KULMIYE Party » Uncategorized
Cilmi-Kabaal-TBSL
Cilmi-Kabaal-TBSL
Mudanayaasha Kongreska Ee U Qaabilay Md Siiaanyo Waxa Ka Mid Ahaa Md Keith Ellison
kulmiye.org, Washington DC USA) Goddoomiyaha xisbiga Kulmiye mudane Axmed Maxamed Siilanyo wuxuu maalintii  taarikhdu ahayd Jan 21, 2010 kula kulmay aqalaka Kongreska ee Mareykanka xildhibaan Keith Ellison oo ah xildhibaanka ka soo jeeda ah gobolka Minnesota, gobolkaas oo ah meel Soomaalidu aad ay u deggen yihiin.
Congresman Keith waa xildhibankii ugu horreyay ee Mareykan ah oo diinta Islaamka aaminsan, isla markaasna qeyb weyn ka qaata hawlaha iyo arrimaha ku saabsan Soomalida dalka Mareykanka deggan. Si wanaagasan oo qalbi furan ayuu Mr. Ellison ku qaabilay guddoomiyaha isagoo isla markaa tilmaamay inuu u heeggan yahay inuu Somaliland wax la qabto. Arrimihii guddoomiye Siilanyo kala hadlay xildhibaan Ellison waxaa ka mid ahaa in taggeero buuxda laga helo waddanka Mareykanka sidii dhaqaalaha iyo difaaca Soomaliland loo kobcin lahaa. Waxaa kaloo guddoomiyu carrabka ku dhutay in la xoogiyo geddisoctka dimoqraadiyadda Somaliland oo doorashada madaxtooyada la hantiyo si wanaagsan oo buuxdana Mareykanku iyo EU duba uga qeyb qaataan si lo helo doorasho xor oo xalaal ah.
Ballan culus ayuu Congressman Keith qaaday inuu dadal cusub hawshaas dhexda u xirto, waxayna ku af jareen shirkii kuna heeshiiyeen inay khabaar joogta ah iyo xidhiidh adag labada dhinacba laga sameeyo.
Gudoomiye Siilanyo Oo Dawlada Maraykan U Soo Bandhigay Siyaasada Xisbiga Kulmiye
Shirkan oo lagu qabtay xafiiska shirarka ee hay’adda loo yaqaano National Endowment for Democracy, waxaa ka soo qaybgalay musuulyiin sare oo ku mid yihiin Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda  Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Mudane Princeton Lyman, haddan ka tirsan Guddiga Siyaasadda Dibadda ee Maraykanka, Mudane  David Shinn oo hore u ahaan jiray Safiirka Maraykanka u fadhiya Itoobiya, hadana ah Professor wax ka dhiga Jaamacada  George Washington, Agaasimaha Mashaariicda Afrika ee wasaaradda Mucaawinada iyo Iskaashiga dibadda ee dawladda Maraykanka (USAID) Mudane Mark Billera, Agaasimaha Waaxda Afrika ee NED, Dave Peterson iyo  masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka oo ka mid yahay Matthew Walsh, warfidiyeeno, Garyaqaano caalami ah iyo hay’adaha fidiya dimuqraadiyadda
Ugu horayn waxaa madasha shirka ka akhriyay sooyaalkaii taariikheed iyo hawlihii uu soo qabtay   Axmed Maxamed Maxamuud silaanyo, waxaan taariikhdasi akhriyay mudane Dave Peterson oo ah Agaasimaha qaybta Afrika ee NED.
Intaasi ka dibna ayuu Axmed Silaanyo shirka ka soo jeediyay khudbad uu si qoto dheer leh uga hadlay maraaxilkii kale geddisnaa ee ay Somaliland soo martay iyo guulaha ay shacabka Somaliland ka gaadheen dib udhiska dalka, horumarka bulshada, dhaqaalaha iyo dadaalka loogu jiro helitaan qoonsi siyaasadeed.
Ka dib, wuxuu kaloo Guddoomiye Silaanyo uu si balaadhan uga waramay  xaaladaha siyaasadeed ee Somaliland maanta  ka jira oo ay ka mid yihiin  hawlaha diyaargarawga doorashada ee dalka ka socda.  Waxaa kaloo Axmed Silaanyo ka hadlay siyaasadda xisbigiisu ka dhaqmi doono haddii ay doorashada ku guulaystaan. Waxaanu tilmaan gaar ah ka bixiyay  siyaasaddaha xisbigiisa ee ku jahaysan xagga dhaqaalaha, siyaasadda, bulshada, nabadgalyada, waxbarashada iyo caafimaadka.
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, oo ka hadlay siyaasadda Arrimaha Dibadda ee ay Somaliland qaadan doonto haddii ay xisbigoodu ku guulaysto doorashada madaxtooyada ee soo socota, sharaxaadna ka bixiyay aragtida
Somaliland ee xaladaha ka jira mandaqadda iyo caalamkaba, wuxuuna si gaar u xusay qorshayaashooda ku wajahan balaadhinta  xidhiidhka bulshada caalamka iyo Somaliland iyo dariiqyada loo mari karo hanashada himilooyinka qaranka ee aqoonsigu ka midka yahay.
Intaasi ka dib waxaa guddoomiye Axmed Silaanyo iyo  Maxamed Cabdillahi  halkaasi lagu waydiiyay su’aalo badan oo la xidhiidha arrimaha  doorashada, xidhiidhka Somaliland iyo wadamada jaarka iyo  barnaamijka xisbigooda ee wax ka qabashada baahida qaranka ee waxbarashada iyo dhaqaaluhu ka midka yihiin. Waxaa kaloo ka mid ahaa su’aalihii la waydiiyay qaar la xidhiidha khataraha xagga nabadgalyada ee ka jira Geeska Afrika iyo qorshooda xisbi ahaan ee ku jahaysan ka hortagga khatarahaasi.
Waa markii ugu horaysay ee hogaamiye ka socda Somaliland uu xilli dalku u diyaargaroobayo doorasho madaxwayne ay dawlad wayni siiso fursadan oo kale si ay bulshada caalamka ugu soo bandhigaan  siyaasadooda  qaran , kulamana ula yeeshaan  madax  ka tirsan dawladda Maraykanka.
Washington DC USA
Gudida Fulinta Xisbiga Kulmiye EeWaqooyiga Maraykan
Tacsi Ka Socota Ku Simaha Gudoomiyaha Xisbiga
Guddoomiyuhu waxa uu ilaahay uga baryayaa inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxdayna samir iyo iimaan ka siiyo.
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN
Md. Muse Biixi Cabdi
K/s Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye
Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga
Taliyihii Sirdoonka Qaranka Ee Gobolka Sool Oo Ku Eedaysan Dilkii Qaraxa ee taliyaha Qaybta 12aad Ee Cidaamada Qaranka
Warar xoogagaal ah oo aanu ka helnay magaalada laascaanood ayaa ku waramaya in dib u dhacan eedaysanayaasha in maxkamada ciidanka la hor keeno, ay ka dambaysay ka dib markii kulan ay iskugu yimaadeen saraakiisha ciidamada Qaranka, maamulka gobolka Sool iyo xubnaha maxkamada ciidanku oo in mudo ah socday aanu ka soo bixin wax ku saabsan sababta dib u dhigtay in eedaysanayaasha Maxkamadda la hor keeno.
Hase ahaatee, waxay wararku intaa ku dareen oo la filayaa in maalinta Bari ah Maxkamada qaadaysa dacwadda Taliyaha eedaysanaha ah ay ka bilaabanto Magaaladda Laascaanood.
Xukuumada Somaliland oo doonaysa in kiiskan baadhistiisa iyo xubnahan eedaysan loo soo wareejiyo magaalada Hargaysa, ayaa guul daraysatay markii ciidamada qaranka gaashaanka ku dhufteen, kuna adkaysteen in kiiska iyo maxkamadaba lagu galo magaalada Laascaanood oo ahayd halka uu ka dhacay falka lagu dilay taliyaha qaybtii 12aad ee Alle ha u naxariistee Cismaan Yuusuf Nuur.
Xigasho/ Hadhwanaagnews
Gudoomiyaha Kulmiye Oo Rayaale Ku Eedeeyay Inaanu Fulin Balanqaadkii Sii Daynta Dadkii Mudaharaadada Loo Xidh-Xidhay
“Madaxweynaha Ballamaha Uu Qaado Iskuma  		Wanaagasana, Waxaanan Ku Faraxsanahay Dareenkii Shacabku Ay Ku Muujiyeen  		Inaan Rabitaankooda Lagu Iibsan Karin Shillimaad, Waxaanay Muujisay  		Siyasada Xukuumada Ee Faashilka Ah”  		Axmed Siilaanyo
Gudoomiyaha Kulmiye waxa uu  		sidaasi ku sheegay mar uu xalay khadka Telephone-ka wargeyska Haatuf xog  		waraysi kula yeeshay, kaas oo uu si rasmiya ugu cadeeyay in xisbi ahaan  		ay soo dhoweynayaan komishanka doorashooyinka qaranka ee la ansixiyey  		isagoo Muj Siilaanyo arrinkaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Golaha  		wakiilada talaabadaa ay ku ansixiyeen xubnaha komishanka doorashooyinka  		cusub waanu soo dhawyanyanaa waananu ku hambalyaynaynaa waajibaadkoodii  		ka saara, komishanka cusubna waxaanu ilaahay uga baryaynaa inuu ka dhigo  		kuwo xilkooda u guta si dhexdhexaadnimo ah dalkana ka suurto galiya  		doorasho xor oo xalaal ah wixii munaasabada dhaartooda ka dambeeyana  		waxaanu soo jeedinaynaa inay si toos ah u gudo galaan hawlahoodii  		qabanqaabada doorashada madaxtooyada, anaguna xibi ahaan waxaanu  		cadaynaynaa una balanqaadaynaa inaanu la shaqayn doono”
Gudoomiye Axmed Siilaanyo mar  		uu ka hadlayay arrimo ku saabsan lacago la sheegay in xisbiga Udub lacag  		u qaybiyey dhalinyaro ka tirsan xisbiga Kulmiye oo degan xaafado ka  		tirsan degmooyinka 26June iyo koodbuur ee magaalada Hargeysa, waxa uu  		yidhi “Waxaan aaminsanahay inay ku fashilmeen oo aanay ku guulaysanaynin  		dadweynaha iyo dhal;iyarada xaafadaha kala duwaninia waxay dareenkooda  		ku cadeeyeen sidii dhawaan ay cadeeyeen-ba inaan shillimaad lagu iibsan  		karin, xukuumadana ay nacasnimo weyn u tahay lacagtii dalka wax loogu  		qaban lahaa ee dhilyarada shaqooyin loogu abuuri lahaa ee lagagala  		dagaalami lahaa baddaha ay nafahood ku haligayaan, in nasiib daro ay si  		qaloocan u adeegsanayso waxaanay muujinaysaa siyaasad xumadooda  		faashilka ah iyo ujeedada qaloocan ee ay u adeegsanayaan dhaqaalhii  		dalka wax loogu qaban lahaa, waxaanse ku faraxsanahay gudoomiye ahaan in  		dhalinyaradii iyo waxgaradkii ummadu-ba ay iska garteen  waxaan  		damiirkoodu munaasib ku ahayn, arrimahaana xukuumadu iyada ayaa ku   		ceebaysan”.
Gudoomiye Siilaanyo mar aanu  		weydiinay in madaxweynaha ay kala hadli doonaan inaan hantida qaranka lo  		adeegsanin iyo warbaahinta qaranka-ba ololaha doorashada madaxtooyada  		waxa uu yidhi “markasta madaxweynaha waanu kala hadlaa inaan hantida  		qaranka aanay u adeegsanin musuqmaasuq iyo ku takri fal nasib daro-se  		waxba kuma qaadanayo oo arrimhii aanu madaxweynaha kala hadalay ee uu ka  		balanqaaday munaasibadii aanu ku kala sexeexanay heshiiskii lixda qodob  		ahaa ee beesha caalamku ku soo talo bixisay in lagu soo afjaro  		khilaafkii dibu dhaca doorashada oo ku balanqaaday inuu sii dayn doono  		shacabkii lagu xidhxidhay mudaharaadada waxba kamuu fulinin qof kaliya  		uu sii daayayna ma jirto oo wali way xidhxidhan yihiin mushkilada  		madaxweynaha haysataana madaxweynuhu balamaha uu qaado kuma wanaagsana  		fulintooda”.
Mar aanu weydiinay Axmed  		Siilaanyo inay jiraan cid la soii daayay dadkii loo qabqabtay  		mudaharaadadaas iyo in wali xidhan yihiin, waxa uu ku jawaabay  		“madaxweynuhu hal qof oo uu ka sii dayay ma jirto wali sidii bay u  		xidhan yihiin dadweynahaasi xaq darada lagu xidhay, mana garanayo  		sababaha uu madaxweynuhu balamaha uu qaado uu u fulin waayo, kuwaas oo  		beesha caalamka iyo golayaasha qaranka madashii ay goob-jooga ka wada  		ahaayeen uu ka iclaamiyey”.
Lacag Baa Lagu Shubtay Amin Amir Sida Mobile-Ka
Waxaa hore u jiri jiray Afmiinshaar amiin Caamirna waa Hungri Raac !
Horta maantaa gabal baasi u dumay Amiin Caamir, cid dambena aanay  rumaysan doonin waayo wuxuu hungri ku  raacay Digtaatooriyad  xooga googo qadhiidh ah oo Riyaale Xawaalada u soo dhigay todobaadkii hore.
Hadaba Amiir Caamirow adiga oo beenaale ahaa Sawir gacmeed kaagii awalba beenta ahaa  ma hungri buu maantana kuula dhaadhacay isuna badalay.
Qof Hungri kaa qaaday waa sida Amiin Caamir oo kale , inaad hungri raac tahay xaqa iyo baadilka shilin Daahir Riyaale Siiyay mabda’iisuba yahay waxaa cadaynaya hadba sawir shaydaanka aad sawirto oo hungri iyo meheradba kuu noqday. Somaliland adiga oo kale oo hungri hagaayo sida GBS – ka waxba lagaa waydiimaayo.
Waraysi: Xoghayaha Xisbiga Kulmiye Kayse Hassan Cige
Shabakada Somaliland.org Ayaa la yeelatay waraysi xoghayaha guud ee xisbiga Mucaaraidka ah ee Kulmiye Md Kayse Xasan Cige xaalada ay marayso siyaasada Somaliland iyo khilaafka sharci ee ay isku hayaan xisbiyada mucaridka ah iyo xukuumada madaxweyne Rayaale, waraysigiina wuxuu u dhacay sidatan:
Suaal:- Mudane Kayse waxaad nooga warantaa halka ay marayaan arimihii dhexdhexaadinta ee ahayd heer Caalamiya iyo heer gudaha ahba sida Salaadiinta is urursatay iyo qolyaha kale ee la magac baxay 101?
Mudane Kayse:- Way noo yimaadeen ergooyin kala duwan sida salaadiinta iyo waxgarad ay soo qabanqaabisay Saxaafadu. Haseyeeshee si aada ayaanu ula jeexjeexnay waxayna jawaabtii aanu siinay noqotay in dhinaca wax laga sugayaa uu yahay dhinaca xukuumada haddii ay noqon laheyd fulinta iyo ixtiraamka heshiisyadii faraha badnaa ee ay mucaaradka iyo xukuumadu u wada galeen iyo inay xukuumadu mar walba jabiso heshiis kasta oo la galo. sidaasi daraadeed in xukuumada Riyaale looga fadhiyo inuu sharciyadda kusoo noqdo, ogolaadana heshiisyada uu la galo mucaaradka. waxaa kaloo aanu ka codsanay ergooyinka inay runta u sheegaan Riyaale oo aanay ka gabanin haddii ay dani ka hayso maslaxadda, nabbada  iyo horumarka Somaliland.
Dibedda:- Waa la socoteen wafdigii uu hogaaminayey Wasiiru- dawlaha Arrimaha Dibeda ee Itoobiya ee dhowaanta booqashada ku yimid dalka iyo soo-jeedimihii uu u soo gudbiyey seddexda Xisbi Qaran, kuwaasoo nuxurkoodu ahaa isu soo dhowaansho ay qolo waliba kasoo degto mawqifkii ay hore ugu dheganayd.Waxaana ugu muhiimsanaa soo-jeedimahaasi: a) inay xukuumadu ka noqoto go’aankeeda ahaa in doorashada lagu galo diiwaangelin la’aan iyo b) in mucaaradku ogolaado in dib u sifeyn dambe lagu sameeyo liiska diiwaangelinta. Haseyeeshee qodobka ugu xasaasisan ee ay labada dhinac ku kala duwan yihiin waxaa weeyee “Yaa sii haynaya xilka” oo doorasho dalka gaadhsiinaya. Riyaale wuxuu doonayaa inay isaga iyo Ku-xigeenku sii fadhiyaan; halka ay mucaaradku  ka diideen ee ay kuna gacan saydheen. Waxay mucaaradku soo jeediyeen in muddadaasi loo dhiibo xilka cid kale oo doorashada dalka gaadhsiisa.Taasoo laba waji yeelan karta – mid siyaasadeed oo loo dhiibo cid dhexdhexaada ah oo seddexda xisbi ka heshiiyaan iyo in la maro wadada sharciyadda oo dib loogu celiyo Baarlamaanka, taasoo ah tan ay danaynayaan Xisbiyada mucaaradku.
Waxaa kaloo dalka yimid Ku-xigeenka Safiirka Ingiriiska u fadhiya Itoobiya oo kulamo kala duwan la yeeshey xukuumada iyo mucaaradka labadaba. Waxaa la filayaa inay dhowaan dalka iman doonaan wafdi ka socda EU iyo Itoobiya oo ka ballaadhan kii hore u yimid (Wasiirkii kalida ahaa). Waxaa kaloo dalka yimid wafdi ka socda xafiiska UNPOS (United Nations Political Office for Somalia), waxayna sidoo kale kulamo la yeesheen xukuumada iyo Mucaaradka. Waxayna noo sheegeen inay hadda xafiis ka furan doonaan Somaliland si ay u xoojiyaan mashaariicda horumarinta isla markaana gacan ka siiyaan Somaliland dhinaca nabadgalyada iyo xassiloonida.
Su’aal:- Dadka had iyo goor ku baaqa dhexdhexaadinta ayaa baryahan dambe caado ka dhigatay distoor iyo sharci jabinta Daahir Riyaale dalkan ka sameeyay in indhaha ay ka qarsadaan arintana ku tilmaama khilaaf siyaasadeed oo ah mucaarid iyo muxaafid is haya, arintaasi siday xisbi ahaan idiin la muuqataa?
Mudane Kayse:- Waa dhab oo waa la ogyahay cidda sharciyada ku tumata ama jabisa oo waxaa ugu dambaysay dhacdadii foosha xumayd ee lagu qaaday Golaha Wakiilada taasoo wali ay xukuumada wado oo abaabulayso. Annagu xisbi ahaan waanu ognahay inaan ergooyinka dhexdhexaadintu aanay waxba kusoo kordhinaynin xaalada maanta taagan oo aanu Riyaale diyaar u aheyn inuu kaalintiisa qaato. Sidaasi daraadeed waxaanu u aragnaa inay tahay waqti lumis.
Su’aal:- Daahir Riyaale wuu diiday inuu saxeexo go’aanadii heshiiskii u dambeeyay ee lagu dhexdhexaadiyay hogaamiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah iyo Daahir Riyaale, hadaba Daahir Riyaale aaminaad dambe ma leeyahy baad u malaynaysaa?
Mudane Kayse:- Haba sheegin. Way u caddahay qof walba inaanu Riyaale fulinaynin heshiis uu galo oo hore ayaa looga caal waayey. Sida adba aad sheegtay waxaa ka mida ahaa heshiiskii ugu dambeeyey ee ay Guddigii Dhexdhexaadintu soo saareen inaan mar danbe aanay Guurtidu u kordhin doonin muddo kale, haseyeeshee wuxuu hadda olole kale ugu jiraa sidii uu u sii fadhiyi lahaa muddada doorashada ka hadhay.
Sua’aal:- Waxa jirta maalintii mudahraadka in dad badan oo laga  xidhxidhay magaalada Hargeysa  ay ka mid ahayd marwada gudoomiye ku xigiinka 2aad ee golaha wakiilada marwo Fowsiya Maxamed Ninweyn iyo dadweyne kale oo fara badan xisbi ahaan ma isku daydaan inaad dadkaas ka daba tagtaan oo aad soo daysaan?
Mudane Kayse:- Haa. Waxaanu  soo ururinay xogta dadka la xidhay, kuwa tacadiga loo geestay iyo kuwa dhaawaca la gaadhsiiyey. waxaanu la xidhiidhnay Xafiisyada Taliska Booliska iyo Dambi Baadhista ee Degmooyinka , iyadoo aanu isku taxallujiney in dadkaasi la sii daayo. Waxaa kaloo aanu saxaafadda u bandhignay dhacdooyinkaasi.
Su’aal:- Miyay jiraan Mas’uuliyiinn ka tirsan Laamaha gobolada xisbiga oo wali idinka xidhani?
Mudane Kayse:-  Maya.  Way jireen mas’uuliyiin iyo taageerayaal kale oo la xidhay, haseyeeshee muddo kadib waa lasoo daayey inkastoo qaarkood loo geestay dhaawacyo sida Xaaska Guddoomiye Xigeenka Wakiilada.
Su’aa’l:- Ugu damabayn, doorashada waxaa loo qoondeeyay inay qabsoonto bishan September 27 keeda siday xubnaha Komishanka qaranku hore ugu dhawaaqeen, haday hadaba maalintaas doorasho dhici waydo muxuu noqonayaa mawqifka xisbigu?
Mudane Kayse:- Way u muuqataa inaan doorasho qabsoomayn maalinta loogu talagalay ee 27 Sept. Sidaasi awgeed waxay labada Xisbi Mucaarad ku heshiiyeen in loo baahan yahay maamul ku -meel gaadha oo dalka gaadhsiiya doorasho, iyadoo laba Xisbi  tixgelin gaara ah siinayaan dhinaca sharciyadda.
Mohamoud A.Rageh
Somaliland.org
Madaxtooyada Somaliland Oo Isu Badashay Cawyska aan Laga Seexan
Mahadnaq Mudane CabdiCasiis Samaale “Aduunyada Weli Rag Baa Nool”
Waxaana markhaati taas ka ah, warsaxaafadeedkii ugu danbeeyey ee uu qabtay Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Cabdicasiis Samaale. “Ruug Cadaadigii Soo Rogaal Celi”. Waxaan u mahadnaqayaa Illaaha Weyn Ee Waaxidka ah ee garansiiyey Mudane CabdiCasiis Samaale in uu runta ka sheego khilaafaadka maanta ka jira dalkii hooyo. Waxa kale oo aan isna Mahadnaq u soo jeedinayaa Mudane CabdiCasiis oo muujiyey aqoon cilmi diineed iyo mid kaleba. Waxa kale oo uu Mudane Samaale muujiyey kalyo, raganimo, aftahanimo iyo in aanu ka baqayn cidna, isaga oo og in xukunka hada ka jira Somaliland in uu yahay xukun seetadii goostay oo aan ogolayn in runta loo sheego. Laakiin hadii maamulka hada jiraa wax ku qaadanayo, waxa hubaal ah in aanu Mudane CabdiCasiis Samaale waxba ka tegin hadii ay wax ku qaadanayaan. Waxana wanaagsan in qofka marka uu wanaag ku hadlayo oo waxa uu ka hadlayaa tahay dan Qaran in lagu taageero, xataa hadii aad mabda’a siyaasadeed aad ku kala gedisan tihiin. Aniga oo taageera xisbiga talada haya ee UDUB, waxa aan ku raacsanahay hadalada xalaasha ah ee uu ku hadlay Mudane CabdiCasiis Samaale, isaga oo ka soo jeeda xisbiga Kulmiye oo aanu siyaasad ahaan ku kala gedisanay, laakiin danta guud ee naga dhaxaysaa ay ka weyn tahay ta gaarka ah ee aanu kala jiidanayno taageerayaasha labada xisbi qaran.
Waxa haboon in rag badan oo ku jira xisbiga talada haya ee UDUB in ay casharo ka qaataan Mudane CabdiCasiis Samaale iyo hadaladiisii maanta. Waa in ay kala gartaan xiliga wax kala jiidashadu furan tahay iyo xiliga kalaguurka ee ragu kala baxo, Qaranka oo loo hiiliyaana ka muhiimsan tahay shaqsiga, xisbiga, reerka, iwm. Waa in ay xasuustaan dhaartii ay u dhaarteen Qaranka Somaliland. Bari kamaalin waxa dhici karta hadii doorasho dhacdo in aan u codeeyo xisbiga talada haya ee UDUB, laakiin khaladka uu ku socdo Madaxweyne Riyaale maaha mid loo dulqaadan karo. Waa hadii Qaranimada Somaliland inaga dhab tahay. Madaxweyne laga fiican hadalaada ku soo wada urura “ANIGA”. Somali baa hore ugu maahmaahday “Nin Isfaanshay Waa Ri Isnuugtay”. Aniga mooyee cidkale majirto waxay ka soconweyday Fircoon, Siyaad, Bukaase, Mingiste, iwm.
Taageerayaasha UDUB hadii aanay caanaha iyo biyaha isku qasayn oo Xaqa iyo Xaqdaradu iskaga keen dhex milmin, waxa haboon in aan qabano madaxdeena inta aanay gaadhin meeldheer oo wax lagala kulmi aynaan garanayn.
Waxa layidhi “Walaalkaa Laba Goorba U Hiili; Marka Uu Gardaran Yahay Qabo, Marka Laga Gardaran Yahayna Wax Ka Celi”. Waxa aan ka codsanayaa inta UDUB ta dhabta ah ee aan dhuuniga uula socon UDUB in ay maanta haboon tahay in ay u hiiliyaan xisbigooda, oo waxa ay uugu hiilinayaan tahay runta oo loo sheego Madaxda Qaranka iyo taageerayaasha xisbiga labadaba. UDUB kaligeed doorasho ma geli karto. UDUB sharciga dalka kama weyna. UDUB iyo Madaxda Qarankaba waxa awooda ay isticmaalayaan siiyey sharciga dalka u yaal, sharciga dalka in lagu dhaqmana muwaadin kasta dantiisa ayaa ku jirta. Hadii ay diidaan in ay ku dhaqmaan sharciga u yaal Somaliland, macnaheedu waxay ka dhigan tahay, waxa aad imoodaysaan ma ihi ee idina ha ii hogaansamina. Waa kaalay isdilee iyo foodo dalka laga dhex abuurayo. Taas na Somaliland iyo shicibkeeda xalaasha ah midna ma qabato.
Waxa isna mudan amaan Mudane Dhaadheere oo ah xildhibaan ka soo baxay xisbiga UDUB oo taageeray go’aankii Golaha Wakiilada. Wuu ku mahdsan yahay Mudane Dhaadheere in uu DANTII QARANKA ka soo hormariyey danta xisbiga iyo ta shaqsigaba. Taariikhdu wey qori ninka danaysanaya iyo ka u hiilinaya Qaranka Somaliland. Dhuuniraac iyo Dhaameel u riyaaqahu ha ogaadaan in dalkan iyo dadkani la socdaan falalka ay maleegayaan. Xisaab if iyo mid aakhirana waa u danbaysaa “Ninka Dhuumanaayee Dhabarku Muuqdoow Waa Lagu Arkaa”.
Ciidamada Somaliland iyo Booliska Somaliland ha ka faa’iidaystaan kuwii ka horeeye iyo wixii halaagay. Shaqsi loo adeego oo shicib lagu muqiiniyo Afweyne ayey ka socon lahayd. Shicibka la idinleeyahay u soo cagajugleeya waa shicibkiina idinsiiyay sharafta iyo mudaanta aad kaga duwantihiin qofka shicibka ah ee qoriga sita. Yaan idinka iyo shicibkiina la idinkala dilin. Hadii aad diidaan talada ay idiin soo jeedinayaan dad badan oo ka mid ah umada Somaliland, waxaad ogaataa in guri kasta qori yaalo. Samirka umaduna in uu xad iyo xuduud lee yahay ogaada, oo hadii aad u qaadateen fulaynimo ixtiraamka la ixtiraamayo unifoomka aad xidhan tihiin, waxaad ogaataan in ay xigi idinka oo ka carara unifoomka aad xidhan tihiin, oo dharshicib xidha si aan uga badbaadaan kacdoonka shicibka. Mudo ka yar 20 sano ayaa ka danbaysay markay kuwii ku jirey ciidanka ugu xooga weyn Afrikada Madoow, ay ka yaaceen Hargeysa, Burco, Berber, Boorama, iwm. Kuwii ka eryeyna weli wey joogaan Somaliland.
Haka waantoobaan wasiirada ay ka midka yihiin Cawil, Sulub iyo Warancade dhibta ay rabaan in ay ka dhexridaan beelaha Illaahay ku wada beeray Somaliland. Waxa isna dhibtaa la wadaaga ninka haysta sirdoonka Somaliland oo shaqsi layska dhiso iyo cid la marxabaysiiyaa kala weynaatay umada nabadeeda in uu illaaliyo masuulka looga dhigay. Hadii aad ku tartamaysaan kiinee ugu Moorgan san, si aad iskaga dhistaan Madaxweynaha hada talada haya ee Mudane Riyaale; waxa aad ogaataan in dadku wada Lixle, Shiine, Dayib Gurey, Koodbuur, Mooge, Koosaar, Habane, iyo Halyayo badan oo hoyday in ay wada yihiin, oo hadii ay soo taabtaan gidaarka aad ku sii wadaan in ay karaan in dariiqii Moorgan, Afweyne, Gaani, iwm hore u mareen in ay idin mariyaan mid la mid ah. Dawlada waa shicib; haku qasbina shicibka Somaliland in ay idinkala noqdaan kalsoonidii ay hore idiin siiyeen. Hadii aad ku saaqideen xilkii la idiin igmaday, waxa wanaagsan in aad yeelataan kalyaheedii aad ku qirilahaydeen in aad ku fashilanteen xilkii oo taladii iyo xilkii ku soo celisaan kuwii idindoortay shalay ka maalin.
Kuwo ka mid ah xisbigayga UDUB oo isku deyi doona in ay u jawaabaan Mudane CabdiCasiis Samaale iyo Mudane Dhaadheere waxaan kula talin lahaa “Waxaad Weleftoon Wed Kaa Helin Kawaantoobay Waa Wax Loo Noqon”.
Waxaan ku soo gunaanadayaa qormadan yar ee kooban tallo ku wejehan Odayaasha Saleebaan Gaal, Xaaji Cabdi Waraabe, iyo Goloha Guurtida oo aan lee yahay Qaranka Qadariya oo Guurtidii layiqiin noqda maanta, dalka iyo dadka ayaa idiin baahane guta xilkii iyo waajibaadkii la idiin igmaday, waa hadii in yar oo damiir ahi weli idinku hadhay. “Tallada Adigaa Ku Nool Ee Iyadu Kuguma Noola”.
Illaahay Ha Ka Badbaadiyo Somaliland Dabaylaha Siyaasadeed Ee Hada Aan Ku Dhexjiro.
Salaamu Aleekum;
Sharmaarke Y. Muxumed
May271988@gmail.com
UDUB North America