August 3rd, 2010 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Hargeysa(KULMIYE.ORG)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la filayaa inuu Arbacada beri xilka guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ku wareejiyo Muuse Biixi Cabdi, arrintaasi oo qayb ka ah go’aan golaha dhexe ee KULMIYE ansixiyeen shirweynihii xisbiga ee sannado ka hor ka dhacay magaalada Burco. Read more »
August 3rd, 2010 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Hargeysa(KULMIYE.ORG)-Madaxwaynaha cusub ee Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa maanta markii ugu horeysay kulan qado ah ku qaabilay Xubnaha Golaha Wakiilada Somaliland oo ay hogaaminayaan Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Cabdicasiis Samaale. Read more »
August 2nd, 2010 in Announcements, Codka Muwaadinka, Kulmiye_party, Press | Comments Off
Berbera(KULMIYE.ORG)- Wasiirka Cusub ee loo magacaabay Wasaarada Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali shire ayaa maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Berbera. Read more »
August 1st, 2010 in Kulmiye_party, Press | Comments Off

Hargeysa-(KULMIYE.OG)-Wasiirka Arrimaha Dibedda JSL, Mudane, Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ay weheliyaan Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee Cusubi ayaa Maanta Gelinkii Hore Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafti Balaadhan oo uu Hogaaminayay Mark Bowder oo ah xidhiidhiyaha Arimaha Bini-aadminimada, ee Somaliland & Somalia iyo Jaraj Chopra oo ah Read more »
August 1st, 2010 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Hargeysa(KULMIYE.ORG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud, ayaa maanta soo saaray xeer Madaxweyne No.004/072010 oo uu ugu magacaabay Gudoomiye cusub Gobolka Awdal.
Madaxweynuhu, isagoo tix-raacaya qodobka 90aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana tix-geliyay baahida loo qabo in Gudoomiye loo magacaabo Gobolka Awdal, waxa uu u magacaabay Mudane, Maxamed Daahir Cabdalle inuu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Allaa Mahad Leh,
Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
July 31st, 2010 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Hargeysa (KULMIYE.ORG)-Guddi Hoosaadka Saaxiibada Somaliland oo Hambalyeeya Madaxweyne Siilaanyo
London (Jam)-Guddi Hoosaadka Saaxiibada Somaliland ee Ingiriiska oo Hambalyo u direy madaxweynaha Cusub ee Somaliland Md Axmed Maxamed Maxauud Siilaanyo. Haddaba Garyaqaan Sare oo caalami ah oo magaca guddida ku hadlaya Mr.Jeremy Carvey CBE, ayaa Read more »
July 30th, 2010 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Qalinkii Maxamed Baashe X Xasan
mohamedbashe@hotmail.com
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu magacaabay wasiirro tayo leh. Waxa muuqata inuu madaxweynuhu aqoon uga xishay wax kasta oo kaleba: Annagaa badnaan jirney “laandheere ahayn” oo jagooyin lama taabtaan ah lahaan jirney waxa hafiyey aqoon iyo diyaar ahaansho. Waa halkii Cali Read more »
July 29th, 2010 in Kulmiye_party, Press | Comments Off

Madaxweyne Axmed M. Maxamuud
Hargeysa(KULMIYE.ORG)-Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ku dhawaaqay golaha wasiirada xukuumaddiisa, Madaxweynaha oo xubnaha wasiiradiisa ka dhigay 26 isugu jira wasiiro iyo wasiir ku-xigeeno, kuwaas oo sida uu tilmaamay uu ku xushay aqoon iyo karti, sidaa waxa uu ku sheegay shir-jaraa’id oo uu maanta ku qabtay qasriga madaxtoyada. Read more »
July 29th, 2010 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Xubno iskugu jira Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Waxagarad iyo Odoyaal oo ka tirsan Beesha Gobolka Saaxil ayaa si wayn u taageertay Golaha Wasiirada ee uu soo dhisay Madaxweynaha la doortay ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Read more »
July 29th, 2010 in Kulmiye_party, Press | Comments Off

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud, ayaa maanta soo saaray laba xeer oo uu ku kala magacaabay labadan masuul ee hoos ku xusan, kuwaasi oo kala qaban doona Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada iyo Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland. Read more »