UCID iyo KULMIYE oo Jawaabo Gooni-gooni ah ka bixiyey soo jeedimihii Guddoomiye Cirro
Waraysi Khaas ah – Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE
Hargeysa (Jam)- Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa ganafka ku dhuftay qodobadda soo jeedintii dhexdhexaadinta ee uu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ka soo saaray xallinta khilaafyada cakiran ee waqtigan u dhexeeya muxaafadka iyo mucaaradka Somaliland.
Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Mr. Kayse Xasan Cige, ayaa waraysi khaas ah oo uu Jamhuuriya shalay kula yeeshay huteelka Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa waxa uu xaqiijiyey inay u gudbiyeen Guddoomiye Cirro jawaab-celin ku saabsan soo jeedimihii dhexdhexaadinta, isla markaana ugu sheegeen in aanay xisbi ahaan u cuntamin qaar ka mid ah qodobada uu ka soo saaray xal-u-helidda murannada siyaasadeed ee dalka ka aloosan, kadib markii ay u arkeen qaar u janjeedha soo jeedintii xukuumadda oo hore labada xisbi mucaarad uga soo saareen mowqif cad oo wadajir ah.
“Way jirtaa oo Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu wuxuu isku dayey oo dadaal badanna ku muujiyey inuu dhexdhexaadiyo labada dhinac, mucaarad ahaan KULMIYE iyo UCID mowqif wadajir ah oo mid waliba goonidiisa u soo qoray ayaanu u gudbinay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, labada go’aan ee ay soo saareen labada xisbi markaad nuxurkooda hoos ugu sii daadagto isku aragti uun bay ahaayeen oo ah 15-ka May inay maalintii u dambaysay tahay, waqtiga doorashooyinka la qabanayaana yihiin kuwii saddexda xisbi iyo Komishanku ku heshiiyeen ee ahaa 6 October in la qabto doorashada golayaasha degaannada iyo 31 December oo ta Madaxtooyada la qabto. Waanwaanta lafteeda mucaaradku kamuu tagganayn in haddii wax suurtogalaan meel dhexe la isugu yimaad oo miiska la soo wada fadhiisto, haseyeeshee waxa ka muuqata go’aanka Guddoomiyuhu [Cabdiraxmaan Cirro] soo qoray markaan dhinac walba wax ka eegnay qodobo badan oo weli ah kuwii aannu naqdiyeynay ee ahaa muddo-kordhinta Guurtidu in aanay sharci ahayn oo aanay sharciyan xilka u kordhin karin Madaxweynaha,” ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE.”
“Muddo-kordhinta weli wax laga heshiiyey oo inta saddexdii xisbi miiska soo wada fadhiisteen ay isla garteen haddii ay October noqonayso iyo haddii dib looga dhigayaba aanay ahan mid meesha ku jirta, waxa weliba taasi ka horimanaysaa Komishanka Doorashooyinku iyagaa awoodda leh ay ku samaynayaan waqtiga doorasho la qaban karo, kadibna xisbiyada ayey u soo bandhigaan oo yidhaahda waanu qaadanay ama waanu diidnay, laakiin maaha in xilliga dawladda lagu qiyaaso. Komishanka mowqifkiisii wuu cadyahay, xisbiyada mucaaradka ahna wuu cadyahay, waxaad moodaa go’aankii ka yimi Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu inuu yahay mid u xaglinaya kana dhadhamayso qodobadii aannu naqdiyeynay. Runtii dadaal badan buu muujiyey oo ma odhan karno waa khasaare, laakiin arrintaasi waxay ahayd mid aan na qancin ama na raaligelin, iyadiina waanu u qornay oo jawaabtii waanu u celinay, annagoo leh aad baad u mahadsan tahay Guddoomiye dadaalkaad muujisay iyo waqtiga badan ee kaa lumay, haseyeeshee go’aanka aad noo keentay maaha mid aannu ku qanacsanahay.”
Dhinaca kale Xoghayuhu waxa uu markii u horreysay shaaca ka qaaday aragtida xisbiga KULMIYE ee ku wajahan iscasilaadda Guddoomiye-ku-xigeenkii Komishanka Doorashooyinka Qaranka Eng. Xirsi Cali X. Xasan, waxaannu go’aankaas ku tilmaamay mid degdeg ah oo aannu cidna kala tashan, sidaa daraadeedna tahay tallaabo nasiib-darro ah oo ay aad uga xun yihiin.
Isagoo Mr. Keyse Xasan Cige oo faahfaahin ka bixinayey xisbi ahaan sida ay u arkaan go’aankii iscasilaadda xubintii KULMIYE ugu jirtay Guddiga Doorashooyinka waxa uu yidhi; ““Horta Komishanku sidaynu ka warqabno ama xogogaal aad u tihiin dhibtiisu ma yara. Guddoomiyihii hore Maxamed Yuusuf baa iscasilay, xubintii UCID ka socotay waatii meeshaba laga saaray ee isagoon la marin nidaamkii sharciga ahaa la yidhi, meesha waanu kaa erinay, Xirsi waata la leeyahay adna waa lagu eryey.
Annagu ka xisbi ahaan runtii maanu jeclaysan Xirsi isagoon nala tashan oo aan odhan xaaladdu halkaas ayey maraysaa go’aan-qaadashadaa degdegga ah ee uu qaatay aad baanuna uga xunahay. Nin aad noogu dheer oo xogogaal ah buu ahaa oo ku ammaanan hawsha uu hayey, iminka lafteeda iscasilaaddiisu afkuunbay ahayd ee mid qoraal ah oo uu u gudbiyey xubnaha Komishanka ama uu annaga noo soo gudbiyey oo uu na ogaysiiyey midna ma jirto, sharciyan marka la eegana waxay iscasilaaddu hirgashaa marka qoraal aad ku keento, laakiin haddaan maanta oo dhan afka ka hadlo berri waxaan odhan karaa waan ka noqday, ilaa haddana xisbigu go’aan kama gaadhi karo ilaa wixii ay noqdaa go’aan cad oo rasmi ah oo dhinac walba la wada ogyahay weli xubintu waa halkeedii uun.”
Waxa kaloo Xoghayaha Guud ee KULMIYE ka xog-warramay khilaafyada cakiran ee xilligan taagan, kuwaasoo masuuliyadooda dusha ka saaray xukuumadda Madaxweyne Rayaale oo uu ku eedeeyey inay ku hawlan tahay falal dalka lagaga abuurayo xasillooni-darro iyo khalkhal siyaasadeed oo halis gelin kara qarannimada Somaliland.
“Waxaan filayaa haddaan la isyeelyeelayn qof walba way u caddahay wixii lagu kala bixi lahaa ama la yeeli lahaa. Dalka waxa u yaal dastuur dadku u codeeyeen waxaana lagama maarmaan ah in dastuurka wixii ku qoran la raaco. Dalkan dhibaatada taal ee maanta la isku hayaa waxa weeye ciddii hoggaamin lahayd madaxtinimadiisa, Madaxweyne Rayaale shantii sanno ee la doortay oo 2003-dii ka bilaabmaysay 15-ka bishan ayey ku egtahay, waxay tahay markay gaadho maalintaas inuu xilka wareejiyo oo uu bannaanka iska taago, dabadeedna saddexda xisbi u tartamaan ciddii noqon lahayd Madaxweyne sida nimaadku oggol yahay tii may dhicin oo waynu ognahay, Guurti aan iyada lafteedu xaq ku fadhiyin oo jaartarkii hore ee laga gudbay ku shaqaysa horena uu isagu [Rayaale] ugu kordhiyey, ayaa isna u kordhisay sannad, taana haddii aannu nahay axsaabta mucaaradka ah bayaanno cadcad oo aannu ku fasirayno qodobadda sheegaya in aan kordhinta Guurtidu sharci ahayn ayaanu hore u faafinay. Mowqifka xisbiga KULMIYE waxa weeye in marka 15-ka May la gaadho aannu Rayaale Madaxweyne dalka u ahayn ee uu waqtigiisii dhammaaday, taladuna u taal saddexda xisbi qaran iyo sidii loo qabanqaabin lahaa sidii loo dooran lahaa Madaxweyne cusub ninkuu doono ha noqdee ama isaga ha noqdo ama mid kalee.”
Mr. Keyse Xasan Cige oo tilmaamo ka bixinayey falalka xukuumaddu ku abuurayso nabadgelyo-darrada, waxa uu tusaale u soo qaatay isu soo baxii taageerayaasha KULMIYE ku qabteen Salaasadii xarunta xisbiga ee Hargeysa, waxaannu isaga oo arrimahaa iftiiminayeyna waxa uu yidhi; “Maaha dadweynaha in dhibaato loo geysto ama noloshooda la carqaladeeyo, dawladdu iyadaa masuul ah oo xukunka maanta haysa, hantidii ummadda haysa, markaa iyada ayaa laga sugayaa in sicir-bararka taagan, biyo la’aanta, shidaalka cirka isku shareeray, dugsiyada dawladda ee aan shaqaynayn, waayo kuwa gaarka loo leeyahay uun baa shaqeeya, iyada ayey ahayd inay dhammaan arrimahaa wax ka qabato.
Duruufaha maanta yaal iskaba dhaaf mucaarid iyo muxaafid dadkiibaaba nidaamkan ka soo taagan si lama filaan ah, arrintu maaha waa KULMIYE iyo UCID; anigu sidaan qabo shakhsiyan way ka baxsan tahay noloshiibaaba meel adag maraysa, dadku waxay u baahan yihiin isbeddel si xukuumad tan dhaanta oo dhibaatooyinka dalka maanta yaal wax ka qabata ayaa loo baahan yahay. Waxaan anigu aamisanahay inta la leeyahay KULMIYE ayaa wada rabshad oo nabadda khalkhal gelinaya, nabadu waxay khalkhal gelaysaa marka dadweynuhu awoodi kariwaayo inuu noolaado cid celin kartaa ma jirto KULMIYE, UDUB iyo UCID toona ma celin karo, meel walba adduunka waa sidaa haddii noloshu cidhiidhi gasho oo qofku wuxuu cuno waayo isagaa iska kacaya, lamana odhan karo hebel baa kiciyey, xisbi ahaanna annagu ma aaminsanin dadka in la kiciyo oo nabadgelyada wax la yeelo, waxana tilmaan cad u ah shalay [Salaasadii] mudaharaad baannu ku samanay xarunta xisbiga horteeda; shanta degmo ee Hargeysa-ba dad baa ka yimi; waannu la hadalnay oo waxaannu u sheegnay halka maanta wax marayaan, waxaannu u sheegnay 15-ka May inay kaga egtahay muddadii Madaxweynaha, markii dambena basaskoodii bay raaceen oo meelihii ay ka kala yimaaddeen bay ku noqdeen, markii horena waxa la lahaa KULMIYE wuxuu qabanqaabinayaa mudaharaad oo nabadda ayuu waxyeelaynayaa, suuqaa la boobayaa oo waa la isdilayaa, arrintaasi waxay ku tusaysaa borabagaadada dawladdu wado ee aan sal iyo raad toona lahayn, dhibaatada dalka taal iyo nabadgelyo xumaynta cidda wadaana waa dawladda.”
Geesta kale, labada xisbi ee mucaaradka ah ayaa la sheegay inay jawaabo gooni-gooni ah ka bixiyey jawaab-celinta soo jeedimaha uu Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu ka soo saaray hawsha dhexdhexaadinta ee aragtiyaha dhinacyada muxaafidka iyo mucaaradka.
Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa la sheegay in iyaguna dhinacooda ay gudbiyeen a jawaab-celinta mowqifkooda ku wajahan soo jeedimihii dhexdhexaadinta xallinta khilaafaadka ee u soo u soo bandhigay Golaha Wakiillada.
Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo Jamhuuriya isku dayey xalay cawayskii inuu wax ka weydiiyo qodobadda qoraalkooda jawaab-celinta ah, ayaa ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo nuxurka uu xambaarsanaa, isla markaana jawaab ka sugayaan Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, sidaa darteedna aannu doonayn inuu ka hordhaco inta uu go’aan rasmi ahi ka soo baxayo hawlaha dhexdhexaadinta murannada siyaasadeed ee dalka ka taagan.
Labada xisbi mucaarad ee UCID iyo KULMIYE ayaa hore u soo saaray mowqifkooda ku saaabsan murannada siyaasadeed ee u dhexeeya iyaga iyo xukuumadda, gaar ahaan khilaafyada la xidhiidha muddo-kordhintii Golaha Guurtida iyo marka la gaadho 15 May 2008, waqtigaas oo ku eg muddo-xileedka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka, kuwaas oo ay ku tilmaameen in aanay marnaba aqoonsan doonin. Haseyeeshee, waxa ay soo dhoweeyeen in wadahadal iyo wadatashi laga yeesho khilaafyada ku saabsan qabashada doorashooyinka oo fool leh iyo weliba arrimaha kale ee laysku maandhaafsan yahay.
Xigasho / Jamhuuriya Online