Archive for April, 2008

Lacag Dhawr Iyo Toban Milyan $ Ah Oo Deeq-Bixiyeyaashu Ugu Talo Galeen Diiwaangelinta Iyo Doorashooyinka Oo La Sheegay Inay Dhacayso Wixii Ka Dambeeya 2008

Beesha Caalamka Oo Riyaale Ka Sugaysa Inuu Laba Midkood Soo Galo

Hargeysa, April 21, 2008 (Haatuf) – Miisaaniyaddii ay deeq-bixiyeyaashu ugu talo-galeen hawlaha diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka Somaliland ayaa la sheegay inay dhacayso wixii ka dambeeya sannadkan 2008.

Lacagtan oo ay ilo xog-ogaal ahi ku qiyaaseen ilaa 16 milyan oo dollar waxa la sheegay in badankeeda ay ku deeqeen dawlado xubno ka ah Midowga Yurub isla markaana la soo mariyay xafiiska komishanka Yurub ku leeyahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ilahaasi waxay intaas ku dareen in wakhtiga loo cayimay isticmaalka lacagtani ku kooban yahay sannadkan 2008 isla markaana aanay miisaaniyadda Komishanka Yurub ku jirin wax-ku-talo-gal ah oo loo qoondeeyay hawlaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka Somaliland.

Inkastoo xiliga uu Komishanka Doorashooyinka Qaranku u cayimay inay ku qabsoomaan hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinku uu ku egyahay sannadka 2008, haddana wali lama ogga in maamulka Madaxweyne Riyaale uu raaci doono jadwalka Komishanka Doorashooyinku u qoondeeyay inay ku qabsoomaan hawlaha diiwaangelinta iyo labada doorasho ee kala ah ta Madaxtooyada iyo ta goleyaasha degaanka amase ku adkeysan doono in uu raaco go’aankii golaha Guurtida wakhtigiisu dhammaaday soo saaray 10-kii bishan ee uu sannadka ugu kordhiyey muddadii distooriga ahayd ee Madaxweyne Riyaale xilka haynayay taas oo kaga ekaanaysa May 15, 2008.

Waxay ahayd Isniintii toddobaadkii hore markii uu wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Cabdillaahi Maxamed Ducaale uu aqalka Guurtida ka sheegay in Xukuumadiisu ay ka maarmi karto lacagta ay deeq-bixyeyaashu ugu talo-galeen hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka iyada oo uu wasiirku sheegay in go’aanka muddo-kordhinta ee Guurtidu yahay mid aan ka noqosho lahayn oo ay xukuumad ahaan soo dhaweynayaan.

Wasiir Ducaale waxa kale oo uu dhaleecayn xoog leh u soo jeediyay deeq-bixiyeyaasha, kuwaas oo ay ka mid yihiin dalalka Britain, Maraykanka, Norway, Sweden iyo Denmark oo iyagu taageera geedi-socodka dimuqraadiyadda ee Somaliland.

Go’aanka muddo-kordhinta ayey Guurtidu ku sababaysay inuu ka dhashay duruufo nabadgelyada la xidhiidha oo ka taagan Somaliland iyo waliba qodob ka mid ah xeerka diiwaangelinta oo sheegaya in labada doorasho ay u kala dhaxayso muddo 6 bilood ahi, taas oo haddii la raaco dib ugu riixaysa doorashada Madaxweynaha ilaa 06 April 2009.
Hase yeeshee Komishanka doorashooyinka Qaranka (KMQ) ayaa ku adkaysanaya wakhtigii uu u cayimay hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka iyada oo uu ku talo-galay in uu diiwaangelinta dhammaystiro 5 October ee 2008, doorashada kowaadna la qabto 6/10/2008, ta labaadna 31/12/2008.

Inkastoo saddexda xisbi qaran ay 9-kii bishan heshiis ku gaadheen jadwalka ay KDQ u qoondeeyeen inay ku qabsoomaan diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinkuba, haddana weli ma cadda in xisbiga Madaxweyne Riyaale ee UDUB uu wali taageersan yahay heshiiskaasi amase uu ka baxay.

Laakiin heshiiska waxa si adag u taageersan Komishanka Doorashooyinka Qaranka, labada xisbi mucaarid ee KULMIYE iyo UCID iyo waliba Komishanka Yurub iyo dawladaha deeqda bixiya sida Ingiriiska, Maraykanka, Sweden, Norway iyo Denmark.
Dhinaca kale dawladaha deeqda siiya Somaliland gaar ahaan kuwooda taageera geedi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland, ayaa la sheegay inay Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale kala dooransiiyeen inuu laba midkood soo gal: Inuu ayidsan yahay heshiiskii ay saddexda xisbi qaran iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranku 9/4/2008 ku gaadheen in diiwaangelinta codbixiyeyaasha la dhamaystiro 5/10/2008, doorashada horena la qabto 6/10/2008 ta labaadna la qabto 31/12/2008 ama uu raacayo go’aankii muddo-kordhinta ee 10/4/2008 ka soo baxay golaha Guurtida ee wakhtigu ka dhammaaday.

Waxa kale oo la sheegay in dawladaha deeqda bixiya iyo Komishanka Yurub ay Riyaale ka sugayaan inuu kala cadeeyo inuu ku qanacsan yahay dhaleecayntii uu dhawaan wasiirkiisa Arrimaha Dibaddu u soo jeediyay dawladaha deeqda bixiya ee uu ku sheegay inay fidno iyo muran kala dhex dhigeen reer Somaliland iyo in kale si ay u ogaadaan wixii ay kaga talo-geli lahaayeen Somaliland mustaqbalka oo ah inay sii wadi karaan taageeradii iyo iskaashigii ay la lahaan jireen Somaliland ama inay ka eed la’aadaan.

Erayada dhaleecaynta iyo eedaynta ah ee Cabdillaahi Maxamed Ducaale u quudhay deeq-bixiyeyaasha oo uu wargeyska Haatuf hore ugu tilmaamay inay ahaayeen qaar diblomaasiyadda ka aradan, ayaa waxa iyaguna hadaladiisaasi dareen cadho iyo diidmo ah ka muujiyay bulshoweynta reer Somaliland gudo iyo dibadba.

Waa markii u horeysay tan iyo intii Somaliland ku dhawaaqday gooni-isu-taageeda 1991 ee xidhiidhkii iyada iyo beesha caalamka u dhexeeyay uu soo gaadho heer qarka u saaran kala gurasho, taas oo aqoonsi ay Somaliland ka filato beesha caalamka daayoo ay halis ugu jirto inay weydo kaalmadii ay ka heli jirtay dunida.

Haddaba halkii uu Madaxweyne Riyaale ka daba-qabatayn lahaa xidhiidhkan sii xumaanaya oo uu wadamada wax la yidhi ka raali-gelin lahaa erayadii wasiirkiisa Dibadda, ayaaba wasiiradiisii kale ay saf u qabsadeen aflagaadooyin hor leh oo sii xoojinaya kuwii hore. Waxaana durtaba Cabdillaahi Maxamed Ducaale labeeyay wasiirka Beeraha Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) kaas oo khamiistii dhaweyd dhaleeceeyay dawladaha deeqda bixiya oo ay ka mid tahay dawladda Norway ee uu wasiirkaasi baasaboorkeeda sito.

Maxkamada Sare Ma Mid Dalka Iyo Dadka U Dhaxaysaa Mise Waa Mid Rayaalaysan !

Editorial

Nidaamka dawliga ah ee aynu leenahay waa sedex laamood oo isku miisaan leh hadii sida distoorku dhigayo loogu dhaqmo. Waxay sedexdaas Laamood kala yihiin Baarlamanka oo kala ah:

  • Golaha wakiilada ee sida dimuqraadiga ah lagu soo doorto iyo odayasha guurtida ee magac qabiil ku fadhiya.
  • Laanta garsoorka ama maxkamadaha
  • Fulinta oo ah madaxweynaha iyo wasiiradiisa.

Hadaba halkay sartu ka qaloocatay oo maxkamadii sare ee madaxbanaanayd u hoos tagtay madaxweynaha, halkuu Rayaale waxan oo awood sheegasho ah ka keenay ?
Gudoomiyaha maxkamada sare waxaa soo magacaaba Madaxweynaha, xilkana waxaa ka qaada isla madaxweynaha, dabcan ansixinta magacaabida iyo xil ka qaadiduba waxaa siiya labada gole oo wadajira balse taasi waa mid uu mar kastaba Rayaale si sahalan ku heli karo, waxaanuse se sahal ku heli karayn hadii gudoomiyaha maxkamada sare noqon lahaa xaakim aan si hawl yar xilka looga xayuubin karin marka uu xukuumada ka hor yimaado . Xaakimka maxkamada sare waxaa haboon in mudada uu xilka hayo uu madaxbanaanaadaa , madaxweynuhuna aanu soo fara galin karin. Waxaa haboon in uu xaakimaka maxkamada sare ku yimaado xaakimnimada cod aqlabiyada ah oo xadidan oo uu barlamanku ugu cod bixiyosi uu u helo xaakimka maxkamada sare. Dhibaatada dalka haystaana waa xakimkii umada iyo maxkamadaha ka sii hooseeya kala saari lahaa oo xilkiisii ka warwar qaba garanayana cida xilka ka qaadi karta.
Dalka waxaa cadaalad xumada ugu waacan ixtiraam la’ aanta iyo awood ku tumashada madaxweynu ku hayo cadaaladii qaranka iyo maxkamadii sare ee dadka kala saari lahayd. Duunida horumarka gaadhay waxay halkaa ku soo gaadheen marka dadkii garsoorka yaqaanay la qiimeeyay, marka dadkii garyaqaanada ahaa la siiyay ixtiraam iyo qadarin la qadariyo. Maxkamadaha Afrika waa isku wada mid ismana wada dhaamaan oo waxa yur taa haya madaxweyne diktator ah oo hadii maxkamadu ka hor timaado isla saacadiiba xilka laga qaadayo xakiimkii sare ee maxkamada. Xaakimku waa siidhiwalahii garta qaadayay sharciga iyo xeerarkana inoo fasirayay ama turjumayayba laakiin waa mid illa hada lagu kari la’ yahay Afrika, Somaliland na hadalkeedaba daa ! Somaliland cadaalad xumada taala waa caqabadaha adag ee inaga hor taagan ictiraafka illa la saxo nidaamka garsoorka ee dhinaca kaliya uga raran xukuumada. Maxkamada sare ee Somalilandna waa mid Udubaysan oo waliba Rayaalaysan gar ay xaq u naqdana EBBE oo tusa mooye waa mid aan laga sugayn inay ku shaqayso dhexdhexaadnimo iyo sidii xeerarku ahaayeen.

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ee ururka suxufiyiinta SOLJA, Kayse Axmed Digaale, ayaa caddeeyay in habayaraatee aannu jirin shirweyne u furmaya xubnaha

Burco (Togdheernews..- Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ee ururka suxufiyiinta SOLJA, Kayse Axmed Digaale, ayaa caddeeyay in habayaraatee aannu jirin shirweyne u furmaya xubnaha

suxufiyinta gobolka, isla markaana ay ka mid yihiin suxufiyiinta gobollada kale dalka.
Guddoomiyaha oo hadalkiisan ku sheegay warsaxaaafadeed uu xalay ka soo saaray magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa waxa kale oo uu ugu baaqay isu-duwaha wasaaradda warfaafinta ee Gobolka Togdheer inuu joojiyo faro galin joogto ah oo uu xusay inuu ku hayo xafiiskooda.
Warsaxaafadeedkaas oo faahfaahsana waxa uu u dhignaa sidan:
“Waxa maalmahan dambe soo baxaya in isu-duwaha wasaaradda warfaafinta ee Gobolka Togdheer ku hawlan yahay siduu u koox ka mida suxuufiyiinta gobolka ugu qaban lahaa shir, kadibna isugu dooran lahaa guddoomiye suxufiyiinta, arrimahaasna ay ka biyo-diideen kuna gacmo-saydheen suxufiyiintii gobolku, sidaas darteed waxaannu cidkasta oo ay khusayso u sheegaynaa in aannu jirin wax shirweyne ah oo u furmaya suxufiyinta Gobolka”
Waxa nasiib-darro ah tallaabadan uu qaadayo Isa-duwaha warfaafinta dawladdu ay baalmarsan tahay sharcigii iyo dastuurkii u dhignaa ururka SOLJA, taasoo u muuqata mid uu ku raadinayo sidii suxufiyiinta gobolka uu u kala qaybin lahaa isagana horkeeni lahaa.
Suxufiyiinta Togdheer waxay la mid yihiin suxufiyiinta kale ee gobollada dalka, xilliga loo baahdo in shirgoboleedyo la qabtana waa mid qabsoomaya waqti sugan oo isku mid oo la soo cayimay, isla markaana shirweynihii guud ee SOLJA waa kii qabsoomay bishii Feberwari, waanna wax lala yaabo ujeedada ka dambeysa ee uu xiligan kala guurguurka arimaha u bilaabay.
Sidaas darteed waxa looga digayaa Isu-duwaha Warfaafinta Gobolka Togdheer Yuusuf Ilkacase inuu faraha kala baxo fadqalalaha iyo burburinta xafiiska ururka suxufiyiinta SOLJA, haddii kale waxa laga qaadi doonaa talaabada sharciga ee ku habboon.

Xigasho/ TogdheerNews

Ogaysiis Muhiim Ah, Laanta Xisbiga Kulmiye Ee Norway

Ogeysiis muhiim ah.Xisbi Qaranka Kulmiye in Laanta Kulmiye ee Norway

Ogeysiis muhiim ah.

Waxa la ogeysiinayaa xubnaha iyo taageereyaasha Xisbi Qaranka Kulmiye in Laanta Kulmiye ee Norway qabanayso shirweyne, maalinta khamiista ah ee bisha May kowda tahay- 01.05.08, saacadda afarta galabnimo (kl 16:00).

Shirku wuxuu ka dhacayaa Anker Hotel, Storgata 55, Oslo.

Waxa shirka lagu soo qaadi doonaa dib u habayn iyo abaabulka laanta Kulmiye ee Norway, xoojinta iyo tayaynta gudida laanta, wacygelin iyo warbixino ku saabsan Somaliland iyo xaaladaha hadda ay marayso. Waxa xubnaha iyo taageereyaasha laga codsanyaa in ay si weyn oo waafi ah uga soo qaybgalan shirka, oo ay ka dhiibtaan fikradahooda iyo talooyinkooda. Fadlan dib ha uga dhicin waqtiga shirku bilaabmaayo oo ah saacadda afarta galabnimo – kl 16:00

Gudoomiyaha Kulmiye Norway

Ahmed Baruud Egeh

Important Notice

Kulmiye Norway Branch will hold a major conference on 1st. May 2008 in Oslo. The conference will be held in Anker Hotel, Storgata 55, Oslo. Time of the Conference will be from Hrs 16:00 – 21:00.

The Conference will address very important issues such as revamping the Branch’s activities in Norway and briefings about Somaliland’s current state of affairs. Kulmiye members and supporters in Norway, especially in Oslo and Akershus, are encouraged and requested to shine this conference with strong attendance and contribution of valuable ideas. Please come punctually.

Ahmed Baruud Egeh

Chairman, Kulmiye Norway

13 mudane oo ka tirsan Golaha Guurtida oo Shirguddoonka u gudbiyey Mooshin ay Golaha u soo jeedinayaan in dib loo saxo Go’aankii Mudda-kordhinta Madaxweynaha

13 mudane oo ka tirsan Golaha Guurtida oo Shirguddoonka u gudbiyey Mooshin ay Golaha u soo jeedinayaan in dib loo saxo Go’aankii Mudda-kordhinta Madaxweynaha

Hargeysa (Somaliland.org) – 13 Mudane oo ka tirsan Golaha Guurtida ayaa maanta shirguddoonka golahaas u gudbiyey Mooshin ay Golaha ugu soo jeedinayaan inuu dib u sixid ku sameeyo go’aankii muranku ka dhashay ee ay muddada xilka ugu kordhiyeen Madaxweyne Riyaale.

Qoraalka mooshinka waxay xildhibaannadu dureen qaabkii Goluhu u gaadhey go’aanka oo ay ku tilmaameen mid aan waafaqsanayn sharciga, loona baahnaa in dib u sixid iyo wax ka beddel lagu sameeyo go’aankaas.

Waxa kale oo ay xildhibaanadaasi soo jeediyeen in mudda-kordhintu u baahnayd in lagala tashado dhammaan dhinacyada doorashadu khusayso, Waxayna ka dalbadeen Shirguddoonka in dood laga furo arrintaas is loo iftiimiyo khaladaadka ku jira.

Dhinaca kale, waxay xildhibaanadu ku soo jeediyeen mooshinkooda in dib loo eego, waxna laga beddelo xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo caqabad lagaga dhigayo doorashooyinka.

Xeerka Diiwaangelinta oo uu ku jiro qodob dhigaya in diiwaangelinta codbixiyayaasha la sameeyo Lix bilood ka hor wakhtiga doorashada ayaa Madaxweyne Riyaale qiil sharci uga dhiganayaa mudda-kordhintiisa muranku ka jiro. Waana xeerka uu Madaxweyne Riyaale ku khasbayo Komishanka inuu ku dhaqmo, iyada oo sida wararku sheegayaan Komishankuna uu dalbanayo in wax ka beddel lagu sameeyo xeerkaas.

Mooshinkan waxa loo ballamay Sabtida. Waxayna kala yihiin magacyada xildhibaanada saxeexay:

  1. Xildhibaan Sh. Cabdiraxmaan Sh. Yuusuf Sh. Madar
  2. Xildhibaan Aadan Shire Faarax
  3. Xildhibaan Cabdisalaan Maxamed Siciid
  4. Xildhibaan Axmed Dirir Cali
  5. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Huruuse
  6. Xildhibaan Cabdirashiid Sh. Cabdillaahi Aadan
  7. Xildhibaan Cawil Xuseen Axmed
  8. Xildhibaan Cawil Cismaan Maxamed (Ina Dawiil)
  9. Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Cabdi (Quulle)
  10. Xildhibaan Muuse Ciise Xamari
  11. Xildhibaan Sh. Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac
  12. Xildhibaan Axmed Daahir
  13. Xildhibaan Sh. Maxamuud Xirsi Faarax

Xigasho / Somaliland.org

Cumar Jaamac, Wakiilkii UDUB Uga Metalayay Arimaha Doorashooyinka Oo Xubinimadiisii Guddiga diiwaangelintana Lagu Bedelay Nin Reer Awdal Ah

Cumar Jaamac, Wakiilkii UDUB Uga Metalayay Arimaha Doorashooyinka Oo Xubinimadiisii Guddiga diiwaangelintana Lagu Bedelay Nin Reer Awdal Ah

Hargeysa(Geeska)- Xisbiga tallada haya ee UDUB ayaa bedelay xubintii xisbigooda uga wakiilka ahayd arrimaha koomishanka doorashooyinka, gaar ahaan guddiga diiwaangelinta Md. Cumar Jaamac Faarax, ka dib markii sida la sheegay uu Madaxweyne Rayaale shaki ka galay kalsoonidii uu ku qabay arrimihii uu xisbigu u igmaday.

Sida ay ilo xogogaali u sheegeen Geeska Afrika Cumar Jaamac Faarax, waxa lagu bedelay Maxamed Ibrahim Rijaal (Saajin) oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Awdal ee uu Madaxweyne Rayaale u dhashay.

Go’aankan lagu bedelay Cumar Jaamac, oo aan si rasmi ah loo shaacin, waxa la sheegay inuu saxeexay Cismaan Garaad Maxamed, oo ka mid ah madaxda sare ee xisbiga UDUB, ka dib markii uu Madaxweyne Rayaale amar ku bixiyay in Cumar Jaamac laga bedelo hawsha uu xisbigaas uga wakiilka ahaa ee arrimaha Koomishan iyo diiwaangelinta.

Cumar Jaamac Faarax, oo ka mid ahaa ragga lagu tiriyo inay aad ugu dhow-dhow yihiin Madaxweyne Rayaale islamarkaana ahaa nin aad u difaaci jiray xisbiga UDUB, lama garanayo sababta rasmiga ah ee keentay kalsooni darada la sheegay in Madaxweyne Rayaale ka qaaday. Hase yeeshe waxa jira warar sheegaya in arrintiisani la xidhiidho murankii ka dhashay guddiyadii koomishanka iyo diiwaangelinta gobalada bariga ee ay soo magacaabeen guddiga sare ee doorashooyinka iyo xisbiyada oo uu isna ka mid ahaa. Guddiyadaas waxa dhawaan laalay koomishanka doorashooyinka ka dib markii sida la sheegay xisbiga UDUB ka cawday, iyadoo ay go’aankaas xisbiyada Mucaaradku cambaareeyeen….

Guud ahaan xubnaha guddiga diiwaangelinta oo ka kooban 7 xubnood, waxa ay isugu jiraan saddex xubnood oo ay magacaabeen saddexda xisbi, laba Wasaaradda daakhiligu magacawday ioy laba ka socda koomishanka doorashooyinka. Xubintan lagu bedelay Cumar Mr. Rijaal, waxa uu saddex xubnood ka dhigayaa xubnaha ka soo jeeda gobolka Awdal ee ka mid ah guddigaas diiwaagelinta, halka afarta xubnood ee kalena ay ka soo jeedaan gobalada kale ee Somaliland, iyadoo uu guddoomiye u yahay guddigaas diiwaangelinta Md. Ismaaciil Muuse Nuur oo ka tirsan koomishanka doorashooyinka islamarkaana ka soo jeeda gobolka Awdal.


Madaxweyne Rayaale ayaa aasaaskii guddigaas cosaday in lagu darro xubin ka soo jeeda gobolka Awdal, isaga oo ku dooday in beelaha qaar ka maqanyihiin guddiga.

Source: Wargeyska Geeska Afrika,

Hargeysa Somaliland….

Conference Call Hosted by Somaliland American Council

Conference Call Hosted by Somaliland American Council

Somaliland American Council

You are cordially invited to participate in a conference call hosted by Somaliland American Council. The Keynote speaker is the leader and the chairman of Kulmiye Party, Mr. Ahmed Mohamed Silanyo.
The date and time of this conference call is:

Sunday, April 27

at 1 pm Eastern Standard Time (-5GWT)

Ahmed Mohamed Mohamoud Silanyo

The agenda of the conference call is to hear from Chairman Ahmed discuss the current affairs & politics in Somaliland today
To participate in this conference call please do the following:

  1. send a request to participate in the conference call to contact@somalilandamerican.com
  2. provide full name, email address, city\country of residence
  3. SAC will respond in 48 hrs to provide you the conference call number and participant access code.

Who should attend; anyone who has interest in Somaliland affairs.

Looking forward to hear from you.
Thanks in advance.

Somaliland American Council
www.somalilandamerican.com

Diyaargarowga Qorshe Dagaal Oo Ay Wado Xukuumaddu Oo Heerki Ugu Danbaysay Maraya, Dhaqdhaqaaqa Ciidamadda Qaran Iyo Diyaargarowga Mucaaridka

Diyaargarowga Qorshe Dagaal Oo Ay Wado Xukuumaddu Oo Heerki Ugu Danbaysay Maraya, Dhaqdhaqaaqa Ciidamadda Qaran Iyo Diyaargarowga Mucaaridka

London (Somaliland.Org) Xukuumadda wakhtigeedi gabaabsiga yahay ee Md Rayaale ayaa ku gudo jirto diyaarinta qorshayaal iyo barnaamijyo milatari oo laga fulinayo sadex gobo loo ka mid ah lixda gobo lee Somaliland, kuwas oo kala ah goboladda Maroodi Jeex (Hargeysa) Togdheer iyo Sanaag. Sidaas waxa noo xaqiijiyey ilo wareed muhiim ah oo ka mid ah xukuumadda Somaliland.

Kadib markii golaha guurtida ee wakhtigii sharcigu ka dhamaaday ay muddo kordhin aan sharciga waafaqsanayn u sameeyen Md Rayale iyo xukuumadiisa ayaa waxa arrinkaas diidmo qayaxan kala horyimi labada xisbi ee mucaaridka ah. Waxa sidoo kale diidmo ka muujiyey arrinkan koomishanka doorashoyinka ee qaranka oo waday heshiis ay la galaan sadexda xisbi qaran oo ah muddada ay doorashoyinku ku qabsoomayan. Waxa yaguna arrinkan cambaareeyey hayadda inter-peace oo ah hayadda u qaabilsan ururka midowga Europe dhanka doorashoyinka Somaliland.

Sida ay xaqiijinayan warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaadhaya qasriga madaxtooyadda, Md Rayale iyo xukuumadiisa ayaa bilawgii wiigan farriin isugu jirta Digniin iyo hanjabaad u gudbiyey koomishanka qaranka Somaliland, kuwaas oo ay ugu hanjabeen inay sharciga la tiigsan doonaan (xidhayaan) haddii aanay ka tanaasulin dhawaaqii iyo heshiiskii ay la galeen sadexda xisbi qaran.

Dhinaca kale Md Rayale iyo xukuumadiisa ayaa bilowday dhaq dhaqaaq ciidan iyo milatari iyada oo ciidamaddo xad dhaaf ah oo laga keenay meelo kala duwan heegan lagu galiyey magaaloyinka Burco, Hargeysa iyo Ceerigaabo.

“Marka la gaadho bisha shanaad waxa lagu wadaa in wadanka gebi ahaan lagu sooo rogo bandow bilaabanaysa shanta galabnimo” sidaas waxa yidhi xubin sare oo ka tirsan ciidamadda sirdoonka Somaliland oo dalbaday in aan la magacaabin. Mudanahani waxa uu sheegay in halka ugu horeysa ee laga filayo dhaq dhaqaaq ciidan oo ah magaaloyinka Hargeysa iyo Burco ay xukuumaddu ka hawl gashay, iyada oo ciidamadii degaanka u dhashay ka rartay oo geysay jiida hore ee Laascaanod, halka magaalooyinkaas lasoo dhoobay ciidamado u dhashay daafaha Somaliland.

Dhinaca kale ee xisbiyada mucaaridka waxa soo baxaya warar xaqiijinaya dhaq dhaqaaq kacdoon oo ka socda xisbiyadda mucaaridka. Waxaa sidoo kale jira shirar iyo diyaar garow leh mucaarid iyo xukuumad oo loo diyaar garoobayo isku dhaca la filayo in uu la bilan doono bisha shanaad ee inagu soo fool leh.

Ilaa hadda ma jirto isku day iyo dhaq dhaqaaq siyaasadeed ama feker oo laysku daydayo ka hortagga dhibaatoyin dagaal ama nabadgelyo darro iyada oo golaha guurtida ee wakhtigodi dhamaaday ku fashilmeel doorkii ay ku lahaayen dalka ee odaytinimo ama nabadgelyo yagiina noqdeen qayb ka mid ah dhibaatadda laysku hayo.

Waxii war ah ee kasoo kordha arrintan kala soco Somaliland.Org

Source/ © Somaliland.Org 2008

RSS 2.0 |

Waxaa Ceeb Ah Afmiinshaarada Rayaale Ee Qarannews Inay Geesiyaashi Dalkan U Soo Halgamay Aflagaadeeyaan

Waxaad hoos ka akhrisataan jawaabtii uu muj Cabdisalan Yasin u soo qoray Qaar loo adeegsado cayda geesiyaashii dalkan xoreeyay. Waxaa isku urursaday Rayaale iyo kuwii taliskii Afweyne basaasiinta u ahaa.

Weedh Gaaban: Weriye Wax Hubso

Waa Ilaahay mahadiiye dad Muslin ah ayaynu nahay. Waa nicmo Ilaahay loogu mahad naqaa. Haddaynu dad Muslin nahayna distoorkeena qeexahay dhaqankeena iyo anshaxeena waa Kitaabka Ilaahay (Subxaanahau Wa Tacaalaa) iyo Sunnaha Nebiga (Salla Laahu Calayhi Wa Salam). Bal hadda aan eegno xeerka Ilaahay (SWT) iyo Rasuulku (SLCWS) inoo dhigeen waxay ka qabaan sida warka loo tebiyo.

Suurat Al-Xujuraat, aayadda (6), oo macnihii af Soomaaliga ee aayadda ah, waxay Ilaahay leeyahay, “Dadka mumintow haddii uu qof faasiqi war idiinla yimaado, u hubsad warka; si aydaan ogaal la’aan dad u dhibin; aydaan u noqon, ka dib, kuwo falkoodii ka murugooda.” Waa maxay qofka ama wargayska faasiqa ah ee warka tebinayaa? Erayga “faasiq” ee af Carbeedka macnihiisu waxa weeye, “ wax ka baxay wixii ay ahaayeen ee dhabta ahaa”; qofku iyo hayaddu haddii ay faasiq yihiinna xaqii ayay ka baydheen. Af Soomaligana markaynu nidhaano maraa fasaqantay, rinjigii ayaa ka baxa oo way doorsoontaa oo waxaan la jeclaysan ayay noqotaa.Rasuulkuna (SLCWS) waxa xadiis inoogu sheegayaa, “Qofkii Ilaahay iyo Rasuul rumeeyow, wax khayra sheeg ama aamus.”

Warkuna waa aamano. Somaaliduna waxay tidhaadaa, “Hadalku intuu uurkaaga ku jiro, ayuu amaan yahay.” Hadduu ka baxo, ama odhaah ha ahaado ama qoraal eh, ilaa qiyaamaha waa ku daba joogayaa. Ilaahyna Suurat An-Nisaa, ayaadda (58), oo macnaheedu yahay sidatan, wuxu ku yidhi, “ Ilaahay wuxu idin farayaa inaad aamanada u gudibisaan ehelkeeda; haddaad dadka u talisaan ama xukuntaana inaad caddalad ugu talisaan ama ku xukuntaan.”

Haddii amaanada la xajin waayo oo la gudbin waayo; haddii cadaalad in wax lagu xukumo la waayo; haddii weliba been lagu daro; aayaha dadka waa sii xumaadaa. Ilaahay gaalnimad iyo beenta in badan buu Kitaabkiisa ku lamaaneeyay, sida aayadda (10) ee Suurat Al-Taghaabun oo leh, “Kuwa gaaloobay ee beeneeyay aayaadkayaga, kuwaasi waa ehelu naar waanay ku waari naarta oo ah meel lagu waaro tii ugu xun.”

Xadiisna waxa uu inoo sheegayaa, Rasuulkana mar la weydiiyay, “Muslimku wax ma xadi karaa?’ Wuxu yidhi, “Haa.” Wax ma dil karaa?” Wuxu yidhi, “Haa.” “Ma sinaysan karaa?” Wuxu yidhi, “Haa.” “Been ma sheegi karaa?” Wuxu yidhi, “Maya.”

Qoraalkan “Weriye Wax Hubso” ee aan hordhacan asaaskeedu yahay Quraanka iyo Sunnaha ku bilaabay, wuxu ku socdaa wargeyska elektrooniga ah ee la yidhaa “Qaran News” iyo ninka la yidhaa Faysal Xaaji Nuur Cabdalle oo ku qoray qoraal uu beeno badan iyo cayay aniga igu saabsan ku sheegayo. Wargayska iyo Faysal ba waxan u sheegayaa in aan Ilaahay ugu mahad naqayo inaan beenta iyo cayda ay faafiyeen aanan lahayn. Iyana waan u mahad naqayaa oo ajar iyaga laga soo jarayo ayay ii tuuleen.

Bal aan eegno beenta iyo cayday Qaran iyo Faysal isku dayeen inay fidiyaan:

  1. Wuxu yidhi Faisal Cabdisalaam SNM wuxu ku biiray badhtamihii Sideetameeyadii. Faysalow, maad adiga iyo Qaran wax hubsataan. SNM sideetameeyadii kumaan biirin eh waan sameeyay oo waxan ahaa ninkii u horeeyay ee shaqadiisa uga taga ee 1980 Qaahir ula guura xaakiisa isaga oo halkaa isagu ku sugaya cidii ku soo biiri lahayd. Kana mid ahaa 1981 shantii nin ee SNM kaga dhawaaqay London.
  2. Faysalow maad adiga iyo Qaran wax hubsataan. SNM saddex sanadood oo keliya lama joogin eh, ama gudo aan la jog ama debed eh, SNM ilaa intii ay Somaliland xoraynaysay maalin qudha kama maqnaan.
  3. Faysal maad adiga iyo Qaran wax hubsataan. Fulaad igu sheegteen ka tegay SNM markay u qadhaadayd. Waxnaan ahay aniga oo macalin ah ninkii buurta Sheekh la galay 1984 ragga rag ah ee ay ka midyihiin Ibraahim Dhegaweyne iyo Maxamed Cali, Alla haw naxariistee.
  4. Faysal maad adiga iyo Qaran wax hubstaan. Khaayan baad igu sheegteen Faqashtii war siiyay uu dhaafsady baasaaboor Soomaaliya. Warkaasna waxad u nisbaysay saraakiil sare oo SNM ah oo ka mid yahay Waarabcadde, Alla haw naxriistee. “Inaa lilaahi waa inaa ilayhi raajicuun.” Waar miyaydaan Ilaahay ka yaabay maxaad dadka dhinatay u ribaynaysaa! Mise waxad is leedihiin isagaa ayaan jawaabi karayne beentana u cuskada. “Kaburat kelimatan takhruju min afwaahihim an yaquuluuna ilaa kadibaa.” BAASAABOOR SOOMALIAYBA SUCCUDIGA KUMAAN TEGIN EE WAXAAN KU TEGAY “Travel Document” INGRIIS AH. MARKII DAMBENA WAXAN QAATAY BAASAABOOR ITOOBIYAAN AH OO AAN ILAA IMIKA HAYSTO.
  5. Faysal maad adiga iyo Qaran wax hubsataan. Waxa tidhaadeen Xisbiga UCID ayuu saddex sanadood oo keliye ka hor ka mid ahaa. Kaalin Internetka ah waa bixiseen. Malaa waxad doonaysaan uun baad ka akhridaan qoraalada eh, haddaad hoos u akhridaan MARTI SHARAF LAGU MAAMUSAY TAARIIKHDA SNM EE AAD II QUUDHI WAYDEEN AYAAN AHAA OO MARKAA BURCO, OO UCID KU QABSATAY SHIR, JOOGAY.

Faysal adiga iyo Qaran News ba waan idin carinayaa, bal car intaas oo been ah oo aad iga sheegteen mid keliya ka soo caddeeya. Waran kugu soo noqon doonana lama rid eh, inta aanaydun war tebinin, wax u hubsada. If iyo aakhiradiina ba waa idiin wanaagsantahay eh.

“Muddo Xil Kordhin aan Distoori ahayn lama Aqbalikaro, Diwaangelintuna waa in ay Doorashooyinka Habeysaa ee aanay Halleynin” Warsaxaafadeed Ururka Somaliland Forum

April 22nd, 2008 [News] |

SOMALILAND FORUM

Summad SFLCC/04/08 Taarrikh: 19/04.08

Warsaxaafadeed

Ururka Somaliland Forum waxa uu si aada uga xun yahay in mar kale doorashooyinkii Somaliland dib-u-dhac ku yimaado, oo muddo kordhin aan Distoorka waafaqsanayn oo baalmarsan soojeedintii Kommishanka Doorashooyinka ay Guurtidu go’aamiso.

Anagoo wada ogsoon sababta aanay doorashooyinku xiligii loogu talo galay u dhacayn, haddana waxaanu aaminsanahay inaan Golaha Guurtida sharciga iyo distoorka dalka midnaba awood u siineyn inay ku go’aamiyaan muddo kordhin. Sida aynu la wada socono, sanadkii 2002dii oo go’aan kan oo kale ah ay Guurtidu ku tallaabsadeen wakhtigii marxuun Maxamed X Ibraahim Cigaal (Allah ha u naxariistee), ayaanu Urur ahaan caddeynay sida aanu uga soo horjeedno maadaama oo ay ka hor imanaysay distoorka qaranka. Muddo korodhsiimooyinkii ka dambeeyeyna sidaasoo kale ayaannu u arkannay inay Distoorka baalmarsanaayeen.

Maanta, Urur ahaan waxaanu taageersanahay heshiisyadii saddexda xisbi qaran iyo Komishanka Doorashooyinka ay isla gaadheen bishan (9/04/2008). Arrintan waxaanu ku raacsanahay soo jeedintii mudanayaasha iyo marwooyinka Gudida Anshaxa iyo Kormeerka Doorashooyinka, hase yeeshee waxaanu kaga duwanahay intaa ay raaciyeen in Guurtidu Korodhsiimo muddo sameyso oo heshiiska raacsan. Haddii aanay Guurtidu marnaba waqtigan taagan awood distoori ah u laheyn in ay korodhsiimo sannad ah sameeyaan, mid 9 bilood ahna awood uma laha in ay sameyaan.

Sidaas awgeed, ma qabno in Guurtida keligood laga doonto sharciyaynta arrintan inagu soo fool leh 15ka May marka muddadii xilka Madaxweeynahu ay ku egtahay. Annaga oo tixgelineyna heshiiska ay isku raaceen 3da xisbi qaran iyo Kommishanku, oo aanay jirin qodob distoorka oo ka hadlaya dib-u-dhaca doorashada aan nabadgelyo xumi ku xidhneyn, waxaanu qabnaa in heshiiskan lagu hirgelinkaro marka dib loogu noqdo mabaadii’da Distoorka ee ay ka mid yihiin wadatashiga iyo habka xisbiyadda badan. Sidaad awgeed, wixii lagu heshiiyo in lagaga gudbo marxaladdan aan Distoorka ku qornayn, waxaa lagu sharciyayn karaa Xeer muddeysan oo ah kuwa loo yaqaaan Xeerarka Qorraxdhaca (Sunset Laws) oo lagu dhaqmayo uun muddada 16-ka May ilaa Madaxweynaha la doorto la dhaariyo oo noqoneysa bisha January 2009 dhamaadkeeda.

Waxaanu ku talineynaa waxayaabaha lagu heshiin karo ee Xeerkan Muddaysan lagu soo saarayaa inay noqdaan sidan oo kale:

1. M/weynaha iyo Ku-xigeenkiisa oo aqbla in sharciyan mudadii 5ta sano ay ka dhamaatay, laakiin ay sii hayaan jagooyinkooda muddadaa cayiman ee ah 16ka May ilaa doorashada jadwalka lagu heshiiyey ay dhacdo oo dhaarta la gaadho.

2. Waxay danta waddanka iyo shicibku ku jirtaa; in muddadan aan caadigan ahayn in M/weynuhu magaacabo dawlad qarameed loo dhan yahay oo ka soo jeeda 3da Xisbi Qaran, maamulka iyo awoodana loo qaybsado si dheelitiran.

3. In ahmiyadda ugu weyn ee Golahan cusub ee Dowladdu ay noqoto qabashada doorashooyinka.

4. In wixii muddooyin cayiman ah ee ku jira Xeerka Diiwaangelinta (Xeer Lr. 037/2008) ee kasoo horjeeda jadwalka ay mar kasta ku heshiiyaan Koominshanka iyo 3da Xisbi laga doorbido oo loo raaco, muddada Xeerkan Qorraxdhaci u jirayo, jadwalka lagu hashiiyo, ahmiyaduna ay ahaaneyso qabashada doorashada. Diwaangelintu waa inay Doorashooyinka Habeysaa oo aanay Halleynin.

5. Mar hadii isagu ka faa’idayo muddo kordhin, waa in mudadaas Madaxweynhu aanu qaadin tallaaboyin wax-u-dhimaya heshiiska la gaadhay iyo Xeerka Qorraxdhaca ah.

6. Heshiiska in la gaadho oo Xeerkan Qorraxdhaca ah ay ansixiyaan labada Gole iyo Madaxweynuhu 15ka May 2008 inta ka horreysa. Adduunka Barlammaannadu xeerarka deg -dega ah waxay ku dhameeyaan maalin gudaheed.

7. Xeerkani in uu baabao’ (oo qorraxdu u dhaco) maalinta Madaxweynaha lasoo doortay la dhaariyo oo Golahan dawladda ee muddadan cayiman ay malintaas ku ekaato.

Waxaanu qabnaa doorasho waqtigii xilalka Madaxweynuhu iyo xildhibaannadu ay dhammaadeen dhacdaa in aanay jirayn haddii aaynaan korodhsiimadan Guurtidu innoo horseeday aynaan ka gudbin. Waxaanu soo jeedineynaa in labada qodob (83(5) iyo 42(3)) ee ku saabsan kordhinta muddada xilalka Madaxweynaha iyo tan Golaha Wakiillada ee hadda ku jira Distoorka laga saaro 2009ka, marka aynu dhammeyno doorashooyinka waa inaynu ka tashanaa doorashooyinka Guurtidan xilka haysay ilaa 1997kii.

Ugu dambayn, waxaannu shacbi weynaha reer Somaliland ugu baaqaynaa inay ilaaliyaan nabadgalyada iyo xasilloonida dalkooda hooyo oo ah ta kaliya ee maanta dunidu inoogu soo joogsato. Xisbiyada iyo goleyaasha qarankana waxaanu u soo jeedinaynaa inay sharciyada dalka u hogaansamaan oo khilaafka dhexdooda ahi aanu ragaadin wada shaqaynta ka dhaxaysa iyo geedisocodka dimuqraadiyada Somaliland. Golaha Wakiillada waxaanu ku guubaabineynaa inay xasuustaan inay yihiin waaxda xeerdejinta ee la soo doortay, ayna awoodooda distoorka siiyay fuliyaan.

Somaliland Forum

Ururka Somaliland Forum waa urur madaxbannaan oo ay isku bahaysteen qurb-joog reer Somaliland ahi. Waxa uu ururkani aaminsan yahay qarannimada, horumarka iyo madaxbannaanida Somaliland, waxanu iskaashi la sameeyaa jaalliyadaha Somaliland ee dalka dibaddiisa ku dhaqan iyo waliba ciddii kale ee danaysa horumarka Somaliland. Ururkani wuxu rumaysanyahay in dadka reer Somaliland ee dibaduhu ay door ka ciyaari karaan horumarinta dalkooda.

Giddida Dhexe ee Somaliland:

Gudoomiye: Rashid Garuf ©\ USA , Chairman@somalilandforum.com

Ku-Xigeen: Abdirahman Mohamed Magan©\ UAE, vice@somalilandforum.com

Xoghaye: Cabdinaasir Haybe Farah ¨C Canada ,secretary@somalilandforum.com

Xisaabiye: Ismaaciil Cawed ©\ Kenya , treasurer@somalilandforum.com

Xubin Guud: Ahmed Abdi Jama ¨C Somaliland, xubin@somalilandforum.com

Faahfaahin ku saabsan Somaliland Forum: www.somalilandforum.org
RSS 2.0 |