Archive for December, 2008

Xisbiga UDUB Oo Ku Fashilmay Inay qabsadaan Shirweynihii xisbigooda Ayaa Si Qarsoodi Ah U Qabanqaabinaya Shir Aqal Madow Loogu Yeedhayo Dad Gaar Ah.

| News | Edit Post I Visit www.kulmiye.org

Hargeysa, Somaliland (kulmiye.org)- Warar xogagaal ah oo aad loogu kalsoonyahay ayaa galabta noo xaqiijiyay in si hoos ahaan kaardhadh loo siiyay dad gaar ah oo ka soo qaybgalaya wax lagu tilmaamay inuu yahay shirweyne xisbiga UDUB uu ku dooranayo musharaxa madaxweyne iyo musharaxa madaxweyne ku xigeenka oo kala ah Dahir Rayaale Kaahin Iyo Axmed Yusuf Yasin
Wararkaas oo aanu ka helnay xubno sare sare oo ka tirsan xisbul xaakimka UDUB iyo madaxtooyadaba ayaa noo xaqiijiyey in si hoos ahaan ah loogu qaybiyey kaadhadh dad yar oo gaar ah loogu soo casumayo shirkaa qarsoodiga ah ee xisbiga UDUB.

Ilaha aanu ka helay xogtaas ayaa noo xaqiijayay in madaxweyne Rayaale yahay musharaxa kaliya ee madaxweynaha halka Axmed Yusuf Yasina yahay musharaxa madaxweyne ku xigeenka. Xubin ka tirsan golaha fulinta xisbiga UDUB oo ka gaabsada in magaciisa la sheego ayaa in si cadho leh noogu sheegay in arintani tahay cadaalad darro iyo shuruucdii xisbigan oo la baalmaray xisbiganina uu afduubanyahay Daahir Rayaale Kaahin iyo Bulaale oo u ku shaqaysanaayo. Xubintaas golaha fulinta UDUB ayaa noo xaqiijiyay wararka ay hayaan illa hada in Daahir Rayaale shirkaas ka yahay gudoomiye illa hadana cid isla sharxi kartaa aanay jirin.

“Waxay arintani ay ceeb weyn ku tahay shuruucdii iyo nidaamkii xisbiyada oo madaxweynuhu uu ku tumanayo xeerarkii xisbiga u yaalay, waxaanay ka soo horjeedaa xeerarka xisbiga UDUB iyo distoorka Somaliland-ba” Sida waxaa noo sheegay nin isku tilmaamay inuu ka tirsan yahay xisbiga isna golha fulinta xisbiga UDUB illa imikana aan helin wax casuumada ah. Xeerka xisbiga ayaa dhigaya in marka shirweyne la qabanayo ay tahay in la magacaabo guddi qabanqaabo oo madax banaan oo shaacisa mudada shirka la qabanayo, madasha iyo qaabka ay u dhacayso doorashada xisbiga dhexdiisa. Waxaa xeerka u yaal xisbiga UDUB uu dhigayaa in si sinaan iyo cadaalad ah loogu soo tartamo mansabyada musharaxnimada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka xisbiga oo ay ka mid yihiin shakhsiyaadka isu soo taagi doona jagooyinka Madaxweynaha iyo Ku xigeenku.

Talaabadaas iyo falalkaas Madaxweynuhu ku kacaayo waxay xisbiga UDUB u horseedi kartaa burbur weyn oo kaga yimaada xubniha iyo taageerayaashaba . Madaxweyne Rayaale oo ay caado u tahay inaanu ku socon xeerarka dalka u yaal sida distoorka qaranka ayaa sida la wada ogyahay wax ka joojin kara talaabadan qarsoodiga ahna aanay jirin.

Axmed Dayr Jamac

Kulmiye.org, Hargeysa

Lieutenant-Colonel Eric Wilson,VC Officer who defied his wounds to man his machine gun in the face of overwhelming odds.

Lieutenant-Colonel Eric Wilson,

VC

Officer who defied his wounds to man his machine gun in the face of overwhelming odds.

Lt-Col Eric Wilson

Photo: CHRISTOPHER COX

Lieutenant-Colonel Eric Wilson, who died on December 23 aged 96, was awarded a Victoria Cross for his gallant defence against a large Italian force during the East African campaign in August 1940; the award was originally posthumous since Wilson was thought to have been killed in action.

When the Italians, with 350,000 troops in Abyssinia and Eritrea, invaded British Somaliland, which was defended by 1,500 men, they threatened control of the entrance to the Red Sea and British positions from Aden to Suez. As they headed for Berbera, on the coast, a meagre Allied force began to search for a defensive position. Most of the terrain was flat, but parallel to the sea lay the rugged Golis hills, with an 8,000ft pass, where the Allies chose to make their stand.

Wilson, an acting captain with the Somaliland Camel Corps, was given the vital task of siting the corps’ machine guns on four small hills of the Tug Argan Pass – named Black, Knobbly, Mill and Observation – though they were too widely separated to cover their entire vista. Placing himself on Observation, which commanded the widest arc of fire, he was tremendously exposed on a position well-known to Italian truck drivers who had driven past it daily before the declaration of war.

As two battalions of Blackshirts, with three brigades of colonial troops and artillery, appeared on all sides on the morning of August 11, Wilson’s machine gun received a hit which knocked it off its mounting – though he and his three Somali gunners soon had it back in action. Then another shell came straight into the embrasure of their post, killing the Somali sergeant standing next to Wilson, and severely wounding Wilson himself in the right shoulder and left eye; his spectacles were broken, and the fragments could be seen under his skin ever afterwards.

Repairing and remounting the gun, he poured down fire on enemy troops advancing on Mill Hill in the afternoon. This inflicted such heavy casualties that the Italians brought up a pack battery to within 700 yards which fired back over open sights until it was hit in turn by the defenders’ only artillery, the 1st East Africa Light Battery.

A heavy downpour of rain brought a respite. But next morning the Italians began to work their way in small parties up through the scrub, concentrating their field artillery on Wilson’s position. On August 13 the enemy overran the artillery position on Mill Hill. An order to withdraw was sent to Wilson’s company but never arrived. Next day, two of the other machine-gun posts were destroyed, yet Wilson, now suffering from malaria as well, kept his own post in action until finally overrun at 5pm.

On recovering consciousness he emerged from the crevasse which had sheltered the gun to find dead bodies all around, including that of his terrier. On walking down he met a white NCO, with whom he was then captured by the Italians.

When news of the action reached London, Wilson was believed to have been killed in the final assault, and his VC was gazetted two months later. But after medical treatment, he was put in a prison camp at Adi Ugri in Eritrea. Four months later a captured RAF officer was surprised to meet the “late” Captain Wilson, and informed him of his award. A few weeks later preparations were almost complete for a mass escape by tunnel when the prisoners woke up to find all their captors but the commandant gone before the arrival of British troops.

A tall, shy, nervous man whose mother described him as “such a dear boy and so timid”, Wilson received his medal from King George VI at Buckingham Palace; he said he did so on behalf of the men with him at the Tug Argan Gap.

Eric Charles Twelves Wilson, the son of the rector of Hunsdon, Hertfordshire, was born on October 2 1912 at Sandown on the Isle of Wight. His interest in East Africa was kindled by his grandfather, who had founded the Church Missionary Society in Buganda.

At Marlborough, where Eric was a fine athlete, he discovered a statue of Richard Corfield, who had perished fighting with Somalis against the Mad Mullah in 1913. He decided on a military life and, despite wearing spectacles, passed the Sandhurst entrance exam while still at school.

In 1933 he was commissioned into the East Surrey Regiment. Four years later he volunteered for the King’s African Rifles, supporting the colonial administration upcountry in Tanganyika and became a Nyassa speaker.

In 1939 he was delighted to be ordered to form 75 Somali conscripts into a company of machine-gunners with the Somaliland Camel Corps; the Somalis considered camels too precious to ride, keeping them for their milk and for transporting the Vickers machine guns. He formed the deepest admiration for his three NCOs, particularly Sergeant Omaar Kujoog, who was to be killed beside him.

After recovering from his wounds at Tug Argan, Wilson served in North Africa as adjutant of the Long Range Desert Group, demonstrating a knowledge of the desert which greatly aided its work behind German lines.

He then served in Burma as second-in-command of the 11th King’s African Rifles in the advance down the Kabaw Valley to the Chindwin. But after contracting scrub typhus he spent the rest of the war commanding an infantry training centre in Uganda.

Wilson retired from the Army in 1949 and became a colonial officer in Tanganyika (now Tanzania), where he became fluent in four Bantu languages before retiring with the granting of independence in 1961. The following year he was appointed deputy warden of London House, the foreign students’ residence, of which he was later warden (1966-77).

He was honorary secretary of the Anglo-Somali Society from 1972 to 1977 and organised relief for the famine that struck Somalia in 1975. He remained greatly attached to the Somali people, whom he would “back against all comers for cheerful toughness, natural aptitude and fieldcraft and the ability to stand up to a bad climate”.

His youngest son, the photographer Hamish Wilson, maintained the family link with the Somalis, fighting in 1991 in the war to establish a separate state of Somaliland in the north of the country. He was the only European present at the liberation of its capital, Hargeysa. He made a television programme about it, visiting and fighting at the same places as his father, and fighting alongside the children of men his father had known and fought with.

A keen countryman, Eric Wilson retired to Dorset, where he published Stowell in the Blackmore Vale in 1986.

He married first, in 1943 (dissolved 1953), Ann Pleydell-Bouverie; they had two sons. He married secondly, in 1953, Angela Gordon, with whom he another son.

In retirement Wilson found himself increasingly sought after as the oldest VC. He told Private Johnson Beharry, of the 1st Battalion Princess of Wales’s regiment, who won a VC in Iraq in 2005: “It will not make a difference to your life. You might get a few drinks, though.”

Eric Wilson kept a manila envelope containing his cuttings which ranged from a sober obituary in The Times to a lurid tale in the Daily Sketch with three headlines “Another Rorke’s Drift”, “First Africa VC Dies” and “Last Stand in the Desert”. There was also a dramatic eyewitness account of the action in

Source/The Daily Telegraph.

Waraysi Ay Shabakada Somalilandtoday La Yeelatay Xildhibaan Dr Axmed Maxamed Diiriye ( NacNac ) Oo Hada Ku Sugan Galbeedka Magaalada London

Main News
Waraysi Xiisa Badan oo Aannu La Yeelanay Xildhibaan Dr. Axmad Maxamed Diiriye (Nac Nac). Waraysigan oo ka dhacay guriga xildhibaanka oo ku yaalla galbeedka London wuxuu u dhacay sidan:

S. Marka ugu horreysa, adigu waad xanuunsatay intii aad socdaalka ku joogtay waddankan ingiriiska, markaa immika xaaladaada caafimaad siday tahay?

J. Xaaladayda caafimaad aad iyo aad bay u wanaagsantahy waana Ilaahay mahaddii oo nin iga nasiib badani maba jiro ayaan u malaynayaa waayo waxa la igu daweeyey qaybta wadno xanuunka soo boodada ah (Heart Attacks Unit) ee Hammersmith Hospital. Halkii Ra’iisal Wasaarihii hore ee Ingiriiska Tony Blair lagu daweeyey ayaa anna la i dhigay markaa ma nin iga nasiib badan ayaa jira. Waa Ilaahay mahaddii, waanaan caafimaad qabaa.

S. Haddii aad xisbiga KULMIYE tihiin maxaa ka yeelaysaan dadka badan ee Siilaanyo ka soo horjeeda siday doonaanba ha uga soo horjeedaane?

J. Markaad leedahay “dad badan ayaa Siilaanyo ka soo horjeeda” xageed adigu cabirka ka qaadanaysaa, maxaadse tix raacaysaa?. Waxaan u malaynayaa inuu hadalka uun halkaa kula xulay. Horta Nebigeenii suubanaa (CSW) ayaa markii Risaaladda loo soo dhiibay laga soo hor jeestay. Markaa in qof hoggaamiye ah laga soo hor jeesto wax lala yaabo maaha, laakiinse waxa wax lala yaabo ah hoggaamiye wixii uu yidhaahdaba ama sax ha noqoto ama qalad ha noqotee “HAA HEY” laga daba leeyahay; marka fikirkiisa laga soo horjeesto ee wax tusaaleeya la is-yidhaadana jeelka kuu taxaaba, taasaa wax lala yaabo ah.

Annagu [KULMIYE] waxaannu qabsanay laba shirweyne oo ummadda oo dhami goob joog u ahayd oo kana warqabtay. Waxa lagu soo doortay- waa shirkii Hargeysa eh- guddoomiye iyo guddoomiye-ku-xigeenkii xisbiga oo lagu loolamayey. Kii Burco isna waxa lagu baratamay murashaxiinta xisbiga ee madaxweyne iyo madaxweyne-ku-xigeen isu soo taagi lahayd inkastoo aan anigu markaas waddanka ka soo maqnaa. Si dimuqraadiyadi ku jirto ayey u dhacday oo cod ayaa lagu kala baxay, wixii is-maan dhaaf ah ee ka dhashayna waa la soo af-jaray immika ee bal UDUB ayeynu ka dhur sugaynaa siday shirweyne sida kaayaga oo kale ah u soo qabsato. Illaa iyo imminka waxa laga hayaa in hawlwadeen xisbiga UDUB ka tirsani yidhi“annaga waxa noo sharraxan Madaxweye Riyaale iyo Madaxweyne –ku-xigeekiisa” iyadoo aanay shirweyne weli qabsan. Hadda ka horna waxay yidhaahdeen shirweyne Qaranba (National Party Convention) uma baahnin.

KULMIYE wuxuu aaminsan yahay in fikradda lagu kala duwanaan karo, si caafimaad qabtana loo doodo oo la is-qanciyo taas ayaanu annagu adkayn doonaa haddii xisbigayagu talada qabto. Haddaad ha naga soo horjeesatana ku xidhimayno.

Bal su’aashaas aad aniga i weydiisay Daahir Riyaale weydii, nasiib baad leedahay haddii aad jeelka Mandheera ka sokeysid.

S. Socdaalkii Norway aad ku tagteen adiga iyo Xidhibaan Professor Maxamed Cumar Jiir maxaad kala soo kulanteen?

J. Waxa casuumaad noo fidiyey Kambani Norwegian ah oo baatroolka ku shaqo leh oo Seminar ay qabanayeen noogu yeedhay markii dambena waxaanu shirar la yeelanay Waaxda Arrimah Debedda iyo qaybo kale oo ka mid ah dawladda Norway.

Waxay horta noo sheegeen in waddankeena baatrool badani ku jiro laakiinse waxay nagula dardaarmeen intuu waddankeenu ku sugan yahay xaaladdan musuqmaasuq iyo maamul xumada ah in aan wax baatrool ah laga qodin illaa Qaynuun Baatroolka ku shuqul leh (Petroleum Act) laga ansaxiyo baarlamanka haddi kale ay waddanka fidno badan u keeni doonto.

S. Madaxweynuhu heshiisyo badan oo uu la galay shirkado baatrool ah iyo qaar kaleba way jiraan markaa qaynun baatrool (petroleum Act) oo aad soo dejisaan muxuu soo kordhinayaa?

J. Horta Madaxweynuhu heshiish wuu la soo geli karaa kambaniyo iyo dawladaba laakiinse sharci ma noqon karaan heshiisyadasi haddii aanu Baarlamanku ansaxin sida ku qeexan dastuurka qodobkiisa 53aad, faqradda 3aad.

Laakiinse sida gaal iyo muslinba ogyahay Daahir Riyaal isaga ayaa heshiiyadaa la soo gala kamabaniyo wada suq madow ah isaga ayaana isu ansixiya inay sharci tahay. Tusaale ahaan waxa ka mid aha Al-Jaabiri oo uu heshiish xoolaha nool ah la galay, waxa ka mid ah TOOTAL, waxa ka mid ah shirkadaha kalluunka badaheena xaalufiyey ee illaa ugxantii soo qaaday, waxa kale oo ka mid ah heshiiskan immika la sheegayo, anigu ma hubo eh, ee ah in saldhig laga dhigto Berbera. Waxaas oo dhami waa in baarlamanka la horkeeno laakiinse Madaxweynuhu indhaha iyo dhagahaba wuu ka furaystaa. Uma haysto in sidiisa oo kale nala soo doortay oo aannu dad ka wakiil nahay.

S. Markaa golihii baarlamanka ee ummaddu u soo dooratay inay madaxweynaha xakameeyaan markuu marinka sharciga ah ka leexdo miyaanuu fashilmin?

J. Muu fashilmin baarlamanku laakiin waxa jira in madaxweynuhu hantidii ummaddu u dhiibatay ee uu ku dhaartay inuu ilaalinayo inuu u adeegsaday inuu ku kala qaybiyo golihii sharci dejintii oo uu aqal ka mid ahi isaga u go’ay, kii kalena waa golaha wakiilada eh ay qaybi u xidhantahay isaga, Garsoorkii (Judiciary) iyo laantii Fulintuna (Executive Department) ay isku milmeen. Markaa dawladdi waxay noqotay nin qudha oo gacanta laga dhunkado oo amar laga qaato. Qofka shaqo fiican hay’ad ka doonanayaa haddii aanuu madaxweynuhu ansaxin ma helayo shaqada xatii haddii aad ku guulaysatid imtixaanka sida ku dhacday Aamina Weris.

S. Haddii sida aad sheegayso madaxweynaha ay gacanta ugu jraan hay’adhii sharciga oo dhami, maaliyaddii waddanka iyo qalabkii warbaahinta oo dhan, maxaa isku tidhaadeen KULMIYE doorashada dambe wuu heli karaa?

J. Horta ciddii xukunka ku guulaysn doonta inay qabato Ilaahay weyn ee waaxidka ayuunbaa og. Hase ahaatee waxa la wada og yahay in Daahir Riyaale la doortay muddo 5 sano ah oo weliba sannad dheeraad ah oo aan meelna ku tirsanayn loogu daray bal wixii uu ummadda shantaa sanadood u qabtay ha soo bandhigo oo ha u sheego waxa uu u doonayo in shan sano oo dambe dib loogu doorto. Waxaan kaa tusaalanayaa meel yar oo qudha. Dorraad waxa laga mudaharaaday magaalada Seylac oo bulshadu ka cabanaysay wax qabad la’aanta maamulkan Daahir Riyaale. Magaalada Seylac waxay biyo la’ayd muddo saddex sannadood ah. Magaalada Hargeysana waxa weli ku jira beebakii biyaha ee Ingiriiskii dhigay oo loogu tala galay markay magaalada shan kun oo qof ku noolaan jireen, maantana dadka iska diiwaangeliyey ayaa ku dhawdhaw shan boqol oo kun, tirada ku noolina milyan waxba kama yara. Beeb qudha lagama beddelin oo biyo la’aan ayaa loogu dhimanayaa. Dadku habeenkii jirikaano iyo baaldiyo ayey la wareegaan casrigaa maanta ah. Aniga gurigayga oo magaalada badhtankeeda ku yaal waa biyo la’yahay oo taangibaa booyadi iigu shubtaa biyaha. Foostada biyaha ah iyo ta shiidaalka ah sicirkoodu waxba isma dhaamo, meelaha qaarkoodna biyaha ayaaba qaalisan. Nolosha la sheegaana biyaha ayay ka bilaabataa, bal adigaan ku weydiiyaye waa maxay markaa sababta Daahir Riyaale dib ay ummaddu ugu dooranaysaa? Isaga ayaa la weydiiyey wuxuu ummadda u qabtay intu xukunka hayey wuxuuna ku jawaabay, doorashooyin dimuqraadi ah ayaan keenay waddanka mid labaadna wuu ku dari kariwaayay. Daahir Riyaale iyo dawladiisa ummaddu maanta way ka dharagsantahay inay fadhiid tahay, markaa waxaanu leenahay shacabka Somaliland ee wanaagsan ee aan mar qudha xukun fiican helin, bal annagana [KULMIYE] na tijaabiya oo fursad na siiya aannu isku muujino.

S. Dhawaan waxa ka dhacay waddanka qaraxyo la isku dayay in madaxweynaha lagu dilo meelo kalena lala beegsaday, sideed arrintaa u aragtaa?

J. Dilka la isku dayay in lala beegsado madaxweynaha JSL Daahir Riyaale Kaahin waa dill ala damacsanaa in lagu baabiiyo qaranimada Somaliland, arrintaasna lama aqbali karo, waana la wada cambaareeyey. Arrintaas mucaarad iyo muxaafadba iskaga mid ayaanu nahay oo ul iyo diirkeed ayaannu ka nahay. Qofka aan aqoon u lahayn arrimaha siyaasadda ama aan u bislaan ayaa laga yaabaa marka la cambaareeyo madaxweynaha iyo wax qabadka maamulkiisa inuu u qaato in la iska soo horjeedo oo cadow la isu yahay. Cadow isuma nihin dawladda iyo Daahir Riyaale-toona laakiin fikradda iyo aragtida ayaanu ku kala duwanahay, wixii ay eedayn u arkaanna xaq bay u leeyihiin inay iska difaacaan.

S. Maxaad ummadda ugu dambayntii faraysaa?

J. Horta waxaan u mahadnaqayaa jaaliyadda reer Somaliland ee Norway ee sida fiican noo soo dhaweysay iyo Jaaliyadda UK gebi ahaanba aniga oo aan kala qaadqaadin.

Marka labaad waxaan ummadda farayaa inay ka digtoonaadaan been maamulka Daahir Riyaale shan sano oo dambe u soo maleego. Waxaad ogtihiin in la idinku yidhi shirkado South Africa ah ayaa waddanka imanaya, waxay qabteen ma hayno; waxa la inagu yidhi waxa la samaynayaa warshad dhuxul-dhagaxa ku shaqaysa oo shaqo lagaga dhargo, waxba kama shaqayn; waxa la inagu yidhi warshaddii sibidhka ee Berbera oo saddex boqol oo milyan oo doolar lagu samaynayo oo mar walba madaxweynuhu dhagax dhigo, weli way soo socotaa, waxa la yidhi idaacad waddanka oo dhan gaadha ayaa la keenaya, mid meel dheer warka u lalisa iska daayoo, tii hore u taalay ayaan Habaas-weyn laga maqal, Waddankii harraad ayaa loogu bahktiyayaa oo riig qudha oo la inagu tabarucay ayaad ogeydeen dhiigii ku qubtay, Cusbitaalo ayaa markii daryeel loo waayay guryo martidu seexato laga dhigtay, Carruurtii jaamacadaha ka soo baxday ayaan waxba loo hayn oo mustaqbal la’aan awgeed badda isku wada miidamiyey oo maydkooda yaxaasku badweynta ku raqaa, caddaaladi ma jirto oo ninkii lacag haysta ayuunbaa wax loo xukumaa. Kuwa Daahir Riyaale dan gaar ah ku qaba mooyaane u malaynmaayo inuu jiro qof caadiga ah oo maskaxdiisa qaba oo odhanaya shan sano oo kale musuqmaasuq, caddaalad darro iyo silic ah ha naloogu celiyo. Hadal iyo dhammaantii waxaan ummadda leeyahay in la tashado ayaa loo baahan yahay.

Bisha March 29da ee 2009 waxa la qaban doonaa, Insha Allaah, doorashadii madaxweynaha markaa waxaan leeyahay ummaddu ha ka fiirsato cidda ay u ku aaminayso aayaheeda shanta sano ee dambe ee soo socda, Daahir Riyaale xukunkiisa aragnaye.

Dhammaad

Xigasho / Somaliland Today

Sool: U Diyaar Garowga Hawsha Diiwaan-gelinta Iyo Mudada Loo Kordhiyay Deegaamada Bariga Gobolka Sanaag Oo Caawa La Soo Gebagabeyn

http://www.somaliland.org/images/b/2007/11/xaabsade_soo_dhawayn.jpg

Hargeysa (Somaliland.Org) Komishanka doorashooyinka qaranka ayaa ku jira u diyaar garaw xoogan oo ay ugu diyaar garoobayaan sidii ay dhowaan uga bilaabi lahaayeen hawsha diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha gobolka Sool,

Waxaana sidaa u cadeeyay shabakada wararka ee Somaliland.Org guddoomiyaha komishanka doorashooyinka Maxamed Ismaaciil Kaba-weyne mar uu maanta khadka telefoonka ugu xog waramayay, isagoo sheegay in todobaadkan ay ka bilaabi doonaan hawsha diiwaan-gelinta gobolka Sool “waxaanu ku sii dhowaanaynaa gobolka Sool si aanu uga bilowno hawsha diiwaan-gelinta 2-da bishan Janoury ee 2009-ka oo ku began maalinta jimcaha ah ee todobaadkan”Ayuu yidhi Kaba-weyne mar la weydiiyay waxa ka jira in komishanku shalay u guuray dhinaca gobolada bari ee Somaliland.

Waxaanu intaa ku daray “Waxa halkan {Hargeysa} ku hadhay aniga oo qudha waxaanuna ku rajo weynahay inaanu ku sii dhowaano dhinaca Laascaanood oo shaqadu ka bilaabmi doonto”Ayuu yidhi Kaba-weyne

Mar la weydiiyay tirada dhabta ah ee iska diiwaan-gelisay gobolka Sanaag wuxuu yidhi “Weli isuma soo dhamaan waxaana jirta in deegaamadii ay labada maalmood ka socotay loo kodhiyay maalin oo caawa ay ka soo xidhmi doonto markaas baa si rasmi ah loo shaacin doonaa natiijada dhabta ah ee gobolkaas”

Dhinaca kale tirade dadka iska diiwaan-gelisay gobolka Sanaag ayaa la sheegay inay gaadhayso 195,000 {Boqol iyo Sagaashan iyo Shan oo qof} marka laga reebo ilaa shan labaatan hawl wadeen oo ka hawl-galay deegaamada dhinaca bari ee gobolka Sanaag oo iyaga ay ka bilaabantay maalin afraadkii hawshu ka socotoday guud ahaan gobolka Sanaag, isla markaana caawa la soo gebagabeyn doono.

Waxaana magaalada Burco soo gaadhay horaantii kooxihii ka hawl-galay goobaha diiwaan-gelinta ee gobolka Sanaag, kuwaas oo lagu wado inay dhinaca magaalada Burco uga sii boqoolaan sidii ay uga hawl-geli lahaayeen hawsha diiwaan-gelinta ee gobolka Sool.


Xigasho/ Somaliland.Org Hargeisa

Mas’uuliyiinta Xukuumada Daahir Rayaale Oo Isku Riixriixaya Furitaanka Wadada hormarta Aqalka Madaxtooyada Oo Xidhnayd Mudo Hada La Joogo Laba Bilod Iyo Dheeraad

Wadada Wadnaha

Kuliye.org

Wadada wadnaha u ah magaala madaxda Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa oo hormarta guriga madaweynaha Daahir Rayaale Kaahin ayaa xidhnayd mudo ku dhow laba bilood iyo dheeraad sababo lagu tilmaaay inay la xidhiidhaan aminiga iyo qaraxyadii lala beegsaday guriga madaxtooyada, xafiiska wakiilka dawlada Ethiopia iyo xafiiska UNDP bishii Oktobar.

1. Hadaba su’asha is waydiinta mudani waxay tahay wadada labadaa bilood ma waxay u xidhnayd dhisimayaal (dayr adag) oo lagu kordhinayay agagaarka guriga madaxtooyada?

2. Wadadaas oo ay ku yaalaan golayaasha qaranku , xafisyo badan oo dawladeed isla mar ahaantaasna ay si waacan uga dhex gooshaan baabuurta dadweynaha ku nool caasimada iyo gaadiidlayda danyarta ah ee magaala madaxda ka dhex shaqaysta, khasaare intee le’ eg bay u gaysatay labadaa bilood xidhitaanka wadadaas cid xidhay iyo furaba la garan la’yahay?

3. Hadayba mas’uuliyiinta xukuumada Daahir Rayaale sidaas oo kale isugu riixriixayaan furitaanka wadadaas, maxaynu ka sugaynaa dalkii intiisii kalena inay xukuumadu ka yeesho, yaa ka mas’uul ah wadada marka hore ?

4. Ugu dambayn iyo su’aal ah imisa goor oo hore ayaa wadadaas loo xidhay sababo la xidhiidha xafladaha iyo ruwaayadaha isdaba jooga ah ee habeeno badan ka dhacay guriga madaxtooyada?

Kulmiye.org

_________________________________________________

Murtida Dhanxiir Oo Anu Ka Soo Xiganay  Website ka Jamhuuriya online
Maansha Allaah, Alleylehe, waa kaa Saqadhi Dubbad iska leexiyey balan furkii wadada gaadiidka laga cuno qabateeyey, kolhaddii uu yidhi; ‘Alla hay ka Alle, dambiga balan jabintaa anigu malihi ee halagala xisaabtamo Daakhiliga isagaa og sida wax yihiin iyo halka laga haystee


Weger; Adeer, xukuumadan Aw Rayale balan furku ceebteeda maahee waa caadadeed oo malaha faalkaa qabtaye iga daa warkoodoo waxaad ka warantaa raashinkan yare ee sadaqo ahaan Hay’aduhu masaakiinta u siiyaan ee laga baayac mushtaraynayo. Cajab


Masuuliyiinta sare ee xukuumadda oo isku tuurtuuray dib-u-dhaca ku yimi Furitaanka Waddada Madaxtooyada Hormarta

“Anigu furitaanka waddada waan ku dhawaaqay, sababta dib-u-dhaca ku keentayna wasiirka daakhiliga weydiiya isagaa warkii oo dhan hayee”

Taliyaha booliiska Somaliland

“Arrinta ku dhawaaqidda furitaanka waddada waxay shaqadiisa tahay maayirka Hargeysa… isaga waydiiya”

Wasiirka Daakhiliga

“Haddii taliyaha boolisku ku dhawaaqay in waddadu furan tahay, ma garanayo sababta ay dib ugu dhigeen”

AF hayeenka madaxtooyada

Hargeysa (Jam)- Masuuliyiinta sare ee xukuumadda Somaliland ayaa isku tuurtuuray sababta dib-u-dhaca ku keentay go’aan hore loogu dhawaaqay oo ku saabsanaa in la furayo waddada madaxtooyada hormarta oo xidhnayd tan iyo wixii ka dambeeyey qaraxyadii 29 October 2008 dalka ka dhacay.

Wadadan oo muddo laba bilood ah ka xidhnayd isticmaalka gaadiidka ayaa waxa qorshuhu ahaa in shalay la furo, kadib markii Axaddii uu sidaas ku dhawaaqay taliyaha booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad.

Haseyeeshee ballanqaadkaas waxba kamay fulin, ilaa haddana si rasmi ah looma oga sababta dib-u-dhaca ku keentay, iyada oo masuuliyiinta dawlaadduna masuuliyadda arrintaasi midba midka kale iskaga riixay.

Taliyaha Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubbad oo isagu ah masuulkii ay afkiisa ka soo baxay go’aanka furidda jidkaas oo xalay Jamhuuriya wax ka weydiisay sababta baajiyey ballanqaadkii uu shaaciyey ee ahaa in shalay gaadiidka loo furo waddada hormarta madaxtooyada, ayaa masuuliyadda dib-u-dhaca furista wadada iska leexiyey dhinaca wasiirka daakhilga Md. Cabdilaahi Cali Ismaaciil (Cirro), isaga oo sheegay in arintaas la waydiiyo wasiirka.

“Anigu furitaanka wadada waan ku dhawaaqay, sababta dib-u-dhaca ku keentayna wasiirka daakhiliga weydiiya isagaa warkii oo dhan hayee,” ayuu si kooban u yidhi taliyaha booliisku isaga oo hadalkiisa laga dhex dhadhansan karayay siduu uga cadhaysan yahay fulid la’aanta go’aankii uu ummadda maqashiiyey ee ay waxba ka socon waayeen.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha gudaha Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo isagana aannu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay si aanu wax uga weydiino sababta loo hakiyey go’aankii Taliyaha booliska ee ahaa in shalay la furo waddada madaxtooyada hormarta, ayaa uu isaguna arrintaas isaga leexiyey dhinaca maayirka caasimadda Hargaysa oo uu sheegay in ay tahay masuuliyaddiisa.

“Arrinta ku dhawaaqidda furitaanka waddada waxay shaqadiisa tahay maayirka Hargeysa, isaga ayaana u xilsaaran oo ay hayd inuu basaska iyo takaasida u sheego in waddadu furan tahay, qorshuhuna muu ahayn in shalay la furo ee waxay ahayd in berrito [manta] la furo waddada, maayirkuna maanta ku dhawaaqo, ilaa haddana ma ogi inuu ku dhawaaqay iyo in kale, isaga waydiiya inuu ku dhawaaqay iyo in kale,” ayuu yidhi Md. Cirro.

Maayirka caasimadda Hargeysa, Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo isagana xalay aanu la xidhiidhnay si arrintan wax uga waydiino maadaama ay borotokool ahaan tahay masuuliyaddiisa inuu ku dhawaaqo furitaanka waddada, ayaanay noo suurtogalin in aanu khadka telefoonka ku helno.

“Haddii taliyaha boolisku ku dhawaaqay in waddadu furan tahay, ma garanayo sababta ay dib ugu dhigeen, wax qorshe ah oo socdana iminka idiinma sheegi karo.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Mr. Siciid Caddaani Mooge aannu wax ka weydiinay arrinta furista jidka wadnaha ee masuuliyaddiisa laysku tuurtuuray.

Dhinaca kale gaadiidleyda ayaa farxad ka muujiyey markii ay maqleen go’aankii taliyaha booliiska ee ahaa in wadadu furantahay, kuwaasi oo shalay ku hungoobay qorshahoogii ahaa in ay six or ah u mari karaan wadada halbawlaha ah ee muddada dheer xidhnayd, iyada oo baabuur badani ku khaldameen wadada xidhan oo naftooda khasaare u gaysan gaaddhay, kadib marka ay ilaalada madaxtooyadu qoryaha u soo rogtaa.

“markii aan idaacada ka maqlay in wadadu furantahay aad baan u farxay, subaxiina waxaan ku soo talo galay in aan maro waddadii, laakiin waxaa naxdin iyo filan waa igu noqotay markii aan arkay wadadii oo sideedii u xidhan oo qoryo lala hor tuban yahay, waxan la yaabanahay sababta loo fulin waayay balanqaadkii ahaa in wadada la furayo.” Sidaana waxa yidhi mid ka mid ah darawaliintii shalay ku hungoobay wadada xidhan ee madaxtooyada Hormarta.

Jidka hormara qasriga madaxtooyada oo xidhitaankiisa dhibaato weyni ka haysato gaadiidlayda, ayaa sida oo kale waxay hoos u dhigtay bilicda caasimadda, iyada oo aad arkayso maryo, baco iyo xadhko si qaab daran loogu taxay kaantaroolka waddada laga xidhay. Waxa kale oo ay arrintani wax u dhimaysaa kalsoonida shacabka iyo ajaanibku ku qabaan xasiloonida iyo nabadgalyada Somaliland, gaar ahaan baabuurta tignikada ah ee jidka hareerahiisa dhufayska kaga jira oo muujinaya xaalad amni-darro oo dalka ka jirta.

Jamhuuriya Online

a

Xoghayaha Arrimaha Dibada Ee Xisbiga KULMIYE Oo Go’aanka Madaxweyne Rayaale Ku Fasaxay Xeebaha S/land Ku Tilmaamay Mid Nabadgalya-darro Abuuraya.


(Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar)

hadhwanaag 2008-12-30 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Xoghayaha arimaha  dibada u qaabilsan Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa hadalkii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ku sheegay in Cid kasta oo danaynaysa in ay Budhcad Badeeda la dagaalanto ay fasax u tahay isticmaalka Dekeda Berbera, ku tilmaamay mid nabadgalya-darro dalka iyo dadka u horseedi kara, isla markaana aan loo baahnayn in Xukuumad wakhtigeedi dhamaaday ay dalka ku casuunto Ciidamo Shisheeye.

Xoghayaha oo u waramayay maanta Wariye Mustafe-Janaale oo ka tirsan Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com ee Magaaladda Hargeysa, waxa uu ku dheeraaday saamaynta dalabka Madaxweyne Rayaale u horseedi karo dalka Somaliland, sida loogu baahan yahay in laga fiirsado. Sidoo kale Maxamed Cumar waxa uu ka hadlay xaaladda Komishanka doorashooyinka, arrintii Maxamed Baaruud Cali lagaga hor joogsaday jagadii Agaasimaha diiwaan-gelinta ee uu ku guulaystay, doorka dhalinyarada iyo arrima badan oo door ah.

Waraysigan oo xiisa badan, isla markaana dhinacyo badan taabanaya, waxa ugu horeyn la waydiiyay Dr. Maxamed, doorka dhalinyarada iyo Kulmiye ahaan qorshaha uga meelyaalaa waxa uu yahay, isaga oo su’aashaa ka jawaabayayna waxa uu yidhi, “Waxa jirta siyaasada uu Xisbiga kulmiye damacsan yahay in uu hirgeliyo, haddii uu ku guulaysto talada dalka, oo ku saabsan da’da ka qayb-galka siyaasadda ee dalka Somaliland. Qaynuunka Somaliland imika wuxuu dhigayaa in qofka doonaya inuu xil qabto ama Golayaasha Deegaanka iyo Baarlamanka, da’adiisu waa inaanay ka yaraan 36 jir. Arrintaasi Xisbi ahaan waxaanu u aragnaa mid xakamaynaysa ka qayb-galka siyaasadda ee dhalinyarta reer Somaliland.dhalinyartuna waa mustaqbalkii dalka, waa aqoontii dalka, waa xoogii dalka, waxaanay u baahan yihiin in aan siyaasadda laga xakamaynin.”

“Tusaale ahaan doorashooyinka oo kale dadka kuyuuga gala ee u soo baxa hirgelinta qadiyada Somaliland waa dhalin yaro rag iyo dumarba. Barnaamijkan imika socda ee diiwaan-gelinta codbixiyayaasha marka laga yimaado Golayaasha Qaranka iyo Hay’adda Komishanka, cidda xooga u ah ee bud-dhiga u ah ee fulinaysaa waa dhalin yaro. Markaa waxaanu Xisbi ahaan aqoonsanahay in dhalinyaraddu ay Somaliland horumarkeeda door muhiim ah ka qaadato, laakiin aan taa laga turjumin marka xagga qaynuunka laga eego. Sidaa awgeed shir aan shalay ka qayb-galay oo ay yeesheen Dalada Ururada dhalinyarada Somaliland waxaan ka sheegay oo aan daboolka ka qaaday in siyaasadda Xisbigu tahay in da’adaa 36 jirka ah aanu hoos u celino oo ka dhigno 21 jir, oo muwaadin kasta oo reer Somaliland ahi oo da’adiisu gaadhay 21 jir isu soo taagi karo Xafiis kasta oo cid lagu dooranayo.” Ayuu yidhi Xoghayaha amuuraha dibada ee Xisbiga Kulmiye Dr. Maxamed Cabdillaahi.

Mar la waydiiyay Xoghayaha arrimaha dibada ee Xisbiga Kulmiye aragtidiisa ku wajahan Safarkii uu Madaxweynaha Somaliland dhawaan ku tagay wadamada Jabuuti iyo Itoobiya, waxa uu ku jawaabay. “Horta wax war ah oo cad oo ku saabsan Safarkii ay Madaxweynaha iyo Weftigiisu ku tageen Jabuuti iyo Itoobiya oo rasmi u soo baxay ma jiro. Warka qudha ee aanu maqalay waxa weeye oo aanu horena u maqli jirnay Madaxweynuhu marka uu wadamada dibada tago, waxa weeye in wadahadaladu ku dhamaadeen si is af-garad ah.” Xoghayuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi,

“Laakiin xog kale oo ka soo baxday ma jirto, waxa-se muuqata arrimihii uu Madaxweynuhu u tagay Jabuuti oo aanu ognahay inay is arkeen nin ka tirsan Aqalka Senet-ka Maraykanka iyo La taliye xagga Millatariga ah, in ay u badnaayeen baa filayaa wadahadaladoodu arrimo xagga iskaashiga nabadgalyada ah. Inkasta oo aanu ninkaasi ka socon Xukuumaddii dalka, waayo Aqalka Senet-ka ninka ka socdaa waa Gole ka tirsan Hay’addaha Sharci-dejinta, laakiin Hay’addii fulinta ee Maraykanka kamuu socon, haddana waxaanu aaminsanahay in wadahadalkoodu ku saabsanaa arrimaha la dagaalanka Budhcad Badeedda.”

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxa uu si weyn u falanqeeyay arrinta Ciidamo dalka Somaliland yimaada iyo saamaynta ay yeelan karaan, waxaanu isaga oo jawaabtiisa sii wata yidhi, “Intaanu Madaxweynuhu tagin Jabuuti waxa uu waraysi siiyay Jariirad Maraykan ah oo la yidhaahdo Washitong Times, kaasoo uu kaga hadlay siyaasadda Xukuumaddiisa eek u saabsan la dagaalanka Budhcad Badeedda, siyaasadaasoo uu Madaxweynuhu sheegay inay u fasaxayso cid alla ciddii doonaysa inay ka hortag xagga Millatariga ah la gasho Budhcad Badeeda. Inkasta oo Xisbiga Kulmiye soo dhawaynayo in ay Somaliland ay iskaashi la samayso Bulshooyinka Caalamka, oo ay iska kaashadaan xagga nabadgalyada, Ganacsiga, dumuquraadiyada, horumarka iyo nabadgalyada intaba.”

“Hase yeeshee, arrintaasi Anniga iiguma muuqato mid iskaashi ah, waayo falalka Budhcad Badeedu waxay ka dhacaan Badaha Hindiya iyo Baddaha Soomaaliya. Laakiin dhulka falalka Budhcadu ka dhacaan maaha dhul Sharci ahaan hoos yimaada Jamhuuriyadda Somaliland, sidaa daraadeed, arrinta Budhcad Badeedu waa mushkilada caam ah oo caalamka u taalla, ee maaha arrin u gaar ah martina u ah Somaliland wax ka qabashadeedu, kaliya waxa u taala in ay Somaliland kala qayb-gasho dunida kale xalinteeda. Markaa dariiqa uu Madaxweyne Rayaale qaaday oo ah in Ciidamo Millatari ah oo aan kala soocba lahayn oo ka kooban Maraykan, Ingiriis, Faransiis iyo wadamada soo koraya, cid waliba ay timaado Berbera, si ay Budhcad Badeeda ula dagaalanto, waxaan u arkaa arrin aan siyaasadeeda laga fiirsan, oo waliba Shacbiga Somaliland nabadgalyo-darro u keenaysa.” Ayuu hadalka jawaabtiisa sii raaciyay Xoghayaha arrimaha dibada ee Xisbiga KULMIYE.

Xoghayahe Maxamed oo la waydiiyay, inay dad badani u arkaan talaabadan Madaxweynuhu qaaday mid soo de-dejinaysa Aqoonsiga Somaliland iyo horumar dalku gaadho, sidaa daraadeed sababta uu isagu dhibta ugu arko, waxa uu ku jawaabay, “Dawladuhu marka ay ka qayb-galayaan arrinta Budhcad Badeeda,, waxa marka hore la tixi-geliyaa nabadgalyada Shacbigaaga. Markaa Madaxweyne Rayaale waa inuu marka hore sugaa nabadgalyada Shacbiga Somaliland, talaabada uu qaadayana u eegaa inay tahay mid sugaysa nabadgalyada Somaliland, intaanu ka fikirin nabadgalyada Caalamka iyo ta Gobolka Geeska Afrika. Annagu waxaanu u aragnaa talaabada u yeedhida Ciidan la dagaalama Budhcad Badeeda, oo aanay xiligan noo cadayn waxa ay Somaliland waydaarsatay ogolaansha, faa’iido xagga dubla maasiyada ah oo muuqataa oo Madaxweynuhu wax ka tusay Golayaasha Qaranka iyo Axsaabta ma jirto, faa’iido dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo Shacbiga Somaliland ugu soo hoyanaysa bandhiga Aduunka loo bandhigay inay Millatari Berbera la keeno ma jirto.”

“Mar haddaanay taasi jirina Annagu uma aragno Talaabadaa Madaxweynuhu qaaday mid wax tar leh, ee waxaanu u aragnaa inay noqon karto mid waxyeeli karta nabadgalyada oo cadaw aynaan lahayn Innagu soo jeedin karta. Arrinta Budhcad Baddeeda Xisbiga Kulmiye wuxuu u aaminsan yahay mid nabadgalyada Caalamka iyo Gobolka-ba khatar ku ah, laakiin wax ka qabashadeedu maaha in Ciidamo shisheeye la keeno dalka, ee wax ka qabashadeedu waxa weeye in Adduuku ku caawiyo Soomaaliya sidii looga dhisi lahaa dawlad nabadgalyada hanan karta, si ay wax uga qabato Budhcad Badeeda.” Ayuu sii raaciyay jawaabtiisa Dr. Maxamed Cumar.

Waxaanu intaa ku sii daray oo uu yidhi, “Waxaanu u aragnaa in iskaashi ay wadamada (Somaliland, Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya, Yemen) iyo wadamada Jaarku ay si wada jir ah uga wada-tashadaan sidii Budhcad Badeeda wax looga qaban lahaa. laakiin, in Ciidamo Millatari ah oo dalal kale ka yimi oo Budhcad Badeeda la dagaalama lagu soo macsuumo Somaliland, oo weliba ay Casuunto dawlad xiligii loogu talagalay uu dhamaaday, wakhtigii ay Xisbiyada Mucaaradku ugu dareena uu gabaabsi ku dhawyahay oo saddex bilood ay ka hadhay, inay Millatarigii Adduunka ugu yeedho Berbera, waxaanu u aragnaa arrintaa Xisbi ahaan inay tahay arrrin aan ku haboonayn, waxna yeeli karta nabadgalyada Somaliland, Madaxweynahana waxaanu ugu yeedhaynaa inuu nabadgalyada Shacbiga Somaliland ka horeysiiyo arrimaha kale.”

Waxa kale oo la sii waydiiya, Xoghayaha waxa uu u arko in ay Somaliland waydaarsan lahayd dhinacyada uu sheegay in Madaxweyne Rayaale dalka ku casuumay iyo qorshaha guud ahaan Xisbiga Kulmiye uga yaala Ciidamo shisheeye oo dalka yimaadda, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi, “Waxaan Madaxweyne Rayaale ka codsan lahaa, marka uu go’aamo ah in uu Ciidamo Shisheeye uu ku casuumayo Somaliland, waa inay noqotaa arrin loo gudbiyo Baarlamaanka Somaliland, waayo Baarlamaanku waxa uu masuul ka yahay Shacabka, arrintana waa arrin nabadgalyada Shacabka saamayn karta. Markaa waxaan leeyahay Madaxweynuhu marka uu samaynayo arrin noocan oo kale ah, waa in Golayaasha Qaranka iyo Axsaabta Qaranku ay ka wada-tashadaan oo ay talo Qaran ka yeeshaan, waayo waa arrin nabadgalyo oo si dadban Somaliland u saamaynaysa, guud ahaanna Baayac-mushtarka Adduunka iyo Gobolkaba u saamaynaysa. Markaa Madaxweynaha waxaanu ka filaynay in arrimaha caynkaasoo kale ah marka uu go’aan ka gaadhayo ay noqoto mid ku timaada tala Qaran, laakiin aanay noqon talo qof gaar ahi uu gaadho.”

Sidoo kale, Dr. Maxamed Cumar oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay Komishanka doorashooyinka oo dhaliilo badan wakhtigan loo jeediyo, waxa uu yidhi, “Waxa nasiib-wanaag ah oo aan Shacbiga reer Somaliland ugu hambalyaynayaa sida quruxda badan ee ay diiwaan-gelinta uga qayb-qaateen. Hasayeeshee, waxa soo baxaya Galdaloolooyin iyo ceebo uu Komishanku leeyahay, maalin dhawayto waxa uu Guddoomiyaha diiwaan-gelintu, soo saaray war aanu la tashi kala samayn Guddigii Komishanka iyo Wakiilladii Xisbiyada Qaranka ka socday ayuu ku dhawaaqay tiradii codbixiyayaasha Gobolka Awdal ay jirto tiro 50,000 kun oo qof ah oo ku korodhay, Gobolada qaarkood ay tiradoodi hoos u dhacday, arrrintaasina waxay ahayd mid nasiib-darro ah, hase ahaatee, mar dambe ayuu hadlay oo uu yidhi qalad ayaa dhacaye ha la iga raali ahaado. Waxaanu Xisbi ahaan Annagu soo jeedinaynaa in maadaama iyada oo diiwaan-gelinti socoto khaladka intaa le’egi dhacay in la sameeyo Guddi baadhitaan, oo khaladka intaa le’egi siduu ku yimi, siduu ku dhacay iyo si looga hortago wax kale.”

Xoghayaha arrimaha dibada ee Xisbiga KULMIYE, waxa uu sheegay in loo baahan yahay Guddi Madaxbanaan oo ka daba shaqaysa Komishanka Doorashooyinka Somaliland. “Markaa waxa loo baahan yahay Guddi madax-banaan oo arrimahaa daraasad ku sameeya, wixii ceeb ah ee yimi iyo masuuliyadeedaba meel lagu tiiriyo, waxaanay ahayd in la sameeyo qof masuul ah oo ay ku soo dhacdo xogta guud ee diiwaan-gelinta, qofkii jagadaa ku guulaystayna waxa soo baxaya in Xukuumaddu Maxamed Baaruud Cali oo ah nin aqoonyahan ah oo reer Somaliland ah oo jagadaasi tartan u galay kuna guulaystay, ay iska hortaagtay, weli si rasmi ah looguma yeedhin. Markaa waxaanu codsanaynaa in jagadaasi la buuxiyo, si waajibaadka iyo masuuliyadda diiwaan-gelintu ay qof madax-banaan gacantiisa u gasho. Waxaananu ka codsanaynaa in ay dawladdu ninkaasi u ogolaato jagada uu ku guulaystay.”

Dr. Maxamed oo la waydiiyay maadaama Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisu ay hore isu hortaageen Maxamed Baaruud in Shaqada uu ku guulaystay uu ka hawl-galo, cidda uu wakhtigan arrintaa sida tooska ah ugala hadlayo, waxa uu yidhi, “Waxaan u soo jeedinayaa Guddiga doorashooyinka Qaranku inay xilkooda gutaan oo ay masuuliyadooda ka run sheegaan, waxa masuuliyadiisa ka mid ah inuu baadhitaan ku sameeyo ceebaha ka soo baxaya hawl-galada Komishanka sida tirada qaladka ah ee lagu dhawaaqay, jagada Sarkaalka sar ee ku guulaystay Agaasinka diiwaan-gelinta in Komishanku qaraar ka gaadho iyaga ayaa u madax-banaan’e, Madaxweynuhuna aanu arrintaa is hortaagin.”

Xigasho / Mustafe-Janaale
Reporter Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Email: Janaale94@gmail.com

Tirooyinka Hordhaca Ah Ee Iska Diiwaan-Gelisay Deegaamada Gobolka Sanaag (Xigasho Somaliland.org )


Burco (Somaliland.Org) Iyadoo maalintii shanaad ay ka socoto hawsha diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha inta badan deegaamada gobolka Sanaag ayaa waxa soo baxaya tirooyinka hordhaca ah ee iska diiwaan-gelisay inta badan deegaamada gobolka Sanaag.

Wararka aan si rasmi ah loo shaacin ayaa sheegaya in tirada hordhaca ah ee iska diiwaan-gelisay deegaamada gobolka Sanaag ay gaadhayso afartii maalmood ee hawshu ka socotay deegaamadaasi 140-Kun.

Waxayna xogo lagu kalsoon yahay iftiimiyeen in degmada ceegaabo dibadeeda ay gaadhayso tirada iska diiwaan-gelisay afartii maalmood ee la soo dhaafay 29-Kun oo qof, halka 19-Kuna in ka badana ay iska diiwaan-gelisay goobaha magaalada gudaheeda ah.

Sidoo kale waxay xoguhu tibaaxeen in guud ahaan deegaamada degmada Ceel-Afweyn oo ka koobnayd 33-goobood ay iska diiwaan-geliyeen afartii maalmood ee u dambeeyay ku dhowaan 32-Kun oo qof, halka deegaamada degmada Gar-Adagna iyana ka koobnay 20-goobood ay marayeen dadka iska diiwaan-geliyay afartaasi maalmood ee la soo dhaafay in ku dhow 30-Kun oo qof.

Wararka ka imaanaya dhinaca deegaamada bari Sanaag oo hawsha diiwaan-gelintu ka bilaabantay maalintii shalay waxay sheegayaa in gobo yar oo cayiman oo ku dhowdhow dhinaca degmada Dhahar ay hawsha diiwaan-gelintu ka bilaabantay maalintii shalay, taas oo wararku sheegayaan in tirada ka hawl gashay gudaha magaalada Dhahar ay aad u yartahay lama oga sababta ay uga hawl galeen tiradaasi yar hase yeeshee sida laga war qabo deegaamada bari Sanaag ayaanay wax doorasho ahi hore uga qabsoomin, taas oo dadka deegaamadaasi aad ugu kala qaybsan yihiin.

Waxaanay waraku sheegayaan in degmada Dhahar loo qoondeeyay 25-goobood, halka degmada Badhana loo qoondeeyay 24-goobood, taas oo wadarta guud ee labadaasi degmo ka dhigaysa 49-goobood balse tirada hawl wadeenada  ilaa iminka gaadhay deegaamadaasi waxa la cadeeyay in aanay gaadhay labaadta.

Isku soo wada duuboo sida xogo u dhuun daloolaa tibaaxeen waxa lagu qiyaasayaa tirada deegaamada gobolka Sanaag iska diiwaan-gelinaysaa inay gaadhi doonto in ku dhow laba boqol oo kun oo qof haddii aanay kaba badnaan.

Xigasho / Somaliland.Org Burco

Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Qaran Dr Maxamed Cabdi Gaboose Oo Boqasho Ku Yimid Dalka Maraykanka

Washiongton Dc-  Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Qaran Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa booqasho ku yimid dalka Maraykan todobaakan.  Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Qaran ayaa heer sare waxa ugu soo dhaweeyay magaalada Washington Dc  taageerayaasha urur siyaasadeedka Qaran oo ay iskaashanayaan taageerayaasha xisbiga Kulmiye.

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, oo ka hor intii aanu ka soo dhoofin mgaalada Hargeysa u waramay warbaahinta, ayaa waxa uu sheegay in ujeedada socdaalkiisu salka ku hayso saddex qodob, “Ujeedada socdaalkaygu waa saddex qodob oo kala ah kulan aan la yeelan doono taageerayaasha Ururka QARAN, taageerayaasha KULMIYE oo aan isku soo xidhi doono iyo kulan aan la yeelan doono saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Maraykanka oo aanu Washington ku balansanahay.” Ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, waxaanu sheegay inuu masuuliyiinta Maraykanka ah ee uu la kulmi doono kala hadli doono arrimo guud ahaan ku saabsan xaaladda dalka Somaliland.

Urur siyaasadeedka QARAN iyo xisbigaKulmiye ayaa dhawaan heshiis iskaashi ah ku kala saxeexday magaalada Hargeysa waxaanu nuxurka heshiiskaasi ahaa in madaxda QARAN ololaha doorashada Madaxtooyada garab iyo gaashaanba isla barbar istaagaan xisbiga KULMIYE, xisbiga KULMIYE-na uu furo ururada siyaasiga ah, Insha ALLAAHU marka uu ku guulaysto doorashada madaxtinimo.


PDF Print E-mail
T

Gudoomiyaha Xisbiga Oo Kormeeraya Hawsha Diiwaangalinta Gobolka Sanaag Deegaamadiisa Galbeed (News)


Gar-Adag (Somaliland.Org) Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa maanta kormeer hawleed ku soo maray sida ay hawsha diiwaan-gelintu uga deegaamada galbeedka gobolka Sanaag.

Weftiga gudoomiyaha xisbiga KULMIYE oo saaka ka soo boqoolay magaalada Ceergaabo waxay socdaalkooda ku soo mareen deegaamada Yufle, Kalmac, Kal-sheekh iyo degmada Ceel-Afweyn, kuwaas oo ay ka socoto hawsha diiwaan-gelintu.

Gudoomiyaha KULMIYE Axmed Siilaanyo oo si weyn loogu soo dhaweeyay degaamadaa uu soo maray ka hor intii aanu soo gaadhi degmada Ceel-Afweyn waxa uu faagaare kala hadlay dadweynaha  deegaamada Yufle {Daara-Salaam},kuwaas oo ku dhiiri geliyay muhiimada ay diiwaan-gelintu u leedahay qaranka iyo shacbiga reer Somaliland, isla markaana wuxuu warbixino ka dhegeystay duqayda degmada Yufle kuwaas oo si weyn uga hadlay wax qabad la’aanta xukuumada maanta haysa talada dalka iyo sida ay degmadu uga aradantay adeegyadii arrimaha bulshada.

Gudoomiye Axmed Siilaanyo wuxuu shacbiga degmada Yufle si weyn ugu guubaabiyay inay si nabad gelyo ah ula tartamaan deegaamada iyo gobolada kale ee dalka oo ay uga qayb galaan sidii ay u muujin lahaayeen tiradooda deegaan ahaa, waxa isna faagaarahaa kala hadlay dadweynaha degmada Yufle Xildhibaan C/raxmaan Yuusuf Cartan oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada kaga jira xisbiga KULMIYE oo ka mida weftiga xisbiga KULMIYE ee kormeeraya hawsha diiwaan-gelinta.

Gudoomiye Axmed Siilaanyo iyo Weftigiisa markii ay soo gaadheen degmada Ceel-Afweyn waxa si weyn ugu soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE oo isugu jiray heer degmo, heer qaran, cuqaal, xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka degmada Ceel-Afweyn kaga jira xisbiga KULMIYE iyo dadweyne tiro badan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha xisbiga ee degmada Ceel-Afweyn Maxamed Maaweel Ducaale, Maxamuud Raage Axmed, Axmed Yuusuf Ducaale, Dalmar Saalax Jaamac, Caaqil Cabdi Gaas, Faysal Gadhle.

Waxaanu wefigu caawa ku sugan yahay degmada Ceel-Afweyn iyagoo beri kormeeri doona deegaamada degmadan isla markaana wuxuu weftigu kulamo la yeeshay odayaasha iyo waxgaradka degmada.

Dhinaca kale weftiga gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo waxay socdaalkooda ku soo mareen deegaamada degmada Gar-Adag halkaas oo ay si weyn ugu soo dhoweeyeen dadweyne aad u tiro badan oo tuban safaf dhaadheer oo badhtamaha magaalada ah isla markaana sita caleemo qoyan, kuwaas oo uu horkacayay Axmed Cilmi Bare oo ka mid ah gudiga fulinta ee xisbiga KULMIYE.

Axmed Siilaanyo oo faagaare kala hadlay dadweynaha degmada Gar-Adag wuxuu ku dhiiri geliyay shacbiga reer Gar-Adag ahmiyada ay diiwaan-gelintu u leedahay deegaanka iyo guud ahaanba qaranka Somaliland.

Xigasho/ Somaliland.Org Gar-Adag

Waa Maadays Diiwaangelintu Komishankuna Way Matalayaan (Article)

Waa Maadays Diiwaangelintu Komishankuna Way Matalayaan

Waxaa lagu guda jiraa olalaha diiwaangelinta cod bixyeyaasha ee gobolada dalka, illa hadadan la joogana waxaa si rasmi ah inta aynu ka war qabno la soo dhamays tiray gobolada kala ah :
1.  Gobolka Saaxil
2. Gobolka  Awdal
3. Gobolka Hargeysa
3.  Gobolka Togdheer
Waxaa imikana socota diiwaangelinta gobolka Sanaag oo lagu xigsiinayo  gobolka Sool marka la soo dhameeyo gobolka Sanaag.  Diwaangalintu waa mid dal ahaan iyo dimuqraadi ahaanba inoo wada wanaagsan dan weynina inoogu jirto hadii si wanaagsan loo maamulo Riyaalena faraha kala baxo waxaa se durba halkaa ka sii dhex muuqta jahowareer, is dhex yaac aanay haba yaraatee isu war hayn xubnaha komishanka diiwaan gelinta ee laftoodu u xilsaaran hawshan oo midna Cadan ka shaxaayo ka kalena kuu sheegayo sheeko aan meeshaba oolin oo burinaysa sheekadii hore ! Waxaa kale oo kaba sii wada daran dawladii oo ah xisbi la yidhaa UDUB oo iyaduna dhex muluqmuluq leh hawlihii komishanku u xilsaarnaa, sifo allaale iyo sife ay komishankaas madax bannaan u dhex dhus dhus leedahay aan la  fahamsanayn!

Reer Somalilandow toosa oo ka toosa khayaalkan madaxda dawladan idiin soo shaqo doonatay. lix sanadood iyo badh ayuu Dahir Riyaale iyo wasiiradiisu caqliyadiina kubad ku ciyaarayeen, lix sanadood iyo badh ayay Dahir Riyaale iyo wasiiradiisu wax kale iska daayo skraabkii gudaafada ahaa ee jidadka yaalay dalka ka biliqaysteen, lix sanadood iyo badh ayay Dahir Riyaale iyo wasiiradiisu been iyo sharikad bug ah marba la idinku madaadaalinayay inay idiin dhisayaan warshadii sibidhka.  Lix sanadood iyo badh ayay Dahir Riyaale iyo wasiiradiisu baddii dalka dad arxan daran oo xita ugxantii dhalatay xaalufiya ka kireeyeen. Markii fursada loo helay ee la fasaxay adhigii xayirnaa ee qarni illa ka qarni dibada loo dhoofin jiray oo xitaa Afweyn ka xishoon jiray fara gelinteeda, Riyaale watuu nin Carbeed kootada ugu xidhay si isna wax ugaga soo noqdaan, mudo dheer ayaa cuna qabatayn shidaalkii dalka la keeni lahaa kambany Total la yidhaa macaash toban laab ah saartay iyada oo dunidiina qiimaha batroolku uu hoos ugu dhacay 48.8%, waad ogaydeen in xitaa muwaadiniin fasax loo siiyay inay batrool soo dajiyaan loo diiday in ay haamaha batroolka isticmaalaan.  lixdaa sanadood iyo badhkaasba maweelo maweelo caruurta ayay Dahir Riyaale iyo xukuumadiisu idinku madadalinaysay . Ictiraafkii albaabkuu yaala, wafdiba naga daba imanaya iyo huu haa beenaa intee in le’eg baa la idinku wadi karaa shacabow , gormaad , gormaad se wax garataan? Halkan horta kuma soo wada koobi karayo wixii idinka soo maray xukuumada Dahir Riyaale balse in ku filan ka soo qaatay waa hadii cidi wax in uun wax ku qaadanayso!

Dalka baylah dhinaca amaanka ayaa ka jirtay lixdaa sanadood iyo badhkaas uu Riyaale madaxweynaha ka ahaa, imika taa ka hadli maayo balse waxaan ku ekaanayaa diiwaangelinta iyo wixii la xidhiidha doorashooyinka . Daahir Riyaale iyo xisbigiisa UDUB oo hantidii qaranka biliiliqaystay waxaa shacabow idinka digayaa oon idin tusaalaynaya in durba qalin iyo warqad lagu sii xisaabsaday in lagu sii shubto doorashada oo aan wali dhicinba, hadaba codkii shacabka oo aan wali soo codayn ayaa sanduuq bir ah Dahir Riyaale ku sii shubtaye bal markaa maxaa idiin talo ah?

Dahir Riyaale iyo wasiiradiisu in badan bay shacabka ku beerla xawsadeen nabadgaliyadaa khakhal galaysa,  nabad galyadiina dawladaa khalkhal galisay. Gobanimada Somaliland, qaranimadeena, dimuqraadiyadeena iyo nabadgalyadeenaba waxaa ay ku fadhidaa oo hubaal inoo wada hayaa waa shacabka reer Somaliland, cidii ka hor timaada dimuqraadinimadeennana ama xakuumad ahow ama mid kale ahow ogow maanta indhaha shacabka reer Somaliland aad bay u furan yihiin iyaga oon libiqsanayn.

Diiwaangelinta iyo doorashadaba waxaa mas’uuliyadeeda iska leh komishanka doorashooyinka waxaan wali fahmi la’ hay halkay ka soo galeen Dahir Riyaale iyo wasiiradiisa dhex cararayay gobolka Sanaag.  Riyaale waa xisbiga UDUB, xukuumad ahaan waxaanu u aqoonsannahay marka uu xilkii xukuumadeed ee kale ee kala duwaanaa uu gudanayo wixii se  olale doorasho iyo tartan ku saabsan ee diiwaangalin  ku saabsan  adeer Komishankow sida durba shacabka lagu qaldayo, goobo aan dhaqaalaha  ku jirn oo sanaadeeqdeeda hadhow Dahir Riyaale iyo wasiiradiisu soo xambaarto shacabka yaan magaciina loo isticmaalin . Komishanka waxaanu u aqoonsanayn inay yihiin komishan madax bannaan balse sida qormadu u soo muuqato waxay u egtahay  waa maadays diiwaangelinta iyo doorashaduba komishankuna way matilayaan !

Maxamud Caydiid Lafcanbe
Torononto,Canada