Archive for September, 2008

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Siilaanyo Oo Munaasabada Ciida U Hambalyaynaya

Ciid Wanaagsan


Hambalyooyinka Ciidda


Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

September 29th, 2008

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Ahmed Mohamed Siilaanyo isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo kan xisbiga KULMIYE, Waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa guud ahaa ummadda Muslinka, gaar ahaan shacbiga reer Somaliland, isaga oo ugu hambalyeynaaya Munaasibadda CIIDAL FIDRIGA.
Waxa uu ilaahay uga baryayaa inuu sannadkan sannadkiisa inagu gaadhsiiyo Barwaaqo, Caafimaad iyo horumar.

Sidoo Kale www.kulmiye.org waxay iyaguna dhamaantayo soo hambaliyaynaynaa umadaha Muslimiinta gaar ahaan shacabka reer Somaliland.

Dahir Rayaale Kaahin Ayaa Shalay Ku Soo Guryo Noqday Dalka Kadib Markii Uu Todobaadyo Ku Soo Tamashlaynayay Dalalka Yurub Heshiisyo Ganacsina Uu La Soo Saxeexday Sharikado Kale Oo Bug Ah.

Faalada Maanta

Sample Image

Kulmiye.org- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Dahir Rayaale Kahin ayaa ku soo guryo noqday dalka shalay kadib markii safaro aanu hore loo shaacin ugu ambabaxay dalalka Yurub ta galbeed. Madaxweyne Rayaale , ayaan cidina waxba ka ogayn cidna an waxba kala socodsiin safarada qarsoodiga ah ee uu dalka kaga ambabaxo, dalalka u soo boqanayo, ujeedooyinka safarkiisa , cida martiqaadka u fidisay iyo heshiisyada qarsoodiga ah ee uu la soo galo sharikado aan ka diiwaangashanayn dalalka ay sheegtaan inay ka diiwaangashanyihiin. Madaxweyne oo safaradisa inta badan la ogaado subaxa uu dhoofayo ama in ka yar 24 saaacadood ka hor wakhtiga uu dhoofiyo ayaan wax xidhiidh ah kala yeelan laamaha dawlada ee ujeedooyinka safarkiisu khuseeyo.

Madaxweynaha Rayaale ayaa u dhaqmayay sanadihii uu dalka madaxda ka ahaa inuu iska indha tiro xeerarka iyo distorka dalka u yaala. Dahir Rayaale ayaa si qarsoodi ah heshiisyo ula galay shirikado bug ah oo illa maanta aan heshiisyadooda la hor keenin golayaasha xeer dejinta qaranka sida distoorka qaranku dhigayo. Shirikadaha bugta ah ee Dahir Rayaale la galay heshiisyada ayaan xitaa waxba aan laga ogayn waxa ay yihiin. Xeebaha jamhuuriyada Somaliland waxaa ka soo buuxsamay maraakiib lagu sheego inay yihiin kaluumaysi xaluufiyayna kaluunkii iyaga oo isticmaalaya shabakadaha dunida laga mamnuucay ee xaalufisa taranta kaluunka. Maraakibtaasi waxay dhamaan fasax ganacsi gaar ah ka wada haystaan madaxweynaha Dahir Rayaale Kahin.

Dalka Waxaa Ka jira sedex laamood oo dawlada ah kuwaas oo kala ah Baarlamanka oo la isku yidhaahdo Guurtida iyo golaha wakiilada, Maxkamadaha oo illa hada hoosyimaada Dahir Rayaale Kahin balse ay ahayd inay ka madaxbanaanaadaan iyo fulinta oo ah madaxweynaha iyo golihiisa wasiirada. Waxaa ayaan daro noqotay in maanta dawladii iyo distoorkiiba noqdeen Dahir Rayaale Kahin iyo golaha fulinta. heeshiis kasta oo xukuumadu ay la gasho cid kale waxaa distoorku dhigayaa in la hor keeno xeer dejinta si loo ansixiyo, illa hada heshiisyada xukuumada Rayaale waxay wada ahaayeen qarsoodi aan waxba lagala socon todobadii sanadood ee uu maamulka dalka madaxda ka ahaa.

Xukuumada Rayaale waxay daah dusha ka saartay xisbiyadii mucaaridka ahaa oo sida waajibku yahay ay tahay in lagala tashado lalana socodsiiyo arimaha dalka ka khuseeya.

Madaxweyne Rayaale hadaba dalkii ku soo noqay sacab iyo salaanna lagu soo dhawee, su’aashu se waxay maxaad soo qabatay, yaad la kulantay, dalalkii aad soo martay marka laga reebo Jarmalka oo aad ilkaha ka soo samaysatay dalalkaasna maxaa ku wada hadasheen, imisa heshiisna waad soo gashay? ? ? ?

Kulmiye.org

Somaliland: KULMIYE Statement on the Horn of Africa

Somaliland: KULMIYE Statement on the Horn of Africa

Dr. Mohamed A. Omar

Momar

September 26, 2008

Drawing on a reputation for neutrality and commitment to peace, Somaliland´s KULMIYE PARTY is in favour of a peaceful means for resolving all the disputes in the Horn of Africa. Our vision for the region´s stabilisation reflects on this principle and is anchored around the following five key priorities.

First, we support an inclusive political dialogue and integrated peace approach aiming to achieve a broader consensus among the parties in conflict in bringing an end to the prolonged regional confrontations.
Second, we call on the international community to provide effective development and humanitarian assistance to the civilian population that are caught up in these conflicts.

Third, we encourage efforts aimed at creating conditions that are conducive for building democratically representative institutions that would facilitate greater participation in the decision-making process.

Fourth, we advocate for a regional economic integration and freedom of trade.

Fifth, we deny extremist groups the opportunity to find a safe haven in the region.

In achieving the above policy priorities, we believe that an internationally- supported and regionally- coordinated diplomatic strategy is the best way forward, with an integrated peace building and post-conflict planning.


We strongly believe that promoting democracy and freedom is essential for the broader regional peace programme, including supporting peaceful and effective administrations in the region, acknowledging democratic initiatives and defending free media. We recognize these are the only ideas that can lead to a lasting stability in the region.

Baaqyo Taageeraya Go’aanka Gudidii Turxaansaarka Ee Kulmiye

Baaq taageero go’aankii gudiga dhexdhexaadinta.

Gudidda Xisbiga Kulmiye ee Stockholm waxay baaq taageero ah u soo jeedineyaan go’aanka gudidda dhexdhexaadintu ku soo afjartey khilaafkii xisbiga Kulmiye dhexdiisa ka dhashey.

Waxaanu idiinku taageersanahay go’aanka aad ku soo afjarteen khilaafkii, waxaanu ku boorineynaa in labadii dhinac ee khilaafku ka dhex dhashashey ay u hogaansamaan go’aamada, wixii dhimman ee ku cayiman go’aamadana dhakhso loo fuliyo.

Waxa noo muuqata in dariiqa lagu hiigsaneyo dawlad dadka iyo dalka u daacad ah in lagu gaadheyo midnimada xisbiga kulmiye oo la adkeeyo, sidaas darteed, waa in lagu talaabsadaa hawlaha iyo tabaabusho loogu diyaar garoobeyo hawlaha balaadhan ee doorashooyinka, lagana gudbo muran aan dan u ahayn xisbiga iyo mustaqbalka S/land.

Waxaanu fileynaa in dhammanba dhinacyada go’aankani u khuseyso ay wada fahamsanyihiin in dadka iyo dalkuba u baahanyihiin badbaado dhinac kastaba ah, sidaas darteedna ay u wada guntadaan sidii looga midho dhalin lahaa rajada ummadu sugeyso mustaqbalka dhow, hadii EEBE raali ka noqdo.

Gudoomiyaha Gudidda Xisbiga Kulmiye Stockholm,

Hassan Suleiman Abdi/marayareh

Baaq taageero ah gudiga dhexdhexaadinta Kulmiye.

Sep 27 2008Goteborg(saraarnews)-Odayaasha jaaliyada somaliland goteborg sweden waxah baaq hambalyo ah halkan uga dirayaan ,guurtidii iyo xeerbeegtidii isu xilqaantay inay soo afjaraan cadhadii ka dhalatay shirkii golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ee lagu dooranayey, labada musharace ee xisbiga u metelayey

Odayaasha jaaliyadu goteborg sweden waxay ugu baaqeen in dhinacyadu u hogaansamaan go’aanka xeerbeegtida iyada oo la eegayo danta iyo maslaxada xisbiga iyo dalkaba.

magacyada odayashaa baaqa ku qornaa.

Siciid xaaji Aden jibriil.
Cali Mohamed xaaji xasan.
Ahmed ilkacase
Yuusuf Aadan subeekar
Jaamac cilmi
Aadan dheere
Siciid xaaji Aden
Keyse jaamac Faarax
Saleebaan yare
Xasan cali boodbood
Cabdi xaaji maxamed “cabdi Macal”

ilaahay dariiqa xaqa ah ha ina tuso

Waxaa Baaqyo Kale Oo Taageeraya Go’aankii Gudiga Dhexdhexaadinta Ay Naga Soo Gaadhayaan Dhamaan Laamaha Xisbiga EE East London, West London, North London , Birmingham, Cardiff,Liverpool,Bristol,Minasota,Columbus, Atlanta,Toronto, Ottawa, Edmonton, Norway, Denmark, Abudhabi, Iyo Xubno Iskood Gaar Gaar Fariimo noo soo gaadhsiinaya.

Mudane Axmed Xaji Cali Cadami Oo Ka Mid Ahaa Labadii Muashrax Ee Ka Duday Doorashadii Musharaxiinta Golaha Dhexe Ee Shirkii Burco Oo Ku Qancay Go’aankii Gudida Turxaansaarka

Faallo

Mudane Axmed xaji Cali Cadami iyo xubno gaadhaya illa 50 qof oo isugu jira xubno golaha dhexe ka tirsan iyo xubno taageeroyaal ah ayaa xalay kaga dhawaaqay magaalada Hargeysa inay si wanaagsan ugu qanacsanyihiin go’aanka ay soo gooyeen gudidii turxaansaarka ee ka tirsanayd labada dhinac oo ahaa 8 oday.

Dhamaan taageerayasha xisbiga Kulmiye ee dalka gudihiisa iyo dabadiisuba waxay si farxad leh u soo dhaweeyeen go’aanka ka soo yeedhay gudida khilaafka iyo turxaansaarka xisbiga Kulmiye. Wxaynu hore uga war qabnay in gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Md Axmed Maxamed Maxamud Silaanyo iyo madaxda kale ee xisbiguba ay si fiican ugu qanceen go’aamadaas.

Waxaa go’aamadaas iyo in ay gudidu wax soo go’aamisaba ka biyo diiday 7 xubnood oo madax u yahay md Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax. Gudida turxaansaarka ayaa kalsooni buuxda loo siiyay inay soo afjaraan khilaafkan ay tirsanayeen xubno ka mid aha xisbiga.

Mudadii garta iyo garnaqsigu ka dhex socday xisbiga ayaa sababtay in dib u dhac iyo baylah fara badan ku dhacdo hawlo fara badanna oo xisbigu qabsan lahaana qabyo ka dhigay. Taageeroyaal badan ayaa noo soo diraya farimo emails ah oo ay ugu wada mahad celinaya kuna hambaliyaynayaan xubnaha labada dhinac ay khusayso oo ku qancay go’aamada gudida turxaansaarka. Taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee fariimaha soo diraya ayaa 7da xubnahood ee go’aanka diidayna ka codsanaya inay aqbalaan go’aanka turxaansaarkii shirkii golaha dhexe ee Burco.

Waxaa hada la soo gaadhay in la guda galo hawlihii xisbiga ka qabyoobay mudadii lagu dhex jiray gartii iyo garnaqsigii. Waxaa hada la soo gaadhay wakhti la isu diyaariyo hawlaha muhiimka ah ee xisbigu u furan yahay oo ah doorashooyinka sidii la isugu diyaarin lahaa. Waxaa hada la soo gaadhay wakhti la soo afjaray khilaafkii iyo turxaansaarkiiba oo aan dib loogu noqnaynin, waxaana waajib ku ah dhamaan xubnaha, taageerayaasha iyo madaxda xisbigaba inay wada iimaansadaan kuna wada qancaan go’aanka kama dambaysta ah ee gudidu soo ga’aamiyeen .
Kulmiye.org

Cabdiraxmaan manta maaha ninkii ka cadhoon lahaa Kulmiye ( Waa Maqaal UU Qoray Ibrahin Yusuf Bulay)

OPINION

Islaan baa beri inanteedii qudha ee ay dhashay nin ka guursadey. Mudo dhowr bilood ah ayaa islaantii inanti dusha ka waraysanaysey, oo ay ay toyanesysey bal in gabadha caloosheeda wax galeen, markay negativekii batay ayaa islaantii inantii xageedii u sadcaashay. Inantii islaantii way sooryeysey, oo iyad iyo inanteedii habeenkii la is warystay. Subixii markii waagu beryey ayaa islaantii farta loogu fiiqay ninka inanta ka guursadey.

Islaantii waxay tidhi “Ninkan intaa feedhihu le’egyihiin inantayda kama dhali waayine hagaraa ku jirta” Haatan Cabdiraxmaan iyo ragiisu heshiis Kulmiye lama gaadhi kari waayine, hagaraa ku jirta.

Somaliland weli waa reero, reero badan oo hankeedii iyo sedkeediiba lahaa kana mudnaa Cabdiraxmaan ayaa jira marka la eego sababta C/raxmaan looga door biday Saylici oo ah “Yaa Kulmiye cod ka heli karaa”. Ragaasi isma soo sharixin, juuqna laga maqal. Danta guud ayay ka eegeen. Waxay arkeen manta inay tahay “biya culustii” oo aanay ahayn maalintii la xisaabtami jirey,ee ay tahay maalintii dusha iyo danta guud laga raaci jirey.

Cabdiraxmaan manta maaha ninkii ka cadhoon lahaa Kulmiye. Xisbigu waa xisbigii uu intaa ka soo shaqaynayey, soo ababiyey maaha ninkii hangasha xidhan lahaa. Waxay ahayd oday dudmo laguma yaqaane inuu ereyna sii yidhaahdo, ereyna la hadho. “Oday hadal uu yidhaahdo iyo miduu dib dhigtoba waa leeyahaye” waxay ahayd inuu dabadeed duco raaciyo, oo danta guud ka raaco. Maanta tabasho shaqsi ah maahayn in xisbigu u boqon jidhjidhnaado, cimaamada ayaa kaaga dhacaday C/raxmaan, xisbigana waqti qaali ah ayaa kaga lumay. Didiiwaan gelintii ayaa ka bilaabmaysa Saxil bishan October 14-keeda. Diiwaan gelintuna sidaad ula socotaan kama dhacdo doorashada nafteeda, oo wax walba iyada ayaa lagu salaynayaa.

Hadaan ahay taageerayaasha Kulmiye, waxay ila tahay mulacyayntan iyo is daba jiidkani xisbiga iyo C/raxmaan kooxdiisa toona dani uguma jirto. Cadow badan ayaa sidii qorismariska isku soo lifaaqay khilaafka oo isku deyey inay ka faa’iidastaan. Waxa xisbiga soo gacan togaaleeyey Udub iyo dad aan xisbiga milgehiisa geyin. In Bulaale (Xoghayaha Udub) Kulmiye local affairs-keeda ka hadlo ayaa adyad iyo badrad xisbiga ilan. Intaa wixii dheeri xisbiga ma qabato. Kolkaa Cabdiraxmaan waa halyey geesi ah, mujaahid wadani ah, xisbigana kaadiradiisa iyo tiirarkiisa ugu waaweyn ka mida. Maantase Laba ayaa u furayd. Soomaalidu waxay tidhaadaa “lugta jeeniga dhaaftaa waa jabtaa”

Waa ta koowaade, natiijadii ka dhacday doorashadii Burco waa laguma noqdaan. Shirka Maxdaweynaha iyo Kuxigeenkiisa lagu dooranaya mar buu dhacaa, wixii ka soo baxaana waa sharci, waana final. Inuu aqbalo oo qaato.

Waa ta labaade wixii kale ee tabsho ah, ama xaal xaal ah ama ku noqoshe leh, gogol iyo garnaqsi ayaa xisbigu ka dhigay, oo weliba miisaanka ragaa daraadood Gudoomiyuha Kulmiye, Xaaji Siilaanyo isu qaawiyey oo hamrasho tusay. Waxay ahayd inaanu ergada uu badh xulkeeda lahaa aanu ka hor iman. Udub ayaa gudi diidka lagu yaqaaney, Kulmiyese waa ku ugub.

Kolkaa hadi Cabdiraxmaan ay cuntami weydey go’aankii ergadu soo gaadheen, macneheedu waxa weeye Odaygu xisbiga ayuu iska dhex arki waayey. Markaa Kulmiye Odayga ha u duceeyo oo weliba garabka ka sii dhirbaaxo. Gees lo’aad kulaylkaa lagu gooyaa, waxay ila tahay in Odayga iyo raga la socdaaba ay haatan biqla dhamaysteen, jiitankan iyo mulacyayntanina way dheeraatay, madax meel ka saraysa oo la salaaxaa ma jirto.

Kulmiyena waxan odhan lahaa iyo dadkiisaba, move on!

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Shirguddoonka Golaha Wakiillada oo dalka kusoo laabtay

Shirguddoonka Golaha Wakiillada oo dalka kusoo laabtay

“Anaga namay martiqaadin Shirkad Heshiis kula jirta Somaliland” Guddoomiyaha Golaha Wakiillada

Hargeysa (Ogaal)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu weheliyo Guddoomiye-kuxigeenkiisa koowaad Cabdicasiis Maxamed Samale oo safar in ku dhow laba todobaad qaatay ugu maqnaa wadamo ka tirsan qaaradda Yurub, ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay.

Shirgudoonka Golaha Wakiillada oo gelinkii dambe ee shalay ka soo degay madaarka Hargeysa, waxa ujeedada socdaalkooda ay uga xogwaramay saxaafada Gudoomiye Ciro, waxaana uu sheegay in safarkoodu la xidhiidhay martiqaad ay ka heleen dalka Norway, isla markaana uu uga sii gudbay dalalka Jarmalka iyo Sweden.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in martiqaadka Norway ay ka heleen ay u fidisay Shirkadda Saliida ee dalkaas, halka uu dalka Jarmalkana kaga qaybgalay martiqaad uu ka helay Baarlamaanka dalkaas. Kuwaasoo uu sheegay inay u suurtagelisay inay la kulmaan masuuliyiin ka tirsan wadamada ay booqdeen iyo madaxda Baarlamaanadooda. “Safarkayagu wuxuu ahaa laba qaybood; mid wuxuu ahaa martiqaad rasmi ah oo aanu ka helay dalka Norway, kadibna Golaha oo Fasax ku jiray awgeed waxaanu ka faa’idaysanay waqtiga oo waxaanu booqanay wadamada Sweden iyo Jarmalka, kuwaasoo aanu iyagana martiqaad ka helay Baarlamaanadooda. Wadamada aanu tagnay waxaa noo suurtagashay inaanu la kulano Baarlamaanada Wadamadaas iyo Madaxda Dawladahaas, gaar ahaan Wasaaradaha Arrimaha Debada iyo Hay’adaha Kaalmada bixiya. Waxaa ugu muhiimsanayd ee aanu kala hadlaynay qaddiyadda Somaliland iyo iskaashiga Baarlamaanada Wadamadaas iyo ka Somaliland,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu.

Mar Guddoomiye Cirro wax laga waydiiyay in martiqaadka ay ku tageen Norway ay ka heleen mid ka mid ah Shirkaddaha Saliida ee Xukuumadda Somaliland heshiiska kula gashay Sahaminta iyo qodista Shidaalka, waxa uu sheegay in martiqaadkoodaasi ku koobnaa dawladda Norway, isla markaana aanay casuumin Shirkad heshiis Macdan-qodiseed kula jirta Somaliland. “Anaga namay martiqaadin Shirkad heshiis kula jirta Somaliland,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Sidoo kale, mar wax laga waydiiyay in muddadii ay ku gudo jireen safarkooda ay Madaxweyne Rayaale ku kulmeen Yurub oo uu haatan booqasho ku joogo, waxa uu sheegay in aanay Madaxweynaha ku kulmin safaradooda.

Xigasho/Ogaal

Axmed-Siilaanyo oo Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda ku Eedeeyey in ay ka Dambeeyeen Warbixin Laga Qoray Xisbigiisa


“Waa warbixin mar hore soo baxday oo ay Somaliland gudaheeda ka diyaariyeen dad cadow ku ah KULMIYE oo la garanayo, kana mid yihiin Cawil, Cabdillaahi Ducaale iyo….”

Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii ugu horreysay caddeeyey mowqifka xisbigiisa ee ku wajahan xidhiidhka dalka ay Itoobiya deriska yihiin ee Eritrea iyo aragtidiisa ku saabsan warbixin si qarsoodi ah uga soo baxday xafiiska Ra’iisal-wasaare Meles Zenawi, taas oo uu ku tilmaamay mid aan sal raad toona lahayn oo ay sameeyeen wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland oo cadow u ah xisbiga.

Warbixinta sirta ah ee ka soo baxday xafiiska Mr. Meles Zenawi, ayaa lagu caddeeyey mowqifka siyaasadeed ee dawladda Itoobiya ka taagan tahay midnimada dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya iyo in Madaxweyne Rayaale ku qanciyey Itoobiya haddii xisbiga KULMIYE ku guulaysto doorashada Madaxtinimada Somaliland uu la xidhan doono Eritrea oo cadow u ah dalka Itoobiya.

Guddoomiye Axmed-Siilaanyo oo xalay khadka telefoonka ugu warramayey Jamhuuriya, ayaa waxba kama jiraan iyo been-abuur ku sifeeyey warbixinta sirta ah ee la sheegay in ay ka soo baxday xafiiska Meles Zewawi, isla markaana xisbi ahaan hore arrintaas ugala xidhiidheen masuuliyiinta dawladda Itoobiya, una caddeeyeen in aanay jirin wax warbixin oo ay ka soo saareen arrimaha Soomaaliya oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisal-wasaaraha.

Md. Siilaanyo waxa uu warbixintaas ku tilmaamay mid aan sal raad toona lahayn, arrintaasna hore ugala xidhiidheen madaxda xukuumadda Addis Ababa, sidoo kalena warbixintaasi tahay mid ay Somaliland gudaheeda ka diyaariyeen dad cadow u ah xisbiga KULMIYE, isla markaana aannu jirin haba yaraatee wax xidhiidh ah oo xisbigiisu la leeyahay dawladda Eritrea iyo kooxaha Al-shabaab iyo ONLF toona.

Waxa kale oo Guddoomiyaha KULMIYE sheegay in aannu jirin wax xidhiidh ah oo xisbigiisu la leeyahay dawladda Eritrea iyo ururrada Al-shabaab iyo ONLF toona, arrintaasina tahay shirqool xisbigiisa loo maleegayo oo ay ka dambeeyaan Wasiirrada Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Xuseen Cali Ducaale (Cawil) iyo Cabdillaahi Maxamed Ducaale.

“Waxaan u arkaa warbixinta la isku xidhiidhinayo KULMIYE iyo Eritrea mid aan sal raad toona lahayn oo aan waxba ka jirin, waana warbixin mar hore soo baxday oo ah qiimayn ay Somaliland gudaheeda ka diyaariyeen dad cadow ku ah KULMIYE oo la garanayo, kana mid yihiin Cawil Cali Ducaale, Cabdillaahi Ducaale iyo xisbigooda UDUB, dawladda Itoobiyana hore ayaannu uga wadahadalnay arrintaas, waxayna noo sheegeen in warbixintaasi aanay ahayn mid sal iyo raad toona leh, KULMIYE-na wax xidhiidh ah oo haba yaraatee ka dhexeeya Eritrea ma jiro, weligayana xidhiidh maanu yeelan Al-shabaab iyo ONLF, waxan sheeg-sheegayana xisbigayagu waa ka nadiif, wax xidhiidh ahna lama lihin, waana barobagaando ay xukuumaddu faafisay oo xisbiga lagu waxyeellayo, hadal la iska yidhina KULMIYE maaha mid wax kaga xumaanayaan,” ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo.

“Tan la leeyahay Gobolka Togdheer baa laga taageeraa ONLF oo guddoomiyuhu [Guddoomiyaha KULMIYE] halkaasuu ka soo jeedaa waa arrin mala-awaal ah, xisbiguna Togdheer, Somaliland oo dhan iyo qurbo-jooggaba taageerayaal badan buu ku leeyahay, cid kastaana way ogtahay, KULMIYE-na ma aha xisbi gobol gaar ah loo nisbayn karo, balse waa xisbi qaran oo ah ka ugu taageerada badan xisbiyada Somaliland,” ayuu ku daray Guddoomiyaha KULMIYE.

Xigasho /Jamhuuriya Online

Hogaanka Xisbiga Kulmiye Oo Aqbalay Go’aamada Gudida Turxaansaarka Shirkii Burco Iyo 7 Xubmood Oo Cabdiraxman Ku Jiro Oo Diiday Go’aankaas

Cabdiraxmaan Aw Cali iyo xubno ka tirsan kooxdiisa oo ku gacansaydhay go’aamada Xeerbeegtida KULMIYE

Hargeysa (Somaliland.org) – Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo xubno dhawr ah oo ka tirsan kooxdiisa ayaa deedafeeyey go’aanka iyo talooyinka guddida Xeer-beegtida ahi ka soo saareen khilaafkii ka dhashay shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ee lagu qabtay magaalada Burco, iyaga oo sheegay in aanay ku qanacsanayn go’aankaas, halka hoggaanka xisbiga KULMIYE uu aqbalay go’aamada guddida.

Go’aanka guddida dhexdhexaadintu ka gaadheen khilaafka xisbiga KULMIYE oo caawa ay labada dhinac ugu dhiibeen iyaga oo qoraal ah kulan ay ugu qabteen hotelka Ambassador, ayaa kadib Cabdiraxmaan Aw Cali iyo xubno ka tirsan Guddida dhinaciisa ka socotey waxay shir jaraa’id oo ay ku qabteen gurigiisa ku deedafeeyeen go’aanka iyo talooyinka guddidu ku dhexdhexaadiyeen, waxayna sheegeen in guddidaa aanay waajibkeedu ahayn inay go’aamo soo saarto, balse, hawsha loo diray ay ahayd isu soo jiidis iyo isu soo dhoweyn.

Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ugu horrayn shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in aanay aqbalayn go’aamada iyo talooyinka guddida, isla markaana ay diyaar u yihiin wixii kale ee xal loogu helayo khilaafkii ka dhashay Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga.

Waxa kale oo shirkaa jaraa’id ka hadlay, Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne), Xildhibaan Maxamed X. Maxamuud Cumar-xaashi, Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Reyte) iyo Cumar Cilmi Dixood oo dhammaantood ka mid ahaa guddi 7 xubnood ah oo kooxda Cabdiraxmaan iyo Cadami uga qaybgelayey wadahadalka xallinta khilaafka KULMIYE. Waxayna dhammaantood, isku raaceen in guddidaas aanay u igman inay go’aamo soo saaran, go’aamada iyo talooyinka ay hadda soo saareenna aanay ahayn wax u cuntamaya, balse, ma sheegin tallaabada xigta ee ay qaadayaan iyo qorshahooda.

Shirka jaraa’id, waxa kale oo ku weheliyey xubnahaas, Axmed Xuseen Ciise. Hase yeeshee, waxa ka maqnaa shirkaa jaraa’id, musharraxii kale ee hoggaaminayey kooxdaas, Axmed X. Cali Cadami oo isagu fadhiyey shirkii Guddidu kaga dhawaaqday go’aanka iyo talooyinka, balse, aan ka qaybgelin shirkaa jaraa’id. Waxaana la filayaa in Cadami iyo taageerayaashiisu aanay ku raacsanayn deedafeynta go’aanka guddida ama uu ka gaabsaday.

Dhinaca kale, xubno door ah oo ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE, isla markaana taageerayey labada musharrax, Axmed X. Cali Cadami iyo Cabdiraxmaan Aw Cali ayaa la sheegay in aanay ku raacsanayn shirka jaraa’id ee Cabdiraxmaan Aw Cali iyo xubnahaasi caawa qabteen, iyaga oo ku doodaya in go’aankaasi aanu ahayn mid ay ku raacsan yihiin.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa isaguna caawa, kulanka lagaga dhawaaqay go’aamada guddida kadib saxaafadda u sheegay inay ku qanceen, isla markaana ay aqbaleen go’aamada iyo talooyinka guddida, maadaama ayuu yidhi, “aanu guddida hore kalsooni u siinay inaanu aqbalayno waxay soo gooyaan”.

Khilaafka xisbiga KULMIYE ee ka dhashay Shirkii Golaha Dhexe ee lagu qabtay magaalada Burco, dabayaaqadii August ayaa la filayaa in go’aanka guddidani soo gebagebeeyey.

Xigasho/ C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaaga Kuu Qadi Karayay In Aad Ku Tumato Qiime Ay Kuugu Fadhidayba

Opinion

Bulaalle, Bulaalow ,  ma waxaad naga dhaadhicinaysaa adiga oo ah Bullaale inaad KULMIYE duco, nasteexo iyo masaxlad ula socotay inaad ku kala dhexgasho ? Dee taasi waxay ka digantahay Bulaalow waxaan ahay dhurwaa ama waraabe hadana waxba ma cuno labadaasina isma raacaan, waana wax aan galayn caqliga dadka miyirka qaba. arintaasna kolay lagagu garay hadaad is lahayd waa kuwa is haystee adna isha ka sii rid reer KULMIYE.  Bulaalaalow maxay ahayd KULMIYE maslaxada kuugu kaliftay amaba kuugu jirtay inaad heshiisiisaa ilayn khayr umaad haynne?  Aan u soo noqdo jawaabtaadii warsaxaafadeedka KULMIYE aad u jawaabtay ee aad iska dhex dabaalatay iyadana.

Cabdiraxmaan Aw Cali ayaad u tagay sidaad naga dhaadhicisay in Cabdiraxman Aw cali Faarax kaa aqbalay inaad noqoto duco qabe xisbiga kulmiye kala daadiya oo burburiya ,  waxaad kale ood sheegtay in Axmed Siilaanyana uu kugu diiday oo tab iyo xeeladaadii gaas iyo kabriidkaagii aad isku soo hagaajisay uu ka hoos qaadi waayay.
Bulaalow Horta Cabdiraxman Aw Calina sidaad sheeganayso marnaba kaamuu aqbalin wax dhexdhexaadin la yidha haba yaraatee adiga oo Bulaale ah inaad daacad ka ahayd, maslaxada Cabdiraxman iyo ta KULMIYE midnaba.  Ka  rog oo hadana saar, hadal aad is leedahay cay ka dhig ama aflagaado ka dhig ayaa laga yaaba inuu amaanba u noqdo qofkaad is lahayd waxyeel oo suldaanimadii aad ku xeegaysatay eed ku galgalatayna aan iyadana u sii dhaadhaco waxna ka idhaahdo.

Saldaanadu horta micnay wanaagsan bay leedahay, maamuus iyo haybad bay leedahay, sharaf, ixtiraam iyo qadarin la qadariyo ayay leedahay suldaanimaduna sharaf iyo burhaan u gaar ah ayay huwantahay, ninka noqdaana waa nin umad oo dhan lagaga soo xulay sifo u dadka kale dheeryahay darteed. Waa nin wanaag u ku sifoobay ku hantay kuna mutaystay suldaanimada. Horta suldaanimadu ceeb sidaad adigu ula jeeday ma aha waa se mansab la gaadho kolay se adiga kaa dheer kaana fog intaad nooshahay.
Axmed SIilaanyana hadaad suldaan ku sheegtay iyo hadii kale inkasta oo aanu suldaanba ahayn hadana ceeb kuma aha hadaad suldaan ugu yeedhay waa u sharaf isaga iyo geesiyaashii dalkan u soo halgamayba, waana rag taariikh dalkan ka samaystay oo aan guulwadenimo ku gaboobin. Bal hada se Bulaalow guulwadanimadana iyadana aynu wax ka taataabano waxay tahay,  dabeecada lagu yaqaan iyo guulwadanimada waxa loogu siifoobaba.

Guulwadahu mansab ma aha, micne uu leeyahayna ma jiro, wax kale sii gal galimaayo bal se guulwade waa iska guulwade nool uun. Sifaha guulwadaynta ama guulwadahaba waxaa ka mid ah inuu yahay shakhsi maalin ku nool ah oo shalay wuxuu yidhi, maanta wuxuu yidhaahdo iyo bari wuxuu odhan doonaaba ay ku xidhan tahay xoogaga yar ee hadba loo daadiyo.  Bulaalow ,mansabkaa aad maanta ku fadhido , xoghayaha guud ee xisbiga UDUB  Aar baa ka kacay aan waligii guulwade lagu xaman balse isagu ahaa siyaasi isku kalsoon ragna wax la qaybsan jiray si sharci ahna u cadaystay inuu xisbigaa aad ku jirto dhexdiisa madaxnimada ku tartamo, Dr Cabdi aw Daahir wuxuu ahaa siyaasiga kaliya ee xisbiga UDUB tusay taariikhda in la iska barbar sharixi karo Daahir Rayaale Kaahin. Dr Cabdi Aw Daahir sharafta iyo mansabka uu ku fadhiyana siyaasi aad u yaqaanay buu ahaa oo kalmad adag mudadii uu xoghayaha ka xisbigaUDUB. Nasiib daro adiguu noqday kii DR Cabdi Aw Daahir lagu badalay ee loogu tala galay inuu Rayaale u noqdo (attack dog ) shakhsiga loo adeegsado inuu tuur tuuro eryada rakhiiska ah ee aan qaban mansabka aad ku fadhido.

Hadal iyo gabgabo, Bulaalow horta waad hadashay intii mooyahaaga kuu qadi karayay in aad ku tumato qiime ay kuugu fadhidayba balse Bulaalow waxaad ogaata in xisbiga KULMIYE aanu adiga kaa sugayn kaagana fadhiyin nasteexo maanta aad u qabato adiga,UDUBTAADA kale iyo wixii ku soo raacayaba. Xisbiga KULMIYE  waa xisbi  ay ku jiraan  halyay iyo geesi soo bislaaday oo waxani aanay ku cusbayn waa rag xaqiiqda isu sheega oo  is dhagaysta isna qadariya isuna garaaba isu tanaasula gacmahana is qabsada qabsada aakhirka. UDUB iyo caqliyadeedu waa taa aad maanta is tidhi KULMIYE kala qaybi oo hadana kala daadi. Bulaalow saaxib miiskiin ya dalas
yaa saaxiba doolaar !

Khadar Aw Axmed Camir

Springfield, ILLINOS