Archive for December, 2008

Hawsha Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Oo Ka Bilaabamatay 147-da Goobood Ee Gobolka Sanaag.

[http://farm3.static.flickr.com/2084/2622248694_076399fa05_m.jpg][Gobolka Sanaag (Sawirka: Faarax Fandhaal)]
Gaadhigii Wasiir Cali Waran Cade Iyo Hawl-wadeenadii uu Siday Oo Lagu Haysto Degmada Damalo Xagare

Ceergaabo (Somaliland.Org) Hawsha diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha ayaa ka bilaabamatay maanta guud ahaan deegaamada gobolka Sanaag marka laga reebo deegaamada bariga Sanaag.

Hawshan oo ka bilaabamatay 147-dii goobood ee hore ay uga soo dhaceen doorashooyinkii hore waxa manta xaflad furitaan ah loogu sameeyay magaalo

madaxda gobolka Sanaag ee Ceergaabo.

Xaflada oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka kala socday golayaasha qaranka ,axsaabta iyo maaulada heer gobol iyo heer degmo waxa hadal ka jeediyay gudoomiyayaasha labada xisbi ee mucaaradka ah, gudoomiyaha golaha wakiilada wasiirka daakhiliga, badhasaabka gobola Sanaag, maayerka Ceergaabo iyo masuuliyiinta komishanka qaran ee ka hawla-galay gobolka Sanaag,

Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo hadal ka jeedinaya xaflad loo sameeyay furitaanka hawsha diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha ayaa ku guubaabiyay dadweynaha reer Sanaag inay u soo baxaan hawsha diiwaan-gelinta isla markaana ay la tartamaan goboladii hore ay uga soo dhacday diiwaan gelintu.

Sidoo kale gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo isna halka ka hadlay waxa uu ku dhiiri-geliyay shacabka reer Sanaag inay ku daydaan gobolada ay hore uga soo dhacday diiwaan-gelintu isla markaana la iska ilaaliyo beenta iyo dacaayadaha la faafinayo ee lidiga ku ah dhmaystirka hawlaha diiwaan-gelinta.

Waxa iyaguna halka ka hadlay shirgudoonka golaha wakiilada, wasiiro, badhasaabka gobolka Sanaag, maayerka Ceergaabo iyo Jaamac Sweden oo ku hadlayay magaca komishanka doorashooyinka.

Marka laga yimaado goobaha 14-ka goobood ee magaalada Ceergaabo balse waxa jira ilaa 80-goobood oo aanay gaadhin kooxihii ka hawl geli lahaa kuwaas oo waqtigan oo Ceergaabo ay hawshu ka socotay ku dhowaad shan saacdood ay joogaan magaalada Ceergaabo iyadoo la filayo in meelaha qaar ay gaadhaan maalinta beri ah masaafada oo aad u dheer iyo wadooyinka oo aad u xun isla markaana ay ku yaalaan dhul buuraley aad u dhaadheer ah.

Diiwaan-gelinta oo dhowaan lagu heshiiyay inay ka dhacdo deegaamada bari Sanaag oo lixda goobood loo kordhiyay ayay suurtoobi weyday ka dib markii dadka deegaankaasi ay ka hor yimaadeen isla markaana qaadaceen in deegaamadooda laga qabto diiwaan gelin waxaan dhacday in koox ka mida kooxaha diiwaan-gelinta ee deegaamada bari Sanaag gaar ahaan degmada Damalo-Xagare oo 180-KM ka bari ka xigta magaalada Ceergaabo lagu qabsaday kooxdii ka hawl geli lahayd, kuwaas oo watay gaadhi ka mida gawaadhidii dawlada gaar ahaan gaadhigii wasiirka duulista hawada Cali Maxamed Waran Cade.

Qaadacaada in diiwaan-gelin ka dhacdo deegaamadaasi kuma koobna hadal ay yidhaahdeen hase yeeshee koox kale oo iyaguna ka xalay gaadhay deegaanka Ardaa oo 42-Km K/Bari ka xigta magaalada Ceergaabo ayaa maleeshiyo halkaa joogtay rasaas dabada u soo qabatay inkasta oo aanay rasaastaasi waxba yeelin hadana waxay rasaastu ka muuqatay gaadhiga ay kooxdaa hawl-wadeenada diiwaan-gelinta ee ka bilaabi lahaa shaqada deegaankaasi Ardaa.

Isku soo wada duuboo waxa magaalada Ceergaabo si weyn uga muuqda dhaqdhaqaaq ciidan isla markaana la hadal hayo inay u dhaqaaqaan dhinaca bari Sanaag kuwaas oo lagu wado inay sii kexeeyaan kooxihii ka hawl geli lahaa deegaamadaa bari Sanaag si looga bilaabo diiwaan-gelinta, inkasta oo duqayda degmada Ceergaabo ay walaac weyn ka qabaan in si xooga looga bilaabo diiwaan-gelinta dhinaca bariga Sanaag.

Xigasho /Somaliland.Org Ceergaabo

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo wefti uu hoggaaminayo oo galabta u ambabaxay Gobolka Sanaag

Mudane Axmed Siilaanyo

F.decorate(_ge(‘button_bar’), F._photo_button_bar).bar_go_go_go(2377121629, 0);

Mudane Axmed Siilaanyo by osomaliland.

Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa galabta ka ambabaxay magaalada Hargeysa, isaga oo u kicitimay gobolka Sanaag ee Bariga Somaliland oo diiwaangelinta codbixiyayaashu ka bilaabmayso Arbacada, 24 December.

Guddoomiyaha, mudane Axmed Siilaanyo waxa socdaalkaas ku weheliya Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee xisbiga, Cabdiraxmaan Cabdulqaaddir Faarax, xildhibaanada Golaha Wakiillada ee xisbiga KULMIYE uga soo baxay Gobolka Sanaag iyo xildhibaanno iyo xubno isugu jira guddida Fulinta iyo Golaha Dhexe ee xisbiga oo ka soo jeeda gobolada Galbeedka Somaliland, ayna ka mid yihiin, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo laga soo doortay Gobolka Saaxil iyo Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) oo ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga. Waxayna u kuurgelayaan sida ay diiwaangelintu uga qabsoonto gobolkaas, iyaga oo muddada lixda maalmood ah ee ay diiwaangelintu ka socoto gobolkaas soo kormeeri doona deegaamada gobolkaasi ka kooban yahay ee diiwaangelintu ka socoto.

Madaxda xisbiga KULMIYE oo uu horkacayo Guddoomiyaha xisbigu waxay hore kormeerkan oo kale ugu soo mareen gobolada Saaxil, Awdal, Maroodi-jeex (Hargeysa) iyo Togdheer, oo diiwaangelinta codbixiyayaasha laga fuliyey wakhtiyo kala duwan. Waxayna dadka ku dhiirrigelinayeen inay is diiwaangeliyaan si aanay u seegin fursadooda codbixinta doorashada soo socota, iyaga oo isla markaana komishanka iyo dadweynahaba kala shaqaynayey caqabadaha ka horyimaadda habsami-u-socodka diiwaangelinta.

Kormeer ujeeddo ballaadhan:

Gobolka Sanaag oo noqonaya Gobolkii 5aad ee diiwaangelinta codbixiyayaashu ka qabsoonto ayaa werwer weyn laga qabaa faragelin toos ah oo ay xukuumaddu ku samaysay inay carqalad geliso diiwaangelinta. Waxaana la filayaa in booqashada weftiga xisbiga KULMIYE aanay ku ekaan doonin – sidii 4tii gobol ee hore – kormeer iyo inay dadka ku dhiirrigeliyaan diiwaangelinta, balse, gobolka Sanaag, ay si dhug leh u dersi doonaan xaaladda dhabta ah gobolka, gaar ahaan, deegaamada Bariga gobolkaas oo markii u horreysey laga sameeyey goobo cusub oo doorasho, dhulkaas oo aanay hore doorashooyinku ugu dhicin, saamaynta faragelinta xukuumadda iyo cabsida laga qabo in iska horimaad iyo qalaanqal ka dhasho deegaamadaas.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Madaxweyne Riyaale ayaa go’aamiyey in 60 goobood oo cusub lagu kordhiyo goobaha diiwaangelinta ee gobolka Sanaag iyo 91 goobood oo lagu kordhin doono gobolka Sool, kuwaas oo la geynayo deegaamadii aan hore doorashooyinku uga dhicin, isla markaana aan ku jirin qorshaha diiwaangelinta ee lagu saleeyey kharashka deeqbixiyayaashu ku maalgelinayaan diiwaangelinta Somaliland, balse, xukuumadda ayaa sheegtay inay bixinayso kharashka ku baxaya goobahaas cusub.

Labada xisbi ee mucaaridka ah ayaa werwer iyo shaki ka muujiyey ujeeddada xukuumaddu ka leedahay arrintan.

Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE, mudane Cabdiraxmaan Cabdulqaaddir Faarax oo galabta shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee xisbiga, ka hor intii aanu weftiga Guddoomiyuhu ka ambabixin Hargeysa ayaa sheegay in goobahan la kordhiyey xukuumadda iyo Komishanku u cuskadeen warbixin ay keeneen wefti ka socda saddexda xisbi, Komishanka iyo Akadeemiyada Nabadda oo bishii hore kormeer ku soo maray gobolada bariga, taas oo soo jeedinaysey in deegaamada Bariga Sanaag iyo Sool qaar ka mid ah oo aanay hore doorashooyinku uga dhicin hadda laga samayn karo diiwaangelinta, dadkuna uu diyaar u yahay, balse, waxa uu sheegay in soo jeedintaas oo ay ahayd inay go’aan ka gaadhaan saddexda xisbi iyo Komishanka aan loo bandhigin, isla markaana muddadii ay ku mashquulsanaayeen diiwaangelinta gobolka Togdheer, mudane Riyaale iyo Komishanku go’aanka gaadheen.

Cabdiraxmaan Cabdulqaaddir, waxa uu sheegay in xisbiga KULMIYE aanu waxba ka qabin haddii diiwaangelintu ka dhacayso deegaamadaas, oo dadka deegaanku ay diyaar u yihiin ammaankuna sugan yahay, balse, waxa uu si adag uga digey ayuu yidhi xisbiga KULMIYE in meel aan ammaanku sugnayn la geeyo diiwaangelinta iyo in ay dhaliso iska horimaad, maadaama deegaamadaas ay isku hayaan Somaliland iyo maamulka Puntland.

Waxana uu sheegay in ay hadda ka warheleen in xukuumaddu ciidamo xoogleh u dirtay deegaamadaas bariga Sanaag, taas oo uu sheegay inay horseedi karto iska horimaad dagaal iyo in dadka deegaankaas ay u arkaan in khasab iyo qori caaradii lagu diiwaangelinayo.

Cabdiraxmaan Cabdulqaaddir, waxa uu uga digey xukuumadda inay isku daydo inay xoog ku meelmariso diiwaangelinta bariga Sanaag, wuxuuna ku taliyey in dadka deegaamadaasi haddii ay raalli ka yihiin diiwaangelinta loo geeyo, haddii kalena aan lagu khasbin.

Guddoomiyekuxigeenku waxa uu sheegay in marka ay gaadhaan Ceerigaabo ay dersi doonaan xaaladda.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

Gudoomiyaha urur siyaasadeedka QARAN Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa shaaca ka qaaday in ururkiisa iyo taageerayaashiisuba ay xisbiga KULMIYE ugu ololeyn doonaan marka doorashada la gaadho astaanta, magaca iyo calanka xisbiga KULMIYE

The image “http://www.somalilandtimes.net/sl/2007/288/gabose_qaran.jpg” cannot be displayed, because it contains errors. Hargeysa(Somaliland.Org) Gudoomiyaha urur siyaasadeedka QARAN Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa shaaca ka qaaday in ururkiisa iyo taageerayaashiisuba ay xisbiga KULMIYE ugu ololeyn doonaan marka doorashada la gaadho astaanta, magaca iyo calanka xisbiga KULMIYE, isla markaana ay hiil iyo hooba la barbar istaagi doonaan si uu ugu guulaysto doorashada Madaxtanimada.

Sidaas waxa uu Dr. Gaboose ku sheegay wareysi uu xalay siiyey Telefiishanka SLSC, isagoo dhinaca kalena sheegay in aanu ururka QARAN ku biirin xisbigta KULMIYE balse ay iskaashi la samaysteen, taasina aanay la macno inay ka tanaasuleen mabda’ii urur siyaasadeedka QARAN, waxaanu sheegay in xisbiga KULMIYE uu aaminsan yahay mabaadi’da hanaanka xisbiyada badan, taas oo uu ururka QARAN-na u halgamayay.

Dr Gaboose waraysigiisan oo uu kaga hadlay arrimo door ah waxa uu u dhacay sidan:

S: Dhawaan waxaad heshiis wada saxeexateen xisbiga siyaasiga ah ee ugu wayn mucaaridka ee KULMIYE, maxaa idinku kalifay baad isleedahay heshiiskaa inaad wada gashaan ama mabda’ wada yeelataan xisbiga KULMIYE?

J: Anagu waxaanu aaminsanahay in heshiiskaasi uu yahay quwad culus oo u soo hoyatay ummadda reer Somaliland baahida culus ee ay u qabaan isbedel doonka maamulka dalka, waxyaalaha nagi kalifay waxa weeye dareenkaanu ku shaqaynayano caqli, dan, cilmi iyo arrimo badan kolka la isu geeyo waxa noo soo baxay inaan doorashadan Madaxtooyada ee la soo hormariyey aanay fursad uga firayn ururka qaran inuu tartankaa ka qayb galo, kolkaa haddii uu albaabkii nagu soo xidhmay su’aasha kale waxay noqonaysaa xoogayagii ururkan waxaa ku xidhan dadwayne balaadhan oo ilaa Ceerigaabo taxan markaa quwada intaa leegi maxay qabanaysaa, markaa haddii albaabkaa tartankii Madaxtooyada soo hormarisay waxa danta dalka iyo dantayaduba ay noqotay inaanu saddexda xisbi saddexda hogaamiye ee u sharan kolkaan qiimayn ku samaynay waa dhanka aragtidayada’e un xisbiga KULMIYE aan ku qanacnay inuu yahay hogaanka aan isleenahay taageero balaadhan buu haystaa oo si niyad sami ah ayay isbedelka u doonayaan.

Oday waayo-arag ah ayaa hogaaminaya oo dalkana ku leh taariikh badan oo uu kaga soo gudbay halgan dheer oo u damqanaya dalkan iyo dadka, kana mid ah xaalada dadkan ee aan qol ku xidhnayn ee ummadda dhex jooga.

Waxa weeye mabaa’dii’dii aany jy soo dagaalamaynay ee ahaa nidaamka axsaabta badan uu hogaankaasi xisbigu-ba ku qanceen in aanay daw ahayn, in aanay garowshiiyo ahayn in dalkan saddex xisbi uu u xidhnaado ee in muwaadiniinta loo furo tartanka balaadhan ee ah axsaabta badan ee waliba dawladaha hoose ugu soo horeeya kolkaa runtii aan anagu aaminsanayn hadaan ka helo xisbiga waxay noola muuqatay inay sharciga iyo nidaamka iyana ay halkaa ka sii qaadayaan oo wixii na gubayey ay gubayaan, wixii nala khaldanaa ay la khaldan yihiin markaa inay guulaystaan waxa soo gashay mabaa’dii’dii aan ku dagaalamaynay oo iyana ay aamineen ayaa na kulan-siisay in aanu iska kaashano in ay fursad u helaan.

S: markaad eegto intii hedhiiskaasi dhacay aragtida dadku ku kala duwanaayeen, dad iyagu u arka in xisbiga KULMIYE maanta dad cul-cukusi ku soo kordheen iyo dad u arkay oo dhinac kale ka eegaya labada dhinacba way jireen, marka aad si dhab ah arrinkaasi u sii lafo gurto adiga oo eegaya dareenka maxaa idinkaga soo noqday aragtidaa dadka?

J: Ururka qaran muddadii uu jiray oo duruufo adagi ay hor yimaadeen waxaa lagu bartay oo lagu suntaday inuu yahay hogaanka qaran markaa dhaqdhaqaaq firfircoon baanu filaynaa inaan la soo galay, waxaanu nahay rag lagu bartay inaanay dhaameel, wahsi iyo qabyaalad midna ku shaqaynayn ee ku shaqaynaya mabda’ markaa mabda’ii aanu aaminsanayn baa KULMIYE dhex galay markaa KULMIYE maanta waa Qaran, dareenkayaga KULMIYE waa Qaran oo sidii aanu u ordaynay uun baanu waliba hada aaminsanahay xisbi culus oo ka mid nahay dee wuu ka sii fiefircoonaanayaa.

Ta kale waxaanu aaminsanahay inaanu taageerayaal balaadhan salka ku hayno, taageerayaashayadiina kolkaan la hadlau way ku wada qanceen halkaan dhignay arrinka ama ay ku qanceen oo u arkaan xisbiga KULMIYE iyo hogaanka Siilaanyo in uu yahay qofkii maanta ku munaasibka ahaa Riyaale marka meesha uu ka baxo.

Markaa taageero anagu waxaan isleenahay taageero baaxad leh, talo iyo arrinba waad ku soo biirinaysaan.

S: ta urur siyaasiga Qaran waa tii la idinku-ba xidhay, markaa markii la idinka xidhay oo hadda aan xisbiga KULMIYE ku biirteen imika ma Qaran ahaan baa u ololaynaysaan mise KULMIYE ahaan baad u ololaynaysaan?

J: anagu saacadaa lama aanu midoobin xisbiga KULMIYE ee waxaanu samaysanay iskaashi, iskaashiguna waxaa weeye anagoo muwaadiniin ah anagoon urur-ba ahayn dee ragii ururka Qaran dawladu ka hor istaagtay waxay xaq u lahaayeen, anagoo muwaadiniin ah oo taageeradii mabda’aa muwaadiniin kaloo faro badan ka haysta ayaa waxaan u dhaqaaqaynaa in aan gacab adag iyo hiil adag la garab istaagno xisbiga KULMIYE.

Haddii la eego wakhtiga ololaha waxaan nahay taageero KULMIYE ayaanu nahay walaa calan Qaran, walaa magac Qaran tartanka saddexdii xisbi baa tartamaya markaa meel ururka Qaran uga banaan inuu urur ahaan uu saaxada siyaasadeed ka galaa ma jiro markaa saacadan baanu KULMIYE nahay anagu saacadan waxaanu aaminsanahay waxa KULMIYE aaminsan yahay.

Waxaan u halgamayaa waxa ay u halgamayaan, waxaan dul-dhigaynaa himiladayada inuu Axmed Siilaanyo soo baxo anagoo muwaadiniin ah oo sidana calnjii iyo magacii iyo astaantii KULMIYE.


Xigasho / Somaliland.Org Hargeisa.

Hamabaliyo Aroos Mudane Cali Khadar Xasan Cisamaan Iyo Marwo Marian Maxamud Cali

Dhamaan xubnaha qurba jooga xisbiga Kulmiye laamahooda kala duwan ee dunida daafaheeda, xubnaha xisbiga ee ku sugan dalkii Hooyo gaar ahaan madaxda xisbiga ee ku sugan xarunta guud ee Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa waxay halkan hambaliyo iyo bogaadinba u soo marinayaan

Mudane Cali Khadar Xasan Cisman
Iyo
Marwo Marian Maxamud Cali

Oo Meherkoodu ka dhacay magaalada Burco Gobolka Togdheer maalintii Jimcihii ee ina dhaaftat Waxaananu ugu ducaynaynaa sida hoos ku qoran :

Christmas Centerpieces

Labadii Is Aroostee Abadkood Wada Jooga EBBE hayidinka Yeelo
Labadii isku raaga ee aqalkoodu Dhisnaado EBBE haydinka Yeelo

Labadii Is adeeca Eray aan isku qoonsan EBBE ha idinka Yeelo
Labadii Ubad khayr leh ILAAHAY kala siiyo EBBE haidinka Yeelo

Aqalkii Noo Iftiimee ee ilayskiisu baxaayo EBBE hayidinka Yeelo
Aqalkii Ehelkoo Dhan Iyo Umadoo dhan Mideeya EBBE haydinka Yeelo

Inan kii Lagu aayoo Ee Oridiisa Xaqdhowra EBBE ha idinka Yeelo
Inantii la Amaano een eraygeeda loo qoonsan EBBE ha idinka Yeelo

Aqalkii noo iftiimee ilayskiisu baxaayo EBBE hayidinka yeelo
Aqalkii ehelkoo dhan iyo umadoo dhan mideeya EBBE ha idinka yeelo.

Labadii Is Aroostee Abadkood Wada Jooga EBBE hayidinka Yeelo
Labadii isku raaga ee aqalkoodu Dhisnaado EBBE haydinka Yeelo

Labadii Is adeeca Eray aan isku qoonsan EBBE ha idinka Yeelo
Labadii Ubad khayr leh ILAAHAY kala siiyo EBBE haidinka Yeelo

Aqalkii Noo Iftiimee ee ilayskiisu baxaayo EBBE hayidinka Yeelo
Aqalkii Ehelkoo Dhan Iyo Umadoo dhan Mideeya EBBE haydinka Yeelo

Inan kii Lagu aayoo Ee Oridiisa Xaqdhowra EBBE ha idinka Yeelo
Inantii la Amaano een eraygeeda loo qoonsan EBBE ha idinka Yeelo

Aqalkii noo iftiimee ilayskiisu baxaayo EBBE hayidinka yeelo
Aqalkii ehelkoo dhan iyo umadoo dhan mideeya EBBE ha idinka yeelo.

Wasiir-ku-xigeenkii Hawlaha Guud oo KULMIYE Ku Biiray, Si Kululna u Weeraray Madaxweyne Rayaale

Wasiir-ku-xigeenkii Hawlaha Guud oo KULMIYE ku Biiray, si Kululna u Weeraray Madaxweyne Rayaale

Hargeysa (Oodweynenews)- Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Mr. Cabdirashiid Ducaale Qambi oo dhawaan xilkaga laga qaaday, ayaa rasmi ah ugu biiray xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE.


Munaasibad xisbiga KULMIYE u sameeyey soo dhaweynta Mr. Cabdirashiid oo maanta lagu qabtay xarunta dhexe ee xisbiga waxa ka qaybgalay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha xisbiga Axmed-siilaanyo, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax,KULMIYE Mr. Keyse iyo Xoghaya Arrimaha Dibada xisbig Dr. Maxamed Cabdillaahi iyo marti sharfe kale.

Mr. Qambi oo xafladaa loo sameeyey soo dhaweyntiisa hadal ka jeediyey, ayaa si kulul u weeraray Madaxweyne Rayaale oo uu ku eedeeyey wax-qabad la’aan muddadii uu dalka ka talinayey isagu dalka ka shaqaysanayey.

“Daahir Rayaale wuxuu Madaxweyne ama ku-xigeen ahaa muddo 12 sanno ah in, anniga horta waxa dawladda la iga eryey saddex jeer oo haddana la igu celinayey intaa marna ma doorbidin in aan wax idhaahdo, maantase waxaan go’aansaday in aan wax ka idhaahdo xukuumadda dalka ka jirta. Rayaale Kaahin haddii uu Somaliland wax u qabanayo, soomaalidu waxay ku maahmaahdaa hugaagu wuu kula baryo tagaa, Madaxtooyada Somaliland ee aad aragteen siday u eegtahay ayuu wax ka dhigi lahaa. Madaxtooyadu waxay ku fadhidaa dhul 40 miter ah oo ay ku yaalaan afar qol oo hoose iyo afar qol oo sare, marka dadka adduunka ee ina eegayaa soo galaan waxay arkayaan afar qol oo hoose oo Madaxweyne Rayaale xafiis u ah iyo afar sare oo carruurtiisii ka qaylinayso. Nin dalka wax ka damcay halkaasi madaxtooyo Somaliland uma ahaateen meel dad lagu baryo maaha,” ayuu yidhi Mr. Cabdirashiid Ducaale Qambi.

Wasiir-ku-xigeenka hore ee Hawlaha Guud waxa kale oo uu xukuumadda ku dhaliilay xadhiga waddada wadnaha ee Madaxtooyada hormarta oo uu ku tilmaamay in la garanayn ujeedada muddada intaa leeg loo xidhay.

Mr. Qambi waxa uu sidoo kale Madaxweyne Rayaale ku eedeeyey inuu doonayo inuu boobo codadka dadka gobollada bari oo aannu dan kale ka lahayn. Isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Gobolladan bariga ee hadda la leeyahay diiwaangelin baa ka dhacaysa, horta ina Rayaale nin haysa Hawlaha Guud (Wasiirka Hawlaha Guud Siciid Sulub) ayuu wakiil uga dhigtay oo uu ku yidhi wixii Burco bari ka xiga adiga ayaa haysta, nin aan isaga soo marin isagana wax lama weydiiyo. Waxa la yidhi diiwaangelin baa gobolladaa laga qabanayaa Madaxweynuhu wuxuu ururiyey gaadiidkii dawladda, dhulkaa wuxuu ugu socdaa boob wax uu ugu danaynayo ma jirto, lix sanno ayuu Madaxweyne ahaa dhulkaa uu doonayo inuu doorashadooda booboo wuxuu u qabtay ma jiro. Haddii dhulka wax ka qabsoomayaan dadka intii isdiiwaangelinaysa waanu diiwaangelinaynaa, waanu baxaynaa annaga oo reer Somaliland ah oo dalka iyo dadka u daynaynayna ayaanu diiwaangelinaynaa, laakiin sida Ina Rayaale aaminsan yahay ee ah xabbad caaradeed bay dadku igu dooranayaan wax allaale waxaan u qabanayaana ma jirto, waa wax aan shaqaynayn. Haddaan Ina Rayaale laga qaban dalka meel dheer baa laga dooni doonaa.”

Gebogabadii waxa uu Mr. Qambi sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay ku biirsitiisa xisbiga KULMIYE oo uu u arkay inuu yahay xisbiga dalka ka wax ka qaban kara, isla markaana uu si mutadawacnimo ah ula shaqeyn doono.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in uu Cabdirashiid Ducaale Qamdi oo uu ku sifeeyey nin ummadda iyo dalkaba u damqanayaa uu xisbigooda ku soo biiro.

“Labada Odayba (Cabdirashiid Qamdi iyo Fu’aad Aadan Cadde) aad bay u xogwarameen, dareenka ay ka qabaan maamulka maanta dalka ka jira waxaan u hubaa in taasi iyaga ku koobnayn, laakiin rag kale oo badan oo iyaguna halkaa (xukuumadda) joogaa inay iyaguna kaas oo kale qabaan, kaas oo nuxurkiisu yahay in maamulka maanta dalka ka jiraa aannu wuxuu dalka u soo wadaa jirin,” ayuu yidhi Md. Siilaanyo.

Guddoomiye Siilaanyo waxa uu sheegay in kormeeradii ay diiwaangelinta kaga qaybqaadayeen diiwaangelinta ay uga soo baxday in dadweynuhu ka qanacsan yihiin xukuumadda hadda talada haysa.

Isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Diiwaangelinta dalka waanu ku soo wareegnay oo meelo badan ayaanu soo marnay, waxaannu dadka kala hadlaynay arrinta diiwaangelinta iyo sidii uu nidaamku ahaa oo aannu dadka u sheegaynay, waxase shacbiga nooga soo baxayey oo aanay qarsanayn sida ay uga qanceen maamulka maanta jira iyo welwelka ay ka qabaan mustaqbalka.”

Mr. Fu’aad Aadan Cadde oo dhawaan isna ku biiray KULMIYE, ayaa hadal uu xafladaa ka jeediyey waxa uu ka sheegay in dhaleecaynta ay u soo jeedinayaan xukuumadda talada haysaa aanay ahayn cadho ay u qabaan, balse waa buu yidhi; “Waxa meesha yaala oo aannu arkayno, waa meeshaan shan sanno joogay ee aanan weli talo taala wallaahi aanan arag, waa meesha warqad loo qoray Madaxweynaha weli aan laga soo jawaabin.”

Mr. Fu’aad Aadan Cadde isaga oo ka hadlayey diiwaangelinta gobollada bari, waxa uu yidhi; “150 goob-diiwaangelineed ee gobollada bariga ee la yidhi dawladda ayaa kharashkooda bixinaysa, aad waxaan ugu faraxsanahay horta in lacagtii wuxuun loo quudhay dadka. Inta badan bariga ayuun baa la yidhaa wax looma qabane waar dalka oo dhan cid wax loo qabtay ma jirto.”

“Anigu shantii sanno ee aan xilka hayey bil walba waxa la iga qaadayey 100,000/= (boqol kun) meel ay joogto iyo meel ay ka hadlayso wallaahi weli ma arag, waxaanan aaminsanahay kuwa hadda joogana 100,000/= laga goostaa inay xaaraan tahay, angana aakhiro inay ii imanayso,” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Mr. Fu’aad Aadan Cadde.


Xigasho / Oodweynenews.com/Hargeysa

Xoghayaha Arrimaha Dibada Ee Xisbiga KULMIYE Mudame Dr Maxamed C. Cumar Ayaa In Sanad Ka Yar Kaga Dhaadhiciyay Halka Xukuumada Dahir Albaab Qaldan Wali Garaacayso MudoLix Sanadood Iyo Dheeraad Ah

Dr. Mohamed A. Omar and the President of Senegal, Abdullaye Wade

Hargeysa(Somaliland.Org) Xoghayaha arrimaha dibada ee Xisbiga KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa sheegay in xukuumadda Madaxwayne Rayaale ay suuq-gaynta qadiyadda Somaliland u marto waddo qudha, taas oo uu ku tilmaamay in ay tahay dariiqii ay hore u mari-jireen xukuumaddihii ka horeeyay.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa uu sidaa ku sheegay shir jraad oo uu maanta ku qabtay xarunta dhexe ee Xisbiga KULMIYE, kaasi oo uu faahfaahin kaga bixiyay waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu hayay xilkaasi, isaga oo tafaasiil ka bixiyay shirar doora oo caalami ah oo uu ka qayb galay.

Dr. Maxamed Cabdillaahi waxa uu ugu horayn mahadnaq iyo bogaadin u diray shacbiga Somaliland ee ku jira hawlaha diwaangelinta iyo qurba jooga reer Somaliland oo uu uga mahadnaqay wax-tarkii iyo kaalmadii dhaqaale ee ay u gaysteen ehelada dadkii ku waxyeeloobay weeraradii isqarxinta ahaa ee 29-kii October ka dhacay magaalada Hargaysa.

“Siyaasadda arrimaha dibadda ee Xisbiga KULMIYE, waxay ku salaysantahay laba qodob. A) In la balaadhiyo saaxiibada caalamiga ah ee Somaliland ku leedahay dunida. B) In la abuuro jawi Somaliland ku kasban karto aqoon caalami ah.” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi isaga oo ka hadlaya siyaasadda arrimaha dibada ee xisbiga KULMIYE, waxaanu intaa raaciyay “Waxaan ka qayb galay shirar waawayn oo caalami ah oo nalagu marti qaaday xisbi ahaan. sida shirkii ka dhacay magaalada Belfast ee dalka Areland, oo ay ka soo qayb galeen Madaxwayna Sinigaal, Madaxwaynayaal kale, Raysalwasaarayaal iyo dad kale oo badan, sidoo kale waxaanu ka qayb galnay shir lagu qabtay Addis Ababa oo daba socday shirkaas hore, kaasi oo ay soo qabanqaabisay IGAD, waxaanan ka jeediyay warbixin ku saabsan dhiiri gelinta, dimuquraadiyadda, nabadgelyada iyo xasiloonida ka jirta Somaliland.” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi.

Dr. Maxamed Cabdillaahi mar uu ka hadlayay shirar caalami ah oo lagu marti qaaday, kana dhacay Yurub waxa uu yidhi “Waxa jira shirar kale oo caalami ah oo nalagu marti qaaday, sida shirkii ka dhacay magaalada Stoklom ee dalka Swedan oo aniga iyo Guddoomiyaha Xisbigaba nalagu marti qaaday, balse Guddoomiyuhu uga baaqday sababo la xidhiidha hawlaha dalka ka socda. waxa uu ahaa shirkaasi mid ay soo qabanqaabiyeen xisbiyada dimuquraadiyadda ku dhisan oo ka jira dalalka Yurub. shirkaasi waxa Afrika uga qayb galay laba dal oo kala ah Xisbiga KULMIYE oo ka socday Somaliland iyo xisbi ka socday dalka Kenya.” ayuu yidhi Dr. Maxamed Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Xisbiga KULMIYE..

Dr. Maxamed oo ka waramayay kala duwanaashaha dariiqa loo marayo aqoonsiga Somaliland ee xisbigiisa iyo xukuumada M/weyne Riyaale ayaa sheegay in hanaanka diblomaasiyadeed ee raadinta aqoonsiga Somaliland aanu kaliya ku salaysnayn in dunida loo soo bandhigo waxa inoo qabsoomay,taasina waa dariiqa keliya ee xukuumadu u isticmaasho siyaasadeeda arimaha dibada balse iyana tahay in Somaliland oo la aqoonsadaa ay qayb libaax ka ciyaari karto deminta mushkiladaha ka jira geeska Afrika waana dariiqa aanu kaga duwanahay xukuumada iyo xisbigiisa UDUB

Dr. Maxamed C/laahi Cumar Xoghayaha arimaha dibada ee xisbiga KULMIYE oo mudoba socdaal ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa shalay dib ugu soo laabtay dalka,kaas oo ka soo degay madaarka caasimada Hargeysa.

Xigasho/ Somaliland.Org Hargeisa.

Xarka Udub Ku Dhacay ( Tix Gabay Ah Oo Kooban )

Image

Ninmanyohow xawaalaha aduun laysku wada xiiqye
Xogogaal war loo yahay hadaan xubin ka soo qaato
Oo aan xisaab ugu noqdo marag ku xoogeeyo
xarbi olole xayraan dagaal xolol u qiiqaabay
xooliyo naftii loo huriyo xeelad iyo dhiidhi
dalkii xaawaley iyo nin weyn marada loo xaytay
ama xaw malyuun loogu jaray lana xoraynaayey
ama kuman xabaasha u galeen una xiniin beeshay
dalkii aan ilaah ugu xamdiyay mahada xoogeeda
waxaan xeerka eebiyo ku ool xaqiyo miisaanka
oo ruux xil lagu aaminaa ku xaragoonaynin
toban xaaladoodoo xun baa lagu xukumayaaye
xuuraanka sheekada anoon idinku xaydhaamin
xaqiiq baad u haysaan hadaan idin xasuusiiyo
Nin xiskiisu liitoo dhintoo xaraqa mooyaane
qof xishoonayaa udub ma galo umana xiiseene
xag ilaah wax lag soo sidoo u xisho mooyaane
xukunkaa riyaalaan arkaa waa xidhiidh furade
xambaboorka foohaaligaa gobol xorayn waayey
xeebtii jabuutaad ogayd laga xawaareeye
xuduudi itoobiya hadaan xoolo laga keenin
xadka bariba xaajadu dhan bay u xuslinaysaaye
dalkan kala xayiran xaal kalay uga dan leeyiine
xag ilaah wax lag soo sidoo u xisho mooyaane
xukunkaa riyaalaan arkaa waa xidhiidh furade
waa midaan xushmiyo diin aqoon xooray dabarkiiye
xurmo dumarle xaas iyo nin weyn boqor xushmayntii leh
waa midaan xaqdhawrayn shacbigu xilashadoodiiye
waxa laga xishoodoo dhan buu ku xaragoodaane
ka xuubsiibay sharaftiyo milgiyo dhaqanka xeerkiiye
hadaad xaas walwaal beri ogayd oo la xamanaayey
markii xabashi yimi baa faraas xaaji loo qiraye
ilaahay xabaashiyo qabriga hawgu xidho nuure
xil wadeen inuu kuu ahaa helay xogteediiye
xag ilaah wax lag soo sidoo u xisho mooyaane
xukunkaa riyaalaan arkaa waa xidhiidh furade
wasiiradan xawaaraynayee xadhigi soo goostay
xujo aan falmayn iyo dhibay u xusul duubteene
hantidii bulshay xaabsadeen xoolihii shacabka
xaaraan ku naax boolidaa loo xalaashadaye
alaylehe ninkii soo xushaa dhigay xumaantaase
xag ilaah wax laga soo sidoon u xisho mooyaane
xukunkaa riyaalaan arkaa waa xidhiidh furad
xafiiskaad ogayd maalintii la isku xeeraayey
ee kuwii xoreeyeye lahaa laga xanaaqsiiyey
inaan xumo u laabnayn ayaan sii xaqiiqsadaye
xag ilaah wax laga soo sidoon u xisho mooyaane
xukunkaa riyaalaan arkaa waa xidhiidh furad
xasan ina siciid maalintii dooxa lagu xoomay
ee xeer ilaashuhu lahaa xawda kaba gooya
xuquuqdii distooruu lahaa xaal mastuur noqoye
xag ilaah wax laga soo sidoon u xisho mooyaane
xukunkaa riyaalaan arkaa waa xidhiidh furad
buurmadow sidii loo xidheen cidi u xaalaynin
ee cidina xaalka uga bixin gogolna loo xaadhin
isba waa xarbiyi kari lahaa xeeb intuu tago e
xag ilaah wax laga soo sidoon u xisho mooyaane
xukunkaa riyaalaan arkaa waa xidhiidh furad
Xajiintay marsheen raabi baan weli xasuustaaye
Isagoo xigaalkiyo tolkii wada xurmaynaayo
Oo beel xilkeedii sidoo magac ku xaydaaman
guulwade xamaysane xabsiga kuma ilaasheene
xiniinyaha ku jiray geesinimo lagu xulquuntaaye
iyaguba xaq waw leeyihiin ficil ku xaajoode
ha yeeshee waxay xeeriyeen baa ka xoog badane
xag ilaaha wax laga soo sidoon u xisho mooyaane
xukunkaa riyaalaan arkaa waa xidhiidh furade
xaakimadan garsoorkee dadkii xawlalada gooyey
ee aan xisaab aakhiriyo xoonka filananaynin
xaqdarada qarqooshkay dhigeen xaasidnimadooda
haduu xaafadiyo boosaskii kala xadayn waayey
iyana waa xuquuqdii dadkoo loo xabaal qodaye
xag ilaaha wax laga soo sidoon u xisho mooyaane
xukunkaa riyaalaan arkaa waa xidhiidh furade
hadaan xaysku roobaad togii wadhin xareediisa
xaafaduu biyaa kama caban xarunta ceelkiiye
iyana waa xistiga ay wadoo xaadir loo yahaye
xag ilaah wax laga soo sidoon u xisho mooyaane
xukunkaa riyaalaan arkaa waa xidhiidh furad
xasilkiyo bulshadu nabadgelyaday wada xurmeeyaane
maamulkani xumaan ulama hadhin xeelad iyo ceebe
xiqdigiyo buqdiga iyo xisdiga la isku xaydaamay
xogogaal shalaa loo ahaa xaadir yaa shamise
hadaan dhoqoshey xeegada ku dhalin way xif dhabanlayde
xag ilaah wax laga soo sidoon u xisho mooyaane
xukunkaa riyaalaan arkaa waa xidhiidh furad
caashuurahan xaddhaafkee bulshada lagu xajiimeeyey
waxa loo xantoobsaday inaan cidina xaalayne
kol hadaan xanuunkaa la degey lagag xaydaynin
xag ilaah wax laga soo sidoon u xisho mooyaane
xukunkaa riyaalaan arkaa waa xidhiidh furad
xagaan dayaba somaliland way xawidiyeene
iyagoo xawaashii arkay xolodka jiidhaane
xarka UDUB ku dhacay ciida wuu ku xambabooraaye
kol hadaan xilqaan ula tegoo geystey xarafkayga
ama xaaladii gabay lahaa ku xogogaaleeye
allaylehe xil baa iga dhacee xamarna yeelkeeda.
__________________________________________________

Xarka Udub kU dhacay (tix gabaya oo kooban)
By: Abwaan Mubaarak Mohamed Nur “qoor u baxay”

Tirada Guud Ee Iska Diiwangalysay Gobolka Togdheer

Burco ( Kulmiye.org) Gudoomiye ku xigeenka Komishanka Qaranka Md Cali Maxamed Cabdalla (Biikalo)  ayaa maanta ku dhawaaqay tirada hordhaca ah ee codbixiyeyaasha  iska diiwaangaliayay gobolka Togdheer lixdii maalmood ee inna dhaafay. Md cali Biikalo oo maanta warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa magaalada Hargeysa ayaa ku dhawaaqay tirada guud ee hordhaca ah ay hayaan oo ay ka maqanyihiin 24 goobood oo natiijadoodi anay wali helin. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka Komishanku.“Inta noo soo xarootay waxa weeye 288199 qof ayaa iska diiwaangeliyay Gobolka, 24-kaa goobood haddii la cel-celiyyo aanu ka filayno in ay noqon doonto tiradoodu 35 kun, haddii aanay afartanka gaadhin. Sidaaa daraadeed, qiyaasta guud ee dadka Gobolka Togdheer iska diiwaan-geliyay waxaan filayaa in ay gaadhi doonto 320,000 .

Cali Maxamed Maxamed Cabdalla (Biikolo), oo ka hadlayay tirada Deegaanada Gobolka Togdheer ee ay Degmo weliba heshay, waxa uu yidhi, “Degmada Degmo haddii aynu u qaadno, Degmada Oodweyne waxa iska diiwaan-geliyay 56885 qof ayaa iska diiwaan-geliyay,Degmada Buuhoodle oo 10 goobood dadka laga diiwaan-gelinayay, waxa iska diiwaan-geliyay 15816 qof, Degmada Burco oo ahayd deegaanka ugu balaadhan oo ay ka 24-ka goobood ee aan natiijadooda aan weli lahaynini ay ka mid yihiin, waxa iska diiwaan-geliyay 221,498 qof.”

Md Cali Biikalo ayaa sheegay inay si rasmi ugu dhawaaqi doonaan mar labaad marka ay soo baxdo tirada 24 goobood ee iila hada aan soo bixini inkasta oo aanu sheegin goorta ay ku dhawaaqi doonaan. Goobihii 196 aahaa ee Gobolka Togdheer ayaa si rasmi ah iridaha loogu soo xidahay kadib markii xalay la soo gabagabeeyay lixdii malmood ee diiwaangalinta. Barnaamijka diiwaangalinta codbixiyeyaasha qaranka ayaa gobolka Togdheer uu ahaa gobolkii afaraad iyada oo si dhakhso ahna loo rajaynayo in komishanka iyo hawlwadeenada diiwaangalintu u baqooli doonaan goblka Sanaag maalmaha inagu soo socda.

Cabdiriaq Xasan Dheere

Hargeysa, Somaliland

Mudane Axmed-Siillaanyo oo Ka Xog-waramay Safardii uu ku sooDegaamada Togdheer iyo Oodweyne.

Mudane Axmed-Siillaanyo oo Ka Xog-waramay Safardii uu ku sooDegaamada Togdheer iyo Oodweyne.
Published Dec 18, 2008 – 03:57 PM by siciid

NEWS

Burco (Togdheernews..18-Dec.)- Guddoomiyaha KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay

in ay xisbi ahaan ka soo horjeedaan hindise uu xusay in ay wadaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo axsaabta qaarkood oo ku saabsan in mar laga wada bilaabo hawsha diiwaangelinta codbixiyayaasha gobollada Sanaag iyo Sool.

Waxaa kale oo uu Axmed Siilaanyo ka warbixiyay socdaaladii ay maalmahanba ku marayeen isaga iyo wafti uu hoggaaminayay degaannada Togdheer iyo Odweyne iyo dhibaatooyinkii ay ku soo arkeen.

Md. Axmed Maxamed Maxamuud oo arrimahaas uga warramayey weriyaha Jamhuuriya ee gobollada bariga Somaliland waxa uu hadalkiisa ku bilaabay, “Socdaalkayaga waxaanu ku marnay degaamo badan oo ka tirsan Togdheer iyo Odweyne, kuwaa soo dhammaantood si fiican la noogu soo dhaweeyay, si fiicanna hawsha dIiwaangalintu uga socotay, dadweynaha degaannadaasna ka muuqatay abaabulka iyo diyaargarowga ay sameeyeen. Muhiimaddu waxa weeye sida fiican ee nabadgelyada ah ee dadku ugu soo baxeen inay qaataan kaadhka codbixinta iyo ka jinsiyadda, maadaama aanu qofku codbixinta doorashada ka qaybgeli karayn haddaanu qaadan kaadhadhka aqoonsiga.”

Waxa kale oo uu intaa ku daray Guddoomiyaha KULMIYE in goobaha diiwaangalinta ee soo mareen ay ka jireen dhibaatooyin dhinaca ciladaha farsamada ah iyo agabka diiwaangalinta, kuwaasoo hakad galinayay hawshii diiwaangalinta, islamarkaana ay dhibaatooyinkaas gaadhsiin doonaan Komishanka si wax looga qabto, isaga oo dhinaca kalena xusay in safarka ay ku soo mareen deegaanada Togdheer uu ahaa mid ku abuuray farxad iyo rajo badan.

Axmed-Siilaanyo waxa kale oo uu caddeeyey xisbi ahaan in ay ka soo horjeedaan hindisaha iyo fikradaha ay wadaan Komishanka iyo xisbiyada qaarkood ee sheegaya in markaliya la wada qabto diiwaangalinta gobollada Sool iyo Sanaag, “Siyaasad cad ayuu xisbigayagu iska taagay arrintaas, waanan ka soo horjeednaa, suurtogalna maaha, Sanaagna waa degaan baxaad weyn ku fadhiya,” ayuu yidhi guddoomiyaha KULMIYE.

“Runtii socdaalkayagu ma ahayn mid kaambayn laakiin waxaanu isla qaadaynay dhammaantayo in dadka aanu ku dhiirigeliyno sidii ay isu diiwaangelin lahaayeen. Dabcan, markaanu dadka aragno ee ay duruufahooda nooga waramaan waanu uga warramaynay in xaalada guud ee dalku liidato.”

Md.Siillaanyo waxa ugu dambayntii bulshada Somaliland ku hambalyeeyay sida wanaagsan ee uga qaybqaateen hawlaha diwaangalinta, isla markaana gobollada kale ee hadhayna waxa uu ugu baaqay inay u diyaargaroobaan diwaangalinta, waxayna Somaliland u horseedi doontaa horomar iyo furfurnaanta dimuqraadiyadda.

Wafti ballaadhan oo Kulmiye ah oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha xisbigaasi oo maalmahanba socdaalo ku marayay degaannada Togdheer iyo Odweyne, kuwaasoo u kuurgalayay sida ay u socdaan hawlaha diwaangelintu goobahaas.

Xigasho/ Togdheernews
Burco.

Xoghayaha Arimaha Dibada Ee Xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Cabdillahi Cumar Oo Somaliland Ugu Ambabaxay Socdal Shaqo Iyo Mid U Gaara Ahba

Xohayihii arimaha dibada ugu magacaaban Xisbiga ugu weyn mucaaridka Dr Mohamed Abdilahi Omar, ayaa galabta ka am babaxay magaalada London, isaga oo booqasho gaaban ku tagay Somaliland. Dr Mohamed oo intii aanu ka anba bixin dalka u waramay shabakada Somaliland.Org, ayaa u sheegay in socdaalkiisu uu ku tagi doono dalka Somaliland noqon doonto mid dhinacyo badan isugu jiri doona.  Isla markaana iminka u socdo dano shakhi ahaaneed oo isaga u gaar aha, balse inta uu halkaa joogana uu uga warami doono shacabka Somaliland socdaaladiisii uu ku maray dibadaha iyo wax yaabihii uu kala kulmay.

Dr Mohamed Omara aya booqashadiisani noqon doontaa tii ugu horeeysay, ee uu ku tago dalka Somaliland tan iyo intii loo magacaabay jagada Xoghayaha Arimha Dibada ee Xisbiga KULMIYE.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa bishii November horaanteedii ka qaybgalay shirwayne caalami ah oo ay xisbiyada dimuqraadiga ah ee qaaradda Yurub ku yeesheen magaalada Stockholm ee dalka Sweden, wakhtigaas oo ay u suuragashay inuu qaddiyada Somaliland gaadhsiiyo 22 dal oo ka soo qaybgalay shirwayaha, si gooni ahna wuxuu ula kalmay qaar ka mid aha hogaamiyayaashii Yurub ee shirka ka soo qaybgalay.

Cecilia Malmstrom, Swdish Minster for European Affairs

Shirkaa oo ay ku weheliyeen Dr Mohamed Prof. Xuseen Xasan Guled oo ka tirsan Golaha Dhexe ee KULMIYE, ayaa arrimaha shirka lagaga hadalay waxaa ka mid ahaa sii loo yarayn lahaa khatarta ka iman karta iska horimaadyada siyaasiga ah ee adduunka, arrimo la xidhiidha ganacsiga iyo dib u dhac hadda ku yimid bangiyada iyo sayladaha dhaqaalaha adduunka, horumarinta xoriyadda dadka iyo ilaalinta deegaanka. Waxaa kaloo lagawada hadlay fidinta dimuqraadiyadda iyo wax ka qabashada colaadaha ka aloosan gobollo ka mid ah adduunka.

Sidoo kale bishii Auguts 31 keedii ayuu Dr Mohamed Abdilahi ku tagay magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya shirwayne lagaga hadlayo sidii nabad loogu dhammayn lahaa colaadaha ka dhex aloosan wadamada ku yaalla geeska Afrika.

Dabayaaqadii bishii May 21 keedii uu tagay Shirwayne caalami ah oo lagu gorfaynayay dhibaatooyinka siyaasadeed ee adduunka hadda ka taagan oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Belfast ee woqooyiga Ireland, kana qaybqaateen wufuud ka socotay 28 dal. Hadal uu ka jeediyay shirwaynaha Dr.Maxamed Cabdillahi Cumar wuxuu si balaadhan uga warbixiyay arrimaha siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo qalalaasaha ka aloosan mandaqadda. Wuxuuna si gaar ah u taabtay xaaladda Soomaliland ee hadda iyo baahida loo qabo in la helo gargaar caalami ah o wax ka tari kara kobcinta dimoqradiayda, nolashad dadka iyo xal u helidda arinta aqoonsiga. Waxaa kaloo uu shirwaynaha uga waramay halganka dheer ee qaran-dhiska ah ee shacabka Soomaliland soo maray ilaa 18 May 1991, iyo siday uga go’an tahay inay ku biiraan bulshada caalamka xorta ah.

Intuu uu shirwaynuhu socdayna, waxaa u suuragashay mudane Maxamed Cabdillahi inuu si gooni gooni ah ula kulmo qaar ka mid ah madaxdii ka soo qaybgashay shirwaynahaa, isaga oo kala hadlay maslaxadda iyo danaha shacabka Soomaliland. Waxaana ka mid aha masuuliyiintii uu la kulmay madaxwaynaha dalka Senegal mudane Abullaye Wade, hogaamiyaha mucaaradka ee Simbabwe, Morgan Tsvangarai, oo la filayo inuu ku guulaysan doono talada dalkaasi bisha soo socota, iyo Marwo Rosie Odinga oo ka socotay Xisbiga Raila Odinga oo ah Ra’iisal- wasaaraha cusub ee Kiiniya.

Morgan Tsvangarai (MDC) and Dr Mohamed Abdilahi Omar

 

Dr. Mohamed A. Omar and the President of Senegal, Abdullaye Wade

Dr Maxamed Abdilahi waxa lagu wadaa in bari oo Khamiisa ka dagi doono caasimada dalka Somaliland Hargeisa. Waxaana la filayaa in uu halkaa ku sugnaan doono mudo laba todobaad ah.

 

 

Xigasho / Somaliland.Org News Desk