Archive for April, 2008

Cida kaliya ee legitimate ahi waa Baarlamaanka Shacbiga ayaa soo doortay

Burco(Geeska) Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridkaa ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ayaa naqdiyay Khudbadii uu manta Madaxweyne Daahir Riyaal u jeediya labada gole ee Barlamaanka Somaliland .

Axmed Siilaanyo oo shir jaraaid ku qabtay xalay Hoteel City plaza waxa kale oo ka hadlay xaaladaha nolosha isbadashay iyo xiliga mudada dhamaanaysa ee 15may oo xisbiyada Mucaaridkaa ay sheegeen in aanay aqonsanayn shirki jaraaidna waxa uu dhacaay sidan”

Waxaanu halkan manta u nimi aniga iyo ragan kale ee ila socdaa oo ay ka mid yihiin kuxigeenka Raysal Barlamaanka iyo kuxigenadayda ka qaybgalka aaskii ale ha unaxaristee Marxuun Maxamed Xaaji Ducaale waxanu leenahay ehelkii iyo qarabadii uu ka baxay samir iyo iimaan.

Maxamed Xaaji Ducaale waxa uu ahaa halgamaa weyn oo bulshada magacweyn ku leh dadka reer Somaliland ay wada yaqaanaan ilaa xiligii ingriskii xoreyntii Somaliland iyo daafacaada dalkiisa sidaas daraadeed ayaanu aaskiisa uga soo qayb galnay, soo siyaaranay qoyskii uu ka geeriyooday waxaanu leenahay Ilaahay janadii haka waraabiyo inaga iyo eheladii uu ka geeriyooday samir iyo iimaan haka siiyo Aamin

Daahista aanu ka soo daahnay waxaa noogu wacnaa anagoo xaga hargaysa shirkii golaha dhexe noo qabsoomay, xubnaha baarlamaankuna uu gudoomiye ku/xigeenka kowaad iyo xubno ka mid ah ay iyaguna u joogeen khudbadii uu madaxweyne maanta u jeedinayey Baarlamaanka hawlahaas oo dhan ayaa isku beegay taasi ayaa keentay daahistayada in aanu ka soo gaadhi wayno waqtigii aanu ugu talo galnay mar hadaanu u nimid arimaha tacsida waxaanu jecel nahay in aanu maanta halkan ka cadayno in marxaladu dalka tahay mid aad u khalafsan ilaahay waxaan ugu baryeynaa in ilaahay roob raxmaad khayr qaba ina siiyo gaadhi gaadhi saarka ilaahay inaga soo furto.

Marka labaad in aanu jecel nahay in aanu muujino in dhibaato badani jirto oo dawlada hada jirtaa ee dadkii shidaalka ku qaali garaysay iyagoo sabab ka dhiganaya korodhka aduunka batroolka aduunka ka kordhay, ma garbaa shidaalka Ethiopia iyo Boosaaso ka yimaada uu ka jaban yahay shidaalka Berbera yaala 100%, mar garbaa in shirkad iyo cid uu shuraako la yahay u xidhnaado Shidaalku, aad baanu ummada uga tacsiyadaynaa ummada aad baanu canbaaraynaynaa talaabadaa aan tudhaalaha lahayn ee aanu qaranimada ku jirin.

Waxaa Daahir Riyaale maanta ku faanayo ee Baarlamaanka kaga faanayo, waxa ummada Somaliland qabatay isagoo sheeganaya Haddii Wadooyin la dhisay, Jaamacada la dhisay dadka wax qabsaday waa Reer Somaliland, in uu intaas uu ku abaal sheegto ma ,aha in uu ummada ka dhigo ummad laaluush qaato ah, in uu ummada corrupt gareeyo, in ciidamadii dalka daafacayey ay hargaysa keento oo caruurta ku layso, dadkana ku cabudhiso, in shacbiga dariiqyada lagu toogto, aad iyo aad ayaanu u dhaleecaynaynaa, waxaanu u aragnaa oo xisbigayaga ka soo baxay labada xisbina ay baaq ka soo saareen in aanu cadayno in marka waqtigiisu dhamaado 15May,2008. Sharciga Dastuurka si cad u qeexayo sababihii lagu kordhin lahaa in aanay meesha oolin, Waqtigaa marka la gaadho way dhamaatay mudadii dastuurka u xalaalaynayey in uu madax weyne ahaado, waxaanu soo jeedinaya weliba anagoo aad iyo aad isu dhawrayna, in markaa waajib tahay in talo laysugu yimado oo sidii lagu gaadhi lahaa waqtiga doorashooyinka Asxaabta iyo deeq bixiyayaasha iyo inta sida fiican u koraysa ay isla garteen in xalkeeda la raadiyo ayey noogu muuqataa, M/weyne iyo M/kuxigeen amaanadii dadka u dhiibtay uu waqtigii la doortay uu dhamaday

Intaas ka dib Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Kulmiye Axmed Siilaanyo waxaa Su,aalo weydiiyey Saxaafada Madaxa Banaan

S: Gudoomiye waxaa jirta in M/weynah waraaq u qorey Komishanka Qaran is waafajiya muddo sanadka ee guurtida iyo xilliga aad doorashada qabataan 15 May, 2008 waxaa caawa ka hadhay 16 habeen maxaa idiin qorshaysan inaad qabataan ?

J: Horta mawqikayaga waanu cadaynay beritana saxaafada waad ku arkaysan waxaa noo qorshaysan waa taanu ka hadlayno, talaabooyinka aanu qaadayno, laakiin ma odhanayno talaabooyinkaas ayaanu qaadayno, waxaanu aamin sanahay u aragnaa isku raacsanahay in waqtigii ka dhamaaday, aanu ku talinayno maadaama dastuurkeena aasaasi u yahay wada tashi, wada arinsi, in laysugu yimaado wax is afgasho ah oo laysla ogol yahay, waqtigii guurtida waa dhamaaday meeshana waxay ku yimaadeen Axdi Qarameedkii xilligiisii u dhamaaday, waa sharci daro ayey ku fadhiyaan iyagaa isu kordhiyey, maanta isagay u kordhiyeen, waxaa lays weydiin kara gole aanu shacabka dooran oo aan doorasho shacbigu doortay aanu ku soo bixin,waxaa mudanayaasha loo sheegay oo qalad loo sheegay waxaanu saxaynaa sharcigii laysla la qaaday ee komishanka , xisbiyada iyo deeq bixiyayaasha isla qaateen, waxayna sheegeen in ay yidhaahdaan in yar ayeynu ku kordhinaynaa, arintu waxay taagan tahay shacbiga Somaliland aan ummada xaq u lahayn in lagu cabudhiyo laguna xad gudbo dastuurka dalka, talaabada la qaadayaa waa talaabada dastuurka ogol yahay, waxaanu cadaynayaa in waqtigaa haddii la gaadho laba hal mid uun baa dhacay waxbaa lagu heshiinayaa legitimate cida kaliya ee legitimate ahi waa Baarlamaanka Shacbiga ayaa soo doortay, sharciyada waxay ku noqonaysaa shacbi weynihii , shacbi weynahana waxay doorteen waa baarlamaanka maalintaa marka la gaadho hayada qudha ee sharciyad ku fadhidaa waxay noqonaysaa Golaha Wakiilada Somaliland.

S: Gudoomiye Xukuumada waxay u ragtaa Golaha wakiilada in ay idinka idinla socdaan halka aad idinku u aragtaan Golaha Guurtidu in ay la socdaan Xukuumada yaa idin dhex dhexaadinaya?

J: cida dhexda ahi waa komishanka iyo dadweynaha waa hayadii caamka ahaa iyo hayadii deeq bixiyayaasha, waxaan leeyahay haddii la doonayo in dalka la badbaadiyo waa in loo hiiliyaa dastuurka ayaa ina faraya cadaalada maalintaa marka la gaadho waa in la helaa xuluul, asxaabta mucaarkana meel bay wax u yaalaan.

Xigashi / Geeska

” Adeer Fadhiiso Waad Edeb Darantahaye ! ” Yaa Yidhi Sidaa ? Waa Rayaale Yaa kale.

http://www.xisbiga-udub.com/images/g%20kuxigeen.gif
Editorial

Madaxweynaha Somaliland Dahir Rayale Kahin ayaa haba yaraatee aan u dhaqmin inuu u hadlo sidii u madaxweyne u hadli jiray mar uu maanta damacsanaa inuu khudbad distoori ah ka jeediyo kulan wadajir ay ku ahaayeen labada gole ee wakiilada la soo doortay iyo odayayasha aan la dooran magac beeleedka ku fadhiya. khudbada madaxweynha ee noocan oo kale ah oo ah distoori ayay madaxeynaha ugu dambaysay sanadkii 2005 kii inuu ka hor akhriyo labada gole oo wada jira, isaga oo aan akhriyin sanadihii 2006 iyo 2007 midnaba. Madaxweynaha oo sida runtu tahay isagu ahaa ka martida ku ahaa golaha wakiilada iyo xubnahoodaba ayaanay u muuqan isaga iyo ilaaladiisu facaa ‘ ilkii ay ku dhaqmayeen ee lahaa in xildhibanaada ay baadhaan ilaalada Rayaale iyo baaburtii tiknikadu saarnayd ee isku xeertay goobtaas, madaxweynaha laftiisa ayaa dalbanayay in dibada loo saaro xildhibaanka amusi waaya ee doona inuu su’ aal waydiiyo. Waxaa kale oo halkaa ka muuqatay in ilaalada madaxweynuhu ay ku dhega adaygeen taliyaha ciidanka Booliska  Maxamed Saqadhi mar uu amar ku bixiyay inaan la baadhin xildhibaanada balse askari ahaa ilaalada madaxweynuhu yidhi taliye qaadan mayno amarkaa ah ha baadhina ! Madaxweynaha ayaan marnaba ku soo tala galin inuu ka hadlo xaalada siyaasadeed ee taagan, xaalada sicir bararka meceeshada , batroolka cirka isku shareeray iyo abaaraha dalka ka jira. Gudoomiyaha golaha wakiilada md Cabdiraxman Maxamud Cabdillahi ( Ciro ) ayaa mudanayaasha u sheega ka hor inta aanu madaxweynuhu khudbadiisa bilaabin inuu madaxweynuhu su’ aalaha ka cudur daartay oo aan su’ aal la waydiin karayn. Khudbada Rayaale oo ahayd mid aan macno sidaasa ah ku fadhiyin oo ahayd i dhagayso ama ha i dhegaysan kolay hadale ayaa xildhibaanada intooda badani is waydiinayeen sababta madaxweynaha ku kaliftay inuu golyayaasha soo hor fadhiisto isaga oo aan la iman khudbad xildhibaanada soo jiidata, su’ aalana aan  laga waydiin

Waxaa wax aad loola yaabo noqotay markii uu madaxweynuhu ku yidhi xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada oo su’ aa is lahaa waydii” adeer fadhiiso waad edeb daran tahaye !” Waxaa maanta ayaan daro ah in Dahir Rayaale sidaa u hadlo isaga oo aan ixtiraamayn kursiga uu ku fadhiyo iyo ka uu la hadlayo oo ahaa xildhibaan sharaftiisii huwan oo shacab soo doortay sida uu isba ku noqday madaxweynaha. Dahir Rayale wuxuu maanta soo bandhigay keligii talisnimo iyo kibrad aan macno lahayn. Hortaa jiraba wax ku waa macdala waa antaa yaa Rayaale !

oo si heer qaran ah loogu aasay Magaaada Burco Iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Siilaanyo Oo Ka Qaybgalay Aaska Marxuumka

April 29th, 2008 [News] |

Burco (Somaliland.org) – Waxa galabta si heer qaran ah loogu aasay magaalada Burco, Alle ha u naxariistee, Maxamed X. Ducaale Axmed oo ka mid ahaa odayaasha waaweyn ee reer Somaliland, gaar ahaan gobolka Sanaag.

Alle ha u naxariistee, Maxamed X. Ducaale, waxa uu ku geeryoodey magaalada Burco maanta, isaga oo 94 jir ahaa, waxaana aaskiisa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo golaha wakiilada, gudoomiyaha xisbiga Kulmiye md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo  madax ka tirsan xisbiga iyo madax kale oo ka  xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, madaxda urur siyaasdeedka Qaran, madax dhaqameedyo, odayaal iyo dadweyne aad u farabadan oo ka kala yimi gobolada dalka oo dhan.

Guddoomiyaha xisbiga  KULMIYE,  md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo hoggaaminaya xubno door ah oo ka tirsan xisbiga ayaa ka qaybgalay aaska Marxuumka, isaga oo ka ambabaxay magaalada Hargeysa, kadib markii uu dhammaaday shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga oo lagu qabtay Hotel Ambassador maanta.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaa shirka ku wargeliyey geerida Marxuum Maxamed X. Ducaale oo uu sheegay inuu ahaa odey magac weyn ku leh dalka oo dhan gaar ahaanna gobolka Sanaag, wuxuuna gudoomiyuhu sheegay in wax badan oo lagu xasuusto uu u soo qabtay marxuumku dalka iyo dadkan Somaliland. Waxana uu uga tacsiyeeyey geerida Marxuumka dhammaan shacbiga Somaliland iyo qoyskii, eheladii iyo asxaabtii uu ka baxay, isaga oo Marxuumkana Illaahay uga baryey inuu naxariistii Janno ka waraabiyo.

Innaa Lillaah Wa innaa Ileyhi Raajicuun

Xigasho /Somaliland.org, Hargeysa.

Labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE oo si wadajir ah oo adag ugu cambaareeyey xukuumadda dhacdadii shalay

April 28th, 2008 [News] |

Hargeysa (Somaliland.org) – Labada Xisbi Mucaaradka ee ah, KULMIYE iyo UCID, ayaa si adag ugu cambaareeyey sidii ay xukuumadda Madaxweyne Riyaale ula dhaqantay dadkii muddaharaadka cabashada ah sameeyey shalay, waxayna ku eedeeyeen xukuumaddu inay isticmaashay xoog dheeraad ah oo sababay dhimasho iyo dhaawaca soo gaadhey dad shacab ah.Labada xisbi warsaxaafadeed wadajir ah oo ay xalay soo saareen, isla markaana ay wada saxeexeen labada guddoomiye ee labada xisbi, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo mudane Faysal Cali Waraabe. Waxa kale oo ay ku sheegeen in Shirkii wadajirka ahaa ee ay u ballansanaayeen Golayaasha Dhexe ee labada xisbi uu qabsoomi doono kadib marka ay dhammaato waanwaanta uu wado Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, arrintanna ay wadatashi ka yeelan doonaan.

Warsaxaafadeedka labada xisbi waxa uu u qornaa sidan:

“Labada Xisbi Qaran ee UCID iyo KULMIYE, fadhi deg-deg ah oo ay wada yeesheen maanta (shalay), waxay kaga wada-xaajoodeen arrintii Argagaxa iyo naxdinta lahayd ee ay Xukuumaddu ugu gaysatay dilka iyo dhaawaca dadkii shicibka ahaa.

1- Labada Xisbi waxay tacsi u dirayaan eheladii qoysaskii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen dadkaa ay xukuumaddu laysay oo tiro ahaan ilaa hada inta la xaqiijiyay ay yihiin saddex qof (laba wiil iyo gabadh), Marxuumiintaas Illaahay Jannadii ha ka waraabiyo, inagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo, waxase khasab ah in ummadu kala xisaabtanto cidii dishay.

2- Waxa kale oo aanu si aad iyo aad ah u cambaaraynaynaa sidii foosha xumayd iyo xooggii ka bad-badiska ahaa ee loo adeegsaday dadkii maatida ahaa ee cabirayay dareenkooda iyo shucuurtooda wadciga maanta taagan, arrintaa oo na xasuusisay dhacdadii ka dhacday Magaaladda Hargeysa markii ay taariikhdu ahayd 20/2/1982-kii. Dhacdada maalintaas waxa ku geeriyooday hal arday, halka ay maanta ku geeriyoodeen inka badan 2 qof, taasoo muujinaysa in dawladdan maanta joogtaa ay ka arxan daran tahay tii Siyaad Barre. Arrintana waxaanu ka yeelanaynaa wada-tashi laba Xisbi ahaan.

3- Waxa kale oo labada Xisbi ay ummadda u sheegayaan inay fadhigii wada-jirka ahaa ee labada Golle-dhexe iyo Labada Gole-fulineed ee Xisbiyadu uu qabsoomi doono marka ay soo dhamaato hawsha dhex-dhexaadinta ah ee uu wado Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).”

Xigasho / Somaliland.org, Hargeysa.

Saddex qof oo ku dhintay Muddaharaad Shaqaaqo wata oo ka dhacay Hargeysa, waanwaanta xukuumadda iyo jawigii magaalada

Saddex qof oo ku dhintay Muddaharaad Shaqaaqo wata oo ka dhacay Hargeysa, waanwaanta xukuumadda iyo jawigii magaalada

Hargeisa © Yusuf Dahir

Hargeysa (Somaliland.org) – Saddex qof oo shicib ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen, tiro kale oo badanina way ku dhaawacmeen iska horimaad dhexmaray ciidanka Booliska iyo boqollaal dadweyne ah oo muddaharaadayey, maanta magaalada Hargeysa.

Muddaharaadkan shaqaaqada watey oo ahaa kii ugu ballaadhnaa ee ka dhaca magaalada Hargeysa ayaa si lama filaan ah saaka barqadii uga bilaabmay xaafadda Axmed Dhagax ee Koonfurta Hargeysa, waxana uu ku baahay suuqa dhexe ee magaalada Hargeysa, iyada oo dadka mudaharaadayey oo u badnaa dhallinyaro tuurayey dhagax waxay soo gaadheen saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Ciidamada Booliska ayaa ka hortegey dadkaa muddaharaadayey, iyaga oo isticmaalayey rasaasta darandoorriga u dhacda, taas oo ay ku dhinteen inta la xaqiijiyey laba ka mid ah dhallinyaradii muddaharaadeysey.

Jawigii Hargeysa

Sanqadha rasaasta ayaa laga maqlayey meel kasta, waxaana albaabada loo xidhay suuqa dhexe markii muddaharaadku soo gaadhey badhtamaha magaalada abbaaro 11:00 baqanimo, kadib markii mawjado dad mudaharaadayaal ahi ay ka soo tallaabeen biriijka iyo dooxa, iyada oo dhallinyaro kalena ay kaga biireen suuqa dhexe iyo xaafadaha Waqooyiga Hargeysa, isla markaana boolisku uu difaac ka galay Saldhigga dhexe ilaa biriijka. Waxaana la arkayey waddada ugu mashquulka badan magaalada Hargeysa ee badhtamaha Hargeysa oo haawanaysa, dadka iyo baabuurtuna ay waddada hareeraheeda iyo luuqluuqyada ku gabanayaan.

Muddaharaadka oo ujeeddo badan ahaa, ayaanay suurtagal ahayn in saxaafaddu dhexgasho maadaama labada dhinacba ay gacanta ka hadlayeen, waxana uu sii ballaadhanayey marba marka ka dambaysa, iyada oo meelaha qaarkood la maqlayey in dadku ku dhawaaqayeen hal-ku-dhegyo ay kaga soo horjeedaan Madaxweyne Riyaale iyo Xukuumaddiisa.

Muddaharaadka ayaa la sheegay markii u horreysey inuu ka bilaabmay dad ka cabanayey magaca loo bixiyey degmo cusub oo uu Golaha Deegaanku magacaabay dhowaan, degmadaas oo hore loo odhan jirey “Cabdi Iidaan”, balse, Golaha Deegaanku u bixiyey “Sheekh Cumar”. Hase yeeshee, waxaa ku biiray dad kale oo ka cabanayey sicirbararka maceeshadda iyo Shidaalka, mudda-kordhinta Guurtida iyo arrimo kale.

Fashilaadda xukuumadda:

Ciidamada Booliska ayaa ku guuldarraystay inay kala hakiyaan mawjadaha dadka cadhaysan ahaa ee muddaharaadayey, iyada oo inta la xaqiijiyey saddex dhallinyaro ahi ay ku dhinteen rasaas xoog leh oo ay ridayeen boolisku, isla markaana mid ka mid ah dhallinyaradaas maydkiisa ay is dultaageen weriyayaashu. Waxayna xukuumaddu bilowday waanwaan ay xaaladda ku dejinayso abaarro 12:30 duhurnimo.

Hargeisa © Camelboyz

Wasiirrada Caafimaadka iyo Duulista Hawada oo ay weheliyaan dhawr Suldaan ayaa kadib u tegey dhallinyarada Muddaharaadayey oo ku guuleystey inay xidhaan waddada Biriijka, isla markaana la hadlay. Waxayna ku wargeliyeen in laga noqday degmooyinkii cusubaa ee Golaha Deegaanku magacaabay, kuwaas oo cabasho ka dhalatay ay horseed ka ahayd muddaharaadka, iyada oo Wasiirka Duullista Hawada, mudane Cali Warancadde uu halkaa ka akhriyey warqad arrintaa ku saabsan oo uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudhu. Isla markaana waxay ka codsadeen inay rabshada joojiyaan, iskana kala tagaan. Waxa kale oo ay u ballanqaadeen salaaddiintu in tallaabo laga qaadi doono ciddii masuulka ka ahayd magacaabista degmooyinka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) ayaa isla maanta 12:00 duhurnimo soo saaray go’aan uu ku tirtiray degmooyinka cusub ee Golaha Deegaanku magacaabay oo uu ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Wasiirku waxa uu ku amray Golaha Deegaanka inay ka soo jawaabaan go’aankaas.

Muddaharaadkaas ayaa lagu soo gebagebeeyey waanwaanta xukuumadda iyo salaaddiinta, waxaana la furay waddooyinkii la xidhay 1:00 duhurnimo ee maanta.

Waxaana socda wadahadal u dhexeeya odayaasha xaafaddaas iyo xukuumadda oo ku saabsan sidii xaaladda loo dejin lahaa, loona sugi lahaa khasaaraha.

Dhinaca Booliska ayaa la sheegay in dhawr askari khasaare soo gaadhey. Waxa kale oo la burburiyey gaadhi Boolisku leeyahay.

Dhagarta Nabarka Fuleynimo ee Booliska:

Xukuumadda Somaliland oo ciidan badan soo dhoobtay magaalada Hargeysa tan iyo markii Golaha Guurtidu ku dhawaaqay go’aanka uu muddada xilka ugu kordhiyey Madaxweyne Riyaale, waxa ay xalay toogasho ku dileen ciidankaasi gabadh magaceeda la odhan jirey Hani Xasan oo 20 jir ahayd, kadib markii gaadhi ay la socotey ay rasaas ku fureen. Waxayna ka dhigaysaa dadka gacanta booliska ku baxay ilaa xalay 4 qof, iyada oo aanay sugnayn tirada dadka ku dhaawacmay rasaasta ciidanka boolisku ridayey maanta, balse, la sheegay inay ka badan yihiin toban qof.

Marxuumadda oo iyada oo dhaawac ah xalay goor dambe la geeyey cusbitaalka Guud ee Hargeysa, halkaas oo ay isla xalayba ku geeryootey, ayaa la sheegay in meydkeedu weli yaallo cusbitaalka, iyada oo eheladeedu ay dalbanayaan in sharciga la horgeeyo askarigii dilkaas geystey.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda magaalada Hargeysa ayaa galabta caadi ah, kadib markii ay jawi xasilooni darro ah gashay maanta muddo saacado ah.

Xigasho/ Somaliland.org, Hargeysa.

Time For Rayale To Pack Up And Leave

There is a growing chorus of voices calling for Dahir Rayale who no longer commands the support and trust of the Somaliland public to step down by the end of his presidential mandate, which is due to expire officially on 15th May 2008 at 00.00 hrs (midnight) local time. But president Rayale whose anti-democracy tendencies and inclination towards dictatorship was becoming increasingly clear by the day is desperately vowing to cling on to power come what may.

In a meeting held in Hargeisa three weeks ago by the three main political parties, the National Electoral Commission (NEC) and representatives from the donor countries, it was agreed that the presidential and local elections be postponed until October and December due to logistical reasons. It was also agreed that the president should step down on the expiry of his mandate on 15th May so that a caretaker government could be installed as a temporary measure. Rayale would however, as the chairman of the UDUB party, be rightfully entitled to contest the upcoming presidential elections as an ex-president NOT as an incumbent president since he deliberately squandered the opportunity to hold the presidential elections one month ahead of the expiry of date of his presidential mandate in accordance with the constitution.

As soon as he heard the news, Rayale promptly ordered his lackeys and sycophants in the Senate, parliamentary upper chamber, to extend his term of office, as part of a pre-agreed quid pro quo, for another two years.

Two years ago, Rayale used a presidential Decree to single-handedly extend the term of elders’ office for another four years without consulting any of the constitutional institutions of the country.

With this in mind, the elders did not hesitate for a minute to openly, unashamedly and unconstitutionally extend the president’s term of office for another year in a broad daylight. Yet, the president did not like the idea of one-year extension and branded the elders ‘a bunch of ungrateful wretches’. He wanted two years regardless of its unconstitutionality or illegality and never mind if it rendered him the laughing stock of the world.

The motion was fast-tracked in the upper house and passed with overwhelming majority of 63 to 2 in spite of the strong protestations of the public, the opposition parties, the NEC.

This illegal and anti-constitutional resolution was based upon the ludicrously unfounded and baseless lies that the country is in the grip of instability in the remote drylands of the Sool province.

The embattled leader unleashed his thugs and attack dogs on the streets of Hargeisa and orchestrated a series of bombing campaign.

Government agents had lobed harmless grenades into the residences of president’s closest friends namely, Buuni, Minister for the Two Houses of Parliament, Jama Sweden, a member of NEC and lastly the House of Elders. No one was hurt in any of these incidents. The government’s strategy was to paint a picture of instability in the capital city, Hargeisa.

The minister of Interior, Abdillahi Irro, who was second-in-command of the late Barre’s torture chambers deliberately and sadistically accused KULMIYE party members to have carried out this criminal venture. To make matters worse, he had even ordered the immediate arrest of one of the highest-ranking KULMIYE party members, Mohamed Kahin, in an apparent attempt to provoke and instigate trouble so that the government could harshly respond in-kind. In the end Irro’s strategy utterly failed to materialise because KULMIYE won’t take the bait and his wild and baseless accusations failed to cut ice with the Somaliland people.

The public are now up in arms over this insanely illegal and counterproductive resolution calculated to stir up instability in this stable and peaceful island in the midst of a largely violent region.

The people of Burao took to the streets calling for Rayale to quit office by 15th May. This was preceded by successive manifestos from Balligubadleh, Berbera, El-Afwein and Borama communities calling for Rayale to step down and respect the constitution. But Rayale is in no mood to back down.

Somaliland is at crossroads. Somalilanders have a simple yet very difficult decision to make. Are we willing to let this nation inevitably become a banana republic run by a tin pot dictator and abandon everything we fought for, or are we willing to stand up and fight, while we still can, for our freedom, values and tradition. The nations of Kenya and Zimbabwe are predictive examples of the fate that awaits us if we must not act together urgently as a nation.

Rayale was elected as president of Somaliland for five years based upon the constitution that was approved in a national referendum and he must leave the office according to the same constitution. No more, no less.

The government has already stepped into a hurricane of anger at the district of Ahmed Dhagah. This hurricane is gathering momentum and will sweep across the country if this kleptomaniac president is not stopped after the end of his term on 15th May.

In defying the people’s will, Rayale is only stoking more anger and hatred, which will almost certainly bring down the final curtain on his appalling presidency.

It is time for Rayale to pack up and leave.

JamalMadar
adammadar@yahoo.com

Go’aankii Muddo Kordhinta ee Guurtidu Wuxu Qaawiyey

OPINION

By: Xildhibaan Cabdiraxman Yusuf Cartan

Jidkii Siraad

Somaliland waxay cagta saartay Jidkii Siraad. Haddii ay dhinacaas u ciirto waxay khatar ugu jirtaa inay muquurato lama-degaan ay ka botorinayaan col iyo abaari; haddii ay dhinaca kale u ciirto waxay foodda la gelaysaa waadigii nabadda iyo caanaha dimuqraadiyadda iyo ictiraafka.

Kol haddaad Jidka iraad cagta saarto dib loogama guran karo, hore ayuun baa loogu siqi karaa, bidix iyo midig dhanka aad u dhacaysaana waxay ku xidhan tahay camalkaagii hore. Xikmadda iyo taxadarkana lagama dayrinayn.

Maxaa Dhacay Haddeer ilaa Nofembar 2007?

Waxa ummadda u qorshaysnaa wareeggii labaad ee doorashooyinka deegaanka iyo madaxtooyada oo ay ahyd inay dhacaan 15 Diisambar 2007 iyo 14 Abriil 2008.

Beelsha Caalamku maaliyad shilis ayay u qoondaysay hirgelinta doorashooyinkaas. Waxay beelsha caalamku jilayaalsha siyaasadeed ee Somaliland ku qancisay in doorashooyinkan laga hormariyo diiwaangelin. Oggolaanshaha fudud ee diiwaangelintu wuxu dhab ahaantii noqday kan ragaadiyey gebi-ahaanba qabashada doorashooyinka, waxa laga yaabaa inuu dhibaato intaas ka badan inoo keeni karo. Waxay noqotay in doorashooyinku u xanibnaadaan diiwaangelinta, halkii diiwaangelintu noqon lahayd wax qurxiya doorashooyinka.

Aqoondarro, waayo-aragnimo la’aan iyo daacad darro is barkaday ayaa u sabab noqday inaan doorashooyinka la qaban muddadooyinkii qorshaysnaa.

Komishanka Doorashooyinku wuxu dabayaaqadii 2007dii shaaca ka qaaday in aanay suurtagal ahayn in muddada xadidan ee doorashooyinka ka hadhay awgeed aanay diiwaangelinta qaban karayn. Halkii ay jilayaalsha siyaasdeed ka odhan lahaayeen diiwaangelintu waa qurxine doorashooyinka ku tallaabsada ayaa waxay oggolaadeen in doorashada deegaanka dib loogu riixo 28ka July, tan madaxtooyadana 7da ogost.

Waqti yar ka dib ayaa Madaxweyne Rayaale waraaq u soo qoray Golaha Guurtida uu kaga codsanayo inay sharciga waafajiyaan dib-u-dhigista doorashada golayaalsha deegaanka oo waqtigoodu kaabiga saarnaa. Rayaale wuu ka aamusay tan madaxtooyada oo waqtigeeda 5 bilood ka hadhsanayd.

Axsaabta qaranka, Golaha Wakiilada iyo muwaadiniinta, cidina kama hadlin in muddooyinkaas cusubi ay ka daba-marayaan muddadii uu madaxweynaha xilku kaga buuxay iyo tallaabooyinka dastuuriga ah ee loo baahan yahay in la qaado. Axsaabta qaranku diyar bay u ahayd in Raayale dhawr bilood xilka ku sii muddo-dhaafo.

Mar labaad ayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranku shaaca ka qaadeen inaanay diiwaangelinta ku qaban karayn muddooyinkii cusbaa ee iyaga iyo saddexda xisbi qaran isku raaceen. Mar kale ayay saddexda xisbi qaran oggoladeen taariikh cusub: in diiwaangelinta soo gebagebowdo 5ta Oktoobar, labada doorashona midna la qabto 6da Oktoobar tan kalena dabayaaqada Diisambar. Weli dareenka xisbiyada mucaaridku wuxu u egkaa mid indhaha ka qarsanaya muddo-dhaafka madaxtinimada Rayaale.

Xaalku wuxu si weyn isu beddelay markii Rayaale warqad u soo qoray Golaha Guurtida uu kaga dalbanayo inay xeerka waafajiyaan dib-u-dhigidda doorashada madaxtooyada oo waqtigii ay qabsoomi lahayd kaabiga saarnaa isagoo tix raacaya muddadii cusbayd ee ay ku heshiiyeen saddexda xisbi qaran iyo Komishanka Doorashooyin.

(Waxa wararka qaar tibaaxayaan in Guurtida damacsanayd inay Madaxweynaha laba sano u kordhiyaan, haseyeelshee, markii sababaynta arrintaasi ku adkaatay ay go’aansadeen inay sanad ugu duugaan).

Dan lagama gelin kordhinta sharci darrada ahayd ee Guurtidu u samayasay Golayaalsha Deegaanka. Haseyeelshee, haddii ay Guurtidu raaci lahayd wixii axsaabta iyo komishanku isku raaceen, sharci-darradanimada arrintaas indhaha ayaa laga qarsan lahaa.

Malaha, sharci darrada laysku raacsan yahay waa sharci, haseyeelshee waxa habboon in taas dastuurka la waafajiyo.

Muddo kordhintii sharci-darrada ahayd ee Guurtidu waxay qaawisay sharci-darraddii iyo dastuur jebintii ay reer Somaliland ku wada socdeen. Arrintaasi waxay bilawday in qodobadii dastuurka dib loo akhriyo in la lafaguro waxa dastuurku sheegayo nuxur iyo micne ahaanba (scrutinize the spirit and letter of the constitution). Waxa soo xidhmay tigtiga-leexintii (short-cut) iyo mindi-roortayntii ay jilayaalsha siyaasadda iyo hay’adaha qaranku kula kacayeen dastuurka iyo xeerarka ummadda u yaal.

Halkee ayaa Xaal Taagan yahay:

  1. Axsaabta mucaaridka ahi ma oggola muddo-dhaafka Madaxweynaha oo waqtigisu ku eg yahay 15/05/08
  2. Go’aanka muddo-kordhinta Guurtidu ee Madaxweynaha iyo Golayaalsha Degaanku dastuurka ayuu baalmarsan yahay
  3. Diiwaangelinta ayaa u sabab inaan doorashooyinku waqtigoodii ku qabsoomin
  4. Wixii 15ka May ka danbeeya, Golaha Wakiiladu waa hay’adda keliya ee la soo doortay ee sharci ku fadhida
  5. Golaha Wakiilada ayaa sharciga waafajinaya wixii ay ku heshiiyaan Axsaabta qaranka iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranku ee la xidhiidha:

a) waqtiga doorashada la qabanayo,

b) hoggaanka dalku yeelanayo inta u dhaxaysa16ka May ilaa waqtiga doorashadu dhacayso

c) Diiwaangelintu meelshay ka baxaysaa kol haddii doorashooyinku qabsoomi waayeen muddadii loogu talogalay

  1. Xukuumaddu waxay doonaysaa inay ku sii socoto sharci jebintii
  2. guurtidu madaxweynihii afarta sano u kordhiyey ayay sanad ugu abaal gudday

Guntii iyo Gebagebadii

Jidka keliya ee xooggaga siyaasadeed u furni waa kan wada tashiga iyo in dastuurka lagu dul shaqeeyo, sidaas daraadeed waxa lagama maarmaan ah in Madaxweynaha iyo Guurtidu ka tanaasulaan ku adkaysiga sharci jebinta aynnu dhammaanteen masuulka ka nahay.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan,

Xubin Golaha Wakiillada Somaliland, Hargeysa.
RSS 2.0 |

Madaxweyne Rayaale Oo Afar Wasiir U Soo Xulay Wada Hadalada Hordhaca Ah Iyo Mucaaradka Oo Wakiishay Guddoomiye Cirro

Madaxweyne Rayaale Oo Afar Wasiir U Soo Xulay Wada Hadalada Hordhaca Ah Iyo Mucaaradka Oo Wakiishay Guddoomiye Cirro

Hargeysa(Geeska)- Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo xisbiyada Mucaaradku u soo wakiisheen wada xaajood dhex mara Madaxweyne Rayaale iyo afar wasiir oo uu Madaxweyne Rayaale soo wakiishay ayaa kulankoodii u horeeyay dabayaaqadii toddobaadkan ku yeeshay magaalada Hargeysa.

Kulankaas oo aan war rasmi ah laga soo saarin, ayaa sida ay ilo xogogaali u sheegeen Geeska Afrika, waxa ay labada dhinac iskaga xog waraysteen mawqifyada labada dhinac [Rayaale iyo Mucaaradka] ee ku waajahan xallinta khilaafaadka adag ee ka dhashay go’aankii Golaha Guurtidu mudadii xil hayneed sannadka ugu kordhiyeen Madaxweyne Rayaale iyo ku xigeenkiisa Md. Axmed Yuusuf Yaasiin. Warku waxa uu sheegay in guddoomiye Cirro wasiiradaas u bandhigay mawqifka xisbiyada Mucaaradka ah kaas oo la sheegay in xisbiyada Mucaaradku taaganyihiin in heshiiskii xisbiyada iyo koomishanka doorashooyinku isla gaadheen lagu dhaqmo oo uu Madaxweyne Rayaalena aqbalo.

Qodobkaas oo macnihiisu u muuqanayo inaanay mucaaradku weli aqoonsanayn muddo kordhinta Golaha Guurtidu samaysay, kaas oo ay horeba ganafka ugu dhufteen.
Afarta wasiir oo kala ah Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), wasiirka maaliyadda, Md. Siciid Sulub, wasiirka hawlaha guud, Md. Cali Ibrahim, Wasiirka qorshaynta, iyo Md. Cabdi Xasan Buuni Wasiirka xidhiidhka Goleyaasha, waxa la sheegay in markii guddoomiye Cirro u bandhigay mawqifka ay taaganyihiin mucaaradku, ay wasiiradu sheegeen inay dib ugula noqonayaan Madaxweyne Rayaale, iyagoon si rasmi ah u sheegin mawqifka Madaxweyne Rayaale ka aaminsanyahay xallinta khilaafaadka culus ee dalka ka taagan.

Kulankii Xalay
Guddoomiye Cirro iyo Afarta wasiir ee Madaxweyne Rayaale qaddiyadan u soo xulay, waxa ay xalay yeesheen kulankoodii labaad. Inkasta oo aanay kulankaas ka soo bixin wax war ahi, haddana waxa ay ilo xogogaali sheegeen in maanta dib loo balamay. Waxaana la filayaa in kulanka maantu soo gabagebeeyo kulamada hordhaca ah. Si rasmi ah looma oga in wasiiradu xalay guddoomiye Cirro uga soo jawaabeen go’aanka Madaxweyne Rayaale ee mawqifka ay xisbiyadu taaganyihiin. Laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in kulanka xalay uu ahaa mid aanay wasiiradu wax cusub ku soo bandhigin.

Haddii guddoomiye Cirro iyo afarta wasiir isku afgartaan qodobada hordhaca u ah xallinta khilaafaadkan siyaasiga ah, waxa la filayaa inay Madaxweyne Rayaale iyo labada guddoomiye Mucaarad kulan toos ah isku horfadhiistaan, inkasta oo aan la saadaalin Karin inay mawqif midaysan gaadhi karaan, marka la eego mawqifyada kala fog ee ay Madaxweyne Rayaale iyo mucaaradku ka kala taaganyihiin go’aanka muddo kordhinta Golaha Guurtida oo uu Madaxweyne Rayaalena u arko sharci, mucaaradkuna u arkaan sharci darro.

Xigasho/ Wargeyska Geeska Afrika…

Who Is Dr. AbdulSalam Yasin?

Who Is Dr. AbdulSalam Yasin?

One of cousins was once upset about the remarks made by someone on an upright citizen I know. My answer to him was: Mr. X does not need you to defend him. When you encounter negative people like that tell them that Mr. X made it in this world. He does not need you. You need him so benefit from him or stay lost. And I am going to say something like that to my hero Dr. AbdulSalam Yasin.

I met this dignified man in Riyadh, Saudi Arabia soon after I performed Hajj. Some of my family members live there. When I first met Dr. AbdulSalam he was a Professor of English at King Saud University, well respected in his profession and a pillar of Iman and culture for all the generations in Riyadh. I met him because one of my family members wanted me to find a teaching job in Riyadh and Dr. AbdulSalam was my link to that job. His recommendation was so powerful it landed me the job immediately. I declined to live and work in Saudi Arabia. But what that shows is the level of respect and the dignity which he commanded from his colleagues and his employer. His advice was well sought. That is why he was in so many different committees serving inside and outside the university. Let me tell my fellow Somali Landers that I saw in Dr. AbdulSalam Yasin, a decent, faithful man. A respected father and family man who has worked hard to bring up upright citizens in a foreign land. His wife is a silent veteran who has taken a lot to stand with her husband in regaining respect for his country and people. She is a quiet, patient, pious women who is confident and happy with the achievements of her husband. Not many Somali wives can say that for their husbands.

Dr. AbdulSalam does not call himself a Doctor for nothing. He has a PhD in Linguistics (rare achievement for Somalis) which he received more 30 years ago. He has 40 years of excellent service under his belt. He commands a huge library of religious and humanity books that only a well educated academic can collect. My nephew spoke to him once for an hour and he was awed by his knowledge. Unfortunately, he is born to the sad Somali culture where knowledge is least acknowledge or respected. When I saw Dr. AbdulSalam, I did not have to seek anyone’s opinion to judge his character. He is my role model and the bench mark for my endeavours.

I was so happy to have noted that he took over the University of Burao. His rare quality points to the fact that he left a high paying job to run the University of Burao. His home library was ten times bigger than the library of that university. The people of Somaliland and its education sector need Dr, AbdulSalaam. He does not need them. He made it big on his own and he did not even need to be an SNM fighter to make his mark in history. His character does not need defending. There are many shady characters in question. Not him.

To Dr. AbdulSalam I say. Do not be discouraged by this and please do not respond to them. Get on with the business of the university and keep working. That is what we need. From the daunting work at the University of Burao, I don’t think you can afford a minute to waste.

Rhoda A. Rageh

Gudoomiyaha Xisbiga Iyo Gudoomiye Kuxigeenka 1aad Ee Xisbiga Kulmiye Oo Tacsi U Diraya

” INNAA LILLAAH WA INN ILLAYHI RAAJUCUUN “

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye md Axmed Maxamed Maxamud ( Siilaanyo ) wuxuu tacsi u dirayaa Maxamed xaji Jamac Maxamed oo ah ah odayaasha jaaliyada Abu Dhabi oo inankiisii ku geeriyooday magaalada London maalintii Salaasadii ee taarikhdu ahayd 22 kii April. Wuxuuna ILLAAHAY marxuumka uga baryayaa inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadiina samir iyo imaan ka wada siiyo, Aamiin.

Waxaa tacsiyadan mid la mid ah diraya gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga md Muse Biixi Cabdi isaga oo marxuumka ILLAHAY uga baryaya inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadiina samir iyo Iimaan ka wada siiyo, aamiin.

Waxaa kale halkan tacsiyaduhu naga soo gaadhayaan jaaliyadaha xisbiga Kulmiye ee kala ah jaaliyada bariga London, jaaliyad Cardiff, jaaliyada Birmingham, jaaliyada waqooyiga London, jaaliyada Denmark, jaaliyada Norway, jaaliyada Ottawa, jaaliyada Toronto , jaaliyada Minosota, jaaliyada Ohio, Jaaliyada Washington DC, jaaliyada Liverpool iyo ugu dambayn jaaliyada Edmonton.