Archive for March, 2008

In His Speech, Silanyo Touched Many Issues …

Axmed Silanyo

In His Speech, Silanyo Touched Many Issues …

The Chairman of KULMIYE Mr. Ahmed Mohamed Mohamoud (Silanyo) addressed many issues affecting Somaliland in his opening speech.

  • In a country that freedom of expression is choked and confronted with stiff jail sentence and prison abuse, it was refreshing to hear from Silanyo that freedom of expression will be restored if his party wins the election.
  • The present government’s wall of secrecy has created cynicism and distrust in the society with its government, Mr. Silanyo promised Somalilanders of a transparent government that will be held accountable for its actions.
  • This administration bends the judiciary system to its whim, Mr. Silanyo promised Somalilanders of an honest Judiciary system that will observe due process.
  • The present government has paralyzed the job of the Parliament by unilateral decisions and by ignoring any reminders of constitutional violations, Mr. Silanyo promised to respect and work with all government institutions for the common good of citizens and preserving the dignity of the country.
  • This administration has trampled on the constitution, Mr. Silanyo promised to uphold the constitution and guard constitutional rights.
  • This administration has suffocated the media. In fact it has made it illegal to open any radio stations including educational radios except the state run radio to air in Somaliland. There are educational radios based in Hargeisa serving Somalia and Puntland but Alas! Could not serve Somalilanders because of this government’s yoke on media. Some of the best Somali poets are from Somaliland yet, the Hargeisa National Theatre is run (owned) (?) by a man from Djibouti. It is time that Somaliland’s cultural institutions reopen and its artists reign free in their country’s theatres. Mr. Silanyo promised for a free media to reign in the country.
  • The present government has outsourced the revenue generating livestock and while impoverishing the citizens of Somaliland has allowed Bosaso and Djibouti to thrive on the resources of Somaliland, Ahmed Silanyo promised to revitalize the economic institutions to benefit Somalilanders first.
  • This administration has ignored the history of Somaliland and has blackened the history of SNM from its archives and curriculum, Mr. Silanyo has spoken proudly of the history of Somaliland and that of SNM and has promised to care for its war veterans and its orphans.
  • This administration has not built a single viable governmental institution, Mr. Silanyo promised Somalilanders of ethical effective institutions and staff.
  • This administration has disenfranchised its youth and women, Mr. Silanyo promised to reverse this with building the capacity of its youth and women.

In contrast to an arrogant president who refuses to speak to the citizens of his country either to boost their confidence or alleviate any anxiety, Mr. Silanyo has wilfully submitted himself openly And humbly to his people. Whether or not Somalilanders have learnt to evaluate their elected officials on their merit and whether or not they choose Silanyo over Riyaleh in the coming election is only a matter of months.

Sawirada Q2 – Shirka KULMIYE ee Hargeisa ka furmay

Sawirada Shirka KULMIYE ee Hargeisa ka furmay

Sawirada Shirka KULMIYE ee Hargeisa ka furmay

Sawirada Shirka KULMIYE ee Hargeisa ka furmay

Shirweynaha Labaad Ee Xisbiga Kulmiye Oo Si Rasmi Ah Uga Furmay Hotel Ambaasadoor.

March 29th, 2008 [News] |

Hargeysa(Somaliland.org) Shirweynaha Labaad Ee Xisbiga Kulmiye ayaa si rasmi ah uga furmay maanta Hotel Ambaaasadoor ee caasimada Hargeysa. Shirweyanahan oo si weyn loo soo agaasimay waxa ka soo qayb galay in ka badan lix boqol iyo kontay xubnood oo isugu jira ergay,goobjoogayaal iyo marti sharaf kale,waxayna ergada shirka ka soo qaybgashay gaadhaysaa 573-Ergay oo ka kala yimi lixda gobol ee Somaliland iyo qurbo jooga reer Somaliland ee taageerada xisbiga Kulmiye.Xubno laga soo casuumay Xisbiga UCID iyo Ururka Qaranka. Madasha shirweynaha labaad ee xisbiga kulmiye oo si weyn loo agaasimay waxa marti-sharafta lagu marti-qaaday ka mid ah safiirka ama wakiilka dawlada itoobiya u fadhiya Somaliland hase yeeshee wakiilku kama uu soo qayb gelin isagoo la sheegay inuu u safar dhinaca itoobiya ah ugu baxay waxaana halkiisii kaga soo qayb galay madaxa xafiiska ganacsiga ee xafiiska dawlada itoobiya ku leedahay hargeysa Mr Tadele Asigedon ,masuuliyiinta xafiisyada qaramada midoobay,kuwa caalamiga ah iyo wadaniga ah,waxa kale oo marti-sharafta ka soo qayb gashay shirweynaha labaad ee xisbiga kulmiye ka mid ah xubno ka socda komishanka doorashooyinka qaranka oo ay ka mid yihiin gudoomiyihii hore ee iscasilay Maxamed Yuusuf Axmed iyo gudoomiye ku xigeenka gudiga doorshooyinka Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa kale oo marti sharafta madasha ka muuqata ka mida abwaanada waaweyn ee Maxamed ibraahim Warsame “Hadraawi”,iyo Maxamed Xaashi Dhamac “Gaariye” waxa kale oo iyaguna ka soo qayb-galayaasha ka mid ahaa xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada oo ka oo jeeda xisbiga UCID. Dhinaca kale waxa shil gaadhi ku geeryooday saaka subixii hore laba ergay oo ka mid ahaa ergooyinka shirweynaha xisbiga kulmiye,kuwaasoo kala ahaa Marxuum Xasan Cabdillaahi Cabdsiiye iyo Cabdi Cali Cilmi. Ugu horayn waxa uu soo jeediyay Gudoomiyaha Kulmiye Md. Siilaanyo oo uu hor-dhigay shirweynaha magacyada xubnaha shirgudoonka cusub ee hogaamin doona shirka. “Markii aanu dhexdayada tashanay, waxaanu isla qaadanay inaanu idin hor-dhigno xubnaha shirweynaha ina hogaamin doona.shirka ayaa ansixin kara, diidi karana.” Sidaas ayuu yidhi Gudoomiye Xaaji Axmed Siilaanyo. Waxaana halkaas cod-gacan-taag ah oo aqlabiyada lagu ansixiyay xubnaha shir-gudoonka oo kala ahaa: – 1- Cabdicasiis Maxamed Samaale (Gudoomiye).2-Axmed Xaaji Cali Cadami (Gudoomiye ku-xigeen. 3-Xasan Guure Jaamac (Gudoomiye ku-Xigeen) 4-Layla Cismaan (Gudoomiye ku-xigeen). 5-Xuseen Axmed Caydiid (Xoghaye). 573-kii xubnood ee madasha shirka fadhiyay waxa shir-gudoonka cosob diiday Afar xubnood oo keliya, cid ka aamustayna may jirin.“Wallaalayaal hadaanu nahay guddida loo magacaabay hogaaminta shirka aniga oo magacooda ku hadlaya, hambalyo ayaanu shirka u soo jeedinaynaa, annagana noogu duceeya in Illaahay hawsha noo fududeeyo oo nagu asturo. Waxaan u mahad-naqayaa gudoomiyihii Guddida qaban-qaabada shirweynaha Kulmiye iyo guddidiisii iyo ciddii kale ee la shaqaynaysayba. Waxaanaan leeyahay, Ilaahay ha idinka abaal-mariyo hawshii aad qabateen. Shirweynaha dadka runtii qiimaha leh ee halkan fadhiya, waan idiin mahad-naqaynaa dhamaantiin, arrintana waxaanu u arkaynaa inay tahay masuuliyad iyo xil, xilkuna waa waxay samooyinka iyo dhulkuba diideen. In Illahay saddexdaa maalmood nagu asturo, si guul iyo sharaf ahna noogu dhamaato ayaan Ilaahay ka baryayaa.” Sidaas waxa yidhi Gudoomiyaha cusub ee shirgudoonka shirweynaha Labaad ee Xisbiga Kulmiye, Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo uu hawshii shirka ku wareejiyay Gudoomiyihii qaban-qaabada ka dib markii lagu wareejiyay xilka shirgudoonka. Shirweynaha labaad ee xisbiga Kulmiye.Gudoomiyh qabanqaabada Dr Axmed Muxumed Madar “waxaana leeyahay sida wanaagsan ee aad u soo ajiibteen, noogala soo qayb-gasheena waad ku mahadsan tihiin aad iyo aad ayanaan idiinku ammaanayaa. Xilkan waxa xisbigu noo igmaday oo noo magacaabay hawshan qaban-qaabada oo ah hawl balaadhan, soona martay maraaxil kala duwan, oo aan odhan karo waxa salkeedu ahaa oo laga doonayay shirweynahan aynu maanta u fadhiyo in lagu hago si dimuqraadiyada, waxay nagu qaadatay mudada, waxay maanta adduunyadu noogu markhaati kici doontaa, in xisbiga Kulmiye yahay xisbiga keliya ee raba inuu ku hago umadiisa si dimuqraadiya oo xor ah. Waxa ahayd nuxurka guddiyada loo sameeyay in umadda Somaliland uu xi iska saaray Kulmiye in dimuqraadiyada ay umadu doonayso, xisbiyada kale ee magaca la sheeganayaana kaga daydaan. Waxaan maqlaynay kulmiye shirkiisii wuu habsaamay, wuu is-haystaa. Oo ay fidinayeen dad cadow umadda Somaliland ah oo aan jeclayn kana xun in Somaliland ay gaadho horumar iyo dimuqraadiyad.waxaanu maanta qiraynaa inay tahay mid ay ku fashilmeen oo haday shalay indhaha nagu soo taageen inay maanta hoos-u-ridi doono. Shirweynaheenu inuu maanta ay rabeen inuu fashilmo. Illaahay idimkaa ma fashilmayo waxaynu maanta ka marag-nahay inaynu maanta isugu nimi in umaddeena dhibaatadu haysato inay fahmeen oo ay garteen mudadaa dawladii ay iyagu u igmadeen ay hagrateen, isla-markaana ay garteen cidda rajadoodii ay garbaha ka saareen uu yahay xisbiga Kulmiye, inteena halkeenan fadhinana uu xil-gaar ahi innaga saaran yahay si aynu u noqono kuwii guta, garta dhibkana ka saara umadooda.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Guddidda qaaban-qaabada shirweynaha Labaad ee Xisbiga Kulmiye. Axmed Muxumed Madar waxa kale oo uu sheegay in shirweynaha UDUB aanay iman shirka inkasta oo casuumaad loo fidiyay. Kala soco Somaliland.Org Shirweynaha Xisbiga Kulmiye Oo aan Si Talan Taaliya Idinku soo gudbin doono inta uu socdo. Liibaan Maaweel ShireSomaliland.Org Hargeisa

Xigasho / Somaliland.org

Shirweynihii Xisbiga Ee 2aad Oo Ka Furmaya Hotelka Weyn Ee Ambassdor Hotel Subaxa Sabtida Ee March 29, 2008

Shirweynihii 2aad ee xisbiga KULMIYE ayaa hadii EBBE idmo ka furmaya hotelka weyn ee loo yaqaan Ambassdor Hotel 10:00 subaxnimo ee saacada Somaliland. Shabakada www.kulmiye.org waxay sedexda maalmood ee shirku soconayo idinka haqab tiri doontaa wararkii shirka iyo sawiradiisii ugu yaraan sedex goor maalintii. Ha hu daymo la’ aan inaad soo booqato www.kulmiye.org si aad aanad meel kale uga xigan warkii xaqiiqda ahaa. ALLA Mahad Leh

Amassador Hotel In Hargeisa

Rayale’s Republic of Clanistan (Awdalnews Editor’s View)

Awdalnews

March 27, 2008 – 14:37
Rayale’s Republic of Clanistan
The policy of divide and rule is the mainstay of colonial administrations and dictatorial rulers. It is only through division along tribal lines that such shaky governments retain power and consolidate their grip on the life of their subjects. Rayale’s recent announcement of new regions and districts in Somaliland is a textbook example of such bankrupt regimes that cannot survive without leaning on clan crutches.

The people of Somaliland had great dreams for their sovereignty. Emerging from the yoke of brutal dictatorship that thrived on division and playing one clan against the another, they aspired to build a viable state based on good governance, social cohesion and constitutional democracy where elected houses made decisions through transparent systems and public debates.

But with his latest decision, Rayale proved to us once more where his priorities lie. He made it clear that all he cared about was his chair. Rayale’s decisions have become so predictable on the advent of any election. Among his previous tactics were announcements of major trade deals with phony foreign companies, cabinet reshuffles and nominating honorary parliamentary seats, presidential advisors and other redundant posts for political gains.

Accordingly, his designation of new regions and districts at this time when the country is preparing for the second presidential elections comes as no surprise. The gravity of this decision, however, lies in its long-term effects of dividing the country into tribal ghettoes.

Instead of building a united, integrated and cohesive society that puts the higher national interests at its focus, Rayale opted to heighten tribal polarization and hostility among the people of Somaliland.

Somaliland consisted of two regions only during the British colonial administration. All clans of Somaliland were governed from Hargeisa and Burao. Borders of the Southern regions of former Somalia also cut across clans and sub-clans. It was Siyad Barre who designated regions on clan basis. As a man schooled in Barre’s system of ruling the country as tribal fiefdoms, Rayale finds it quite normal to turn a page of his mentor’s policy book whenever he feels threatened. Safeguarding his chair through clan loyalties is the core of this policy.

To create new regions and allow different areas of the country to manage their resources and run their own affairs may be an essential factor for the decentralization of administration, but demarcating regions along clan lines is a call for division and reversing the wheel of the country’s progress towards statehood. It is Rayale’s attempt to realize his delusional dream of ruling Somaliland as a republic of clanistan.

 


Source / Awdalnews Network

Xukuumada M/weyne Riyaale Iyo Xisbul Xaakimka Udub Oo Wada Qorshayaal Ay Ku Carqaladaynayaan Shirweynaha 2-aad Ee Xisbiga Kulmiye.

home about us news archive party policies get involved contact us

March 27th, 2008 [News] |

Hargeysa (Somaliland. org) Xukuumada uu hogaamiyaha ka yahay Madaxweyne Riyaale iyo xisbiga talada dalka haya ee UDUB ayaa wada qorshayaal ay ku carqalad gelinayaan xaalada nabad gelyo iyo habsami u socodka shirweynaha labaad ee xisbiga KULMIYE oo lagu wada inuu maalinta sabtida ah ee todobaadka soo socda ka furmo Hotel Ambaasadoor ee caasimada Hargeysa.

Inkasta oo aad loo adkeeyay xaalada amaanka ee hotel Ambaasadoor hadana sida ay xaqiijiyeen dad ku sugnaa hotelka Ambaasadoor waxa si lama filaana hoolka loo qoondeeyay inuu ka dhacay shirweynaha labaad ee xisbiga KULMIYE maanat loogu arkay rag ka tirsan ciidanka sirdoonka qaran, kuwaas oo aan lahayn ama sidan dirays u gaara ciidankaasi sirdoorka, taasoo dareen didmo leh ku abuurtay maamulka hotel Ambaasadoor.

Waxaana la sheegay in maamulka hotel Ambaasadoor talaabadaasi ku noqotay mid fajiciso ku ah, isla markaana ay si xoogan u sii adkeeyeen guud ahaanba amaanka hotelka. Dad badan ayaa tuhunsan ama qaba in Maamulka Madaxweyne Riyaale iyo xisbigiisa UDUB aanay jeclaysanayn natiijo dhaxal gal ah iyo is-fahan uu ku dhamaado shirweynaha labaad ee xisbiga, kuwaasoo ku sababeeya in xukuumada Madaxweyne Riyaale iyo xisbigiisa UDUB ay u arkaan xisbiga KULMIYE cadowga keliya ee ay leeyihiin sidaas darteedna ay ku carqalad gelinayaan.

Halka dadka qaarkood ay ku tilmaamaan in xisbiga KULMIYE uu yahay rajada qudha ee ay haystaan shacbiga reer Somaliland, isla mar ahaantaana aanu Madaxweyne Riyaale jeclayn guul uu ku dhamaado shirweynaha labaad ee xisbiga KULMIYE.

KULMIYOW XUSUUSO

Axmed Carwo

KULMIYOW XUSUUSO
Waa Shirweyne ididiilo. Waa kulan aqooneed. Waa maxfal wax-garad. Waa Gole geesi. Waa ardaa dhalinyaro. Waa madal bushoweyn oo kulmisay qayb kasta oo bulshada Soomaliland, gobal kasta, degmo kasta, dhalin iyo waayeel, rag iyo dumar, maal-qabeen iyo muruq-maal, dal-joog iyo qurbo-joog. Waxay hadhsanayaan daladda Kulmiye. Waa shirweynii labaad ee xisbiga. Waa shir miisaan gaar ah leh, ahmiyad sare iyo rajo weyna Soomaliland ka qabto, maalintu waa Sabti, bishu waa March, sanadkuna waa 2008. Waa dharaar taariikhda gashay, lagu daray bogga guusha, laguna sajilay duruusta tariikhda qaran ee u keydsan ubadka iyo jiilasha soo socda ee Soomaliland.

Kulmiyow xusuuso dhaktarka Boorame ee laga soo qayliyey. Xusuuso bukaan-socoda irridda leysku hortaagay, lagu xidhay lacagta. Xussuo inuu halkii nafti kaga baxday. Maydkiisu muddo yaalay ilaa dadweyne u kacay. Xusuuso Isbitaalka Ceerigaabo ee hawshiisu is taagtay. Ogsonow in Ceeri magaalo madax u tahay gobalka ugu weyne ee dalka waa Sanaag ah.

Xusuuso Berbera iyo xaalkeeda. Magaalo magac leh, marsadii dalka iyo albaabka Soomaliland laga soo galo oo shiikhaysa. Xusuuso dekedda iyo gaabiskeeda, xoolaha iyo ganacsiga la tagooray. Xusuuso wershadaha, shiidaalka iyo macdanta kolba shirkad aan jirin loo sexeexaayo. Xusuuso shaqo la,aanta dalka dhammeysay, ee dhalintu lug iyo huudhuba kaga baqoolayaan Ceelaayo ilaa Saylac.

Xusuuso xuquuqda muwaadinka ee lagu tuntay. Waa Xukunka degdega ah, waa maxkamado madaxtooyeysan, waa boolis xisbiyeysan. Waa dal aan miisaniyad lahayn. Xisaab xidhna hadalkeed daa. Hanti dhowr ma jiro, xatooyo ceeb ma aha. Mushahar waxa qaata shaqaale aan la arag iyo been macaaneeye afminshaar. Xusuuso xukunkii xabsiga dhexdiisa iyo xadhigii Hoggaamiyaasha Qaran.

Ku sajil maskaxdaada dhawaaqii ka yimid kooxdii lagu sheegay inay dhowaan ku biireen UDUB: “Waxaanu uga biirnay UDUB kolkii cadaadis nala saaray, shaqo weynay, nalkii nalaga jaray, biyo la’aan een ogaanay waxa nalagu eryanayaa inay tahay Kulmiyaa tihiin.”

Waa dhawaaq dareen fog leh, waa cadaalad darro tii ugu sareysay. Waa kala-sooc qaawan. Waana dad hiilkiina sugaaya. Ma aha sida UDUB hiil xisbiyeysan, ee waa mid xuquuqdooda muwaadin loo soo celin doono. Waa xorriyad muwaadinka loo fasaxo fikirkiisa siyaasi, xubinimadiis xisbi kii uu isagu doorto, oon marna wax yeeleyn kaalinta shaqo, cilmi, gancasi iyo bulsho ee uu kaga jiro ummadda Soomaliland. Kaasaa u ah hiil, soo afjari doona cabsida maskaxdiisa addoomisay.

Kulmiyow ogow in dhibta aan sheegay iyo kumaakun la mid ah, cidda looga fadhiyaa tirtiridoodu tahay intiina magacan wadaagta. Waa rajada shacbiga u heelan cid xukuumaddan bedesha oo ka maydha xumaantii cadaalad darradu ku reebtay. Waxa leydinka fadhiyaa dal horumar tiigsada, dad sharciga u siman, dal aqoonta iyo kartida ixtiraama, dawlad talo-wadaag ah oo keli-talisnimo ka baxda. Wasiiro tayo leh, kooban oo awood leh kana baxa karaaninimada ay ku jiraan, barlamaan dadka matala oo danta guud ku saleeya sharci dejintooda. Dhisme handidhowr wasaarad kasta, gobol kasta, degmo kasta iyo goob kastaba xisaab la dabo jooga, badbaadiya hantida qaranka ee laga soo uruuriyey qof kasta oo muwaadin ah min islaanta kildhiga shaaha ah cadceeda la fadhida ilaa maal-qabeenka.

Ku bushaareyso in cid kasta oo cadaadis ku gashay UDUB inuu yahay xubin kuu maqan. Waxa la yidhaahdaa xoolaha biyo waad u geyn, kuma se qasbi kartid inay cabaan. Waxa hubaal ah in maalinta codbixinta ee qofka iyo sanduuqa loo kala tago inay gocan doonaan xumaantii soo martay, in sawiro iyo fariimo badan oo ku raagay maankoodu soo degi doono. Waxay noqon qaar u hiilay naftooda, qoyskooda iyo umadooda. Waxay noqon qaar ku aarsada codkooda. Waa hiil KULMIYE u maqan.

Waxa leydinka sugayaa barnaamajkii qaawin lahaa indhasarcaadka iyo humaagga riyada ku dhisan ee xukuumadda, iyo barnaamaj horumar dhaqaale iyo bulshaba leh, cadaalad iyo nabad leh, qiimeyn muwaaddan iyo xoriyaddiisa maal, muruq iyo maskaxeed leh. Dhisme tacliineed iyo aqoon talis leh. Waxaad ku darsataan beerid iyo bislayn dadka oo lagu barbaariyo dalk-jecel degma kasta ooy joogaan, isu damqada oo isu gurmada. Waxa keeneysa hab-dawlad wanaag ku dhisan sinnaan iyo bulsho sharcigu hoggaamiyo. Bulsho aan beel-sooc, degmo-sooc iyo reer-sooc midna lahayn. Bulsho qiimeysa wax-qabadka oon abtirsiin iyo gobaltirsiin midna ku eegin muwaadinka miiska halka dambe amba halka hore ka fadhiya. Qof iyo aqoontii, ficilkii iyo odhaahdii.

Kulmiyow waa muujiseen dimuquraadiyad, waanad ka gudubteen isbaarooyinkii loo dhigay inaydun ku turunturootaan. Weli se dabinku wuu daadsan yahay. Gacmo wadajira, indho soo jeeda iyo maskax furan wax qaadata waxna diida, arrinta shiisha oo kala haadisa, dul iyo samir leh, isqadarin iyo walaalnimo leh, is-dhaliil iyo is-toosin leh, tartan aan turxaan lahayn leh oon laga baydhin yoolka guusha ayeydun kaga gudbi kartaan.

Waxaan ku kalsoonay raga tartanka ku jiraa inay dhammaan yihiin dar aqoonteed, kartideed iyo daacadnimadeed leh. Xul indheergarad ah, dal jecel oo taariikh iyo magac ku leh dhismaha Soomaliland. Waa astaan horumar, waana markhaati cad oo ka marag furaysa qiimaha xisbigu leeyahay, iyo kaalinta horyaal ee uu siyaasadda kaga jiro. Waa in kii tartanka ku guulaysta loo haniyeeyaa, leysku barbartaagaa, oo inta tartanka la gashay u noqdaan cududii uu wax ku dhisi lahaa iyo maskaxdii uu wax ku xalili lahaa. Isbedelka dhabta ihi waa hoggaanka dalka oo KUlmiye ku guulaysto. Waana ISBEDELKA DADWEYNAHU RABO. TAASNA WAXA KELIYA EE LAGU GAADHAYAA WAA DALADDA KULMIYE OO INTA KU JIRTAA IS KAASHATO, AYNA U KALA TEGIN KUNA DADAASHO INAY DHARAAR IYO HABEENBA SOO GUDAGELIYAAN INTA LA FOOF-HABAABIYEY.

Waxaa intaas Kulmiye u dheer kuwa danta iyo cidhiidha dawladda lagu UDUBeeyey, waa kuwa la sugaaya marka iyaga iyo sanduuqa codadku isu keliyeystaan inay la soo baxaan midabkooda dhabta ah . Alla maxaa dar buuga UDUB ku qoran, qalinka KULMIYE ku duugi doona. Waa rag iyo dumar ciishan oo hiil idiinku maqan, idinkana raba tab iyo xeelad ula socotaan iyo idinkoo tusa inaydun tihiin dad ku jira xisbi dimuquraadi ah, dadku xor u yahay fikirkooda iyo doorashada hogaankooda, sharci ku wada socda, kun kala dambeeya, nidaamka aqlabiyaddu sal u yahay, guusha xisbiga ka mideysan. Danta guudna ul iyo diirkeed ah.

Hambalyo iyo Guul Alle.

Ahmed Arwo

Cardiff, U.K

samotalis@gmail.com

Xasaaad Iyo Maamuus Madaxweyne Jiri Mayso Wixii ka Dambeeya 15 April

Wednesday, 26 March 2008
Ahmed Haji Yuusuf DualehAhmed Haji Yussuf Dualeh, London, UKGudoomiyaha Kumishanka doorashooyinka Maxamed Yuusuf Axmed is casilaadiisu waa khiyaamo aan geed loogu soo gabban.Maxamed Yuusuf wuxu ahaa ninkii sartu ka qudhuntay markii lagala soo hadhay labadii xubnood ee la’ laallay. Murankii ka dhashay ayaa waxa ku lummay mudo ka badan 4 Bilood oo keentay in 4 bilood iyo badh kalena doorashada dib loo riixo ilaa 31 Augost2008.Taasoo wadaadku naawilayo in muddo kale loogu daro illeen wax loo diidoba muu arag e’.

Maxamed Yuusuf isaga ayaa mudo kordhin ka dhawaajiyey isagoo xilkiina ka sii socda. Waxad moodaa inay shuruudaha ka mid ahayd inuu sii shaaciyo dib u dhiggaas iyadoo looga tudhayey Gudoomiyaha cusub si uu arimo kale isna u fuliyo. Maxamed wuxu ku cadaaday nin ka baaqday halkii lagu wadey oo gees u jan-jeedhsaday, caafimaadna Eebbuu sidaa kaga rajeynayaa Alla ha siiyo.

Gudoomiyaha waxan ka shakiyey markuu dabadiisa ka tuuray liiskii 3-da xisbi isku waafaqeen iyo guddidii ay ku heshiiyeen ee laga soo xuli lahaa Gobolada Saaxil, Maroodi-jeex, iyo Awdal, ee shaaciyey magacyo aan laysla ogeen oon xisbiyadana waxba laga weydiin.

Gudoomiyihu talo cid kale ka timi ayuu isku casiley, wuxuna muujiyey jileec iyo doqoniimo aan laga filayn. Kubka iyo bowdadaa kaga jabteen buu odhan jirey AHN Mujaahid maqfuur Muusa-Bidaar.

Runtuna waa sidan.

UDUB iyo ina Riyaale haday is leeyihiin waxbaa idiinka cabbaya, waa been.

Gudoomiyaha UDUB Daahir Riyaale Kaahin waxan u sheegayaa mudadii rasmiga ahayd ayaynu ku xisaabtamaynaa. Waxadna ku fashilantay dalka inaad doorasho ku sinto.

Sidaas darteed waxba kama jiraan hadaan lagu soconayn mudadii hoosaasada ahayd ee kumishanku ka dalbadeen xisbiyada in lagu daro

waqtiga ka dhammaan doona Daahir Riyaale iyo kooxdiisa badhtamaha April 2008.

15 ka April 2008 waxa ku dhan 5tii sanadood ee loo doortay inuu madaxtooyadii gudoomiyo Daahir Riyaale Kaahin.

Mar hadaanay muuqan doorasho waqtigeedii ku qabsoomaysaa cidda hakratay ee lumisayna ay tahay xukuumadda, iyadoo doonaysa in loo mudo kordhiyo. Waa in lagaga jawaabaa weedh midaysan oo tilmaanta inuu xafiiska dhaafo ina Riyaale 16-ka April 2008. Sidaana ay xisbiyada mucaaridka ahi ku hor kacaan dadweynaha Somaliland ee dulmman.

(Madax muuqda iyo mindi af-daran midna lagama quusto e’) Wakiiladu waa inay toosaan guntadaan waana inay u hawl galaan sidii loo magacaabi lahaa Dawlad waddanka gaadhsiisaa doorasho xor ah oo xalaal ah (caretaker governnment).

Digniin Gurtidu yaanay isku deyin in ay mudo u kordhiyaan Daahir Riyaale iyo kooxduu farrimaa inoo soo faro. Xisbiyo iyo dadweyne ma’ yeeli doono go’aamo meelaysan maaleeyaysan iyo mooyoo mooyi mindiriish mandaraash.

Codsi Police-ku waa in aanay yeelin amarro lagu waxyeellaynayo nabadda, waa inay qadderiyaan qiimeeyaan oo dhawraan carruurtooda hooyooyinkood aabayaashood, iyo walalladood.

Ciidamada qallabka sidaa waa in ay xejiyaan xuduudaha waana in aan loo isticmaalin dadkooda sidii shalay Afweyne ku sameeyey.

Somaliland ha noolaato, ammaano Alla.

Ahmed Haji Yussuf Dualeh, London, Uk.

huluulyare@yahoo.co.

 
 

Haweenay Uur Leh Oo Biyo La’aan Ugu Dhimatay Deegaan Ku Yaala Gobolka Hargeysa Iyo Kulan M/weyne Ku Xigeenku La Yeeshay Hay’adaha Samo-falka


Hargeysa(Somaliland.org) Wasiirka horumarinta reer miyiga Fu’aad Aadn Cade ayaa daboolka ka qaaday in qofkii u horeyay ee u dhinta biyo la’aan ay ka dhacday deegaamo ku yaala gobolka hargeysa,isla markaana ay qof dumara oo xaalimo ama uur leh ay ugu dhimatay biyo la’aan deegaanka lagu magacaabo ina-Buuxa oo ka tirsan gobolka Hargeysa.

Mudane Fu’aan aadan Cade wuxuu sidaa ku sheegay hadal kooban oo uu warbaahinta siiyay ka dib kulan uu ka qayb galay oo guddi uu Madaxweyne ku-xigeenku gudoomiye u yahay ay manta kula yeesheen xarunta ka hortaga aafooyinka ee Neeraad. Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa daboolka ka qaaday in maalinta Axada ee fooda inagu soo haysa la bilaabi doono wejigii ugu horeeyay ee loogu gurmanayo dadka abaaruhu tabaaleeyeen ee gobolada dalka, waxana uu sheegay in xukumad ahaan ay bixin doonaan 270 kun oo dollar, oo loogu talo galay in biyo iyo raashin loo siiyo dadkaasi. Madaxweyne ku xigeenku Axmed Yuusuf Yaasiin wuxuu sidaasi ku sheegay xogwareysi uu warbaahinta siiyay ka dib kulan saacado badan qaatay uu la yeeshay manta Ha’yadaha samo falka ah ee isu jira kuwa wadaniga iyo kuwa caalamiga ah ugu horeyna waxa uu yidh “Maanta hay’addihii waanu isugu yeedhnay waxana aanu dalwad ahaan go’aansanay ugu dambayn in aanu maalinta Axada ah Hargeysa laga baxo , xataa haddii ay kelifayso in aan anigu baxo , oo sidii dadkaas biyo loola gaadhi lahaa aanu isku dayno , waxay marayaan xoolihii heer aanay dhaqaaqi karin , iminka waxa la ii sheegay in gobolka Sanaag in dad badani ay ka soo hoydeen xoolihii , hay’adihii waanu la hadalnay oo wanaaga xafiiska isku haysana ee aanu leenahay miiska ka kicimaysaan ilaa aad wax balan qaadaan’’. Wuxuuna intaa ku daray “Waxaanu u qaybinay laba laba qaybood Hargeysa iyo Awdal waanu is raacinay waxa aanu ka dhignay qayb gurmadkeeda , 4 gobol ee barina waxaan la dhignay qayb , gobolka xooga la saarayaa waa gobolka Sanaag , waana gobol aad u balaadhan 40% waxa aanu bixinayno waxa la gayn doonaa Sanaag’’ ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenku Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka hadlayay baaxada abaareed ee ka jirta dalka waxa uu yidhi “Kolay haddii aanu nahay guddigii taakulaynta gobollada Bari mudana waanu ku jirnay ururinta deeqaha oo aanu ugu tallo galnay in wax loogu qabto gobolada Bari , laakiin wixii aanu ururinay waxa ku soo beegmay abaaro khatar ah oo xoolihii way dhaaftay oo dadkii ayay maraysaa, markaa dawlad ahaan waanu isku tagnay oo lacagtii aanu dadka ka ururinay waxa aanu ka soo qaadnay 100 kun oo Doollar , miisaaniyadii 2007 waxa kale oo qaadnay 170 kun Doollar , 270 kun ee Doollar ayaanu ugu tallo galnay inaanu kaga qayb qaadano wajiga hore ee Abaaraha”. Ha’yadaha wadaniga ah ee Candle light iyo CCS, oo la mid ahaa hay’adihii kulankaasi ka qayb galay ayaa ku dhawaaqay taakulada ay ka geysanayaa xaaladan ba’an ee abaareed ee ku habsatay dalka waxayna sheegeen inay bixinayaa 13 kun oo foosto oo biyo ah, oo loogu deeqayo dadka ku dhaqan gobolada bariga Somaliland. Dhinaca kale shirkada isgaadhsiinta ee Telesom ayaa ku deeqday lacag dhan 20-kun oo Dollarka mareykanka ah si gacan looga geysto xaalada abaareed ee ka jirta dalka sidaana waxa daboolka ka qaaday gudoomiyaha shirkada isgaadhsiinta ee Telesom C/kariin Maxamed iid.

Xigasho / Somaliland.org Hargeysa