Archive for the ‘Uncategorized’ Category

Waddanku Wuxu u Baahan Yahay Isbedel

Waddanku Wuxu u Baahan Yahay Isbedel

Qurba-Jooga Somaliland Ha Taageero Xisbiga KULMIYE
Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Qaran ayaa caawa la shiray shicibka Somaliland ee ku dhaqan gobolka Virginia ee waddanka Maraykanka. Waxa halkaa isugu yimi dad aad u tiro badan oo isugu jira rag iyo dumar. Jaaliyada Virginia waxay uga soo qayb gashay kulankan si xoog leh. Munaasibadan oo loogu talo galay in lagu soo dhoweeyo Dr. Gabose, gudoomiyaha ururka Qaran, iyo in dhaqaale loogu ururiyo xisbiga mucaaridka ee KULMIYE.

Dr Mohamed Abdi Gaboose

Dr Mohamed Abdi Gaboose

Dr. Gabose wuxu aad ugu celcilayay in dalku u baahan yahay isbedel siyaasadeed, sida keliya ee lagu gaadhayaana ay tahay in la taageero KULMIYE. Wuxuu yidhi jeebka gacanta geliya, dumarku dahabka ha dhigeen, waxba yaan lala hadhin hadii aad doonaysaan in waddanka isbedel siyaasadeed ka dhaco.

Dr. Gabose wuxuu ka soo sheekayay taariikhdii halgankii SNM iyo sidii waddanka loogu soo maray halgan aad u kulul, oo dhamaan shicibka Somaliland ka qayb qaateen, gaar ahaana ciidamadii iyo hogaankii SNM iyo qaybtii libaax ee Axmed Silanyo iyo rag kaloo badani ka soo qaateen. Wuxu xusay in shicibka Somaliland aad u muujiyaan dulqaad iyo adkeysi dheeraad ah iyagoo ka duulaya halgankii loo soo maray xoriyada maanta la haysto iyo iyagoo wali sugaya himiladoodii.

Waxa kale oo Dr. Gabose ka hadlay markay arkeen dhibaatada maanta waddanka ka taagan inay ku tashadeen inay sameeyaan ururka Qaran. “Waxaanu la tashanay garyaqaano oo nagu yidhi sharcigu wuu idiin ogal yahay, waxaanu tagnay Maxkamada Dastuuriga oo nagu tidhi anagu waxaanu kala saaraa marka hayadaha dawlada muran soo kala dhex galo, waxaanu u tagnay Golaha Wakiilada oo nagu yadhi wax sharci ah oo idiin diidi kara ma jiro, waxaanu u tagnay Xeer Ilaaliyaha Guud oo nagu yidhi anigu waxa aan soo dhex galaa uun dambiyada ay muwaadiniintu sameeyaan – aakhirkii waxay isugu soo wada biyo shubatay; hadii aan Daahir Riyaale ogalaan cidina wax idin siin mayso. Nasiib darro wixii Dastuurku siiyay muwaadinka “oo aad idinku dhamaantiin ka mid tihiin” waxa ka wayn oo maanta laga horaysiinayaa waxa Hogaanku rabo.

Dr. Gabose wuxu aad uga waramay dhibaatooyinka waddanka ka jira: Xoolihii oo u xidhan nin Sucuudi ah, batroolkii oo u xidhan Total, Warshadii Sibidhka ee Berbera oo u xidhan shirkad Jarmal ah, siyaasadii oo ayana Monopoli ah, musuqmaasuqii oo faraha ka baxay, dayaca ka muuqda waddanka, goboladii oo dhamaan laga soo wada guuray oo la soo degay magaalada Hargeysa. Isku soo wada duuboo, maanta dhamaan dhibaatada waddanka haysata, waxa sababay maamul xumo, waxa keliya ee lagaga bixi karaana waa iyada oo uu yimaado isbedel siyaasadeed oo lagu bedelo xisbiga talada haya.

Anagu Qaran ahaan waanu tashanay, markii aanu wada hadalnay xisbiga KULMIYE, ee ay noo sheegeen, inuu ganacsigunoqonayo suuqa xorta ah, siyaasada muwaadiinta u furayaan oo ogolaanayaan in xisbiyada la furo oo ku balanqaadeen inay xoriyada muwaadinka ilaalinayaan; waxaanu ku tashanay mar hadaanu waynay tii aanu doonaynay inaanu hiil iyo hooba isla garab taagno KULMIYE sidii uu guu guulaysan lahaayeen doorashada soo fool leh. Maanta hadaad runta doonaysaan badbaadada waddanka, danta waddanka iyo dadka, iyo rajaduba waxay ku jirtaa in mujaahid Axmed Silanyo ku guulayso doorashada, taas baana ah taladayada.

Hadaad tihiin reer Virginia, shaki idin kagama jiro in loo baahan yahay isbedel, sida keliya ee maanta wadankii lagu badbaadin karaa waa idinka oo taageera xisbiga KULMIYE iyo mujaahid Axmed Silanyo. Waxaad ku taageeraysaan saddex siyaabood: jeebka gacanta geliya oo siiya dhaqaale. Maanta vote-ka ayaa lagu dagaalamayaaye, xiligii halganka dumarku dahabka ayay dhigi jireen, ee dahabka dhiga oo KULMIYE dhaqaale ugu deega. Sida labaad ee aad KULMIYE ku caawin kartaan waa idinka oo saameyn toos ah ku yeesha xubnaha qoyssaskiina gudaha ee aad gacan-saarka leedihiin oo ku yidhaahda waddanku wuxu u baahan yahay is bedel, isbedelkaasna waxa keenaya oo keliya xisbiga KULMIYE ee taageera oo siiya codkiina. Aad iyo aad ayaa loo dhagaystaa dadka qurbo-jooga ah. Arrinka saddexaad ee aad ku caawin kartaan KULMIYE waa idinka oo waddanka yimaada oo intiina awoodi kara oo KULMIYE ololaha kala hawl gala iyo ugu dambeyn inaad dhiirigelisaan in goob-joogayaal caalamla ka socda la xoojiyo, kuwaasoo xaqiijinayaa inay doorashadu ku dhamaatay six or ah oo xalaal ah.

Dr. Gabose wuxu ku soo gebogabeeyay, dalku wax badan ayuu u baahan yahay, wax badana way ka khaldan yihiin, laakiin waxa ugu horeeya ee loo baahan yahan in la saxo waa in isbedel siyaasadeed waddanka ka dhaco. Taasna sidaan idiin sheegay, anagu waanu tashanay oo inaanu KULMIYE taageerno ayaanu ku tashanay, waa in qurba-jooga Somaliland u guntadaa oo geed dheer iyo mid gaaban u fuulaa sidii KULMIYE dhaqaale loogu caawin lahaa, si uu ugu guulaysto doorashada.: Waar jeebka gacanta geliya si aydan u qoomamay berito. Waxaanu ku kalsoonahay in mujaahid Axmed Silanyo leeyahay dareenkii, khibradii aqooneed iyo waayo aragnimo sidiiloo daba qabateyn lahaa dalka iyo dadka.
Marxaladan taariikhiga ah, ha isweydiinina waxa ay Somaliland idiin qaban karto ee isweydiiya waxa aad u qaban kartaan Soamaliland.

Qore: Rashid Garuf
Virginia, USA

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo u ambabaxay socdaal uu ku soo marayo Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti

http://www.somalilandnews.com/2004/images/siilaanyo_eia2.JPG

Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta dalka ka ambabaxay, isaga oo u sii jeeda weftigu magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya.

Guddoomiyaha iyo weftigiisu intii aanay dalka ka dhoofin ayaa warbaahinta qaar ka mid ah uga waramay ujeedada socdaalkooda. Waxaanu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), in ay dalka Kenya u tagayaan martiqaad rasmi ah oo ay ka heleen jaaliyadda reer Somaliland ee degan dalka Kenya.

Muddada uu weftigu ku sugan yahay dalka Kenya, waxa ay kulamo la yeelan doonaan Jaaliyadda reer Somaliland iyo Madaxda dawladda Kenya qaar ka mid ah, kuwaasi oo ay kala hadli doonaan arrimo la xidhiidha qadiyadda Somaliland.

Guddoomiye Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu sheegay in isaga iyo weftigiisaba ay kalsooni buuxda ku qabaan Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka, oo uu ku tilmaamay in ay hawl culus u hayaan, loona baahan yahay in laga dhawro wax kasta oo dibindaabyo u gaysanaya iyaga iyo hawsha ay u xilsaaran yihiinba, mudantahayna in lala shaqeeyo.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu si kulul u cambaareeyay xadhiga wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda hawlaha guud Cabdirashiid Ducaale Qambi oo dhawaan isaga iyo rag kale oo ka soo jeeda deegaanka Buuhoodle, ay xukuumaddu xabsiga u taxaabtay, kuwaasi oo uu guddoomiyuhu xadhigooda ku tilmaamay mid xaaraan ah oo sharciga’aan waafaqsanayn. Isla markaana waxa uu xukuumadda Somaliland ugu baaqay in sida ugu dhakhsaha badan loogu soo celiyo xoriyadoodii.

Weftiga xisbiga KULMIYE ayaa la filayaa in marka booqashada dalka Kenya u soo dhamaato ay uga gudbi doonaan dalalka Itoobiya iyo Jabuuti, oo iyagana sida la sheegay lagu marti qaaday weftiga.

Dhinaca kale, xubno ka tirsan golaha Wasiiradda xukuumadda Riyaale ayaa maanta dalka ka ambabaxay dhinaca dalka Jabuuti, sida warar xogogaal ahi sheegayaana aan wax marti qaad ah ka helin dawladda Jabuuti, balse socdaalka Wasiiradani uu daba socdo weftiga xisbiga KULMIYE oo xukuumaddu baqdin wayn ka qabto casuumadaha uu ka helay dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya.

Xigasho /Somaliland.org, Hargeysa.

Court revives lawsuit against former Somali PM, Gen Ali Samater

The image “http://www.ardhd.org/photos/somalie/criminels/mohamed_ali_samater_general.jpg” cannot be displayed, because it contains errors.

ALEXANDRIA, Va. (AP) — A federal appeals court has reinstated a human rights lawsuit against a former prime minister of Somalia who is accused of overseeing killings and other atrocities.

The 4th U.S. Circuit Court of Appeals in Richmond ruled Thursday that plaintiffs can sue Mohamed Ali Samantar of Fairfax, Va., who was defense minister and prime minister of Somalia in the 1980s and early 1990s under dictator Siad Barre.

The lawsuit alleges that Samantar was responsible for killings, rapes and torture, including waterboarding, of his own people while in power, particularly against disfavored clans.

The lawsuit was filed in 2004 at federal court in Alexandria under the Torture Victim Protection Act. U.S. District Judge Leonie Brinkema tossed out the case in 2007, ruling that Samantar was entitled to immunity under a separate U.S. law, the Foreign Sovereign Immunities Act.

But the appellate court ruled that the law does not extend immunity to individuals, only to foreign states themselves and their agencies.

The ruling sets up a split among federal circuits. The 9th U.S. Circuit Court of Appeals in California, for instance, has ruled that individuals are eligible for immunity under the law.

Samantar’s lawyer, Fred B. Goldberg, said Friday that he intends to appeal — he can ask to 4th Circuit for a rehearing or appeal to the U.S. Supreme Court. The fact that a circuit split exists makes it more likely that the Supreme Court would agree to hear an appeal, he said.

Samantar has declined numerous requests for an interview.

Pamela Merchant — executive director for the San Francisco-based Center for Justice and Accountability, which brought the suit on behalf of several Somali plaintiffs, said it only makes sense that Samantar, who has lived in the U.S. for more than 10 years, should be subject to U.S. law.

“It is an important step in ensuring that human rights abusers who seek safe haven in the U.S. will be held accountable in our courts,” she said in a statement.

The appeals court’s ruling was unanimous, with Judge William B. Traxler, an appointee of Bill Clinton, writing the opinion, joined by Judge Robert B. King, also a Clinton appointee. Judge Allyson Kay Duncan, an appointee of George W. Bush, writing a concurring opinion that differed only on one small point.
Source/ Jamhuuriya Online

Xisbiga Kulmiye Oo Xukuumada Ugu Baaqay In Si Degdeg Ah Loo Sii Daayo Masuulka Ka Tirsan Kulmiye

Warkii 10-Jan-2009 iyo Qormadii: news
Hargeysa-Xisbiga Kulmiye ayaa ku baaqay in si degdeg ah xuquuqdiisa loogu soo celiyo Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud Cabdirashiid Ducaale Qambi oo shalay arooryadii hore xabsiga loo taxaabay, ka dib markii boolisku gurigiisa ugu tageen.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax oo xalay khadka talefoonka kula soo xidhiidhay Ogaal, ayaa sheegay inay xadhiga Cabdirashiid isku dayeen wax ka ogaantiisa, balse boolisku aanay sharraxaad ka siin sababta ka damabaysay. “Maanta (shalay) waxa gurigiisa 5:00 arooryo loogu yimi Muwaadin Cabdirashiid Ducaale Qambi oo ahaa Wasiir ku-xigeenkii hore ee Hawlaha Guud, booliska ayaana xidhay.

Markaa maanta (shalay) hadaanu nahay Xisbiga Kulmiye waxaanu ku booqanay saldhiga Koodbuur, waxaana naloo sheegay inaan la cadayn, lana qeexin, wax waaran ah oo maxkamadeed oo lagu xidhayna aanu jirin, isla markaana kiis lagu soo oogay haba yaraatee aanu jirin, balse kiiska ay CID-du wadato. Markaa meel baa lagaga dhacay xuquuqdiisii.” Ayuu yidhi Cabdiramaan Cabdiqaadir. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Hadaanu nahay Xisbiga Kulmiye waxaanu leenahay muwaadinkaas oo ka mid ah odayaasha iyo akhyaarta Somaliland, kuna soo biiray Kulmiye dhawaan, xuquudii dastuurku siiyay iyo tii sharcigu siiyayba meel baa lagaga dhacay, iyadoo bilaa waraan lagu soo xidhay. Waxaanu dawlada u sheegaynaa, Madaxweynaha u sheegaynaa, Wasiiru-Daakhiliyaha u sheegaynaa, Garsoorka wadanka u sheegaynaa in muwaadinkaa xuquuqdiisa loo soo celiyo ama maxkamad la soo taago oo loo sheego dembiga loo haysto, hadii kale si degdeg ah loo sii daayo.”

Xigasho Ogaalnews

Xadhigga Wasiirkuxigeenkii hore ee Hawlaha Guud, C/rashiid Ducaale Qambi oo xukuumadda SL lagu cambaareeyey

Hargeysa (Somaliland.org) – Ciidamada Booliska ayaa xabsiga u taxaabay Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda hawlaha guud Cabdirashiid Ducaale Qambi oo haatan ka tirsan xisbiga KULMIYE.

Waxa kale oo ay ciidamada Boolisku xidheen Axmed Cabdi Gadhle oo ah siyaasi ka soo jeeda deegaanka Degmada Buuhoodle.

Ciidamada Booliska ayaa shantii subaxnimo ee shalay gurigiisa ka kexeeyay Cabdirashiid Ducaale Qambi Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda hawlaha guud. Lama garanayo sababta dhabta ah ee loo xidhay Cabdirashiid Ducaale Qambi, balse waxa loo malaynayaa eedaymo xukuumaddu hore ugu eedaysay isaga iyo laba xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiillada in ay ka dambeeyeen rabshado ka dhacay degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer, rabshadahaasi oo lagu diidanayaa diwaangelinta.

Labada xildhibaan iyo Cabdirashiid Ducaale Qambi oo ka soo jeeda degmada Buuhoodle, kana tirsan xisbiga KULMIYE ayaa beeniyay eedaynta xukuumadda, kuna eedeeyay xukuumadda Somaliladn in ay ka gaabisay sugida amaanka deegaanada Buuhoodle.

Masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ayaa xukuumadda ku cambaareeyay xadhiga siyaasiga, waxaanay xukuumadda ka dalbadeen in degdeg ah loogu soo celiyo xoriyaddiisa siyaasigaa.

Sidoo kale siyaasiyiin, odayaal iyo waxgaradka degmada Buuhoodle ayaa cambaareeyay xadhiga Cabdirashiid Ducaale Qambi, waxaanay xukuumadda ka dalbadeen in si degdeg ah xoriyaddiisa loogu soo celiyo.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo caddeeyey in aanay ogolaanayn dib u dhac mar kale ku yimaadda Doorashada

January 10th, 2009

Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyaha Xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in xisbiga KULMIYE mudnaanta koowaad siinayo horumarinta dhalinyarada iyo haweenka Somaliland marka uu talada dalka qabto.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Siilaanyo waxa uu sidaasi ka sheegay xaflad ay soo qabanqaabiyeen urur dhalinyaro oo magacooda la yidhaahdo Ururka Midnimada Dhalinyarada Somaliland oo lagu qabtay Hoteelka Imperial  ee caasimadda Hargaysa. Waxaanay dhalinyaradaasi sheegeen in ay ku biireen xisbiga KULMIYE.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo dhalinyaradaasi hadal kooban u jeediyay ayaa ugu horayn uga mahad naqay xafladda ay ku marti qaadeen iyo mawqifkooda taageerada xisbiga KULMIYE ee ay qaateen.

Mudane Axmed Siilaanyo waxa uu ka waramay doorka dhalinyarada iyo haweenku ay ku lahaayeen halgankii dalka lagu xoreeyay iyo halgankii dib u dhiska dalka Somaliland, iyo kaalinta ay ku leeyihiin horumarinta qaran kasta.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu carabka ku dhuftay warar maalmahan dambe soo baxayay oo sheegaya in xisbiyada qaranka iyo Hay’ada Inter Peace oo wakiil ka ah deeq-bixiyayaashu ay ka wada arrinsanayeen goldaloolooyin ka soo baxay xil gudashada Komishanka muddadii lagu jiray diwaangelinta, taas oo dad badani warwar ka muujiyeen in haddii la isla qaato in dhismaha Komishanka wax laga bedelo, ay taasi dib-u-dhac ku keenayso Doorashada Madaxtooyada oo la isku raacay in ay dalka ka dhacdo 29-ka March 2009. Waxaanu hoosta ka xariiqay in aanay xisbi ahaan ogolaanayn in doorashadu wakhtigeeda ka dib dhacdo.

“… Diiwaangelintu waxay kaloo muujinaysaa in dadkeennu diyaar u yahay doorashada soo socota oo iminka aanay waxba ka hadhin, inaynu gogol-xaad fiican aynu u samaynay oo aynaan cidna ka yeelaynin in jidkaa la inaga duwo,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

“Hadalaa jira soo baxaya oo waad ogeydeen Afar shan jeeroo hore in xukuumaddii ay waajibkeeda ahayd inay doorashada qabo sababo ay leedahay inay doorashadii dib ugu dhacday. Maanta miyaynu yeelaynaa inay mar dambe dib u dhaco? Jawaabtu waa maya oo yeeli mayno. Meel laga baxaa ma jirto. Maanta haddii aynu ka soo baxnay diiwaangelintii oo aynu gogol-xaadhkii samaynay, waxaynu u diyaar garoobeynaa doorashadii,” ayuu raaciyey mudane Axmed Siilaanyo.

Mudane Axmed Siilaanyo waxa uu balan-qaad cad ka bixiyay in uu wax ka bedelayo dastuurka iyo shuruucda dalka, si ay dhalinyarada iyo siyaasiyiintu u helaan xuquuqdooda.

Ugu dambayn guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu hambalyo u diray dhalinyaradii hablaha iyo inamada isugu jiray ee ka hawlgalay hawshii diwaangelinta oo uu sheegay in hawshaasi hirgelinteeda ay laf-dhabar u ahaayeen dhalinyarada iyo haweenka Somaliland.

Guddoomiyaha ururka midnimada dhalinyarada Somaliland Mr. Cabdifataax Siciid Jibriil oo isaguna xafladaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa waxa uu ka waramay xaalada dalka iyo dhibaatooyinka gaar ahaan haysta dhalinyarada ee ka soo gaadhay dib u dhaca dalka. Sidaasi darteedna waxa uu sheegay in mustaqbalka dalka iyo dhalinyaradaba ay ka sugayaan xisbiga KULMIYE, hiil iyo hoona ay isla garab-taagayaan sidii uu KULMIYE ugu guulaysan lahaa doorashada.

Ururku waxa uu guddoomiyaha xisbiga KULMIYE guddoonsiiyay cajeelad ay ku soo diyaariyeen heeso ay ugu talo-galeen in xisbiga KULMIYE u isticmaalo ololaha doorashada iyo shahaado sharaf.

Sidoo kale waxa iyaguna xafladaasi ka hadlay Xoghayaha ganacsiga xisbiga KULMIYE Maxamed Cabdi Iskeerse, guddoomiyaha gobolka Hargaysa ee xisbiga KULMIYE Axmed Cumar X. Cabdillaahi (Xamarji) iyo xubno ka mid ah ururka midnimada dhalinyarada Somaliland.

Dhinaca kale guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo ayaa la filayaa in ay maalinta barri ah u ambabaxaan dalka Jabuuti oo ay marti qaad rasmi ah ka heleen, waxaana la sheegay in ay soo marayaan dalalka Kenaya iyo Itoobiya.

Source/ Somaliland.org, Hargeysa.

Tacsi Gudoomiyaha Xisbiga

“INNA LILLAAH WA INNAILAYHI RAAJUCUUN”

Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE md AxmedMaxamed Maxamud Siilaanyo isaga oo ku hadlaya magaciisa ka hogaanka xisbiga, madaxda xisbiga ee gobalada iyo degmooyinka dhamaan taageerayaasha xisbiga ee dal iyo dibadba wuxuu tacsiyad u dirayaa qoyskii, ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay xoghayihii xisbiga Udub marxuum Maxamed Ismaciil Bulale ILLAAHAYNA wuxuu uga baryayaa un marxuumka janadii Fardowsa EBBE geeyo ehelka iyo iyo qaraabadana Samir iyo Iimaan ka wada siiyo. Aamiin

Xoghayihii Guud Xisbiga UDUB Maxamed Ismaaciil Bullaale ILLAAHAY Ha U Naxariistee Oo Ku Geeriyoodey Iyo Gudoomiuaha Xisbiga Tacsi U Diraya

http://harowo.com/uploads/Image/4-1/Bulaale.jpg

Jabuuti (Somaliland.org) – Xoghayihii Guud ee xisbiga talada haya ee UDUB, Maxamed Ismaaciil Bullaale ayaa maanta ku geeriyooday dalka Jabuuti.

Marxuumka oo baryahanba xanuunsanayay ayaa dhawaan loo qaaday dalka Jabuuti, waxaana la filayaa in Marxuumka maalinta beri ah Maydkiisa la keeno magaalada Caasimadda Hargaysa.

Guddoomiyaha Xisbiga Siyaasiga ah ee KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku hadlaya magaciisa, ka hogaanka xisbiga iyo ka taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu Tacsi u dirayaa dhamaan eheladii, qaraabadii iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay xoghayihii guud ee xisbiga UDUB Marxuum Maxamed Ismaaciil Bullaale.

Marxuum Maxamed Ismaaciil Bullaale, Alle ha u naxariistee Xilka Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB waxa uu hayay lixdii sanno ee ugu dambeeyay. Waxana uu geeryoodey isaga oo 64 jir ah.

Source/ Somaliland.org

Xoghayihii Guud Ee Xisbiga UDUB Maxamed Ismaciil Bullaale Oo Maanta Dalka Jabuuti Ku Geeriyooday

Xoghayihii Guud ee Xisbiga UDUB Marxuum Maxamed Ismaaciil Bullaale Oo Ku Geeriyooday Dalka Jbuuti Iyo Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi U Direy

(Xoghayihii Guud ee Xisbiga UDUB marxuum Maxamed Ismaaciil Bullaale )

hadhwanaag 2009-01-08 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Xoghayihii Guud ee Xisbiga UDUB marxuum Maxamed Ismaaciil Bullaale ayaa ku geeriyooday magaalda Djibuuti ee Dlaka Djibuuti, ka dib markii xanuun ku soo booday shalay oo loo qaaday Wadankaasi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa Dhanbaal Tacsi ah U Direy Marxuumkaas, waxaanay u dhignayd sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu manta dhambaal tacsi ah u dirayaa Qosykii, Qaraabadii, Xisbiga UDUB iyo taageerayaashiisii iyo ummada reer Somaliland geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Alla ha unaxariistee Xoghayihii Guud ee Xisbiga UDUB Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti.

Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale waxa uu ka mid ahaa Aasaasayaashii Xisbiga UDUB, isaga oo xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadihii kala danbeeyay, waxana uu qayb laxaad leh ka soo qaatay Nabadayntii Beelaha Somaliland iyo dib u dhiskii Qaranka JSL Alla ha u Naxariistee Marxuumku waxa uu hadh iyo habeenba u taagnaa horumarinta Qaranka iyo adkaynta Nabad gelyada.

Alle ha u Naxariistee Marxuumka waxa shalay loo qaaday Dalka Jabuuti, si loogu soo daweeyo xanuun kadis ah oo ku dhacay, waxana uu maanta ku geeriyooday Cisbitaal ku yaala Dalka Jabuuti. Madaxweynuhu waxa uu ilaahay uga baryay inuu janadii fardawsa ka waraabiyo, qoyskii, Qaraabadii, Xisbiga UDUB iyo taageerayaashiisii iyo shacbiga reer Somalilandna samir iyo iimaan ka siiyo.

Xigasho / Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland

Fu’aad Aadan Cadde oo sheegay in xukuumaddu maamuleysey diiwaangelinta goobaha la kordhiyey ee Gobolka Sool

http://www.jidbaale.com/radiossc/iur/pics/fu.jpg

Xudun (Somaliland.org) – Fu’aad Aadan Cadde oo haatan ku sugan degmada Xudun ee gobolka Sool, ayaa sheegay in maanta 12-kii duhurnimo albaabada loo soo laabay goobihii diwaangelinta, isla markaana laga soo qaaday hawl-wadeenadii Diwaangelinta, iyada oo ay wada tuman yihiin dadkii doonayay in ay si diwaan geliyaan.

Mudane Fu’aad ayaa tallaabadan kooxaha diwaan gelinta lagu soo qaaday ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda Madaxwayne Riyaale, oo uu sheegay inay si toos ah u maamulayeen diwaangelinta gobolka Sool. Waxana uu ku tilmaamay inay ka mid tahay tallaabooyin xukuumaddu ku carqaladaynayso diiwaangelinta deegaamada gobolka qaarkood,  taasi oo uu sabab uga dhigay baqdin iyo shaki ay xukuumaddu ka qabto in dadka deegaankaasi ay taageersan yihiiin Xisbiga KULMIYE.

Waxa kale oo uu Mudane Fu’aad Aadan Cadde intaa ku daray in 24 goobood oo degmada Xudun hoos yimaada oo ka mid ahaa goobihii loo cayimay in diwaangelintu ka dhacdo aan gebi ahaanba laga qaban, dambigeedan ay leeyihiin Komishanka Doorashooyinka iyo Xukuumaddu.

Cabasho tan la mid ah ayaa hore uga soo yeedhay deegaanka degmada Caynaba ee xarunta Gobolka Saraar, oo olole iyo is-hortaagba ay xukuumaddu uga gashay sidii aanay dadkaasi isaga diwaan gelin degmada Caynabo iyo deegaanada hoos yimaada.

Diiwaangelinta gobolka Sool ayaa caawa la soo gebagebeeyey, balse, ilaa iyo hadda lama sheegin tirada hordhaca ah ee dadka iska diiwaangeliyey gobolkaas lixdii maalmood ee diiwaangelintu ka socotey.

Xigasho/ Somaliland.org, Hargeysa.