December 19th, 2011 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Hargeysa-(KULMIYE.ORG)- Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay kulan la yeeshay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga dawladda Shiinaha, halkaas oo ay safar ku joogeen tan iyo sabtidi toddobaadkan. Read more »
December 19th, 2011 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
17,Dec,2011Beijing () Wefdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Xukuumadda Somaliland ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi oo socdaal booqasho todobaadyo ah ugu baxaya shalay Jimcihii 16 Dec, 2011, dalka china ayaa maanta ka degey xarunta Caasimada dalkaa ee Beijing. sidaana waxa lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Xisbiga Kulmiye qaybtiisa waxrbaahinta ee Magaalada Hargeysa. Read more »
December 5th, 2011 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Xisbiga KULMIYE waxa uu si culus u cambaaraynayaa falkii axmaqnimada ahaa ee habbeenkii isniintii ee Dec, 05, 2011 ka dhacay Deegaanka seebaal oo u dhexeeya deegaanka Baki iyo Gabiley, kaas oo lagu dilay saddex nin oo goor habeenimmo ah la miray. Read more »
December 2nd, 2011 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Wajaale,02.Nov,2011-(Kulmiye.org)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland iyo masuulliyiinta xisbiga, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Degmada Tog-wajaale ee ku taal xuduudka Somaliland la wadaagto dalka Eithiopia. Read more »
December 2nd, 2011 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Gabiley–(KULMIYE.ORG)- Dadweynaha ku nool magaalada Gabiley iyo xarunta gobolka Gabiley, ayaa soo dhawayntii ugu weynad tan iyo intii ka danbaysay doorashadii Madaxtooyadda ku qaabilay Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo wefti isugu jira xildhibaanno iyo masuulliyiin sar sare oo ka tirsan xisbiga. Read more »
November 25th, 2011 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Oodweyne-(KULMIYE.ORG)- Dadweynaha Gobolka Oodweyne, ayaa roog cas u dhigay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Bixii Cabdi iyo wefti ballaadhan oo ku weheliyay safar uu xisbigaasi ugu jiro diyaar-garowga doorashooyinka deegaanka iyo qiimaynta waxqabadkii xisbiga KULMIYE ballqandaaday doorashooyinkii madaxtooyadda sanad iyo badh ka hor. Read more »
November 22nd, 2011 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Burco-(Berberanews)- Guddoomiyaha Xisbul-xaakimka KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo ku gudo-jira xog-ogaal u noqoshada iyo isu diyaarinta doorashooyinka goleyaasha deegaanka soo socda oo safar ku maraya qaar ka mid ah gobollada bariga Somaliland, ayaa maanta soo dhawayn layaab leh kala kulmay dadweynaha reer Burco oo tunka ku qaaday Guddoomiyaha Xisbiga, ka hor intii aanu gaadhin magaalada Burco oo ay Tuullada Galloolay ay kaga hor yimaadeen kumannaan gaadiid iyo dadweyne ah. Read more »
November 20th, 2011 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Berbera-(KULMIYE.ORG)- Guddoomiyaha Xisbul-xaakimka KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Wakiillada kaga jira xisbiga, garabka haweenka iyo masuulliyiin xisbiga ka tirsan, ayaa maanta safar ugu kicitimay magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil. Read more »
November 19th, 2011 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Hargeysa (Jam/KULMIYE.ORG)- Cilmi-baadhis aad u ballaadhan oo taabanaysa dhammaan dhinacyada nolosha bini’aadamka, ayaa hay’adda caalamiga ah ee dalka Maraykanka ee IRI ka diyaarisay shacabka reer Somaliland eek u dhaqan gobolka Maroodi-jeex. Read more »
November 19th, 2011 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Hargeysa (KULMIYE.ORG)- Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in xisbigiisa iyo xukuumaddu ka midaysanyihiin in doorashada Goleyaasha Deegaanku qabsoomaan xilligii loo qoondeeyay ee horraanta sanadka 2012. Read more »