Archive for the ‘Kulmiye_party’ Category

Gudoomiye Xigeenka KULMIYE Oo Si Kulul U Dhaliilay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa(KULMIYE.ORG)Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbul xaakimka talada dalka haya ee KULMIYE C/raxmaan C/qaadir, ayaa dhaliil adag u soo jeediyey xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, wuxuuna sheegay inuu ka jiro xulufaysi oo aanay isla haysan, isagoo dhinaca kalena ku tilmaamay mid ay ka muuqato habacsanaan iyo kala daadsanaan, Read more »

Madaxweyne Silaanyo oo magacaabay guddida daraasaadka haweenka iyo dadka laga tirade badanyahay

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamuud Silaanyo, ayaa maanta magacaabay guddi ku cusub Somaliland oo ka shaqayn doonta daraasaadka xoojinta kaalinta haweenka iyo dadka laga tirade badanyahay ee ka qaybgalka siyaasadda. Read more »

Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa maanta u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland inuu noqdo Xildhibaan Maxamed Nuur Carraalle (Duur) oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiillada Somaliland ee ka soo baxay gobolka Saaxil, ka dib markii uu jagadaa iska casilay Dr. Maxamed Cabdi Gabboose. Read more »

Guddoomiyaha KULMIYE oo ka hadlay xidhiidhka ka dhexeeya Warancadde iyo arrimo kale

Hargeysa (KULMIUE.ORG)- Guddoomiya xisbiga Taladda Haya ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Ayaa maanta markii ugu horeysay faahfaahin ka bixiyay kulamo maalmihii ugu dambeeyay ay magaaladda Hargeysa ku yeesheen isaga iyo Guddoomiyaha siyaasadda, ahna wasiirkii hore ee Duulista Cali Maxamed Warancade. Read more »

Madaxweyne Siilaanyo oo dhaqan geliyay xeerka furashada ururada siyaasada

Hargeysa (KULMIYE.ORG)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta si rasmi ah u dhaqan geliyay xeerka nidaamka ururada iyo Axsaabta siyaasada Somaliland ka dib markii dhawaan labada Aqal ee Baarlamaanka Wakiilada iyo Guurtidu uu midba dhinaciisa cod aqlabiyad ah ugu meel mariyay xeerkan oo dad badani danaynayaan. Read more »

Guddida Cadaalada Somaliland oo xilkii ka xayuubiyay Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka Hargeysa


Hargeysa-(KULMIYE.ORG)- Guddiga cadaalada Somaliland, ayaa soo saaray go’aan ay xilkii kaga qaadeen Guddoomiyihii Maxkamada Racfaanka gobolka Hargeysa, ka dib markii lagu helay inuu sifo sharci daro ah uga soo daayay xabsiga Hargeysa koox budhcad-badeed ah. Read more »

Qoysas Qurbo-joog Tiro Badan ah oo Hargeysa iyo Berbera ku Cadillan Diyaarad la’aan

Hargeysa (Jam/kulmiye.org)- Qoysas qurbo-joog tiro badan oo wakhtiga xagaaga dalka yimi, ayaa ku cadillan magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, kadib markii diyaaradda DJibouti Air oo markii soo qaaday, isla markaana celin lahayd joojisay gebi ahaanba duullimaadyadii ay ku iman jiray garoomada Somaliland. Read more »

Wasiirka Arr. Debeda Oo Faahfaahiyay Heshiiskii Maalgashi ee Madaxweyne Silaanyo la soo galay China

Hargeysa-(Somalilandpress)- Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa faahfaahin ka bixiyey heshiiska maalgashi ee weftigii Madaxweyne Axmed Siilaanyo la soo galeen Shiinaha.
Read more »

Dr. Gaboose Oo Ku Dhawaaqay Inuu Iska Casilay Xilkii Wasiirnimmo Iyo Dareenka Ku Xeeran

Hargeysa (ANN) Dr. Maxamed Cabdi Gaboose Wasiirka Arrimaha Gudaha Ee Xukuumada Siilaanyo ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Somaliland. Dr. Gaboose ayaa sidaa ka sheegay shir jar’aaid oo uu qabtay magaalada Hargeysa.

Wasiirku isagoo sharaxayaa sababta uu isku casilay waxa uu sheegay inuu doonayo inuu ka qayb galo tartanka siyaasadeed ee ururada la furay. isagoo yidhi, “ Waxaan doonayaa inaan ka sal gaadho hamigayga siyaasadeed. Warqadayda Iscasilaada waxaan u gudbiyay Madaxwaynaha Somaliland intii aanu shiinaha u ambabixin waanu iga Aqbalay.” Read more »

Madaxweyne Silaanyo Oo Soo Guryo-noqday Faahfaahin Koobana Ka Bixiyay Safarkiisii China iyo Itoobiya

Hargeysa- (KULMIYE.ORG)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii ay soo dhamaysteen Booqasho rasmi ah oo ay mudo hal todobaad ah ugu maqnaayeen Dalalka Ethiopia iyoShiinaha. Read more »