 |
| ( |
Waxaa la yaab iyo amakaag ah in xilligan abaaraha, Omoska iyo ooddda-leelka lagu jiro ee baahida adag iyo Gaadhi-gaadhi saarka lagu jiro, xukuumaddu ummadda sooryo uga dhigto, kuna jaha-wareeriso Gobollo iyo Degmooyin ku sheeg cusub oo aan sinaba taabbo-gal u noqon Karin , oo dhallanteed ah, marka laga reebo Gebiiley iyo Wajaalaheeda.
? Ula jeedada Siyaasadeed ee Xukuumaddu ka leedahay magacaabista Gobollada iyo Degmooyinka cusub , waxaa la mid ah :
1. In indhaha , Maskaxda iyo Maanka ummadda lagaga jeediyo dhibaatooyinka ballaadhan ee maanta ka jira dalka, kuna habsaday bulsha-weynta miyi iyo magaaloba ee ku sugan xaalladda ah NAFTA DOOJI MOOYEE XARAGO LAGA TAWAADHEE.
2. In lagu beer-laxawsado ummadda sii bakhtiyeysa ee shaqo la’aanta iyo abaaruhu isugu darsameen , in loo magacaabay Gobollo iyo Degmooyin u goonni ah oo ay iska leeyihiin, waxaana sidaasi u rixin kara doqon iyo wax-ma-garato, aragti gaaban, si looga faa’ideysto xagga Doorashada.
3. Waxaana arrintaas tusaale inoogu filan xalladda ay ku sugan yihiin Goboladdii iyo Degmooyinkii hore, kuwaas oo inta badan uusan ka jirin wax adeeg maamul ahi.
4. Siyaasadda magacaabista Gobollo iyo Degmooyin cusub ee hor leh, waxay ka dhigan tahay habartii xaabadda ay hore dusha ku sidday , xaabbo hor leh ku darsatay ee culays dheeraad ah awgeed la kuftay.
5. Haddii ay Xukuummadda ka dhab tahay inay dadkeeda daryeesho oo ay wax u qabato, waxay wax ka qaban lahayd xaaladda ka sii daraysa ee hooyada Gobolladda iyo Degmooyinka dalka ee ( Berbera) iyo sagaal iyo tobanka ( 19) Degmo ee Derejada D-da ah, kuwaasoo , iyana la ogsoon yahay xaaladda maamul ee ay ku sugan yihiin , sida Dila, Daara-salaam, Faraweyne, Laas-geel, Xiis, Meydh iyo kuwo kale oo badan.
CEEBAHA DHISMAHA GOBOLLADDA XAD-DHAAFKA AH
1. Haddii dhismaha Gobolladda iyo Degmooyinka aad loogu tallax-tago, amase ay noqdaan xad-dhaaf, wuxuu keenaa tabar-darro ku dhacda maamulka, markiisii horeba liitay, kuna jiray jaho-wareerka iyo waxqabad la’aanta maamul ( Anarchy ).
2. Waxaa debecda awoodda jaran-jarada kala sarreynta shaqo.
3. Markay aad u bataan laamaha maamulka iyo Degmooyinka Gobollada , waxaa si hawl-yar u abuurba kooxo ku shaqaysta hab-daneysi oo tartiib-tartiib u lexeexiya ujeedada weyn ee Maamulka Dawladda .
4. Hawlo badan baa u xumaada isku hallayn darteed, maadaama adeegga maamulku uusan gaadh-siisneyn meelaha aad uga fog Magaalooyinka waaweyn, lana siinin mudnaansho gaar ah isgaarsiinta, iyadoo sida hadda jirta uu maamulka Gobolladda iyo Degmooyinka inmtooda badan Magac-u-yaal yahay, uuna ka jirin wax adeeg maamul ahi, iyadoo la ogyahay lagana dheregsan yahay xaaladda maamul ee Gobolladdii iyo Degmooyinkii hore u jirey, waa wax aan la fileyn in lagu soo kordhiyo kuwo cusub oo oomane iyo geedo hoostood ah, iyadoo isla markaasna kuwa lagu magacaabay ay ku jiraan kuwa aan weli si dhab ah ugu wada jirin Gacanta Xukuumadda.
? Ugu danbeyntii, waxa wax lala yaabo ah qaabka laysu raacshey ee loo dhisey Degmooyinka Gobollada qaarkood oo ah meelaha qaarkood kuwa aad isugu dhaw oon deegaan ahaan israaci Karin, tusaale ahaan:-
1. Gobolka Saraar
War-idaad iyo Ceelal waa isugu aag, weyna isku dhow yihiin oo isma raaci karaan.
2. Gobolka Gebiley iyo Awdal
Dila, Tog-wajaale iyo Magaalo Cad dhammaantood waa kuwo aad isugu dhow oo isu-muuqda waxayna ahayd in aan Magaallo Cad Degmo loo aqoonsan. Iyo meelo kale oo la mid ah, waxaadna moodaa in magacaabista Degmooyinka Cusub ay ka taliyeen Dad aan aqoon u lahayn Maamulka Gobolladda iyo Degmooyinka, isla markaasna aan si qoto dheer looga baaraan degin, iyadoo la arko in aan lagala tashan Wasaaraddii Arrimaha Gudaha ee ka soo talinta arrinta lahayd.
Waxa is-weydiin mudan meesha lagu tiirshey Degmooyinka Bali-gubadle iyo sallaxley, maadaama Degmooyin iyo tuulooyin yar-yar oo ka heer hooseeya laga dhigay Gobollo iyo Degmooyin, sida dhacday ee la yaabka la yaabkiisa ah.
? Sida muuqatay magacaabista Gobollada iyo Degmooyinka cusub waxa lagu saleeyey qabyaalad iyo Gobollaysi, taasoo khilaafsan kana soo horjeeda Distoorka Dalka, iyadoo sida loo jeedo Qabiil kasta loo xalaaleeyey Gobol iyo Degmooyin u gaar ah, halkii markii hore Dadku isku dhex-jirey ee ay maamul wadaag ahaayeen bari iyo galbeedba, haddase si qaawan loo kala saaray ama loo kala qoqobay oo look ala googooyey, waxaana hubaal ah inuusan jiri doonin Gobol keliya oo dhaqaale ahaan is-bixin kara, Gebiley mooyaane, Sida la wada rumaysan yahay.
? Gobolka Togdheer, wuxuu taabbo-gal ku ahaa Degmooyinka Oodweyne iyo Buuhoodle oo hadda laga jaray lagana dhigay Gobollo cusub oo culays dhaqaale ku soo kordhin kara Dawladda dhexe, waxayna taasi Dadkii isku duubnaa ee isku midka ahaa u kala qaybisey bari galbeed iyo Koonfur, iyadoo isla markaasna aysan isku dheeli-tirnayn oon la isu miisaamin Degmooyinka awoodda yare e looga tagay Gobolkii qiimaha iyo sumcadda weyn lahaa ee Togdheer oo hadda lagu soo reebay Degmooyin yar-yar ee Derejadda D-da ah oo waliba dhinac keliya ka raran.
? Gobollada cusub ee Lagu sheegay Saraar iyo Badhan, waxa wanaagsanayd in aan laga jarin Gobolladii SOOL iyo SANAAG ee ay hore uga tirsanaayeen, si aan look ala dhantaalin midnimadda iyo wada-jirka Ummadda.
? Sida laga dhadhansan karo wareegtada Madaxtooyada ka soo baxday, magacaabista Gobolladda iyo Degmooyinka cusub waa fikrad siyaasadeysan oo dusha lagaga keenay wasaaraddii laga rabey inay si cilmiyeysan daraasad iyo tallo bixin wax-ku-ool uga soo samayso, ka dibna looga dodo Golaha Wasiiradda intaan wareegto Madaxweyne lagu saarin magacaabista Degmooyinka iyo Gobollo, maadaama laga talinaayo aayaha iyo midnimada Ummadda waxay ahayd in laga fogaado caaddifad ama lab-la-kac Siyaasadeysan ee Beelo laa-luushid loo arki karo, marka Deegaano xataa tuulo istaahilin la yidhaahdo waa Gobo lama Degmo, raali-gelin Odayaal dillaaliin ah awgeed.
? Nidaamku wuxuu ahaa in soo jeedinta talada iyo habaynta magacaabista hoos ka timaaddo oon dusha lagaga keenin Wasaaradda, ka dibna xagga (Sare) Golaha Xukuumadda lagaga dodo oo lagu falanqeeyo wixii wanaag iyo xumaan ah ee ka iman kara, iyadoo ahmiyada koowaad la siinaayo wada-jirka Midnimada iyo isku-duubnaanta Bulshada kala haybta ah, sidii laysugu hayn lahaa, taasoo sida muuqata loo dhalan rogey hab Qabiil Goboleysan oon badhax lahayn.
? La arag oo la maqal lana garay Siyaasadda Xukuumaddu ka leeday Magacaabista Gobollada cusub, balse aan sugno oo ka dhur-sugno go’aanka Barlamanku ka gaadho ansixintooda, taasoo ah Rejada keliya ee sixi karta Qabyaaladda iyo Goboleysiga Xukuumaddu ku kacday
BY. AHMED ADAN CALI (GOODIR)
Xubin Ka Mida Komiishankii hore ee Doorashooyinka
|