Archive for October, 2008

Qurba jooga Xisbiga Kulmiye Oo Cambaaraynaya Falalkii Argagixiso Ee Arbacadi Ka Dhacay Magaalada Hargeysa, Waxayna Tacsi U Dirayaan Xukuumada Iyo Shacabka Reer Somaliland

Dhamaan tageerayaasha xisbiga kulmiye ee qurba jooga ah waxay cambaraynayaan weerarkii qaraxyada argagixisada ahaa ee lala beegsaday dadka aan waxba galabsan, waxayna tacsi u dirayaan dhamaan qaraabadii iyo eheladdii ay ka geeriyoodeen dadkii weerarka qaraxyadda ahaa ku naf waay iyo kuwii ku dhaawacmay goobahaas oo kala ahaa: Qasrigga Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland ,Xafiis ganacsiyeedka dalka itoobiya iyo xafiiska hay‘ada UNDP ee Qaranimada Midowday

Waxaanu EBBE uga baryaynaa inuu intaa ku nafwawayday janadii Fardowsa ka waraabiyo qaraabadii eheladii marxuumiintana iyo shacabka reer Somalilandna samir iyo iimaan oo EBBE inaga wada siiyo, inta inaga dhaawacmayna ILLAAHAY waxaynu uga baryeyna cafimaad dag dag ah inay helaan .

Weerarkaasina wuxuu ah weerar lagu so qaaday Qaranimada , nabada , gobanimada,xasiloonida iyo geedi socoda dimuqradiyada iyo horamarka ay Somaliland hiigsanayso waqtiga dhaw iyo midka fogba

Waxaanu ku boorinayna dadka reer Somaliland dhamaan axsaabta mucaaridka iyo muxaafidka iyo xukumad iyo shacabiba in ay Somaliland gaadhi doonto waxay hiigsanayso oo ah ictiraaf qaranimo buuxdah iyo horamar dhaqan dhaqaale iyo aqoon bulshanimo oo aayatiin leh

Waxaanu sido kale xasusinaynaa dhamaan dadka reer Somaliland in dhacdadan argagaxiso nimo aanay waxaba yeelikarin yoolka iyo himilada ay Somaliland hiigsanayso waqtiga dhaw iyo midka fog

Gabagabadii waxay dhacdadan maanta dhacday tahay baraarujin ah in xuduudaha la adkeeyo, dadka dalka soo galayana la ogaado. Waxaanu soo jeedinaynaa in marka hore aynu isku wada duubnaano xukuumad iyo shicibba, mucaarid iyo muxaafidba waa in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka cadowga dalka iyo argagixisada caalamiga ahba. Mar kastaba, Xisbiga Kulmiye waxaa uu wax kasta ka hormarinayaa u horaysana kow qaranimada Somaliland mar labaadna qaranimada Soamaliland mar sedexaadna isku duubnida iyo difaaca dalka. Waxaanu faraynaa xukumada iyo shacabka reer Somaliland inaan siyaasadi jirin hadaan qarannimo jirin sidaa darteed waa in meel adag la iska wad taagaa argagixisada khalkhalka galinaya nabadgalyadeena, kuna soo dhuumanaya magaalooyinka dalkeena hooyo, waxaa muhiim ah in wax la hubsado oo aan la dagdagin, dadka qaxootiga ah ee aan waxba gaysanna aan loo dhibaatayn falal bani aadamnimada ka baxsan.

Alla weyn ninkii aamina awoodleh

Guul Somaliland , Guul Diwaangalinta iyo Guul doorashada sosocota

Waa Bilahi Tawfiiq

Wararka Wargeyska OGAAL, Khamiis: Magacyada Dhimashada iyo dhaawaca Qaraxyadii Argagixiso ee shalay


Hargeysa (Ogaal)- Siday tibaaxeen Wararkii ugu dambeeyay ee xalay laga soo xigtay hawl-wadeenada Caafimaadka, ilaa 21-qof ayaa ku geeriyooday Qaraxyadii xidhiidhka ahaa ee lala beegsaday Xafiiska UNDP, Safaaradda Itoobiya iyo Xarunta Madaxtooyada Somaliland. Isla markaana waxa la sheegay in soddomeeyo kale ay gaadheen dhaawacyo kala duwani, kuwaas oo qaarkood isla shalayba loo duuliyay dalka Jabuuti.

Xogaha laga helayo goobaha Caafimaadku waxay tibaaxeen in aan la wada aqoonsan Magacyada dadka dhintay, balse qaar badan oo ka mid ah la aqoonsaday, qaarkoodna aan la aqoonsan. Sidaa daraadeed, sidaanu ka soo xiganay Hawl-wadeeno Caafimaad Magacyada dadka dhintay ee la aqoonsaday waxa ka mid ah;

Ibraahim Cabdirisaaq Cabdilaahi Sool oo dhalasho Finland ah haystay oo dhawaan dalka yimi, islamarkaana isaga iyo Xaaskiisu ay ka mid ahaayeen dadka Qaraxu ku haleelay Safaaradda Itoobiya ee Hargeysa, halkaas oo la sheegay in ay Fiise ka doonayeen, balse uu Marxuumku ku geeriyooday Marwadiisuna ay ku dhaawacantay. Sidoo kale Magacyada aanu ka helnay dhinaca hawl-wadeenada Caafimaadka waxa ka mid ah;

Magaca Goobta
1. Xildhibaan Maxamed Cismaan Libaaxo (Golaha Guurtida) Madaxtooyada
2. Daahir Cali Iid, (Xoghayihii Madaxtooyada) Madaxtooyada
3. Xuseen Maxamed Faarax (Af-gaab) (La taliyihii Madaxweynaha ee dhinaca Hay’addaha) Madaxtooyada
4. Maxamed Cilmi Geelle, (madaxii amniga UNDP) UNDP
5. Xusseen Aadan Cabdi ?
6. Maxamuud Maxamed Yuusuf (Fool) ?
7. Maxamuud Cabdiraxmaan Sugule ?
8. Maxamed Axmed Cumar Madaxtooyada
9. Ibraahin Cabdirisaaq Cabdilaahi ?
10. Layla Xaaji Cabdi Rooble Madaxtooyada
11. Siciid (Darawal UNDP) UNDP

Intaas ka sokow, siday tibaaxeen Warar laga soo xigtay hawl-wadeenada Caafimaadka tirada dadka dhintay ee kale lama aqoonsan Magacyadooda, kuwaas oo ay ku jiraan is-qarxiyayaashii Baabuurta Qaraxa loo adeegsaday watay.

Magacyada Dhaawaca:

Sida laga soo xigtay Saraakiil Caafimaad oo u dhuun-daloola goobaha lagu dawaynayay dhaawacaa dadka ku dhaawacmay qaraxyadii shalay, waxa dadka dhaawacmay Magacyadooda ka mid ah;

1. Sulub Cabdi Saleebaan

2. Maxamed Cabdilaahi Guulleed

3. Xiis Mahdi Sugaal

4. Barre Yaasiin Geelle

5. Maxamed Cabdi Cismaan

6. Maxamed Axmed Cismaan

7. Cabdilaahi Cabdi Xasan (Dayr)

8. Ibraahin Cabdilaahi (Huutuu) (Sarkaal sare oo ka tirsan Sirdoonka)

9. Cali Cabdilaahi Xaashi

10. Cabdicasiis Maxamed Faarax (Sarkaal UNDP – waxa isla shalay loo duuliyay Jabuti)

11. Xuseen Faarax

12. Xusseen Xasan (Makaanik UNDP)

13. Khadar Cabdilaahi Muxumed

14. Jamaal Cabdi Maxamuud

15. Abokor Sulub, (Taliyaha ciidanka ilaalada Madaxtooyada)

16. Cabdirisaaq Xaamud Caydiid, (Weriye ka tirsan Telefishanka Space Channel)

17. Maxamed Aadan Ismaaciil (Adiino) (Sarkaal UNDP – waxa isla shalay loo duuliyay Jabuti)

18. Maxamed Ismaaciil (xafiiska xisaabaadka Madaxtooyada)

Dhinaca kale, intaas kuma dhama magacyada dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay masiibadaasi, mana kala cadda Magacyadaa dhimashada iyo dhaawaca in ay sax ku yihiin siday nagu soo gaadheen iyo inay wax ka qaldan yihiin. Waayo, Maamulka Cusbatalka guud ee Hargeysa si rasmi ah umuu shaacinin Magacyada oo dhammaystiran, balse waxaanu ka soo xiganay Saraakiil Caafimaad oo goobaha daawaynta ku sugnaa.

Hargeysa: Weerarkii Argagixisada iyo Wararka tallaabooyinkii ka dambeeyay

“Waqtigaa waxaan Xafiiskiisa la joogay Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Md. Cabdillahi Maxamed Ducaale..Weerarkan oo kalena wuxuu sii dhiirigelinayaa dedaalkii aanuu ugu jirnay awalba la dagaalanka Aargagaxisada”

Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland

Hargeysa (Ogaal) – 21 qof ayaa dhintay, illaa 31 ruux oo kalena waa ay dhaawacmeen, ka dib markii shalay qaraxyo ismiidaamin ah oo argagixiso lala beegsaday xarunta madaxtooyadda Somaliland, Xafiiska ganacsi ee Itoobiya ku leedahay Hargeysa iyo Xarunta hayadda UNDP.

Weeraradan ayaa loo adeegsaday Saddex Baabuur oo nooca Surf-ta loo yaqaano ah, kuwaasoo xambaarsanaa waxyaabaha qarxa, isla markaana ay saarnaayeen niman isbiimeeyayaal ahaa, kuwaas oo si gaar-gaar ah qaraxyada ula beegsaday xarumahaa. Iyada oo in ka yar saddex daqiiqo u dhaxeeyeen qaraxyadaas.

Weerarkii koowaad:

Abbaaro 10:10 daqiiqo ee subaxnimadii shalay ayay ahayd markii inta badan Magaalada Hargeysa laga maqlay dayaanka qaraxii u horeeyay oo lala beegsaday Xarunta Hay’adda UNDP ee Magaalada Hargeysa.

Caadiyan intii dunida sulaaqa Colaadeed la soo dersay laga soo bilaabo dhacdadii 11-kii September ee lala beegsaday Daarihii dhaadheeraa ee Maraykanka, waxa guud ahaan jirtay feejignaan laga qabay Weeraro Argagixiso. Sidaa daraadeed, Hay’adaha Caalamiga ah ee Sama-falku waqtigaa intii ka dambaysay waxa Xarumaha ay degan yihiin loo sameeyay baro-Kaantarool iyo Kaabado adag. Kuwaas oo difaac ahaan loogu talo-galay inay ka qabtaan Gaadiid kasta oo damca in uu xoog ku galo Xarunta. Sidaa daraadeed, shalay subax, sida laga soo xigtay dad goob-joogayaal ah, Baabuurka ku dhex qarxay xarunta UNDP waxa uu ka gudbay Kaabado si tallan-taalli ah oo saddex Xagal ah isu-daba yaala. Kuwaas oo loogu talo galay inay gaadiidka ku qasbaan inay qunyar socod ku galaan xarunta.

Goob-joogayaashu waxay sheegeen in gaadhiga qarxay uu daba galay mid ka mid ah Baabuurta Qaramada Midoobay oo laga furay Albaabka hore ee Xarunta.

Waxana goob-joogayaashaas oo ay ku jiraan qaar ka mid ah hawl-wadeenada UNDP intaa ku dareen, in baabuurka falka lagu fuliyay ay saarnaayeen laba Nin, kaasoo isaga oo si xawli ah u socda uga faa’iidaystay Jaaniska uu ka helay Al-baabka laga furay Baabuurka ka horeeyay uuna u gudbay gudaha, hase ahaatee mid ka mid ah raggii Baabuurkaa watay ee qaraxa geystay ayay ilo xog-ogaal ahi sheegeen in uu ka degay Baabuurka, isla markaana uu iska dallacay Bir Kaantarool oo gudaha xarunta ah, uuna ku noqday gaadhiga. sida goob-joogayaal laga soo xigtay, markaa kadib gaadhigu,Il-bidhiqsiyo gudahood ayuu ku qarxay meel aan ka fogayn Xafiisyada Xarunta. Qaraxaas oo aad u xoog waynaa waxa uu geystay khasaare xoog leh oo naf iyo maalba leh.wararku waxay intaa ku dareen, in is biimeeyayaasha ka sokow ay laba qof oo kale ku dhinteen Xarunta UNDP , kuwaas oo la sheegay in mid ahaa sarkaalkii amniga u qaabilsanaa UNDP, midna la sheegay inuu ahaa Dirawal wade ka ahaa mid ka mid ah gaadiidka UNDP. Warku wuxuu intaa raaciyay, in ilaa lix qof oo kalena ay ky dhaawacmeen halkaa. Kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, Maxamed Aadan Ismaaciil (Adino) iyo Cabdicasiis Maxamed Faarax oo culayska dhaawacyadooda dartood la sheegay in loo qaaday Dalka Jabuuti iyo xubno kale.

Ka sokow khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca, waxa sidoo kale burburay qaar ka mid ah Xafiisyada Hay’adda iyo dhawr baabuur oo xarunta dhex-yaalay. Waxyar ka dib-na waxa halkaa gaadhay Ciimada ammaanka.

Weerarkii labaad:

Qiyaastii hal daqiiqo ka dib ayaa qaraxa labaad ka dhacay Xafiiska Itoobiya ku leedahay magaaladda Hargeysa, halkaas oo sida la sheegay ay ku sugnaayeen Shaqaalaha Xafiiska ka sokow, dad fiise ay kaga soo muraadsadaan Itoobiya ka doonayay Xafiiska. Inta badan dadkii goobtaa ku sugnaa ayaa loo badinayaa in ay ku geeriyoodeen qaraxaas, in kasta oo aan la haynin tirada rasmiga ah ee ku dhimatay halkaas oo dadka qaarkood uu jidhkoodii uu googo’ay oo wadar ahaan loo soo ururiyay. Isla markaana waxa gebi ahaanba qaraxaasi burburiyay dhismihii safaarada iyo qalabkii kale eedhex yaalay.

Wakiilka Itoobiya u fadhiya Somaliland Waqtigaa qaraxa argagixiso lala beegsaday Xafiiskiisa, muu joogin oo wuxuuu noo sheegay in uu ka maqnaa. Mr. Wubishet Dimmise. “Nasiib wanaag, waqtigaa waxaan Xafiiskiisa la joogay Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Mudane Cabdillahi Maxamed Ducaale” Sidaas ayuu yidhi safiirku Mr Wubishet Dimmise mar xalay fiidkii khadka telefoonka uu Wargeyska Ogaal kula xidhiidhay.Safiirka oo wax laga sii waydiiyay waxa dhacay wuxuu yidhi; “Waxa keliya ee aanu ognahay waxa weeye, inay kooxo hubaysan oo ismiidaaminayay ay na soo weerareen, ilaa imikana kama hayno warar sugan oo ku saabsan, balse waxaa jira dad ku dhintay iyo qaar ku dhaawacmayba, weerarkuna ma ahayn mid keligayo ku koobnaa, balse waxaa kaloo naloo sheegay inay sidaas oo kalena weerareen madaxtooyada iyo xarunta UNDP-da, waxaana nalagu wargeliyay in la baadhayo.” Ayuu yidhi.

Waxana uu tilmaamay inaanay haynin tirada rasmi ahaan wax ku noqotay weerarkan.

Safiirku mar uu Wargeyska Ogaal waydiiyay, waxa ay dawlad ahaan kala qaban karaan Somaliland arrintan iyo sida ay u arkaanba, wuxuu ku jawaabay; “Runtii waad ogtahay, waxaanu si feejigan ugu jirnaa dagaal aanu kaga soo horjeedno argagaxisada, isla markaa waanu la dagaalami doonaa meel kasta oo ay joogaan,waanan sii wadi doonaa. weerarkan oo kalena waxa uu nagu sii dhiirigelinayaa dedaalkii aanuu ugu jirnay awalba la dagaalanana argagaxisada.” Ayuu yidhi Wakiilka.

Dhinaca kale, siday baahisay Laanta Afka Soomaaliga BBC-du shalay, War Dawladda Itoobiya ka soo saartay Magaalada Addis-Ababa ayaa lagu sheegay in Qaraxa lala beegsaday Xafiiska ay Itoobiya ku leedahay Hargeysa ay kaga dhinteen Dawladda Itoobiya saddex qof.

Laba Suxufi oo ka tirsan Telefishanka SLSC oo xilliga qaraxu dhacay Xafiiska Itoobiya ka ag-dhawaa, isla markaana midkood uu ka mid yahay dadka ku dhaawacmay ayaa sheegay, in Baabuur Xaajiyad Surf ah oo si xawli ah u socdaa afka hore ku sii qaatay Albaabkii Deyrka hore ee Safaaradda, gudahana u galay Xarunta, halkaas oo uu intaan aragtidiisaba laga bogan ku qarxay. Qiiqa kor uga kacay ayaana laga arkayay qaybo ka mid ah Magaalada Hargeysa. Iyada oo uu dhulka la simay guud ahaan dhismayaashii halkaa ku yaalay. Weriye ka tirsan Ogaal oo goobtaa booqday ayaa arkay qaar ka mid ah Dadkii ku geeriyooday halkaa oo laga dul gurayo burburkii dhismayaasha dumay. Ka hor intii aanay goobtaa gaadhin Baabuurta Caafimaadka ee loogu talogalay gargaarka degdegga ahi, waxa Maydka iyo dhaawacyadaba lagu gaadhsiinayay Cusbatalka Xaajiyad ka mid ah kuwa Booliska.

Goobta Xafiiskan xidhiidhka ganacsiga Somaliland iyo Itobiya ku yaalaa, waxay wax ka yar 200 oo tallaabo dhinaca Koonfureed ka xigtaa dhismaha Madaxtooyada Somaliland ee qaraxa sadexaad lala beegsaday, isla markaa waxa uu dhismaha safaaradu ka soo hor-jeedaa Xarunta dhexe ee Xisbiga UDUB, dhanka koonfureedna wuxuu ka kulaalayaa dhismaha Wasaaradda Ganacsiga. “Shirka oo noo socda ayaanu maqalnay Qaraxa hore ee ka dhacay UNDP, markii aanu dibedda u soo baxnay dhammaantayo ee aanu u wareegnay dhinicii qaraxu naga xigay ee Galbeedka xarunta, ayaa waxaanu la kulanay Qaraxii labaad oo hortayada ka qarxay. Halkaasna waxa dhaawac ku gaadhay afar qof oo naga mid ahaa.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Wakiillada Xisbiga UDUB ee Diiwaangelinta oo waqtigaa shir uga socday xarunta dhexe ee Xisbiga.

Weerarkii saddexaad:

Il-bidhiqsiyo kadiba,Waxa yeedhay qaraxa saddexaad ee xarunta Madaxtooyada lagu hujuumay, Gaadhiga Weerarka lagu fuliyay waxa uu ka galay mid ka mid ah Albaabada dhinaca Waqooyi u jeeda ee Madaxtooyada. Waxana uu gudaha ugu tegay oo uu sii jiitay sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Siciid Caddaani, Gaadhi uu leeyahay oo halka uu ku beegnaa yaalay. Waxaanu ku qarxay sida la sheegay intaanu wada gaadhin dhismaha Madaxtooyada.

Qaraxan waxa ku geeriyooday Xoghayihii Madaxweynaha Daahir Cali Ciid, La-taliyaha Madaxweynaha ee xidhiidhka Caalamiga ah Xuseen Maxamed (Af-gaab), Xil. Maxamed Cismaan (Libaaxo) oo ka tirsanaa Golaha Guurtida iyo sidoo kale qaar ka mid ah Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada iyo nabad sugida. Guryaha la jaarka ah iyo Guriga Madaxtooyada laftiisa ayaa la sheegay in gariirka qaraxan iyo firidhkiisu waxyeelo soo gaadhsiiyay. Isla markaana ay waxyeelo gaadhay gaadiidkii xarunta dhex yaalay waqtigaa. Dhimashada iyo Khasaaraha moodka ah ka sokow, waxa qaraxaa sadexaad gaystay dhaawac tiro badan.

Ammaanka Magaalada Hargeysa ayaa qaraxyadan ka dib aad loo adkeeyay, Iyadoo intii la kala gurayay dhaawacyada iyo Maydadka ay xidhnaayeen Jidadka gala ama ka baxa goobahan Qaraxyadu ka dhaceen.

Dadka dhintay qaraxyadan ayaan badhkood la aqoonsan, Isbadalka guud ahaan jidhkooda qaraxyadani soo gaadhsiiyeen darteed, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha guduhu. Islamarkaana waxa uu tilmaamay in Xukuumada Somaliland magacowday Guddi ka hawl-gasha Aas-qaran oo loo sameynayo dadka ku geeriyooday falkan argagixiso. “ Waxaa lagu aasi doonaa Xabaalaha Qaranka, iyada oo guddi heer qaran ah loo saaray aaskooda.” Ayuu yidhi Wasiirka daakhiligu. Gudigaas oo ay xubnihiisa ka mid-yihiin Badhasaabka Gobolka Hargeysa Cali Xassan (Cali Asad) iyo ku simaha Maayarka Hargeysa, ahna Gudoomiye ku xigeenka Golaha Deegaanka Maxamed Cabdilaahi Uurcadde.

Marka la soo ururiyo guud ahaan dhacdadan argagixiso, ma jirin dhiillo ka horraysay iyo dareen dadka reer Hargeysa ka qabeen in qaraxyo qorshaysan oo dad Nafahooda halligayaa fuliyaan ku soo maqan yahay. Sidaa daraadeed, waxay arrintan, Dawlad, Axsaab iyo shacbiba u arrkeen talaabo fool-xun oo lagu wiiqayo Nabad-gelyada Somaliland iyo duulaan gardaro ah oo lagu soo qaaday qadiyad ahaan. “horraa loo yidhi nabadgelyo badani way ku hodaa, markaa tani waa baraarujin ee aynu toosno oo difaacno danteena”.sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadweynaha.,

Gunaanad:

Qaraxyadaas kadib,waxay ciidamada amaanku ku talaabsadeen baadhis xoog leh, iyadoo dadkana loogu baaqay inay ka caawiyaan ciidamada baadhista.ma jiraan warar si toos ah uga soo baxay dawlada oo ka hadlaya heerka baadhista iyo in dad la xidhay toona, hase ahaatee warar aan la xaqiijin ayaa tibaaxay in ay jiraan dad la taxaabay kadib markii raadad galeen. Isla markaana War lagu faafiyay Shabakadda Wararka ee Somalilandgov.com, ayaa sheegay in Ciidanka ammaanku ay qabteen laba qof oo looga shakiyay inay lug ku lahaayeen arrintaa. Laakiin, tibaaxahaa ka sokow, waxa la filayaa in maanta warar dheeri ah oo amuurtaa la xidhiidhaa ay ka soo baxaan dhinaca Dawladda.

Dunidu maxay ka tidhi Qaraxyadii shalay ee Hargeysa?

Nairobi (Ogaal/W.Wararka)- Qaar ka mid ah Hoggaamiyayaasha iyo Siyaasiyiinta Caalamka ayaa ka hadlay Qaraxyo xidhiidh ahaa oo shalay ka dhacay meelo kala duwan oo Magaalada Hargeysa ah. Waxaanay ku tilmaameen falal argagixiso oo looga dan leeyahay khalkhal gelinta nabadda ka jirta Somaliland.

Hoggaamiyayaasha iyo Siyaasiyiinta ka hadlay Qaraxyadan is-daba joogga ahaa ee ka dhacay Magaalo-madaxda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa oo lala beegsaday Xarunta Madaxtoyada, Xarunta Hay’adda UNDP ee Hargeysa iyo Xafiiska Itoobiya ku leedahay Somaliland iyo sidoo kale laba Xarumood oo kuwa Sirdoonka Maamul-gobolleedka Puntland ee Somalia ah, kuwaas oo waqti aan sidaa u kala fogayn lala beegsaday Qaraxyo is-xigay, ayaa waxa ka mid ah, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon, Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, Kaaliyaha arrimaha Afrika u qaabilsan Wasiirka arrimaha Dibedda Maraykanka Jendayi Frazer, Xoghayaha Siyaasadda iyo amniga ee Midowga Yurub Javier Solana, Guddoomiyaha Midowga Yurub iyo sidoo kale Wasiirka arrimaha Dibedda Itoobiya Seyoum Mesfin.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa Qaraxyada lagu weeraray Xarumo ay ka mid tahay Xarunta UNDP ee Hargeysa ku tilmaamay falal laga xishoodo. “Weeraradani waa tallaabo laga xishoodo, kuwaas oo si ujeedo leh loola beegsaday Shicib aan waxba galabsan iyo Shaqaalaha Qaramada Midoobay oo si hagar-la’aan ah ugu adeegaya dadka baahan ee Muwaadininta Soomaalida ah.” Ayuu yidhi Ban Ki-moon. Isaga oo tacsi u diray dadkii ku dhintay Weeraradan iyo kuwii ay waxyeelladu ka soo gaadhay.

Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha Dibedda u qaabilsan Afrika Jendayi Frazer ayaa Qaraxyadan ku tilmaantay inay u eg yihiin Qaraxyo ay ka dambeeyaan Ururka Al-Qaacida. “Weerarkani wuxuu u eg yahay imd ay ka dambayso Al-Qaacida.” Ayay tidhi Jendayi Frazer. Waxaanay xustay in Geeska Afrika ay ka jirto Argagixiso. “Tani waa khatarta daran ee Argagixisada Geeska Afrika” ayay raacisay hadalkeeda. Iyada oo War-Murtiyeed arrintan ku saabsan oo ka soo baxay Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Wasaaraddaasi Sean McCormack lagu tilmaamay Weeraradan kuwo caqli-xumo ah.

Waxa kale oo Weeraradan ka hadlay Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi mid looga dan lahaa in lagu horjoogsado wax-qabad kasta oo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ka fulin lahaa Dal Afikaan ah, isla markaana lagu carqaladaynayo.

Xoghayaha Siyaasadda iyo amniga ee Midowga Yurub Javier Solana ayaa si adag u cambaareeyay Weeraradan oo uu ku tilmaamay kuwo ay ka dambeeyeen argagixiso. “Waxaan si adag u cambaaraynayaa Weerarada argagixiso ee laga fuliyay Hargeysa iyo Boosaaso.” Ayuu yidhi Mr. Solana. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaan tacsi u dirayaa qoysaska dadkii ku waxyeelloobay ama ku dhintay Weeraradan laga fuliyay Somaliland iyo Puntland.”

Warsaxaafadeed ka soo baxay Midowga Afrika oo uu ku saxeexnaa agaasimaha guud ee Midowga Afrika Mr. Jean Ping ayaa sidoo kale lagu cambaareeyay Weeraradan. “Waxaanu ba’an u cambaaraynaynaa falalka argagixisanimo.” Ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedkaas.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya Seyoum Mesfin ayaa Qaraxyadan ku tilmaamay kuwo looga dan leeyahay in xasillooni-darro lagaga abuuro. “Weeraradani waa shaqo caadi u ah Argagixiso doonaysa in ay abuurto xasillooni-darro, balse waxaan idiin xaqiijinayaa in aanay la tegi dooni, balse la hor keeni doono Caddaaladda” ayuu yidhi Seyoum Mesfin oo u waramay Wakaaladda Wararka Reuters.

“Xukuumaddu waa inay talaabo adag

ka qaadaa dadkii Shirqoolkaa ka dambeeyay”

Suldaan Cismaan Suldaan Cali

Burco (Ogaal) Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, gaar ahaana Gobolka Togdheer, ayaa dawladda ugu baaqay inay u hawlgasho sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd cidii ka dambaysay weeraradii shalay lala beegsaday dhowr goobood oo muhiim ah oo ku yaala magaalada Hargeysa.

Suldaan Cismaan oo xalay khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay Ogaal isaga oo jooga magaalada Burco, waxa uu cambaareeyay weeraradaa ismiidaaminta ah ee lagu soo qaaaday Somaliland, isla markaana waxa uu xukuumadda iyo shacbiga guud ahaan ugu baaqay in layska kaashado sidii loo ilaalin lahaa qaranimada iyo dadka ajaanibka ah ee ku sugan. “Waxaan aad u cambaaraynaa, wax laga xumaadana ah falkaa iyo shirqoolkaa lagula kacay Somaliland iyo jiritaankeeda umaddeeda iyo dadka kale ee shisheeyaha ah ee martida u ahba. Waxaan u arkaa shirqool weyn oo loogu talogalay in lagu dhaawaco ama lagu waxyeeleeyo jiritaanka iyo gooni isu-taaga Somaliland iyo qaranimadeeda. Waxaan leeyahay xukuumaddu waa inay talaabo adag qaadaa, oo wax lagaga soo qabanayo falkaa cidii ka dambeeyay iyo wixii ku lug lahaa iyo adkaynta amaanka iyo jiritaanka wadankaba. Markaa xukuumadda waxa looga baahan yahay inay dedaal dheeraad ah la yimaadaan. Waxaan ku soo gebogebaynayaa hadalkayga, dhammaanba shacbiga reer Somaliland waxaanu ku baraarujinayaa inay ilaashadaan nabadooda, jiritaanka iyo qaranimadooda iyo weliba horumarkaa ay maanta joogaan, meelna uga soo wada jeestaan wax alla wixii waxyeelaynaya jiritaanka, qaranimadooda iyo nabadgelyadooda iyo dadka martida u ah wadanka joogaba cadowga ku ah.” Sidaa ayuu yidhi Suldaanku.

Madaxda Dawladda iyo Mucaaradku

maxay ka yidhaahdeen dhacdadii shalay?

Hargeysa (Ogaal)- Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo hogaamiyeyaasha xisbiyada Mucaaradka, ayaa jawaab isku mid ah ka bixiyay qaraxyadii shalay lala beegsaday xarunta Madaxtooyada, xafiiska Itoobiya ee Somaliland iyo xarunta hay’adda UNDP, isla markaana waxay shacbiga ugu baaqeen inay u midoobaan difaacida qaranimadooda iy ilaalinta Nabadgelyada.

Madaxweyne Rayaale:

Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin qaraxyadaas ka dib, hadal uu warbaahinta u mariyay dadweynaha wuxuu ku yidhi;

“Waad ogtihiin in qaranka la soo handaday, Madaxtooyada qarax lagu sameeyay, UNDP lagu sameeyay, Safaarada Itoobiya ee halkan joogtana lagu sameeyay. Markaa waxaan dadweynaha u sheegayaa, marka hore inay degenaadaan, marka xigana inay feejignaadaan, gacan buuxdana ay ka siiyaan ciidanka amniga cid kasta oo la baadhayo oo la daba gelayo. Sababtoo ah, qarankeenii baa lagu soo duullay, cadow baa ku soo duullay ku talogalay qaran ahaan in aan burburo, wixii aan sagaal iyo tobankaa sannadood soo dhisaynay. Markaa umadyahay waxaan idin leeyahay waa inaad hurdada ka toostaan, waa inaad feejignaataan, dabagalna ku samaysaan dadka cadowga ahi dadka uun bay dhex joogaane. Waa inaad ciidamada Booliska u soo sheegtaan wax kasta oo aad ka shakidaan. Ciidamada Amnigana waxaan amar ku siinayaa in saacadaa (shalay) laga bilaabo heegan buuxa oo boqolkiiba boqol ah inuu dalku ku jiro. In baadhis la sameeyo wixii dhacay iyo cidii ka dambaysay. Somaliland-na uma naxariisan doonto cid kasta oo ay ku cadaato inay dembigaa lug ku lahaayeen. Shacbiga Somaliland waxaan leeyahay isma dhiibayno, geesinimaynu ku wajahnaynaa arrintan inala soo gudboonaatay. Qarankana isuma taagayo marnaba, hawshiisuna way socon doontaa, doorashada iyo Diiwaangelintu isuma taagayaan oo way socon doonaan, Illaahayna wuu inagu guulayn doonaa in aynu gacanta ku qabano cidii mu’aamaraadkaa ka dambaysay.”

Baarlamaanka:

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo si weyn u cambaareeyay weeraradaa Argagixiso, ayaa ku baaqay in loo midoobo ka jawaabista weerarada cadowga. “Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo ka Shirgudoonka labada gole ee Baarlamaanka iyo Xildhibaanada, waxaan shacbiga reer Somaliland u sheegayaa uguna baaqayaa inay maanta waajib tahay midnimadeenu. Waayo; maanta waad ka warqabtaan in la soo weeraray Madaxtooyadeena, Safaarada Itoobiya iyo xafiiska UNDP. Markaa arrintaa waxaynu kaga baxaynaa oo xalkeedu yahay midnimo qaran. Sidaa aawadeed, waxaan mar labaad ku baaqayaa in aynu u midowno difaaca qadiyaddeena.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu.

Xisbiga KULMIIYE:

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa qaraxyadaas ku tilmaamay falal Argagixiso ah oo lagu waxyeelaynayo Dimoqraadiyada iyo Nabadgelyada Somaliland. “Arrintaasi mid muran ku jirta maaha. Arrintaasi waxa weeye; fal aad iyo aad u fool xun oo lagula kacay dadweynaha Somaliland. Si buuxda ayaanu u dhaleecaynaynaa haddaanu xisbiga KULMIYE nahay iyo haddii aanu nahay qaranka reer Somaliland iyo asxaabta intayada kale kuligayo.” Sidaa ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo oo u waramay Laanta afka Soomaaliga ee idaacadda Codka Maraykanka ee VOA. Wuxuuna intaa raaciyay oo uu yidhi; “Maanta Madaxtooyada waanu isugu wada tagnay hadaanu asxaabta Mucaaradka nahay, dawladda hadaanu nahay iyo hadday tahay qaybaha kala duwan ee bulshada. Arrintaa waxaanu u aragnaa inay tahay cadaawad iyo duullaan lagu soo qaaday dawladnimadayada, dadnimadayada, Nabadgelyadayada, wadajirkayaga iyo Dimoqraadiyadayada. Waa arrin fool xun oo Illaahay hortii ku xun, Islaaminada ku xun, Soomaalinimada ku xun oo dadnimada ku xun. Arrintaa si buuxda ayaanu u dhaleecaynaynaa, dadkayagana waxaanu ugu baaqaynaa iyo dadka nabadda jecel meel ay joogaanba in arrintaa meel looga soo wada jeesto. Markii ugu horeysay ee dalkayaga Argagixiso isku dayday inay falal noocaas ah oo kale kula kacdana maaha. Dhowr jeer oo hore ayay dhacday oo dadweynaha reer Somaliland baa toos wax uga qabtay, ugana daafacay dalka, maantana waxaan hubaa kuna kalsoonahay in dadweynaha reer Somaliland Culimo-awdiinkiisa, dhalinyaradiisa, wax-garadkiisa, siyaasiyiintiisa, ciidamadiisa iyo guud ahaan shacbigiisu meel arrintaas ka wada taagan yihiin.”

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu sheegay in marka la eego marxaladda Diiwaangelinta lagu jiro iyo doorashooyinka soo socda ay falalkani muujinayaan cadaawad loola badheedhay jiritaanka Somaliland. “Waxaanu leenahay, maanta anaga oo ay noo socotay Diiwaangelintu, u tabaabul-shaysanaynay hirgelinta Dimoqraadiyada, doorashooyinkiina nagu soo dhawaadeen in arrimahaas oo kale yimaadaan waxaanu u arkaynaa cadawnimo u kas iyo maan loola badheedhay jiritaankayaga. Waxaanu doonaynaa in aanu halkan ka cadayno marka aanu arrimahaas oo kale la hadlayno in aanaan dad shacbi ah iyo dad gaar ah oo aan Somaliland u dhalan ee nagu dhex jira, shaki iyo dhibaato iyaga gelin mayno. Waa dad qaxoonti ah, waa dad nala jooga waana dad nala mid ah. Laakiin, cid kasta ha ahaadeen oo meel kasta haka soo jeedeene, dadka falalka caynkaas ah ku kacayaa arxanimo-daro ayay nagula kaceen, anaguna waanu iska daafici doonaa Inshaa Allaahu.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyuhu. Wuxuuna intaa ku daray, in aanay waxba u dhimi doonin hirgelinta Diiwaangelinta iyo doorashooyinka soo socda, isla markaana ay taas ka midaysan yihiin dhinacyada siyaasadda Somaliland.

Xisbiga UCID:

Guddoomiyaha xisbiga UCID Injineer Faysal Cali Waraaabe, ayaa isna dhinaciisa si weyn u cambaareeyay hujuumkii qaraxyada ahaa ee shalay lagu soo qaaday Somalilandwaxaanu yidhi, “Arrintani waa mid aad iyo aad u fool xun oo aanu cambaaraynayno. Waa duullimaad lagu soo qaaday madaxbanaanideena, xornimadeena, qaranimadeena, isdiiwaangelinteena iyo doorashadeenaba. Waa dagaal cad, waxaanuse u sheegaynaa kuwa waxaa sameeyay ee shayaadiinta ah, in aanay arrintani naga joojinaynin himiladeena, taasoo ah in Somaliland ahaato dal madaxbanaan oo Ictiraaf hela, horumarna gaadha. Waxaanu u sheegaynaa dadka waxaa samaynayaa in aanay Islaam ahayn ee ay yihiin dad Shaydaan duufsaday, oo dad aan waxba galabsan dilaya, dad Nabadgelyada ka soo horjeeda oo khal-khal doonaya weeye, markaa kuwaasi waa dad ehlu-naar ah. Somaliland hadday is leeyihiin wiiqa oo niyad jebiyana, Somaliland iyada oo Jabhad ah oo SNM ah ayay niyad jebi wayday, tana waxaanu ka qaadaynaa firfircooni iyo midnimo. Waxaan leeyahay dadka reer Somaliland, walaalayaal dadka inagu soo qaxay ee reer Soomaaliya hala badbaadiyo, yaan lagu cadho burburin, qof xumi cidna maaha, kuwana waa kuway ka soo qaxeen. Waxa kale oo aan dadka reer Somaliland leeyahay, bidix eega oo midig eega, wixii aad ka shakidaan waa in aynu inagu maanta wada Boolis noqonaa, oo aynu dalka ilaashanaa oo aan dawladda uun lagu haynin. Waxani wax dhaqankeena ah maaha, wax dawladdeenu awood u leedahayna maaha ee waa in aynu dalka wada ilaashanaa.”

Gebogebo:

Dhammaan masuuliyiintaa kala duwan ee xisbiyada iyo dawladda iyo qaar kale oo dhacdadan ka hadlayba waxay tacsi u direen guud ahaan shacbiga Somaliland, gaar ahaan ehelada, asxaabta iyo guud ahaan qaranka ay ka baxeen dadkii ku dhintay qaraxyadaas xidhiidhka ahaa, kuwii ku dhaawacmayna waxay Illaahay uga baryeen inuu caafimaad siiyo.

Qaraxyadii Boosaaso iyo Cadde Muuse oo ka dhoofay

Boosaaso (Ogaal/W.Wararka) – Shalay 10:30 subaxnimo waqtiga Geeska Africa ayaa laba qarax oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ay ka dhaceen xarunta hay’adda Sirdoonka maamul-goboleedka Puntland ee Soomaliya[PIS].

Weeraradan ayaa sababey dhimashada sadex qof oo midi aheyd haweeney ka howl-galeysay xarumaha la qarxiyay. Halka labada kale ee dhintay lagu sheegay, iney ahaayeen kuwo saarnaa gaawaadhida leysku miidamiyey. Sidoo kale,warku waxa uu intaa ku daray in ugu yaraan todoba ruux ay ku dhaawacmeen weerarkan.

Qaraxyadan oo dad is miidaamiyey ay fuliyeen ayaa maamulka Puntland sheegay in la garanayo muuqaalada wajiyadooda, waxaana burbur xoogani uu soo gaadhay labada xarumood oo ku kala yaala dhinaca Madaxtooyada iyo agagaarka garoonka diyaaraddaha Boosaaso.

Ismiidaamintan kadib ayaa waxaa si weyn magalada looga maqlayey daryanka rasasta kala duwan ee ay ridayeen ciidamada la dagaalanka Argagixisada ee weerarka lagu soo qaaday.

Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Cadde Muuse ayaa ka hadlay qaraxyadan ka hor intii aanu ka dhoofin Boosaaso shalay, wuxuuna shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in weerarada ka dhacay Boosaaso uu aad ugu xun yahay isla markana shacabka ugu tacsiyadeynayo, isagoo intaa raaciyay in dhibaatooyinkii ka jiray Soomaaliya ay soo gaadheen Puntland. “Waa dhibaato inagu cusub oo aan hore loogu arrag Puntland iyo Somaliland oo imika na soo gaadhay, Soomaaliyase waa ay ka jirtay, markaa waa ka tacsiyaynayaa dadka waxyaaladu ka soo gaadhay ee Somaliland waxaan leeyahay, waa cadow, waana inaynu iska kaashanaa” sidaas ayuu yidhi Cadde Muuse waxaana uu ku dooday inay hayaan caddaymo rasmi ah iyo sawirada dadka fuliyay qaraxyadan oo maydkooda ay qaateen ciidamadu.

Mr.Muse ayaa garoonka magaalada Boosaaso ka raacay shalay markaa ka dib, ganacsato Carab ah, kuwaasoo la sheegey in kulamo maalmahii aynu soo dhaafayba wadahadalo uga socdeen Boosaaso. Kuwaasoo la xidhiidha sida la sheegay in shirkado ka socda UAE lagu wareejinayo garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo dekadaba.

Lama oga qodobada heshiiskaasi ka kooban yahay, mana aha heshiiskii ugu horeeyay ee Cadde Muuse la galo shirkado kala duwan, heshiisyadaas oo badi maamul goboleedkaasi ka abuuray muran.

Qaraxyadan Boosaaso oo sida xadiga dadka ku waxyeeloobay wararka la xidhiidha tilmaamayaan koobnaa, waxay isku mar dheceen qaraxyo kale oo is-miidaamin ah oo ka dhacay Dalka Somaliland.

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

Faahfaahin Dheeraad Ah Qaraxyadii Ka Dhacay Hargeysa

Faahfaahin Dheeraad Ah Qaraxyadii Ka Dhacay Hargeysa

Qaraxyo lagu weeraray HargeysaHargeysa (Somaliland.org) – 19 qof oo uu ku jiro Xoghayihii Xafiiska Madaxweynaha, Alle ha u naxariistee, Daahir Cali Iid ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen, 28 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxyo waaweyn oo saaka ka dhacay Saddex meelood oo kala duwan oo ay ka mid tahay xarunta Madaxtooyada Somaliland.

Qaraxyadan oo noocooda aan hore looga maqal Somaliland, waxay u dhaceen si xidhiidh ah muddo 3 daqiiqadood gudahood ah 10:00 subaxnimo ee saaka, iyada oo gariirkooda laga dareemay gudaha iyo goonyaha magaalada Hargeysa. Wuxuuna qaraxii u horreeyey waxa uu ka dhacay xafiiska hay’adda Qaramada Midoobey u Qaabilsan Horumarinta ee UNDP ku leedahay Hargeysa, halkaas oo gaadhi Toyota Surf ah oo ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa uu gudaha isugu tuuray dhismaha ay ku yaallaan xafiisyada hay’addu.

Daqiiq ka bacdi ayaa qarax kale oo kaas ka xoog badani waxa uu ka dhacay Xafiiska Itoobiyada ku leedahay Hargeysa, iyada oo qaraxa saddexaadna uu waxyar ka dib ka dayaamey gudaha Qasriga Madaxtooyada.

Sida ay wararku sheegayaan labada qarax ee kalena waxa fuliyey laba gaadhi oo iyaguna ah Toyota Surf, kuwaas oo dhammaantood ay wateen niman naftood-hurayaal ah oo argagixiso ahaan isku qarxiyay saddexdaasi goobood.

Xarunta Madaxtooyada oo weerarkaasi ku dhacay wakhtigii hawl-maalmeedka xafiisyada ayaa markiiba waxa ku geeryoodey qaraxaasi, Xoghayihii Xafiiska Madaxweynaha, Alle ha u naxariistii Daahir Cali Iid iyo Xidhiidhiyihii Madaxtooyada iyo hay’adaha Caalamiga ah, Alle ha u naxariistee, Xuseen Afgaab. Waxa kale oo la sheegay inay halkaas ku geeryoodeen Xubin ka tirsanaa Golaha Guurtida, mudane Maxamed Cismaan Libaaxo (Laangadhe Libaaxo), Mujaahid ka tirsanaa halgamayaashii SNM oo lagu naanaysi jirey Indha-fariidle iyo dhawr askari oo ka tirsnaa Ilaalada Madaxtooyada. Waxa iyana si xun uga dhaawacmay weerarkaas Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, Col. Abokor Sulub iyo sarkaal ka tirsan Sirdoonka Qaranka, Ibraahim Huutuu.

Weerarka ka dhacay xarunta hay’adda UNDP ayaa isna la sheegay inay ku dhinteen laba askari oo Boolis ah iyo madaxii ammaanka ee hay’addaasi.

Weeraradan ayaa la sheegay ka ugu khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca badani inuu yahay ka ka dhacay xafiiska ganacsi ee Itoobiya ku leedahay Hargeysa, kaas oo gebi ahaanba dhulka la sinmay, inkasta oo uu ka badbaadey safiirku, haddana waxa la sheegay in tiro ka mid ah hawlwadeennada xafiiskaas iyo dad badan oo fiisayaal sugayey iyo weliba dad kale oo goobtaas ka dhowaa.

Sarkaal ka tirsan Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa Somaliland.org u xaqiijiyey in tirada dhimashada ee ay hayaan maanta duhurkii ay tahay 19, dhaawacuna 28 qof, balse, ay jiraan dad badan oo hilbahooda la soo ururiyey oo aan la garanayn tiradooda iyo kuwa ay ahaayeen.

Waxaan Ka Soo Xiganay / Somaliland.org, Hargeysa

Falalkii Waxshnimada Ahaa Ee Aragixisadu Maalintii Arabacda Ku Weerareen Qasarka Madaxtoyada Soamaliland, Safaarada Ethiopia Iyo Xafiiska UNDP Ee Maagaalada Hargeysa. Halkan Ka Daawo Sawirada

u_2d_2008102981920f_mustaee_400_01

u_2d_2008102982149f_dsc02020_400u_2d_2008102982323f_dsc02014_400

u_2d_200810298259f_dsc02022_400

u_2d_2008102982647f_dsc02007_400

Xigasho/ Hadhwanaagnews

Xoghayaha Arimaha Dibadda Ee Xisbiga Kumliye Dr Maxamed Cabdillahi Cumar Oo Martiqaad Ka Helay Shirwewayne Caalamiya Ah Oo Ka Dhacaya Dalka Sweden.

“Waxaan ka warbixin doonaa xaaladda siyaasadeed, nabadgalyo iyo dhaqaale ee Somaliland iyo kaalinta uu xisbiga KULMIYE kaga jiro hawlaha dalka iyo kuwa gobolka Geeska Afrikaba”— Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar

“Qaar ka mid ah wadamada Afrika iyo Yurub waxaanu xisbi ahaan la samaysanay xidhiidh wanaagsan oo waxtar u leh horumarinta hawlaha qaran-dhiska Somaliland”—

Dr. Maxamed candillaahi Cumar
Dr. Maxamed candillaahi Cumar

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa maanta u dhoofay magaalada Stocklom ee dalka Sweden ka dib markii uu xisbiga KULMIYE martiqaad rasmi ah ka helay urur waynaha ka dhexeeya xisbiyada dimuqraadiga ah ee qaaradda Yurub ee loo yaqaano ELDR oo shirwayne caalami uga bilaabmayo dhawaan magaalada Stocklom ee dalka Sweden. Guddoomiyaha Xisbiga Muj. Axmed Siilaanyo oo isna ka qaybgalayay kulankan ayaa hawl qaran awgood u baaqday. Waxa ay casuubaddani daba socotaa shirwaynayaal caalami ah oo isdaba joog ah oo masuuliyiinta sare ee xisbiga KULMIYE ay hore uga qayb qaateen. Kalfadhigii kal hore ee shirwaynahan oo ka dhacay magaalada Berlin waxaa ka soo baxay war murtiyeed ugu yeedhay wadamada Yurub inay aqoonsiga soomaliland.

Shirwaynaha sanadkan oo ka balaadhan kii kal hore, oo ay ka qaybgalayaan wufuud ka socota wadamo badan, waxaa qodobada u qurshaysan in lagu lafo-guro ka mid ah arrimo la xidhiidha xoriyadda dadka, suuqa ganacsiga, horumarinta deegeenka iyo qodobbo xidhiidh la leh xagga nabadgalyada iyo siyaasadda dibadda ee caalamka. Waxaana lagu talo jiraa inay ka soo baxaan qaraaro saamayn ku yeelan kara arrimha aduunka qaar ka mid ah.

Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar oo uu waramay Somaliland.Org ka hor intii aanu dhoofin ayaa yidhi “xisbiga KULMIYE wuxuu ku shaqaynayaa siyaasad dibadeed oo kobcinaysa xidhiidhka Soomaliland la leedahay caalamka, waxna ka qabanaysa baylahda ka muuqata siyaasadda xukuumadda ee dibadda, sidaa awgeed ka qaybgalkayga shirwaynahani wuxuu ka jahaysan yahay dadaalka uu KULMIYE ugu jiro ka midha dhalinta himiladaasi”. Wuxuu kaloo intaa ku daray “ Qaar ka mid ah wadamada Afrika iyo Yurub waxanu xisbi ahaan la samaysanay xidhiidh wadashaqayneed oo waxtar u leh horumarinta hawlaha qaran-dhiska Somaliland.

Xogahayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE wuxuu kaloo sheegay in inta uu shirwaynuhu socdo uu kulamo gaar ah la yeelan doono qaar ka mid ah hogaamiyayaasha Yurub ee ka qaybgalaya shirwaynaha iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda Sweden. “Waxaan ka warbixin doonaa xaaladda siyaasadeed, nabadgalyo iyo dhaqaale ee Somaliland iyo kaalinta uu xisbiga KULMIYE kaga jiro hawlaha dalka iyo kuwa gobolka Geeska Afrikaba, waxaan kaloo ka mahadcelin doonaa taageeradii uu shirwaynahani reer Yurub sanadkii hore siiyay qaddiyadda aqoonsiga Soomaliland. Waxaa kaloo ka hadli doonaa hawalaha diyaargarawga doorashooyinka madawaynanimada ee dalka ka soo socda, khatarta ay budhcad badeedu ku hayso gobolka, arrimha xuquuqul Insaanka ee Soomaliland iyo hindisayaasha xisbiga KULMIYE ee ku jeeda sidii nabadgalyo loogu soo dabaali lahaa colaadaha ka aloosan manadqadda Geeska Afrika” ayuu yidhi xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE

Haweenayda la yidhaa Annemie Neyts-Uyttebroeck, MEP, President ELDR, Belgium, oo madaxa ka ah Eurpean Liberal Democratic Reform (ELDR) ahna shirguddoonka shirwaynahan, ayaa bishii November ee kal hore waxay ku cambaaraysay Madaxwaynaha Soomaliland, Mudane Daahir Riyaale Kaahin, xadgudubyo ka dhan ah quxuuqan insaanka oo maamulkiisu kula kacay dad reer Soomaliland ah. Waxayna ugu yeedhay inuu joojiyo tacadiyada noocan oo kale ah, haddii uu doonayo in urur xisbiyeedka ELDR uu sii wado taageerada uu u hayo qaddiyadda aqoonsiga dawladnimada Somaliland. ELDR waxay hore ugu soo jeedisay ururka midowga Yurub (EU) ee ay ka tirsan tahay in Somaliland la siiyo aqoonsi siyaasadeed oo buuxa.

Ka qaybgalka Xoghayahaha Arrimaha Dibadda KULMIYE ee shirwaynahani waxay dar-dar cusub galinaysaa dadaalka kooxaha siyaasadda ee reer Yurub qaarkood ugu jiraan aqoonsiga Somaliland.

Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, Laamaha Xisbiga Ee Qurba Jooga Oo Tacsyad U Diraya Qoyskii Uu Ka Baxay Marxuum Eng Cali Jirdeh

Gudoomiyaha, gudoomiye ku xigeenka, gudida iyo xubnaha madasha ama xudunta kulmisa taageerayaasha qurbajooga xisbiga ee loo yaaqaan Kulmiye egroup, dhamaan gudiyada laamaaha xisbiga ee dalka dibadiisa ah gaar ahaan dalalka Yurub Carabta iyo waqooyiga Maraykan waxay halkan tacsi u soo marinayaan qoyskii, ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuum Cali Jirdeh. Waxay ILLAAHAY uga baryayaan marxuumka inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo qoyskiisana samir iyo iimaan ka wada siiyo . Aamiin

Kulmiye.org

Hogaanka Xisbiga Iyo Taageerayaasha Xisbiga Oo ka Qaybgalaya Aaska Marxuum Eng Cali Sheekh Maxamed (Eng Cali Jirdeh )

Xisbiga KULMIYE, ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo Dariiqada Diinta ee degmada Sheekh.

Xisbigu dhambaalkiisa tacsida oo laga soo saaray xarunta Dhexe ee xisbiga, waxa uu u qoray sidan: “Dhammaan xubnaha Xisbiga KULMIYE , Hoggaanka sare ee Xisbiga, Golihiisa dhexe, Guddigiisa Fulinta , iyo taageerayaasha Xisbiga ee gudaha iyo Dibedaba, waxay tacsi u dirayaan dhammaan shacbiweynaha reer Somaliland , geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Cali Sh. Maxamed Jirde , oo xalay 08.10.2008, ku geeriyooday magaalada Hargeisa, marxuumka oo ahaa Gudoomiyihii Hay’adda Bisha Cas ee Somaliland, gaar ahaana waxay tacsidaasi gaadhsiinayaan qoyskii , eheladii, iyo Dariiqada Diinta Islaamka ee uu ka baxay Marxuum Cali Sh. Maxamed Jirde.

Waxaana marxuumka Ilaahay ay uga baryayaan inuu naxariistii janno ka waraabiyo, dhammaanteena Samir iyo iimaan inaga siiyo. Aamiin, aamiin INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN.”

Guddoomiyaha Xisbigu KULMIYE iyo xubno door ah oo ka tirsan xisbigaas ayaa ka qaybgelaya Aaska Marxuumka.

Alle ha u naxariistee, Inj. Cali Jirde waxa uu ku dhashay degmada Sheekh sannadkii 1916kii, wuxuuna ka mid noqday ardaydii u horreysey ee ka aflaxdey dugsiga Sheekh wakhtigii Ingiriisku uu xukumayey Somaliland, kadibna waxa waxbarasho loo geeyey dalka Ingiriiska, halkaas oo uu ku soo bartay cilmiga dhismaha, wuxuuna noqday Injineerkii ugu horreeyey ee Soomaaliyi yeelato.

Alle ha u naxariistee, Marxuum Cali Jirde cilmigii Injineernimada ee soo bartay waxa uu kula soo noqday dalka, wuxuuna fuliyey dhismayaal badan oo ah kuwa adeegga guud sida Cusbitaallo, iskuullo iyo xafiisyada dowladda wakhtigii Ingiriisku xukumayey Somaliland, kuwaas oo qaarkood ilaa iyo hadda la isticmaalo. Sidoo kale, waxa uu dhisay waddooyinkii ugu horreeyey ee laami ah ee magaalooyinka Somaliland, gaar ahaan caasimadda Hargeysa laga sameeyo, waxaana ka mid ah waddada Shacabka Hargeysa, taas oo uu dhismaheeda ka soo bilaabay Madaarka Hargeysa ilaa gurigii la odhan jirey State House-ka.

Markii Somaliland xorriyadeeda qaadatay ee ay la midowdey Soomaaliyadii Talyaanigu gumeysan jirey waxa sii waday inuu ku sii shaqeeyo aqoontiisa Injineernimo, isaga oo ahaa Injineerka keliya ee Soomaaliyaba leedahay, wuxuuna dowladdii Soomaaliya ka qabtay xilal iyo shaqooyin kala duwan.

Laga soo bilaabo 1995, marxuumku wuxuu ahaa Guddoomiyaha ururka Bisha Cas ee Somaliland, taas oo uu wax badan ka qabtay. Waxa kale oo uu hayey xil diblomaasiyadeed, isaga oo ahaa Wakiil-sharafeed waddamada Iskandaneefiyanka (Scandinavian) u fadhiya Somaliland.

Alle ha u naxariisto Cali Jirde, qoyskii uu ka baxay iyo shacbiga Somalilandna Samir iyo Iimaan ha ka siiyo. Innaa Lillaah wa Innaa Illeyhi Raajicuun.

Ninba Albaab Soo Garaac Guulse lama Keenin


DALJIRE

Ninba Albaab Soo Garaac Guulse lama Keenin

By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:Ciid mubaarik. …Ciid mubaarik. Waar bal warrama?

Doolaal:Waar waa nabade ma shaydaankii la odhan jiray Ramadaantaa la xidhaa baad ahayd xaggaad ku maqnayd?

Dubbe:Waar bishii cibaadada ayaan hadalkiinii ka raystaye oo xagga iyo cimradii baan ku maqnaaye maxaa haysaan? Anigu Albaabka Ilaahay baan soo garaacayay ee sida Ina Rayaale Albaabka Gaalada sooma garaacayne.

Doolaal:Ma bilawday?

Dubbe:Horta aan idiin warramee dhawr cisho ka hor baan soo noqday. Ilaahay Mahaddii. Dabadeed waanigii Ciidda Ramadaanta noqon jiray Suxufiga ee Ina Rayaale iyo madaxda kale ee qaranka waraysan jiray. Markaa laba waraysi baan la kala yeeshay Ina Rayaale iyo Faysal Cali Waraabe markaa manta kii Ina Rayaale ayaan idiin soo horraysiinayaa.

Doolaal:Waar anigu meel halkana ayaan gaadhayaa oo aan qolo kula ballansanaaye. Dee waydinkaa.

Dubbe:Waar fadhi. Walaahi inaanad kacayne fadhi.

Doolaal:Dee inaadeerow maahee ii sii daa cimaamadda qoladaa aan sheegayo ayaa i sugaysee.

Dubbe:Mise waraysigaad ka baxsanaysaa? Waar iska fadhiiso ninyow. Maxaa ka macno ah? Berrito ayaad u tegiye.

Doolaal:Wallah? Horta jiroo aniga murqaanka ayaaba igaga xumaada markaan meelahaasoo kale tago. Markaan dhawr goor idhaa “haye? Bal caafimaadka ka warrama? Sidiina kale? “ ee ay sheekadu soo xidhanto markiiba ayuumbaan afkaa iyo gacanta iskula waalanayaa oo laba geed ka saarayaa oo saddex cisho oo dambe ayuumbaa saacadda gidaarka maqsinka hurdada sudhan jagteeda moodayaa wadnahayga sanqadhiisii. Waar Ilaahayba na lehe aan manta iskaga jogo. Haddaba la hadaloo waxaad tidhaa ninkii Madaxtoyada ayaa looga yeedhay.

Dubbe:Oo adeer ma lacag bay kugu leeyihiin maxaa beenta kugu kalifaya. Waar rag odayaala ayaan ka iman kari waayay uun dhe. Waar aan dadka waraysigii u sheegee haddaba noo kaadi. Haddaad doonoto tagoo. Waar hadal badanaa ninku adaeerayaal.

Doolaal:Bal wad illayn bil baad aamusnayd oo kaadida ayaa kugu dheggane.

Dubbe:Horta ninkii Ina Rayaale sidan ayuu waraysigii u dhacay:

Madaxweyne horta ciid mubaarik. Adiga iyo xaaskaaga iyo carruurtaadaba waxaan leeyahay ciid wanaagsan. Bashbash iyo barwaaqo sannadka sandiiska ku gaadha. Ta xigta horta ismaan lahayn Ina Rayaale isagoo madaxweyne ah ayaad sannadkanna waraysan laakiin waadigii iska kordhistay markaa dan baa isku keen soo celisay. Midna waa iga afeef oo waxay tahay sidii kal hore aad la socotay ciidda waxaan noqdaa suxufi madaxda waraysta markaa adigoo ku mahadsan fursadda aad i siisay haddana su’aalahayga waxa laga yaaba inay qaar yar qallafsan yihiin ee halkaan waad iska adkaysan doontaa.

Rayaale:Waxba ma lahin. Salaanta waad ku mahad tahay. Anigu salaam baan adiga iyo shcibkaba reer Somaliland meel kasti ay joogaanba u dirayaa. Tani dulqaadkana. Waxaan filayaa inaan iska dulqaadan doono wax igu cusubna maahin baan odhan lahaa.

S:Madaxweyne waxa suuqa laga yidhaahdaa, gaar ahaan dadka kaa soo hor-jeedaa, Ina Rayaale Nabadsugid buu ahaa markaa waxa keliya uu yaqaanay waa war la ururiyo oo dabadeed madaxda ka sarraysa uu u geeyo markaa nin qaraar qaadan kara oo dal hoggaamin kara maaha markaa iminkana tii buu u dhurtay oo wuxuu helay cid uu warka u geeyo oo dawladaha reer Yurub ee arrimaha argagixsada aynu xidhiidhka kal leenahay ayuu warka ka iibiyaa. Maxaad ka odhan lahayd eedayntaa?

J:Horta inaad su’aal noocaas oo kale ah ku furisayso hadalkaaga ma filayn. Waxaas oo kale anigu kama jawaabo. Ma haysaa su’aalo umaddu ka faa’iidaysan karto?

S:Madaxweyne waxaad ka soo noqotay socdaal aad Yurub ku tagtay iminkana inaad Kenya tagto ayaa la hadal hayaa maxaa doorkan aad odhan kartaa socdaalkaagu wuu kaga duwan yahay kuwii hore?

J:Su’aal fiican weejaan. Horta waxaan filayaa inaan meel kasti tagno oo umaddani dani ugu jirto oon albaab kasti garaacno inay muhimaddu tahay. France baan tagnay bay ahayd oo martiqaad rasmi ah baan ka hellay, si fiican baa naloo soo dhoweeyey. Danteenii baan u sheegnay bay ahayd oo qaddiyadda Somaliland baan ka dhadhaadhicinnay . Ingriiska markaan runtii kuu sheego xidhiidh fiican baa inaga dhexeeya. Waxaan ku idhi. Waar raggiinan Ingriiska ihi inaad wax nala qabatiin baan idinka doonaynaa oo caalamka u sheegtiin waxaan qabsannay. Haye bay yidhahdeen. Laakiin hadda idinma ictiraafi karno ayay yidhaahdeen.

S:(ma aragtaa? waakaa wixiisii dhuray. Bello ku degtay. Waar saw intaa kama ilbaxo. Indho adagaa) Madaxweyne anigu dalka waan ka yar maqnaa anna albaabkii cimrada ayaan soo garaacayay laakiin waxaanu maqallay dan gaar ah ayaad u tagtay oo shirkad sunta badda ku aasta ayaad wax la soo saxeexanaysay waana sabata aad wakiilii kuu joogay France,Mr.Fagadhe aad uga tagtay. Maxaa ka jira arrintaa?

J:Horta aan mid kuu sheego. Waxaasi wax Allah wax ka jiraayi ma jiraan. Yaryarkan waxbaan qornaa yidhaahde ee jaraa’idka isku sheega iyo cadawga umaadan ayaa waxaa fidiya. Mar kasti oon safar u baxo waxaa uumbay odhan iyo wax aad ku wajaqdo oo ka daran. Fagadhe isaga haddaan kuu sheego waxoogoo kharash ah ayuu sugayay bay ahayd oo ka xannibnaa markaa sidaas buu iiga hadhay bay ahayd.

S(Bal wuxuu noogu sheekaynayo eega. Toban wasiir iyo dad aan waxba u tarayn buu watay oo safiirkii dhammaa buu leeyahay kharash buu sugayay. Ta kale isaga iyo Cawil mooyee ummadda u shaqaysa oo dhammi ma kharash uumbay meel ku sugayaan? Halkuu ka keenay kiisa muu wax ka siiyo?) Madaxweyne raalli ahaw. Anigoo kolba isla yar hadlayaa ayuumbaan is arkayaa. Iminka qoodhaa iyo xeradaa ma waxaad is leedahay dadku waxan aad mar walba ku hadasho ee aad tidhaa “albaab baan soo garaacay way kaa rumaysanayaan. Mise waa kaa bes?

J:Anigu ummaddan mid keli haata baan ugu dhaartay. Inaan daacad ugu shaqeeyo ayaan ugu dhaartay bay ahayd. Markaa wixii aan qaban karnay waan qabanay wixii kalena Ilaahay baan la kaashan doonaa.

S:Madaxweyne dad muslin ah ayaynu nahay markaa inaynu wax walba Ilaahay la kaashanaa waa waajib. Haddaba haddii arrintaadu Ilaahay la kaashi uun tahay maad masaajidkan uun kashid ama Xaramka tagtid oo halkaasuun inooga ducaysid maxaad ummaddan bakhtiayaysa xoolaheeda uga khassrinaysaa ee kolba ugu dalxiis tegeysaa?

J:Horta afkaaga hagaajiso. Anigu dalxiis ma tago ummadda danteeda ayaan qabanayaa.

S:Raalli ahaw Madaxweyne. Bal horta ninkan wax kuu kariya ee kolba inoo soo gelaya ee hadalka inaga dhex gelaya naga jog dheh. Ma xoghayn baa maxaa ka galay isaga dadka debedda kugu sugaya? Su’aasha kale waxay tahay. Hore waxaanu in badan maqallay waxbaad yar qaad qaadday ,dhanka musuqa dee, oo Qaahira guri weyn baad ka taagtay. Toronto mid baad ka taagtay. Ottawa waxooga xisaab ah ayaa laguugu hayaa. Ingriiska guri baad ka iibsatay. Iminkana Faysal Cali Waraabe wuxuu yidhi. “Guri weyn oo Dahir Rayaale iibsaday baan Dubai ku soo arkay.” Weliba gabaygii Faarax Nuur buu raaciyay oo wuxuu yidhi. “Nadartu wixii aan arko ayaan nacam idhaahdaaye.” Ma runtiibaa? Ku darso oo. Waxaanu ku kaftanna “Dooxa waaheen iyo Ina Rayaale halkay iska metelaan?” iyo “Dooxa Waaheen waxa isugu yimaadda tobaneeyo doox oo kale oo ku soo rogmada, markaasu isna biyahooda badda ku daraa. Ina Rayaalana waxa isugu yimaadda dalkhi dalka oo dhan markaasuu badda(debedaa) geystaa. Markaa Raayle Waaheen ha loo bixiyo bay yidhaahdee. Kkkkk” xxxm. Sorry. Qosolkaasi meesha muu qabanayn. Raalli ahaw Madaxweyne. Su’aasha ka jawaab.
J:Waxa wax lala yaabo ah oo wax laga yaqyaqsoodo ah nin weeeeyn oo madax isku sheegaya oo xisbi baan xakumaa leh oo haddana been sheegaya. Waxaasi waa beenta mucaaradka. Mucaaradku beenta ayay dimiquraadiyad u yaanaan. Maxaa laga qaadani ummaddan aan la ictiraafin een waxba haysanin. Waxaasi wax igu cusb maahin.

S:Madaxweyne markii aad maqsinka iigu soo gashay ayuumbaan khalkhalay oo wixii aan ugu muhiimsanayaa ee aan u socdayba illabaye. Iminkaad i xusuusay ee waxaan kuugu imi oo waraysiga ii dheer, ergo ayaan ahaa.

J:Ergo maxay ah?

Dubbe:Horta su’aalahii halkaa manta inoogu jooji. Madaxweyne hadda waxaan ka imi cubataalka oo nin ay labadayadii awoow ilmaabti ahaayeen oo dameer harraatiyay ku soo booqday. Sariirta ku xigta waxa jiiftay beentii oo la yidhi markay maqashay adigoo cid kale ku sheegayaa xabbad isku dhufatay oo sambabada mid qarxay.

Rayaale:Maxaad ka hadlaysaa. Adeer nabad gel;yoi hadduu waraysigii kuu dhamaaday malaa ma miyir qabtide. Been dhakhtar jiifta sidaad u aragtay? Sirdoonkuba iima soo sheegine.

Dubbe:Madaxweyne. Waxay tidhi. “Ina Rayaale iminka toddoba sannadood buu igu shaqaysanay oo dhulka i jidayay. Si aan weligay cidi ii gelin. Wershado maalin walba dhagax la dhigayo ayuu igu sheegay. Idaacad aan soo socon buu igu sheegayayay 4 sanno. Ictiraaf iyo albaabbo aan jirin buu nafta igaga jaray.ciido ayaan derajo siinayaa ayuu igu isticmaalay. Umaadda ilaahay mid aan i nacdalayn oo aanu igu dirin oo ii dheegin oo aan lahayn nacalla been ku yaali ma jiro(Axadda soo noqo,berry ii kaalay.waxooga yar baan meel ka sugayaa… C/raxmaan Ducaale u tag…Cawil u tag.Daahir la soo hadal……)intaaba waxa igaga daran Wasiiradiisa uu yidhi idinna adeegsada weli Cawil iyo Cabdilaahi Ducaale haw darnaadaane. Ina Bullaale. Isaga Badhasaabka Boorame ha igu soo qaadin. C/lahi Cirro ninka la yidhaa oo iagu weliba nacasnimo iigu daray oo lay odhanayo “been ha sheegee mid nacasa buu sheegay” waxaasoo dhan anoo ku qaba oo daacad u ah inuu cid kale igu tilmaamo oo gogol dhaaf igu sheego ma xaq buu iigu leeyahay?” waxay tidhi. “Kitaabka ha lay mariyo inaan isaga iyo intuu oggol yahay mooyee cid kale i sheegin.”

Rayaale:Adeer waxaan ku weydiiyay. Ma riwaayad baad u beddeshay waraysigii? Mise waad waalantay. Bal Been baabad ku sheegaysaa sidaad u rumaysatay?

Dubbe:Madaxweyne waa su’aal wanaagsane. Horta ma maqashay “Idaa shuufta Amxaar, Ferenji xaaji.” Ninka adiga ku dhegeysta todoba sannadoo ma beenta lafteeda rumaysan mayo ayaad leeday?

Waa inoo toddabaadka dambe. Haddii Eebbe idmo.

Munaasabad Loogu Wanqalay Laan Cusub –BARIGA FOG oo Xisbiga strtoupper(”Kulmiye”) Ka Furtay London

October 8th, 2008

Waxaa gelinkii danbe ee maalintii Sabtidiii ka dhacay hoolka shirarka ee Froud Centre, Manor Park, London E12, xaflad aad looga soo shaqeeyay, dad aad u tiro badanina isugu yimaadeen oo loogu wal-qalay laanta cusub ee xisbiga mucaaradka ugu wayn ee strtoupper(”strtoupper(”strtoupper(”strtoupper(”Kulmiye”)”)”)”) ka furay xaafadaha bariga fog ee London.

Xafladdan oo ahayd mid laysku arkay, ayna kasoo qaybgaleen dad isugu jira masuuliyiiin ka socota xisbiga strtoupper(”strtoupper(”strtoupper(”strtoupper(”Kulmiye”)”)”)”), dumar, odayaal iyo dhallinyaro waxaa ugu horrayntii furay Mudane Cabdi Cabdillaahi “Janaale” oo halkaa kusoo dhaweeyay dadkii madasha isugu yimi, ugana mahad naqay sida sharafta leh ee ay uga soo qaybgaleen wal-qalka laanta cusub ee Bariga Fog. Cabdi wuxuu intaa ka bacdi cod-gudbiyaha ku wareejiyay Mudane Siciid Cabdillaahi Cabdi Mataan oo halkaa ka akhriyay aayadaha Quraanka Kariimka ah. Intaa ka bacdi waxaa Cabdi Cabdillaahi cod-gudbiyaha ku wareejiyay Cabdiraxman Maxamed Aadan.

Cabdiraxman waxuu mar labaad u mahadnaqay abaabulka shirka iyo dhammaan dadwaynihii sharafta lahaa ee shirka kasoo qayb galay. Intaa ka bacdi wuxuu Cabdiraxmaan u guda galay dulucda shirka isagoo shirka u dulmaray ujeedada shirka iyo qodobada uu kooban yahay shirku. Ugu horrayntii waxaa madasha lagu doortay gudida Cusub ee laanta Bariga Fog. Gudida la doortay waa:

  1. Mudana Jaamac Axmed Xassan – Jaamax Qaylo (Guddoomiye)
  2. C/risaaq Jaamac Himbir (G/xigeen 1aad)
  3. Mustafe Buureed (G/xigeenka 2aad)
  4. Faarax Maxamed Cabdille Qorax
  5. Muuse Aadan Aw-Cali
  6. Cabdilllaahi Siciid Jaamac (Caano)
  7. Cabdillaahi Cismaan Nuur
  8. Cabdi Axmed Fadhi yare

Doorashada gudida ka bacdi waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyey gudddoomiyaha gudida cusub Mudane Jaamac Axmed Xasan (Qaylo). Jaamac aad ayuu ugu mahadnaqay dadka halkaa xilka ugu doortay,waxaanu shirka u sheegay inaanu xilka lagu aaminay awoodiisa iyo gudi ahaanba ay aad u dadaali doonaan. Intaa ka bacdi Jaamac wuxuu hambalyo u diray labada xubnood ee xisbiga uga taagan Jagooyinka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Muj. Axmed Siilaanyo iyo Mudane Saylici. Jaamac wuxuu kaloo u mahadnaqay gudidii dhexdhexaadinta oo uu sheegay inay howshoodii si wanaagsan ugu guulaysteen. Gudddoomiyuhu wuxuu warbixin kooban ka bixiyay xaafada iyo sida ay horeba ugu qayb qaadan jirtay howlaha strtoupper(”strtoupper(”strtoupper(”strtoupper(”Kulmiye”)”)”)”) iyo kuwa Somaliland.

Jaamac wuxuu sheegay in laantan 13aad, ay miisaan wayn kusoo kordhin doonto 12 laamood ee hore u dhiisnaa. Waxaanu doonayna inaanu xidhiid wanaagsan la yeelano dhammaan laamaha xisbiga iyo gudid fulinta xisbiga meel ay joogaanba. Waxaan rajaynayaa in laantan aan guddodmiyaha ka ahay ay noqoto mid dadka iyo dalkaba anfacda. Gudidu intan ku koobnaan mayso waxaananu isha’alah samaynaynaa garab dhallinyaro iyo mid dumarka. Ugu dambayn wuxuu Jaamac u mahadnaqayaa dhammaan dadka shirka kasoo qayb-galay, gaar ahaan gudida Fulinta Uk iyo dhammaaanba xubnihii kasoo shaqeeyay abaabulka munaasabadan.

Intaa ka bacdi waxaa cod-gudbiyaha loo gudbiyay Guddoomiyha Gudida Fulinta Uk Mudane Ibrahim Xuseen. Gudddoomiyuhu wuxuu guud ahaan u mahadnaqay dadkii shirka kasoo qayb galay iyo abaabulka shirka suura galiyay. Wuxuu laanta cusub uga mahadnaqay sida sharafta leh ee ay shirka u qabsadeen, wuxuuna ilaahay uga baryay in ilaahay xilka u dhib fududeeyo. Intaa ka bacdi wuxuu Mudane Ibraahim ka hadlay muhiimka ay laantani leedahay iyo guud ahaan shaqada hortaala qurbo-jooga UK. Guddoomiyuhu wuxuu laanta cusub is buuxda ugu marti-qaaday shirka laamaha UK ee doorkan ka dhacay magaalada Sheffield maalinta Sabtida 11.10.08.

Intaa ka bacdi waxaa shirka ka hadlay Lacaghayaha Gudida Fulinta UK Marwo Yurub Qaalib. Yurub waxay hambalyaysay gudida cusub, waxayna warbaxin kooban ka bixisay arimo ku saahan dhaqaalaha xisbiga iyo abaabulka loogu jiro soo celinta Horyaaal oo hawada soo gali doonta laga bilaabo 15th October 2008.

Waxaa iyana erayo kooban oo isugu jira hambalyayn iyo xog-waran shirka ka jeediyay Guddooomiyaha bariga London Kayse Xidig iyo Cismaan Siciid oo ka tirsan gudida baring Lodon ahna xubin ka tirsan golaha dhexe ee strtoupper(”strtoupper(”strtoupper(”strtoupper(”Kulmiye”)”)”)”). Ugu dambayntii waxa erayo duco iyo waano isugu jira shirka kusoo xidhay Oday Cabdiraxman Cisman Guudcade.

Sidoo kale waxaa gudida cusub halbalyo khadka telefoonka ugu soo gudbiyay Guddoomiyaha xisbiga strtoupper(”strtoupper(”strtoupper(”strtoupper(”Kulmiye”)”)”)”) Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo.

Shirku wuxuu dhammaaday saacadu markay ahayd 5:30kii galabnimo, wuxuuna ku dhammaaday jawi farxad iyo hambalyooyin isdaba jooga leh.

Ra’yiga Dadweynaha Iyo Ka Taageerayaasha

Opinion
Sababta Siilaanyo u xushay Saylici; By: AbdihakinY. Kheire

Istaraatajiyada Siyaasadu cadow iyo saaxibna ma leh ee dan baa hagta. Somalilandna dan baa ugu jirta in Xisbiga KULMIYE ku guulaysto doorashada Maxaxtooyada (Hadii eebe idmo). Laakiin Xisbigii kacaa kuf baa ku yimid. Bal aynu isku dayno inaynu fahano loolanka siyaasadeed ee garabyada xisbiga. Nidaamka siyaasadeed ee dimoqradiga ah waxaa hab dhaqan u ah talo-wadaag iyo isu tanaasul (Consensus & Compromise). Siyaasiga istaraatajiyadan ku dhaqmay ee markii uu balan qaad helay (in Ra’iisul Wasaare la sameeyo) tanaasulay waa Ahmed X. Cali Cadami. Ha ilaabin in uu Mudane Cadami dhaawac gaadhsiiyey KULMIYE ka dib markii uu dhaleeceeyey habkii shirkii Golaha Dhexe ee Burco loo maamulay (Waxaa dhacay wax akhlaaqiyaadka dimoqradiya ka baxsan” Mr. Cadami, BBC, August 26, 2008).

Falanqayn, hirdan iyo dood kadib haddii aanay garabyada loolamayaa isu tanaasulin waxa dhacda in Xisbigu guul gaadhi waayo.

Tartanka siyaasadeed ee nidaamka dimoqradiyada waxaa lagu xushaa is bar bar-dhiga musharaxiinta iyadoo lagu qiimaynayo (1) miisaankooda siyaasadeed, (2) aqoontooda, (3) taariikhdooda iyo (4) degaanka ay ka soo jeedaan.

Bal hoos ka daalaco is bar bar-dhiga Silanyo, Saylici iyo Muj. C/Raxman Aw Cali.

Deegaanka Taariikhda Aqoonta Miisaanka Siyaasadeed
Togdheer Mujaahid Mutacalim Siyaasi ruug cadaa ah Silanyo
Awdal Nin aan soo halgamin Farsamo-yaqaan Nin siyaasada ku cusub Saylici
Awdal Mujaahid Sarkaal Milatari Siyaasi Miisaan leh C/raxman

Shaxdani waxay daliil u tahay in Silanyo iyo C/Raxman Aw Cali wadaagaan laba sifo (Miisaanka siyaasada iyo Taarkiikhda). Halka Saylici & C/Raxman wadaagaan sifo keliya (Labaduba waa reer Awdal). Laakiin Silanyo & Saylici sifoba ma wadaagaan! Haddaba muxuu Silanyo u Xushay Saylici? Silanyo iyo Saylici waxay kala matalaan laba waxood (Political Constituencies) oo reer Somaliland ah. Halka Silanyo iyo C/Raxman ay matalaan waax keliye. Macnawiyan Labada mujaahid way isu dhigmaan. Shirkii Burco ee Golaha Dhexe ee KULMIYE muu ahayn oo keliya tartan Madaxweyne iyo Ku-xigeen ee laba Mujaahid oo labaduba Madaxweyne u dhigmaan baa ku hirdamay. Kii guulaystay baana xaq u leh in uu xusho Ku-xigeenkiisa. Shaqada Ku-xigeenku waa inu dheeli tiro Miisaanka Musharax Madaxweynaha.

Laba tusaale oo Xisbiga Dimoqradiga ah ee Maraykanka ka dhacay aan soo bandhigo.

1992: Clinton wuxuu Ku-xigeenkiisa u xushay Al Gore oo ay isku da’ ahaayeen (Labaduba 45 jir), Laba Gobol oo koonfurta ku yaala oo isku xigana ay u kala dhasheen (Arkansas & Tennessee).

Waayo?

Clinton wuxuu rabay inuu xisbigiisa mideeyo, gobollada koonfurtana ka fara maroojiyo Xisbiga Jamhuuriga oo gobollada awood ku lahaa (Republican Strongholds).

2008: Barack Obama wuxuu xushay Senator Joe Biden oo laga soo doorto gobol yar oo la yidhaahdo Delaware.

Waayo?

Senator Biden waa ninka keliya ee ka kaabi kara Barack sifadda keliya ee lagu saluugay (Nin Siyaasad ku cusub oo aan khibrad lahayn). Senator Biden waa Gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibbeda ee Golaha Senatka. Xasuusnow Obama muu xulan Senator John Edwards (Hore ayaa loogu sharaxay Ku-xigeenkii Senator Kerry 2004, guulna muu keenin). Muu dooran Senator Hillary Clinton (Way la tartantay isumana calool fayooba). Ha ilaabin laakiin in labada Senatorba hiil iyo hooba la barbar-taagan yihiin Obama si uu ugu guulaysto doorashada Madaxtooyada (Haddii Eebe yidhaahdo).

Istiraatajiyada siyaasadu waa inay guul keentaa. Xulashada Silanyo ee Saylici waxay fariin u diraysaa reer Awdal oo waxay leedahay waa la isa saamaxay ee I doorta. Silanyana dhab bay ka tahay inuu balaadhiyo taageerayaashiisa. Waxayna jawaab u tahay eedayntii Silanyo loo jeediyey ka dib markii 2003 ay Xisbiga KULMIYE ku biireen Mujaahidiinta kala ah:

(1) C/Rahman Aw Cali Farah

(2) Ibraahim Cabdillaahi (Dhegaweyne)

(3) Maxamed Kahin Axmed.

Xil: Cumar Nuur Cisman (Aare) wuxuu yidhi: “KULMIYE waa ciidan doon ee cod doon ma ah”. Maanta Silanyo waa cod doon guulna wuu u diyaar garoobay. Ilaahay hala qabto.

Waxaa Qoray: Prof: Abdihakim Y. Kheire

___________________________________________________________________________________________________

OPINION

Kulmiye Split may be a drop in the Ocean when UDUB congress comes:

The hot debated and peacefully contested leadership within the Kulmiye Party should reflect the level of political maturity and inter-party discipline acquired by this party after the marginal loss of the Presidency.

As the veteran Somaliland politician, Abdulkadir Jirde put it; the demise of Kulmiye will be a severe blow to Somaliland democratic process. As an UDUB senior leader, Mr. Jirde sincerely admits that Kulmiye harbors the intelligentsia and political elite of Somaliland.

May I add to this, most of the Kulmiye members I know believe as the principle of late Kennedy; “First think what you can do for your country, before you ask what your country can do for you!”. And this should be the cornerstone of a caring political party few points underlining Kulmiye political maturity:

  1. Accepted defeat in the presidential election by the slightest margin of all elections worldwide.
  2. They tolerated and lived under illegal emergency law.
  3. They gave in to any government provocative, confrontational tactics in the interest of the country stability and peace.
  4. They accepted the extension of President’s term.
  5. The current split with in party after the congress and heated contested on party’s leadership is another good sign of democratic maturity. The players of current drama are aligned neither in tribal nor regional lines, but on the basis of party ideology and the mechanism of the anticipated good governance. At the same time not joining another party as the usual mode of Somali party politics. The end game of the current party drama cannot be easily predicted, but the winners will be a will for Somaliland.

On the other side of the aisle, some UDUB leaders may be jubilant on Kulmiye inter-strive. I call those as either political amateurs or evil-minded folks who cannot foresee the negative back-lash of such events not only to the state, but also to their party.

UDUB as ruling party has functioned as authoritarian and executive party and did not develop the infrastructure and institutions necessary for political party and did not practice, much needed political debates, did not stage leadership contests, did not acquire the political tolerance which is cornerstone of Democratic Party.

I know many disgruntled Udub senior leaders who are already uneasy on the upcoming Udub congress. They doubt whether their voice will be heard and the leadership contest of party will not be democratic or transparent.

The most difficult questions for all Somalilanders will be:

  1. Will Udub congress and leadership contest be more lively, democratic and transparent than Kulmiye.
  2. Or dormant political divisions within Udub will erupt as a political volcano and the current Kulmiye split would like as a drop in the ocean.

Axmed Siciid,

Hargeysa.