Archive for March, 2008

“Ergooyinkii Shirka Intoodii Badnayd Way Soo Gaadhay Hargeysa..,Ummadduna Way Ku Hungowday Hogaankan Loo Igmaday Talada Dalka”..Wareysi..Gudoomiyaha Gudiga Qabanqaabada Shirweynaha 2-aad Ee Xisbiga Kulmiye Dr, Axmed Muxumed Madar.

“Ergooyinkii Shirka Intoodii Badnayd Way Soo Gaadhay Hargeysa..,Ummadduna Way Ku Hungowday Hogaankan Loo Igmaday Talada Dalka”..Wareysi..Gudoomiyaha Gudiga Qabanqaabada Shirweynaha 2-aad Ee Xisbiga Kulmiye Dr, Axmed Muxumed Madar.

Hargeysa(Somaliland.org) Gudoomiyaha gudiga qabanqaabada shirweynaha labaad ee xisbiga kulmiye Dr, Axmed Muxumed Madar ayaa sheegay in hawshii shirweynaha labaad ee xisgiga kulmiye ay meel fiican oo gabogebo ah mareys oo la qaban doono waqtigii loo cayimay,isla markaana ay intii badnayd ee ergooyinka shirweynaha ka qayb gelaysay ay soo gaadheen caasimada hargeysa.

Dr Axmed Muxumed Madar wuxuu sidaas ku sheegay wareysi uu caawa fiidkii siiyay shabakada wararka ee Somaliland.org iyo idaacada Horyaal mar la weydiiyay halka ay marayso hawshii shirweynaha labaad ee xisbiga kulmiye waxa uu sheegay in ay meel fiican marayso oo waqtigii la cayimay shirku inuu furmo oo ahayd 29-ka bishan march oo ku began maalinta sabtida ah ee todobaadka soo socda.,kaasoo ka furmi doona hatel Ambaasadoor ee caasimada Hargeysa.

“Way ku hungowday ummadani hogaankii ay u igmatay talada talka inuu hogaamiyo waxana mihiim ah in la helo isbedel siyaasadeed oo si dimuqraadi ah u dhaca si looga saaro dhibaatada ku habsatay shacbiga ee ku saabsan shaqo la’aanta,sicir bararka,musuqmaasuqa,cadaalad darada iyo daryeel la’aanta arimaha bulshada haday tahay waxbarasho,caafimaadka biyaha iwm sidaas darted bay ummaddu u danaynaysaa ulana socotaa hawsha shirweynaha waayo waayo waa rajada keliya ee ay haystaan inay helaan hogaan ka saara marxalada ay ku jiraan” Sidaa waxa yidhi gudoomiyaha gudiga qabanqaabada shirweynaha labaad ee xisbiga kulmiye Dr, Axmed Muxumed Madar mar la weydiiyay sababta ummaddu u danaynayso una hadal hayso hawsha shirweynaha labaad ee xisbiga kulmiye.

Mar la weydiiyay gudoomiyaha gudiga qaban qaabada shirweynaha labaad ee xisbiga kulmiye Dr Axmed Muxumed Madar in shirweynaha lagu dooranayo musharaxiintii xisbiga kulmiye uga tartami lahayd jagada M/weynaha iyo ku-xigeenkiisa wuxuu ku jawaabay “Maya shirweynaha laguma dooranyo musharaxiinta ee waxa lagu dooranayaa golihii dhexe ee xisbiga,marka golahaa dhexe lagu doorto shirweynaha ayaa shir kale lagu dooran doonaa cida jagooyinkaas u tartami doonta” Ayuu yidhi Dr Axmed Muxumed Madar.

“Ergooyinka shirweynaha ka soo qaybgeli doontaa waa ilaa shan boqol oo ergay oo ka kala imaandoona gobolada dalka iyo qurbo jooga xisbiga kulmiye” ayuu yidhi Dr Madar mar la weydiiyay tirada ergooyinka ka soo qaybgeli doonta shirweynaha labaad ee xisbiga kulmiye.

Xigasho / Somaliland.org Hargeysa

Madaxweynow Dalka Iyo dadkuba Gurmad Abaareed Bay Kaa Sugayeen !

Opinion

Madaxweyne Dahir Rayaale ayaa bisha 23 keedii ku dhawaaqay 6 gobol iyo 14 degmo oo cusub iyo waliba 2 kale oo Rayaale hadana ka daba keenay oo marka la isku daro dhan 6 gobol iyo 16 degmo. Madaxweyne Rayaale wuxuu dhawaan soo saaray ka hor intaanu ku dhawaaqin gobolada iyo degmooyinka inuu joojinayo kulamada uu la kulmayo cid kastaba mudo 30 maalmood ah . Madaxweynuhu wuxuu joojinta kulamada ku sababeeyay in uu ku maqnaan doono mudo 30 maalmood ah hawlo culus oo uu qaranka ugu maqannaan doono. Shacabka reer Somaliland ayaa sida xaqiiqdu tahay sugayay hawsha culus ee uu Rayaale ugu maqnaa waxay noqon doonto!

Madaxweyne Rayaale waxaa kale oo shacabka reer Somaliland qaarkood uba maleeyeen inuu xisaabtan iyo waxa uu dalkan ka qabtay lixdii sanadood iyo badhkii uu talada ka hayay inuu soo bandhigi doono wuxuu qabtay inta anu doorasho galin. Madaxweynuhu se waxaa uu subax uun la soo kacay isaga dhamaan dalkii u wada qaybiyay gobolo iyo degmooyin fara badan oo aan caqliga galayn. arintaas oo ah olole doorasho oo aanu madaxweyne Dahir Rayaale daacad ka ahayn waxay tahay mid siyaasadaysan ! Dhamaan degmooyinka iyo gobalada uu Dahir Rayaale maanta ku dhawaaqay marka ILLAAHAY laga baqayo oo runta laga wada sheegayo Madaxweynuha haday daacad ka ahayd oo dhamaan gobalada iyo degmooyinkaasiba ay xaq u lahaayeen in loogu dhawaaqo gobol iyo degmaba, muxuu madaxweynuhu lixdii sanadood iyo badhkii inta u dhaxaysay ama laba sanadood ka horba uu ugu dhawaaqi waayay goboladan iyo degmooyinkan ? Waa maxay maanta oo shan bilood in ka yari ka hadhsantahay doorashada wakhtigii loogu talagalay in uu Daahir Rayaale ku dhawaaqo gobolo iyo degmooyinkan ? Waxaa xaqiiq ah oo jira gobolo iyo degmooyin badan oo sida xaqiiqdu tahay xaq u lahaa gobolnimo iyo degmonimaba in hore ay ahayd in loogu dhawaaqo balse u dabranaa Dahir Rayaale olalihiisa doorasho in uu ku galo si dhawaaqooda lagu beego bilo yar ka hor wakhtiga doorashada. Dalka maanta ogow waxaa dalka ka jiraa abaar iyo biyo la’ aan ba’ an oo dalka oo dhan saamaysay, miyaanay ahayn madaxweyne inaad gurmadka bani aadnnimo ee shacabkaaga aad ka horaysiiso olalahaaga dooroosho? Umadii haraad iyo silic baa haya, dalkii abaar baa ka taagan, madaxweynihii dalkuna maalin ma soo hadal qaadin mana soo booqan goboladan ay abaartu ku habsatay.

Fari kama qodna waxaa wali Dahir ka soo guuxaya oo ah 24 wasiir oo isugu jira wasiir, wasiru dawle iyo wasiir ku xigeeno, waxaa ku sii daba jira agaasimoo guud iwm… Xukuumada Daahir Rayaale waxa kale oo ay si sharci daro ah u soo daabacdeen kumannaan bilyano shilin somaliland ah oo qaarna suqaqa lagu soo daayay qaarna ay ugu tala galeen inay doorashooyinka ku khalkhal galiyaan. Shacabka reer Somaliland.

Hadaba Shicibka reer Somaliland oo caqligoodu u caafimaad qabo waxay Dahir Rayaale Kaahin waydiinayaan:
1. Madaxweyne Rayaalow gobolka iyo degmada aad markii horeba waxba u qaban wayday ma gobol iyo degmo aad u magacowdaybaad wax ugu qabatay?
2. Gobolada se aad magacowday, in abaari bakhti ka dhigtay ma haysa ma se ka horaysiisay inaad booqato intaanad gobolba siin oo waxay ku noolyihiin ogaato intaanad gobol aan macno ku fadhiyin siinayso?

3. Dalka wali wado burbursan ma ka hagaajisay dariq baa ugu yar, tusaal dadkii waxaa dhameeyay shil baabuur sida wada Berbera ee googo’an ma is tidhi iyadaa ugu yare buuxi meelaha jaban mase is tidhi dariiqa gurigaaga hor mara hagaaji ee ajnabigu kugu soo booqdo?

5. Goboladan iyo degmooyinkan aad magcowday hore wax ma uga dhistay mise maantaad xasuusatay inaad isticmaasho oo olalaha doorasho ku gasho?

6. Dalkan wax aad u qabatay oo aad ku fani karto aan aahayn doorashada markaad madaxnimada dhaxashayba jadwalkeedu sii yaalay?

 

 

Madaxweyne wakhtigaagii madaxnimo wuu soo dhamaaday, iridahana waa in lagaa xidhaa marka mudaadi dhamaato sidii Md Cabdillahi Cabdi xaji Cumar (Cabdillahi Jawaan) horeba u yidhi maalin kaliyana inaan laguugu darin sidaad adba golihii hore ee wakiilada iyo komishankii doorashada ee mudadoodu dhamaatayba aad iridaha uga xidhatay.

Magacaabistan gobolada, degmooyinka iyo wasiiradaba ee uu madaxweyne Rayaale ku beegay maalmo yar ka hor shirweynaha labaad ee Kulmiye qof caqli leh ee inuun wax kala garanayaana waa og yahay nacasna looba sheegi maayo. Waxaase shacab ahaan dadku ku midaysannahay in doorashada aan habeen dib loo dhigin, duniduna maanta inta kaliya ee ay inagu qadarisaa tahay doorasho xalaal ah oo dalkan ka qabsoonta maaha mid sida ta Mugaabe oo kale ah !
shacabka reer Somaliland way ka ilbaxeen dawlad musumaasaq ah oo hantidoodii guranaysa , halkay aabaarah uga gurman lahaydna gobol iyo degmo aan macno ku fadhiyin dadkii ku kala jeedinaysa.

Madaxweyne Daahir Rayale Kaahin duqri may maqlaysaa, waxaa shacabka reer Somaliland diyaar kuula yahay inay kaa codeeyaan oo ku guro ka buuxso dambe aan lagaa yeelayn, waxay shacabka reer Somaliland diyaar kuula yahay in ay barteen xeeladihii laga ilbaxay sideetanaadkii ee gobol gobol ka hor gee ahayd,ama qaybi oo xukun. waxaa diyaar laguula yahay in lagula xisaabtamayo adiga iyo inta ku lugoynaysaba wixii dalka aad lix sanadood iyo badhkii ka soo qabateen, intaan albaabada la idinka xidhan




Maxamud Lafcanbe
Toronto, Canada

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Axmed Maxamed Maxamud Oo Tacsi U diraya dhamaan Qoyska Reer Baanday

DATE: 25.03.2008

TACSI

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Ahmed Mohamed Siilaanyo, isaga oo ku hadlaaya magaciisa, kan Xubnaha Xisbiga iyo Taageerayaashaba, waxaa uu tacsi u dirayaa C/raxman Baanday, isaga oo Guddoomiyuhu uga tacsiyadaynaya Geerida ku timid Hooyadii Marxuumad Hibo Guuleed Jaamac oo caawa 26.03.2008 ku geeriyootay Magaaladda Hargaysa.
Guddoomiyuhu waxa uu mar labaad si gaar ah Tacsidaa ugu dirayaa Qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxday marxuumadu, waxaana uu ilaahay uga baryayaa inuu Janadii fardawsa ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadii ay baxdayn samir iyo iimaan ka siiyo.

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN
MD. AHMED MOHAMED SIILAANYO
GUDDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE

Shirweynihii 2 Aad Ee Xisbiga Oo Sabtida Bilaabmaya Iyo Waraysiga Gudoomiyaha Xisbiga Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilanyo

 

Togdheernews.com Hargaysa..25March)- Shirweynihii labaad ee xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa la filayaa inuu Sabtida toddobaadka soo socda si rasmi ah uga furmo magaalada Hargeysa, kadib markii wadahadal lagu xalliyey muranno xisbiga gudihiisa ka jiray oo tiraba dhawr jeer hakad geliyey qabsoomidda shirweynaha.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Jamhuuriya xalay khadka telefoonka ugu warramayey, ayaa sheegay in heshiis laga gaadhay waxyaabihii xisbiga dhexdiisa ka jiray oo dhan, isla markaana la isla oggolaaday in cid walba u hoggaansato wixii ka soo baxa gunaanadka shirweynaha labaad.

Sidoo kalena waxa Md, Siilaanyo xusay in la kordhiyey tiradii ergooyinka shirka oo markii hore ayhd 350. haseyeeshee waxa uu ka gaabsaday inta ay dhan tahay tirada xubnaha lagu kordhiyay ergadu.
Su’aalihii la weydiiyey Axmed-Siilaanyo iyo jawaabihii uu ka bixiyeyna waxay u dhaceen:
Su’aal: Guddoomiye; waxa nagu maqaalo ah in shirweynihii KULMIYE furmayo Sabtida toddobaadka dambe, arrintaa maxaa ka jira?

Jawaab: Haa, arrintaasi waa run shirkiina wuu furmayaa, waxaannu noo furmayaa iyadoo wax waliba noo qurux badan yihiin oo wixii jiray oo dhanna wadatashi ayaa laga yeeshay.
S: Waxa jiray in dhawr jeer dib-u-dhacyo ku yimaaddeen shirka, hadda ma waxaad leedahay waannu dhammaysanay waxyaabihii lagu muransanaa oo dhan?

J: Adeer, khilaaf iyo muran ma jirin, balse waxaan kuu sheegay in waxyaabihii jiray oo dhan wadahadal lagu dhammeeyey.
S: Tirada ergooyinka shirka iman doonaa waxay ahayd 530 xubnood, ma intaas uun baa shirweynaha ka qaybgelaysa mise waad kordhiseen?
J: Wax waa lagu daray, wax dhibaato ahna kama jiraan arrintaas.
S: Guddoomiye; sida nagu maqaalo ah waxyaabaha xisbiga dhexdiisa muranka ka dhex dhaliyey waxa ka mid ahayd xulista xubnaha u tartamaya jagada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka, taas hadda ma la soo afjaray?
J: Wax dhibaato ahi kama jiraan, Madaxweynenimo ayaa la isu taagi karaa, Madaxweyne-ku-xigeen baa laysu taagi karaa oo xisbi dimoqraadi ah ayaannu nahay, haddase maanaan gaadhin halkii lagu xulayey ee lagu kala saarayey cidda musharaxa Madaxweyne-ku-xigeenka noqonaysa oo waxaannu qabanaynaa waa shirweynihii xisbiga.
S: Yaa ka mid ah xubnaha hadda u sharraxan jagada Madaxweyne-ku-xigeenka?
J: Way soo bixi doontaa.
S: Guddoomiye; waxaad adigu hore u sheegtay in aad u taagan tahay musharaxnimada Madaxweynaha ee KULMIYE, sidaa darteed ma jirtaa xisbiga dhexdiisa cid gaar ah oo aad la doonaysid Madaxweyne-ku-xigeenka?
J: Cid aan gacan-saar la leeyahay ma jirto.
S: Shirweynahan waxaad ku soo dooranaysaan hoggaanka xisbiga shanta sannadood ee soo socda, markaa maadaama aad arrimihii lagu muransaa oo dhan wadahadal ku dhammaysateen maxaad ka filaysaa inay shirka ka soo bixi doonaan; ma inuu sii xoojiyo murannadii hore, mise in uu aad isugu soo kiin dhoweyn doono?
J: Waxay ila tahay waxaad ku celcelinaysaa intii hore ee aad I weydiisay, waannu dhammaaday oo cid is-haysataa ma jirto, waa jidka dimoqraadiyaddu marto, balse dadka qaarkii ayaa ceeb nooga dhiga, halkii ay ka ahayd in naloogu hambalyeeyo. Waad ogtahay xisbiyada qaarkood oo aan shirweynaba hadal hayn, kuwaas ayey ahayd in aad wax ka weydiisaan, waxaanuna ku heshiinay in cid waliba u hoggaansato wixii shirka ka soo baxa.

Xigasho..Jamhuuriya




Rayaale Oo Hadana Raxan Wasiiro Iyo Wasiira Dawlayaal Olalihiisa Doorashada Ka Badh Ah Ku Dhawaaqaya Todobaadkan !

 

home about us news archive party policies get involved contact us

( News ) March 26, 2008

Hargeysa(kulmiye.org) Madaxweynaha Daahir Riyaale Kaahin ayaa dhawaan ku dhawaaqay 6 gobol iyo16 degmo oo cusub oo marka tiradii hore ee gobalada iyo degmooyinka dalka ka jiri jiray la isku wada daro noqonaysa 12 gobol iyo 39 degmo, dhawaaqa madaxweynaha oo ahaa mid ka mid qorshayaashiisa doorasho ee uu ku doonayo codadka muwaadiniinta ayaa hadana waxaa kale oo warar madaxtooyada u dhun daloola noo sheegeen in uu si dhakhso ah madaxweynuhu ugu dhawaaqayo magaagacyada raxan wasiiro iyo wasiir-dawlayaal isug jira oo ka mid noqoon doona golahiisa xukuumada. wararku waxay intaa ku darayan in raxanta Wasiira.dawlayaasha iyo wasiirada ah la sheegay inay gaadhayaan ilaa 6 wasiir iyo 14-wasiir dawle.

Waxaanay ilahaas u dhuun daloola madaxtooyadu sheegeen inay ka mid yihiin raxanta wasiirada ah xubno ay ka mid yihiin wasiirkii hore ee wasaarada arimiha gudaha Ismaciil Aaden Cismaan oo la sheegay in loo magacaabi doono wasiirka amniga qaranka ,halka Cismaan C/llaahi Cigaal (Cismaan Hindi) xoguhu sheegeen in la filayo in loo magacaabi doono wasiiru-dawlaha dawladaha hoose,waxaa isna Cabdi Yuusuf Axmed oo loogu naanayso (Cabdi Dheere) la filayaa in loo magacaabi doono wasiiru-dawlaha arimaha bulshada, halka wararka qaarkoodna ay sheegayaan in loo magacaabi doono wasiiru-dawlaha qalbeedka gobolka sanaag.

Waxaa talaabadaas Rayaale aqlabiyadii dadku ku tilmaameen mid uu Madaxweyne Riyaale uga dan leeyahay inay yihiin wasiiradii sanaaduuqda doorashada tuurta ugu qaadi lahaa balse ay shalayna ay ahayd shalay ! maanta ay maalintii hore ka duwantahay oo wasiirka sanduuq doorasho tuurta ku qaadanayana diyaar loo wada yahay in halka uu la mari doono. Waxaa kale dhawaan xukuumada Rayaale suuqa ku soo daysay lacag xad dhaaf ah oo bilyano shilinka Somaliland ah taas oo sababtay sicir barar curyaamiyay ganacsatadii aadn u wax u yeeleeyay danyartii iyo wax ma haysatadii ree Somaliland., waxaana magacaabida gobolada, degmooyinka,wasiiradaas iyo lacagtaasba la isku wada racsanyahay inay ka badh yihiin sidii Rayaale uu cod ugu heli lahaa dhawaaqyadiisaas yaabka badan.

www.kulmiye.org

March 26th, 2008

Hoos U Daadejinta Xukunka Goboladda Iyo Degmooyinka Iyo Magacaabista Gobollo Cusub Ee Cajiibka Ah: Xubin Komiishankii Hore ee Doorashooyinka

 
 
home about us news archive party policies get involved contact us

(

Waxaa la yaab iyo amakaag ah in xilligan abaaraha, Omoska iyo ooddda-leelka lagu jiro ee baahida adag iyo Gaadhi-gaadhi saarka lagu jiro, xukuumaddu ummadda sooryo uga dhigto, kuna jaha-wareeriso Gobollo iyo Degmooyin ku sheeg cusub oo aan sinaba taabbo-gal u noqon Karin , oo dhallanteed ah, marka laga reebo Gebiiley iyo Wajaalaheeda.

? Ula jeedada Siyaasadeed ee Xukuumaddu ka leedahay magacaabista Gobollada iyo Degmooyinka cusub , waxaa la mid ah :

1. In indhaha , Maskaxda iyo Maanka ummadda lagaga jeediyo dhibaatooyinka ballaadhan ee maanta ka jira dalka, kuna habsaday bulsha-weynta miyi iyo magaaloba ee ku sugan xaalladda ah NAFTA DOOJI MOOYEE XARAGO LAGA TAWAADHEE.

2. In lagu beer-laxawsado ummadda sii bakhtiyeysa ee shaqo la’aanta iyo abaaruhu isugu darsameen , in loo magacaabay Gobollo iyo Degmooyin u goonni ah oo ay iska leeyihiin, waxaana sidaasi u rixin kara doqon iyo wax-ma-garato, aragti gaaban, si looga faa’ideysto xagga Doorashada.

3. Waxaana arrintaas tusaale inoogu filan xalladda ay ku sugan yihiin Goboladdii iyo Degmooyinkii hore, kuwaas oo inta badan uusan ka jirin wax adeeg maamul ahi.

4. Siyaasadda magacaabista Gobollo iyo Degmooyin cusub ee hor leh, waxay ka dhigan tahay habartii xaabadda ay hore dusha ku sidday , xaabbo hor leh ku darsatay ee culays dheeraad ah awgeed la kuftay.

5. Haddii ay Xukuummadda ka dhab tahay inay dadkeeda daryeesho oo ay wax u qabato, waxay wax ka qaban lahayd xaaladda ka sii daraysa ee hooyada Gobolladda iyo Degmooyinka dalka ee ( Berbera) iyo sagaal iyo tobanka ( 19) Degmo ee Derejada D-da ah, kuwaasoo , iyana la ogsoon yahay xaaladda maamul ee ay ku sugan yihiin , sida Dila, Daara-salaam, Faraweyne, Laas-geel, Xiis, Meydh iyo kuwo kale oo badan.

CEEBAHA DHISMAHA GOBOLLADDA XAD-DHAAFKA AH

1. Haddii dhismaha Gobolladda iyo Degmooyinka aad loogu tallax-tago, amase ay noqdaan xad-dhaaf, wuxuu keenaa tabar-darro ku dhacda maamulka, markiisii horeba liitay, kuna jiray jaho-wareerka iyo waxqabad la’aanta maamul ( Anarchy ).

2. Waxaa debecda awoodda jaran-jarada kala sarreynta shaqo.

3. Markay aad u bataan laamaha maamulka iyo Degmooyinka Gobollada , waxaa si hawl-yar u abuurba kooxo ku shaqaysta hab-daneysi oo tartiib-tartiib u lexeexiya ujeedada weyn ee Maamulka Dawladda .

4. Hawlo badan baa u xumaada isku hallayn darteed, maadaama adeegga maamulku uusan gaadh-siisneyn meelaha aad uga fog Magaalooyinka waaweyn, lana siinin mudnaansho gaar ah isgaarsiinta, iyadoo sida hadda jirta uu maamulka Gobolladda iyo Degmooyinka inmtooda badan Magac-u-yaal yahay, uuna ka jirin wax adeeg maamul ahi, iyadoo la ogyahay lagana dheregsan yahay xaaladda maamul ee Gobolladdii iyo Degmooyinkii hore u jirey, waa wax aan la fileyn in lagu soo kordhiyo kuwo cusub oo oomane iyo geedo hoostood ah, iyadoo isla markaasna kuwa lagu magacaabay ay ku jiraan kuwa aan weli si dhab ah ugu wada jirin Gacanta Xukuumadda.

? Ugu danbeyntii, waxa wax lala yaabo ah qaabka laysu raacshey ee loo dhisey Degmooyinka Gobollada qaarkood oo ah meelaha qaarkood kuwa aad isugu dhaw oon deegaan ahaan israaci Karin, tusaale ahaan:-

1. Gobolka Saraar
War-idaad iyo Ceelal waa isugu aag, weyna isku dhow yihiin oo isma raaci karaan.
2. Gobolka Gebiley iyo Awdal

Dila, Tog-wajaale iyo Magaalo Cad dhammaantood waa kuwo aad isugu dhow oo isu-muuqda waxayna ahayd in aan Magaallo Cad Degmo loo aqoonsan. Iyo meelo kale oo la mid ah, waxaadna moodaa in magacaabista Degmooyinka Cusub ay ka taliyeen Dad aan aqoon u lahayn Maamulka Gobolladda iyo Degmooyinka, isla markaasna aan si qoto dheer looga baaraan degin, iyadoo la arko in aan lagala tashan Wasaaraddii Arrimaha Gudaha ee ka soo talinta arrinta lahayd.

Waxa is-weydiin mudan meesha lagu tiirshey Degmooyinka Bali-gubadle iyo sallaxley, maadaama Degmooyin iyo tuulooyin yar-yar oo ka heer hooseeya laga dhigay Gobollo iyo Degmooyin, sida dhacday ee la yaabka la yaabkiisa ah.

? Sida muuqatay magacaabista Gobollada iyo Degmooyinka cusub waxa lagu saleeyey qabyaalad iyo Gobollaysi, taasoo khilaafsan kana soo horjeeda Distoorka Dalka, iyadoo sida loo jeedo Qabiil kasta loo xalaaleeyey Gobol iyo Degmooyin u gaar ah, halkii markii hore Dadku isku dhex-jirey ee ay maamul wadaag ahaayeen bari iyo galbeedba, haddase si qaawan loo kala saaray ama loo kala qoqobay oo look ala googooyey, waxaana hubaal ah inuusan jiri doonin Gobol keliya oo dhaqaale ahaan is-bixin kara, Gebiley mooyaane, Sida la wada rumaysan yahay.

? Gobolka Togdheer, wuxuu taabbo-gal ku ahaa Degmooyinka Oodweyne iyo Buuhoodle oo hadda laga jaray lagana dhigay Gobollo cusub oo culays dhaqaale ku soo kordhin kara Dawladda dhexe, waxayna taasi Dadkii isku duubnaa ee isku midka ahaa u kala qaybisey bari galbeed iyo Koonfur, iyadoo isla markaasna aysan isku dheeli-tirnayn oon la isu miisaamin Degmooyinka awoodda yare e looga tagay Gobolkii qiimaha iyo sumcadda weyn lahaa ee Togdheer oo hadda lagu soo reebay Degmooyin yar-yar ee Derejadda D-da ah oo waliba dhinac keliya ka raran.

? Gobollada cusub ee Lagu sheegay Saraar iyo Badhan, waxa wanaagsanayd in aan laga jarin Gobolladii SOOL iyo SANAAG ee ay hore uga tirsanaayeen, si aan look ala dhantaalin midnimadda iyo wada-jirka Ummadda.

? Sida laga dhadhansan karo wareegtada Madaxtooyada ka soo baxday, magacaabista Gobolladda iyo Degmooyinka cusub waa fikrad siyaasadeysan oo dusha lagaga keenay wasaaraddii laga rabey inay si cilmiyeysan daraasad iyo tallo bixin wax-ku-ool uga soo samayso, ka dibna looga dodo Golaha Wasiiradda intaan wareegto Madaxweyne lagu saarin magacaabista Degmooyinka iyo Gobollo, maadaama laga talinaayo aayaha iyo midnimada Ummadda waxay ahayd in laga fogaado caaddifad ama lab-la-kac Siyaasadeysan ee Beelo laa-luushid loo arki karo, marka Deegaano xataa tuulo istaahilin la yidhaahdo waa Gobo lama Degmo, raali-gelin Odayaal dillaaliin ah awgeed.

? Nidaamku wuxuu ahaa in soo jeedinta talada iyo habaynta magacaabista hoos ka timaaddo oon dusha lagaga keenin Wasaaradda, ka dibna xagga (Sare) Golaha Xukuumadda lagaga dodo oo lagu falanqeeyo wixii wanaag iyo xumaan ah ee ka iman kara, iyadoo ahmiyada koowaad la siinaayo wada-jirka Midnimada iyo isku-duubnaanta Bulshada kala haybta ah, sidii laysugu hayn lahaa, taasoo sida muuqata loo dhalan rogey hab Qabiil Goboleysan oon badhax lahayn.

? La arag oo la maqal lana garay Siyaasadda Xukuumaddu ka leeday Magacaabista Gobollada cusub, balse aan sugno oo ka dhur-sugno go’aanka Barlamanku ka gaadho ansixintooda, taasoo ah Rejada keliya ee sixi karta Qabyaaladda iyo Goboleysiga Xukuumaddu ku kacday

BY. AHMED ADAN CALI (GOODIR)

Xubin Ka Mida Komiishankii hore ee Doorashooyinka

Fadeexadaha Xukuumada Rayaale Ee Danyarta Loogu Cagajuglaynayo Kulmiyaa Ka Tirsantihiin

Hargeisa (Somaliland Future) 24.03.2008, Fadaxeexadii ugu weynayd oo maalintii shalay ku habsatey, ka dib markii maalintii shalay taageerayaal ka soo go’ay sida hadalka loo dhigay Xisbiga Kulmiye ku biireen Xisbiga UDUB.

Xaflad loo sameeyey Dadkan oo tiradoodu gaadhaysay 250 Qof ee ku soo biirey Xisbiga UDUB, waxa goob-joog ka ahaa oo ka soo xaadirey Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Md. C/laahi Cali Ibraahim, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Ahmed Maxamed Cali iyo Xubno ka tirsan Gudida Fulinta Xisbiga UDUB.

Guddoomiyaha Difaaca iyo Gaashaanka Xisbiga UDUB oo halkaas ka hadlay waxa ka mid ahaa erayadiisii “Waxa aan doonayaa in aan halkan ka idhaahdo kalmado aan sidaa u badnayn oo ah sida tan, baryahan waxa la caadaystey oo aan ka maqalnaa shirarka mucaaridku qabto kalmad ah waxaasi waa wixii laga soo dagaalamays. Hadaba waxaan maanta isweydiinaynaa maanta waxa S/land ka jiraa ma wixii loo soo dagaalamaybaa, mise waa wixii laga dagaalamay, waxaynu maanta haysanaa Dawlad hoose oo la soo doortey, waxaynu arki jirney Madaxweyne qori sita, maanta waxaynu haysanaa Madaxweyne aynu soo dooraney”.

Ugu horeyn, waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Ururka State House-ka oo hogaaminaayey Dadweyne badan oo sida uu sheegay ka soo go’ay Xisbiga Kulmiye “Waxa aanu ka soo baxnay Xisbiga Kulmiye, markii Dawladu cadaadis na saartey ee ay biyihii goosatey, ee ay Shaqooyinkii na siin weyday ayaanu garanay waxa nalagu dilayaa inay tahay Kulmiyaha aanu taageernay, markaas si aanu u badbaadano ayaanu ku soo biirnay Xisbiga UDUB”.

Mid ka mid ah Dadweynaha ku soo biirey Xisbiga UDUB, ayaa isna ka dhawaajiyey in Xukuumadu wax u qabato dadka taageersan oo keliya, hallka kuwa mucaaridka taageersana la cadaadiyo.

“Dad danyar ah ayaanu ahayn, kuwii nala midka ahaa ee taageeray Xisbiga UDUB, wax badan ayaa loo qabtay oo ay maanta nagu dhammaan, anaga oo in badan taageeri jirney Xisbiga Kulmiye waxba nalooma qaban oo cago-jugleyn iyo cadaadis baa noo dheeraa, taasaa nagu keliftey in aanu ku soo biirno Xisbiga UDUB” Ayuu ku tiraabay muwaadinkaasi.

Xigasho / Soamalilandfuture

Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Doortay Gudoomiye Cusub

 

home about us news archive party policies get involved contact us

Maxamed Ismaaciil Maxamed

Gudoomiyaha Cusub

kulmiye.org- Hargeysa, Komishanka doorashooyinka qaranka oo tiradoodu tahay todoba xubnood ayaa lix kamidii maanta doorteen gudoomiye cusub oo badala gudoomoiyihii hore ee komishanka qaranka ee is casilay md Maxamed Aw Yusuf Maxamed. Dorashada gudoomiyaha cusubi waxay ka dambaysay kadib marku is casilay gudoomiyihii hore ee komishanka md Maxamed Aw Yusuf. Md Maxamed Aw Yusuf Maxamed ayaa si lama filaan ah isu casilay bisha 19 keedii isaga oo ku sababeeyay xalad caafimaad is casilkiisa. “Waxaanu dooranay gudoomiye cusub xubnaha kale ee komishankuna qof kastaba shaqadiisii ayuu halkiisii ka sii wada, waxa kaliya ee is badalay waa gudoomiyaha komishanka oo walaalkeen Maxamed Ismaaciil Maxamed aanu u dooranay markii aan anigu xaalado caafimaad darteed isu casilay ” sidaa waxaa yidhi gudoomiyihii hore ee komishanka qaranka ee is casilay md Maxamed Aw Yusuf isaga oo maanta xarunta komishanka qaranka ugu waramaya saxaafada madaxa bannaan. Mudane Maxamed Yusuf Maxamed ayaa sheegay in uu xaaladiisa caafimaad awgeed uu dhowr todobaad dibada ugu soo amababixi doono hadii EBBE ogolaado. Waxaa isna halkaa hadal gaaban ka yihi gudoomiyaha cusub ee loo doortay komishanka qaranka md Maxamed Ismaaaciil Maxamed. “Waxaanu Shirkan Sharaa’id idinku yeedhnay iyada oo uu Gudoomiyahayagii Komiishanka Maxamed Aw Yuusuf Maxamed uu isu casilay arrin Caafimaad Awgeed, waxa nala soo gudboonaatay inay daruuri tahay inaanu degdeg u sameyno Gudoomiye Cusub” Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “ Waxa ii farxad ah aniga oo ah Maxamed Ismaaciil in la ii doortay Gudoomiyaha Cusub ee Komiishanka Doorashooyinka oo ay walaalahey si sharaf leh ii garteen Gudoomiyenimadaas”. Waxaa uu gudoomiyaha cusbi ILLAHAY ka baryay inuu xilka uu qaaday u fududeeyo, xubnaha ay xilka komishanka wadaagaanna waxa uu ka codsaday in ay ka garab siiyaan hawshaas iyo xilkaa u qaaday. Mudane Maxamed Yusuf Maxamed ayaa sheegay in uu xaaladiisa caafimaad awgeed uu dhowr todobaad dibadaugu soo amababixi doono hadii EBBE ogolaado.

KULMIYE.ORG

HARGEYSA

ogaysiis Muhiim Ah Oo Ku Socda Xubnaha Diiwaangashan Ee Ka Soo Qaybgalaya Shirweynaha 2aad Ee Xisbiga Kulmiye

Hargeisa, Somaliland
2o March, 2008

www.kulmiye.org

DATE: 19/03/2008

OGAYSIIS
Waxa la ogaysiinayaa dhamaan ergooyinka u diwaan-gashan Shirweynaha 2aad ee Xisbiga KULMIYE ee ay tahay inay ka soo qayb galaan shirweynaha 2aad ee xisbiga, inay sawirada ku soo xareeyaan inta ka horeysa 25/03/2008 si loogu diyaariyo aqoonsigii ay shirka ku gali lahaayeen. Xubinta aan illa hada sawir iska qaadiinna waxaa laga codsanayaa inuu si dhakhso ah xarunta dhexe ee xisbiga u yimaado inta ka horaysa 25/03/2008 si marka sawirka looga qaado.

Waxaan mar labaad idinku war-gelinaynaa in aad Sawirrada si deg-deg ah u soo xeraysaan, isla markaana aad xarunta dhexe ee xisbiga la soo xidhiidhaan sidii aad wixii macluumaad uga heli lahaydeen.

ALLA mahad leh

C/Karim Ahmed Maxamed
Xoghayaha Gudida Qaban-Qaabada
Shirweynaha 2AAD Ee Xisbiga KULMIYE

Xildhibaan Guurtida ah oo ku baaqay in Labada Gole Baarlamaan Kulan ka yeeshaan arrinta ururka QARAN

thumb_hargeisa_week_1_005.jpg“Mudayaal; maxaynu uga aamusnay arrinta ururka QARAN oo aad aragtaan in hawshooda dublamaasiyiintii dawliga ee caalamiga ahi ka hadlayaan”

Xildhibaan Cabdisalaan Maxamed Siciid

Hargeysa (qaransomaliland)- Xildhibaan Cabdisalaan Maxamed Siciid oo ka tirsan Golaha Guurtida, ayaa labada gole ee Baarlamaanka [Guurtida iyo Wakiilada] inay isugu yimaaddaan kulan wadajir ah oo lagaga arrinsanayo arrinta urur-siyaasadeedka QARAN oo uu sheegay inay tahay mid masuuliyad ka saaran tahay.

Xildhibaan Cabdisalaan qoraal uu shalay soo gaadhsiiyey Jamhuuriya waxa kale oo uu ku sheegay in waqtigan marayo marxalad xasaasi ah, sidaa darteedna ay waajib ku yahay labada gole Baarlamaan inay kulamo wadajir ah ka yeeshaan arrimaha ay ka mid yihiin; qaddiyadda urur-siyaasadeedka QARAN, khilaafka Komishanka Doorashooyinka, heshiisyada aan soo marin golayaasha ee xukuumaddu kula gashay shirkadaha shisheeye khayraadka dabiiciga ah ee dalka iyo xaaladda gobollada bari, kuwaas oo uu tilmaamay inay yihiin kuwo aan indhaha laga qarsan karin.

Qoraalka xildhibaanka oo faahfaahsanna waxa uu u dhignaa sidan

“Waxa bareyahan dambe had iyo goor bulshadu isweydiisaa iyaga oo dhaliilaya saddexdii rukun ee dawladnimo in doorkii ay ku lahaayeen labada gole Baarlamaan aanay sidii waajibaadkooda iyo xilkoodu ahaa uga muuqan, waxana ay aad ula yaaban yihiin habsada saaran iyo waxa ay u arki la’yihiin xilka iyo waajibaadka saaran ee ku qeexan qodobka 38aad ee dastuurka iyo inay iyagu yihiin wakiilladii bulshada labada gole ee Baarlamaanku.

Haddaba, aniga oo ka duulaya aragtida iyo afkaaraha intooda badan bulshadu labadii Gole ee Baarlamaan, aniga oo arka in maanta dalkeenu marayso inuu gaadho himilooyinkii uu muddada dheer hiigsanayey, bulshweynta caalamkuna rajo badan ka qabaan, isla markaana dadkeenu u bislaadeen dawladnimadii yo hannaankii dimuqraadiyadedd, kana soo kabteen waayihii adkaa ee marxaladaha kala duwan lahaa ee soo maray ilaa 1960-kii markii ay xorriyaddoodii ku tureen midowgii khasaaray ee Soomaaliya.

Aniga oo ka digaya Illaah innaguma keenee wixii aynu ka soo gudubnay ee aan soo sheegay iyo dib-u-dhac dulmi dhexdeena ka dhaca ama kuna tumano sharciyadii iyo xeerarkii dalka u yiilay. Markaa mudanayaasha labada Gole ee Baarlamaanow miyaanay habboonayn in fadhi wadajir ah isugu yimaaddaan sida ku cad qodobka 38aad faqradiisa 5aad, waxna iska waydiiyaan arrimo badan oo maanta taagan oo u baahan talo midaysan oo u dan ah ummaddii ina soo igmatay, kana baxdo dhexdeena koox cid u adeegaysa iyo dano gaar ah mana ah fadhigaa aan caadiga ahayn ee aan qabo in kalsooni badan oo maanta anaay innaga qabin bulshadu aynu ka kasbayno, waayo hawlaha maanta inoo yaal waa nin xilqaaday eed qaad, mana aha sahal.

Mudayaal; maxaynu uga aamusnay arrinta ururka QARAN oo aad aragtaan in hawshooda dublamaasiyiintii dawliga ee caalamiga ahi ka hadlayaan;

- Komishanka Qaranka oo xeerarkii iyo sharciyadii jabinaya, xaaladooduna marayso inay iyagu hay’ad dawli ah isu noqdaan;

- Guddidii qandaraasyada oo ah kuwii bixinayey lacago dhan malaayiin dollar, kuwaasoo uu waqtigan hadheeyey khilaaf iyo isqabsi dhexdooda ah.

- Mudanayaal; maxaynu u eeganaynaa ee aynu wax uga qaban lanahay heshiisyada qarsoon ee khayraadka dalka ah oo jaraa’idku maalin walba qorayaan, taas oo aanay cidna beeninayn.

- Gobollada bari oo muddo dheer innaga maqnaa iyo ummadda ku nool oo u baahaan waxqaabad badan, waayo adag oo abaaro iyo habsan badan oo ku dhacay hawlihii adeegyada bulshada iyo siyaasiyan habka xukuumaddu ama fulintu ku dhaqayso miyaanay ahayn in aynu wax iska waydiino ma saxbaa mise maaha?.

Haddaba, mudanayaal hawlahaa inoo yaal oo aynaan indhaha ka qarsan karin ma aha kuwo qoraal lagu soo koobi karo ee xilkeennii, waajibaadkeennii iyo dhaartii aynu dalka u marnay ee bulshadu innaga sugaysa aan garano oo yaan xaalkeennu noqon xaal waa xilka lagula kufay.”

Source: Jamhuriya