mujaahidiintii SNM.

Mar kale waxaanu ku celinaynaa caalamkana u sheegaynaa, in ay tahay ku xadgudub xuquuqda Mujaahidiinta iyo Birmagaydada lagula kacayo, si loo kiciyo dadka ama ummada Somaliland iyo intii u soo halgantayba ka naxaysa xurmayn la’aantooda, waana arrin lagu abuurayo nabadgelyo daro ka aloosanta dalka.

Waxaanu shacbiga gudaha jooga kula talinayna in ay si nabdgelyo ah, dareenkooda, shucuurkooda iyo isku duubnidooda ugu muujiyaan mudahaarad silmiya, calamkana tusaan sida ay uga soo horjeedaan xaalad abuurka xukuumada Rayaale dalka ka wado.

Jaalliyada Somaliland ee Liverpool

Warsaxaafadeed Wadajir Ay U Soo Saareen Labada Xisbi Qaran Ee Kulmiye Iyo Ucid Oo ……

KU: KOMISHANKA QARANKA JAMHUURIYADA SOMALILAND

KU: GOLAHA GUURTIDA JAMHUURIYADA SOOMALILAND

KU: GOLAHA WAKIILADA JAMHUURIYADA SOMALILAND

UJEEDO:GO,AAN WADAJIR AH OO LA XIDHIIDHA

MAR XALADA CUSUB EE LA GALAY IYO ARIMAHA DOORASHOOYINKA

labada xisbi qaran ee ucid iyo kulmiye iyaga oo hirgalinaaya himilooyinka umada soomaliland waxay aaminsan yihiin in la dhamaystiro hanaanka geedi socodka dimuqraadiyadeed ee uu ku salaysan yahay qaab dhismeed ka hay,adaha (institutions) dawladeed ee soomaliland, kuwaas oo dastuurka qaranku uu si waadix ah u qeexayo inay ku yimaadaan hanan doorasho isla markaana uu si cad u tilmaamayo inay mudo go,an xilka hayaan.

Sidaas darted labada xisbi qaran waxay aaminsan yihiin inay dhamaatay mudadii xilka ee dastuuriga ahayd ee madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.waxaanay u arkaan sifaha dhibaatooyinka lagaga gudbi karaa inay tahy mid ku salaysan wadatashi ka yimaada xisbiyada qaranka

Hadaba,si loo adkeeyo himilooyinka umada loogana taxadiro burbur distoori ah(constitutional crisis) iyo mid siyaasi ah (plotical crisis) labada xisbi ee ucid iyo kulmiye waxay wadjir u go,aansadeen

1: inay komishanka qaranka la qaataan jadwalka diiwaangalinta iyo doorashooyinka ee ay xisbiyada usoo bandhigeen

2: in doorashada soo horaysa ee qorshaysan 06/10/08 ay noqoto ta madaxtooyada maadaama ay doorashada madaxtooyadu tahay ta ahmiyada weyn u leh dalka, isla markaana carqaladaha iyo mashaakilka distooriga ah iyo kuwa siyaasiga ah ee hada taaganba lagaga bixi karo, bulshowenta caalamka ee inaga taakulaynaysa doorashooyinkuna ay tahay ta ay danaynayaan, iyada oo waliba ay xusid mudan tahay in aanay manta khasab ahayn inay ta dawladaha hoose soo hormarto kol hadii aanay xisbiyo qaran ka soo baxaynin ururo siyaasadeed (sidii doorashadii2002kii)

3:in marka la gaadho 16/5/08 ee ay dhamaato mudada xilka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka la dhiso xukuumad wadaaga oo dalka gaadhsiisa ilaa doorashada madaxtooyada

Ugu danbayn labada xisbi qaran ucid iyo kulmiye waxay xasuusinayaan golaha sharci dajinta waxa ugu muhiimsan ee umadu ay u igmatay inuu yahay ilaalinta distoorka qaranka iyo shuruucda kale ee dalka , umadana ay wakiil kaga yihiin ,

sidaa darteeed ku xadgudub kasta oo golaha sharci dajintu ku sameeyaan mudada xilalka hay,adaha qaranka sida madaxtooyada iyo,golaha sharci dajinta waxay qaranka ku keeynaysaa inay carqaladayso nidaamkii geedi socodka dimiuqraadiyada iyo doorashooyinka ,waxaanay keeni kartaa xaalad nabad galyo darro

Gud Xisbiga Ucid Gud Xisbiga Kulmiye

Eng Faysal Cali warabe Md Axmed M Siilanyo

PRESS RELEASE

PRESS RELEASE
APRIL 9, 2008
This is what happened in our country today.
Today’s demonstration is a culmination of a long struggle on the road to national elections and the process of democracy hindered and harassed by the elected President of Somaliland. We and the public are upset because this administration is breaking all the constitutional laws of Somaliland and we feel the only way we can have our point across peacefully is by demonstrations.
In the process of finding the best way to hold the presidential elections, it was agreed among the three political parties and the National Election Commission that:
  • In order for the voter registration to be completed the election date to be postponed until July and August 2008.
  • The president consistently interfered with the work of the National Election Commission by harassing them to write a letter in which they ‘would find it difficult to hold presidential elections by August 2008.’ A letter which would become the basis for the Guurti’s (house of elders ) decision to keep the president in office for two or five more years. Some of the national Election Commission members refused to write that letter. The deputy Chairman of the NEC held press conference in which he was warning the opposition and the public at large about President Riyale’s intentions and threatening to resign if this harassments did not stop.
  • This morning, in the Guurtii’s( house of elders) ordinary meeting, a vote for the extension of the President’s term in office was held and the motion was 2 votes short of passing.
  • President Riyale then called off a mission of the Vice President and some members of the Guurti (house of elders) and asked them to return to Hargeisa in order to secure the votes he needs.
  • When the public and opposition parties heard about the intentions of the Guurti (house of elders), they have gathered in front of the Guurti’s (house of elders ) headquarters for peaceful demonstration.
  • The government brought big force to intimidate the public.
  • NEC came to intervene and reassured the public they will hold talks with the opposition and will inform them of the outcome.
  • Now an explosion occurred at the Guurti’s ( house elders )headquarters which can only be done by the government so that it can justify an illegal extension for the President since the only way he can have an extension in office is if the country is in an emergency. In his desperate act to remain in power President Riyale wants to declare emergency that does not exist. The explosion at the Guurti’s (house of elders ) office did not come from the public.
We want to declare that our country is peaceful. Peace in our country does not come from the government but from our people. Our people chose peace over war more than 16 years ago. Therefore, there is no reason why President Rayale should extend his term in office for the peace that has come from our people.
We declare that if he insists on his illegal extension first for the Guurti (house of elders )and now for himself. President Rayale is breaking the peace for our country and taking us into a war path. Our people will never surrender to this illegal extension.
On behalf of the people of Somaliland , as an opposition party we will not accept this extension. This Guurti (house of elders ) has been forced on the people in 2006 so that they can facilitate the illegal extension of today. Our people knew this was the motive back in 2006 but being the patient people they are, have waited until the moment presents itself. That extension in 2006 was unconstitutional and this one is equally illegal and unconstitutional.
Our President and the Guurti( house of elders ) have chosen dictatorship over democracy. They have betrayed us. This is the road to Zimbabwe . The world today looks on with horror as Mugabe refuses to respect his word to his people and to the international community. We Somalilanders and the kulmiye party refuse to take our country to the road of Zimbabwe . We want everyone to know that we won’t allow this and we urge our elected President and our respected elders to change their course of action and to respect our constitution and democracy . President Riyale’s term of office ends this month and he must go accordingly and the presidential election should take place as agreed. There is no other course of action. Kulmiye Party of Somaliland
Kulmiye Party Of Somaliland

Faragalinta Rayaale Ku Hayo Komishanka Doorashada Iyo Xubnaha U Dabacsan

Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Madaxweyne Rayaale Oo Komishanka U Gudbiyay Qoraal

(Jam) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Sabtidii toddobaakan ee 5/04/2008 u gudbiyey qoraal uu si kama dambeys ah ugu wargelinayo in muddo laba maalmood ah ugu gudbiyaan waqtiga sugan ee ay u cayimeen qabsoomidda diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo doorashada golayaasha degaannada dalka. Madaxweynaha oo qoraalkiisa uu nuqul ka mid ah wargeyska Jamhuuriya helay, ayaa waxa kale oo uu sheegay in ilaa maalintii la dhaariyey xubnaha Komishanku uu keliya ka hayo qoraal ku meel-gaadh ah oo ay ugu gudbiyeen qabsoomidda doorashooyinka golayaasha deegaannada dalka, balse Madaxweynuhu waxa uu xusay in kulan toddobaadkii hore ay wadayeesheen xubnaha Komishanku ay af-ahaan ugu sheegeen in aanay ku suurtogaleen waqtigaa hore qabsoomidda diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo doorashooyinka golayaasha deegaannada dalka. Qoraalka Madaxweynaha oo dhammaystiranna waxa uu u dhignaa sidan: “Mudanyaal; tixraaca maalintii la idiin dhaaryey xilka Komishannimo oo ahayd 09, September 2008, ilaa maanta waxa la idinka sugayey inaad soo gudbisaan waqtigii (Time-table-kii) diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo waqtigii aad ku qaban lahaydeen doorashooyinka dawladaha hoose, ilaa waqtigaas waxa xusid mudan in aad ii soo gudbiseen oo keliya qoraal ku-meel-gaadh ah oo summaddiisu ahayd XDQ/21-W/414/07 kuna taariikhaysnaa 4/12/07, kaas oo aad iigu soo gudbiseen waqtiga aad u cayinteen doorashada deegaannada dalka ilaa 1da July, 2008. Go’aankaas oo markii uu i soo gaadhayba aan Guurtida u gudbiyey iyana ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen. Haddaba, marar dambe oo aan kulanno yeelanay oo kii ugu dambeeyey ahaa saddex (3) habeen ka hor, waxaad af-ahaan iigu sheegteen in waqtigaa hore ee aad ii soo gudbiseen aannu idiin suurtogelinayn inay idiinku qabsoonto diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo doorashadii golayaasha deegaannada. Sidaa darteed, waxaan idinku wargelinayaa, idinkuna boorrinayaa in si kama dambays ah oo laba cisho gudahooda iigu soo gudbisaan waqtiga (Time-table-ka) aad u cayinteen inay ku qabsoonto diiwaangelinta codbixiyayaashu iyo doorashooyinka golayaasha deegaannada dalka. Waxa kale oo aan idinku adkaynayaa in aad ku dhaqantaan, si fiicanna u akhrisataan labada sharci ee kala ah Xeer No: 20/2001 (Xeerka Doorashooyinka Golayaasha Deegaannada iyo Madaxtooyada) iyo Xeerka No: 37/2007 (Xeerka Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha), kuwaas oo si hufan u qeexaya waajibaadkiina Komishan.” Qoraalka Madaxweyne Rayaale u gudbiyey Komishanka oo aan ilaa hadda la ogayn inay jawaab-celin ka bixiyeen, iyadoo muddada labada maalmood ee uu qabtayna ku ekayd Isniintii shalay, ayaa ah qoraalka uu qaylo-dhaanta dhiilada leh ka bixiyey Guddoomiye-ku-xigeenka Guddiga Doorashooyinka Md. Xirsi Cali Xasan, kaas oo uu ku sheegay in Madaxweynuhu kaga dalbaday muddo-kordhin aan axsaabta lagala tashan, isla markaana ka mid yahay farogelinta xukuumaddu ku hayso hawlaha Komishanka Doorashooyinka. Haseyeeshee, waxa dhawaaqa Guddoomiye-ku-xigeenka ee jiritaanka qoraalka Madaxweynuhu ku dalbanayo muddo-kordhinta waxba kama jiraan ku tilmaamay Guddoomiyaha Guddiga Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Md. Ismaaciil Muuse Nuur oo sheegay in aannu haba yaraatee jirin wax qoraal ah Madaxweyne Rayaale kaga dalbayo Komishanka Doorashooyinka wax muddo-kordhin ah. “Wax allaale wax ka jiraa ma jiraan arrintaas, mana jiro qoraal muddo-kordhin ah oo Madaxweynuhu u soo gudbiyey Guddiga Doorashooyinka,” ayuu yidhi Mr. Ismaaciil Muuse Nuur. Xigasho: Wargeyska Jamhuuriya

MAWQIFKA WADA-JIRKA AH EE LABADA XISBI EE KU SAABSAN GO’AANKII KOMISHANKU KU LAALEEN HAWL-WADEENAD

News
Monday, April 07, 2008

UJEEDDO: MAWQIFKA WADA-JIRKA AH EE LABADA XISBI EE KU SAABSAN GO’AANKII KOMISHANKU KU LAALEEN HAWL-WADEENADII XAFIISYADA KOMISHANKA DOORASHOOYINKA


Date: 07/04/2008

KU: KOMISHANKA DOORASHOOYINKA QARANKA

KU: DHAMMAAN SAXAAFADDA MADAXA BANAAN JSL

UJEEDDO: MAWQIFKA WADA-JIRKA AH EE LABADA XISBI EE KU SAABSAN GO’AANKII KOMISHANKU KU LAALEEN HAWL-WADEENADII XAFIISYADA KOMISHANKA DOORASHOOYINKA

Waxay labada Xisbi ee KULMIYE iyo UCID si wada-jir ah halkan ku cadaynayaan, in aanay ogoleyn, raalina ka ahayn go’aanka Tirsigiisu yahay KDQ/XK/513?08 ee ku taariikhaysan 05/04/2008, go’aankaas oo Komishanka Qaranku si xaq-darro ah ugu laaley hawl-wadeenadii Xafiisyadda Komishanka Doorashooyinka ee Gobolladda iyo Degmooyinka Dalka.

Waxa xaqiiqo ahayd oo aan muran ka taagneyn in dacwadda ay isku hayeen Xisbiyadda iyo Komishanka Qaranku ay ku koobneyd sedexda Gobol ee Galbeedka Dalka, ee kala ah Maroodi-jeex, Awdal iyo Saaxil, oo haba yaraatee wax cabasho ah ama dacwad ah oo ka jirey Gobolladda bari (Togdheer, Sool iyo Sanaag) aanay jirin, oo mas’uuliyiintii ka hawl-galey Gobolladaasi si xalaal ah xilkooda u soo guteen, taasoo Wakiiladii sedexda Xisbi iyo Komishankuba ay ku cadeeyeen shirkii Jaraa’id ee ay mas’uuliyiintaasi sida wada-jir ah ugu qabteen xarunta Komishanka, ka dib markay safarkaas ka soo laabteen.

Cabashada labada Xisbi ee mucaaridka ahi ay ka qabaan Gobollada galbeed oo soo taxnayd ilaa maalintii hawshaa loo ambo-baxay, si Xisbiga UDUB ugu gudbo cabasho aan meel mar ahayn oo la xidhiidha Gobolladda bari, wuxuu soo gudbiyey qoraal uu arrintaa kaga hadlaayo 5-tii bisha april, 2008, Ref: UDUB/F/075/08,. Markay gaadhay in komishanku soo saaro go’aan uu liisaskaa kaga saarayo 7-xubnood oo uu u arkay ma-dhaafaan oo ka mid ahaa 27-xubnood oo qoraal wada jir ah oo labada Xisbi Komishanka u gudbiyeen ay hore ugu dureen.

Waxa fajiciso iyo layaab noqotey, in Komishanku aqbaley cabashadii Xisbiga keliya, iskana dhago mareyey inuu qaato go’aan uu u madax bannaan yahay oo uu ku xalilo cabashadii mudada labada bilood ah taagneyd.

Ugu dembayn, waxay labada Xisbi ugu muuqataa in go’aankaa Komishanku ku laaley hawl-wadeenada Komishanka ee Gobollada bari ee loo soo dhaariyey shaqadooda inay burinta uu Komishanku maanta magacaabistoodii buriyaa ay nusqaan ku tahay Komishanka Qaranka laftiisa.

Waxa Komishanka la gudboon inuu hawlihiisa si madax banaan u gutto oo uu ku dhiirado inuu halkii Cabashadu taaley wax-ka-qabto.

MD. AHMED MAXAMED SIILAANYO ENG: FAYSAL CALI WARAABE
GUDDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE GUDDOOMIYAHA XISBIGA UCID

Out of the all the pictures on the first day of the KULMIYE 2nd Conference was that of a much loved much respected…….

Out of the all the pictures on the first day of the KULMIYE 2nd Conference was that of a much loved much respected woman I met in Hargeisa last year. She is a surviving veteran, one of the many Somaliland women who fought with the gun and took part of the suicide missions that has saved the country. When I saw her standing in the middle of the tent reciting, of course, one of her fantastic poetry, I knew the meeting was a success and women have been made an integral part of the KULMIE. When I visited Hargeisa last year, I was shocked with the damp cloth thrown over the powerful literature of Somaliland. I did not appreciate re-runs of Somaliland’s Plays and Songs recycled in Djibouti on Somaliland televisions, so some friends and I decided to initiate a revival of our literature at the University of Hargeisa. For that much publicized event, there were only male poets. I wanted the voice of women be heard. When I inquired about that, a friend turned on the tape in her car, and Sado’s exuberant voice filled the air but more so, her voice filled our hearts with two poems she wrote years ago but which I thought were relevant even at that time. Immediately, I asked my friend where to find her. My friend bowed her head almost in shame and told me quite softly that Sado lives in the worst ghettoes of the city and in dire need. I still wanted to see her; so we went to her shabby dwelling. On our way, my friend told me that she is a veteran who supported KULMIYE but jumped ship for survival. We parked the car outside some huts and my friend brought her back to the car. I was unable to invite this abandoned veteran for a literature event without first apologizing to her for the way our government treated her and others like her. I was also unable to let her walk into a university hall with almost 1000 people in her well worn clothes and uncouth style but sadly, I could not find the courage to offer her money. So with teary eyes I introduced myself and begged her to lend us her poetry for an evening of goodwill. She was happy to help. My friend took over the rest. On the agenda, we did not mention Sado’s name or her poetry but we named her ‘Daljirka Dahsoon ee Dayacan’ and let her poetry speak for itself. She moved everyone in the audience. At the end of the evening, my friend joked with her and said, ‘Sado was a KULMIYE supporter but left us in the cold into which Sado responded. ‘I am always a KULMIYE supporter even if need forced me head elsewhere. I left my heroine Sado with this note: ‘You deserve the best for your efforts. This is the land you saved and you sit behind no one.’ And today I want to say to her. Best Greetings from overseas. Rhoda A. Rageh USA

Hogaankii Xisbiga Kulmiye Oo La Doortay Iyo Ansixinta Darstuurka Iyo Barnaamijka Xisbiga

Hogaankii Xisbiga Kulmiye Oo La Doortay Iyo Ansixinta Darstuurka Iyo Barnaamijka Xisbiga

KULMIYE Party flagHargeysa (Somaliland.Org)- Shirweynihii Labaad ee Xisbiga Kulmiye oo galay maalintiisii 3-aad ayaa lagu doortay hogaanka cusub ee Xisbiga hogaamin doono Shanta Sano ee soo socootga.

  • Gudoomiyaha: Waxa isu soo taagay Musharaxa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Md. Xaaji Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo keliya waxaana uu kasbaday, isla-markaana gacanta u taagay ergay dhan 497 ka mid ahaa 503 ergay oo madasha shirka ka soo xaadiray.
  • Gudoomiye-ku-xigeenka 1aad:
    Gudoomiye ku-xigeenka 1- waxa hantay Muuse Biixi Cabdi oo helay 330 ergay codkood, halka Ibraahim Cabdilaahi Xuseen Dhego-wayne oo jagadaas kula loolamayay ka helay 182 cod.
  • Gudoomiye ku-xigeenka 2aad:
    Gudoomiye ku-xigeenka 2-aadS ee Xisbiga waxa ku guulaystay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo helay codka ergay gaadhaysa 455 cod, halka Cali Cabdi Cilmo oo jagadaas kula loolamayay uu ka helaly Todoba Cod.
  • Gudoomiye ku-xigeenka 3aad:
    Gudoomiye ku-xigeenka Saddexaad waxa ku guulaystay Cabdiraxmaan maxamed Talyanle oo helay codka ergay gaadhaysa 451 cod, yuusuf Bashiir oo jagadaas kula tartamayay ayaa isna helay 20 cod.
  • Gudoomiye ku-xigeenka 4aad:
    Gudoomiye ku-xigeenka Afraad waxa ku guulaystay Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ka dib markii uu helay codka ergay gaadhaysa 480 cod, halka Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac oo jagadaas kula tartamayay uu ka helay 34 cod.
  • Xoghayaha Guud ee Xisbiga:
    Xoghayaha Guud ee Xisbiga isaga waxa ku tartamayay Lambarkii ugu badnaa tartamayaasha oo ahaa Saddex xubnood, kuwaasoo kala ahaa Keyse Xasan Cige, Sahra Maxamuud Xuseen iyo Cumar Maxamed Xasan.
  • Xoghayaha Guud ee Xisbiga:
    Waxa xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye ku guulaystay Kayse Xasan Cige. 277, Waxaana aad ugu dhawaaday Sahra Maxamuud Xuseen oo heshay 236 cod, Cumar Maxamed Xasan-na waxa uu helay Hal cod oo keliya.

Dhinaca kale waxa isla shirweynaha waxa madasha si aqlabiyad ah loogu ansixiyay barnaamijka iyo distoorka Xisbiga, inkasta oo wax ka bedel lagu sameeyay qaar ka mid ah qodobada dastuurka sida:- Golaha Dhexe oo ka koobnaa 133 oo lagu dhigay 170 xubnood. Waxaana shirweynuhu awood u siiyay Golaha dhexe inuu wax ka bedel ku samayn karo barnaamijka iyo distoorka Xisbiga.

Wixii ka soo kordha shirka iyo sawirada musharxiinta hogaanka xisbigaba la soco waxyar ka dib.

Liibaan Maaweel Shire Somaliland.org Hargeysa

E-Mail libmaw@hotmail.c

Shirweynaha Labaad Ee Xisbiga Kulmiye Oo Si Rasmi Ah Uga Furmay Hotel Ambaasadoor.

March 29th, 2008 [News] |

Hargeysa(Somaliland.org) Shirweynaha Labaad Ee Xisbiga Kulmiye ayaa si rasmi ah uga furmay maanta Hotel Ambaaasadoor ee caasimada Hargeysa. Shirweyanahan oo si weyn loo soo agaasimay waxa ka soo qayb galay in ka badan lix boqol iyo kontay xubnood oo isugu jira ergay,goobjoogayaal iyo marti sharaf kale,waxayna ergada shirka ka soo qaybgashay gaadhaysaa 573-Ergay oo ka kala yimi lixda gobol ee Somaliland iyo qurbo jooga reer Somaliland ee taageerada xisbiga Kulmiye.Xubno laga soo casuumay Xisbiga UCID iyo Ururka Qaranka. Madasha shirweynaha labaad ee xisbiga kulmiye oo si weyn loo agaasimay waxa marti-sharafta lagu marti-qaaday ka mid ah safiirka ama wakiilka dawlada itoobiya u fadhiya Somaliland hase yeeshee wakiilku kama uu soo qayb gelin isagoo la sheegay inuu u safar dhinaca itoobiya ah ugu baxay waxaana halkiisii kaga soo qayb galay madaxa xafiiska ganacsiga ee xafiiska dawlada itoobiya ku leedahay hargeysa Mr Tadele Asigedon ,masuuliyiinta xafiisyada qaramada midoobay,kuwa caalamiga ah iyo wadaniga ah,waxa kale oo marti-sharafta ka soo qayb gashay shirweynaha labaad ee xisbiga kulmiye ka mid ah xubno ka socda komishanka doorashooyinka qaranka oo ay ka mid yihiin gudoomiyihii hore ee iscasilay Maxamed Yuusuf Axmed iyo gudoomiye ku xigeenka gudiga doorshooyinka Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa kale oo marti sharafta madasha ka muuqata ka mida abwaanada waaweyn ee Maxamed ibraahim Warsame “Hadraawi”,iyo Maxamed Xaashi Dhamac “Gaariye” waxa kale oo iyaguna ka soo qayb-galayaasha ka mid ahaa xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada oo ka oo jeeda xisbiga UCID. Dhinaca kale waxa shil gaadhi ku geeryooday saaka subixii hore laba ergay oo ka mid ahaa ergooyinka shirweynaha xisbiga kulmiye,kuwaasoo kala ahaa Marxuum Xasan Cabdillaahi Cabdsiiye iyo Cabdi Cali Cilmi. Ugu horayn waxa uu soo jeediyay Gudoomiyaha Kulmiye Md. Siilaanyo oo uu hor-dhigay shirweynaha magacyada xubnaha shirgudoonka cusub ee hogaamin doona shirka. “Markii aanu dhexdayada tashanay, waxaanu isla qaadanay inaanu idin hor-dhigno xubnaha shirweynaha ina hogaamin doona.shirka ayaa ansixin kara, diidi karana.” Sidaas ayuu yidhi Gudoomiye Xaaji Axmed Siilaanyo. Waxaana halkaas cod-gacan-taag ah oo aqlabiyada lagu ansixiyay xubnaha shir-gudoonka oo kala ahaa: – 1- Cabdicasiis Maxamed Samaale (Gudoomiye).2-Axmed Xaaji Cali Cadami (Gudoomiye ku-xigeen. 3-Xasan Guure Jaamac (Gudoomiye ku-Xigeen) 4-Layla Cismaan (Gudoomiye ku-xigeen). 5-Xuseen Axmed Caydiid (Xoghaye). 573-kii xubnood ee madasha shirka fadhiyay waxa shir-gudoonka cosob diiday Afar xubnood oo keliya, cid ka aamustayna may jirin.“Wallaalayaal hadaanu nahay guddida loo magacaabay hogaaminta shirka aniga oo magacooda ku hadlaya, hambalyo ayaanu shirka u soo jeedinaynaa, annagana noogu duceeya in Illaahay hawsha noo fududeeyo oo nagu asturo. Waxaan u mahad-naqayaa gudoomiyihii Guddida qaban-qaabada shirweynaha Kulmiye iyo guddidiisii iyo ciddii kale ee la shaqaynaysayba. Waxaanaan leeyahay, Ilaahay ha idinka abaal-mariyo hawshii aad qabateen. Shirweynaha dadka runtii qiimaha leh ee halkan fadhiya, waan idiin mahad-naqaynaa dhamaantiin, arrintana waxaanu u arkaynaa inay tahay masuuliyad iyo xil, xilkuna waa waxay samooyinka iyo dhulkuba diideen. In Illahay saddexdaa maalmood nagu asturo, si guul iyo sharaf ahna noogu dhamaato ayaan Ilaahay ka baryayaa.” Sidaas waxa yidhi Gudoomiyaha cusub ee shirgudoonka shirweynaha Labaad ee Xisbiga Kulmiye, Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo uu hawshii shirka ku wareejiyay Gudoomiyihii qaban-qaabada ka dib markii lagu wareejiyay xilka shirgudoonka. Shirweynaha labaad ee xisbiga Kulmiye.Gudoomiyh qabanqaabada Dr Axmed Muxumed Madar “waxaana leeyahay sida wanaagsan ee aad u soo ajiibteen, noogala soo qayb-gasheena waad ku mahadsan tihiin aad iyo aad ayanaan idiinku ammaanayaa. Xilkan waxa xisbigu noo igmaday oo noo magacaabay hawshan qaban-qaabada oo ah hawl balaadhan, soona martay maraaxil kala duwan, oo aan odhan karo waxa salkeedu ahaa oo laga doonayay shirweynahan aynu maanta u fadhiyo in lagu hago si dimuqraadiyada, waxay nagu qaadatay mudada, waxay maanta adduunyadu noogu markhaati kici doontaa, in xisbiga Kulmiye yahay xisbiga keliya ee raba inuu ku hago umadiisa si dimuqraadiya oo xor ah. Waxa ahayd nuxurka guddiyada loo sameeyay in umadda Somaliland uu xi iska saaray Kulmiye in dimuqraadiyada ay umadu doonayso, xisbiyada kale ee magaca la sheeganayaana kaga daydaan. Waxaan maqlaynay kulmiye shirkiisii wuu habsaamay, wuu is-haystaa. Oo ay fidinayeen dad cadow umadda Somaliland ah oo aan jeclayn kana xun in Somaliland ay gaadho horumar iyo dimuqraadiyad.waxaanu maanta qiraynaa inay tahay mid ay ku fashilmeen oo haday shalay indhaha nagu soo taageen inay maanta hoos-u-ridi doono. Shirweynaheenu inuu maanta ay rabeen inuu fashilmo. Illaahay idimkaa ma fashilmayo waxaynu maanta ka marag-nahay inaynu maanta isugu nimi in umaddeena dhibaatadu haysato inay fahmeen oo ay garteen mudadaa dawladii ay iyagu u igmadeen ay hagrateen, isla-markaana ay garteen cidda rajadoodii ay garbaha ka saareen uu yahay xisbiga Kulmiye, inteena halkeenan fadhinana uu xil-gaar ahi innaga saaran yahay si aynu u noqono kuwii guta, garta dhibkana ka saara umadooda.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Guddidda qaaban-qaabada shirweynaha Labaad ee Xisbiga Kulmiye. Axmed Muxumed Madar waxa kale oo uu sheegay in shirweynaha UDUB aanay iman shirka inkasta oo casuumaad loo fidiyay. Kala soco Somaliland.Org Shirweynaha Xisbiga Kulmiye Oo aan Si Talan Taaliya Idinku soo gudbin doono inta uu socdo. Liibaan Maaweel ShireSomaliland.Org Hargeisa

Xigasho / Somaliland.org

Shirweynihii Xisbiga Ee 2aad Oo Ka Furmaya Hotelka Weyn Ee Ambassdor Hotel Subaxa Sabtida Ee March 29, 2008

Shirweynihii 2aad ee xisbiga KULMIYE ayaa hadii EBBE idmo ka furmaya hotelka weyn ee loo yaqaan Ambassdor Hotel 10:00 subaxnimo ee saacada Somaliland. Shabakada www.kulmiye.org waxay sedexda maalmood ee shirku soconayo idinka haqab tiri doontaa wararkii shirka iyo sawiradiisii ugu yaraan sedex goor maalintii. Ha hu daymo la’ aan inaad soo booqato www.kulmiye.org si aad aanad meel kale uga xigan warkii xaqiiqda ahaa. ALLA Mahad Leh

Amassador Hotel In Hargeisa

ogaysiis Muhiim Ah Oo Ku Socda Xubnaha Diiwaangashan Ee Ka Soo Qaybgalaya Shirweynaha 2aad Ee Xisbiga Kulmiye

Hargeisa, Somaliland
2o March, 2008

www.kulmiye.org

DATE: 19/03/2008

OGAYSIIS
Waxa la ogaysiinayaa dhamaan ergooyinka u diwaan-gashan Shirweynaha 2aad ee Xisbiga KULMIYE ee ay tahay inay ka soo qayb galaan shirweynaha 2aad ee xisbiga, inay sawirada ku soo xareeyaan inta ka horeysa 25/03/2008 si loogu diyaariyo aqoonsigii ay shirka ku gali lahaayeen. Xubinta aan illa hada sawir iska qaadiinna waxaa laga codsanayaa inuu si dhakhso ah xarunta dhexe ee xisbiga u yimaado inta ka horaysa 25/03/2008 si marka sawirka looga qaado.

Waxaan mar labaad idinku war-gelinaynaa in aad Sawirrada si deg-deg ah u soo xeraysaan, isla markaana aad xarunta dhexe ee xisbiga la soo xidhiidhaan sidii aad wixii macluumaad uga heli lahaydeen.

ALLA mahad leh

C/Karim Ahmed Maxamed
Xoghayaha Gudida Qaban-Qaabada
Shirweynaha 2AAD Ee Xisbiga KULMIYE