Archive for May, 2008

Time is Up Mister

Ali Gulaid, San Jose, CA

Opinion

Read carefully and follow the instructions. The game is over. Be gracious, don’t over stay and develop an Exit Strategy. At best, negotiate to remain as an interim care-taker and at worst as a member of a governing coalition. The people of Somaliland were, in the first place, too generous and too forgiving to elect you, as unfit and as unqualified as you are; too patient to put up with your autocratic inclinations and peccadillo. Too bad, if it felt too short. Nothing is for ever. All good things have to come to an end. In case you didn’t get it, your time is up Mister.

As of today, May 16 2008, your 5 year term has expired. A minute longer is unconstitutional, so please pack up, haul out your stuff, hand-over the keys, find a good lawyer and remain silent or anything you say will be held against you in Court of Law. Resist the call and you face the consequences. What is the alternative you say, read the fine print: there is more than one way to show you the door.

You came from the front door with the will of the public but with the indignation of the public you would storm out at the back door hiding if you don’t heed the callYou have a habit of repeating like a broken record that you were elected but as of today you lost that bragging rights. What would you say now, “appointed, anointed, crowned…?”

You have betrayed the public trust; you have squandered the goodwill; you have jeopardized the long awaited aspiration of political recognition and the international community has given up on you by withdrawing the aid on the table. Truly, you disgraced Somaliland

We trust that Siiraanyo and Faisal who among them received over 58% of the vote casted would be kind enough to assist you with finding Exit Strategy to allow you hang in few more months as a goodwill gesture and charity not as a president but rather as an interim care-taker – This is your chance to safe face. Anything else would be foolish and dangerous.

I will leave you with Mr. Wadani Maxim

Murtida Maanta iyo Mr. Wadani

Reer Jigjiga markay Madaxdooda ka hadlayaan waxay yidhaahdaan, Madaxda maanta waa Maxaabiistii berri. Waayo, Madaxda soo marta mid aan Xilka ka dib Xabsi gelini waa yar yahay. Waxaan taa uga socdaa, horta ninna Kursi aanu ogayn in khaladka uu ku galo lagu ciqaabi doono kama kaco. Sidaa darteed, Somaliland Kursi aanay Ciqaabi ka dambayn, ayaa ishaa u yeelay, xaalkeeduna waa ku-fadhiistaa kama kaco. Markaa, [Aw] Rayaale la yaabi maayo oo xaalkiisu waa sidan waa la yeeli jiray, laakiin, waxaan leeyahay haddii la yeeli jiray, layskama yeeli jirine macnaa lagu yeeli jiraye, marinkeedii soo mar.

As Mr. Wadani implied PLAY BY THE RULE or PERISH. You can hold this post only through election and not by quid pro quo. Hold timely elections if you like the position so much and compete; you have the money and the machinery, what is there to fear.

Ali Gulaid, San Jose, CA

Xisbiga KULMIYE oo caddeeyey in aanu ka tanaasulin Mawqifkiisa uu ku diidan yahay Go’aanka Guurtida

May 17th, 2008

Hargeysa ) – Xisbiga ee KULMIYE oo ah xisbiga mucaarida ee kobaad ayaa caddeeyey in aanay jirin haba yaraatee wax heshiis ah oo laga gaadhay qodabadii ugu weyna ee muranku ka taagnaa oo ay khamiistii sedexda   gudomiye ee xisbiyada  Udub oo ah madaxweynaha mudadiisi dhamaatay md Dahir Raayale Kaahin xisbiga Kulmiye Md Axmed Maxamed Siilanyo iyo Ucid oo ah Faysal Cali Waraabe isugu yimaadeen kulan qado ah oo uu marti galiyay  Madaxweynaha muddadiisu dhammaatay md Dahir Rayaale Kahin. Xisbiga Kulmiye waxaa uu si aan mugdi ku jirin u cadeeyay in aanu ogolayn go’aankii odayayasha golaha Guurtidu muddada xilka ugu kordhiyeen Daahir Riyaale Kahin iyo wixii ka dhashay.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xisbiga kulmiye oo u ku saxeexan yahay Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE, md Cabdiraxmaan Cabdilqaaddir Faarax, waxa uu jawaab cad ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Axmed Yuusuf Yaasiin oo ah Madaxweynekuxigeenkii muddadu ka dhammaatay oo ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga Udub, mar uu shir jaraa’id oo uu shalay qabtay ku sheegay in go’aankii Golaha Guurtidu uu muddada xilka ugu kordhiyey uu yahay lama taabtaan, isaga oo isla markaana ku baaqay in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka taagan.

Waxana uu sheegay warsaxaafadeedku in go’aanka Guurtidu uu kow ahaa qodobka arrimaha laga wadahadlayey in xal laga gaadho, balse aan wax heshiis ah wali aanlaga gaadhin arrintaas.

Warsaxaafadeedkaas oo faahfaahsani wuxuu u qoran yahay sidan:

“Annagoo tixraacayna waraysigii uu Madaxweyne xigeenka wakhtigiisu dhamaaday mudane Axmed Yusuf Yasin siiyey warbaahinta, waxannu ogaysiinaynaa ummadda reer Somaliland iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye in kulankii maalintii khamiista ay wada yeesheen madaxda saddexda xisbi qaran inaan, habayaraatee waxa heshiis ah oo laysla wada gaadhay aanay jirin.

Qodobadii laysku hayey oo uu kow ka ahaa go’aankii Guurtida ee ku saabsanaa muddo kordhinta, qolo kastaa halkeedii hore ayay ka taagan tahay.

Haddaba, sida Madaxweyne-xigeenka mudadiisu dhamaatay Axmed Yusuf Yasin oo mawqifkii xisbigiisa sheegay, ayaa waxa halkan ku caddaynayaa in aannu Xisbigayaga Kulmiye oggolayn go’aankaas Guurtida ka soo baxay iyo wixii ka dhashayba. Ulajeedada shirka loo ballansan yahay bisha 20 keeduna waxay tahay in la raadiyo xal lagaga gudbo is-afgaran-waaga qotoda dheer ee taagan. Guusha shirkaasina waxay ku xidhan tahay isu-tanaasul ka yimmaadda dhinacyada shirka ka wada soo qayb gala qayb gelaya.”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa waraysi uu siiyey BBC-da waxa uu ku sheegay in xisbiga Kulmiye aanu ka tanaasulin mawqifkiisii hore, wax heshiis ah oo ay la gaadheen xukuumaddan wakhtigeedii dhamaadayna aanu jirin.

Hase yeeshee, Guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa isagu waraysi uu BBC-da siiyey ku muujiyey mid ka duwan mawqifkii hore ee xisbiyada mucaaridku ku wada heshiiyeen sheegayna inuu debciyey mawqifkiisa xisbinimo.

kulmiye.org

Daahir Rayaale Kaahin Iyo Labada Gudoomiye Ee Xisbiyada Kulmiye Axmed Siilaanyo Iyo Ucid Faysal Cali Waraabe Oo Kulan Qado ah Maanta U Balansanaa

Hargeysa, Somaliland – Waxaa mar labaad maanta isugu imanayay kulan qado ah Madaxweynaha mudadiisii dhamanayso md Daahir Rayaale Kaahin iyo labada gudoomiye ee xisbiyada Kulmiye iyo Ucid md Axmed Siilaanyo iyo md Faysal cali Waraabe. Kulan qadada ah oo uu marti galiyay md Daahir Rayaale Kaahin ayaa si weyn maanta shacabka reer Somaliland ugu wada dheg taagayaan. Md Rayaale ayaa mudadadii madaxweynenimada loo soo doortay ay kaga egtahay bisha May 15 keeda oo ah 12.00 habeenimo ee cawaa, . Waxaa dhawaan sanad aan distoorka wafaaqsanayn madaxweynaha u cusboonaysiiyay odaysha golaha guurtida oo iyaga laftooduna ku fadhiya cusboonaysiin afar sanadood ah ay oo qayra distoori ah. Sanadka cusboonaysiinta ee madaxweyne Rayaale ayaa dhaliyay muran distoorka ku saabsan oo siyaasadeed halkaasi oo labada xisbi ee mucaridka Kulmiye iyo Ucid ay gaashaanka ku dhufteen qodobada loo adeegsaday in madaxweynaha mudo sanad ah loo cusboonaysiiyo, waxaanay labada xisbi ku adkaysteen in aanay mudane Daahir Rayaale u aqoonsan doonin madaxweyne wixii ka dambeeya bisha May 15 keeda oo maanta ku beegan.

Kulanka sedexda gudoomiye ee xisbiyada Udub , Kulmiye iyo Ucid ayaan illa hada la ogayn waxyaabihii kulankaas lagaga wada hadlay iyo in go’aamo laga gaadhay murankii jiray. Shabakada wararka ee xisbigan Kulmiye waxay idiin la soo socod siin doonta wixii warar ah ee ka soo kordha arintan sida ugu dhakhsaha badan ee uu marba warku nagu soo gaadho.

Kulmiye.org

Dawlad Masuul Oo Dadka Matasha Q9

Tuesday, 13 May 2008 Mj. Axmed CarwoAhmed Arwo
Cardiff, U.K

Salaan iyo nabadi korkiina ha ahaato.Assalaamu calaykum wa raxmatullaah wabarakaatu. Waa qormadii sagaalaad ee geedi-socodka dimuquraadiyadda furan ee adduun weynaha. Ujeedada socdaalkeena taariikheed waa inaynu wax ka barano kaabayaasha nidaamka aynu dooranay ee dimuquraadiyada ah. Waxaan isku dayi doonaa inaan kolba halka xaalka dalkeenu maraayo indho dheeraad ah siiyo

Maqaalkii 8daad waxaan kaga hadlay Miisaaniyadda Dawladda iyo kaalinta ay kaga jirto dimuquraadiyadda iyo hab-maamul wanaaga, iyadoo ah aaladda ugu xoog badan ee lagula xisaabtami karo, laguna qiimeyn karo Golaha Fulinta. Waxaana aynu soo sheegnay in la-xisaabtanka ay u xil saran yihiin Golaha Wakiilada oo ka wakiil ah shacbi weynaha codkooda ku shaqo geliyey madaxa Golaha Fulinta, isla markaasna u igmaday inay hantidooda ugu shaqeeyaan hab iyo barnaamajyo ay ka ansixiyeen Golaha Wakiilada. Haddaynu mataal u soo qaadano shirkad ganacsi, waxa Golaha Fulinta noqonaaya Agaasimaha Guud iyo maareeyaahsa kale, waxa saamilayaashu ( Shareholders) u wakiilanayaan la xisaabtanka Guddi Maamul oo ay iyagu doortaan ( Board of Directors). Waxa Wakiilada iyo Boardkuba ay tahay inay isticmaalaan khibrad iyo aqoon xisaabeed oo madax banaan. Waana meesha ay ka soo galaan Hantidhowrku.
Hantidhowrku waa inuu ahaadaa mid ka madaxbanaan Golaha Fulinta, awood u leh inuu baadhis ku sameeyo qayb kasta oo ka tirsan Wasaaradaha, Wakaaladaha iyo hawl kasta oo laga maalgaliyey miisaaniyadda dawladda. Waxayna tahay inay toos u hoos yimaadaan Golaha wakiilada, sida dawlad kasta oo dimuquraadi ah, oo ay u xilsaaran yihiin inay xisaab xidh iyo warbixin ka siiyaan dhaqangelintii miisaaniyadda hore Golaha Wakiiladu u ansixiyey. Waxa ka mid ah hawsha Hantidhowrka Guud inuu horumariyo nidaamka maaliyadda iyo xisaabadka dawladda, kana kaaliyo Wakiilada sharciyada u baahan in la kabo, si loo badbaadiyo hantida qaranka.

Waxa wiiqmaaya nidaamkaas is-ilaalinta ah ee lagu dhowraayo hantida laga soo uruuriyey danyarta ay dadweynahu u badan yihiin, kolka la waayo kala xadaynta Hantidhowrka iyo Golaha Fulinta. Waxa ay noqonaysaa in la waayo sugnaanta looga baahan yahay qorshaha iyo horumarinta bulshada. Waxa la waayayaa maamul-wanaag, waxaana abuurmaaya nidaam kobciya musuqa. Taas oo sii abuurta nidaam keli-talis ah oon ogolayn la-xisaabtan iyo in la qiimeeyo waxqabadkii loo doortay. Waxa fududaanaysa in aan marna la helin dakhliga dhabta ah ee dalka soo gala iyo sida loo khrashgareeyo. Waxa la waayayaa meel lagu sar jaro barnaamajka horumarka dalka iyo cabir lagu qiyaaso waxqabadka xukuumadda iyo xisbigeeda. Waxaana fududaanaysa in shacbigu si dhab ah u ogaado hawlaha xukuumada dhib iyo dheef. Waana iyada tan ay ku-kala dooraynayaan xisbiyadu. Sirtuna waa halkaas, meesha laga warwareegiyaa.

Sidoo kale waxa hoggaanka aan daacadda ahayn helayaa fursad uu u kala eexdo gobalada iyo degmooyinka dalka. Waxaa xisaab la’aantu noqonaysaa mid qayb kasta iyo shaqo kasta taabata, oo mas’uul kasastaa noqdo mid aan lala xisaabtamin. Waxa abuurmeysa in sidoo kale shacbigu qayb ka qaato musuqa, iyagoo ogaaday xatooyada la xalaashaday, ayey tab kasta u samayn doonaan inay cashuurta ka baaqdaan, iyo inay u farsameeyaan mas’uuliinta raba inay lunsadaan hantida guud. Waxa la gaadhayaa in laaluushku noqdo furaha keliya ee meel walba fura. Cadaaladdu waxay noqonaysa mid la baayaco, oo maxkamadahu xukumaan kolba sida ninka horjooga jeebkiisa loo culaysiyo. Nidaamkaasi waxuu ku dambeynayaa in daacad la waayo, tuugtu badato, danyartu weydo cid u naxda, ilaa la gaadho in ay luntu kala dambeyntii iyo ismaqalkii dawladda dhexdeeda, oo askarigu noqdo mid la kireysto. Halkaasna la lumiyo nabadii iyo degnaanshahii aasaaska u ahaa dawladnimada, qiimaha aan qiyaasta lahayna inagu jooga.

WAXTARKA KALE EE MIISAANIYADDA
Sidaan in badan ku celceliyey maqaaladani waa qaar loogu talogalay in dadweynahu fahmo, oo si guudmar ah oo uu qofka caadiga ihi fahmi karo aan u soo bandhigay. Taas darted waxa aan taabanayaa meelaha ugu muhiimsan ee miisaaniyaddu wax ka tarto bulshada dhexdeeda. Ugu horreyn waxa ay noqonaysaa mid caawisa Maamulada Gobalada iyo Degmooyinka oo ay ogaadaan sida dhigoodu u isticmaalo khrashka loo qoondeeyey, iyo qorshaha horumarinta sanad walba halka ay tahay inay culays saaraan. Waxa maamul kastaa oo hawl dawladeed hayaa helayaa cabir uu ku qiimeeyo waxqabadkiisa, kuna eego kaalinta uu kaaga jiro horumarinta hawshiisa. Waxa iyana la helayaa mid mas,uulkaas lagu qiimeeyo, oo marba hawshiisa lagu abaal mariyo, dalacaad amba casilaadba.

Sidoo kale waxa ay noqonaysaa mid hagta Ganacsatada iyo Maalgelinta Gudaha iyo debeddaba, iyadoo ka caawinaysa meesha ay u arkaan inay ka midho-dhalin karaan, goobta u bahaan adeeg gaar ah iyo tan ganacsigooda ugu macaashka badan

Waxa yaranaysa qabyaaladda iyo gobolaysiga, kolka si cadaalad ah oo furfuran cidwaliba arkayso loo qaybiyo dakhliga dalka. Mataalkii aan hore ugu soo qaatay boliska, aan bal ku daro tacliinta iyo caafimaadka. Miisaaniyadaha dalalka dimuquraadiga ah, waxa lagu saleeyaa tirada dadka iyo kaalinta baahi ee gobal kasta taal, ilaa la gaadho in la yidhaahdo arday kasta oo dugsiga sare, dhexe, iyo hoose dhigtaa waxaa miisaaniyadda loo qordeeyey lacag asaas ah oo go,an isku midna ah. Waxa taas lagu kabaa oo iyana si cad loogu qeexaa meeshii taakulayn u baahan, oo lagu cadeeyo waxa loo kordhiyey, sababta iyo waxa koradhasiimadaas lagaga rabo. Sidoo kale ayey Cafimaadku ahaanayaa iyadoo lagu sar jaraayo dadweynaha isbitaal waliba u deggan ah, iyo kaalinta caafimaad ee kala duwan. Mar walba waxa sal u ah miisaaniyadda in la helo qorshe danta laga leeyahay tahay in la gaadho bulsho horumarka ka siman, iyadoo kolba la kabaayo gobalka hoos u dhaco ka jiro. Waana sidaas sida ficiltanka qabiilka iyo aan ku yeesho Wasiirada mid i xigaa, sida looga baxaayo, bulshaduna noqonayso mid ku dhisan cadaalad iyo dal jaceyl walaalo ah. Wax walibana waxay noqonayaan wax miiska dul saran, oon hoos iyo meel madow lala tegeyn.

Waxay miisaaniyaddu qayb weyn ka qaadataa horumarinta siyaasadeed ee dalka. Waxa ay helaan xisbiyadu xogta dhaqaale ee dalka iyo kolba dhinaca ay dawladdu mudnaanta siisay. Kolkaasay la yimaadaan qorshe kan dawladda barbar socda oo dadweynaha ugu soo bandhigaan iyagoo tusaaya in qorshahoodu ka wacnaan doono kan dawladda. Mudnaanta kala duwan ee xisbiyadu siiyaan baahiyaha dalka ayaa noqonaysa mid dadweynahu kala doortaan, oo ay u codeeyaan kii ay u arkaan inuu waafaqsan yahay rabitaankooda. Waxaana xukunka imanaaya kan inta badani u arkaan in aqoontiisa iyo qorshahiisu horumarka ugu habboon keeni karo. Waxa taas u shardi ah xisaab xidh amba xisaab celin lagu soo bandhigo si faahfaahsan adeegyada dawladda heer kasta ilaa la gaadho miisaaniyadda iskuul kasta amba saldhig booliis, iyadoo gobal gobal, degmo degmo, iyo wasaarad ahaanba loo faafinaayo waxii ku baxay iyo waxa u qorshaysan. Waana inay noqotaa mid cid waliba heli karto, oo weliba lagu faafiyaa internetka. Taas ayaa aasaas u ah hab-dawlad wanaag furfuran, shakigana ka saarta shacbiga dacaayadda iyo beenta lagu dhego barjeeyey. Waxaana rumoobaysa kaalinta awoodeed ee shacbi weynahu u leeyahay maareenta dalkooda. Waxa sidoo kale la gaadhayaa in min Madaxweyne ilaa waardiye ay noqdaan shaqaale u qoran hawl mucayin ah, abaal marintoodana ay gacanta ugu jirto dadweynaha oo ah mulkiilaha dalka loo adeegaayo. Awoodda maareenta dalkuna dhammaan iyaga ayeye ku arooraysaa.
Waa inoo maqaal kale iyo fakir aan idinla wadaago Insha Allah.

Ahmed Arwo
Cardiff, U.K

samotalis@gmail.com

KULMIYE oo faahfaahin ka bixiyey kulankii ay caawa la yeesheen Madaxweyne Riyaale

KULMIYE oo faahfaahin ka bixiyey kulankii ay caawa la yeesheen Madaxweyne Riyaale

Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE, Cabdiraxmaan Cabdulqaaddir oo ka mid ahaa xubnihii Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ku weheliyey kulankii madaxda xisbiyada mucaaridku caawa la yeesheen Madaxweyne Riyaale ayaa sheegay in kulanka caawa uu ahaa keliya is arag iyo bariido, balse, aan wax wadahadal ahi u furmin, waxana uu sheegay in kulan qado ah berrito loo ballamay.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdulqaaddir, warsaxaafadeed kooban oo uu caawa soo saaray, kadib kulanka oo qaatay muddo saacad ka yar, waxa uu u qornaa sidan:-

“Iyada oo aynu ognahay xaaladda siyaasadeed ee dalku wakhtigan marayo iyo khilaafka cakiran ee taagan, waxaan idinla socodsiinayaa in madaxda labada xisbi ee mucaaridka ahi ay caawa 7:30 fiidnimo la kulmeen Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin iyo Madaxweynekuxigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin. Kulankaas oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada, waxa labada xisbi Qaran ee UCID iyo KULMIYE ka socdey min Saddex xubnood oo ay horkacayeen labada Guddoomiye, mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo mudane Faysal Cali Waraabe, iyada oo Madaxweynaha iyo Madaxweynekuxigeenkana ay weheliyeen Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale (Cawil) iyo Xubno kale oo ka tirsan xisbiga UDUB.

Kulankan caawa wax wadahadal iyo munaaqisho ah lama furin, wuxuu ahaa uun is bariidin iyo is-arag. Waxaana la ballamay berrito 1:30 duhurnimo in la isugu yimaaddo kulan qado ah, qadada kadibna si rasmi ah loo gudagalo inaanu ka wadahadallo xaaladda dalka iyo khilaafka taagan.

Waxaanuna rajeynaynaa inay ka soo bixi doonaan wax dalka iyo dadka dan u ah oo lagaga gudbo marxaladdan adag ee aynu ku jiro.”

Kulankan caawa oo la filayo inuu bilow u noqdo wadahadal xal loogu raadinayo khilaafka cakiran ee ka taagan muddadii Guurtidu u kordhisey Madaxweyne Riyaale, waxa uu yimi iyada oo muddadii xilka madaxweyne Riyaale ay dhammaanayso berrito oo taariikhdu tahay 15 May, isla markaana dadweynaha reer Somaliland ay dhegtu taagan tahay, ayna ka werwersan yihiin xaaladdu siday noqonayso marka la eego mawqifyada ay kala taagan yihiin xukuumadda oo ku dheggan muddadii Guurtidu u kordhisey iyo xisbiyada mucaaridka ah oo sheegay in aanay aqoonsanayn Madaxweyne Riyaale marka muddadiisa xilka ee sharciga ahi dhammaato.

Xukuumadda ayaa ciidamo laxaad leh caawa fiidkii soo dhoobtay jidadka, hase yeeshee, waxa dib loogu celiyey xeryahoodii markii isla caawa fiidkii, taas oo la filayo inay sababtay kulanka madaxweyne Riyaale iyo madaxda axsaabta mucaaridka ah.

Wararku waxay sheegayaan in Madaxweyne Riyaale ka soo debcey mawqifkiisii ahaa in aanu la hadlayn xisbiyada mucaaridka ah ilaa ay aqoonsadaan muddada Guurtidu u kordhisey. Waxaana soo baxaya warar sheegaya in cadaadis xoog lihi kaga yimi dunida.

Dhinaca kale, waxa maalintii labaad socda wadahadal ay ka qaybgelayaan wakiillo ka kala socda saddexda xisbi qaran oo uu dhexdhexaadinayo Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay wadahadalkaas oo ilaa galabta soconayey.

xigasho / Somaliland.org, Hargeysa.

Rabyow , Raxmaanow Dadnimada Aad Noo ABuurtay Noo Daa Oo Ha Na Doorin

Rabyow , Raxmaanow Dadnimada Aad Noo ABuurtay Noo Daa Oo Ha Na Doorin

Waxaa ayaan daro iyo wax laga naxo ah afmiinshaarada aan ku shaqayn mabda’ah iyo wax haba yaraatee damiir ah oo celiyaana aanu jirin. Shakhsiyaadkaas bahdalan ama doorsan ilamaa iyo intii Faqashtu dadka dhibi jirtay ayaa habeen walba la soo tubi jiray Radio Hargeysa sidii maxaabiis lagu soo qabtay dagaal, muhiimada ugu weyn iyo shaqada uu Daahir Rayaale dadkan Kamarada ugu soo dhigaana waxay tahay in Daahir Rayaale ay u caayaan kuwa aan cayda lahayn amaba aan gayin cayda. Qoomna ilaahay ma doorsho hadaanay iyagu is doorin am aanay iyagu is dulayn oo aanay dadnimadooda wax yeelin !

Illahay wuxuu inoo abuuray inaynu saxa iyo qaladka kala garano, afmiinshaarku horta qoys iyo qabiil midna ma leh, cod odaytinimo oo laga dambeeyo iyo awood shacab oo uu cid isku hor taagi karana ma leh, sharaf iyo qiime uu hore u lahaa oo meel u sii yaalayna lali taasna, magac iyo xikmad ka soo baxda oo lagu dhagaysto oo lagu qadariyana ma jirto iyaduna. Waa shakhsiyaad iska nool oo EBBE isagaa wayn oo cadiyada bixiyee iyagii oo nool is duleeyay. Waa maalin ku nool rubuc qad ah xitaa naftooda isku caayi kara amaba qof weyn oo qoyskooda ka soo jeeda.

Waxaa baryahan dambe maamulka Dahir Rayaale wehel u noqday in hantidii qaranku lahaa loogu qayb qaybiyo afmiinshaarada noocaas ah si ay u caayaan madaxda xisbiyada mucaaridka ah. Waxaa caado u noqotay maamulkan Rayaale ee khasaaray wakhtigiisiina sii dhamaanayo inuu hadba raabo raabo dad ah oo maalin ku nool ah isugu soo ururiyo Telifishankii qaranka dabadeedna ka yeedhsiiyo hadalo aan qiimo iyo macno midnaba aan lahayn. Waxaa maalin dhawayd kamarada teeifishanka Hargeysa sii qiimo daran oo bahdalan loo soo tubay kuwo dalka iyo dadkaba dab iyo halaag u horseedayay una sahadinayay dagaal kuwaas oo ku hanjabayay in Siilaanyo iyo Kulmiye ay dagaalka kala baxaan Hargeysa oo Burco la tagaan ! Horta hadalkaasi waa fartii dahir Rayaale iyaguna waxay haayeen sameecadii codka la soo gashaday inay sii dayso, muna aha wax cusub.

Magaalada Hargeysa waa kow, dagaal ka taagni ma jiro mid soo socdana ma ogin EBBANA ha naga hayo bal se afmiinshaarka fulayga ah ee sii baqayow, ninna Hargeysa looga tegi maayo ee waa la wada joogayaa, reer hebelow ka baxa Hargeyasana reer hebel kama baxayaan Hargaysa ee adigaa ku dheeraad ahe ka bax marka hore , tan laga ilbaxye JIIB NOOM TAANI. Hargeysa waa caasimadii dalka lamana kala laha, Sheeganaayow i sa soo sheeg ka aad tahay. Fidnada iyo dab hurinta Daahir Rayaale taariikhda ayay gashay wakhtigeeda ayaana la isla sugi doona wixii laga yeeli doono, afmiinshaar illa gaani iyo Moorgan marba idaacadaha laga qaylisiin jiray ILLAAHAY waxaan uga baryayaa in caafimaad uu siiyo Duligauu isa saarayna ka dul qaado. Aamiin

Dahir Rayaale se waxaan leeyahay saacadaadii way kaa taagan tahay imikadaas, ama diid ama aqbal wakhti kugu filan inaad dalkan soo hogaamiso waa lagu siiyay waxna umaad soo qaban, si wanaagsanna shacabka reer Somaliland madaxtinimadaada intaad haysay habeen muran may galin mucaarid iyo mu’ ayidba, waanay kuu hogaansameen. Xisbiyada mucaridka haday tahayna Siilaanyo 80 cod oo la wada ogaa ayuu kaaga tanaasulay si dalkan shaag ugu rogmo dunidana aynu uga mid noqono. Ogow Daahir Rayaalow Africa iyo aduunyada kale midnaba kamay dhicin 80 cod oo lagu kala dhaqaaqaa, sharafta iyo amaanta guushaasna waxaa lahaa kii ogalaaday ee kugu gacan siiyay oo ah Axmed Maxamed Maxamud Siilanyo xaqna waan u hadlayaa oo Rabbi igu ogyahay shacabka reer Somalilandna waa iiga marag WALLEE taas oo ben kamaan sheegin. Garowshiiyaheedii taa inaad leedahay aniguba kaama filayo kaamana rajaynayo markaan hab u dhaqankaaga maalinlaha ah arakayo. Daahir Rayaale Kahin, markaynu mucaarid iyo Siilaanyaba isla dhaafno waxaa jiray shacab reer Somaliland ah oo fara badana oo codkoodii maalin dhan bacadka u taagnaa inay ku siiyaan, Xagaad shacabkaas dhigtay hadaad daacad tahay? Rajaday qabeen ee ay codkoodii kugu siiyeen dib ma isu waydiisay? Khudbadihii kala duwanaa ee se aad gobol kasta ka akhriday ma xasuusataa waxaan ka ahayn lixda gobol iyo lix iyo tobanka dagmo ee aan waxba cidna u tarayn? Daahir Raayalow bal dalka Somaliland halagu xisaabiyee lixdii sanadood sheeg oo Maxaa la taaban kara eed u qabatay ?
Caasimada Hargeysa tankar dab damis oo dabka bakhtiiya ma u iibisay, caasimadu se ma leedahay ? Madaarka Hargeysa tankar dab damis ah ma leeyahay? kaba kaalay waxan oo dhan, dariiqa qasarka Madaxtooyadaada hor mara siduu u egyahay ayaa wax qabadkaagana laga arki karaa, horaa loo yidhi ninkaad kabaha ka toanayso horta kabihiisa eeg, intaasana igaga kaa filan ! Waxaan ku su’ aalay mudadaad talada dalkan haysay intii ugu yarayd ee aasaasiga ahayd oo aanad waxba ka qaban bal se maxaad madaxtinimada ku doonaysaa hadii aad irbid dun galin kari wayday ? halkaa aad laba milyan oo Doolar $ 2.000.000 oo hantidii cashuur bixiyeyaasha qaranka ah aad ku baab’inayso afmiinshaaro kuu caaya kuwii dalkan soo xoreeyay ma waxaad garan kari wayday wax muuqda gali?

Waxaan ku soo gabagabaynayaa in Daahir Rayaale dalkan ku yimid doorasho, cusboonaysiin wax la yidhaahdana ay raacday shir beeleedkii Mudadii madaweynahan talada dalka haya mudane Dahir Rayaale Kaahin way soo dhamaatay waxayna ku egtahy saqda dhexe ee May 15 saacada 2400 oo ah saqda dhexe, waxaan ku soo gabagabaynayaa in Daahir Rayaale dalkan ka xishoodo oo uu ka daayo hanjabaada ah hadaan madaxnimada la ii dayn Somalilandna way burburaysaa ! Somaliland EBBAA Daahirow wata, adigana EBBAA kuu gartay in aad madaxweyne ka noqoto oo ku keenay Somaliland ma burbuin kartid hadaad is leedahay yaanay kaa dambayn adigu bal ha is burburin, ogow cidii is tidhaa Somaliland burburi ayaa ku burburi doonta hadaanay ka joogin.

Somaliland Ha Noolaato Waligeedna Ha Jirto

Maxamud Caydiid Lafcanbe

Is there a problem between Opposition Parties and Dahir Riyale or has the President Change Coats from a Democratically Elected President to a Deaf Dictator?

Is there a problem between Opposition Parties and Dahir Riyale or has the President Change Coats from a Democratically Elected President to a Deaf Dictator?

Every time a glimmer of hope shines and all agree on conflict resolution, it is Riyale who turns around and says no to it. So let the chips fall where they may. Let’s call a spade a spade. There is no problem in Somaliland except one: Riyale who refused to leave office at the end of his term. Who else accept him is the problem? Opposition parties and the society do not want him to stay after May 15th simply because his term of office ends. This president is proving to be difficult for a) ignoring the constitution b) disregarding any form of conflict resolution and c) turning the blame elsewhere. Today he is bringing to court the driver of the young girl his police killed without cause. This tactic of beating the innocent is his way of diverting attention and blame.

Now the Peace Academy took over the conflict resolution that everyone else failed to achieve. How is the Peace Academy different from the patent Mr. Abdulrahman Cirro? Perhaps, he feels the Peace Academy will fulfil his wish. Trust me as soon as they try to resolve the problem, he will say no. We have seen many conflicts created by his deafness that even the best of the Somali scholars got involved and failed. Does he listen to anyone? To keep this president even for a day after his term is over is very dangerous and detrimental to the country.

If through negotiation, we allow him to remain for another year we are taking the path of destruction. Igal has set precedence for Riiyale and this is the footpath Riiyale is threading on even thought that was before the Constitution. Now with a Constitution, how can we put informal negotiations over constitutional right? If we allow this president who does not have any reason to remain in office to have his way then we shouldn’t have constitution at all. We should get ready that come April 2009, we will be in the same situation if Somaliland exists that long. Riyale listens to no body, so what guarantees do we have he will leave peacefully after a year. Those who believe so should think again that by then there may not be Somaliland presidency to fight over or constitutional articles to worry about.

Don’t give him the long robe to strangle Somaliland. He has already strangled the constitution of the country which is the path to our free nation. Do not give him the opportunity to remain in office and suffocate us? Is Dahir Riyale a man to be trusted? Somali Landers do not know what he has done for the country. Nothing about his actions is transparent. He has proven to be ruthless with the citizens. He gives deaf ears to the road to conflict resolution which is the one think that many Somali Landers boast has saved our country. So if he broke the constitution that has become our road to democracy, if he has given deaf ear to the conflict resolution that has brought us out of darkness and is busy only on his vision of remaining in office and dealing with the public brutally, then what evidence does anyone has that he will be loyal to our country and he will leave the office peacefully after a year. Nothing he shows us point to a merit of a man who honours his word. Somali Landers is warned. Fight him to leave office. Forget peaceful means. Arrini madax la qabtay leedahay ee mijo la qabto ma laha. Bite the bullet and take the bull by the horns.

If he succeeds in the office after May 15th. Let everyone know that he holds the office by dictatorship and there is no democracy in Somaliland. Anyone who believes otherwise is deluding himself. That will be Goodbye Democracy, Welcome Dictatorship!

Rhoda A. Rageh

UCID: A legitimate Party Is Treated Disrespectfully by Riyale’s Administration

Riyale is trying to silence the voice of UCID. He wants to turn the political war in Somaliland today as a war between his administration and KULMIYE like the time of Said Barre. In his mind, he sees himself like Siad Barre and the KULMIYE Party as the SNM. He does not realize Somaliland is a democratic country with three equally viable political parties. This polarization and total ignorance of the concerns voiced by a powerful, legitimate and fair party as UCID with its own political views and concerns is to disrespect and devalue the power of that party. Riyale once said to threaten Hirsi Haji Ali ‘Waad saqiirii doontaa haddii aad yeeli waydo waxaan dono’ meaning: ‘you will die young if you don’t fulfil what I want. Is ignoring UCID’s opinion a way of reducing its power and legitimacy? UCID and KULMIYE represent the voices of two major camps in Somaliland . Therefore for Riyale to disregard the opinions of the UCID party is to dismiss the power that is in the hands of UCID and its large membership. If he thinks he can kill UCID’s opinion young, he is dead wrong and is in for a big surprise.
The conflict in Somaliland today is about constitutional crisis created by Riyale and his administration. The opposition parties stand together as one voice against the dictatorship and the abuse of power in Somaliland . The two parties speak for the good of the country so for Riyale to make it a war on his administration and KULMIYE is a feeble attempt to divide and rule. It is similar to a recent incident in which he renamed Abdi Edan zone to Sheik Omar zone in order to rehash a long forgotten conflict between two clans – another lesson of clan exploitation he learnt from Siad Barre to divert attention from him. It was a tragic and failed move which has backfired on his inept government.
Chairman Faisal Ali Waraabe voiced an opinion as thoughtful and as powerful as Ahmed Silanyo. UCID members are as upset about the chaos in the country as every Somali Lander should be and rightfully so. It was the UCID election commission member who was the first to expose Riyale’s manipulation and who left in protest followed by the member from KULMIYE. Now the present NEC team that have chosen to serve the interest of one man instead of their country is free from patriotic individuals like the members of UCID and KULMIYE.
Time is running out for Riyale. He will go on the 15th of May. In the meantime let him be nin daad qaaday xumbo cuskay.
Therefore Riyale’s tactic to ignore UCID’s concerns and his dictatorial attempts to polarize the conflict into a war between his government and KULMIYE will backfire just as well.

Rayaalow; Lagaa Wada Diid Taydaa Soconayasa, May 15 keeda Ayay Kaaga Egtahay

Faalo

Dahir Rayaale taladii distooriga ahaydna diid, tii dadka wanaaga iyo nabada wadana diid, tii culimada diid, tii aqoonyahanka iyo samotaliskana diid bal se wuxuu intaas oo isu dhan ka door biday tiisa maqluubka u shaqaysa ee qafral marjaca dhanka qaloocan ugu socota.

Bisha May 15 keeda wixii ka dambeeya cidi kuma aqoonsanaan doonto inaad tahay madaxweynihii dalkan Jamhuriyadda Somaliland waana mid sharci ah oo mudadii lagu doortay maalintaasay kaaga egtahay. Mid se waan kaaga digayaa inaad ku khatalanto oo ay noqoto mid ku hoda, ogow hada rag la wad oo la wad oo walaal wuxuu ku dhaamo la waa, taasina waa tii afweyne ku jabay markuu xoog aanu lahayn oo beena ah is biday balse adigana yaanu hadhkaagu been kuu sheegin, Dahir Rayaalow ha noqon beentiisa run moode. Dalkani wuxuu halkaa ku soo gaadhay waa nabad iyo wada tashi, Dahir Rayaalow talada dalkan kumaad iman beelnimo reer hebel ah, kumanaad iman jacayl aad lagu jeclyahay iyo wanaag aad dalkan u soo qabatay balse waxaa hogaaminta dalkan laguugu caleemo saaray waxay ahayd distoor la ilaalinaayay, nabad la dhayaayay iyo isu tanaasul la isu wada tanaasulayay, wixii sharci ah marnaba hore looma diidin hadadanna la joogana lama diidana ha se ka yaabin marnaba in qarjajacdaada iyo dig digtaada aan macnaha ku fadhiyin in lagaa yeeli doono ilow taasi waa mid aan loo dul qaadan doonin mar dambe oo soo dhamaatay . Qofka hadaad riixdo ood hadana sii riixdo , marka dambe adiga uun baa dib u eedi doona xaqdarooyinka aad ku isticmaalayso awooda qaran ee shacabka iyo qarankuba kula wada leeyahay, cawaaqib xumadeedna adigaa ka masu’uul noqon doona waxay ku dambayso.

Rayaalow adiga iyo shacabka reer Somaliland is barate, hab ku dhaqankaagana lagula baray, wixii afweyne laga wada diiday adna lagaa yeeli maayo ee nabada dalka ka daa khalkhalka iyo been abuurka aad ku hayso. Ciidamada iyo Boliiska qaranka ee aad sida qaldan xukunkaaga ugu ilaashanaysana jooji, shacabka aad xabadaha ku furayso qaarna aad xidhxidhayso maalin kasta kaa daa ayaanu ku leenahay. Hadal iyo gabagabo May 16 keeda uuuups, maalaa waad ka naxaysaaye !! Cid dambe oo ku dhagaysanaysaa ma jirto ee nafta runta u sheeg in wakhtigii kaaga dhamaaday ayaan daro adiga oo aan dalkan waxba u qaban.

Dalkan waxba maad gashan waxaad yeeshay mooyaane balse fursadii kuugu dambaysay intaad is leedahay xoog,cagajuglayn, xadhig, cabudhin iyo muuqnis ku dhaqan bal yaan duufaan ku qaadiyo Waa sahal dabayshuye Ayaanu daadku kuula tagiin , hortaa jiraba hore u waa saaxiib.

waa rafashadii u danbeysey ee hala’ dul qaato.

Opinion
Saturday, 10 May 2008 Axmed Xaaji Yuusuf Ducaale
Dadka jecel daneeya walaalnimada wanaagga wada-joogga wada-jirka wax-qabadka iyo Waddanka Somaliland waxay wer-wer badan ka qabaan weedhaha qaawan, wararka weecsan, waajibka qaadhay, weydaynta dhaqaale, waxaad rabto-falkaa wasiirada, wakiillo-madasood ka qooqa madaxweynaha iyo an idhaahdo weerarka askariga ee waaberyaba joogta.
Waxsaanan dan iyo muraadtoonna uga lahayn way ii caddahay waxay ku danbayn doonto murti carbeed baa tidhaahdaa (AS’AL AL-MUJARRIB WALAA TAS’AL AL-DABBIIB) waxay leedahay murtidu WEYDDII WAAYA-ARKAHA WAXBA HA WEYDIIN DHAKHTARKA!
Micne weyn bay xambaarsantahay murtidu dadkuna liqmaayaan noocay u taallo ama u dhawaaqayso laakiin hadaan si dhow kuu xasuusiyo xooggii iyo aqoontii iyo qalabkii wixii la’ odhanjirey Xoogga -dalka xaguu ku danbeeyey? Meeyey akhristow Siyaad Barrahay ku xeernaayeen?
Waxa laweydiinaya waaya-arkaha ka dabbaasha waxay nolosha iyo nin xumi kugu falaan.
Waxase liite ah la’ joogaha iyo la’ dirtaha laanma-gooyaha leelee-linta Ummadda lib ka dhiganaya.
Wixii lasoo maray wax ku qaadanwaayaha weedhaha hurgumo afuufaya.
Wuxuu shalay quutay saaka garan-waayaha, waxa ka hooseeya wax ka sugaha saboolka aqoonta graad xumaha gugiisu batay een geed iyo guri eraygiisa lagu negaan.
Kumishan u dar-daar werinta,
Adeer waad edeb darantahay ee fadhiiso! warbaahintu waxay ka soo werisey madaxeynihii oo ku sugan madasha wakiilada iyo magac u yaalka guurtida,waxakaloo lasoo weriyey waad saqiiri doontaan oo iyana ku wajahan wakiilada.Waxase ayaan darro ahayd gudoomiyihii wakiilada oo ka gil-gilan waayey weedhaha aan madasha qaban, ee xil-dhibaanadiisii uu u dhaafiyey ninkuu isagu ku soo casumey inuu khudbad distooriya ka jeediyo aqalka.Wadhiyeey Wadhi, Wadhiyey Wadhi godatey.
Waxa ka horaysey oo dhacday 9kii April 2008 qardda-jeex iyo qaylo dheer oo ka baxaysey gurugii Guurtida lahaan jirtey waagay jirtey hadeer iima muuqdaane’ waxayna ahayd, fadhiiso baastar-yahow baastarku dhalay waa arbacadii ka horaysey mudo kordhtii khamiistu ku-dhawaaqday 10kii April 2008.
Waxa warku tilmaamay waxa weedhaa golaha kaga dhawaaqayey wiil dheer oo Dabeero isku hallaynta hooyadood daba nuugga si khalddan u fahmey. Waxa iyana xigtey bastoolad aqalkaa magacii ba’ay gudihiisa uu haab-haabtay, la’bixid lama sheeggine gudoomiye ku-xigeenka 2aad Saciid tima-weyne, inkastoo la’ sheegay inuu xaraf rag qadeynaya isla bastooladdii ula soo baxay Gudoomiye 2aad Saciid tima-weyne.
Miyaan laga shakiyi karin inay Majeerteenya lug weyn ku leedahay siday iyaduba sheegatay? oon la’ odhan karin inamadaa gacan shisheeye ayaa dabada ka wadda. Midse ha’ la’ ogaado, mudo kordhinta magac u yaalku ka dhawaajey ma’ jiri doonto. Mudo xaaraan ah oon sinaba uga suura gelayn dadka reer Somaliland laguma dhaqmi doono?
UCID iyo Kulmiyena waxan uga fadhinaa inay dadka hogaamiyaan labac-labacna laga feydo.
Waxan filayaa kolkaan dhan kasta ka eegay inay tahay rafashadii u danbeysey illeen maaha macquul in waxanoo kale dhego maqlaan oo ka maqlaan madaweyne iyo wiil karraaniyahoo dhebi lisanaya iyo an idhaahdo mas’uul sheegte madal la’ yiqiin oo magaciis iyo maqalkiiba ba’ay.
Waxan ku talinayaa wixii rafashadaa inaga soo gaadha haday finiin tahay iyo haday siigo iyo boodh tahayba ha’ loo dulqaato iyadoo lagu ilaawayo Somaliladn.
Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin iyo kooxda lumisayna an idhahdo nabadda in badan baa nagu laasateen xagga shacabkaanay ka noolayd ee idinku teello umaydaan dhigan.
Waxad ogaataan NABADDA WAAN JECELAHAY GEED WALBANA WAANU U FDHIISANAYNAA, TAAS MICNEHEEDU MAAHA WAXII KA DANBEEYA 15 MAY 2008 MADAXWEYNE AYAAD SII AHAANAYSAA ILAA MAY 2009 IYO MUDO AAN LA’ AQOON
NABDDA WAANU JECELAHAY MR MADAXWEYNE TAAS MICNEHEEDU MAAHA WAANU CAABUDNAA NABADDA, RUNTU WAXA WEEYE WALLE MA’ CAABUDNO WAX ALLE KA SOKEEYA E’ WAXAANU GARANAYNAA OO DHAWRAYNAA WAXAYDAAN FAHMAYN OO QADERINAYN.
Somaliland hanoolaato ha jirto abidkeed insha-Allaah, ammaano Alla.
Axmed Xaaji Yuusuf Ducaale,London,UK.