Archive for September, 2008

Laylatul-Qadr is in the last ten nights of Ramadan Laylatul-Qadr is in the last ten nights of Ramadan “When the (last) ten started, the Prophet (sallallahu `alayhi wa sallam) would tighten his izaar (i.e. he stayed away from his wives in order to have more time for worship), spend the whole night awake (in prayer), and wake up his family.” [Al-Bukhari and Muslim] By Ahmed Arwo

acarwo.jpg

Ramadan and Rahma- 2

Ahmed Arwo

Laylatul-Qadr is in the last ten nights of Ramadan

“When the (last) ten started, the Prophet (sallallahu `alayhi wa sallam) would tighten his izaar (i.e. he stayed away from his wives in order to have more time for worship), spend the whole night awake (in prayer), and wake up his family.” [Al-Bukhari and Muslim]

As we are in the last ten days of Ramadan which includes the Night of Power (Laylatul Qadr), we have to reflect on their virtue and spiritual assets. There are many fictions and fabrications in relation to this night specifically and to the last ten days of Ramadan in general. There are stories about surprise encounters of saints and prophets in disguise, mostly as beggars in the most detesting and disgusting shape and clothing. There are others who celebrate the greatness of this night in worldly festive mood with music and dance, similar to the Christmas, and even distribute surprise gifts to children and poor families, in a manner near to that of Father Christmas.

I do not want to indulge myself into innovations and misinterpretation of this glorious night, lest I may distract those of weak hearts from this special night full of Allah’s mercy and forgiveness. May Allah make us those who endorse this night in prayer and dikr, as prescribed by Allah and his Messenger. Let us commit ourselves to commemorate this ten nights in accordance to the conduct of the Prophet and his companions.

The following article by one of the greatest scholars of Islam, Sheikh Muhammad Nasir-ud-Deen al-Albani (may Allah reward him about his unreserved efforts in spreading the correct principles and practices of Islam), will guide us to the proper way of honouring last ten days of Ramadan, specially how to seek Laylatul-Qadr . The article is posted in its authenticity and entirety, without any change in shape and form from www.islamtoday.com.

How to Seek Laylatul-Qadr
Shaykh Muhammad Nasir-ud-Deen al-AlbaniAdapted from “The Night Prayers: Qiyam & Tarawih from works by Muhammad Nasir ud-Deen al-Albani (and other scholars)” Compiled by Muhammad al-Jibali.

Laylat ul-Qadr is the most blessed night. A person who misses it has indeed missed a great amount of good. If a believing person is zealous to obey his Lord and increase the good deeds in his record, he should strive to encounter this night and to pass it in worship and obedience. If this is facilitated for him, all of his previous sins will be forgiven.

Praying Qiyaam
It is recommended to make a long Qiyaam prayer during the nights on which Laylat ul-Qadr could fall. This is indicated in many hadeeths, such as the following:
Abu Tharr (radhiallahu `anhu) relates:

“We fasted with Allah’s Messenger (sallallahu `alayhi wa sallam) in Ramadaan. He did not lead us (in qiyaam) at all until there were seven (nights of Ramadaan) left. Then he stood with us (that night – in prayer) until one third of the night had passed. He did not pray with us on the sixth. On the fifth night, he prayed with us until half of the night had passed. So we said, ‘Allah’s Messenger! Wouldn’t you pray with us the whole night?’ He replied:
‘Whoever stands in prayer with the imaam until he (the imaam) concludes the prayer, it is recorded for him that he prayed the whole night.’…” [Recorded by Ibn Abi Shaybah, Abu Dawud, at-Tirmithi (who authenticated it), an-Nasa'i, Ibn Majah, at-Tahawi (in Sharhu Ma`an il-Athar, Ibn Nasr, al-Faryabi, and al-Bayhaqi. Their isnad is authentic.]

[Point of benefit: Abu Dawud mentioned: "I heard Ahmad being asked, 'Do you like for a man to pray with the people or by himself during Ramadan?' He replied, 'Pray with the people' I also heard him say, 'I would prefer for one to pray (qiyaam) with the imaam and to pray witr with him as well, for the Prophet (sallallahu `alayhi wa sallam) said: "When a man prays with the imaam until he concludes, it is recorded that he prayed the rest of that night." [Masaa'il]]

Abu Hurayrah (radhiallahu `anhu) narrated that the Messenger (sallallahu `alayhi wa sallam) said:
“Whoever stands (in qiyaam) in Laylat ul-Qadr [and it is facilitated for him] out of faith and expectation (of Allah’s reward), will have all of his previous sins forgiven.” [Al-Bukhari and Muslim; the addition "and it is facilitated for him" is recorded by Ahmad from the report of `Ubaadah Bin as-Samit; it means that he is permitted to be among the sincere worshippers during that blessed night.]
Making Supplications

It is also recommended to make extensive supplication on this night. `A’ishah (radhiallahu `anha) reported that she asked Allah’s Messenger (sallallahu `alayhi wa sallam), “O Messenger of Allah! If I knew which night is Laylat ul-Qadr, what should I say during it?” And he instructed her to say:
“Allahumma innaka `afuwwun tuh.ibbul `afwa fa`fu `annee – O Allah! You are forgiving, and you love forgiveness. So forgive me.” [Recorded by Ahmad, Ibn Majah, and at-Tirmithi. Verified to be authentic by Al-Albani]

Abandoning Worldly Pleasures for the Sake of Worship
It is further recommended to spend more time in worship during the nights on which Laylat ul-Qadr is likely to be. This calls for abandoning many worldly pleasures in order to secure the time and thoughts solely for worshipping Allah. `A’ishah (radhiallahu `anha) reported:
And she said:
“Allah’s Messenger (sallallahu `alayhi wa sallam) used to exert more (in worship) on the last ten than on other nights.” [Muslim]

Samotalis@gmail.com

http://samotalis.blogspot.com/

Faysal Cali Waraabow “Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso” Maqaal Jawaab Ah Oo Uu Qoray C/Samad Sh Xasan Meecaad

Opinion

Md Faysalow Cali Waraabow , siduu md Axmed Siilaanyana uu warsaxaafadeedkiisa ku sheegay Adna aad siduu ahaa u Qirtay in reer Kulmiye kugu Yidhaahdeen Anagaa hadaanu nahay reer Kulmiye hawshayada turxaansaarka ah Dhamaysanayana maxaa ku jabnaa, ma intaa wax ka duwan baa jawaabtaadan deg dega ahayd kaliftay mise wax kalaa jiray? intaa se aan ku dhaafo Faysal Cali Waraabe iyo caadadii dheh !

Waxaa dhowaan warsaxaafadeed uu ku seexanyahay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye mudane Axmed Siilaanyo soo saaray xisbiga Kulmiye, warsaxaafadeedkaasi waxaa uun buu runta ka sheegay in md Faysal Cali Waraabe iyo nin ka socday xibiga Udub ay u yimaadeen gudoomiyaha xisbiga Kulmiye iyo madaxdiisa si ay u heshiisiiyaan xubnaha xisbiga Kulimye ee wax ka tabanaya doorashadii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo musharaxiin ka mid ahaa madaxweyne ku xigeenka xisbiga Kulmiye ay ka dudeen subaxdi intaan doorashadba lagu qaban holkii Burco City Plaza. Jawaabta gudoomiyuhuna sidaan hore u xusay anagaa dhanmaysanayna ayay ahayd.

Gudoomiye Axmed Siilaanyo, md Faysalow kuma caayin kumana aflagaadayn, beenna kama sheegin intaa aad adiguba tidhi in ka duwanna muu u odhan balse wuxuu saxay wararka been abuurka ahaa ee saxaafada madaxa bannaan ku dhuumatay baryahan dambe, idiinkana waxa u idiin sheegay uun in xisbiga Kulmiye ay isku ku filanyihiin hawlahooda iyo turxaansaarkoodabana ay xisbi ahaan dhamaysan karaan, Masu’ uul kasta oo siyaasi ah xisbina madax ka ah, waajibaa ka saaran wararka qaldan ee khuseeya xisbigiisa inuu toosiyo isla markaasna la saxo runta iyo xaqiiqadana lagaga jawaabo.

Mud Faysal Cali Waraabe, xisbi ayaad gudoomiye ka tahay maalin kastana toban goor oo aflagaado ah ayaa kaa soo baxa, toban goor oo qalad ahna saxaafadaad u sheegtaa,toban goor oo aanad ka fiirsanna xisbiga Kulmiye waxaad doontaad ku sheegtaa reer kulmiye marnaba kaamaba cawdaan waxaad tidhaahda waxay yihiinba oo way ku yaqaannaan.
Md Faysal Cali Waraabe, Xisbiga Kulmiye, waa xisbi mucaarad ah oo dantiisa iyo maslaxadiisaba ay ku jirto in uu wax la qabsado xisbigaaga UCID , madaxda kale ee xisbigaagu intooda badani waa siyaasiyiin miisaan leh oo lala shaqaysan karo waxna lala qabsan karo sidii laba xisbi oo mucaarad ahna loo wada socon karo, nasiib darro se adigu waxaad tahay siyaasi is bad badel badan oo wax loogu soo hagaago aan lahayn , Faysalow waxaad tahay siyaasi caban oo hadana cartama waxaad tahay siyaasi subixiina mucaaridnimo Kulmiye kula xaajooda habeenkiina Dahir Riyale muxaafidnimo kula soo cashaysaa ee bal markaas is waydii sidaad xisbiga Kulmiye ula jaan qaadi lahayd waxna u wada qabsan lahaydeen idinka oo laba xisbi mucaarid ah ?

Ugu dambayn xisbiga Kulmiye waa xisbi og ilaaliyana danta dalka, waa xisbi mar walba kaalintiisii mucaaridnimo ku adag horena aan gorgortan galin imikana aan gorgortan xaqdaro ah kula galayn xukuumada Dahir Riyale. Md Faysalow , xisbiga Kulmiye waa xisbi isna u baahan in uu danta dalka kala shaqeeyo xisbigiina UCID, xisbigaaga UCIDNA waa xisbi aad ugu baahan in uu ka helo xisbiga Kulmiye wada shaqayn iyo danta dalka oo isku aragti ka wada noqotaan waxaa se lagama maaraan ah md Faysalow inaad samaysato cid kuu qorta khudbadaha kaana ilaalisa hadlada dhacdhaca ah ee waxyeelooyinka gaadhsiinaya xisbigaaga iyo kaalinta mucaaridnimadaba. Intaasi waxay iga ahayd talo bixin guud aniga oon sida reer Udub dhuuso geel kuugu maahmaahynin.

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad
Atlanta , Ga

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Waxa uu Tacsi U Dirayaa qoyskii iyo Eheladii Uu Ka Geeriyooday Marxuum Keyse Ahmed Xandule.

<!–

–>

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Waxa uu Tacsi U Dirayaa qoyskii iyo Eheladii Uu Ka Geeriyooday Marxuum Keyse Ahmed Xandule.

()

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Ahmed Mohamed Siilaanyo, isaga oo ku hadlaaya Magaciisa, kan Xubnaha Xisbiga iyo taageerayaasha, waxa uu Tacsi u dirayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuun Kayse Ahmed Xandule, oo xalay 17.09.2008 ku geeriyooday Magaaladda Hargeysa.

Guddoomiyuhu waxa uu Ilaahay uga baryayaa, inuu janadii Fardawsa marxuunka ka waraabiyo, Samir iyo iimaana eheladiisa ka siiyo.

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN

Miyaanay daw ahayn Inay darka kuu galaanoo Intay idiin doojiyaan Galaanka idiin daraan, Waa Murtidii Abwaan Cabdillahi Dabay

OPINION

Heestan waxay ka turjumaysaa wacyiga ka taagan Somaliland, oo nidaamkii curdanka ahaa iyo hankii bulshadu hiigsanaysay oo maanta sii gudhaya, cidii maamaulka iyo talada gacanta ugu haysayna aad ka dareemaysid inaan talaba layska waydiinin meesha wax loo wado iyo meeshay u socdaan. Waxay maanta marayaan habkii iyo siyaasadii keli taliskii.Heestan oo magaceeda layidhaahdo (Baraarug), waxaa bulshada somaliland lagu dareensiinayaa, inay toosaan sikela ayaa wax u socdaane. Heestan oo curatay 06 August 07, Anigoo ah Curiyaha Heestan Abdullahi Mohamed Dabey.

Baraarug 06/08/2007

Dirkood maanso iyo gabay

Deeqaay waa ii balwadoo.

Dabeecadna ii ahaaye.

Wadaadaddu iiga dige.

Inuu denbi leeyahoo.

Diintana ku wanaagsnayn.

Dalliilkaa waan hayaayee

Afkaygaan dayninoo.

Dibnihii baa iga bartoo

Wuxuun baa igu dirqiya.

Duruufaha taaganee.

Agtayda ku dayran iyo

Dadkaygaan weedhu gelin.

Dhegtoodu daloolin baan.

Dabuub gaadh siinayaa.

Damiirkiinaa hurdoo.

Meel baad ka dullaysan tihiine.

Dad yahaw maad baraarugtaan .

Intaad damaq muujisaan.

Digiigixo yeelataan.

Waxay dullucdaydu tahay.

Doon doonkii gobanimada.

Xornimo u dagaalankii

Adoo isku duuban iyo.

Dhiig baa lagu daadiyoo.

Duullaan baa lagu helee.

Dalkii aad goosateen.

Dib ula soo noqoshadiisii

Soomaalida kala dudeen.

Dalluun baa lagu ridoo.

Candhuuftaan dib u liqee.

Ninkaad ugu deeqdayee.

Duraaxad hagoojisiyo

Ragii aad doorateen.

Doraato ugu rideen.

Hashaadii dawlad iyo.

Habkii dimoqraadigiyo.

Dastuurka u dhiibateen.

Dikteytar kugu noqdoo.

Karaamaday kaa dilleen.

Duunkaaga intay fahmeen

Mashqaca kugu daydayaan.

Haddeer way durugsadeen.

Dallabkii la hordhigiyo.

Wixii laga doodayee.

Dantaadu ku oofaysaba.

Diidmay ka hor keenayaan.

Dib baa loo celinayaa.

Duqaydii la igmadiyo.

Hal doorkii wakiiladii.

Midkoodna derejo maleh.

Damiirkiinaa hurdoo.

Meel baad ka dullaysan tihiin

Dad yahaw maad baraarugtaan

Intaad damaq muujisaan.

Digiigixo yeelataan.

Diihaalkiyo baahidiyo.

Markaad diillalyaysan tihiin.

Daaduunka busaaradeed

Waayaha la darbaysan tihiin.

Dakhlina meel kaaga iman.

Dekeduhuna kaa xidhmaan.

Darruurigu gaabis yahay.

Korkiinu dulleysan yahay.

Diraac aad riiqanteen.

Cirkii di’iwaayayoo.

Darruuruhu ay gudheen.

Dhulkii dullin yeeshayoo.

Darreemada cawska iyo.

Dixiddu ay xaaluf tahay.

Waxaad ku daraan dartiyo.

Il doogsiba aanu jirin.

Dooxooyinku kaa madheen

Haraad darayeysan tihiin.

Miyaanay daw ahayn.

Inay darka kuu galaanoo.

Intay idiin doojiyaan.

Galaanka idiin daraan

Halkaaga u daran u deexdaan.

Dalaallimo kuu noqdaan .

Cadceeddana kaa dedaan.

Daafkiyo duumadu markay

Dushiina ka muuqatee.

Daacuunaddu soo kordhaan

Tac baankiyo daal qabtaan.

Duunyadu dhugataysan tahay.

Daryeelka u baahan tihiin.

Miyaanay daw ahayn.

Inay daymadda bogtaanoo.

Intay degel degel tagaan.

Degaan kasta soo arkaan.

Wixii jira daallacdaan.

Diciifka halkaad katahay

Xanuunada kaa duraan.

Halkaaga dayacan dayaan.

Gargaar la dul joogsadaan.

Damiirkiinaa hurdoo.

Meel baad ka dullaysan tihiin.

Dad yahaw maad baraarugtaan.

Intaad damaq muujisaan.

Digiigixo yeelataan.

Dantooda markay wataan.

Durduro way fudud yihiin

Wasiiray kala diraan.

Degmiyo gobol bay tagaan.

Dul meerkoodaa batoo

Docdaaday aaminaan.

Dillaal dibitaatiyaa

Habaynkii soo dusoo.

Dabkaagay belleliyaan.

Durbaanaay kuu tumaan.

Ceebtooday denbebesaan.

Waxay ku dardaarmayaan.

Dadkiina xanuunsanee

Doogtiyo nabarada qabaanu.

Dabiib gaadhsiinaynaa.

Kuwiina dayaysanee.

Maankoodu dawakhay baanu.

Dawayn toodii wadnaa.

Diktooro u geynaynaa.

Danyartiyo maatadaan.

Inaanu daadahayno

Damaanad kuqaadaynaa.

Diiwaan gelin baan wadnaa.

Agoomaha diiftu haysee.

Gidaarada daadsan baanu.

Dayaxa gaadhsiinaynaa.

Dib jirka magaaladaanu.

Daraasado siinaynaa.

Kuwii duunyada lahaayee.

Waxoodu ka duulay baanu.

Dayn qaata ku leenahoo.

Diboosit ku siinaynaa.

Inay doonyaha rartaanoo.

Badeecado soo dejaan.

Iskuuladii kaa dumiyo.

Wershadihii daalayee.

Duugoo baan kicinaynaa.

Inaanu dayac tirayno.

Dushaanu ku qaadanee.

Dar xumo meeshii qabtaba.

Dux baan kuu marinaynaaye.

Waxaad naga doonaysaanba.

Saxeexaan ku duugaynaaye.

Markay tahay doorashada.

Codkiinaan doonaynaaye.

Miyaydaan diyaar ahayn.

Inaydun na doorataan.

Markay doobi buuxsadaan.

Waxay kaa doonayaan.

Dad weynoow kaa helaan.

Duurkaaba lagaa xullaa.

Debaaq bay kugu noqdaan.

Wax dooray noqon lahayd.

Dallool irbadeed haddii.

Dun ay kuu gelinayaan.

Damiirkiinaa hurdoo.

Meel baad ka dullaysan tihiin.

Dad yahaw maad baraarugtaan.

Intaad damaq muujisaan.

Digiigixo yeelataan.

Markay dawladi dhacayso.

Dadkeeday u daran tahoo.

Xumaantay dabaalataa.

Dulmigu waa caadadeed.

Dar’ aan sheexaynin iyo.

Damiin kay urursataa.

Dacaayado beena bay.

Wargayska ku daabacdaa.

Idaacad ku duubataa.

Ninkaan la durduuranayn.

Dareen la xishoonayee.

Kal daacada lagu arkee.

Dadkiisa u hiilayaba.

Iyadu way dayrisaa.

Dermada qaaday tidhaahdaa.

Waxay ku dannaanidaa.

Dar baa naga daba shaqeeya.

Illaahay nagu diroo.

Dadaalkii aan wadnaba.

Iyagu deedafaynayoo.

Dhexdiina ka doobyayee.

Dulqaadkaan dheernahee.

Jidkeena haday duwaan.

Anaba dacar baanu nahay.

Damiirkiinaa hurdoo.

Meel baad ka dullaysan tihiine

Dad yahaw maad baraarugtaan

Intaad damaq muujisaan.

Digiigixo yeelataan.

Waxay dibirootidaa.

Xabsiga u duduucataa.

Dabaysha siyaasadeed

Ninkay damac uga baqdoo.

Dacwada lagu oogayiyo

Waxay daba qaadayaan.

Dubbaha ku garaacayaan.

Ammaankuu duminayaa.

Danteenuu halis ku yahay.

Bulshooy waad dagan tihiin

Duufaanada guuxayiyo

Dabaylaha soo socdana.

Dugsi baad uga baahan tahay.

Dareenba miyaanad qabin

Nin kuu daran baa jiroo.

Dulleedkaagana fadhiya.

Isagu dibindaabyo jecel.

Tiisuna kala daadsan tahay.

Daad xoor buu saaran yahay.

Durraan baa haysatoo

Dushuu heehaabayaaye.

Hadii uu degi lahaa.

Inaanuu ku daynahayn.

Miyay kaa daahan tahay.

Dagaal waa lama filaane.

Ragana damac lagama waayo

Miyaanay daw ahayn.

Inay duubi muujisoo.

Dayr aan laga soo gudbayn iyo.

Difaac adag kuu noqdaan.

Dushooda ku seexataan.

Ducana aad ugu dartaan.

Abdullahi Mohamed Dabey

Waxaan aad hantiyo maal dhaqdaan wallacsi mooyaane.

Wed inaanay kaa baajinayn cudurna kaa waabin.

Waad wada ogsoon tihiin inaydaan wallax ka qaadayne.

Waxna idinka raacaynin aad weheshataan iilka.

Wixii sadaqo aad ula baxdiyo waqaf illaahayba

Waxay kuugu iman maalintii weyne la hor joogo.

Waar hooy aduun waa hungee xumo ka waantooba.

abdubei@hotmail.com

Cabdiraxmaan Aw Cali oo beeniyey inuu la kulmay Riyaale iyo inuu xidhiidh la sameeyey UCID

Hargeysa (Somaliland.org) – Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ayaa beeniyey inuu la kulmay Daahir Riyaale Kaahin iyo in kooxdiisu xidhiidh baayactan la samaysay xisbiga UCID, waxana uu ku tilmaamay wararkaas oo ay faafiyeen warbaahinta internetka iyo wargeysyada Hargeysa qaarkood been-abuur aanay waxba ka jirin.

Cabdiraxmaan Aw Cali oo xalay telefoonka ugu warramay Wargeyska Haatuf, waxa uu yidhi, “Wararka ay qoreen Website-ka (Hadhwanaagnews) iyo [wargeyska] Ogaal, runtii waa been abuur aanay waxba ka jirin, waana dacaayado rakhiis ah oo ay faafiyeen dad ujeeddooyin kale leh. Warbaahintuna inta aanay wararkan oo kale qorin waa inay xaqiijiyaan oo dee [waxay] ahayd inay aniga wax iga weydiiyaan”.

Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax waxa uu sheegay inuu ka mid yahay dadka KULMIYE leh, khilaafka jiraana aanu ahayn mid lagu kala tegayo.

“Annagu waxaanu nahay dadkii Kulmiye lahaa, markaa khilaafkani maaha mid lagu kala tegayo, balse, waa mid lagu toosinayo oo majaraha dimuqraadiyadeed lagu soo dabaalayo xisbiga Kulmiye, taasina waa tan aanu iminka gacanta ku hayno, wayna dhammaanaysaa insha allaah,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.

Cabdiraxmaan Aw Cali waxa uu ka mid yahay labadii musharrax ee ka cadhooday Shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ee lagu doortay musharraxiinta xisbiga ee Madaxweynaha iyo Madaxweynekuxigeenka. Waxaana socda wadahadallo lagu turxaanbixinayo khilaafka iyo cabashooyinka ka dhashay shirkaas.

Xigasho/ Somaliland.org, Hargeysa.

Madaxweyne Dahir Riyale Safarkiisa Uu Ku Tagay Dalka France Ma Mid Ganacsi Oo Heshiisyo Kale Oo Bug Ah Uu Ku Soo Saxeexaya Sidii Caadadu Ahayd?

Faalo

Madaxweynaha mudadiisu dhamaatay ee Jamhuuriyada Somaliland Dahir Riyale Kahin ayaa maalintii shalay u amabaxay dalka France si uu heshiisyo qarsoodi ah ula soo sexeexdo sharikado iyaguna qarsoodi ah oo illa noociyada heshiiska uu soo saxeexayo aan labada aqal ee baarlamanka iyo xisbiyada qaranku toona aanay waxba kala socon.

Madaxweyne Riyale waxaa u heshiisyo qarsoodi ah hore ula gaadhay niman maanta ku xidhan xabsiyada Yurub oo sharikadahooduna ahaayeen bug . Waxaa heshiisyadaas Riyale sexeexay ka mid ahaa nin u dhashay dalka Norway oo hada ku xidhan dalkaas kadib markii la ogaaday inuu ahaa nin la shaqaysta madaxda Afrikaanka ah kuna shaqaysta sharikado bug ah oon jirin. Sharikad qudha oo madaxweyne Riyale la socodsiiyay baarlamanku ma jirto illa intuu uu xilka madaxnimo u hayay jamhuuriyada Somaliland.

Meeday sharikadii beenta ahayd ee Riyale ku sheegay waa Jarmal inoo dhisaya warshadii sibidhka ee Berbera ? Meeday 500 ee milyan ee sharikadaasi bixinaysay ? Halkuu ku dambeeyay dhagaxii Riyale dhigay warshada sibidhka Berbera? Beenay lagu qabay !!

Badihii dalka waxaa si sharci daro ah uga kaluumaysta maraakiib sita calanka masaarida oo xaalufiyay kaluunkii bada. Maraakiibtaasi waxay fasax qarsoodi ah ka wada haystaan madaxweynaha Dahir Riyale Kahin oo ill hadadaas aan barlaman soo hordhigin heshiisyadiisa qarsoodiga ah.

Akhristow caqligaaga la kaasho dalka cidaad ku aamintay iyo todobadii sanadood wixii dalka iyo dadka loo qabtay. Caqligaaga la kaasho heshiisyada Riyale uu sexeexaayo mar kasta uu safar u baxo waxay kala yihiin iyo khatarta ay dalka u yeelan karaan.

Waxaa madaxweyne Riyale u caado ah inuu qariyo wuxuu ku maqnaa iyo ujeedada safarkiisu wuxuu ahaa, isaga oo saxaafadana diida inuu war siiyo mid guulwadaysan sida TV ga madaxtooyada laga maamulo moyaane. Caqligaaga la kaasho waxaa uu madaxweynuhu dalka uga dhoofay iyo cida uu soo arkay intaba, is waydee oo sug bal markuu soo noqdo.

kulmiye.org

KHAA’INKA, MUNAAFAQA IYO TUUGU MAXAY WADAAGAAN? by Ahmed Arwo (Samotalis)

acarwo.jpg

via SAMOTALIS by Samotalis on 14/09/08
Tuug garannay oo waa nin xaday qof aan ogeen. Tuugu waxuu eegtaa meel dagan, dayacsan. Waxuu ka sii sahamiyaa sidii aan loo qabteen. Wuu baqaa oo kelyo ma laha ayey Soomalaidu tidhahdaa. Haddaba sifooyinkaas badankooda wey la wadaagaan khaa’inka iyo munaafaqu, wey se ka sii durugsan yihiin oo ka xumaan badan yihiin. Raad xumana wey leeyihiin aafo ku noqota bulsho weynta, kolka tuug ku kooban yshay dhibtiis cidda uu dhacay uun.
Axmed Carwo
Munaaqa oo sifo sharci ah leh haynoo dambeeyee waa kuma khaa’inku?. Khiyaamadu waa seddex ceebood oo iskaashaday. Qofka khaa’inka ihi waa beenaale, waana tuug, waana fulay. Waa fulay oo markuu wax falaayo wuu is qariyaa, cidda uu xumaynaayana wuu gaadaa oo isagoon is ogayn ayuu dhibta u geestaa. Waa tuug oo waxuu dhacaa maal amba sharafta qofka uu xumaynaayo. Waa beenaale oo cidda uu xumaynaayo waxuu u sheegaa been subkan. Waa munaafaq kolkaad si walba u eegto. Waxuu is moodayaa inaan la arkayn, oo waxuu iloobaa In ILAAHAY arkaayo, xisaabin u dambeyso. Qofka xil lagu aaminay ee xatooyo iyo been caadaystay waa khaa’in.
Qofka urur amba koox cahdi ka dhaxeeyey wacad-furaa waa khaa’in. Waxa khaa’inna ugu xun qofka maalka danyarta laga soo uruuriyey u midig bidixeeya, ka waqtiga uu ummadda u shaqayn lahaa ku lumiya balwad, qooq if iyo aakhiro seeg ah iyo dalxiis doqon ku raaxaysto. Kolkaad qof khaa’in ah khiyaamaynayso xataa waa khi’yaamo, kolkaad ruux daacad ah khiy’aamaynayso, waa dil aad u gaysatay ruux aan dambi lahayn. Kolka uu ku khiyaameeyo ruux kaa fogi, waxbaad ka barataa, kolka saaxiib ku khiyaameeyo, waa murugo, kolka ehel amba ruux aad jeceshay ku khiyaameeyo waa geeri, waana tan Soomalidu ku sheegto …waa maradaa kugu kubatay… Khiyaamo ha nooc badatee, waa kulanka xumanta. Waxay koobtay sifooyinka tuugnimo, been sheeg, iyo fulaynimo. Khiyaamana waxa ugu liita tan inta jelicsan iyo ma-kasta loo geysto.
Waxa halkan khiyaamadu ay si toos ah ugu xidhmaysa munaaqnimada oo la wadaagta khiyaamada sifooyin badan. Waxaynu xusuusanaa xadiiska sharifka ee Rasuulkeenu ku sheegay calamadaha munaafaqa oo kal ah:

1- Hadduu sheekeeyo been ayuu sheegaa
2- Hadduu balan qaado ma oofiyo
3- Haddii la aamino wuu khiyaameeyaa.

Haddadaba kolka cid xil loo dhiibo, ee uu xilkaas dhaar ku guddoomo, bal se ay caado u noqotay inuu dhinac maro si badheedh ah xil gudashadaas, miyeyna toos ugu cadayn munaafaqnimo, ILLAAHAY haynaga hayee, miyaanu ahayn nin khaa’in ah oo weliba aan xusuusnayn haddii uu aadmiga qalday in ILLAAHAY ogyahay, xisaabina sugayso. Miyaanu se ogsoonayn in dadku ogyihiin, kuwa aad u ogina yihiin kuwa ugu dhow ee mun’aafaqnimada beenta iyo ammaanta aan carabkooda dhaafsanayn kaga maydha runta dadweynha u muuqata.

Miyuu iloobay xikmaddii ahayd dadka qaar marwalba waad qaldi kartaa, qaarna marar ayaad qaldki kartaa, dadkoo dhan se mar walba ma qaldi kartid. Kolba inbaa ceebtaadu u muuqanaysaa, ilaa aad weydo maro ku isturta iyo geed aad ku gabato

Kuwa garta gala ee laba canlayn, iyo suul dhabaale iyo sanqasho labada dhinac ee garta u dhiibtay u kala dab qaada sow iyana sifooyinkan xun qaadanmaayaan. Kuwa dhaqan ka dhigtay adna waad hagaagsantay, adna ma qaldaniyd iyo gar aan xidhigeedu xidhmayn, gogasha oo la badiyo, fadhi shaydaan iyo sooryo quudheed sow iyana mey iibin sharaftooda ifka iyo aakhiraba. Waa haddaynaba ahayn namiimayaal meesha u galay inay dabka sii shidaan oo arrinkooduba yahay isku dirka iyo kala fogaynta labada gartu u taalo. Waa noqonays khiyaamooyinka nooca ugu foosha xun. Waa munaafaqnimo, ay waliba weheliso namiiminimo, ILLAAHAY haynaga badbaadiyee. Dadweynow inteed aragtay gar dhammaanweyday, iyo saaxiibo is-jeclaa oo naar la dhex-dhigay, inteed maqashay walaalo la kala dayriyey, imisaad u soo joogtay wiil iyo waalid la kala diray.

Ma ila wadaagtaa in dalkeena manta munaafaqnimadu lahayn ceebtii ay lahaan jirtay, oo looba fasalay reer-magaalnimo, iyo xirfad dadka qaar ku faanaan. Subxaanalaa! Ma ila aqoonsatay arrintan, markaad aragto rag waaweyn oo si hawl yar isku eedeynaaya muunaafaqad oo qosal raacinaaya. Waxa cad in khiyaamadii iyo munaafadhadii ceebtii laga maydhay. Inteed maqashay ” Siyaasaddu waa munaafaqnimo”… oo madaxada aynu talada u dhiibanaa waa siyaasiyiine, ma munaafaqiinbay inaga gayaan. Ummad madaxdeeda sidan ku sifaysa, iyo ummad ceebtii cuslayd ee aadmi lagu odhan lahaa u aragtay xirfad iyo fariidnimo, siday u heli doontaa bulsho cadaalad ku dhaqanta, iyo dawlad sharcigu xakameeyo

Xaasha siyaasaddu ka fog munaafaqad, siyaasaddu waa maamulka dadka, waa dad-wadeen, waa aqoon bulsho, waa surtagelinta ikhtiyaarka ugu habboon ee bulsho ku noolaan karto. Waa danta guud oo loo helo farsamo lagu hanto. Siyaasiintu waxay inaga mudan yihiin ixtiraam iyo maamuus. Iskuma jiraan oo sida xirfadaha kale ayey leeyihiin mid xun oo munaafaqa u dhow, iyo mid san oo ah hoggaanka aynu u baahanay. Kolka madaxda la ixtiraamo, loona garto inta inoogu mudan, ayeynu helaynaa dawlad inoo shaqaysa, een inaga shaqaysan, madax inoo naxda, een inagu kibrin, dawlad sharcigu hago oo uu xakameeyo, een noqon mid afkeedu sharci yahay, dawlad tuuga iyo daalinka inaga qabata, een iyaga u gargaarin.

Waxaas oo dhan waxa lagu helayaa kolka khiyaamada iyo munaafaqada halkay lahaayeen lagu celiyo. Loo arko dambe if iyo aakhiro seeg ah, cidda ku shaqaysataana noqoto tuke baal cad. Ka fagow kuu sheekeeye, kaa sheekeeya. Laba aflaha ka durug, ninka qoriga dabka leh la wareegaaya, ee hadalada xun u kala geynaaya bulshada, si uu ku furfuro midnimadeena oo uu u helo kooxo uu midba meel ku xidho, deedna midba uu maalin ka soo qadhiidho gasiin afka u macaan, uurka se u xun.

Kolkaan kala shakino, kolkaan indho la’aan u dabo galno nin magac reer aan wadaagno, kolkaan nin muumin ah u naco reernimo, kolkaan aakhiradayda siisto dhadhamo maalmeed, kolkaan u hiiliyo xumaanta, kolkaan ku durduriyo danyarta, kolkaan munaafaq, muumin ka doorto, kolkaan nin aan kubkiisa weyso marin wadaad ku sheego, kolkaan riyo sheydaanka rumeysto, kolkaan quraanka aan akhristo qalbiga se aanan u daadajin, kolkaan salaada masaajid aanan ka habsaamin een haddana xumaan iyo faaxisho qasto, kolkaan soonka ku aforo xaaran, carbaku ahaado mid xan iyo ceeb subciya, dhegahuna noqdaan dar ku raaxeesta miisig, been iyo ceeb islaam… miyey tahay inaan doono wanaag iyo bulsho nabad, cadaalad, iyo horumar tiigsanaysaa. Miyey tahay inaan helo hoggaan toosan iyo xukun suuban.

Dadweynow toosi naftaada, taada hagaaji, diid xumaanta, u hiili xaqa, u gargaar daacadda, dayri daalinka, shakiga ka bax, hammigaaga hagaaji, niyadaada maydh, tolkaa u hiili marka laga gardaran yahay, kolka ay gar daran yihiina u hiili oo xaqa ku soo dabaal. Waa sunihii Rasuulka SCW ee ka dhigo cado iyo dhaqan.

Saamaxa iyo dulqaadka aan ogaano mar walba gaar ahaan bishan barakaysan ee Ramadaan.Aan isa saamaxno, aan noqono kuwa la xumeeyo, ee waliba iyagu wanaaga la yimaada. Geesi waxa ah, ninka nin xumeeyey wanaajiya, bal se u sheega xumaantiisa. Nacasnimo waxay tahay ninka maalin walba ag jooga kan xumeeya, een xataa dareensiin xumaanta uu ku hayo. Xusuuso ninka laba jeer meel laga wada qaniina, inagama tirsana.
Ninkaad shaqo u dhiibtay, la xisaabtan, una dul qaado, qaladkiisa tus, hadduu joogsan waayo, ka tasho. Adiguu kuu shaqeeya, ee sidaad u qortay shaqada uga qaad. Waa tubta lagu helaayo hawlwadeeno hawlkarnimo iyo dacaad leh. Markaad taas yeesho, kan maantana aad saxdo, kan soo socdana waa u digniin.

Hor iyo horaanba ilaasho shaqada iyo cidaad hawsha u dhiibatay.
Waa talo guud, ninna gaar diiradda ugama hayo, waa qalad meelo badan yaala. Ciddii iska dhex aragtaa, yeyna ii qaadan nin keli ula baxay. Ee waa iga waano dhammaan inagu socota. Ogow qalad iyo dambi aadmibaynu u nahay, oo ma jiro qof ka maydhani, ee aan isa saxno, oon toobad keeno. Nolashuna sideedaba waa geedi ee aan u sahay qaadano lama huraanka. Dambi inoo daa’ ee waxa leys dheeryahay waa toobadda iyo dareenka ka soo noqaoshada. ILLAAHAY TOOBADDA HAYNA WAAFAJIYO. AAMIIN.

Wa Ramadaaan Kariim

Ahmed Arwo
Cardiff, U.K
Samotalis@gmail.com

Xisbiga Kulmiye Oo Warsaxaafadeed Ku Beeniyay Waxba Kama Jiraanna Ku Tilmaamay In Xisbiyada UDUB Iyo ucid Ay Ka Wadeen Dhexdhexaadin wada hadalka Turxaan Saarka Ahaa Ee Xisbiga Dhexdiisa Baryahan Dambe Ka Socday

kulmiye.GIFHargeysa-(Lug)-Waxan halkan idinkula socodsiinaynaa, in bar yahan ay Website-yada qaarkood iyo joornaaladuba ay qorayeen in Xisbiga UCID iyo UDUB ay wadeen inay dhex-dhexaadiyaan xurgufta yar ee Xisbiga KULMIYE dhexdiisa ah. waxa jirtay keliya

mar ay wada-jir noogu yimaadeen oo ay yidhaahdeen ma idin dhex-galnaa, waxanu nidhi anaga oo qosleyna; “waad mahadsantihiin annaga ayaa isku filan”, Faysal wuxuu yidhi; “waan arkaayey dimuqraadiyada badani Siilaanyow inay dhib la imanayso”.

Waxaan halkan ku cadaynaynaa in ay arrintaasi tahay been aan sal iyo raad toona lahayn, caqligana aanay geli karin UDUB-baa maslaxad KULMIYE raadinaysa. waxa kale oo aanu halkan idiinku cadaynayna in KULMIYE uu hawlihiisa dhammaysanayo wax uu uga baahan yahay UDUB iyo Qayrkeed toona aysan jirin, wararkaasina ay yihiin waxba kama jiraan.

Waxan mar seddexaad halkan ku cadaynaynaa in aqoonta Siyaasadeed ee Xisbiga KULMIYE gudde iyo dibedba ay tahay mid ka balaadhan, oo ka dimuqraadisan UDUB iyo wixii la caanno maala, oo aysan suurta-gal ahayn in UDUB wax la moodo. waxaanu leenahay kartida ay UDUB iyo wixii la hal-maalaa ku dhex-dhexaadinayaan KULMIYE, haku qabsadaan Shirweyneyaashoodii, oo sida KULMIYE oo kale ha sameeyaan tartan furan oo dimuqraadiya.

Ahmed Mohamed Silaanyo

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye

Shirweynihii Xisbiga UDUB Miyaa La Laalay, Kii UCID se ……. ! Waa Maqaal Uu Qoray Muse Axmed Xashi ( Muse Gacan )

Shirweynihii Xisbiga UDUB Miyaa La Laalay, Kii UCID se ……. !


Xisbiga UDUB iyo ucid oo ah iyana laan yar oo ka mid laamaha xisbiga UDUB ayaa maalmahan u dambeeyay isku hawlay inay ka faa’idaystaan wada hadaladii turxaan saarka ahaa ee xisbiga Kulmiye. Waxaa wax lagu qoslo ah marka Dahir Riyale Kahin oo madaxtinimadii dalka ku guuldaraystay, xisbigiisiina shirweyne u qaban kari waayay ay leeyihiin aanu heshiisiino xisbigii Kulmiyaa is haystee !

Waxaa kale oo wax lagu sii qoslo iyana ah marka Faysal Cali Waraabe oo laga maamulo guriga Dahir Riyale kahin uu yidhi waxaan heshiisiinayaa isna xisbiga Kulmiye oo is haysta. Hadaba su’aashu waxay tahay Kulmiye miyuu is haystaa mise way wada hadlayaan , maxaa se idinka kuseeya wada hadalka xisbi kale u socda inaad fara galisaan idinkoo tiinii kala qubantahay xisbiyadiiniina shirweyne u qaban kari waayay?

Jawaabtu waxay tahay ninkaad kabo ka tolanayso bal hada kabihiisa hoos u eeg marka hore ! UDUB goormay shirweyne qabsanaysaa horta, haday shirweyne se qabsan kari waydo shuruudihii xisbinimada siday u buuxinaysaa mise waxaa ka dhab ah hadalkii guulwadaysnaa ee xohayahooda guud yidhi madaxweynaha waxaa naga mamnuuc ah in cidi islaba soo sharaxdo. Xisbiga UDUB se ma ka madaxbannaanyahay xukuumada Riyale marka hore mise Dahir Riyale iyo xukuumadiisa un baa ah xisbigii UDUB ? Xisbiga UDUB ha iska ilaawo Kulmiye iyo arimihiisa balse WALLE hawl baa sugaysaa dabool lagu hayay oo aanay ka dabaalan doonin. Waxba yaanan ka sii hordhicin boqolka garab ee UDUB u qaybsami doonto waa se soo dhowdahay.

ucid , halkay iyaguna shirweyne ku qabsadeen ayaa iyana su’aal kale noqnaysa. Mala waxaa ka sal ah ucid laba sanadood shirkii yaraa ee aan 100 qof ahayn ee Faysal dhowrka qurba jooga ah isugu yeedhay inuu ahaa shirweynihii UCID ? mise waraysigii Faysal ku yidhi UCID ba aniga iska leh waligayna ka dhici maayo intaan noolahay ee u dambeeyay ayaa ka sal ah ! UCID waxaa iska leh Faysal siduu isba waraysigsii ku cadeeyay , hadaba Faysal Cali Waraabe ha ogaado in xisbiga Kulmiye yahay xisbi qaran oo taladiisa iyo siyaasadiisa ay gole dhexe iyo gole fulineed ka wada doodaan halka uu isagu Ucid jeebka sare ku sito !

Xisbiga Kulmiye waa xisbi qaran oo nidaam iyo xeer lagu kala baxaa u qoran yahay waana ka lagu kala bixi doono, mase aha xisbi guulwadayaal iyo NSS isku kaashadeen sidii kii hanti wadaaga Siyaad Bare mana aha xisbi shakhsi leeyahay oo maalinna SNM iyo mujaahidiintii shahiiday ku gafa maalina beel ku gafa maalina qaranka ku gafa afkiisiina aan la ilaalin karin !

Muse Axmed Xashi( Muse Gacan)

Columbus, Ohio

Sidee Ayaan U Codeyn Laha Hadaan Joogi Lahaa Shirkii Kulmiye Ee Burco? Maqaalkan Waxaa Qoray Axmed Arwo


Maqaal aan todobaadkii hore ku cabiray ra`yi guud mar ah oon ka qabo goolaaftanka siyaasadeed ee cadada u noqotay madaxda Kulmiye, ayaa emailo badan igaga yimaadeen oodhammaan 3 mooyaane aragtidayda ila wadaagay. Seddexdani waxay u arkeen maqaalkii inaan tartamayaasha u kala eexday

. Waxaa la yaab leh in qofka rayigiisa cabira loo arko nin eexday. Maan ahayn xaakim, mana ahayn xataa xubin awood u leh inay cid arrintan ka caawiso. Anigu ma ihi Golaha Dhexe, xataa guddi Kulmiye ah kama tirsani. Mana doonan. Waxaan ahay taageero u arka in danta dalku ku jirto Kulmiye oo hoggaanka qabta. Marna taasi shaki igama gelin. Waayo waxaan arkaa cidda la tartamaysa oo fursad aan cid kale soo marayn heshay, kana faa’iideysan weyday. Iyo dalkii oo maalin maalinta ka dambeysa u ruqaaansanaaya kelitalisnimo.Waxaan sidaas u yeelay inaan xoriyad u helo inaan qaladka aan xisbiga iyo dalkaba ku arko, aan ku sheego, anigoon xeer guddi, mid gole iyo mid kaleba i dabreen. Waana kaalin waxtarkeeda aad ay u qiimeeyaan xisbiyada dimuquraadiga ahi.

Xisbi weliba waxuu leeyahay ururo ayoonyahan oo ka madaxbanaan maamulka xisbiga, waa kuwa loo yaqaan (Think Tanks) kuwaas oo bataa ayaa noqda xabagta garabada xisbiyada isku haysa.Malaha waxa habboon inaynu kuwaas xoojino.Is qabsiga dimuquraadiyadaa leh. Ma aha xisbi, xisbiga aan lahayn laba garab iyo wax ka badan.Waxay se leeyihiin garabyadu xayndaab aan midna dhaafin. Weli mid mid dar jiidey mooye, reer Kulmiye xayndaabkii wey ku jiraan, isagoo weliba garab kasta la gudboontay inay xayndaabka ballaadhiyaan, oo ay dadweynaha aan ku jirin ku soo hooyaan. Taas waxa lagu helayaa kolka garabada Kulmiye, ay wadajir, iyo niyadsami ugu dadaalaan guusha xisbiga.

Haddaba aan ka jawaabo su’aasha mawduucani xanbaarsan yahay oo laba nin email igu soo weydiiyeen.
Anigoon galeen habka iyo dariiqa loo maray doorashadii Burco, waayo kol haddaanan goob joog ahayn wax badan ayaa iga maqan.Laakiin kolka habka iyo tabta wax loo maamulay laga yimaado, waxaan fikirkeyga shakhsi, iyo aqoonteyda xadidan, ku eegayaa tartamayaasha iyo cidda bal ku habbooneed een anigu u codeen lahaa.

Kaalinta lagu tartamay ee Madaxweyne xigeenka, waxa u taagnaa afar xubnood oo labana xisbiga ku cusub yihiin, labana yihiin rag ku raagay. Labada cusub aan ka hadlee. Prof. Ismaaciil Aare, waxuu qadariyey oo uu qiimeeyey, sida guusha xisbiga lagu gaadhaayo. Waxuu arkay in tartankiisa iyo guusha xisbigu ayna isla jaan qaadeen. Waxuu aqoontiisu siisay inuu qof ahaan, xisbi ahaan, iyo dal ahaanba ay guusha dhabta ahi tahay xisbiga oo guulaysta ooy ka wacantay isaga oo guuleysta balse, aan dhaafin kursi shan sanoo kale uu mucaarid ku ahaado.Waa abaal uu dhigtay, waana garasho looga fadhiyey. Waxuu codkiisu iyo taageerayaashiisi ku ladhay Eng. Saylici. Oday Cadami taas muu yeelin, oo weli isagoon marti bixin, ayuu u orday Kursi isagoon xisbiga ahayn rag hore oga hadheen, qaar kalena maacuudinayeen. Taas waxa dheer Oday Cadani, waxuu ahaa Guddoomiyihii doorashooyinka ee Kulmiye ka cabanaayey! Waxaa looga fadhiyey inuu in badan wax ka sheego su’aalo dhowr ah oo Kulmiye ka qabay Guddiga, iyo inuu noqdo nin sidii uu yidhi kolkuu soo galay xisbiga ilaaliya danta guud, een matrkiiba dan shakhsi ku dagaalamin.
Waxaan filayaa inuu khibradiisa iyo habka ugu wacan ee doorshooyinka loo xalaaleen karo inagu soo kordhiyo, dulqaad, iyo samirkii uu Kulmiye ka dalbaday kolkii 80 cod ee labada sanduuq ee Ceerigaabo lagu farsameeyey dhaliyey, inay isagana maanta ka muuqato ayaa wacan. Aadmigu wuu u dhashay qaladka, haddaan aragtiday qalad ku jiro, ma aha mid aan u badheeday ee saamax ayaan dhammaan idinka rajeynayaa, haddaan duray run dusha laga dhayaayey, haydiin noqoto jawaab shifo aad isku daba qabataan… caano daatay dabadood la qabay…

Aan u dego tii iigu adkeed, ee in badan iga qaadatay balse aan isku qanciyey dhowr arrimmood oon musharaxu qof ahaan u lahayn balse ka dhashay dhaqan iyo duruufo dalkeena ka jira. Muj. C/rahmaan Aw Cali, waa halgamaa, geesi ah, aftahan ah, qarannimadu kaga weyntay qabiilka. Waa nin qiimo iyo qadarin dal ahaan iyo xisbi ahaanba inaga mudan.Sartu se, macal asaf, waxay ka qudhuntay, dhaqankeena Soomali ahaan iyo habka dimuquraadiga ah, oo hadafkiisu yahay …yaa cod haysta, yaa se cod soo xarayn kara. Aan qodobeeyo.

1- C/rahmaan Aw Cali waxay isku jilib yihiin Madaxweynaha oo xiligan sharaxan. Waa dhaqan Weli codkeenu wuu beeleysan yahay. Reerku waxuu aad ugu badan yahay gar iyo gar darraba inuu Madaxweynaha u foodo. Waana mid guud oo beel kasta samayn lahayd, gaarna kuma aha Awdal
2- Beelaha kale ee Reer Awdal waxay u arkaan in gobalka loo xidhay jilib keliya, iyadoo ilaa 1993kii ay u cumaamadnaayeen jilibka Madaxweynhu Waana arrin beelahoo dham ku dhaqmaan, oon ahayn dabeecad gaar u aha Awdal. Waa dhaqan Soomaliyeed, dimuquraadiyadu lafteedu kama foga, oo waa in la cishatamaa. Miyeyna sidaas ahayn?
3- C/rahmaan Madaxw/Xigeen wuu soo noqday, wuuna isu sharaxay. Markan waxaa habboonayd, inuu isu taago Madaxweynenimo. Ma dhacdo yaalaaba in nin Madaxweyne/Xig noqday uu kolka Madaxweynihiisu ka dego isla kursigaas isu sharaxa, eek an sare ayuu doontaa.
4-Dimuquraadiyadaa is-qabsiga iyo is-garabsiga leh, ee C/rahmaan muddaba waxuu ka tirsanaa garab ayna isku banaanayn Guddoomiyaha xisbiga, kolkaas waxay ahayd inuu helo hadday laba noqotay cid uu isku lamaaneeyo oo Madaxweynaha isu taagta. Waayo waxuu Madaxweynahu xaq u leeyahay inuu helo cid ay wada shaqayn karaan. Distoorku shaqada Madaxw/Xigeenka waxuuba ku koobay…. Waa marba hawsha uu madaxweynahu u diro.
5- C/rahmaan iyo Axmed Siilanyo waxay ka wada tirsan yihiin garabka Kulmiye , waxaanan qabaa inay labada kursi mid leeyihiin een leysagu darin. Kama hadlaayo beelo, ee waa hoggaankii Kulmiye, ee ma aha taageerayaashii oo kolkaan Kulmiye ka hadlaayo waa intii taladu ka go’aysay.

Intaanan codkeyga bixin, waxaan aad ugu farxay in labada tartamay ay tageen Awdal iyagoo Kulmiye ahna si diiran loogu soo dhoweeyey. Waa astaan barakaysan. Colka Reer UDUB ee C/Rahmaan soo dhoweeyey, waa calaamad fiican, ha loo arko illeen dadweynahu xisbina uma xidhnee, dar ku soo biiraaya Kulmiye, yaan laga didin. C/Rahmaan waa nin xisbiga ku culus. Waa sidaynu rabnay in calanka Kulmiye uu isku rogrogo oo laydha qabow ee buuralayda Boorame afarta jihaba u ruxdo. Soo dhoweynta Madaxda Kulmiye, waa guul Kulmiye, si kale oo loo dhigi karaa ma jirto.

Cid kale ma hadhin ee codkayga waxaan siin lahaa Eng Saylici sababahan kooban dartood:
1- Waa nin xisbiga la bilaabay, oo salka uga taagay badhatamaha Boorame. Waa hawlkar aan hawsha xisbiga marna ka nasan. Waana nin la degan oo la jooga dadak uu matalaayo.
2- Waa nin aan ka tirsanayn hoggaankii SNM, oo ka dhigaaya xisbiga mid dheelitiran oo qaran ah.
3- Waa nin ka dhigaaya Awdal meel dimuquraadiyadu aad uga hirgasho oo la helaayo tartan dhab ah, oo dadku kala doortaan xisbiyada.
4- Waa nin aqoonteed, hadalkeed, iyo degnaanshaheed ka muuqdo, oo warbxinta uu bixiyaa ka marag tahay degnaansho, wado-tashi iyo samir.

Hadda, waxa hubaal ah in garabka C/rahmaan xisbigu u baahan yahay. Waayo waa in sida dalku u leeyahay mucaarid, isla xisbiga dhexdiisa laga helaa rag iyo dumar maamulka caarida, bal se aan xadka dhaafin. Nidaamka dimuquraadiga ayaa sidaas qaba. Ma aha in xisbigu noqdo m id u dhaqma sida xisbiyada kale ee dalkeena ee codka qof kaliye ka soo yeedho. Si aynu u noqono macalin lagu daydo, waa in khilaafka la soo afjaraa, qaladaadkii dhacayna laga faa’ideystaa, goolaaftankeenana aynu mar walba u yeelnaa meel aanu dhaafin, oo xubnaha cusub la baraa in doodu furantay,isgarbsigu furan yahay, laakiin aan ardaaga dugsoon la-kala furin, oo oodda aynu isku xeernay midba tiisa qaadan. Waxaynu xisbi ku nahay waa danta guud, ma aha kursi, qof uun helaayo. Ogow ninka doonta doorasho, waxa la gudboon dadaal, laakiin ma aha inuu isu dhigo inuu mar walba helaayo. Ninka guulaystaa waa nin dadaal iyo nasiib isu raacay. Dadka ka ma wacna, kan waayeyna kama liito, waxaa inta badan la xaqiijiyey inay is leeg yihiin inta fiican ee laga badiyey, iyo inta fiican ee badisay. Taasna waa in maanka lagu daadejiyaa.

Kulmiyow bal eega hareerihiina, waa hakee halka laga doodi karaa, lagu tartami karaa, leys garabsan karaa. Sidee se aydun guul ku gaadhaysaan haddii dhammaan la doono laba kursi.

Waa Ramadaan, oo waxa wacan in wanaag la badiyo, hardanka la yareeyo, loo sare kaco danta guud iyo dhismaha Soomaliland oo dimuquraadi ah, ictiraaf heshay oo calankeedu daafaha dunida balbabaayo. Waa in nabadda lagu adkeeyaa cadaalad. Waa in caafimaad darrada iyo faqriga lagu dedaalaa in lagu dabiibo shaqo abuuris iyo tacliin. Waa in dalkeenu noqdaa mid gees ilaa gees isjecel isu damqada, kolba gobalka iyo degmada gaabis la garab qabtaa. Gacmo wadajirbay wax ku goo’yaan, ee hayna kala furin.

Fikirkeega waxaan u ahay qof. Musharax keliya oo Kulmiye ah mid hore iyo mid dambe oo tartankiisa igala hadlay ma jiro. Ciddii qalad u aragtaa ayeyna waxba ka cadhoon waa fikrad shakhsi aan awood codbixin lahayn, bal se jecel dalkiisa, dadkiisa iyo guusha Kulmiye oon u arko khayaarka maanta jira kan ugu habboon inuu qabto hoggaanka dalkeena qaaliga ah ee Soomaliland.
Waa Ramadaan Kareem.

Ahmed Arwo
Cardiff, U.K
samotalis@gmail.com