Archive for July, 2007

‘Haddii Doorashada La Qaban Waayo Waxa Yaalla Xeerkii Annaga Komishanka Lagu Dhaqay Ee Ahaa Albaabada Ka Xidha,’ C/laahi Jawaan

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 12 July, 2007

Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyekuxigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka, Cabdillaahi Cabdi X. Cumar (Cabdillaahi Jawaan) iyo Muj. Jidhif ayaa uga digey Madaxweyne inuu dib u dhigo Doorashooyinka soo socda.

Cabdillaahi Jawaan iyo Jidhif oo ka mid ah siyaasiyiin maanta ku biiray xisbiga KULMIYE, waxay ka jawaabayeen dareemo beryahan dambe soo baxay oo sheegaya in Madaxweyne Riyaale qorshaynayo inuu dib u dhigo doorashooyinka, mudadana loo kordhiyo iyo khilaafaadka ka taagan labada xubnood ee Komishanka oo loo arko mid loogu talagalay in lagu carqaladeeyo hannaanka doorashooyinka si xukuumaddu cudurdaar ugu hesho dib u dhigistooda.

Cabdillaahi Jawaan oo ka mid ahaa Komishankii hore, waxa uu kula taliyey xubnaha Komishanka ee la ansixiyey inay xafiiska tagaan oo ay bilaabaan shaqadooda, balse, aanay dooran Guddoomiye iyo Guddoomiyekuxigeen, si ay uga badbaadaan ayuu yidhi eedaynta Madaxweynaha ee ah in xubnaha la ansixiyey ay ka kooban yihiin Qabiil keliya. Waxa kale oo uu kula taliyey xubnahaas inay ka fogaadaan dhinacyada tartamaya oo aanay midna xidhiidh gaar ah la yeelan, isagoo Madaxweynahana ku dhalliilay inuu ka hor istaagey xubnahaas in la dhaariyo.

“Doorashooyinka soo socda, Xukuumadda iyo Komishanka la magacaabayba waxaan u soo jeedinayaa in sidii loogu talagalay iyo maalintii loogu talagalay ay qabsoonto, ” ayuu yidhi.

“Hadday qabsoomi weydo – haddiiba… qiilba siin maayo ee waa inay maalintaa qabsoontaa – haddii ay qabsoomi weydo xeerkii annaga [Komishanka] lagu dhaqay ayaa meesha yaalla ee ahaa Albaabada ka xidha, ” ayuu yidhi Cabdillaahi Jawaan.

Waxa kale oo uu sheegay in Golihii hore ee Wakiillada sidoo kale, iyadoo aan muddadu ka dhammaan albaabada laga xidhay, sidaa si la mid ahna xukuumadda laga yeeli doono.

“Dee Xeerkaa Baarlamaankii hore lagu dhaqay ee Komishanka lagu dhaqay ayaa xisbiga Talada hayana maanta maalintay ka dhammaato haya oo waa xeerkii i mari, ” ayuu yidhi.

Muj. Jidhif ayaa isaguna Madaxweyne Riyaale kula taliyey inuu qabto doorashada wakhtigeedii, isaga oo ku dhiirrigeliyey in uu qabto doorashada oo aanu ka biqin, isaga oo u tilmaamay inay taariikhdiisa iyo magaciisaba u fiican tahay.

“Adigay kuu qurux badan tahay inaad Distoorka raacdo, siyaasadda raacdo oo aad qabato Doorashada, ” ayuu yidhi Jidhif oo la hadlaya Madaxweyne Riyaale.

“Haddaa la yeelona [oo aad qabato doorashada] wanaagsan, haddii la yeeli waayona ka sii wanaagsan, ” ayuu Jidhif khudbaddiisa ku dhaabadeeyey.

Balse, ma sheegin waxa wanaagsan ee la yeelayo haddii doorashada la qaban waayo wakhtigeedii. Waxayse uu hadalkiisu u muuqdo hanjabaad.

Siyaasiyiin Miisaan Leh Oo Ku Biiray Xisbiga KULMIYE Oo Lagu Qaabiley Xaflad Ballaadhan

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 12 July, 2007

Hargeysa (Somaliland.org) – Afar siyaasi oo laba ka mid ahi ay ka tirsanaayeen xisbiga talada haya ee UDUB ayaa maanta caddeeyey inay ku biireen xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE.

Afartaa xubnood oo kala ah; Wasiirkii hore ee Duulista Hawada, mudane Abiib Diiriye Nuur, Guddoomiyekuxigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Cabdillaahi Cabdi X. Cumar (Cabdillaahi Jawaan) oo isagu aan xisbina ka tirsanayn, Muj. Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif) oo ka mid ahaa saraakiishii SNM, isla markaana sheegay in aanu marna xisbi ku biirin iyo Cali Xasan Sheekh-doon oo xubin ka ahaa Golihii hore ee Wakiillada, kana tirsanaa Golaha Dhexe ee xisbiga UDUB; waxa xaflad soo dhoweyn ah loogu qabtay maanta Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay kaga dhawaaqeen mawqifkooda cusub, isla markaana ay kaga warameen sababaha ku kellifey inay mawqifkooda beddelaan. Read more »