Archive for June, 2007

Wareysi Khaasa Oo Jariidada Jamhuuriya La Yeelatay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Siilaanyo

Wareysi Khaasa oo Jamhuuriya la yeelatay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Siilaanyo

Burco (Jam)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo labadii toddobaad ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa waraysi khaas ah oo uu Jamhuuriya la yeeshay ku faahfaahiyey ujeeddadii ka dambaysay iyo waxyaabihii lagaga wadahadlay shir Isniintii habeen hore ka dhacay hoteelka City Plaza ee Burco, kaas oo sida la sheegay inay isku arkeen masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan xisbiga KULMIYE iyo xulufo isugu jirtay xubno ka soo jeeda urur-siyaasadeedka QARAN iyo shaqsiyaad magac leh oo ka soo jeeda beelaha galbeedka Burco.

Waraysigaas oo uu Axmed-Siilaanyo shalay kula yeeshay magaalada Burco weriyahayaga Gobolada Bari Mr. Keyse Axmed Digaale, waxa kale oo Guddoomiyaha KULMIYE kaga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid tahay aragtidiisa ku wajahan sharciyadda ururka QARAN, saamaynta siyaasadeed ee ay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ku yeelan karto go?aanka shirkadda Ethiopian Airlines ku hakisay duullimaadyadeedii Hargeysa iyo eedaymo uu u soo jeediyey Wasiirka Hawlaha Guud. Read more »