Archive for November, 2008

Marwo Amina Weris Oo Xaflad Lagu Qabtay Manchester Ku Sheegtay In Dadka Reer Somaliland Maanta Yihiin Isbedel Doon, Mabaadiida Xisbiga KULMIYE na Yahay Kii Ka Saari Lahaa Maanta Marxaladan Adag Ee La Soo Daristay Somaliland.

Marwo Amina Weris oo xaflad Lagu qabtay Manchester ku sheegtay in dadka reer Somaliland maanta yihiin isbedel doon, mabaadiida Xisbiga KULMIYE na yahay kii ka saari lahaa maanta marxaladan adag ee la soo daristay Somaliland.

Magaalada Manchester ayaa habeenimadii Jimcaha ahayd, bishuna Novemberna ahayd 28 2008 lagu qabtay xaflad ay si ween usoo agaa simeen garabka haweenka KULMIYE ee Manchester.

Xafladaa oo marwo Amino-Weris uga warantay dadkii halkaa isugu yimid xaalada maanta dalku marayo, waxaa hadalkii ay halkaa ka tidhi ahaa mid dhinacyo badan taabanayay.

Hase yeeshee qaybo ka mida oo aan halkan idinku soo ururinay ayaa waxa aad ka daawan kartaan halkan hoose.

Laanta Haweenka Garabka KULMIYE ee Manchester waxa ay u mahad celinayaan dhamaan dadkii halkaa isugu yimid ee ku soo dhaweeyay Marwo Amina Weris Xafladaa Manchester.


Marwo Asha Mohamed

Garabka Haweenka KULMIYE Manchester

Gudoomiyayaasha Sadexda Xisbi Qaran Oo Kulan Ka Yeeshay Arimo Door Ah.

Gudoomiyayaasha Sadexda Xisbi Qaran Oo Kulan Ka Yeeshay Arimo Door Ah.

Hargeysa(Somaliland.Org) Gudoomiyayaasha sadexda xisbi qaran ee UCID,KULMIYE iyo UDUB ayaa maanta yeeshay kulan ay kaga wada hadlayeen sidii loo meel marin lahaa heshiis ay sadexda xisbi hore ugu kala saxeexdeen arimo la xidhiidha hawlaha doorashooyinka iyo sidii loo wada samayn lahaa gudi dhex ah oo la socota sidii aanay xukuumada iyo xisbul-xaakimkeeda UDUB aanay ugu takri fail hantida qaran.

Kulankan oo ka dhacay qasriga madaxtooyada ee uu degan yahay gudoomiyaha xisbiga UDUB Daahir Riyaale waxa dhinaca axsaabta mucaaradka ka socday gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo labadiisa ku xigeen halka dhinaca xisbiga UCID-na uu ka socday gudoomiyaha xisbigaasi Faysal Cali Waraabe iyo ku xigeenkiisa waxayna warar ku dhow dhow kulankaasi tibaaxeen inay hogaamada sadexda xisbi kaga wada hadleen dhawr arimood,kuwaas oo la sheegay inay ka mid ahaayeen sidii loo dhaqan gelin lahaa go’aamo ka mid ahaa heshiiskii sadexda xisbi qaran ay u wada gaadheen badhtamihii bishii June ee sanadkan waqtigaas oo ay ku ekayd mudadii shanta sano ahayd ee hogaanka talada dalkan loo doortay Mudane Riyaale.

Waxaana go’aamada heshiiskaasi sadexda xisbi ay hore isula qaateen ka mid ahaa sidii loo wada samayn lahaa gudi dhex ah oo gacanta ku haysa awooda hantida qaranka,isla markaana aanay xukuumada iyo xisbigeeda UDUB aanay si gaara ugu takri falin hantida qaranka sida dhaqaalaha,warbaahinta,gaadiidka iwm waxayna xogo u dhuun daloola kulankaasi tibaaxeen in M/weyne Riyaale arintaas ka cago jiidayo isagoo la sheegay inuu ku dooday in arintaasi ay ku filanyihiin gudiga doorashooyinka qaranka,hase yeeshee doodaasi gudoomiyaha xisbiga UDUB mudane Daahir Riyaale ma noqon mid ay ku qancaan labada hogaamada labada xisbi ee mucaaradka ah.

Waxa kale oo xogaha u dhuun daloola kulankaasi ay intaa ku dareen in kulankaa lagaga wada hadlay sidii gudiga doorashooyinka iyo hawlahooda loo dhiiri gelin lahaa isla markaana awoodahooda loo madax banaanayn lahaa taas oo sadexda dhinacba ay isla qaateen.

Inkasta oo aanay kulanka ka soo bixin wax ay ku heshiiyeen sadexda dhinac balse waxa lagu wadaa inay kulamo kale isugu imaan doonaan mudooyinka soo socda,kaasoo lagu wado inay xal kaga gaadhaan sidii ay u dhaqan gelin lahaayeen waxyaabihii ay hore ugu heshiiyeen.

Source/Somaliland.org

Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Reer Miyiga Md Fu’aad Adan Cade Oo Ku Soo Biiray Xisbiga Kulmiye

“waxaan ahay nin wayn ee Ina Rayaale oo Somaliland haysta inaan dhinto dooni mayo”….Wasiirkii Hore Ee Reer Miyiga Fu’aad Aadan Cade

Hargeysa(Somaliland.Org) Wasiirkii hore ee Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Fu’aad Aadan Cadde ayaa maanta ku biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE.

Munaasibad loo qabtay ku-biiritaanka Fu’aad ee Xisbiga KULMIYE oo ka dhacday Xarunta dhexe ee Xisbiga KULMIYE ayaa waxa ka soo qaybgalay Hoggaanka sare ee Xisbiga KULMIYE, Xubno ka socday Golaha dhexe ee Xisbiga, Xildhibaano iyo marti-sharaf kale.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo halkaa ka hadlay ayaa Fu’aad Aadan Cadde ku tilmaamay nin mawqif siyaasadeed leh, isla markaana aan ka gabban marnaba mawqifkiisa. “Fu’aad Aadan Cadde waaa nin ka soo jeeda Gobolka Sool oo aqoon badan leh, isla markaana aaminsan Somaliland.. waa nin dhiiran oo UDUB wuxuu kala soo wareegay oo aynu maqli jirnay isaga oo Xukuumadda ku jira in uu Mawqif cad istaagi jiray. Waxaanu ku leenahay soo dhawoow xisbiga, si qiimo leh ayaad Xisbiga uga mid noqonaysaa,Doorashooyinka soo socdana waxaan rejaynayaa inaad ka soo hoyn doonto guulo wax ku ool ah.” Ayuu yidhi Gudoomiye Axmed Siilaanyo

Guddoomiyaha KULMIYE oo ka hadlay Weeraradii 29-kii October ka dhacay Hargeysa, waxa uu Shacabka ugu baaqay in aan laga yeellayn Shacabka Soomaaliyeed ee ka baro-kacay Koonfurta Somalia. “Ha la ilaaliyo dadka walaalaheen ah oo yaynaan noqon dad martidii la joogtay baqdin iyo wel-wel ku abuura.” Ayuu yiri Axmed Siilaanyo.

Wasiirkii hore ee Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Somaliland Fu’aad Aadan Cadde oo muddo haatan ku siman 8-bilood ka hor Madaxweyne Rayaale Xilka ka qaaday oo isna halkaa ka hadlay ayaa yidhi, “Waxaan ballan qaadayaa oo aan Ilaahay ka baryayaa in uu ila qabto oo aanan waxba kala hadhin Dalka, Dadka, Gobolkaan ka imi (Sool) iyo Xisbigaba ee aan wax taro. Waxa kale oo aan ballan-qaadayaa in aanan Somaliland waxba kale hadhin ugu horrayn. Waxaan aaminsanahay ninku Lacag, Caafimaad, Ubad iyo wax kasta oo kale ha haysto, haddii aanu qofku Waddan nabad ah oo la ictiraafsan yahay lahayn, rag iyo dumar ka uu doono ha ahaadee xarragadiisu wax ay taraysaa ma jirto. Maanta iiguma muuqato (Somaliland) in uu yahay sidii dal lagu noqon lahaa, waa in lala yimaadaan habkii dal lagu noqon lahaa. “

Fu’aad Aadan Cadde ayaa ka warmay sifihii uu Madaxweyne Rayaale Xilka uga qaaday wixii qoraalkii ku xusnaa Digreetadii M/weyne Rayaale Xilka kaga qaaday. “Runtii maaha inaan Dawladda caayayo, ee Shan sannadood ayaa Wasiir ahaa, siddeed bilood ayaan hadda ka maqanahay, intii aan ku jiray mar walba waan hadli jiray oo wax ha la qabto ayaan odhan jiray, wixii dhalliil jirana waan sheegi jiray. Sideedda bilood ee aan ka maqnaa maan hadlin oo Saxaafadda midna kamaan hadlin. Macnaheedu waxa weeye, wixii shalay aad ka midka ahayd maanta ha caayin. Runtu waxay tahay, Madaxweynuhu markii uu I eryay waxa uu Warqadda iigu qoray, waxaan u fasaxay inuu meelahaa ka nac-nacleeyo. Madaxweynaha maan caayin oo Oday baan ahay, waxaanan idhi caayi maayo oo isagu wuu I caayay, hase ahaatee haddii Madaxweynuhu runta u yaqaano nac-nac, runta waan sheegayaa inta aan noolahay.” Ayuu yidhi Fu’aad Aadan. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Aniga oo aaminsan in aydun markii horeba run isu sheegi jirteen, waxaan idinku soo kordhinayaa in aan run dhexdiina ka sheego”Ayuu yidhi Fu’aad Aadan Cade

Fu’aad Aadan Cadde waxa uu halkaa ka jeediyay Ereyo Siyaasadeed oo duur-xul iyo badheedh-ba isugu jira. “Nin da’ ahaa oo Maraykan ah, ayaa la soo shaqeeyay afar Madaxweyne oo Dawladihii Maraykanka ee awoodda lahaa iyo sidoo kale Dawladdii Ruushka. Muddo dabadeed ayuu shaqadii ka fadhiistay, waxa u tegay nin Suxufi ah oo waydiiyay, maadaama aad Hanti, Magac, Caruur iyo Waayo-aragnimo-ba leedahay miyaanad faraxsanayn. Wuxuu ugu jawaabay, waxaan ahay nin wayn, mana rabo in aan dhinto isaga oo Nixon uu joogo oo uu Madaxweyne ka yahay Aqalka Cad. ILaahay wuu ugu hagaajiyay oo Nixon waa la khaarajiyay. Imika, waxaan idin leeyahay, waxaan ahay nin wayn ee Ina Rayaale oo Somaliland haysta inaan dhinto dooni maayo. Waxaan Ilaahay ka baryayaa inaynu helno dal wanaagsan iyo Dawlad wanaagsan.” Ayuu yidhi Fu’aad Aadan Cadde.

Waxa kale oo Munaasibaddaa ka hadlay Guddomiye-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamuud Faarax oo Fu’aad Aadan ku tilmaamay Masuul wax wayn ku kordhin doona Xisbiga KULMIYE, isla markaana metela Siyaasiyiinta Gobolka Sool. Waxaanu sheegay in ay jiraan Siyaasiyiin kale oo mustaqbalka dhow ku soo biiraya Xisbiga KULMIYE.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland, kana soo baxay Xisbiga KULMIYE oo halkaa ka hadlay ayaa isna soo dhaweeyey, isla markaana xusay in ay jireen Siyaasiyiin kale oo ka soo jeeda Gobolka Sool oo hore uga mid ahaa Xisbiga.

Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdilahi Ciro Ayaa Ku Eedeeyay In Argagixisada Alshabaab Ka Dambaysay Qaraxyadii Dalka ka Dhacay 29kii Bishii Oktobar

Hargeysa (Somaliland.Org) Wasiirka daakhiliga C/llaahi Ismaaciil Ciro ayaa sheegay in qaraxyadii 29-kii bishii hore ka dhacay gobo ku yaala caasimada Hargeysa inay ka dambeeyeen ururka Al-shabaab,ka dib markii uu maanta shirjaraa;id oo uu xafiiskiisa ku dhawaaqay natiijadii ka soo baxday baadhista weeraradii ismiidaaminta ahaa ee 29-kii October 2008 lala beegsaday Madaxtooyada, Xafiiska Safaaradda Itoobiya ku leedahay Somaliland iyo xafiiska hay’ada UNDP magaalada Hargeysa.

Wasiirku waxa uu sheegay in tiradii dadkii qaraxyadaas fuliyey ay dhammaayeen lix qof oo mid ka mid ahi uu u dhashay Somaliland, halka shanta kalena ay ka soo jeedaan koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay in laba ka mid ah si toos ah u aqoonsadeen,inkasta oo aanu magacooda sheegin xubnahaasi ay aqoonsadeen.

“Dhacdadii dhacday 29-kii October ee dhimashada, dhaawaca iyo khasaarahaba geysatay ee Dawlada Somaliland gil-gilshay waxa laga joogaa maanta sagaal iyo labaatan maalmood, muddadaasna waxa lagu gudo jiray baadhis si xaqiiqada loo ogaado, iyada oo ay weli baadhisteedii socoto oo ay natiijada u danbeysa maxkamadu leedahay ayaan doonayaa maanta inaan idiin iftiimiyo oo ummada u sheegno in badan ayey dhegtu taagnayd, weerarkaas ciddii ka dambeysay ee soo abaabushay ee Madaxda ka ahayd ee hawlgalka fulisay kuwii dhintay iyo kuwa noolba meelkastaa oo ay joogaan-ba waxa weeyaan Ururka la yidhaahdo Al-shabaab,” ayuu yidhi Wasiir C/laahi Ciro.

Wasiir C/laahi Cirro oo ka hadlayey dhacdadan ugu dambaysay cidda ka fulisay iyo cidda ka dambaysayba wuxuu yidhi; “Kiiskan ugu dambeeyey Axmed Cabdi Godane iyo Mukhtaar Al-Mansoor Roobow labadoodaasi ayaa abaabulkiisa lahaa, halkan ninka isaguna abaabulaha koowaad ka ahaa waxa la yidhaa Cabdifataax Cabdilaahi Guutaale oo Green Card mareykan ah sita inuu sax ahaa iyo in kale mooyaane Baasaboor Soomaali ahna laba jeer kaga soo degay marna Airport-ka Hargeysa kagana dhoofay labada goorba Baasaboorka, waa isla kii hase yeeshee, Magaca ayaa kala beddelen, marna waxa u qoran Cabdilaahi Guutaale, marna waxa u qoran Axmed Muuse iyo Nin-kale oo la yidhaahdo Nuur Sheekh Muxumed oo baxsaday iyo nimanka iminka arrintan u xidhan oo markaan maxkamada u gudbino aad xaqiiqdooda ogaan doontaan.”

Wasiirku waxa uu sheegay in aanay ahayn markii ugu horreysay ee Al-shabaab soo weerarto Somaliland, balse ay ka dambeysay weeraradii hore uga dhacay ee lagu laayey dad ajaanib ah oo hawlo samafal u joogay dalka.

Isaga oo arrimahaa ka hadlayana wuxuu yidhi; “Kooxda Al-shaabab markii ugu horreysay ee ay Somaliland soo weerarto maaha, waxay soo weerartay marar badan oo is-daba jooga weerarkii ugu horreeyey waxa uu dhacay 19/9/2000, waxay afduubeen gaadhi ay lahayd WFP, kooxdii Afduubtay waxa madax ka ahaa Nin-kii la odhan jiray Kuutiye ee kooxdii Dhoqoshay-na watay waxa ku xigay dilkii nin la odhan jiray Martin oo 30 Dec 2002 ee Huteel Star horteeda ka dhacay”

Waxaanu intaa raaciyay “waxa ku xigay dilkii dhacay 05/10 2003 oo Boorma ka dhacay ee Alaneli tonelli loo geystay, waxa ku xigay dilkii lamaanihii dugsiga sheikh oo isaguna dhacay 8 November 2003, waxa ku xigay dhacdadii lacagta ahayd ee Wajaale laga dhacay 22 Novenber 2003, waxa ku xigay dilkii gabadhii Sawaaxiliyada ahayd ee lagu dilay tuulada la yidhaahdo Diin-qal 19/3/2004, waxa ku xigay miino aad u fara badnayd oo lagu qabtay Hargeysa 27 April 2006, waxa ku xigay hawlgal ballaadhnaa oo lala doonayey goob-joogayaashii doorashadii Barlamaanka oo Xamar laga soo abaabulay oo nimanka Al-shabab Madaxda ka ah gaar ahaan Aadan Xaashi Cayrow iyo ninka layidhaahdo Axmed Cabdi Godone, Ibraahim Jaamac Meecaad ay soo abaabuleen kaasina waxa uu dhacay 22 September 2005, waxa kooxda madax u ahaa Axmed Cabdi- Godane waagaas ayuu ka baxsaday Somaliland intii ka danbeysayna waa Madaxda Sare ee Al-shabaab.”Ayuu yidhi wasiirku

Waxaanu ugu dambeyntii wasiir C/laahi ciro yidhi “Cadowga Somaliland ee ilaa maalinta hore ilaa maanta waxa kiisas ah ee is-daba jooga ah cidda ka masuulka ah ee aan caalamkana u sheegaynaa, ummada Somaliland-na aanu u sheegaynaa ee aanu leenahay waa cadowgiina 1-aad ee ogaada Waa Al-shabaab , iyaaga Madax ka ah maalintii dhawayd markii ay arrintani dhacday waxa uu ina Cabdi- Godane ku khudbadeeyey Waajibaad ayaa la soo gutay aad iyo aad ayey ugu riyaaqeen, waxa isaguna ku jiray Xasan Turki,” ayuu yidhi Wasiirku.

Furitaanka Xafiiskii Somaliland Ee Kenya Oo Muddo Sannad Ah u Xaniban Kharash La’aan Iyo Dawlada Kenya Oo Ruqsadii Kala Noqonaysa, Wasiir Cawilna Waxa Uu Nairobi Ka Dhistay Laba Guri Oo Ay Dhex yaalaan Gawaadhi Uu Ku Jiro Prado Aanay Rasaastu Karin


Cawil
(Somaliland.Org) – Dawladda Kenya ayaa qarka u saaran inay rukhsaddii kala noqoto xafiis ay hore u ogolaatay in ay dawladda Somaliland ka furato caasimadda Kenya ee Nairobi, kadib markii ay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland la daahday sidii ay uga furan lahayd Nairobi ee uu u noqon lahaa mid taabo galay.

Ilo xog-ogaal ah oo arrinta aanu ka waraysanay ayaa waxay noo sheegeen in dawladda Kenya iyo ta Somaliland ay muddo hore isku af-garteen in midba ta kale ka furato xafiis martabad diblomaasiyadeed leh. Waxaana wakhtiyada qaarkood ku sugnaan jiray magaalada Hargeysa sarkaal ka tirsan dawladda Kenya, kaas oo xafiis ku lahaa caasimadda dalkan ee Hargeysa.

Waxa kale oo jirtay in wasiirka Maaliyadda Cawil Cali Ducaale uu in badan isku taxalujin jiray in uu noqdo wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya, balse uu arrintaas marwalba ka diidi jiray Madaxweynihii geeriyooday ee Somaliland Marxuum M. I. Cigaal. Hase yeeshee xidhiidhka Somaliland iyo Kenya waxa uu noqday mid sidii hore dhaama kadib markii uu Madaxweyne Riyaale booqasho ku tegay dalkaas sannadkii 2006 iyo waliba markii wakiilka Somaliland ee fadhiya dalkaasi loo magacaabay Mr. Maxamed Axmed Nuur (Indho-Buur), kaas oo la sheegay in uu yahay nin asal ahaan ka soo jeeda Somaliland balse ku dhashay Kenya.

Haddaba siday ilo-haasi xog-ogaal ahi noo sheegeen furitaanka xafiiska Somaliland ee Nairobi waxa uu muddo sannad ahba u xanibnaa ilaa haddana u xaniban yahay kharashkii lagu diyaarin lahaa xafiiskaasi haddii ay tahay dhinaca qalabka iyo haddii ay tahay dhinaca kirada la sii qadimoba.

Ilohaasi waxay sheegeen in kharashka ku bixi lahaa fulinta xafiiskani aanu qiyaas ahaan ka badnaadeen $50,000 (konton kun oo dollar). Waxayse intaas ku dareen in kharashkaasi aanu macno lahayn marka la barbar-dhigo hawlaha ahmiyadda weyn leh ee uu xafiiskani Somaliland uga qaban lahaa caasimadda Kenya ee haatan noqotay xarunta laga unko lagana hago siyaasadaha diblomaasiyadeed ee dunidu kula dhaqanto dalalka mandaqadda Bariga iyo Geeska Afrika.

Dhinaca kale wasiirka Maaliyadda ee Somaliland Cawil Cali Duaale ayaa waxa uu laba guri oo qurux badan ka dhistay xaafadda Haligham State, Chaka Road, Studio House Ave, ee magaalada Nairobi.

Labadan guri oo aanu sawiradooda hayno, waxa la sheegay inay ku yaalaan mid ka mid ah xaafadaha ugu dhulka iyo guryaha qaalisan magaalada Nairobi, isla markaana kaamboolka ay ku wada yaalaan lagu dhex arko dhawr gaadhi oo mid ka mid ahi yahay Toyota Prado, kaas oo sida la sheegay ah nooca aanay rasaastu karin.

Hase yeeshee waxa la xaqiijiyay in gaadhigaasi uu wasiir Cawil kala soo degay dibadaha iyada oo loo soo mariyey Cadan-Mambasa oo dhinaca badda ah.

Xigasho Haatufnews

Xaflad Garabka Haweenak KULMIYE Ee West LONDON Soo Qaban Qaabiye

Midig: Gudoomiye Ibrahim Hussein,XildhibaanAxmed Weyne iyo Abdixakiim Sulub,

Xafladdii garabka haweenka xaafada West London ee KULMIYE ay ku qabatay kuna so dhawayeen Marwo Amina Waris oo ah Marwada Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE isla markaasina ah musharaxa madaxweynaha xisbiga KULMIYE doorshada sosocota 2009.

Xafladaasi oo ay ka soo qaybkaleen martishaf ay ka mid yihiin xildhibaan axmad weyne oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland, gudida fulinta UK iyo xubno kale ka tirsan xisbiga iyo tageerayaal farabadan oo xisbiga KULMIYE ah

Xaflada waxa dadihinayey oo magrafoonka xidhidhinaayey cabdi xakiim sulub oo ka tirsan gudida iyo odayasha xaafada west London .

Waxalagu so dhaweeyey gudoomiyaha Gudida Fulinta UK Ibrahim Hussein oo halkaasi warbixin guud ka jeediyay ugana waramay Marwo Amina Waris iyo martika da kale oo ka mid yahay Axmad Weyne iyo tageerayasha kale xisbiga kaalinta ay kaga jiraan garabka haweenka West London arimaha xisbiga UK iyo wax qabadka laanta gudo iyo dibadba.

Inta dabadeed waxa magrafoonka lagu so dhaweyay xildhibaan axmad weyne oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland oo halkaasi uga mahadnaqay haweenka xaflada qaban qaabiyay . Mahadnaq dabadii wuxu cambaareyey qaraxyadii ka dhacay Hargeysa ee geystay dhaawac iyo dhimasho kuna tilmaamay ismidaamin lagu mijaxabinayay qaranimada Somaliland.,iska oo hadalkaasi si wata waxa u si guud uga

Hadlay kaalinta waxa qabadka haweenka reer Somaliland gudo iyo dibadba.

Marwo Amina Weris

Sido kalana wuxu si faahfahsan uga hadlay golaha wakiilada Somaliland qaabdhismeedkiisa iyo wax qabadkiisa. Wuxu sheegay sababaha hortaagan waxyaabi laga filayey in u qabto golaha wakiiladu kuwaasi u ku tilmaamayo in ay ugu wacantahay Xukuumada Somaliland iyo golaha guurtida iyo maxkamada distoorka ah.Wuxu sheegay in go’aamada ay gadhaan golaha wakiiladu aanay intooda badani dhaafin golaha guurtida , haddii ay dhafaana aanu Madaxweynuhu hirgalinayeyn. Waxa kale uu sheegay in aanay maxkamadu qaranku madaxbananayn

Waxa ugu dambayntii magrafoonka lagu so dhaweyay Marwo Amina Waris si balaadhan ugu mahadnaqday haweenkii so qaban qaabiyay xaflada sodhaweynta oo ahogaminayeen Caasha Aayban iyo Sabaax Xusseen Dhalaax, Inta dabadeed waxay ka hadalshay kaalinta haweenka Somaliland meelkasta oo ay jogaan iyo waxa qabad kooda waxa ku oolka ah. Waxay ku nuuxnux-satay waxyaabaha looga bahan yahay inay ka qayb qataan xagga horamarka,dhaqaalaha,dhismaha bulshada iyo hogaanka dalka siiba xisbyada qaranka Somaliland,golaha wakiilada iyo xildhibaanada deeganada

Waxaana ay sheegtay in haweenka Somaliland ay yihiin lafdhabarta axsaabta qaranka, ha noqoto mid dhaqaale amaba mid codbixineed.

“KULMIYE waa xisbiga qudha ee ay haweenka Somaliland ku muu jiyeen waxa qabadkooda, taas oo aad ka milicsan karto marka aad eegto xidhibaanada golaha wakiilada iyo degaanka laga soo doortay., ee ka soo baxay KULMIYE, oo kala ah xildhibaanad Ikraan Xaaji Daa’uud oo golaha wakiilada loo soo doortay iyo xildhibaanad Ina Xaaji Gaydh oo ah maayar ku-xigeenka gabiley” loo soo doortay” ayey tidhi Amina Waris

Waxay ku dhiiri-galisay haweenka in ay raadsadaan hogaanka dalka Somaliland kaalinta ay xaqa u leyihiin , kana muqdaan saaxada siyaasadeed distuurku u ogol yahay.Waxay aad iyo aad ugu dheeraatay haddii u xisbiga KULMIYE qabto hogaanka dalka ay madaxabananeyaan maxkamada qaranka distuurika ah iyo golaha wakiilada si ay hawshooda ugu madaxbananadaan.Iyo in cashuurta ka so baxada dekada Barbara iyo kastamka gabiley aanay dib ugu dhici doonin khasnada madaxtooyada ee ay ku shubi dooonaan khasnada dhexe ee dawlada ( tressury department).oo hantidhawarka guudna madaxbanaani iyo awood buuxda lasiiyo si ay u hantidhawaraan khasnada iyo kharashyada wasaaradaha dawlada

Waxay sido kale ka hadashay sida haddi KULMIYE qabto u waxa badan ka qaban doono cadaalada iyo maxkamada dalka ee tayadoodu aad iyo aad u liidato

Gabagabadii shirka waxaa lagu doortay loona doortay Caasha Aayban Gudoomiye iyo Sabaax Xusseen Gudoomiye-xigeenka garabka haweenka westlondon.

Somaliland.Org Nes Desk

Tacsi uu Dirayo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

Tacsi uu Dirayo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. AHMED MAXAMED SILAANYO, isaga oo ku hadlaaya Magaciisa, kan Xubnaha Xisbiga iyo taageerayaasha, waxa uu Tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo eheladii ay ka baxday Marxuumad, Cibaado Cali Xasan oo Sabtidii 22/11/2008 ku geeriyootay Magaalada Magaalada Burco. Guddoomiyuhu wuxuu si gaar ah uga tacsiyeynayaa Geerida Marxuumadda, Mataan Xuseen Geelle.

Guddoomiyuhu waxa uu ilaahay uga baryayaa, inuu janadii Fardawsa marxuumada ka waraabiyo,eheladii iyo intii ay ka tagtayna samir iyo iimaan ka siiyo. AAMIIN…

Xaflad Ah Garabka Haweenka Ee Xisbiga, Waa Maalintee? Maalintintu Waa Sabtida Bisha Nov 22,2008 Saacaduna Tahay 5.00 Galabnimo, Oo Goobtuna Dee Waa Halkee? Haa, Goobtuna Waa Hee,OAK TREE COMUNITY CENTER, OSBORNE ROAD, ACTON W3

Waxaa dhamaan muwaadiniintaa reer Somaliland eek u dhaqan London la ogaysiinayaa in Sabtidan oo ay tariikhdu tahay 22ka bisha November ay ka soo qayb galaan shir aysoo qaban qaabiyeen Garabka Haweenka ee xisbiga KULMIYE UK. Shirkan waxaa inoogu marti yihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliland oo ay ka mid yihiin:

1. Xildhibaan: Axmed Weyne
2. Xildhibaan: Pr Mohamed Omar Jiir
3. Xildhibaan: Axmed Nacnac
Waxaa kale oo shirkaa inoogi marti ah Marwada Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Marwo Amina Weris Sheikh Mohamed Jirde.
Shirkan oo lagu falaqayn doono arrimo badan oo ay ka mid yihiin falalkii rgagaxiso ee foosha xumaa ee dhawaan ka dhacay caasimada Somaliland, Hargeysa wuxuu ka dhacayaa:

Maalinta: Sabtida 22 November 2008
Wakhtiga: 5PM
Goobta: OAK TREE COMUNITY CENTER, OSBORNE ROAD, ACTON W3

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo qaabiley Wefti ka socda dowladda Jabuuti

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo qaabiley Wefti ka socda dowladda Jabuuti

Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyaha Xisbiga ugu weyn mucaaridka Somaliland ee KULMIYE, mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay weheliyaan xubno sare oo ka tirsan hoggaanka xisbiga ayaa saaka kulan kula yeeshay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, Wasiirka Maaliyadda Jabuuti, mudane Cali Faarax Casoowe iyo wefti uu hoggaaminayo oo booqasho saddex maalmood ah ku yimi dalka Sabtidii.

Kulanka masuuliyiinta xisbiga iyo weftiga Jabuuti oo aanay saxaafaddu goobjoog ka ahayn ayaa kadib xubno ka tirsan masuuliyiinta xisbiga oo kulankaa ka qaybgalay waxay Somaliland.org, u sheegeen in Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE uu weftiga u jeediyey hadal kooban, isaga oo uga mahadnaqay weftiga wasiirka booqashadooda ay ku yimaadeen Somaliland, taas oo uu sheegay inay muujinayso xidhiidhka wanaagsan iyo isu soo dhowaanshaha labada ee walaalaha ah, isla markaana xisbi ahaan ay soo dhoweynayaan wixii iskaashi iyo wada qabsi ah ee dhexmaraya labada xukuumadood ee Somaliland iyo Jabuuti iyo labada dal guud ahaan. Waxana uu guddoomiyuhu si gaar ah u tilmaamay khataraha badan ee ka taagan mandaqadda oo loo baahan yahay in iskaashi laga yeesho.

Waxa kale oo la sheegay in Guddoomiyuhu ugu hambalyeeyey dowladda Jabuuti iyo Madaxweynaheeda, mudane Ismaaciil Cumar Geelle waxa dalkooda u qabteen iyo guulaha ay ka gaadheen dhinaca horumarinta. Isaga oo sidoo kalena ku ammaanay sida ay wax ula qabtaan Soomaalida Soomaaliya ee ay dagaalada iyo dowlad la’aantu baabi’iyeen iyo weliba kaalinta muuqata ee ay kaga jiraan arrimaha Gobolka.

Guddoomiye Axmed Siilaanyo, waxa kale oo uu ka hadlay dedaalka aqoonsi-raadiska Somaliland iyo hiilka ay ka filaysey, welina ka filayso walaalaheeda Jabuuti, balse, waxa uu sheegay in aanay khasab ahayn in markasta danaha iyo duruufaha dowladuhu ay is waafaqaan, isla markaana loo baahan yahay in la isugu dulqaato qardoofooyinka marmar ka dhasha kala duwannanshaha danaha iyo duruufaha labada dowladood ee deriska iyo walaalaha ah.

Dhinaca kale, nin u hadlay weftiga Jabuuti ayaa isaguna uga mahadnaqay masuuliyiinta xisbiga KULMIYE sida uu u qaabiley iyo soo dhoweynta uu u fidiyey, waxayna sheegeen in dowladdoodu ay diyaar u tahay inay wax la qabsato Somaliland.

Kulankaa waxa guddoomiyaha ku weheliyey, Guddoomiyekuxigeenka 1aad ee xisbiga, Muj. Muuse Biixi Cabdi iyo xubno kale oo ka tirsan xsbiga.

Weftigani waxay isla maanta la kulmeen Madaxweyne Riyaale oo ku qaabiley qasriga Madaxtooyada.

Sida uu sheegay warsaxaafadeed kooban oo uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, weftiga iyo mudane Riyaale waxay ka wadahadleen iskaashiga dhinaca dhaqaalaha iyo nabadgelyada, waxana uu intaas ku daray in weftiga Jabuuti ay soo gaadhsiiyeen Madaxweyne Riyaale dhambaal tacsi iyo taageero ah oo ay uga sideen Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Weftigan oo la filayo inay berrito dalka ka ambabaxaan si cad looma oga ujeeddada socdaalkooda, waxayse warar xog ogaal ahi sheegayaan in weftigan uu ka mid yahay Maalqabeenka Sucuudiga ah ee dhisay Maxjarka Jabuuti, Al Yaasir, kaas oo ay doonayaan in xukuumadda Riyaale heshiis cusub kula gasho dhoofka xoolaha nool ganacsadahaas, kadib markii ay isku dhaceen ganacsadihii hore ee ay kootada ugu xidhay dhoofka Xoolaha, Al Jaabiri.

xigasho/  Somaliland.org, Hargeysa.

Taariikh Nolaleedkii Marxuumka Halyayga Ahaa EBBE Naxriistiisa Wanaagsan Janada Fardowsa Ha Ka Waraabiye Marxuum Yusuf Aw Maxamed Cali Xayd ( Yusuf Tuke )

Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali (Tuke)

Intay doonto ha qaadato, maalin baa iman doonta Somaaliland laga aqoonsado oo looga dabaal dego daafaha dunida oo dhan, waxaynu u baahanahy inaynu la nimaadno, dawlad wanaag, dimuqraadiyad, cadaalad, iyo adkaysi” Waa erayadii aan afkiisaa ka maqlo markii muuqiisa iigu dambeysay.

Xildhibaan Yusuf Aw-Maxamed Cali-Xayd (Tuke) wuxu ahaa halgamaa, aqoonyahan iyo indheer garad bislaaday oo qaranka Somaliland aanu hilmaami doonin. Wuxu ahaa geesi ku sifoobay hawl kar nimo, hal adayg, daacadnimo, deeqsinimo iyo han durugsan. Wuxu ka mid ahaa aqoonyahanadii la kowsday dhidibada-na u taagey halgankii qadhaadhaa ee lagu hantiyey dib ula soo noqoshada qaranimada Somaliland ee dhiiga badani ku daatay.

Alle ha u naxariistee Xildhibaan Yuusuf -Tuke 11/11/08 maalintii taladaada ahayd ayuu ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay agagaarka degmada Waridaad ee gobol Saraar isago ku guda jira hawl qaran. Waxana marxuumka maanta November 12-dii 2008 oo Arbaca ah aas qaran iyo baroor diiq loogu sameeyey magaala madaxda gobolka Togdheer ee Burco. Sida ay ii sheegeen dad goob joog ahi waxa aaska marxuumka iyagoo ka tiiraanyeysan ka qayb galay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan hay’adaha dawliga ah sida Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamud iyo madaxda sare ee xibigaas, Gudoomiyaha golaha wakiilada C/ramaan Cirro, gudoomiyaha golaha guurtida Sulayman Maxamuud Aadn , wasiirka arimmaha debadda C/llahi Maxamed X. Ducaale iyo madax kale waxa kale aaska marxuumka kasoo qayb galay kumanyaal dadweyne ah oo ka kala yimi dalka gudihiisa iyo debadiisaba. Qof kasta oo maqla geerida Mujaahid xildhibaan Yuusuf-Tuke waxay ku abuurtay argagax iyo murugo, balse waxa qof kastaa isku qanciyey inay geeridu xaq tahay oo qof walba huran.

Hubaal waxa ah oo aan ka cudur daaranayaa inaanay suurto gal ahayn in maalin iyo labo toona lagu soo koobo macluumaadkii iyo sooyaalkii taariikeed ee Muj. Xildhibaan Yusuf Maxamed Cali(Tuke) Sidoo kale bogag xadidan laguma soo koobi karo sooyaalkii taarikheed ee marxuumku lahaa. Laakiin waxaan halkan idiinku soo gud-binayaa intii ilaa hadda ii suurtagashay inaan soo ururiyo, macluumaadkaas oo qaybo ka mid ah aan waydiiyey shakhsiyaadkii ay marxuum Yuusuf aadka isugu dhowaayeen, macluumdka qaarkoodna waa wixii aan ka xasuusto intii aan aqaanay Mujaahid Tuke. Haddi aad markaa tebtaan in badan oo taariikhda Tuke ee aan la koobi karin ka maqan ha la’ii dulqaato.

Alle ha u naxariistee Mujaahid Xildhibaan Yuusuf Aw-Maxamed Cali-Xayd(Tuke) wuxu kasoo jeedaa qoys ehlu diin ah oo aad looga yaqaan gobolada Sanaag, Togdheer iyo Sool. Wuxu bishii July 23-keedii sanaddii 1951-kii ku dhashay degmada Garadag ee gobolka Sanaag. Yaraantiisii wuxu ku barbaaray degmada Garadag.

1958kii ayuu galay malcaamada degmada Garadag. 1959-kiina wuxu bilaabay waxbarashada dugsiga hoose ee degmada Garadag taas oo uu dhamaystay sanadkii 1962kii. Ka dibna wuxu 1963-kii u wareegay dugsigii dhexe ee Dayaxa oo uu dhamaystay sanadkii 1966-kii. Marxuumku wuxu waxbarashadii sare ku dhamaystay dugsiga sare ee Faarax Oomaar ee magaalada Hargeysa sanadihii 1966-kii-1970-kii.

Dhamaadkii 1970kii ayuu marxuumku tababar macalinimo oo lix bilood ah (intensive course) kaga qayb galay kulliyadii waxbarashada ee Lafoole. Muddo labo sano ku dhow ayuu macalin nimo ku soo shaqeeyey kadibna wuxu 1973kii bilaabay kuliyaddii waxbarashada ee Lafoole isagoo ku takhasusay cilmiga xisaabta wuxuna Lafoole dhamaystay sanadkii 1976kii. Dhamaadkii 1976-kii ilaa dhamaadkii 1978-kii wuxu macalin ka noqday dugsiga sare ee Banaadir ee magaalda Muqdishu sidoo kale is la sanadahaas wuxu part time- ahaan ugu shaqayn jiray idaacadii radio Muqdisho isagoo u turjumi jiray wararka luqadda ingiriisi-ga kaga baxa idaacadaha caalamiga ah. Wixii ka dambeeyey 1978-ki ilaa badhtamihii 1981-kii wuxu madax ka noqday qaybta protocol-ka ee xafiiskii Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somalia Gen. Ismail Ali Abokor.

Badhtamihii sanadkii 1981-kii ayaa wefti uu mrxuumku ku jiray loo diray Geneva. Ka dib markii marxuumku arkay dilkii, tacadigii, xaqdaradii, dulmigii, cabudhintii, xadhigii iyo dhibaatadii isa soo taraysey ee lagula kacayey shacbigii iyo madaxdii kasoo jeeday Somaliland ayaa dareenkii feejignaa iyo geesinimadii Muj. Yuusuf go’aansatay inaanu kasii mid noqon dibna ugu laaban taliskii macaggaga ahaa ee xalaashaday kuna mamay maalka iyo dhiiga dadka iyo dalka Somaliland ee uu marxuumku kasoo jeeday. Ka dib marxuumku wuxu tegay dalka boqortooyada Sucuudi Arebia oo uu magan gelyo siyaasadeed waydiistay wuxuna Sucuudiga ku noolaa ilaa sanadkii 1983-kii wuxuna intii uu Suciidiga joogay qayb wax ku ool ah ka qaatay abaabulkii iyo aasaaskii dhidibada loogu taagay ururkii Dhaqdhaqaaqa wadaniga Somaliland SNM. Sanadihii 1983-1984 waxa marxuumku jaamacad ka galay magaalada Liverpool ee cariga Ingiriiska halkaas oo uu ka qaatay diblooma dhinaca maamulka ah. Dhamaadkii 1984-kii waxa marxuumku usoo wareegay magaalada London wuxuna wax kaa aasaasay madax-na ka noqday urur u dooda xuquuqda dadka waaweyn oo la yidhaahdo Age Concern kuna yaalay London. Isla Sanadkaas ayaa loo magacaabay afhayeenkii Ururka SNM qaybtiisa London wuxuna qayb wayn ka qaatay inuu siyaasadihii qalafsanaa ee dawladdii digtaa tooriga ahayd xidida u siibo kuna fashiliyo wadanka Ingiriiska ee uu ku noolaa.

Muddo ka dib waxa Muj. Xildhibaan Yuusuf ku adkaatay inuu isku wado shaqadiisii gaarka ahayd iyo hawlihii uu hayey Ururkii SNM, wuxuna go’aansaday inuu faraha ka qaado shaqadiisii gaarka ahayd una banbaxo oo u go’doomo hawlihii halganka. Waxa 1986kii Marxuumku noqday afhayeenkii guud ee ururkii SNM wuxuna jagadaas hayey ilaa 1989kii. Sanadkii 1990kii markii Ururka SNM shirka ku qabsaday Baligubadle ee lagu doortay hogaankii Muj. C/raxmaan Axmed Cali(TUUR) waxa marxuumku xubin ka noqday golihii dhexe ee ururkii SNM isla mar ahaantaana waxa loo magaacabay xoghayihii ama wasiirkii ganacsiga jagadaas oo uu hayey tan iyo markii ay Ururka SNM gacanta ku dhigeen ee ay xoreeyeen gebi ahaanba gobolada Somaliland. Markii dalka SNM xoraysay wuxu marxuum Xildhibaan Yuusuf door lama ilaawana ka qaatay shirarkii nabadaynta ee u dhexeeyey beelihii SNM taageeri jiray iyo beelaha kale ee dega Somaliland sida shirkii Berbera iyo Yagoori.

1991-kii wuxu ka qayb qaatay shirkii aayo ka tashiga beelaha Somalilnd ee lagu qabtay magaala Burco halkaas oo lagu go’aamiyey dib ula soo noqshoda Somaliland ee luntay markii marxuumku ahaa 9 jirka. Markii la dhisay dawladii ugu horaysay ee Somaliland ee madaxweynaha ka noqday C/raxman Axmed Cali waxa Muj. xildh. Yuusf-Tuke loo magacaabay wasiirkii madaxtooyada Somalilad jagadaas oo uu hayey ilamaa badhtamihii 1992kii. Dhamaadkii 1992kii waxa marxuumku hormuud ka ahaa qayb libaaxna ka qaatay shirkii nabadaynta beelaha danwadaag Bari ee H/Jeclo iyo Dhulbahante oo ka dhacay deg mada Garadag oo marxuumku dhalasho ahaan kasoo jeedo.

Sanadkii 1993-kii waxa marxuumku ka qayb galay shirwaynihii labaad ee aaya ka tashiga beelaha Somaliland ee ka dhacay magaalada Boorame laguna soo dhisay dawladii uu madaxda ka ahaa marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal. Inkastoo oo aanu marxuumku wax xil ah ka qaban dawladii Cigaal hadana marnaba kama nasan hawlaha qaranka lagu hor marinayo wuxuna dhamaadkii 1993-kii ilaa horaantii 1994kii ka qab galay shirkii Ceerigaabo ee lagu heshiisiinayey beelaha wada dega gobolka Sanaag. Sanadihii 1995-1996kii wuxu door laba lama ilaawaan ah ka qaatay dadaaladii lagu soo afjaray dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay. Markii la furay nidaamka axsaabta badan ee dastuurkeenu jideeyey Muj. Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali(Tuke) wuxu ka mid ahaa asaasayaashii xisbigii ASAD ee uu Suleiman-Gaal madaxda ka ahaan, markii xisbiga Asad uu ku hadhay doorashooyinkii degaanka, marxuumku wuxu ka mid ahaa garabkii xisbiga ASAD ee ku bii xisbiga talada haya ee UDUB. Hase yeeshee marxuumku kuma raagin xisbiga UDUB ka dib markii uu udkaysan waayey nidaamka qalafsan ee uu madaxweyne Riyaale wax ku maamulayey. Marxuumku wuxu ka dib 2005 ku biiray Xisbiga mucaaradka ee KULMIYE. Markii la qabtay doorashooyinkii golaha wakiilada isla sanadkaas, alle ha u naxariistee marxuumku wuxu ka mid noqday 82kii– murshax ee xisbiga KULMIYE u soo xulay inay ka qayb qaataan tartakii loo gelayey aqalka wakiilada isagaoo ka sharaxnaa gobolka Sanaag. Natiijadii doorashadana alle ha u naxariistee waxa marxuumku ka mid noqday 28kii mudane ee xisbiga KULMIYE ku guulaystay isagoo marxuumku gobolka Sanaag ka helay codadkii ugu aqlabiyadda badnaa.

Markii la sameeyey gudiyadii golaha wakiilada, alle ha u naxriistee marxuumku wuxu gudoomiye u noqday waaxda arimaha debadda, jagadaas oo uu ilaa hadda hayey. Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali (Tuke) waxa uu ka mid ahaa h oo uu hogaaminayey xildhibaanadii ka koobnaa saddexda xisbi qaran ee hawsha shaqo ku yimi bishii march ee 2008 guriga baarlamaanka wadanka Ingiriiska, isgoo isla bishaas aakhirkeediina booqasho shaqo ku tegay wadanka Norway, halkaana uu kula kulmay madax ka tirsan wadanka Norway iyo jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadanka Norway.

Dadka aadka u yiqiin shakhsiyada Xildhibaan Yuusuf waxay ku tilmaamaan inuu ahaa nin geesi ah, hal adag, deeqsi ah, bulshaawi ah oo had iyo goor faraxsan. Wuxu ahaa nin aan xaqiiqada ka gaban hadday mur ka qadhaadhay. Alle ha naxriistee Xildhibaan Yuusuf wuxu ahaa nin naxariis badan oo dadka ay is yaqaaneen iyo eheladiisuba aad u jeclaayeen. Marxuumku wuxu ifka kaga tegay 5 caruur ah laba wiil iyo saddex gabdhood iyo xaas.

Walow uu maanta xijaabtay nagana hooseeyo, haddana sooyaalka taariikhda dahabiga ah iyo wadaniyaddii Muj. Xildhibaan Yuusuf Aw-Maxamed Cali-Xayd waa mid aan jiilka jiilkiisa la ilaawi doonin oo intii noolba la nool. Ilaahay naxariistiisa janno hakaa waraabiyo, qabrigana ha kuu nuuro anaga samir iyo iimaan ha naga kaa siiyo

Abdillahi H. Bullaale Ali

Miniappolis, Minosota