Archive for April, 2008

Golaha Wakiilada Somaliland Ayay Ka Wakiil Yihiin Oo Hee Dheh Yay se U Wakiil Yihiin?

Editorial

Golaeha wakiilada Somaliland waxaa si toos ah u soo doortay shacabweynaha  lixda gobol ee dalka  Soamaliland ka koobanyahay. Waa golaha kaliya ee baarlaman ee ku fadhiya sharciyad buuxda. Golaha wakiilada waxaa hadaba awoodoodii gole ahaaneed curyaamiyay xukuumada Dahir Rayaale oo runtii kula dhex jirta hagardaamooyin fara badan iyo sharciyadii golaha ka soo baxayay oo aan xukuumadu ka hoos qaadayn. Illa mantadan la joogo miisaaniyadii sanadkii 2007 ee wax ka badalka ay ku sameeyen golaha wakiiladu cid warkeeda sheegaysa lama hayo, lamana yaqaan meel ay martay ! Go’ aan kasta oo ka soo baxa golaha wakiilada waxaa ka xoog badan dikriito  wasiir ka tirsan xukuumada Rayale Kahin ku daboolayo sharciyadii iyo awoodihii golaha wakiilada. Golaha wakiilada Somaliland waxaa caqabad iyo mixnad lama dhaafaan ah ku noqotay golaha guurtida ee aan cidina soo dooran oo waliba aan kalsooni xitaa ka haysan beelaha ay sheegtaan inay matilaan iyo xukuumadan Daahir Rayaale. Maanta dalku wuxuu marayaa in madaxweynihii ku yimid doorashadu u diidan yahay in dalkaba  ay doorasho ka dhacdo. Maanta dalku wuxuu maraya mid uu Dahir Rayaale doonayo inuu dib dalkan ugu celiyo digtaatooriyad aanu afweynaba hore uaga diidnay. Maanta Daahir Rayaale wuxuu madaxwaynenimo ku doonayaa in xoog iyo muquunin ku gilgilo dalka isaga oo gacan ka haysta kuwii dadka iyo dalkaba ugu da’ da weynaa ee kaalintoodii  u gabay inay xaqdaro ku gar naqaan.

Golaha sharci dejinta ama golaha wakiilada waxaa hadaba maanta looga fadhiyaa in ay si adag talaabooyin sharci ah uga qaadaan cid kasta oo jibisay distoorka dalkan iyo sharciyada ka soo baxa golahooda. Golaha wakiilada waxaa laga doonayaa in ay la xisaabtamaan xukuumadan iyaduba iyaga illa hada garbaduubka ku haysa. Ug dambayn waxaa golaha wakiiladu ay si dhakhso ah u noqon doonnaan golaha qudha ee ku fadhiyi doona shrci iyo dimuqraadiyad ee dadweynuhu wax ka dhagaysan doonaan. Waxaa golah laga sugayaa inanay xisbiyada iyo Dahir ku kala dhexdhexadin sharci la jabiyo iyo xeer jajab balse ay si xaq ah oo waafaqsan sharciga iyo distoorka qaranka ay uga garnaqaan sharci jebintu ay Dahir Rayaale iyo guurtidu isu bahaysteen. Daahir Rayaale Kaahin illa hadadan dalka waa ka madaxweyne wixii se ka dambeeya bisha May 15 keeda cidi uma aqoonsanaan doonto madaxweyne, sidii uu isba uga xidhay golihii wakiilada ee hore iyo komishankii qaranka ayaa maanta la isku wada raacsanyahay in albaabada laga soo xidho maalinta 16 ay ku taagantahay bisha May.

Soamaliland Ha Noolato, Dimuqraadiyadeeduna ha waarto

Dahir Rayaale Oo Qoraal Hanjabaad Ah U Diray Komishanka Doorashooyinka Qaranka Kuna Amraya In Ay Is Waafajiyaan Korodhsiimadii aan Distoorka Ku Fadhiyin Iyo Heshiiskii Xisbiyada

Hargeysa (Ogaal)- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa la sheegay inuu qoraal isugu jira canaan iyo hanjabaad u gudbiyay Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka, isla markaana uu kaga dalbaday inay isa soo waafajiyaan go’aanka Golaha Guurtida ee muddo kordhinta iyo waqtiga qabsoomida doorashooyinka.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinacyada arrintani khusayso, hase ahaatee warar aanu ka helay ilo lagu kalsoonyahay ayaa tibaaxay in Madaxweynuhu qoraalka uu u gudbiyay Guddida doorashooyinka uu ku muujiyay in inaanay komishan ahaan awood u lahayn inay ka horyimaadaan go’aanka Guurtida. Arrintana uu u gudbin doono Maxkamad. Iyada oo ilahaasi tibaaxeen intaasi iman karto hadii komishanku ku sii adkaystaan inay doorashooyinka waqtiga ay ku heshiiyeen Komishinka iyo Axsaabtu.
Hore waxa u soo baxay todobaadkii aynu soo dhaafnay warar tilmaamayay in Madaxweyne Rayaale waafaqay goáanka Axsaabta iyo Komishanku isla qaateen, isla markaana qoraal uu u gudbinayo Guurtida, kaas oo uu kaga dalbanayo inay ka noqdaan muddo kodhinta, ka dib markii arrintaa Xisbiyada Mucaaridka ah, Komishanka doorashooyinka, Deeqbixiyayaasha caalamiga ah iyo in badan oo ka mid ah bulshada ay si weyn uga biya-diideen. Hase ahaatee, waxa kaa bedalay qoraalkan dambe ee la sheegay in Madaxweynuhu u gudbiyay Komishanka doorashooyinka, taas oo markale cirka ku shareertay xiisadii arrintaa ka taagnayd.

Shabakada Wararka ee Waaheen ayaa baahisay xalay in qoraalkan Madaxweynuhu u gudbiyay komishanka shalay uu sii fogeeyay Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah, gaar ahaan Hayáda Inter Peace oo komishanka kala shaqaynaysay arrimaha la xidhiidha doorashooyinka.

Dhinaca kale, Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ka baaqday shalay inay yeeshaan fadhi albaabadu u xidhan yihiin oo ay u balansanaayeen, kaas oo la filayay in ay kaga wada-hadlaan doorka ay ku yeelan karaan isusoo dhaweynta dhinacyada khilaafaadka siyaasadeed ka dhex oogan yahay.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-ciro), ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in Golle Wakiillo ahaan dhex-dhexaadin ay ka gelayaan khilaafyada iyo muranada siyaasadeed ee xiligan dalka ka aloosan.


Guddoomiye-ku-xigeenka 2Aad Oo Ka Dalbaday W.A. Gudaha Caddaynta Qaraxyadii Uu Ku Eedeeyey Xisbiga Kulmiye


Mudane Cabdiraxman Cabdulqadir, gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga

Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE, Cabdiraxmaan Cabdilqaaddir ayaa sheegay inay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ka doonayaan inuu soo caddeeyo eedaymaha uu dhowaan u jeediyey Xisbiga KULMIYE ee ahaa inuu xisbiga KULMIYE ka dambeeyey qaraxii dhowaan ka dhacay xarunta Golaha Guurtida.

Guddoomiyekuxigeenka, mudane Cabdiraxmaan Cabdulqaaddir waxa uu arrintan ka hadlay, kadib shir jaraa’id oo ay Arbacadii ku qabteen xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE, Oday Deyr Maxamed Cilmi oo ka mid ah odayaasha waaweyn ee magaalada Burco iyo Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ee xisbiga KULMIYE, Axmed X. Cabdillaahi, kaas oo ay kaga warameen arrintii loo xidhay iyo sidii loo siidaayey iyada oo aan maxkamad la geyn.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Hargeysa, Mudane Xamarji iyo Oday Deyr Maxamed Cilmi, waxa labadaba loo xidhay Qaraxii ka dhacay xarunta Golaha Guurtida Arbacadii Toddobaadkii aynu soo dhaafnay, kaas oo Wasiirka Arrimaha Guduhu ku eedeeyey inuu ka dambeeyey xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE. Waxayna shirkaa jaraa’id ku sheegeen in xarunta C.I.D-da ay ku xidhnaayeen, isla markaana aanay jirin haba yaraatee, wax laga weydiiyey eedaynta idaacadaha laga sheegay iyo wax maxkamad ah oo la geeyey.

“Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaanu kaa sugeynaa annagu haddaanu nahay KULMIYE ah, waxaad tidhi Qaraxii waxaa ka dambeeyey KULMIYE. Wasiir Masuul ah baad tahay, wasaaradda Daakhiliguna waa wasaaradda ugu masuulsan dowladda, waayo waxay masuul ka tahay amniga – taa caddaynteedii ayaa annaga oo KULMIYE ah iyo shacbiga Somalilandba kaa filayaan,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdulqaaddir.

Waxana uu sheegay Guddoomiyekuxigeenku in haddii wasiirku soo caddayn waayo eedayntaas, balse uu raalli gelin caam ah ka bixiyo gefkaas uu xisbiga KULMIYE aqbalayo, kana saamaxayaan. Hase yeeshee, waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdulqaaddir in haddii Wasiirku keeni waayo caddayn iyo raalligelin midna, markaa xisbiga KULMIYE aanu kaga hadhi doonin arrintaas, maxkamadna ay la tiigsan doonaan.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Hargeysa, Axmed Cumar X. Cabdillaahi (Xamarji) iyo Oday Deyr Maxamed Cilmi oo isaguna ka tirsan odayaasha xisbiga KULMIYE, waxa si toos ah loogu eedeeyey inay ka dambeeyeen qaraxii ka dhaxay xarunta Golaha Guurtida, 09 April. Hase yeeshee, waxay labaduba sheegeen in aan la ogeyn wax maxkamad ah oo dacwad lagaga soo oogey, balse, booliskii xidhay uun ay siidaayeen, waxayna ku tilmaameen xadhigooda mid ay ka dambeysey siyaasad oo ay amarkiisa bixiyeen Wasiirro beelahooda ka soo jeeda.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Hargeysa, Mr. Xamarji ayaa isagu sheegay inuu tegey Xarunta CID-da markii uu ogaadey in boolisku doondoonayo, isla markaana waxa uu sheegay in Wasiirka Arrimaha Gudaha, mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) uu telefoon ku soo amray xadhiggiisa, sidaana lagu xidhay. Waxana uu sheegay in muddo Afar maalmood ah oo uu xidhnaa aan haba yaraatee, waxba la weydiin, BBC-dana uu ka maqlay keliya in loo haysto qaraxii Guurtida.

Xamarji waxa uu intaas ku daray in maalintii la siidaayey habeennimadeedii Wasiirka Arrimaha Guduhu ugu yimi halkii uu ku xidhnaa oo ah xarunta CID-da, isla markaana uu u sheegay in uu siideynayo, balse, waxa uu sheegay Xamarji inuu ka diidey, kana dalbaday in uu u baahan yahay in caddaaladda la horgeeyo oo maxkamadda horteeda uu kaga caddaado dembiga lagu eedeeyey ama uu ku caddaan waayo.

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ee KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa isaguna arrintan faahfaahin ka sii bixiyey. Waxana uu sheegay in sidoo kale, Deyn Maxamed Cilmi oo ah oday caan ah oo reer Burco ah uu ugu tegey xarunta CID-da ee uu ku xidhnaa Wasiirka Hawlaha Guud, mudane Siciid Sulub, isla markaana Wasiirku u sheegay Deyr in uu isagu soo xidhay, iminka uu isagu siideynayo.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo Khamiistii ka hadlayey xaflad loo sameeyey sannadguurada 2aad ee Wargeyska Geeska Afrika oo lagu qabtay Hotel Ambassador, waxa uu sheegay in labada wasiir ay la gorgortameen masuuliyiintaas intii ay xidhnaayeen oo u sheegeen inay siideynayaan, lacagna ay qaataan.

Guddoomiyuhu ma sheegin waxa lagaga beddelanayey lacagtaas. Hase yeeshee, warar xog ogaal ah ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Guduhu uu weydiistey Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka, Mr. Xamarji in aanu saxaafadda la hadlin marka uu siidaayo, lacagnauu qaato, balse, uu ku gacan saydhay.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, waxa kale oo uu xusay laba caaqil iyo Oday iyaguna reer Hargeysa ah oo la xidhay maalmihii la soo dhaafay, kuwaas oo uu sheegay in sababta loo xidhay ay ahayd iyaga oo ka soo horjeestey go’aanka Guurtidu muddada xilka ugu kordhisey Madaxweyne Riyaale, isla markaana taageeray mawqifka xisbiyada iyo Komishanka. Waxana uu ku tilmaamay xaqdarro xadhigga odayaashaas, isaga oo sheegay in telefishanada habeenkasta laga siidaayo odayaal iyo dad la soo ururiyey oo taageeraya go’aanka Guurtida.

Axmed Siilaanyo, waxa uu u soo jeediyey ciidamada Booliska Somaliland in ay ogaadaan in sharciga loo siman yahay, isla markaana ay sharciga ilaaliyaan, maadaama ay yihiin boolis qaran, balse, aanay cid gaar ah u adeegin.

Guddoomiyuhu waxa uu ku dhalliilay saxaafadda oo faafisay eedayntii hore ee Wasiirka Arrimaha Guduhu u jeediyey xisbiga KULMIYE iyo masuuliyiinta loo xidhay qaraxii Guurtida in aanay dabagal ku samayn, isla markaana aanay weydiin wasiirka.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe oo isaguna xafladdaasi ka hadlay ayaa qaraxyadaas ku eedeeyey Xukuumadda. Waxana uu ugu baaqay inay joojiso qaraxyada.

Faysal Cali Waraabe isaga oo dadka u xaqiijinaya in nabadgelyo xumo aanay dalka ka dhacay, waxa uu yidhi, “Dadka dibadaha waxaan leeyahay iyo kuwa gudahaba ee reer Somaliland, wax dhibaato ah oo dalka ka dhacayaa ma jirto”.

“Bahashan Shaanida yar (Qaraxyada) ee la tuurayona xukuumaddaa waddae ha joojiso,” ayuu raaciyey. Waxana uu sheegay in dad reer Boorame ah uun lala beegsanayo, isaga oo xusay Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Cabdi Xasan Buuni iyo Wasiirka Warfaafinta oo labadaba la sheegay in guryahooda bam lagu qarxiyey wakhtiyo kala duwan.

Faysal waxa uu sheegay in taasi ay muujinayso in waxani ay ka socdaan meelkeliya, loolana jeedo in dadka loo tuso in Daahir Riyaale loo eryanayo reernimo.

Dhaqanka Qaraxyada:

Qaraxii ka dhacay xarunta Golaha Guurtida, Arbacadii 09 April oo dhacay 12:00 duhurnimo saacado kadib markii uu xidhmay fadhi goluhu doonayey inuu ku ansixiyo go’aan uu muddada xilka ugu kordhinayo Madaxweyne Riyaale oo dib loo dhigay maalintaas ayaa xukuumaddu si toos ah ugu eedaysay Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, iyada oo wasiirka Arrimaha Guduhu sheegay in ay qaraxaas u qabteen nin ka tirsan xisbiga KULMIYE, kaas oo ah oday Deyr Maxamed Cilmi.

Qaraxa oo ka dhacay qol ka tirsan xafiisyada Golaha Guurtida oo cilo ahaa, ma jirto cid wax ku noqotay. Waxana uu Taliyaha Boolisku sheegay isla maalintaa inay u qabteen Lix qof oo saddex ka mid ahi ay ahaayeen shaqaalaha Golaha Guurtida, marka laga reebo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Hargeysa oo isaga la xidhay maalin kadib, waxana uu sheegay in dhakhso maxkamad loo horgeyn doono dadkaas.

Hase yeeshee, dhammaan dadkii loo qabtay qaraxaas ayaa la siidaayey iyada oo aan maxkamad la horgeyn, mana jirto cid lo ohayo.

Deyr Maxamed Cilmi iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka, Xamarji, waxa ku weheliyey oo la xidhnaa labada nin oo kale oo mid ka mid ah lala qabtay Oday Deyr. Waxayna sheegeen in ninka kale oo ka mid ahaa dhallinyarada Jabhaddii SNM, laguna naanayso Qulka uu u sheegay in isaga 7 jeer loo xidhay loo xidhay qaraxyo ka dhacay Hargeysa, markasta oo qarax ka dhaco magaaladana isaga la qabto, haddana la siidaayo iyadoo aan marna maxkamad la geyn.

Marar badan ayaa qaraxyo sidan oo kale ahi ka dhaceen magaalada Hargeysa sannadihii la soo dhaafay, kuwaas oo xukuumaddu sheegto markasta inay dad u qabqabatay, waxaana la ogyahay in aanay jirin ilaa iyo hadda cid maxkamad lagu soo taagey eedaynta qaraxyadaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka warramayey qaraxii ka dhacay Guurtida ayaa sheegay in qaraxaas iyo mid ka horreeyey oo 06 April ka dhacay Guriga Jaamac Sweden oo xubin ka ah Komishanku inay ka duwan yihiin qaraxyadii hore, isaga oo qaraxyadan dambe si cad dusha uga saaray xisbiga KULMIYE. Sidoo kale, qarax ka dambeeyey habeenimadii Sabtida laga maqlay duleedka Taliska Guud ee Booliska ayaan ilaa iyo hadda cidna lagu eedayn, isla markaana la ogeyn cid loo qabtay.

Waxayna dad badani u arkaan qaraxyadan kuwo faashil ah oo ay ka dambayso xukuumadda lafteedu, laguna soo beego xilli ay jiraan xaalad siyaasadeed oo ay xukuumaddu doonayso inay dadka ku jeediso mucaaridka ama ay ku abuurayso xaalad nabadgelyo oo ay foodsaaro uga dhiganayso inay qaaddo tallaabooyin ay dad ku xidhxidhayso.

Tusaale ahaan, qaraxyadan oo aan wax qasaaro ah geysan, waxay kuwan u dambeeyey u dhaceen sidan:

30/03/08 – Habeenkii Axaddu soo gelaysey waxa bam aan cidina waxba ku noqoni uu ka dhacay Guriga Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Cabdi Xasan Buuni. Waxana uu ku beegnaa maalintii 2aad ee Shirweynaha 2aad ee Xisbiga KULMIYE.

05/04/08 – Waxa Qarax bam oo aan cidina wax ku noqon lagu sameeyey Guriga, Jaamac Sweden, xubin ka tirsan Komishanka Doorashooyinka Qaranka, laguna dhalliilo inuu si badheedh ah ugu xagliyo Xukuumadda iyo Xisbiga UDUB, isaga oo ka mid ah Saddexda xubnood ee Komishanka ee Madaxweynuhu soo xulay. Waxana uu dhacay kadib markii Guddoomiyekuxigeenka Komishanka Doorashooyinka, Xirsi Cali X. Xasan uu maalinnimadii shaaca ka qaaday in xukuumaddu faragelin joogto ah ay ku hayso Komishanka, isla markaana uu iscasilayo. Hadalka Guddoomiyekuxigeenka ayaa waxa uu ka dambeeyey markii xukuumadda iyo Xisbigeeda UDUB oo kaashanaya xubno ka tirsan Komishanku ay ishortaageen go’aan Komishanku ka gaadhey 04 April cabasho labada xisbi ee mucaaridka ahi ku gudbiyeen liisaskii guddiyada Komishanka ee Saddexda Gobo lee Galbeedka Dalka, kaas oo la doonayey in subaxnimadii 05 April ay wada saxeexaan Komishanku. Waxa kale oo uu Guddoomiyekuxigeenku hadalkiisaa ka hor-degey oo uu sii fashiliyey go’aanka khilaafka adag dalka geliyey ee Guurtidu muddada xilka ugu kordhisey Madaxweynaha, kaas oo wakhtigaa uu u soo bandhigay Komishanka.

08/04/08 – Waxa qarax ka dhacay xarunta Golaha Guurtida. Waxana uu dhacay qaraxaasi, kadib markii Komishanku baajiyey Fadhi Guurtidu doonaysey inay muddada xilka ugu kordhiso Madaxweyne Riyaale, kaas oo loogu talagalay in si kedis iyo lama filaan ah loo meel mariyo, balse, Komishanku.

Khatarta laga werwerayo:

Intii ay soo baxeen xaqiiqooyinka muujinaya in xukuumaddu ku lug leedahay qaraxyadan oo aan wax khasaare ah geysan marna intii la maqlayey, waxa soo baxay werwer dad badani ay ka qabaan in ay suuragal yihiin mu’aamarado iyo shirqoollo lala beegsado siyaasiyiinta mucaaridka oo lagu fuliyo gacan-qarsoon, iyada oo dadka werwerkan qabaa ay ku doodayaan in dhaqanka dadka reer Somaliland aanay ku jirin shirqool iyo in gacan dahsoon wax lagu dilo. Sidaa darteed, qaraxyadani ujeeddada siyaasadeed loo adeegsanayaa ay yihiin wax ka baxsan dhaqanka dadka reer Somaliland, horseedna ay u noqon karaan shirqoollo waaweyn oo soo socda.

Xigasho / Somaliland.org, Hargeysa.

Qaylo dhaanta Abaaraha iyo Biyo la’aanta sii kordhaya iyo Geerida Aabe iyo Inantiisii

Qaylo dhaanta Abaaraha iyo Biyo la’aanta sii kordhaya iyo Geerida Aabe iyo Inantiisii

“Gabadha yari way soo baxsatay, haraad ayaana dilay, Aabeheed oo soo qaadayna meel dhexe ayuu ku dhacay.”Gudoomiyaha Degmada Duruqsi

Hargeysa (Ogaal)- Laba ruux oo is-dhalay, ayaa la sheegay inay harraad ugu dhinteen Degmeda Durukhsi, oo ka tirsan Gobolka Togdheer, isla markaana ka mid ah degaamada sida ba’an abaaraha iyo biyo la’aantu u saamaysay.

Guddoomiyaha Degmeda Durukhsi Axmed Cabdillaahi Gaab-yoome, oo xalay khadka talefoonka aanu kula xidhiidhnay isaga oo jooga magaalada Burco, ayaa noo xaqiijiyay geerida labadaa ruux oo la kala odhan jiray Cabdi Maxamed Cismaan iyo inantiisii Aamina Cabdi Maxamed. “Shalay (Dorraad) ayaan ka soo kicitimay Degmeda Duruqsi, oo runtii xaalado culus oo abaaro ba’ani keeneen ay ka jiraan, oo aan xamili kari waayay inaan sii joogo, isla markaana ay khasab igu noqotay inaan u soo qaylo-dhaan geeyo degaankaas oo saddex bilood biyo-dhaamis ka socday.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Duruqsi. Isaga oo ka waramayay sida ay aabahaas iyo inantiisu ugu geeriyoodeen harraadka, waxa uu yidhi, “Nin la yidhaahdo Cabdi Maxamed Cismaan, ayaa inan yar oo uu dhalay oo Aamina Cabdi Maxamed la yidhaahdo ka soo baxsatay, oo todoba jir ahi. Isaga oo raadinaya ayuu u yimi, inantii yarayd oo geed ugu dhan-qalantay harraad dartii. Ninkii maydkii inanta yar, isaga oo soo qaaday ayuu isagiina meel dhexe ku dhacay. Dabadeedna, qayla-doonka ayaa na soo gaadhay, waanu u tagnay, labadiibana iyaga oo mayd ah ayaanu u tagnay!” Mr Axmed Gaab-yoome, oo werwer badan ka muujiyay xaaladdaha nololeed ee dadka iyo duunyada degaankaas, waxa uu intaa ku daray, “Waxaan markhaati ka ahay hada wixii ka dambeeya inay xaaladu sii cuslaanayso, iyada oo wax ay xoolihii cunaan jirin, biyihiina foostadii ay marayso 100,000 Soomaali Shillin ah. Markaa gurmad deg-deg ah, ayay dadka deegaankaasi u baahan yihiin.”

“Waxa jirtay dhawaan Gurmad uu hogaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenku oo wakiilna uu gobolka uga yahay Wasiir-ku-xigeenka Ganacsiga Cabdixaliim Maxamed Aw-Muuse. Marka aan degmeda xisaabiyo waa 22 goobood, mid aanay 4 booyadood gaadhinina ma jirto ugu yaraan, qaarna shan ayaa gaadhay. Way ku ladnaadeen dadku. Balse, muddo hadda shan maalmood laga joogo ayay abaartii soo laba-kaclaysay, waxay noqotay dhul-kaa-dheer, Cir-kaa-dheer, taasoo ku keentay xaalad culus dadkii degaanka,” ayuu hadalkiisa raaciyay Guddoomiyaha Degmeda Duruqsi Axmed Gaab-yoome. Mar aanu wax ka waydiinay sida ay biyaha xataa degmeda lafteedu u hesho iyo halka ay uga yimaadaan, waxa uu ku jawaabay, “Dee, dadka ninka wax iibsan karayaa waxa booyadaha laga soo kaxaystaa Burco. Isla markaana labada meelood ee biyaha ugu dhawi waa meel Gaashaamo (Itoobiya) ka shishaysa oo 120km u jirta iyo Burco oo 116km u jirta.” Mar aanu wax ka waydiinay xaaladda siddaas ah wax yididiilo ah oo uu ka qabo gurmad xukuumadda iyo hay’addaha toona uga yimaada, waxa uu ku jawaabay, “Haa, oo saaka (shalay) markaan Guddoomiyaha u tagay, wuxuu igu yidhi, waan cusubahay, saaka (shalay) ayaan xafiiska iigu horaysa, bal hay’adahana waan la kulmayaa, Ganacsatadana waan la kulmayaa, aniguna (guddoomiyaha duruqsi) waan u sheegay in xaaladu adag tahay, oo si deg-deg ah wax loogu baahan yahay.” Waxaanu intaa ku daray, “Waxaan aaminsanahay hadii aan wax roob ahi di’in, in intooda badan dadkaasi halis noloshoodu ku jirto.” Mar uu ka hadlayay dedaallada kale ee ay sameeyeen, wuxuu yidhi, “Saaka (shalay) dadka ka soo jeeda deegaanka waan la kulmay, si fiican ayaan ugu waramay, waxaanay yidhaahdeen berri (maanta) aynu isu-nimaadno. Anaguna maamul ahaan wixii aanu tari karaynay waanu qabanay, ilaa 10 booyadood ayaanu geynay, oo intaan booyado kaxaystay ayaan ilaa dorraad (maalin afraad) uga soo dhaamiyay Shimbiraale oo 20km Gaashaamo koonfur ka xiga, halkaas oo roobabkii da’ay biyo geliyeen, markaa gurmad deg-deg ah ayaa dadkaasi u baahan yahay.”

Dhinaca kale, dadweynaha ku nool magaalada Laascaanood ayaa shalay goob fagaare ah ku tukaday Salaad Roob doon ah oo ay Eebbe kaga baryayaan in uu nimcadiisa u shubo.

Xigasho / Ogaal


Saxaafadda Maxalliga ah iyo Go’aamada uga Meelyaal Marxaladda kala Guurka

“Dawlad waxaan ugu necebahay ta saxaafadda xakamaysa, waxaanse ka sii necebanahay saxaafadda aan is xakamayn”

Abwaan Gaarriye

Hargeysa (Jam) – Kulan ballaadhan oo lagu lafagurayey doorka saxaafaddu ka qaadan karto marxaladda siyaasadeed iyo nabadgelyo ee dalku xilliga ku sugan yahay, ayaa shalay lagu qabtay hoolka shirarka ee huteelka Imperial ee magaalada Hargeysa.

Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin isugu jiray aqoonyahano, awbaano, qorayaal, madaxda iyo wariyayaasha hay’addaha warbaahinta madaxabannaan iyo kuwa dawliga ah ee dalka ayaa muddadii uu socoday waxa si weyn loogu lafoguray doorka ay saxaafaddu ka qaadan karto dejinta iyo xal-u-helida khilaafaadka siyaasadeed ee waxyeelayn kara nabadgelyada iyo xasiloonida oo xilligan kala guurka ah u muuqda kuwo bulshadu ka werwersan tahay.

Guddoomiyaha Guddiga Anshaxa iyo Kormeerka Doorashooyinka Qaranka Md. Aadan Baxnaan Xirsi oo kulankaa ka jeediyey hadalo isugu jiray waano iyo tusaalayn ku wajahan warbaahinta, ayaa ka waramay qiimaha ay leedahay saxaafaddu iyo kaalinta ay kaga jirto horumarka ummadda, sidaasi darteedna waxa uu u soo jeediyey inay saxaafaddu noqoto mid marba marka ka dambaysa ka horumarta oo ka korta waxyaabihii ay hore u soo martay, isla markaana ay ku dadaasho sidii ay u hanan lahayd quluubta bulshada ay wax u gudbinayso.

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) oo isna halkaa ka hadlay, ayaa gabayaaga ku tilmaamay qayb saxaafadda ka mid ah oo marba gabayga ay keento marxaladda waqtigaa lagu jiraa, sidaasi darteed waxa uu saxaafadda Somaliland inay tahay mid kaalin mug leh kaga jirta horumarka dalka, isla markaana ka furatay xilkii iyo hawshii ka gabayaa ahaan guud ka saarnayd ee ahayd u hadalka ummadda ee tilmaamida dhaliilaha iyo xaqal-daacyada jira.

“Gabaygu waxa uu ahaa xilligii dawladdii siyaad Barre isha qudha ee bannaanayd ee lagu sheegi karo dhaliilaha jira, taas ayaa keeni jirtay in aannu ka gabayno wixii jira, laakiinse iminka saxaafadda ayaa naga furatay oo annoo is leh arrin ka gabay ayuun baan arkaa iyadoo ku qoran Wargeyska Jamhuuriya, Haatuf, Geeska ama mid kaleba,” ayuu yidhi Abwaan Gaarriye.

Abwaan Gaariye waxa kale oo uu sheegay in uu ugu necebyahay dawladda xakamaysa saxaafadda xorta ah, balse uu aad uga sii neceb yahay warbaahinta aan iskeed u xilqaamin ee aan lahayn birmagaydo iyo xuduud celisa toona.

“Dawlad waxaan ugu necebahay ta saxaafadda xakamaysa, waxaanse ka sii necebanahay saxaafadda aan is xakamayn,” ayuu Abwaan Gaarriye raaciyey.

Qoraaga Boobe Yuusuf Ducaale oo isna kulankaa ka hadlay ayaa marxaladda maanta marayaan hadalada siyaasiyiinta dalka ku tilmaamay mid aad u halis ah oo had iyo goor ka werwero saamaynteeda. Waxaannu ugu baaqay saxaafadda in aanay gudbin cayda iyo aflagaadooyinka ay ka dhalan karto burbur ku yimaada qaranida Somaliland ee loo soo maray hawsha iyo halganka dheer.

Gebogabadii kulankaas, kadib markii ka qaybgalayaashu isku waydaarsadeen doodo dhaadheer oo ku qotomay qaabka warbaahintu u waji karto marxaladda waqtigan dalku ku sugan yahay, ayaa laga soo saaray qodobo la doonayo in lagu hago saxaafadda, taas oo la doonayo inay xakamo u noqdaan warbaahinta.

Guddoomiyaha Wargeyska Madaxabannaan ee Saxansaxo Mr. Cabdillaahi Cukuse oo halkaa ka akhriyey qodobada fadhigaa lagu go’aamiyey in lagu dhaqmo, ayaa yidhi; “Ujeedadii shirka aynu qabanay waxay ahayd doorka ay saxaafaddu qaadaynayso marxaladdan uu dalku galay ee ah werwerka bilaabmay ee dhinaca nabadgelyada ee ka imanaya hadalada ay iswaydaarsanayaa siyaasiyiintu, doorkeebay saxaafaddu qaadanaysaa ayey ahayd su’aasha aynu isugu nimi. Waxay qaadanaysaa oo go’aamo inoo ah:

1. In la joojiyo cayda tooska ah ee shakhsi-cayga ah ama qabiil-cayga ah ama koox-cayga ah;

2. Erayada colaada hurin kara ee waanu dagaallamaynaa iyo waanu xidhxidhaynaa in aanay saxaafaddu gudbinin;

3. Karaamo-dilka qofka in aanay saxaafaddu gudbinin;

4. Shirarka jaraa’id sideebaa lagu xakamayn karaa inay noqdaa qaar masuuliyadi ka dambayso, markii aannu fikirnay waxaannu garanay waqtigan shirarka jaraa’id waxa lagu bixiyaa lacag yar, laakiin in hay’addaha warbaahintu ku soo rogaan inay lacag badan ka qaadaan, sidaas ayey ku yaraan karayaan.”

Mr. Cukuse waxa kale oo uu xusay in dhawaan mar kale la isugu iman doono shir uu ballanqaaday ururka saxaafadda iyo qorayaasha madaxabannaan ee SSJW, kaas oo lagu sii amba qaadi doono go’aamadan la isula meel dhigay kulankan.

Xigasho /Jamhuuriya Online

Press Release by the Expatriate Community of Somaliland – Somaliland American Council

Press Release by the Expatriate Community of Somaliland – Somaliland American Council

Somaliland American Council

Press Release

Immediately Press Release

April 14, 2008

Press Release by the Expatriate Community of Somaliland

Over the years the Somaliland expatriate community has been instrumental in supporting initiatives on towards democratization, self-determination and recovery undertaken by the fledgling state for the past 17 years. In the past, this has manifested itself in a number of ways including;

Both high-level and root based support towards the cause of obtaining recognition for a Republic of Somaliland built on a foundation of rule of law, accountability (including government), protection of civilians and the freedom of expression.

Peaceful mediation and reconciliation: the wider expatriate community has been involved in a number of initiatives aimed at ensuring dialogue between all relevant stakeholders, including on the importance of ensuring compliance with constitutional mandates and responsibilities on the political front.

In this context, the Expatriate Community categorically rejects and deplores the unlawful unilateral decision taken by Somaliland’s House of Elders (The Guurti) to extend the Presidential term by one year on Thursday, 10 April.

The Expatriate Community views this extremely fractious decision taken by the Guurti as jeopardizing the peace, stability and security of the fledgling state. Moreover, given the full agreement between the National Electoral Commission and all three parties of the State – the decision had no basis. The very legitimacy of the Guurti remains in question given the unconstitutional and controversial extension of mandate given to them unilaterally by President upon the expiration of their term of office last year.

Following the recent reports of explosions in Hargeisa, the Expatriate Community also urges all vested parties to engage in a full and transparent dialogue, including at the appropriate level by the International Community. At the same time, unfounded and uncorroborated allegations being leveled at various actors, including the opposition parties of the state should stop immediately.

Specific Recommendations

1. Government Responsibility: President Dahir Riyaale Kahin and his administration must fully obey the will of the people of Somaliland, its constitution and laws, and peacefully relinquish power upon the expiration of their term on May 15, 2008.

A reckless disregard of both the will of the people and the rule of law will have very grave and serious consequences destabilizing the very existence of Somaliland and squandering any remaining hopes for international recognition.

2. Rule of Law: The Government must fully comply with the Rule of Law, including its obligations under international law to ensure appropriate access to justice and fair trial. Specifically, we urge the government to release all political detainees incarcerated over past several days on unfounded allegations, including for expressing opposition to the recent Guurti decision. Any further escalation of tactics aimed at silencing democratic freedom of expression, including summarily detaining political opposition members (or other innocent civilians), members of the press and propagation of false accusations, will expedite the ongoing deterioration of the overall environment and will lead to the downfall of this increasingly oppressive regime.

3. Civil Disobedience: We urge the people of Somaliland to exercise their full rights and vigorously oppose this attempt at unlawful usurpation of power through any peaceful means at their disposal. This may include orderly and peaceful mass demonstrations, civil disobedience/sit-ins, refusal to pay taxes or other Government levies – until such a time as the will of the people is respected.

4. International/Donor Support: Building on the recent discussions between the political parties, the electoral commission and representatives of the donor community, the international/donor community must immediately mobilize high-level political support towards opening appropriate dialogue and mediation. Given the significant leverage wielded by the donor community, including through the provision of financial and diplomatic support, much can be achieved through timely and targeted interventions at the appropriate levels.

Somaliland American Council

president@somalilandamerican.com

About Somaliland American Council:

Somaliland American Council (SAC) advocates for the development of close relationship between the people of Somaliland and United States for their mutual benefit. SAC promotes democracy, governance, and human rights in Somaliland. For details about SAC please contact us at president@somalilandamerican.com

1307 Benicia Lane, Herndon, VA 20170 – USA www.somalilandamerican.com

Maraakiibta Maraykanka Ee Dayaarado Qaada Waa Been Inay Yimaadeen Magalaada Barbera Maxaa Se BBC da Ku kalifay Warkan Aan Jirin?

Madmadow Ka Dhashay Maraakiibta Maraykan Ah Oo Berbera Yimid

Maraakiib Dagaal oo Berbera Yimid?

Dhowaan waxaad halkan ka akhrisateen war ay soo daabacday wargayska Geeska Afrika oo ka hadlay warar tibaaxaya maraakiibta dagaalka ee Maraykanka oo xeebta Berbera ku soo dhawaaday iyo diyaaradaha Maraykanka oo ka soo fadhiistay kana kacayay madaarka. Sida wararkaasi loo soo tebiyay ayaa dadka qaarkii shaki ka muujiyeen. Waxa iyaduna wax ka qortay shakiga ku gedaaaman wararkaas jariidadda Haatuf (hoos ka akhriso warkaas – Maraakiib Iyo Diyaarado Maraykan Ah Oo Idaacadda BBC-du Sheegtay Oo Aanay Dadka Reer Berbera Arag).

Su’aalaha keenay shakiga ku gedaaman warkan waxa ka mida:

  1. Maraykanku sidiisaba muwaadiniintiisa socdaal ugu baxaysa Somaliland iyo Somalia wuxuu uga digaa khataro ku iman kara naftooda. Ciidamada Maraykankana waxa lagu yaqaannaa in meelkasta oo Geeska Afrika ah oo ay tegayaanba ay si taxadir leh ugu sii tabaabushaystaan si aan kooxaha xagjirka ah ee ay dagaalka iskula jiraan fursad ugu helin ay ku soo weeraraan nabarrana ugu gaystaan ciidamadooda. Markaa sidee bay ku suurtowday in diyaaradaha Maraykanku isku halleeyaan oo ay ka kacaa-fadhiistaan madaarka Berbera iyaga oo aan goobtaas u joogin ciidan sii xasilin kara nabadgelyada ciidankooda iyo diyaaradahooda?
  2. Yaa soo xaqiijiyay in Markabka ama Markabka ay saarnaayeen 6 diyaaradood maadaama la ogyahay inaan Maraykanku oggolayn in maraakiibtooda loo soo dhawaado kadib weerarkii lagu qaaday markabkiikoodaii USS Cole ee 12-kii October, 2000 ku soo xidhay xeebta Cadan, kaasoo ay ku dhinteen 17 ka mida ciidankooda xeebaha, isla markaana halista u galay inuu qaraqmo?

Jariidada Haatuf waxay ka qortay …


Maraakiib Iyo Diyaarado Maraykan Ah Oo Idaacadda BBC-du Sheegtay Oo Aanay Dadka Reer Berbera Arag

Berbera, April 16, 2008 (Haatuf) – Weriyaha Laanta Af-Soomaaliga Idaacadda BBC-da u jooga Hargeysa, ayaa Xalay Barnaamijkii Caweysnimo ee Idaacaddaas ka sheegay in ay shalay galabtii Berbera yimaadeen laba Markab oo ah nooca diyaaradaha dagaalka xambaara ee Maraykanka, kuwaas oo sida uu sheegay ay ugu yaraan lix diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ee Helicopter-ka ahi ka soo duuleen isla markaana ay soo fadhisteen madaarka Berbera oo ay marba dhinac kaga soo degayeen.

Hase yeeshee weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil, Axmed Aadan Dheere, ayaa sheegay in wakhtiga BBC-du sheegtay inay yimaadeen Maraakiibtaasi Berbera uu isagu xeebta xaga madaarka Berbera marayay isla markaasna aanu arag wax diyaarado ah oo Madaarka soo fadhiisanaya amaba ka duulaya. Sidoo kalena aanay indhihiisu qaban wax maraakiib ah oo badda taagan ama ay diyaarado ka soo duulayaan. Sidoo kale qaar badan oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Berbera iyo nawaaxigeeda oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaa sheegay inaanay arag wax diyaarado ah ama maraakiib ah oo halkaas yimid.

Weriyaha oo markii ay BBC-du warkaas sii daysay weraystay dadweynaha reer Berbera ayaa dhammaantood waxay isku raaceen inaanay arag diyaarado iyo maraakiibta la sheegay isla markaana aanay maqal guuxooga.

Mar aanu la xidhiidhnay wasaaradda Difaaca Maraykanka waxa ay sheegeen inaanay xilligan jirin Maraakiib kuwa diyaaradaha qaada (military Aircraft Carrier) oo Maraykan ah oo ku sugan Biyaha badda Cas ee gacanka Cadmeed ee u dhexeeya Yemen iyo Somaliland iyo xataa Badweynta Hindiya toona.

Waxa kale oo ay wararku sheegeen inaanay maraakiibta diyaaradaha xambaaraa ku soo xidhan karin dekedda Berbera, sababta oo ah iyadoo aan u diyaarsanayn inay Maraakiibta noocaas ahi ku soo xidhan karaan.

Hase yeeshee dad badan ayaa warkan u arkay inuu yahay mid olole loogu samaynayo Xukuumadda Madaxweyne Riyaale oo weji gabax kala kulantay muddo-kordhintii ay 10/4/2008 Golaha Guurtidu u sameeyeen muddada xilkeeda.

Waxa kale oo la sheegay in sababta muddo-kordhinta keentay tahay Madaxweynaha oo rajaynayay in Maraykanku yimaado Berbera taasina ay u noqoto hal-ku-dheg uu doorashada ku galo oo uu bulshada cod kaga helo inuu waxqabadkiisu keenay inuu Maraykanku yimaado Berbera, isagoo rajaynayay markii hore inay bishii January ee ina dhaaftay Maraykanku yimaadaan Berbera, ilaa haatana aanu ka quusan taasi, inkastoo aanu Maraykanka ka haysan balanqaad la taaban karo, haddana Madaxweynuhu isagoo ilowsan doorashooyinka Maraykanka ka dhacaya bisha November ee soo socota weli wuxuu maanka ku hayaa in Maraykanku mar uun yimaadaan Berbera ka hor inta aanay qabsoomin doorashooyinka Madaxtooyada Somaliland, si uu labadaa arrimood iskugu beego-na Madaxweyne Riyaale waa sababta ku keliftay inuu golaha Guurtida uga qiil-samaysto sidii muddada loogu kordhin lahaa.

Dhinaca kale Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Siciid Cadaani Mooge oo aanu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaa sheegay inaanay waxba ka ogeyn diyaaradaha iyo Maraakiibta dagaalka ee Maraykanka ee BBC-du sheegtay inay yimaadeen Berbera, waxaanu xusay in isaguba uu Idaacadda BBC-da ka maqlay uun.

Dhinaca kale, saanaddii hubka ahayd ee dorraad ciidamada bileyska iyo milaterigu ku qabteen magaalada Burco, ayaa la sheegay inaanay haba yaraatee aanay jirin cid loo qabqabtay, isla markaana ay ciidamada hawl-galka fuliyay gaadhi uun dabada u galeen guriga hubku yaalay, waxaana taasi shaki gelisay dadka, isla markaana waxaa loo malaynayaa inuu ahaa hawlgalkaasi ahaa mid iska qorsheysan oo looga jeedo uun in rayil-caamka laga jeediyo muddo-kordhinta Guurtida ee dadweynuhu si aadka ah uga soo horjeedo.

Ugu Dambayn xukuumada Dahir Rayaale waxay miciin mooday inay tidhaahdo maantana Maraakiibtii ciidamada Maraykan aya dekedii Berbera ku soo xidhay si ay dadka u jaha wareeriyaan. Hore ayaa waxaa lagu yaqaanay xukuumada Dahir Rayaale inay tahay been daboolan oo eray xalaal ah aan aqoon dalkana ku noqotay la hadh aan waxba u tarin waxay yeesho mooyane.

Kulanka Jaalayadda Somaliland Ee Wales Iyo Hon Alan Michael MP

Kulanka Jaaliyadda Somaliland ee Wales iyo Mr. Alun Michael MP.

“Waxaa leyga waramay shireweynahii KULMIYE oo si fiican oo dimuquraadi ah u dhacay, waanan ku hanbalyeynayaa. Waxaanan rajeynayaa in xisbiyada kale taas oo kale samayn doonaan” Alun Michael

Jimcihii 11/04/08 waxa ka dhacay magaalada Cardiff Shirweyne ay isagu yimaadeen Jaaliyadda Soomaliland ee Wales iyo wafdi dawladda Britan iyo tan Wales isagu jira. Dhinaca barlamaanka Britan waxa matalaayey Alun Michael MP oo isla markaas Guddoomiye u ah Ururka Xildhibaanada u ololeeya Soomaliland – U.K All Party Somaliland Group.

Xukuumadda Wales waxa ka socday Mr. John Townley oo ah madaxa Xidhiidhka Caalamiga ee Horumarinta Wales International Development Department, iyo Mr. Vaughan Gething oo ah xildhibaan dawladda hoose ee Cardiff lagana doorto xaafadda Butetown oo ah degaan Soomalilanderku ku badan yahay. Waxa jaaliyadda hoggaaminayey Guddoomiyaha Axmed Xasan Carwo iyo Agaasimaha Cabdikarim Cabdi Aaden.

Shirka oo nuxurkiisu ahaa xogwaran iyo iswareysi la xidhiidha xidhiidhka wax-wado qabsi ee Wales iyo Somaliland gaar ahaan Mashruuca Isku-xidhka iyo iskaashiga Soomaliland iyo Wales, ( Somaliland Wales Link). Waxa lagu soo bandhigay mashruuca Isku-xidhka Somalialnd iyo Wales iyo Xogwaran dheer oo Alun Michael ka akhriyey madasha lana xidhiidha waxqabadka Ururka Xildhibaanada ee taageera Soomaliland iyo socdaalkii ay ku soo mareen Soomalialnd.

Waxa shirka lagu furay aayado Quraanka Kariimka ah oo uu akhriyey Xasan Maxamed. Waxa xigtay soo dhoweyn diiran oo uu madasha ku furay Guddoomiye Axmed Xasan Carwo. Waxuu Axmed yidhi “ Waxaa sharaf ii ah inaan maxfalkan ku soo dhoweeyo marti odhanmaayee saaxiibkeena weyne ee Alun Michael oo xidhiidh jaaliyadda la lahaa muddo ku dhow soddon sano, 20 ka mid ahna uu inoo ahaa wakiilka inagu matala Barlamaanka Britan. Sidoo kale waxa maamuus iyo qadarin inaga mudan Sarkaalka sare ee Xidhiidhka Horumarinta Caalamiga ee Wales, Mr. John Townley.

Waa nin hormood ka ah mushruuca Isku-xidhka Somaliland iyo Wales. Waxa isna inala jooga oo shirka inoo guddoomin doona xildhibaanka aynu doorano ee Xaafadda Butetown Mr.Vaughan Gething. Waxa iyana inoo xogwarami doona labada sarkaal ee xafiiskeena dhowaana ku tegay dalkii socdaal shaqo waa Agaasimaha Cabdikarim iyo Harris.Ugu dambeyn waxaan mahad qaali ah u naqayaa xubnahiina sharafta leh ee sida quruxda badan dhalin iyo waayeelba uga soo qayb galay shirkan. Waxaanan inoo rajeynayaa inuu noqdo mid waxtar iyo taakulin ku biiriya xidhiidhka labada dale e soo jireenka ah. Waxa jaaliyad ahaan inoo sharaf ah inaynu nahay biriijka isku xidhay labadeena dal.

Intaas dabadeed waxa hoggaaminta shirka la wareegay Xildhibaan Vaughan oo warbixn kooban ka sheegay taariikhda Jaaliyadda iyo kaalinta ay kaga jirto bulsho weynta Wales. Waxuuna u yeedhay Mr John Townley inuu ka warbixiyo mashruuca Isku-xidhka. John waxuu aad uga waramay ujeedada ah in jaaliyadda Soomaliland ee Wales iyo bulsho wenyta Soomaliland ay marwalba isku xidhnaayeen, tan la rabaan tahay in xidhiidhkaas loo gudbiyo labada dal iyo bulshada kale ee Wales. Waxa mashruucu taaban doona isku-xidhka Isbitaalada, iskuulada iyo Jaamacadaha , Golayaasha Sharcidejinta , Golayaasha Dawladaha Hoose iyo meelaha kale ee loo baahdo.

Waxa makarafoonki ku wareegay Agaasime Cabdikarim iyo Harris oo si qotodheer uga waramay socdaalkii ay ku tegeen dalka. Cabdikarim waxuu yidhi “ Waxaanu soo aragnay baahi aad u ballaadhan iyo dedaal dad iyo dawladba loogu jiro taakulinta mashruuca Isku-xidhka Soomaliland iyo Wales. Waxaanu soo aragnay Isbitaalo, iyo iskuulo aad u dayacan oo u baahan taakulin dhan walba ah. Waxaanu marnay 4 Gobol oon iskuulo iyo isbataalo si gooni gooni ah u eegnay, si aanu ugu xidhno dhigood oo Wales. Waxa kale oon xidhiidh la yeelanay labada Gobo lee kale oo aanu socdaal kale ku tegi doono.”

Haaris ayaa ku biiriyey sida diiran ee dalka loogu soo dhoweeyey iyo kulan ay la yeesheen Madaxweynaha, Wasiirada iyo Wakiilada, Maayarada, Xisbiyada, NGOska iyo Maamulada Gobalada oo dhammaan aan waxba kala hadhin soo dhoweyntooda . Waxuuna ku ammaanay dedaalka dadweynahu ay ugu jiraan inay horumar gaadhaan. Waxuuna si gaar ah u ammaanay dimuquraadiyada iyo hawlaha ay hayaan seddexda xisbi.

Intaas dabadeed waxa hadalka lagu soo dhaweeyey Mr. Alun Michael MP. Waxuu Alun akhriyey qudbad aad u dheer qiimo badan oo tabanaysa arrimo badan oo ku saabsan Soomaliland iyo Jaaliyaddaba. Waxuu soo dhoweeyey mashruuca isku-xidhka labada dal oo uu ku tilmaamay mid loo bahan yahay ka midhodhalintiisana xil weyni ka saaranyahay Jaaliyadda iyo Maamulka Wales oo uu aad ugu mahadnaqay sida ay wax u wadaan. Waxuu u galay arrimaha siyaasadda iyo socdaalkii ay Somaliland ku tageen Waxuu yidhi: “Waxaan ahay Guddoomiyaha Ururka Xildhibaanada Barlamanka Britan ee taageera Soomaliland. Waxaanu aad ugu dadaalnaa oon guulo badan ka gaadhnay ictiraaf-doonka iyo taakuleynta dhaqaale ee Soomaliland. Si gaar ah waxaanu meel kasta ka iibinay oo la garwaaqsaday geedisocodka dimuquraadiyadda ay Soomaliland keligeed gaadhay.

Taas oo aanu dawladaha Yurub ku qanacsan yihiin in la taageero dhismha hay’adaha dimuquraadiga ah iyo doorashooyinka soo socda. Socdaalkayagii waxaanu soo aragnay dad isku tashaday oo u duuban midnimadooda iyo xoojinta dimuquraadiyadda iyo nabadgelyada, waxaanu la kulanay Xukuumadda, Wakiilada, Xisbiyada, NGOyada, iyo Jaamacadaha. Shir gaar ah waxaanu la galnay Guddiga Doorashooyinka. Muranada jiraa waa inay ku eekaadaan loolan siyaasadeed, waxaa se dhammaan aanu kala shaqaynaynaa in heshiis la wado gaadho, doorashadana si xor ah iyo cadaalad lagu maamulo, laguna dadaalo in waqtigeeda la dhigo. Waxaan xusuustaa in cod yar doorashadii madaxweynaha lagu kala helay. Waxaana ley xaqiijiyey in Mud. Siilaanyo uu ku qancay go’aankii Maxkamadda, diidayna codsi kaga imanaaya xisbiga oo lahaa aan diidno. Waana arrin faan u ah Soomaliland, ku dayashana leh, oo daris u nooqn karta Maraykan, iyo Zimbabwe, anaguna Britan ahaan waanu ku hanbalyeynay”

Waxuu Mr. Alun ku tilmaamay tartanka dimuquraadiyada oo marwalba mucaarid iyo muxaafid ka dhexeeyaa inuu yahay mid caafimaad oo ina tusaaya dimuquraadiyadii oo shaqaynaysa , yaan loo arkin xumaan. Mucaarid la’aan dimuquraadiyadi ma jirayso. Waa se in kol walba danta guud la wado ilaaliyaa. Waxaa leyga waramay shireweynahii KULMIYE oo si fiican oo dimuquraadi ah u dhacay, waanan ku hanbalyeynayaa. Waxaanan rajeynayaa in xisbiyada kale taas oo kale samayn doonaan. Waana guul kale oo Soomaliland ku faanayso.” Waxa kale oo uu xusay in Marwo Edna Ismaaciil ay Cardiff u iman doonto xagaagan si ay u guddoonto shahaadad sharaf ay siinayso Jaamacadda Wales , kuna saabsan waxqabadkeeda dhinaca caruurta iyo haweenka. Waana mid muujinaysa xidhiidhka wanaagsan ee labada ummadood. Waxaana shirweynahu sacab hanbalyo ah ugu soo dhoweeyey Marwo Edna iyo sharafta ay dalkeena u soo hoysay.

Shirka waxaa kalmad mahadnaq ah ka soo jeediyey Ibraahim Carab oo aad ugu mahadnaqay wafdiga iyo xubnaha jaaliyaddaba. Waxa xigatay dhowr su’aalood oo la wediiyey wafdiga. Waxaana ka mid ahaa sida ay u suuragaleyso in macalameen laga keeno Somaliand oo lagu tababaro dalkan. Jawaabta laga bixiyena ay tahay in ay qorshaha ugu jirto in tababar gaaban la siiyo macalamiin laga soo qaado dalka. Waxa iyana la weydiiyey dhibaatda Jaaliyadda haysata dhinaca caafimaadka, tacliinta iyo shaqo la’aanta. Taas oo looga jawaabay in Jaaliyadda,iyo Golayaashu kulan khaas ah ka yeeshaan.

Ugu dambeyn Su’aal la weydiiyey Alun oo ahayd waxa ictiraafka hortaagan. Waxuu kaga jawaabay: “ Horta dalkan Soomaliland xorriyad ayuu helay, muddo gaabana waxuu ahaa xor, taasi sharciyen waa mid suurtagal ka dhegeysa gooni-isu-taaga. Bal se ma jirto maxkamad taas fulin kartaa. Waana arrin u baahan dadaal dal dal loola xidhiidho. Waxaana la door bidayaa dalalka Afrika. Itoobiya waxay noo shegtay inayna ugu horreynayn oo taariikh ahaan ay adagtay. Laga yaaba in South Afrika bilowdo. Dadaalka runta ahi waa kan laga doonaayo reer Soomaliland. Waxaana lagu taliyaa inay wadahadal ka yeeshaan iyaga iyo Soomaliya, ma se la oggola in dhismaha dimuquraadiyada ee Somalialnd la wiiqo. Taas ayaana aanu mabda’ ahaan daafacnaa.”

Shirkiisi waxuu ku dhammaaday guul, sacab iyo farxad loogu wanqalay Mashruuca Mataanaynta Soomalialnd iyo Wales oo aad loogu hanweyn yahay.

Ahmed Hassan Arwo

Guddoomiyaha Jaaliyadda
Soomaliland ee Wales, Cardiff

Email: samotalis@gmail.com

Xildhibaan Yusuf Maxamed Cabdi ( Tuke ) Oo Waraysi Siiyay Cabdirizaq Cismaan Fadal

Oslo 15 Apr. 2008 - Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cabdi “Tuke” oo ka tirsan xildhibaanada golaha wakiilada JSL kana soo baxay xisbiga KULMIYE, isla markaana ka mid ahaa xildhibaanadii hawsha shaqo ku yimi Boqortooyada Ingiriiska. Ayaa wuxu jaaliyadda SL ee Oslo shir kula yeeshay xarunta jaaliyadda12/04/08. Haddaba waxa maanta14/04/08 wareysi khaas ah la yeeshay anigoo ah Cabdirisaaq Cismaan Fadal. Wareysigaa oo dhinacyo badan taabanaya wuxuu u dhacay sidan:

S/: Mudane Yuusuf waxad warbixin kooban naga sii socdaalkaagan?

J/: Waxan ka mid ahaa xildhibaanadii lagu soo casuumay dalka Ingiriiska. Hawlahayagii halkaasu kolkii ay dhamaadeen waxay noqotay in jaaliyadaha kale ee reer SL in aan u warano. Sababaha aan halkan Norway u imina waa sababtaa. Kolkaa jaaliyadda oo isku dhan ayaan u waramay 12/04/08. intii ka dambeyseyna hawlo xisbiga KULMIYE ee aan ka tirsannahay ayaan ku guddo jiray dhakhsona waxa ugu noqonayaa Ingiriiska ka dibna waxan tegayaa dalkii.

S/: Dalkan Norway wax masuuliyiin ama xukuumada ha noqoto ama Baarlamaanka ha noqdeene ma la kulantay?

J/: May muddo yar oo dhawr cisho ah baan joogay cidna kalamaan kulmin. Jaaliyadda iyo xisbiga uun baan shirar gaar-gaar ah la lahaa iyaguna imika waa gaba-gabo.

S/: Xaalada dalkii xilligan imika lagu jiro is mari waa baa jira Guurtidu waa tii xilliga u kordhisay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Dhanka kale komishanku waa kuwii ay isla ogolaadeen Saddexda xisbi xilliga doorashooyinku dhacayaan. Ka xildhibaan ahaan iyo ka xisbi ahaan xaalada dalku sidan ay ku sugan tahay sidee ayaad u aragtaa?

J/: Walaahi waa nasiib daro in geedi socodkeenii dimuqraadiyadda iyo halgankii qadhaadhaa ee aynu soo marnay ee SNM aynu dib ugula soo noqonay gobonimadeena kuna asaasnay JSL in himilooyinkii meel lagaga dhaco waa nasiib daro. Is mariwaaga imika taagani ma qeybsana waa dhinac waana dhinaca xukuumada. Xeerka doorashada waxa had iyo goor asaas u ah axsaabta tar-tarmeysa waxa ay ku heshiiyaan. Kolkaa komishanka ayaa u UDUB dhexaad ah. Iyadoo dimuqraadiyadeenan curdinka ah la doonayo in lagu wado sawo-sawo iyo in ay doorashooyinku inoogu qabsoomaan si cadaalad ah. Waa adigii ogaa wixii axsaabta iyo gudiga doorashadu ku heshiiyeen. Waxad moodaa taasu inay ka degi la´dahay xukuumada guurtidana iyagaa soo adeegsaday meel guurtidaasi arinta ka soo gashaana may jirin meel uga banaaneydna ma jirin waxa weeye waa waxay soo maamuleen xukuumadu. Waxaad moodaana in xukuumadan maanta taagani ilowday dhiigii dalkan loo soo daadiyey oo aanay ku talo galinba inay ka degaan meesha. Waxaana aad u sii cadaanaya arin dadka shacbiga iyo dadka siyaasada u dhuun daloolaaba odhan jireen oo aheyd xukuumadani diyaar uma aha in ay doorashooyin gasho ee waxay dooneysaa inay sidaa ku sii heysato dalka. Waxaanay noqoneysaa in laga gil-gisho umana suurtagaleyso sidaa aad maantaba u maqleyso ee ka dhacday Burco ee mudaharaadada dadku ay isugu soo baxeen iyagoo iskuuladii, meheradihii iyo shaqooyinkoodiiba ka yimi. In umaddu ka gil-gilitaabay noqoneysaa oo ay diidaan si loogu soo dabaalo sharciyada oo ay xukuumadu dhageysato.

S/: Haddii xukuumadu muddo kordhinta guurtida ku adkeystaan oo meel mariyaan. Maxay xisbiga KULMIYE yeelayaan ama talaabada ay ku dhaqaaqi karaan maxay noqoneysaa? Ma xaaladan cakiran bay dhankooda ka sii adkeynayaan? Mise dariiq sharci iyo maxkamadeed bay marayaan?

J/: Horta ayaan darada jirta horta in xog-ogaal la noqdaa ayaa wanaagsan waxad arkeysaa Golaha Wakiiladda iyo Axsaabta Mucaaridka oo dhinac ah iyo Guurtidii, Xukuumadii iyo Maxkamadihii oo dhinac ah. Markaa maxkamad la isla tagaa wax ay kordhineysaa ma jirto waa isla meeshii, xisbiyada mucaaridku way cadeeyeen mowqifkoodii ma aqoonsanayaan xukuumad jirta 15-ka May wax ka dambeeya. Maalintaa wixii ka dambeeya Rayaale iyo ninka suuqa jooggaa talada waa u siman yihiin.

S/: Haddii Hay´adihii Dawliga ahaa kala qeybsanaanta intaa le´eg aad ka sheegayso. Madaxweynahana aad leedahay 15-ka May wixii ka dambeeya sharciyadiisu sii jiri mayso yaa isu imanaya oo dalkan taladiisa xal ka gaadhaya?

J/: Waxa weeyaan sidii aynu ku soo hanaqaadnay runtiina aynu halkan ku soo gaadhnay waxay ahayd dadka xilkaskiisu dee inay isu soo dhaweeyaan. Nasiib darada guurtida inagaga dhacday ee ay xilkas u noqon weyday, waxay aheyd kaalintaa kaalintii la doonayey in marka dhibaato siyaasiyi dhacdo ileen maanta beelo isuma haynoe kuwii daweyn lahaa ee xaqa ka sheegi lahaa iyaga weeyaan. Laakiinse iyagi waa kuwan ku milmay xukuumadii. waxay noqonaysaa in sharciyadda loo hogaansamo umadda karaamadeeda, cisigeeda iyo sharafteeda la dhawro oo la tixgeliyo. Waayo haddii taasu dhiciweydo oo sida aynu imika maqleyno ay ku sii socoto oo xitaa madaxdii mucaaradka iyo dadka waayeelkiisii ayaa qaarna la qab-qabtay qaarna la doon-doonayaa. Waxay noqoneysaa dawlad tan ka xoog weyn oo dawladii Siyaad Bare ah oo Afrika ugu xoog wayneyd ayaa la iska celiyey waa la iska celinayaa.

S/: Golaha Wakiilada markii la soo doortay ee ay kuraasida ku fadhiisteen ee ay bilaabeen shaqada khilaaf baa ka dhex bilowday iyaga iyo xukuumada. Khilaafkaa la kawsaday golaha wakiilada bilowgoodii ma kula tahay inu soo gaadhsiiyey ilaa xilligan dalkii xaaladan adag ee uu ku jiro?

J/: Xaaladan adag ee dalku ku jiro waxa soo gaadhsiiyey xukuumada. Golaha wakiiladu waxay soo gaadhsiiyeen ma ay jirin, sharci dajin bay mandate u leeyihiin oo dastuurku siiyey tii bayna sameynayeen. Cida wadanku ka dhaqaaqi kari la´yahay cida horumarka laga sameyn kari la´yahay cida maanta aqoonsiga sababta loo la´yahay, iska hor imaadka iyo iska horkeenka dadka, caga jugleynta, dadka sare joogga lagu xukumayo ee gudiyada nabad gelyadu ay ku xukumayaan, xuquuqul insaanka hay´adihii ahaa sida Shuuronet ee lala wareegayo, saxaafada la cabudhinayo, siyaasiyiinta la qab-qabanayo Waxay ka socdaan dhinaca xukuumada. Taasi ma sii soconeyso xaqiiqo weeyaan ma sii soconeyso, ma sii waari karto ma sii jiri karto umadda SL-na qaadan meyso. Rayaale waxa u wanaagsan inuu si wanaagsan uga tago haddii uu uga tagi waayo sidii kuwii ka horeeyeyba ay xumaan uga tageen ayuu uga tegayaa isagoo ka lugaynaya. Taasu waa biyo kama dhibcaan.

S/: Xaaladan xaaladii ka horeysay waxay ahayd khilaafkii komishanka ee soo taxnaa, xisbigan aad ka tirsan tahay ee KULMIYE qudhiisu xubintii uu komishanka ku lahaa muddo dheer buu soo gudbin waayey oo komishanku inu shaqadiisa qabsan lahaa xilligan xilli ka horeysa ayaa suuragal ahaan laheyd. Ma qireysaa arintaa?

J/: Waxaasu waa dacaayadaha raqiiska ah ee xisbiga UDUB iyo xukuumadu sameyso. Waxa weeye komishanka markii ugu horeysay iyada oo ay shuruudihii loogu talagalay iyo sidii loo soo xulayey aanay buuxin oo aanay xitaa isu dhameyn ayuu madaxweynuhu soo gudbiyey. Waxay ahayd inu soo gudbiyo markay afarta kale yimaadaan ee la eego miisaanka dalka iyo sida afarta kale loo kala helay. Iyagoo kala dhimanba inu soo gudbiyo ma ay ahayn, ku talagal inu KULMIYE ku cidhiidhi geliyo. Golaha wakiilada ayaa markaa dib ugu celiyey, maxkamad baa gashay. Waxaas oo dhami waxay ku dhex laalaayeen madaxtooyada, maxkamada iyo golaha wakiilada. Wax uu shaqo ku lahaa KULMIYE ma jiro. Maalintii ay timi ee loo codeeyey, ee maxkamadu tidhi ha loo codeeyo KULMIYE midhkiisii maalintiiba wuu keenay. Meesha ay wax ka xumaadeen ee khasbeysay ee sharciyada dhaafsiisnayd ee hab dhaqankeenii dhaafsiisnayd cidda ku kacday waxa ay aheyd xukuumada. Xeerkan imika codbixiyeyaasha diiwaan gelintoodana waxa laga sugayey golaha wasiirada saddex bilood oo kaamila ayuu golaha wasiirada gudihiisa ku jiray. Iyagaana wakhtiga riday.

S/: Haddii aan u soo noqono xaggaaga adigu goormaad dalkii ku noqoneysaa?

J/: Halkan bisha 16-keedaan ka noqonayaa ilaa bisha dhamaadkeena Hargeysa ayaan ku beeg nahay.

S/: Maxaad sii hormarineysaa oo aad dadka u sheegaysaa. Haddii ay tahay xaaladan jirta iyo haddii ay tahay waxqabadkiinii qoladiinii hawsha shaqo u soo baxday?

J/: Waa mide annagu ka gole wakiilo ahaan waxan aad iyo aad runtii ugu jeedinayaa xubnaha golaha wakiilada ee walaalahey ah in ay halkii ka sii wadaan sharci dejintii iyo ku ilaalinta xukuumadu inay fulinayso wixii loo igmaday ku daba galkeeda iyo ku ilaalinteeda. Umadda reer SL dhiig iyo hanti badan ayey gobanimadani ku joogtaa. Inay gobanimadooda ilaashadaan oo aanay nina ugu tanaasulin xaqdaro, kibir, caga juglayn iyo cadaadis. Inay isu soo baxaan xukuumadaha si nabad gelyo ah ayaa lagu bedeli karaa. Waxa weeye waxa muuqaneysa inay xukuumadu aanay cid ay u kala aabo yeelaysaa jirin ciidamadii furinta la soo noqotay boliskii qaranka u adeegsaneyso inay ciddii ay doonayaan qab-qabtaan. Taa waxan leeyahay ciidamadayada sharafta leh iyo kuwayaga nabad gelyada ee lagu jooggo wadanka. In ay ka taxadaraan in loo adeegsado arimo siyaasiya. Umadduna waa in ay ka feejignaataa oo ilaashataa karaamadeeda, gobanimadeeda iyo madax banaanideeda. Xukuumada iyagaa leh xaq bay u leeyihiin haddii ay garan waayaan inay eryaan oo yidhaahdaan rayaalow soo dhaaf. Taas ayaan fari lahaa salaamu caleykum warax matu laah.

Baaqyada Iska Soo Dabadhacaya Waxaa Ka Mid Ah Bayaan Ay Soo Saareen Dhalinyaro Reer Togdheer Ah

Bayaan ay soo saareen Dhallinyaro reer Togdheer ah

Annagoo ah Dhallinyarada Gobolada Bari ee Togdheer iyo Saraar, waxaanu cambaaraynaynaa waxa ay Guurtidu ugu yeedhay mudda-kordhinta oo aanu u aragno annagu “Aynu Is-dillo, doorasho dambena ma jirto iyo diktaateernimo”.

Sababta oo ah, waxa is weydiin leh, kuwa wax kordhinayaa maxay ku joogaan iyagu meesha? Jawaabtu waxa weeye “Waa isukordhin Xaaraan ah”. Waxaanuna leenahay Hal Xaaraan ahi Nirig Xalaal ah ma Dhasho. Gole Xaaraan ahi waxa uu yidhi waan kordhiyeyna waa “Xaaraan Nijaas lagu Dallacay sow ka durug maaha”.

Odayaasha Guurtida iyo Xukuumadda waxaanu kula talinaynaa “Adeerrayaalow, dantiinna Kursiga ha u sadqaynina Qaranka ee Danta Ummadda ka taliya”. Waxaanu u dulqaadanay tii aad idinku isu kordhiseen oo idinku awelba Beelaad ku timaaddeen, laakiin ma qaadi karayso Madaxweynihii ummaddu dooratay ee 5ta sannadood ee lagu tijaabiyey xilka in markii ay ka dhammaatay aad tidhaahdaan iska joog annagaa dib kuu dooranaye.

Waxaanu idiinka digeynaa inaad ku adkaysataan sharci daradaa aad ku dhawaaqdeen oo dalka iyo dadka cawaaqib xun iyo dib u dhac u horseedaysa.

Ta kale, waxaanu u aragnaa haddaanu nahay dhallinyarada iyo waxgaradka Gobolka Togdheer godob badheedh ah oo Daahir Riyaale ka galay gobolkayaga markuu Badhasaabkayagiina ku eryey Banaanbax selmi ah oo Burco ka dhacay, Badhasaabka Awdalna aad u fasaxday inuu abaabulo bannaanbaxyo lagugu taageerayo. Godobtaana illaawi mayno.

Ummadda Somalilandna waxaanu leenahay Caddaaladda iyo Sharciga Daahir Riyaale waa kaa!

Magacyada Dhallinyarada:

  1. Xirsi Maaweel Cawed
  2. Cabdirisaaq Axmed Olol
  3. Siciid Axmed Olol
  4. Caydiid Faarax X. Xasan
  5. Saleebaan Cismaan (Dowlad)
  6. Maxamuud Cawar
  7. Siciid Duqus
  8. Axmed Cabdi Dirir (Catoowe)
  9. Maxamuud Idiris