Archive for July, 2008

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo ka hadlay muddaharaadkii rabshadaha watey ee ka dhacay Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ugu weyn ee KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa cambaareeyey xoogga milateri ee xukuumaddu ku isticmaashay dadka shacabka ah ee mudaharaadka shaqaaqada leh ka sameeyey magaalada Hargeysa shalay iyo weliba sida ay u maamushay arrinta dhalisay gadoodka, isaga oo dhinaca kalena dadka muddaharaadayey ugu baaqay inay isdejiyaan, soona celinayaan xasiloonida iyo degganaanshaha.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE, magaalada Hargeysa, isaga oo ku hadlaya afka xisbiga waxa uu ugu horrayn sheegay in xisbiga Kulmiye uu aad uga xun yahay waxa ka dhacay magaalada Hargeysa, gaar ahaan dhimashada iyo dhaawaca dadka ka soo gaadhey muddaharaadka, khasaaraha dhaqaale iyo khalkhalka nabadgelyo ee guud ahaan magaalada soo gaadhey. Waxana uu tacsi u diray qoysaskii ay ka baxeen saddexda qof ee ku dhintay mudaharaadkaas rabshadda watey, isaga oo Illaahay uga baryey inuu samir iyo iimaan ka siiyo, marxuumiintana jannadii ka waraabiyo. Waxa kale oo uu u duceeyey in Illaahay caafimaad degdeg ah siiyo dadka iyaguna ku dhaawacmay shaqaaqadaas.

Guddoomiye Axmed Siilaanyo isaga oo ka hadlaya sida uu u arko shaqaaqadaas, waxa uu yidhi, “Arrintaasi waxaanu u aragnaa siday u dhacday iyadoo marka horeba ayaandarro ah, waanu jecelahay markasta inaanu shacbiweynaha ugu baaqno meel uu joogoba, gaar ahaan dadka Hargeysa ee aadka u cadhaysan ee aanu malayn karno heerka ay ka gaadhsiisan tahay cadhada iyo gadoodku inaynu samir yeelano oo nabadgelyada dhawrno oo aynu si xilkasnimo ah u dhaqanno”.

“Waxaanu aad uga xunnahay oo runtii aanu dhaleecayn u soo jeedinaynaa dowladdan marka wax dhacaanba waxa ugu horraysa ee ay samaysaa ay tahay in hubka ugu culculus intay la soo haliisho shacbiga caadiga ah ee wax-ma-garatada ah ee masaakiinta ah dhibaato loogu geysto,” ayuu raaciyey.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo, waxa uu sheegay in ay tahay mid la fahmi karo in marka buuq dhaco ay ciidamada ammaanku isku deyayaan si ay u xakameeyaan oo ay u joojiyaan, balse, waxa uu sheegay in caalamka ay jiraan farsamooyin badan, taas oo uu ku dhalliilay in xukuumadda looga baahnaa inay samayso, haddii aanay samayna ay ku talagasho in markasta ay dhacayaan muddaharaadyo, gadoodyo iyo dad cadhaysan, isla markaana aanay noqonin in markasta madaafiic iyo tikniko loogu jawaabo, balse, ay la timaaddo farsamo kale.

Waxa kale oo uu Guddoomiyuhu ku dhalliilay xukuumadda sida ay u wajahdey arrinta gadoodku ka dhacay oo ah Riig ceel ka qodayey Koonfurta Hargeysa, kaas oo si lama filaan loo soo dhaqaajiyey, isla markaana la sheegay in meel kale loo wareejinayo taas oo ay dadku ka gadoodeen. Waxana uu sheegay in deegaanka ceelka laga qodayey ee Koonfurta Hargeysa uu ka mid yahay dhul badan oo Somaliland ah oo baahi weyn oo biyood ka jirto, dadkuna ay aad u naawilayeen, soona dhoweeyeen. Sidaas darteed, haddii sabab farsamo darteed loo joojiyey, waxa uu sheegay in loo baahnaa marka hore in dadka deegaanka iyo waxgaradkooda loo soo bandhigo, lana fahamsiiyo sababta biyaha loogu soo saari waayey iyo sababta riigga loo kaxaynayo iyo meesha la geynayo, lana helo ogolaanshahooda inta aan tallaabo la qaadin.

“Taasi may dhicin, waxa dhacday in la yidhi riiggii waanu qaadanaynaa oo meel kale ayaanu geynaynaa, dadkiina si khaldan loo fahmay, halkaana gadood ka dhashay. Taa qudheedu waxay muujinaysaa farsama-xumada,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Waxana uu sheegay in ta ka darani ay tahay rasaasta iyo hubka xoogga ah ee dadka lagu isticmaalay, taas oo uu sheegay in aanay ahayn markii u horreysey ee ay Hargeysa ka dhacdo.

Axmed Siilaanyo ugu dambayntii waxa uu sheegay inay ku guubaabinayaan odayaasha iyo waxgaradka magaalada iyo gaar ahaan xaafaddaas, in la ilaaliyo nabadgelyo nabadgelyada oo uu sheegay inay qiimo weyn u leedahay qaranka iyo magaaladaba, cadhadana laga soo noqdo. Waxa kale oo uu xukuumadda ugu baaqay in ay fuliso wixii ay ku wadahadleen odayaasha xaafadda.

Xigasho / Somaliland.org, Hargeysa.

Somaliland Foreign Policy in Djibouti is the right Strategy;- Opinion

Somaliland wants to be recognized by the international community, and that requires short term and long term strategy to make more and close friends, including (1) determining opportunities where Somaliland can contribute to the interest of the international community particularly in the Horn, (2) showing compassion or making emotional connection with the people of those nations during difficult times, and most importantly (3) finding opportunities that will help to improve the standard of living for Somaliland people, (4) demonstrating that Somaliland recognition will be for the best interest of the international community as much as the interest of Somaliland. The Somaliland foreign policy must be based on a solid and calculated strategy that will help to make close diplomatic relationship that benefits our people with government in Africa, Middle East , and the Western world. 

Somaliland is a young nation, which is mature and capable of handling complicated relationship with its neighbors; Somaliland can have serious disagreements with Djibouti on certain matters, while forging close relationship with Djibouti on other matters, that is what Diplomatic relationship means, unlike personal relationship where you can either have someone as a friend or not, in diplomatic relationship, nations have strong disagreements
on one or more issues, while building close relationships on other unrelated matters.

 I believe Kulmiye Party and its leadership, being the first to announce its Foreign Policy position on the Djibouti-Eritrea conflict, made the right policy decision and demonstrated skills necessary to articulate policy that states to the people in Djibouti and their government that Somaliland will stand with them against the attacks from Eritrea, despite the current position the Djibouti government about Somaliland recognition. This policy articulated by Kulmiye Party and supported by Somaliland governments will touch the hearts and minds of the people in Djibouti, and it will certainly plant the seed that Somaliland cares about the people of Djibouti today, and will induce them to imagine if Somaliland were a recognized nation, it would have been able to support Djibouti much more effectively in the Horn of Africa.  

Somaliland government has taken similar policy position in this case, and it also supported the Ethiopian government regarding its policy towards Somalia in the past, which had similar effect and made Somaliland closer to Ethiopian government and people. Also, Ethiopia has a long conflict with Eritrea and appreciates Somaliland policy to support Djibouti against Eritrea . Kenya is very closely watching Somaliland actions and foreign policy positions to determine its future policy course towards Somaliland . In a nutshell current Somaliland policy towards Djibouti has shown the governments in the region that Somaliland will help them to protect their interest on regional matters like this one, despite their existing position on recognition. Significant progress in democracy has also earned good reputation for Somaliland in the Western world and this policy towards Eritrea will please them too, and will further support the notion that the international community will be better off to have recognized Somaliland in the region, instead.

 

Chairman Faysal and The Somaliland Times editorial supported the policy that Somaliland leaders and government should be against the people and government of Djibouti and rather support Eritrea to punish Djibouti for its position about Somaliland recognition and the multiple times it has opened and closed the Somaliland office in Djibouti. This policy is short-sighted and is based on punishment strategy, which is consistent with how an individual behaves rather than a young nation like Somaliland . Somaliland is not in a position to punish any country on the contrary Somaliland desperately needs close friends in the region and in the international community. It appears to me Kulmiye’s policy position is the right policy and it is based on long term strategic thinking to protect the interest of the Republic of Somaliland and I congratulate Kulmiye for providing leadership in formulating this foreign policy and I congratulate Somaliland government for aggressively adopting this policy as the national policy. The strategy proposed by Kulmiye will help to make close and more friends for Somaliland and will help international government to see Somaliland recognition as a policy that will protect their interest in the region.

 

Rashid Nur

Somaliland American Council

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo oo si diirran loogu soo dhoweeyey Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo oo ayaa maanta dalka ku soo laabtay, kadib markii uu sii dhammaystay socdaal uu muddo bil ku dhow ugu maqnaa dalka Ingiriiska.

Guddoomiyaha, mudane Siilaanyo oo ay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ay kaga hortageen, si diirranna ugu soo dhoweeyeen xubnaha kale ee hoggaanka xisbiga KULMIYE, xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada oo ka soo baxay xisbigaas, xubno door ah oo ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga iyo dadweyne kale oo aad u fara badan, waxa ay weriyayaashu su’aalo dhawr ah oo la xidhiidha socdaalkiisa iyo xaaladda dalka ku weydiiyeen qolka socotada muhiimka ah ee Madaarka. Waxana uu sheegay in socdaalkiisu uu ahaa mid gaar ah. Hase yeeshee, waxa uu xusay muddadii uu joogey dalka Ingiriiska inuu fursad u helay inuu la kulmo dadka reer Somaliland ee ku dhaqan dalkaas oo ah meesha taageerayaasha ugu badan xisbiga KULMIYE ee Qurbuhu deggan yihiin, isaga oo sheegay inay dadkaasi aad u danaynayeen in wararka dalka, gaar ahaan xaaladda uu wakhtigan ku sugan yahay.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in dadkaas uu la kulmay ay iska xogwarraysteen xaaladda dalku ku sugan yahay wakhtigan, gaar ahaan dhinaca siyaasadda, dib u dhaca doorashooyinka, dhaqaalaha iyo sicir bararka maceeshadda, isla markaana uu uga warramay arrimahaas iyo xaaladda guud ee dalka guud ahaan.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo, waxa uu sheegay in dadka reer Somaliland ee qurba-joogga ah ay guud ahaanba werwer weyn ka qabaan geeddi-socodka Dimuqraadiyadda ee dalka oo aan u socon sidii loogu talagalay. Waxa kale oo ay dadkaasi werwer weyn ka muujiyeen ayuu yidhi sicir bararka maceeshada ee khatarta ku haya nolosha ummadda danyarta ah.

Waxa kale oo Guddoomiyaha wax laga weydiiyey xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti iyo socdaalkii Daahir Riyaale uu dhowaan ku tegey Jabuuti oo natiijadiisu ay dood lagu kala aragti duwan yahay oo siyaasadeed dalka ka abuurtay, iyada oo siyaasiyiinta qaarkood ay ku dhalliileen Daahir Riyaale warmurtiyeedkii uu la soo saaray xukuumadda Jabuuti ee ay ku cambaaraynayeen dowladda Erateriya. Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inay soo dhoweynayaan markasta in Somaliland xidhiidh wanaagsan la yeelato derisyadeeda, gaar ahaan Jabuuti oo uu sheegay inay tahay dalka ugu dhow, derisnimada ka sokowna ay labada shacbi ay isku mid yihiin. Sidoo kale, waxa uu sheegay in Erateriya ay tahay iyaduna dal aynu deris nahay oo ku xigta Jabuuti, iyada lafteedana loo baahan yahay in aynaan colaad gashan, inkasta oo uu xusay in Somaliland markasta danaynayso nabadda mandaqadda, sidaa darteedna ay cambaareeyeen weerarkii Erateriya ku soo qaadday dhowaan Jabuuti.

 

Laanta Norway Ee Xisbiga Kulmiye Oo Gudi Cusub Doortay

(Laanta Norway ee Xisbiga Kulmiye oo Guddi Cusub dooratay. )

Oslo, Norway -Shir ballaadhan oo ay isugu yimaadeen xubnaha Laanta xisbiga Kulmiye ee Norway 29-kii bishan june ayaa lagu doortay guddi cucub, laguna falanqeeyey arrimo badan oo muhiim ah. Arrimaha lagu gorfeeyey shirka ayaa badi ku saabsana danaha iyo ujeedooyinka Laanta Kulmiye ee Norway. Ugu horrayn wuxuu shirweynuhu ansixiyey xeer hoosaadka Laanta, xeerkaas oo ay ku qeexantahay hab maamulka iyo himilada laantu tiigsanayso. Xeer hoosaadku waxa kaloo qeexayaa sida loo dooranaayo hogaanka laanta iyo inta ay xilka haynayaan. Waxa shirka goob joog ka haa xubno culculus oo ka tirsan Xisbi qaranka Kulmiye, oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Yusuf Maxmed Cali (Tukke), Mj Axmed muxumad Madar, Axmed Xaaji Nur, Axmed Cawad iyo xubno kale oo muhiim ah.

Shirweynuhu wuxuu isla qaatay, tusmana u dhigay sidii hawlaha laanta loo dardargelin lahaa, hawlahaas oo ku wajahan sidii Kulmiye Norway ugu diyaargaroobi laha Doorashooyinka Qaran ee innagu soo foolle.

Guddida la doortay waxay ka kooban tahay:

Sulub Ismail Warsame – Guddoomiye
Ali Mohamoud jama – Xoghaye
Hassan Mohamed Ali – Khasnaji (lacaghaye)
Hussain Hassan Gulaid – xubin (La Taliye)
Maryan Mohamoud Ali – xubin