Archive for October, 2008

Xukuumada Rayaale Oo Jidka Boorame Iyo Gabiley Ciidamo Fara Badan Soo Dhigtay Si Ay Isu Hortaagaan Kulmiye

Kulmiye.org- Hargeysa, Xukuumada Daahir Rayaale ayaa ku soo rogtay bandoo madaxda iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye inay u kicitimaan safaraday ku tagayaan magaalooyinka Boorame iyo Gabiley. Xukuumada Dahir Rayaale ayaa la soo sheegay inay sas iyo baqdin fara badan ka qaaday safarada madaxda xisbiga Kulmiye. Warar sas iyo shaki ku abuuray xukuumada oo aan la garanayn meel ay ka heshay ayaa ku abuuray in maalinta ciida ka dambaysa ay madaxda xisbiga Kulmiye oo u horkacayo Gudoomiye Siilaanyo ay u socdaali doonaan magaalada Boorame. Xukuumada Daahir Rayaale ayaa ciidamo aad u fara badan oo boolis ah soo dhigtay jidadka u dhexeeya magaalooyinka Boorame iyo Hargeysa iyo magaalada Hargeysa iyo Gabiley. Hase yeeshee, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, md Axmed Maxamed Siilaanyo oo aan caawa arrintaas wax ka weydiiney ayaa sheegay in aanay jirin booqasho u qorshaysnayd isaga iyo wefti uu hoggaaminayo inay ku tagaan wakhtigan magaalada Boorame.

Waxaa isna sidaas oo kale magaalada Boorame shir jaraa’id ku qabtay xildhibaan Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiillada, kana soo baxay xisbiga KULMIYE, Xildhibaan Abiib ayaa isna shirkiisii jaraa’id ku beeniyey warkaas sheegaya in wefti ballaadhan oo ka socda xisbiga KULMIYE uu u soo jeedo dhinaca magaalada Boorame iyo in jidka laga celiyey weftigaas.

Taliyaha ciidanka Boliska Maxamed Saqadhe oo ka amar qaata Dahir Rayaale Kaahin ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo wax warbixin ahna ka bixiyo cidamadiisa faraha badan ee la dhex dhigay jidadka Hargeysa iyo magaalooyinkaas mar ay telefishanka Horn Africa Cable TV ay xidhiidh la sameeyeen.

Waxaa maanta si sharci daro ah la iskaga hortaagay safar shakhsi ah oo uu ku tagayay magaalada Gabilay Dr Maxamed Ibrahim Obolos oo ah dhakhaatiirta waawayn ee magaalada Hargeysa kana tirsan xisbiga Kulmiye. Dr Obolos oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa cadeeyay in ciidamo booliisku isku hortaageen kontroolka Hargeysa ee dhinaca Gabiley, kuwaas oo baabuurta baadhayey, isla markaana ay amar ku siiyeen inuu dib ugu noqdo Hargeysa oo aan loo ogolayn inuu dhaafo.

Dr. Obolos, waxa uu sheegay in uu isagu u socdey degmada Gebiley oo uu u tegayey arrimo qoys uu dib uga soo noqday isagoo sheegay in aanu garanayn ilaa iyo hadda sababta loo soo celiyey.

Xukuumada Daahir Rayaale ayaa u ku dhaqmaysay mudaba inay ka dhigto boliskii dalka ka wada dhexeeyay in loo isicmaalo sidii booliskii ciidamada faqashta ee dadka socotada ah ku xidhi jiray warqada dhaqdhaqaa. Inkasta oo aanay illa hada jirin socdaalo rasmi ah oo u qorshaysan madaxda xisbiga Kulmiye inay ku tagaan magaalada Boorame hadana waxaa xisbiga Kulmiye ka go’an inaanu Daahir Rayaale iyo mid kale toona u joojinayn Socdaalada sidan oo kale ah, qofna aanay isu daba taagayn marnaba. Waxaa wax lagu qoslo ah in maanta dalka gudihiisii dad muwaadiniin ah laga joojiyo xoriyadii ay ku dhaqdhaqaaqi lahaayeen, xisbiga Kulmiyana maalinta ay ka soo go’do cidna marti uga noqon maayaan safarada rasmiga ah iyo kuwa shkhsiga ahba.

Kulmiye .org

Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Tacsi U Diraya Ehelkii Iyo Qaraabadi Uu Ka Baxay Marxuum Sulub

Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Tacsi U Diraya Ehelkii Iyo Qaraabadi Uu Ka Baxay Marxuum Sulub

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Ahmed Mohamed Siilaanyo, isaga oo ku hadlaaya Magaciisa, ka hoggaanka xisbiga, Golaha Dhexe, Guddida Fulinta, Xubnaha Xisbiga iyo taageerayaasha, waxa uu Tacsi u dirayaa qoyskii iyo qaraabadii, eheladii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuum Sulub Jaamac Cismaan, oo ka tirsanaa Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE, kaalin weynna ka soo qaatay halgankii xorraynta dalka ee SNM oo maanta 02.10.2008 ku geeriyootay Magaaladda Hargeysa.

Guddoomiyuhu waxa uu ilaahay uga baryayaa, Marxuumka inuu janadii Fardawsa ka waraabiyo, qoyskii, eheladii, asxaabtii iyo qaranka Somaliland oo dhanna samir iyo Iimaan ka siiyo.

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Djibouti, Md Ismaaciil Cumar Geelle Ayaa Markii U Horeysay Dadka Reer Somaliland Ku Ammaanay Nabadda Iyo Diganaanshaha Ay Ka Sameeyeen Dalkooda 17-kii Sannadood Ee Ay Dhibaatooyinka Iyo Dagaaladu Daashadeen Dalka Somalia

(Madaxweynaha Jamhuuriyada Djibouti Ismaaciil Cumar Geele iyo Calanka Dalkiisa Djibouti)

anshiyo haddii ay ku nool yihiin dadkoodiina ixtiraam bay mudan yihiin”

Djibouti, October 1, 2008 (Haatuf) – Madaxweynaha dalka Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii u horeysay dadka reer Somaliland ku ammaanay nabadda iyo diganaanshaha ay ka sameeyeen dalkooda 17-kii sannadood ee ay dhibaatooyinka iyo dagaaladu daashadeen dalka Somalia, isagoo sheegay inay dadka reer Somaliland mudan yihiin in lagu hambalyeeyo waxa ay qabsadeen muddadaas 17-ka sannadood ah.

Waxa kale oo uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle sheegay in reer Somaliland mudan yihiin in lagu bogaadiyo sida ay dadkooda uga badbaadiyeen halaaga iyo dhibaatada ilaa hadda loo maaro la’yahay ee ka jirta dalka Somalia, waxaanu kooxaha isku haya Somalia ee wada-hadaladu uga socdaan dalka Djibouti ugu baaqay inay ku daydaan Somaliland iyagoo isweydiinaya dariiqa ay Somaliland u martay nabadda iyo deganaanshaha dalkeeda ka jira iyagoon rasaas isku muquunin.

Madaxweyne Geelle waxa uu hadalkan ku sheegay khudbad uu ka jeediyay Xaflad lagu xusayay maalinta Ciiddal-Fitriga oo shalay lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada ee dalka Djibouti, kaas oo ay ka soo qayb-galeen madaxda ka socotay hay’adaha caalamiga ah, diblomaasiyiinta fadhigoodu yahay Djibouti, madax ka tirsan dawladda Djibouti, ganacsato, salaadiin iyo marti-sharaf kale oo xafladaas lagu marti-qaaday.

Khudbadda Madaxweyne Geelle uu ka jeediyay munaasibaddan oo uu kaga hadlay dhinacyo badan, ayaa waxa uu si adag ugu canaantay kooxaha ku hirdamaya talada dalka Somalia oo hadda wada-hadalo laysku mari la’ yahay uu uga socdo magaalada Djibouti, isagoo ugu baaqay inay dadkooda maalin walba ku dhimanaya dagaalada halkaas socda ay badbaadiyaan, isla markaana ay khasab tahay in la soo af-jaro heshiisna laga gaadho colaada daba-dheeraatay ee muddada 18 sannadood ah soo jiitamaysay.

Ismaaciil Cumar Geelle waxa kale oo uu khudbadiisa kaga hadlay fara-gelinta ay dalalka Eriteriya iyo Itoobiya ku leeyihiin dagaalada ka dhacay Somalia, isagoo sheegay in fara-gelinta wadamadaasi ay meesha ka bixi doonto haddii ay dhinacyada Somalia heshiis wada-gaadhaan oo ay is-aaminaan. Waxaanu Madaxweyne Geelle dawladda Eriteriya oo ay dhawaan dalka Djibouti ku dagaalameen xadka u dhexeeya u soo jeediyay inay faraha kala baxdo dhibaatada Somalia, isagoo hoosta ka xariiqay in haddii ay wax ka qabanayso Eriteriya dhibaatada Somalia ka jirta aanay ahayn mid bilaabantay 2007, balse ay tahay mid muddo dheer soo jirtay.

Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu kooxaha Somalia ku canaantay dilka iyo dhibaatada ay dadkooda maalin walba ku hayaan isagoo u soo jeediyay in loo baahan yahay inay badbaadiyaan dadkooda maalin walba dhimanaya, isla markaana waxa uu tusaale ku dayasho ugu bandhigay sida ay Somaliland u badbaadisay shacabkeeda, una xaliyaan marka khilaaf soo dhexgalo qaybaha kala duwan ee siyaasadda iyo bulshadaba, waxaanu isagoo arrintaas ka hadlaya yidhi: “Waxaad maalin walba idaacadaha ka maqashaan ee 17-kii sanadood walaalaheen haystay ee dil, qax iyo dhibaatooyin aan la malayn karin ayey ku nool yihiin, maxaa keenay ee ay u dami la’yihiin, su’aalo badan ayaa lays waydiinayaa, maxaa dadkan dhex yaala, maxaa dad masaajid ka soo baxaya rasaas loola dhacayaa oo ilaahay fadligiisa soo gutay, rajada kama quusanayno ee waanu daba tukubaynaa. Shirkii halkan lagu qabtay ee mucaarid iyo dawladba iskugu keenay ayaan ilaahay ka baryeynaa in gacantooda ka dhaliyo nabad iyo is afgarad, waxaanu nidhi niman yahaw idinka yeeli maayo waanu is dilnay waanu kala tagnay, dadkuna idinka yeeli maayo, taariikhdu idinka yeeli mayso, Ilaahayna idinka yeeli maayo, maxaa yeelay masuuliyiintu idinka weeye, waxa aan hadalkayga u jeedinayaa xukuumadda Somalia ee la leeyahay iskuma kalsoona, iyagaa is doortay iyagaa is magacaabay, haddana hawshii marka la gelayo ayaa loo kala sheekaynayaa, oo aduunkuna sidaa u eegayo kolka ay halkan yimaadaan, waxaa jira kooxda xidhiidhka caalimaga la yidhaahdo oo odhana iyagiiba ma doonayaan in ay dalka dhistaan, inay isku tanaasulaan, markaa maxaa lacagta ku bixinaynaa, lacagtay nagu dilayaan, markaa waxaa laga tagay in Somali la gargaaro gaal iyo Islaam-ba, ummadda Carbeed ee walaalaheena markasta oo ay is yidhaahdaan aad wax la qabataan rasaas ayaa laba walaali isku dhufatay baa la odhan, markaasay odhan ma dadkan isleynaya ayaanu wax u qabanaa, sidee dadka wax u tarnaa kol haddii ay madaxdii is cunayaan sidaasay niyad jab weyni ugu dhacday dawladaha carbeed dhamaantood.

Isbahaysigana waxa laga doonayaa in wixii dad ka maqan soo urursadaan, kuwa rasaasta joojiya la leeyahayna intuu ku leeyahay inuu kala soo baxo, ka shaydaanka ah ee keligii soo bixi doona kaa waa lala dagaalami doonaa, waxaa loo baahan yahay ka Asmara lagu ootayna inay ka soo furtaan.”

Ugu dambayntiina Madaxweynaha Djibouti wuxuu u soo jeediyay ragga isku haysta Somalia inay ku daydaan Somaliland waxaanu yidhi: “Raggaa agtooda ah ee Somaliland, hambalyo, hambalyo iyo bogaadin bay muteen, 17kaa sannadood markii ay dadkooda ka badbaadiyeen halaaga, laba shay oo qudha haddii ay qabsadeen oo ay dhammaysteen, nabad iyo diganaanshiyo haddii ay ku nool yihiin dadkoodii, ixtiraam bay mudan yihiin, markaa waa inay eegtaan oo ay yidhaahdaan waar raggani [Somaliland] maxay sameeyeen, iyaguba qabiilooyin way leeyihiin ee waa sidee? Sidee bay u kareen inay midoobaan oo ay heshiiyaan, oo ay mucaarid, muxaafid, oday, Guurti iyo ku kastaaba wada-hadlayaan oo haddii khalad yimaadana halkaa lagu dhamaynayo, iyagu markaa ma rasaas bay isku qaateen.”

Hadalka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle shalay ka soo yeedhay ee ku saabsan Somaliland ayaa noqonay markii u horeysay ee uu qiro waxqabadka dadka reer Somaliland, iyadoo aan hore looga maqal soo hadal-qaadka magaca Somaliland tan iyo markii ay Somaliland la soo noqotay xoriyadeedii sannadkii 1991-kii, waxaanu Madaxweynaha Djibouti aad isugu mashquul jirain midnimadii Somaliyadii burburtay, isagoo dhawr jeerna dalkiisa ku marti-geliyay shirar lagu doonay in dawlad loogu dhiso Somalia.

Xigasho/ Haatufnews