January 31st, 2010 in Kulmiye_party | Comments Off

January 30th, 2010 Comments Off
Addis Abab (kulmiye.Org) Guddomiyaha xisbiga Kulmiye Md Axmed Maxamed Silanyo ayaa soo gaadhay magaaladda Addis Ababa ee casimada dalka Ethiopia maalintii arbacadii, isagoo safar kaga soo noqday dalka Maraykanka. Guddomiye Silanyo ayaa intii uu joogay magaaladda Addis Ababa ayaa waxu kulamo la yeshay safiirka dalka Ingiriska u fadhiya Ethiopia, safiirka Maraykanka u fadhiya Ethiopia, iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Ethiopia. Read more »
January 30th, 2010 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
( Kulmiye.org) Abaabul xoogan oo loogu diyaar-garoobayo soo dhawaynta Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ilaa xalay ka socday magaalada Caasimada ah ee Hargeysa, kaasoo la filayo inuu maalinta berri ah ka soo dego madaarka Diyaaradaha ee Cigaal. Read more »
January 27th, 2010 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa maalintii Salaasada ee 26 ka bisha Jan, 2010 uu xafiiskiisa ku martiqaaday kuna soo dhaweeyay Senator Al Franken (D) oo laga soo doorto gobolka Minnesota kana tirsan xisbiga Dimuqraadiga ah ee aqlabiyada ku fadhiya labada gole ee barlamanka-ka Read more »
January 26th, 2010 in Kulmiye_party | Comments Off

Hargeysa(kulmiye.org):-Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga KULMIYE, ayaa maanta Xaflad soo dhawayn ah ku qaabilay Taageerayaal cusub oo Xisbigooda ku soo biiray, isla markaana sheegay inay ka soo baxeen Xisbiga talada haya ee UDUB oo ay hore u taageeri jirieen. Read more »
January 26th, 2010 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Hargeysa(HWN):- Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah KULMIYE ayaa wax lala yaabo ku tilmaamo weedho is burinaya oo ka soo yeedhay todobaadkan Wasiiro ka tirsan Xukuumada. Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE ahna ku simaha Gudoomiyaha Muuse Biixi Cabdi ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay haddallo ku aadan Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo ka soo yeedhay Wasiiro xukuumadda ka tirsan. Read more »
January 26th, 2010 in Kulmiye_party, Press | Comments Off

Hargeisa(kulmiye.org)Xoghayaha Arrimaha Dibedda KULMIYE oo Shaaca ka Qaaday in Xukuumadda Rayaale ka Khalkhashay Safarka Axmed-Siilaanyo ee Maraykanka
Booqashada Guddoomiyaha KULMIYE ee Maraykanku Waxay Degenaansho La’aan ku Riday Maamulka Rayaale oo Waa Kuwaa Wasiirradiisii Kala Hadlaya’ Read more »
January 21st, 2010 in Codka Muwaadinka, Kulmiye_party | Comments Off
January 21st, 2010 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
| “Sida cadceeda ayey muuqataa inuu Siilaanyo, isaga [Rayaale] uga lexejeclo badan yahay dalkan iyo dadkan oo intii uu u soo halgamayey……..
Murashaxa jagada Madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE Mudane Cabdiraxman Cabdiraxmaan C. Ismaaciil (Saylici)
Hargeysa (Jam)- Murashaxa Jagada Madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin shir jaraa’id oo uu shalay qabtay ku sheegay in Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Siilaanyo uu aaminsan yahay nidaamka fadaraalka. Read more » |
January 21st, 2010 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
(kulmiye.org) Thursday, January 21, 2010
 |
| Guddoomiye Ku-xigeenka Koobad Ee Xisbiga Kulmiye, Muj: Musee Biixi Cabdi |
-Ku simaha guddoomiyaha KULMIYE ahna guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbigaas Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag u naqdiyay khudbadii uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Salaasadii doraad ka jeediyay aqalka Madaxtooyada, waxaanu ku tilmaamay mid aan lahayn meeqaamkii hoggaamiye Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen dhawr iyo toban sanno soo ahaa uu jeedin lahaa.
Md. Muuse Biixi, oo uu Wargeyska Geeska Afrika xalay la yeeshay waraysi gaar ah, waxa kale oo uu ka hadlay xadhiga ay xukuumadu la maagantahay Maxamed Xaashi oo ah siyaasi caan ah oo ka tirsan KULMIYE, rabshadihii ka dhacay Wajaale Salaasadii ee ka dhashay dilkii ay Bolisku u gaysteen dad shacab ah iyo arrimo kale. Read more »
January 20th, 2010 in Kulmiye_party | Comments Off
XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARINTA SOMALILAND

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARINTA SOMALILAND
KULMIYE
Ref: XK/XAD/0029/2010
Date: 20/01/2010
KU: Md. Cismaan Saxardiid
Og: Hoggaanka Xisbiga KULMIYE
Ujeedo: Magacaabis Xil
Xisbiga KULMIYE markuu arkay muhimadda hawlgallada taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee ku dhaqan qurbahu ay u leedahay horumarinta hawlaha qaran ee xisbiga, tixgalinna siiyay baahida loo qabo in la xidhiidhiyo lana kobciyo laamaha xisbiga ee jaaliyadaha qurbaha, dhagaystayna talooyin ay soo jeediyeen masuliyiinta laamaha xisbiga ee qurbuha, wuxuu u magacaabay Cismaan Saxardiid inuu noqdo Xidhiidhiyaha Laamaha Xisbiga KULMIYE ee Qurbajoogga. Read more »