Archive for September, 2008

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Xisbiga KULMIYE oo ka Warramay Natiijada Shir uu Addis Ababa Kaga Qaybgalay

“Waxaan shirwaynaha u sheegay in aanay Somaliland ka jirin argagixiso”Waraysi khaas ah – Xoghayaha Arrimha Dibadda ee KULMIYE

“Waa nasiib darro Safiirka Mbeghati ee Itoobiya halkuu ka shaqayn lahaa sidii nabadgalyo-darrada Soomaaliya loo soo afjari lahaa wuxuu caado ka dhigtaa inuu meel walba isla taago yaan Somaliland la aqoonsan”

Xoghayaha Arrimaha Dibadda xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Dr.Maxamed Cabdillaahi Cumar oo dhowaan ka soo laabtay dalka Itoobiya oo uu kaga qaybgalay shirweyne uu soo qabanqaabiyey urur-goboleedka IGAD oo lagaga arrinsanayey sidii xal loogu heli lahaa colaadaha iyo xurgufaha siyaasadeed ee hadda ka aloosan gobolka, haddana ku sugan magaalada London ee carriga Ingiriiska, ayaa Jamhuuriya Times ee ka soo baxa London uga warramay waxyaabihii lagaga wadahadlay kulankaas iyo guud ahaan madaxda Afrikaanka ee uu kula kulmay Addis Ababa.

Shirkan oo ku soo beegmay xilli ay Geeska Afrika ka jirto nabadgalyo-darro iyo dagaallo saamayn ku yeelan kara wadammada ku yaal gobolka oo dhan ee Somaliland ka mid tahay, kaasoo daba socday shirwayne ka dhacay magaalada Belfast bishii May ee sannadkan oo laga wadahadlay sidii loogala shaqayn lahaa IGAD nabad-raadinta ammaan-darrada ka jirta Geeska Afrika.

Ugu horreyn, Dr. Maxamed Cabdillaahi oo ka xog-warramayey waxyaabihii shirkaas lagaga wadahadlay iyo natiijada socdaalkiisii dalka Itoobiya, waxa uu yidhi; “Waxa shirweynaha ka qaybgalay masuuliyiin ka socotay waddamada Geeska Afrika oo ay ka mid yihiin Safiirka cusub ee Itoobiya dhawaan u magacawday Soomaaliya Mr. Abdeta, afhayeenka Wasaaradda Arrimuhu Dibadda ee Itoobiya, Safiirkii hore ee Itoobiya u fadhiyey dalka Belguim Mr. Peter Robleh, Safiir-ku-xigeenka Kenya ee Itoobiya, Safiirka Sudaan, Safiirka dawladda Mbeghati ee Itoobiya Cabdikariim Faarax, masuuliyiin ka socday safaaradaha Maraykanka iyo Ingiriiska, wakiillo ka tirsan Ururka Midowga Afrika iyoururka IGAD. Waxa kaloo shirka ka qaybgalay Mr. Medhane Tedese oo ah khabiir ku xeel-dheer arrimaha Geeska Afrika, lana taliya dawladda Itoobiya Marwo Sally Healy oo ka tirsan Xafiiska Talobixinta Siyaasadda Dibadda ee dawladda Ingiriiska ee loo yaqaan Chatham House iyo khubaro kale.”

Dr. Maxamed Cabdillaahi oo la weydiiyey waxyaabihii kulankaas lagaga wadahadlay, waxa uu ku jawaabay; “Arrimaha laga hadlay waxuu ugu waawaynaa dagaallada ka socda Geeska Afrika sida Suudan, colaadda siyaasadeed ee u dhexaysa Itoobiya iyo Eritriya, iskahorimaadka Itoobiya iyo Isbahaysiga Dib-u-xoraynta Soomaaliya, qaddiyadda Somaliland iyo Koonfurta Suudaan iyo la-dagaallanka argagixisada, waxana arrimaha intooda badan laga soo jeediyey afkaaro xal abuuri kara oo noqon doona qodobadda la hordhigi doono shirka madaxda IGAD ee ugu soo horreeyey iyo fadhiyada ururka Midowga Afrika.”

Mar la uu ka jawaabayey warar sheegaya in safiirka dawladda Mbeghati ka cadhooday shirka markii lagu gudo-jiray qodob qaddiyadda Somaliland lagaga hadlayey, waxa uu ku jawaabay; “Waa nasiib-darro in Safiirka TFG-du halkuu ka shaqayn lahaa sidii nabadgalyo-darrada Soomaaliya loo soo afjari lahaa inuu caado ka dhigto inuu meel walba isla taago yaan Somaliland la aqoonsan. Haa, way jirtay oo anigoo shirwaynaha u soo jeedinaya horumarka siyaasadeed ee Somaliland iyo qorshaheeda nabadeed iyo iskaashi ee ku jihaysan mandaqadda Geeska Afrika ayuu safiirka TFG du damcay inuu hadal dhexgal ah (objection) soo jeediyo, kadibna waxa safiirka hadalka ka joojiyay shirguddoonka, arrintaas oo keentay inuu cadhoodo oo aannu shirka kuba soo noqon gelinkii dambe ee maalintaas.”

Isagoo ka hadlayey kulamo gaar ah oo uu la yeeshay masuuliyiin kale intii uu joogay Itoobiya wuxuu xaghayaha Arrimha Dibadda ee KULMIYE yidhi; “Waxaan kulamo gaar ah la yeeshay ku-xigeenka Safiirka Ingiriiska ee Itoobiya, qaabilsanna arrimaha Somaliland Mudane John Marshall. Waxaan kale oo kulamo gaar-gaar ah aan la yeeshay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya oo ay ka mid yihiin Afhayeenka Wasaaradda, saraakiil ka tirsan ururka Midowga Afrika iyo la-taliyayaal kale, waxayna kulamadani ahaayeen qaar ku saabsan doorka Somaliland ay ka geli karto wadatashiyada arrimaha nabadgalyo-xumada ah ee ka jira gobolka, iyadoo ay barbar socoto halganka Somaliland ugu jirto helitaanka aqoonsi siyaasadeed.”

“Waxaan shirwaynaha u sheegay in aanay Somaliland ka jirin argagixiso iyo cid taageersanba, shacabka Soomalilandna ay yihiin kuwa jecel nabad ku-wada-noolaanshaha jaarka.

Waxa kale oo aan shirwaynaha uga warramay siday Somaliland uga go’an tahay in doorashooyinka soo socdaa ay dhacaan wakhtiga loo qabtay, si nabadgalyo iyo caddaalad ahna ku dhacaan. Waxay diblomaasiin badani oo joogta magaalada Addis Ababa ii sheegeen in horumarka Soomaliland ku tallaabsatay yahay mid muuqda oo aan indhaha laga qarsan karin, loona baahan yahay in laga ilaaliyo wixii waxyeelaya, iminkana adduunku isha ku hayo doorashooyinka soo socda ee Somaliland,” ayuu Xoghayuhu hadalkiisa ku soo gunaanaday.

Xigasho /Somaliland.Org News Desk

Xisbiga Kulmiye Waa Xisbi Sida Lagu Wax Yeeleeyaa Ay Ku Adkaan Doonto Dahir Rayaale Iyo Kii U Adeegaba

Faalo

Waxaa baryahan dambe suuq ka dhigtay wada hadalada turxaan saarka xisbiga Kulmiye u socda afmiinshaaradii, dad sita koofiyado iyo calamo ay ku xardhan yihiin xisbiga Kulmiye, madaxtooyada Dahir Rayaalena habeenkii ku dambeeya. xubnahaasi wa kuwa maalintiina sheegta inay yihiin xisbiga Kulmiye habeenkiina ka soo casheeya qasriga Dahir Rayaale.

Xisbiga Kulmiye waa xisbi u furan una diyaar ah inay ku soo dhaweeyaan xubin kasta oo cusub oo ku soo biira xisbiga Kulmiye, xisbiga Kulmiye waa xisbi mar walba u furan inay ku soo biiraan dad ka daacad ah mabaadi’da iyo shuruucda u taala xisbiga, dad dhab ay ka tahay inay ka mid noqdaan xubnaha talo iyo tamarbana ku soo biirin kara xisbiga .

Sida xaqiiqdu tahay xisbiga Kulmiye waxaa jira xubno badan oo ku soo biiray aadna loogu baahnaa, run ahaantii miisaan aad u culusna ku soo biiriyay muuqaalkii iyo miisaankii xisbigu lahaa, waana xubno illa hadadaas la joogo ku hawlan inay xisbiga sii xoogeeyaan. Waxaa kale oo jira masas iyo halaq tiro badan oo ku soo dhex dhuuntay xubnaha daacada ka ahaa ee ku soo biray xisbiga, oo baryahan dambe ka soo ciyaaraya xaga dambe sidii ay xisbiga wax u yeeli lahayeen. Waxaa iyana kale oo jira xubno sheegta xisbiga Kulmiye in badanna ku soo dhex jiray bal se u samaystay websityo laga soo caayo xisbiga Kulmiye maalin walba, hadh iyo habeenna ku hawlan kala jabinta xisbiga Kulmiye iyo sidii loogu kala tagi lahaa xisbiga.

Xisbiga Kulmiye waa xisbi sida lagu wax yeeleeyaa ay ku adkaan doonto Dahir Rayaale iyo kii u adeegaba, xisbiga Kulmiye waa xisbi daacadi ma hungowdee kii ka daacadii mustaqbalkeeda ka manaafacaadsan doono daacadnimadisa, waa xisbi xubnihii talo iyo tamarba galiyay ay guusheeda munaafacaadsan doonaan, waa xisbi kii hagar daamo la wareegayay ee daacad darro iyo isku dir la wareegayay indhaha iyo diirada lagu wada hayo, Xisbiga xubnihiisa daacada ah iyo taageerayaasha boqlaalka kun kor u dhaafay waxay maanta diyaaru yihihiin sidii ay u guulalaysan lahaayeen dalkana sharaftiisii iyo haybadiisii u soo celin lahaayeen.

kulmiye.org

Jawaab ku socotaa: Gudoomiyah Xidhiidhka Caalamiga ee Xisbiga UCID ahana Xubin Gudiga Fulinta ah maqaalkiisii, Waa Qalinkii Abdilhakiim Suleiman Hersi

September 9th, 2008

(Doorashada madaxtinimada ee fooda inagu soo haysaa waa marxaladii ugu adkayd ee Somaliland soo marta).

Waa run doorashada soo socotaa waxay noqon doontaa mashruucii ugu adkaa ee soo mara wadanka sabahan soo socoda darted:-

    1. Hadii UDUB talada dalka ku soo noqoto somaliland ma jiridoonto, waayo somaliland iskama xijin karto shanso danbe oo dibin daabyo ah.
    2. Xisbiga Kulmiye waxa uu tanaasul sameeyay mar, weliba iyada oo 80 cod laga helay, maalintaa UDUB lama aqoon, maanta hadii doorasho xalaalihi dhici waydo ma qabo in uu KULMIYE tanaasul danbe samaynayo, waayo libaax baa la yidhi god laba jeer lagama kiciyo.
    3. Shacabka reer somaliland maanta waxay ku jiraan xaaladii ugu adkayd hadii ay noqoto dhaqaale daro, rajo la’aan, sidaa darteed maanta dhamaan dadka garaadka u saaxiib ka ahi waxay go’aan sadeen in ay codkooda ku doortaaan dowladii mustaqbalkooda dhisi lahayd waayo waxa la yidhi (hali maalin bay ceel joogtaa).
    4. Somaliland guud ahaan waxay lee dahay cadow badan cadowgaas howgu horeeyo dowlada cabdilaahi yusuf ka yahay madaxwaynaha, markaa waxan qabaa xisibiga UDUB uma babac dhigi karo ama somaliland cadowyadaa badan kama samata bixin karo.

Sabahaa iyo qaar kale oo badaniba horta sida aad sheegtay doorashadu waxay noqon doontaa mid adag oo aan laysu tudhin.

Intaa marka aan ku dhafo waxa igu kelifay in aan maqaalkaagii ka jawaabo oo aan aad uga xumaaday, waxad tidhi xisbiga KULMIYE hadii uu qabto talada wadanka waxa dhacaya dagaalo sokeeye waa sida aan anigu hadalkaaga u fahmay, horta dadkan xisbiga KULMIYE ku jiraa hadii ay yihiin dad col ah oo aan is arki Karin waxaynu maqli lahayn dagaalkooda hada ka hor waxad ogtahay in ay ergooyin kun qof ku dhaw in ay meel isugu yimaadeen wax sharaf daro iyo karaamo daro ahna dhegaheenu may maqal, waxan garan waayay sababta ay isu dilayaan marka ay xukunka qabtaan?

Waxad kale oo tidhi siyaasada KULMIYE waa gacan uur ku jirta oo mustaqbalka lama saadaalin karo, raga ku jira KULMIYE maanta ma Police baa ka horjooga Xamar iyo in meel daran ay ka dhacaan. Waxan qabaa maanta iyagoo mucarada oo maalin walba la caayayo oo wax laga sheegayo oo lagu mudaroonayo ayay joogaaan wadankoodii hadii ay qabtaan talada dalkana waxan qabaa in ay sidaas uun u joogi doonaan, ninka maalinta adag dhiigiisa kuu horaa maalinta nabadana caqligiisa wuu kuu hurayaa waayo qofku wax uu huro naftiisa ayaa ugu wayn raganna waa ragii dhiigooda u horay ciiddan ee cadowga ka xoreeyay wadankan aynu maanta nabada ku joogno, waxa uu yidhi NINA DHALASHUU KUGU DHABAR JABAY NINA DHUUNUU KUGU DHAADHACAY.

Waxaan aad hadaba ula yaabay oo runtuu fajac igu riday Faisal Cali waraabe ayaa maanta wadankan samata bixinkara, run hadii aad doonayso Daahir Riyaale iyo Faisal Cali waraabe, somaliland Daahir Riyaale ayaa Faisal Cali waraabe ugu laxjeclo badan. Waxan qabaa nin aan laysku halayn Karin siyaasadiisa haduu jiro waa Faisal Cali Waraabe, maalina mashriq buu u tukadaa maalina maqrib, saacadba waa cayn, minidba waa si, waxannu ognahay waxa ka guuxaya, waa dictator, waa caadifi, waa shaqsi fudud, markaa kaa Faisal hadii uu somaliland qabanayo aynu Daahir u dayno.

Abdihakim Sulemain Hersi

Xisbiga Kulmiye Waa Xisbiga Kaliya Ee Wada Hadla, Isna Dhagaysta, Ugu Dambayntana Isu Tanaasula Gacmahana Isqabsada

Faalo

Xisbiga Kulmiye waa xisbi ku dhisan nidaam dimuqraadi ah oo la mid ah xisbiyada kale ee dunida horumartay ka jira. Shirweynihii xisbiga Kulmiye ee bishii March ka dhacay magaalada Hargeysa dalkana markhaati ayaa looga ahaa dunidana amaan buu ka kasbaday. Shirweynihii golaha dhexe ee xisbiga ee isna dhawaan lagu qabtay magaalada Burco waxaa fadhiyay in ka badan kooram oo tiradoodu ahayd 131xubnood, doorashaduna waxay u dhacday 129 xubnood oo u codeeyay mudane Axmed Siilaanyo inuu noqdo musharaxa madaxweynaha ee xisbiga,123 xubnood oo u codeeyay mudane Cabdiraxmaan cabdillahi Ismaciil Saylici inuu noqdo musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga. Iyada hadaba intaasiba ay jirto waxaa hadana cabatin ka mujiyay mudane Cabdiraxman Aw Cali Faarax iyo mudane Cadami. Xisbiga Kulmiye ma aha xisbi sida reer UDUB mid ah xisbi u yaal oo xisbiga oo dhaniba yahay uun Daahir Rayaale Kaahin. Xisbiga Kulmiye waa xisbiu dooda una tashad si dimuqraadi ah oo lagu yaqaan istixgelin, isqadarin iyo is dhagaysi ay dhexdooda iska dhagaystaan hadba xubintii wax tabanaysa. Waxaa xaqiiqa ah in xisbiga Kulmiye heshiis ka gaadhayo wada hadalada socda maalmaha inagu soo fool leh hadii EBBE inoo ogolaado.

Waxaa baryahan bigil iyo sameecad colaad hurin iyo been abuur ah gaala bixinaya kuwa maanta qabsan kari waayay shir dimuqraadi ah oo xalaal ah afkana ay kaga hadhay Kulmiyaa is haysta, waxaa maanta fursad ka dhigtay wadahadalada u socda xisbiga Kulmiye dhexdiisa afmiinshaaradii maalin ku noolka ahaa oo jecel in beentu u sii socoto, waxaa maanta fursad ka dhigtay wada hadalada u socda xisbiga kulmiye kuwo u nool inay marba dhan u cararaan , kuwaas oo Daahir Rayaale iyo xafiskiisana ku dul wareega subaxdii illa 1200 duhurnimo sidii ay mansab siyaasadeed burburinta Kulmiye ugu hele lahaayeen.

Muj Cabdiraxmaan Aw cali Faarax waa shakhsi sharaf badan oo qadarin ka mudan dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye, hadii la wada hadlayana , macnaheedu ma aha waa la kala tagayaa ee waa la heshiinayaa weeyaan, waana inta reer Kulmiye dimuqraadiyadoodu ka horayso xisbiyada kale ee dalka ka jira. Xisbiga Kulmiye waa xisbi wada hadla is dhagaysta ugu dambayntana isu tanaasula iyaga oo gacmaha is haysta.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa ha ku riyoonnina hana ku hadaaqinna hana ku xiiqinna hana moodina in reer Kulmiye meel kala tagayaan, reer kulmiye waxay ku heshiiyeen inay mar walba iyo wax kastaba ka heshiiyaan, waxaan se u shegayaa Daahir Riyaale Kaahin iyo wasiiradiisa in wakhtigiinii soo dhamaaday, kaadh dambe ood ciyari doontaanna aanu jirin. In badan baa wakhti iyo dulqaadba la idin siiyay markan se shacabkii reer Somaliland waxay leeyihiin intaasaa naga kiin filanan diyaarna uma nihin xukumad cashuurtayada daaro ka dhisatay jeebkana ka buuxsata beenna u samaysatay telafishan laga faafiyo been abuurka.

Kulmiye.org

Kulmiye Waa Aqoontiii iyo Aqoonyahan kii Somaliland,Geesigii Iyo Geesiyiiintii Somaliland,Mustaqbalkii Shacabka Somaliland, Maqaal Uu qoray Cali Kayse Kabadhe

Waxaan halkan hanbalyada bisha barakaysan ee Ramadaan uga gudbinayaa dhamaanba umada islaamka ah, gaar ahaana Shacabi waynaha somaliland gudo iyo debedba dhamantiinba Ramadaan Mubaarak Kuli caam antum bikhayr ILAHAY waxaaynu ka baryaynaa in uu inoogu danbi dhaafo bisha barakaysan ee ramadaan,Sanadkaa sanadkiisana ku gaadhano barwaaqo Caafimaad iyo Citiraaf Dalkeenu helo.

Sida aynu lawada Socono waxaa wiigii la soo dhaafay magaalada Burco ee xarunta goboka togdheer ka dhacay shirkii golaha dhexe ee xubiga kulmiye iyada oo ay jireen musharixiin u tartarmayey in ay isu taagaan jagada madawayne ku xigeenka ayaa hadana waxaan suuro gelin in ay kuwada qancaan najiidadii ka soo baxday doorashadii dhacday, Arintaas oo ah mid iska dabeeci ah oo had iyo goorba dhacda ama bulshada afka soomaaliga ku hadasha ka dhexjirta waxaana la yidhi gari laba nin kama wada qosliso,

hadaba hadii aad eegto labadii doorasho ee xusbigu soo maray ayaa waxaa la odhan karaa waxay ahaayeen kuwo loogu tartamay si xor ah oo xalaal ah, Hadii doorashada cidi ku qanciwaydo taas macnaheedu maha in aan doorashadii iyo xubigii toona guulaysan xusbigiina uu burburay, Dadka qaar ayaa hadii kulmiye is qabto u haysta in xubigii bur buray oo aanu dib u soo Kabanayn, Sidaa maha arintu runtii waa arin iska normal ah dunida asxaabta ka jirtaaba wana is qabtaan waana heshiiyaan amaba bini’adamka oo dhan ayaa is qabta,

Waxaa muuqata oo iftiintay intii khilaafkaas xusbiga dhexdiisa ahi soo baxay in dad badani ku farxeen qaar kalena ka xumaadeen arintaa,Hadaba waxay tahay Suaasha is waydiinta lihi Yaaku farxay yaase ka xumaaday?

Qofkasta oo Damiir somalilandnimo ku jiro amaba og in xusbiga Kulmiye yahay Aqoontii iyo Aqoonyahankii Geesigii iyo geesiyiintii, Waxgaradkii iyo Waayeelkii, Muwaadinkii Iyo Muwaadiniintii, Mustaqbalkii iyo future kii umada Umada Somaliland, Xusbiga keliya ee maanta Somaliland aynu garanayno samayn kara,Xsbiga keliya ee maanta ka saari kara Hoga Kooxdan dilaaliilnta ahi ku sii ridayaan Somaliland, Xusbiga keliya ee Maanta u maqan shacabka somaliland mid debed jooga iyo gudo jooga ilaa soo maqanaha aan dhalan, xusbiga keliya ee Cadawna inaga celin kara Citiraafna keeni kara,
Muwaadinkasta somalilander ah arintaas khilaafku waxay ku noqotay Fajac iyo Falaadh Maadaama Xusbigu yahay Rajadii Somalilanderka ee la sugayey.
Geela marka la waraabinayo waxaa loogu heesaa,Nina dhuunuu kuugu dhaadhacay Nina dhalashuuu kuugu Dhabar jabay.
Taas macnaheedu waxay tahay Nina waa nin lacag la siin doono oo Xoogiisa Ganacsanaya nina waa nin Geela lexejeclo ka hayso,Kulmiyena waa Xusbiga keliya ee Somaliland iyo shacabkaba u shaqayn kara laakiin aan lacag ka doonayn,

Waxaa ku Farxay inta UDUB kow ka tahay ee aan Somaliland iyo shacab keeda toona dani ka wayn laakiin dani ka hayso shilimada jeebkooda ku dhacaya ee u soo shaqo tegay…

Geba Gebo Maanta aniga iyo inta jecel Somaliland ba waxaanu kulmiye ugu baaqaynaa in ay gaadhaan Xal deg deg ah ilahayna haydin waafajiyo is afgarad iyo isu tanaasul

Cali Kayse Kabadhe
Holland

Lib Murkucatay!, Maqaal Uu qoray Ibraahin Yusuf Bulay

Kulmiyow libtaadii kol hadii mar iyo laba
muudaa ku gaadiyo maalooti qaxayaa muska kaaga soo dhacay
kol hadii mar iyo laba makri iyo xaqaagii khasab lagu maroorsaday
kol hadii mar iyo laba kula tegey mahiigaan
kol hadii mar iyo laba moqoraysi lagu baday
kol hadii mar iyo laba mooyi mooyi lagu yidhi
kol hadii mar iyo laba mashqac lagula daydeyey
kol hadii mar iyo laba haanraawe kugu mamay
lib baa kaa murkucatee noloshaan milgo lahayn
Waxayse manta joogtaa yaa maali jiriyeey.
————Kalamaan,Hadraawi

Adhiga marka habeenkii weer xerada ugalo ama reer qolqolka mas u galo, farganaxa iyo baydadka inta malmal iyo murre loo shido la baadi goobayo, ayaa runi run geydaa oo talo faro ka haadaa. Kulmiye labadaa arrimoodba way haysataa. Kulmiye waxaa ku kacay hadh ka yaac, guri cas in lagu furo ayaa lala maaganyahay. Gujo, tontoomo iyo tartar ka mud mugeed dhaaftay ayaa xisbiga lagu wadaa. Gaadmooyin is daba jooga ayaa ku socda oo kaga imanayey meelo badan. Waxaa xisbiga miscirirta ugalay qorismaris huwan haraga dawoco, oo had iyo gooraale iskusoo lifaaqa gaadmooyinka Udub. Xagal daacada, dagnaanta ama gol daloolo kastana doonaya inay ka faa’iidaysataan. Manjaxaabada iyo haydaarada kulmiye loo maleegayo fariidna waa garanayaa nacasna loo sheegi mayo?

Cadowga hoose markalaan udhiganayaa, waxanse doonayaa inaan taabto arrinta haatan taagan ee ka timi duqeyda xisbiga ee Cabdiraxmaan Aw-Cali (laba tolle) iyo Gudoomiye Cadami. Odaayaal, adeerayaal, “Ruqe ninkii lahaa dabada hayaa ma koco”. Maanta waxay joogtaa biya culustii ragiinii laga filayey inay maanta dhisaan xisbiga, ragii Somaliland ku niyadda samayd inay mar labaad ka furdaamin doonaan nidaamkan cadowga ah ee sidii geedsaarkii ama jebisadii ummada qoorta iskaga maray ayaad tihiin. Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Cadamiba waa laba nin oo miisaan ku leh xisbiga, maanta labadiinuba barbarka khaldan ayaad iska taageen masiirka xisbiga iyo danta guud ee ummada.

Amman ayaad ka soo hoyseen Kulmiye taageerayaashiisa iyo ummaduba idiinku hayso shaqadii aad waafiga ahayd ee aad ka soo gudateen madal kasta oo xisbigu taagnaa. Waxaad wacdaro aan hore loo arag ka muujiseen shirkiisii Guud ee xisbiga ee ka dhacay Hargeysa. Intaan shirkaasi dhicin, waxa laga filayey in kuraasta la isla dhici doono. Waxa dhacday in Kulmiye qabasaday shirkii ugu dimoqraadisanaa, ugu hufnaa, uguna horeeyey ee xisbi Somaliland ku abtirsadaa dhigto. Siduu u dhacay iyo wixii ka soo baxay Udub baa is ilowdey oo mashxarad ay oo alalas fidyaysey. Yididiiladii ummada ayaa dib u soo noqtay. Maanta oo ay tahay maalintii aad guusha gunti lahaydeen maaha inaad noqotaan raggii boqolka soomay ee baqtiga ku afuray. Odayaal idinka socon mayso!

Miyaad ilowdeen wadada qodaxda leh ee inaga horaysa, mise riyo iyo yididiilo been ah iyo bal aan eegno guul ku timaada ayaad filaysaan? Miyaad ilowdeen in hebelada manta majaraha inoo hayaa hoog iyo haydaaro ayay inala maaganyihiin. Miyaad ilowdeen inaan Ucid weli taaba qaadin? Yaad ka dudeen yaadse u dudeen? Odayaal si kastaba arrinku ha u dhacee, dudmo la idiinkama fadhiyo. Waxay joogtaa Yaa maali jirey!

Waxaad ogaataan in la idinka faaiidaysano oo hadhkayaac iyo qorismaris isku lifaaqayo dudmadiina. Udub iyo helbelo miyaad ilowdeen? Maanta waa maalintii dusha laga wadi lahaa. Waa maalintii la qarin lahaa gol daloolada xisbiga lana muujin lahaa isku duubni iyo isu tanaasul. Halkii maanta laga hadli lahaa in Udub qabsan karto shirkeedii guud, halkii laga hadli lahaa aafada waddanka haysata, waxad platform siinaysaan Udub iyo waxay cago ku xaadhato. Waxaad niyad jebinaysaan hankii shacabka iyo yididiiladii Somaliland. Fadlan si deg-dega u soo afjara is afgaranwaaga maanta xisbiga dhex yaal.
Ibrahim S. Yusuf-Bulay
London, Uk

Musharaxa madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga Kulmiye Ku soo Doortay magaalada Burco Ayaa Maanta Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Boorame

(Bidix: Musharaxa Jagada Madaxweyne Kuxigeenka ee Xisbiga KULMIYE C/raxmaan Saylici Midig: Prof. Ismaaciil Muumim Aare)

saylici.JPG

Boorame (Kulmiye.org) -Mudane Cabdiraxma Ismaaciil Saylici oo dhawaan loo doortay Musharaxa tartanka Jagada Madaxweyne Ku-xigeenka ee Xisbiga Kulmiye oo uu barbar socdo prof Ismaciil Muumin Aare oo ahaa Musharaxii hore ee madaxweyne ku xigeenka xisbiga u sharxnaa oo ay isku gobolna ee ay isku gobolka ka soo wada jeedaan mudane Saylici. musharaxa iyo wafadigii galbinayay ayaa maanta gaadhay magaalada Boorame

Kolonyo aad u badan oo baabuur ah oo lagu galbinayay mudane Cabdiraxmaan-saylici iyo Wefti balaadhan oo ka mid ahaa galbiska musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga Kulmiye ayaa maanta si wayn loogu soo dhaweeyay Magaaladda Boorama. Dadweynaha reer Boorame oo aad u tiro badan ayaa tubnaa wadada labadeeda dhinac , dadka soo dhawaynayay mudane Saylici waxaa ka mid ahaa Salaadiin, cuqaal, aqoonyahano, Haween, Dhalinyar iyo dhamaan taageerayaasha Xisbiga Kulmiye oo si qurux badan u lulaalyay calanka Somaliland iyo ka xisbiga Kulmiye ee isugu jira Cagaarka iyo Huruuda . Waxaa wafdiga lagaga hor yimid tuulada Goraya-cawl ee duleedka magaalada Boorame ill laga gaadhay badhtamaha magaalada Boorame.

(Gudoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Xisbiga KULMIYE Xamarji oo ka dhex Muuqda muuqaalka dadka )

Waxaa musharaxa loo doortay madaxweyne ku xigeenka xisbiga mudane Cabdiraxmaan Saylici iyo Weftigiisii ay ku dageen Huteel Maano oo ku yaala badhtamaha Magaaladda Boorama, halkaas oo ay barxada huteelka waftigu dadweynaha kala hadleen. Ugu horeyn Suldaan Cabdiraxmaan Muuse Geele oo ka tirsan Madax-dhaqmeedka Somaliland ee ree Awdal ayaa hadal soo dhawayn iyo mahad-naq isugu halkaasi ka jeediyay, isaga oo u mahad-celiyay guud ahaanba Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye inta u codaysay mudane Saylici waxaa kale oo uu suldaanku u mahad celiyaya dadweynihii halkaa isugu soo baxay soo dhawaynta musharaxa.

Waxaa isna halkaa khudbad ka jeediyay Por. Ismaaciil Muumin Aare oo ahaa musharax u taagnaa jagada madaxweyne ku xigeenka xisbiga Kulmiye balse wax yar ka hor doorashada uga tanaasulay md Saylici. Prof Aare waxaa uu sheegay in uu si weyn u garabtaagan yahay md Cabdiraxmaan Saylici, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oouu yidhi Por. Aare.

(Muuqaalka baabuurtii tirada badnaa ee soo galbisay C/raxmaan Saylici)

“Wallaalayaal Aad iyo aad ayaad noo farxad geliseen ee Alle ha idinka farxiyo, niyadd wanaagsan ayaad nagu soo dhawayseene Jannada illaahay ha idinku soo dhaweeyo. Anagu waxaanu nahay raggii Burco tagay oo u tartamay Jagada Madaxweyne ku xigeenka. Burco guulo ayaanu idiinka keenay Burco, laba guulood ayaan idiinka tilmaamayaa waxaanu idiinkeenay Musharixii Madaxweyne Ku-xigeenka oo ah Wallaalkeen Cabdiraxmaan Saylici, waxa kale oo aanu idiin keenay waxoogaa midnimadii Gobolka oo aan sideedii hore ahayn waayadan dambe ayaanu idiin keenay oo tii dhaqanka ayaanu keenay. Midnimadaasi waa tii Awawyadeen wadeen ee haddii maanta aanu soo noolaynay waa in la adkeeyo.”

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Cabdiraxmaan-saylici) musharaxa loo doortay tartanka jagada madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Kulmiye ayaa isaguna si weyn ugu mahad celiyay dadweynaha reer Awdal ee soo dhaweeyay, isla markaana waxa uu sheegay in khilaafka Xisbiga Kulmiye ka dhex jira aanu ahayn mid lagu kala tagayo ee uu yahay mid wadahadal lagu dhamaynayo, laguna jiro xalintii iyo isqancintii.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi, “Waxaan idiin balan-qaadayaa dadka hantiyi ma deeqdo, caddaalad ayaa deeqda, adeega guud ee dalka iyo dadku u baahan yihiin ayaa deeqa. Waxaan ku dedaalayaa wax idin deeqa, oo waxaan ku dedaalayaa in aan haddii Somaliland wax idinkaga maqnaayeen aan idiinka doono, waxa Somaliland ka wada maqana halka ay ku maqan yihiin aan uga doono.”

(muuqaalka dadka )

“Soomaalida ayaa tidhaahda nin ku xigaba Allaa kaa xiga, markaa Aniga la igaga talagali-maayo qabyaalad iyo nin jeclaysi, dadka reer Awdalna waan u sinaanayaa mid aan dhinaca saarayaa ma jiro, oo Illaahay hortii ayaan ugu sinaanayaa. Waxaanan leeyahay midnimo ayaanu u soconaa sida uu Por. Aare sheegay, waa in aad codkiina nuugu gargaartaan si aanu dhibaatooyinka haysta heer Gobol illaa heer Qaran aanu wax uga qabano.” Ayuu ku soo geba-gabeeyay hadalkiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

(Gudoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Xisbiga KULMIYE Xamarji oo ka dhex

waxa iyaguna Munaasibadaa ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ee Gobolka Hargeysa mudaneAxmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarji) iyo mudane Cabdiraxmaan Siciid Faahiye oo ka tirsan Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, isla markaana waxa ay uga mahad-celiyeen dadka reer Boorama sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen Musharax Saylici iyo Weftiga uu hogaaminayay

Mudane Cabdiraxmaan cabdilahi Ismaaciil Saylici iyo wafdigiisa ayaa la filayaa inay illa barito joogaan magaalada Boorame.

Kulmiye.org


Xukuumadda oo xabsiga ka siideysey Xirsi Cali X.Xasan , Abshir Xasan Xaashi Iyo Jamac Xaji Maxamed Ducaale (Foos)

Mudane Xirsi Cali Xaji Xasan, Gudoomiye kuxigeenkii hore ee Komishanka Qaranka ee aargoosiga ugu xidhnaa Dahir Riyaale oo maanta la sii Daayay.

Xirsi Cali X. Xasan

September 4th, 2008

(Kulmiye. info)Hargeysa, Somaliland – Waxaa maanta xukuumada Dahir Riyale Kahin xabsiga ka sii daysay Guddoomiyekuxigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Mudane Xirsi Cali X. Xasan ,Mudane Abshir Xasan Xaashi Iyo mudane Jamac Xaji Maxamed Ducaale (Foos ) oo sedexduba u xidhnaa arrimo been abuur ah iyo xadhig xaqdaro oo ahaa aar goosi siyaasadeed.

Mudane Xirsi Cali xaji Xasan oo ahaa guddoomiyekuxigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka ayay ciidamada Boolisku bisha August 3 deedii ka soo qabteen tuulada Magaala-yar eemagaalada Burco ka xigta dhinaca bariga , xaqdarana u xidhnaa illa maantadan oo ku buuxsamaysa bil gow ah.
Waxay xukuumadda Riyale Kahiin markii ay sida xaqdarada ah u soo xidhay mudane Xirsi ku eedaysay been abuur aan jirin oo ahaa in uu ku lug lahaa baabuur xukuumaddu sheegtay in madaxa laga jaray si qoryo loo saaro iyo maleeshiyo ay tilmaantay inay isku urursanayaan deegaamo ka tirsan Bariga Burco inta ay sheegeen ahayd been ay soo dhabdhabeen, waxaa uu Wasiirkiisa Arrimaha Guduhuna uu warbaahinta u sheegay inay hayaan caddaymo in Xirsi uu xidhiidh la leeyahay ururka Al Shabaab ee ka dagaalama magaalada Muqdisho iyo Soomaaliya oo ku jira liiska Argagixisada Maraykanka, wararkaas oo dhamaantood lagu xumaynayay mudane Xirsi Cali xaji Xasan oo mudadii uu ahaa kuxigeenka komishanka qaranka aad ugu adkaa madaxbannaanida komishanka doorashooyinka isla markaasna dayr adag iskaga xidhay faragalintii joogtada ahayd ee Dahir Riyale ku hayay gudida komishanka doorashooyinka.

Waxaa mudane Xirsi Cali xaji Xasan la siidaayey iyada oo aan wax maxkamad la yidhaa aan la horgeyn si loogu caddeeyo dembiga loo xidhay iyo eedaymaha Wasiirka Arrimaha Guduhu ka been abuuray.

Xirsi Cali X. Xasan oo galabta saxaafaddu la xidhiidhay, waxa uu sheegay in la siidaayey, balse, aanu garanayn waxa lagu xidhay iyo sida lagu siidaayey midna.

wararku waxa ay sheegayaan in lagu siidaayey amar uu Daahir Riyaale ku amray wasiirkiisa arimaha gudaha in ooda laga qaado mudane Xirsi oo aan wax danbi ah loo hayn, wararka qaar ayaa sheegaya sii daynta md Xirsi in ay ka dambeeyeen wadahadalo uu Dahir Riyale la yeeshay odayaal ka socdey beesha Xirsi ka soo jeedo.

Abshir Xasan Xaashi

Sidoo kale,mudane Abshir Xasan Xaashi oo ahaa darawalkii hore ee Marwada Daahir Riyaale, marwo Huda Barkhad, isla markaana ahaa madaxa gaadiidka Madaxtooyada intii ka horreysey dabayaaqadii 2006 ayaa isagana saaka laga siidaayey Jeelka Mandheera oo uu si xaq daro ah ugu xidhnaa muddo 4 bilood ah, iyada oo aan marna wax maxkamad ah la horgeyn, taasina ay cadaynayso inaan wax dambi ah aanu galin haba yaraatee.

Mudane Abshir Xasan waxa uu boolisku qabtay badhtamihii April 2008, kadib markii muddo dheer ay ku dabajireen iyaga oo ka daba joogey isaga oo runta ka sheegay siiyeyna Saxaafadda hadalo uu ku difaacayey suxufiyiinta Wargeyska Haatuf oo u xidhnaa maqaal ay ku daahfureen musuqmaasuq uu ku lug leeyahay qoyska Daahir Riyaale ee Madaxtooyada Somaliland, isla markaana uu ku soo bandhigay caddaymo jiray oo ku saabsan musuqmaasuqaas.

“Saaka subaxnimadii ayaa gaadhi boolisku leeyahay la igaga soo qaaday Jeelka Mandheera ee aan ku xidhnaa, waxaana la I geeyey gurigeyga. Mana garanayo amarka la igu siidaayey cidda bixisay,” ayuu yidhi Abshir oo aanu weydiiney sida loo siidaayey.

Waxaa isna isla saakadan la sii daayay mudane Jaamac Maxamed X. Ducaale (Foos) oo ay walaalo yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Ducaale , isla markaana la sheegay in mudane Foos u xidhnaa arin la xidhiidha aargoosi siyaasadeed oo ku saabsanaa ka qayb galka uu ka qayb galay Shirkii beeshiisu ay ku qabatay magaalada Gar’adag. Mudane Foos ayaa xadhigiisa lagu xidhiidhiyay wasiirka arimaha dibada Cabdillahi Maxamed Ducaale oo walaalkiis ah inuu uu ka dambeeyay amarka xadhigaas la xidhay mudane Foos.

Mudane Jamac Maxamud xaji Ducaale( Foos )oo ah muwaadiin Somaliland oo qurba joog ah ayaa la sheegay in lagu waayey eedayn been-abuur ahayd oo loo sameeyey si loo xidho. Dawladnimadii iyo distoorkii Somaliland u yaalay ayaa ku dambeeyay dhalanteed iyo magac u yaal afka uun kaga hadhay shacabka. Muwaadiniintii reer Somalilandna waxay noqdeen dad u wada xidhan xukuumada tamarta iyo tayada daran ee wasiiradeeduna musmaasaqa ku wada noolyihiin.

Kulmiye.org hadaanu nahay waxaanu sawirka Jamac Maxamed xaji Ducaale ( Foos) ku soo dari doonna marka ay noo suurta gasho inaanu helo.

“Ma waafaqsani in shirweyne labaad la qabto oo hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye lagu loolamo,” Dalmar Saalax, Xubin ka tirsan Golaha Dhexe ee KULMIYE

Hargeysa (Somaliland.org) – Dalmar Saalax Diiriye oo ka mid ah xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, isla markaana ka mid ahaa dhinicii qaadacay natiijada Shirweynihii Golaha dhexe ee Kulmiye ee dhawaan ka dhacay Mgalaadda Burco, ayaa caddeeyay in uu ka soo horjeedo Shirweyne labaad oo la qabto oo mar kale lagu doorto Musharixiinta Xisbiga uga qaybgalaya doorashada Madaxtooyada. Waxaanu soo jeediyay in khilaafaadka ka dhex jira Kulmiye wadahadal iyo isu-tanaasul lagu dhameeyo.

Dalmar waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu ku socodsiinayay Shirgudoonka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo uu galabta soo gaadhsiiyay warbaahinta. Qoraalkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

“Ku: Shirgudoonka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

Ujeedo: Cadayn Mawqifka aan ka joogo khilaafkii Xisbiga ee ka dhashay habkii doorashadii musharixiinta iyo masuuliyadihii kale ee ay ka mid ahaayeen Guddida fulinta.

Hadaba, waxaan qabaa in khilaafkaa wadahadal iyo isu tanaasul lagu dhameeyo, tix-gelin iyo raali-gelin laga siiyo kooxda wax tirsanaysa ee ay hogaamo ka yihiin Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Axmed Xaaji Cali Cadami.

Hase-yeeshee, ma waafaqsani in shirweyne labaad la qabto oo hogaanka sare ee Xisbiga lagu loolamo, khalad kasta oo jirana loo huro midnimada iyo wada-jirka Xisbiga, haddii se kooxda wax tirsatay ee aan ka midka ahaa ku adkaysato loolan dambe iyo shirweyne kale oo la qabto waxaan cadaynayaa in aanan kula jirin fikirkaas, sexeexaygii horena aan ka noqday kana tanaasulay.

Talo soo jeedin

1-In ay garawshiiyo ka bixiyaan Musharaxa Madaxweynaha iyo hogaankiisu ku deg-degii doorashada.

2-In Munaasib wax ku ool ah loo balan-qaado qaybaha wax tirsanaya”.

Xubno kale oo ka tirsan Golaha Dhexe ee KULMIYE oo magacyadooda lagu saxeexay mooshinka ayaa iyaguna Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee KULMIYE u gudbiyey qoraallo ay ku caddaynayaan inay ka noqdeen saxeexaas ama in laga been abuuray magacyadooda.

Xigasho /  C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo walaalkii u xidhay aargoosi siyaasadeed

 Hargeysa (Somaliland.org) – Mr. Jaamac Maxamed Ducaale (Foos) oo ay walaalo yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale ayaa muddo laba toddobaad ah ku xidhan magaalada Hargeysa, iyada oo aan maxkamad la horgeyn.

Foos Maxamed Ducaale waxa la xidhay wax yar kadib markii uu ka soo laabtay Shirweynihii beelaha Bariga Burco uga socdey Magaalada Gar’adag ee gobolka Sanaag oo uu ka mid ahaa ergooyinkii Qurbajoogga ee ka qaybgelayey, si cadna looma oga sababta xadhiggiisa iyo wax loo haysto.

Hase yeeshee, waxa la rumaysan yahay in xadhiggiisu yahay aargoosi siyaasadeed oo laga dabajoogo shirkii Gar’adag oo Mr. Foos iyo Axmed Yuusuf Ducaale (Dhigane) oo isku dhinac ahi ay si adag uga soo horjeesteen Buurmadow iyo koox uu horkacayey, kaas oo ay dabada ka wadeen ama taageerayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda, mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo Siciid Yuusuf Ducaale oo xubin firfircoon ka ah xisbiga UDUB, isla markaana laga soo eryey magaalada Gar’adag, kadib markii uu qas iyo muran ka abuuray halkaas, isagoo isku deyayey inuu burburiyo shirka.

Dad goob-joog ahaa ayaa sheegay in muddadii uu Gar’adag joogey ay Mr. Foos soo gaadhayeen hanjabaado ah in la xidhi doono marka uu Hargeysa yimaaddo, waaranka qabashadiisuna uu diyaar yahay. Hase yeeshee, waxay wararka qaar sheegayaan in markii uu Hargeysa yimi Jaamac Maxamed Ducaale (Foos) loo sameeyey kiis ama dacwad been abuur ah oo si shirqool ah ay uga soo shaqeeyeen xubnaha qoyskiisa ee ka tirsan xukuumadda iyo xisbiga UDUB.

Shirqoolada iyo Aargoosiga siyaasadeed ayaa ah dhaqan looga bartay xukuumadda Daahir Riyaale oo ay markasta u isticmaasho inay kula dagaalanto mucaaridkeeda. Waxayna tani muujinaysaa in aanay jirin wax dammaanad qaadaya xuquuqda muwaaddinka, awoodda xukuumaddana loo adeegsan karo in la iska xidho qofkii la doono.

Ma aha falkii ugu horreeyey ee noocan ah. Hase yeeshee, Guddoomiyekuxigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka Xirsi Cali X. Xasan ayaa isaguna weli u xidhan wax loo aqoonsaday aargoosi siyaasadeed, iyada oo laga soo qabtay tuulada Magaala-yar ee Bariga Burco, laguna eedeeyey inuu ku lug lahaa baabuur la sheeganay in kurka la jaray si qori tikniko ah loo saaro, kuwaas oo Booliska Burco sheegeen inay soo qabqabteen, balse, aan la haynin raggii watey iyo wax hub ah oo saarnaa midna. Sidoo kale, ilaa iyo hadda lama oga cidda ka dambeysey arrintaas.

Warar ku dhowdhow Xirsi Cali X. Xasan oo aan weli maxkamad la horgeyn ayaa sheegaya in odayaal ka socda Beesha uu ka soo jeedo Xirsi ay la kulmeen Daahir Riyaale, isla markaana uu u ballanqaaday inuu siideynayo Xirsi.

 

 

Xigasho / Somaliland.org