Archive for December, 2008

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo weftigiisii oo maanta socdaal ku maray Waraabeeye ilaa Balli-dhiig

silanyo_03 by wajaale

Qorilugud (Somaliland.org) – Guddoomiyaha Xisbiga ugu weyn mucaaridka Somaliland, ee KULMIYE, Xaaji Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo oo booqasho la xidhiidha kormeerka iyo dhiirrigelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha ku jooga gobolka Togdheer, ayaa maanta kormeer ku maray deegaamo ay ka mid yihiin, Waraabeeye, Xaaji Saalax, Yucub-yabooh, Jaamac Qabar, Dhoqoshey, Dheryaley iyo Ballidhiig oo uu weftigu caawa u hoydey.

Guddoomiyaha, mudane Axmed Siilaanyo oo ay booqashadiisa ku weheliyaan, Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee xisbiga, mudane Cabdiraxmaan Cabdulqaaddir Faarax, Muj. Maxamed Kaahin Axmed, Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada oo ay ka mid yihiin, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe iyo xubno ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga, waxa ay saaka subaxnimadii hore ka ambabaxeen magaalada Burco, iyada oo ay ahayd maalintii labaad ee ay kormeer ku marayaan deegaamada ka baxsan magaalada Burco, waxana uu weftigu maanta kormeerkiisa ku maray dhawr iyo labaatan goobood oo ay diiwaangelintu ka socoto, deegaamadaas ay kormeerka ku mareen.

Guddoomiyaha iyo weftigiisu waxay u kuurgelayeen sida diiwaangelintu uga socoto deegaamadaas, waxayna dadweynaha uga warramayeen muhiimadda diiwaangelintu u leedahay dalka iyo dadka Somaliland iyo weliba doorasho si xor iyo xalaal ah dalka uga dhacda.

Guddoomiyaha, mudane Axmed Siilaanyo, oo magaalada Burco gaadhey Sabtidii markii diiwaangelinta codbixiyayaashu ka bilaabantay gobolka Togdheer, waxa uu shalay soo kormeeray degmada Oodweyne, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Weftiga guddoomiyuhu wuxuu caawa fiidkii gaadhey degmada Balli-dhiig, waxaana u qorshaysan berrito inay sii wataan socdaalkooda, isla markaana ay soo maraan deegaamada loo yaqaanno Balliweyn ee koonfurbari ka xiga magaalada Burco, kadibna ay ku soo hoydaan magaalada Burco.

Gobolka Togdheer, oo diiwaangelinta codbixiyayaashu ka socoto maalintii Saddexaad ayaa la sheegay in meelaha qaarkood ay weli cilado ka jiraan, isla markaana ay kala badan yihiin dadka iyo goobaha diiwaangelintu.

Sida uu ku soo warramayo weriye Liibaan Maaweel oo weftiga guddoomiyaha la socda, meelo badan oo ka mid ah deegaamada ay maanta kormeerka ku mareen ayaa waraaqaha lagu daabacayo ay ka sii go;ayeen, isla markaana ay hawlwadeennadu ka werwersan yihiin inay diiwaangelintu joogsato waraaqo la’aan darteed. Waxa kale oo uu sheegay in tuulada Dheryaley iyada maanta iyo shalay midna aanay diiwaangelintu ka socon, sababta oo ah matoorka dab-dhaliyaha ah oo ka xumaaday kooxda diiwaangelinta ee loo diray tuuladaas. Dadka ayaa safaf dhaadheer ku jira tuulooyinkaas oo dhan, waxaana taas sababay sida warku sheegay deegaamadaas oo xilligan barwaaqo ah, taasina ay dadka xoola-dhaqatada ah u saamaxdey inay fursad u haystaan inay isdiiwaangeliyaan.

Dhinaca kale, Koox wasiirro ah oo ay ka mid yihiin, Wasiirrada Duulista Hawada, mudane Cali Warancadde, Maaliyadda, Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Hawlaha Guud, Siciid Sulub ayaa iyaguna maanta tegey degmada Oodweyne, waxaana la filayaa inay u socdaan olole siyaasadeed oo daba jooga socdaalkii shalay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo weftigiisu ku tageen Oodweyne.

Xigasho / C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

Boqortooyada Ingiriiska oo ku Hawlan Qorshe Midowga Afrika Lagaga Dhaadhicnayo Aqoonsiga Somaliland “Waa in la raadiyo mawqif caalami ah oo lagaga ilaalinayo in argagixisadu isku ballaadhiso goobaha la dariska ah ee sharciga isku maamula” Mr.Lord Eric Avebury, mudane ka tirsan Baarlamaanka Britain

thumb_avebury.jpg

Lord Eric Avebury, mudane ka tirsan Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Britain Ee Loo Yaqaan (House Of Lords)

London-(Jam/W.wararka)- Dawladda Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku hawlan qorshayaal ay ururka Midowga Afrika kaga dhaahdicinayso aqoonsi buuxa oo la siiyo Somaliland, qorshahaas ujeeddadiisa ku tilmaameen mid lagaga hortegayo hortago in argagixisadu isku ballaadhiso goobaha sharciga iyo kala dambayntu ka jiraan ee ku yaal mandaqadda Geeska Afrika.

Sidaa waxa daboolka ka qaaday Mr.Lord Eric Avebury oo ka mid ah mudanayaasha Aqalka Odayaasha Ingiriiska, waxaannu xusay in la wado dadaalo waddamada Midowga Afrika loogu baaqayo in ay aqoonsadaan qarannimada iyo madaxbannaanida Somaliland, isaga oo xusay in arintaasi ay lafdhabar u noqon doonto xal-u-helidda Soomaaliya, isla markaana gacan ka gaysan doonto sidii looga hortagi lahaa in kooxaha argagixisadu qabsadaan dalkaas burbursan.

Waxa Md. Lord Eric xusay haddii ururka Midowga Afrika ku guuldarraysto siduu ugu qancin lahaa dalalka xubnaha ka ah in ciidamo Afrika ka socda oo loo diro Soomaaliya, isla markaana Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay indhaha ka qabsado dhibaatada taagan ay daruuri tahay in ugu yaraan AU-du ka fikiraan xal lagu badbaaadaniyo qarannimada Somaliland oo muddo 18 ah dal ah iskii u taagan oo leh maamul iyo xasillooni buuxda oo aan ka jirin Soomaaliya inteeda kale.

“Haddii Midowga Afrika awoodi waayaan inay ku qanciyaan dalalka xubnaha ka ah in ciidamo nabad-ilaalineed oo xoojin ah oo loo diro Soomaaliya, Golaha Ammaankuna indhaha ka qarsado dhibaatada ka taagan Soomaaliya waxa daruuri ah in Midowga Afrika raadiyo xal ugu yaraan lagu lagu ilaalinayo Somaliland, kaas oo ahaa dal astaamihii qarannimo oo dhan buuxiyey, iskiina isku maamulayay 18-kii sannadood ee ina dhaafay, haddana ka taliso dawlad si dimuqradai ah loo soo doortay.

Dawladda boqortooyada Ingiriisku waxay ka fikiraysaa siday ii sheegeen wasiiro xukuumadda ka tirsani sidii dib-u-qiimayn loogu samayn lahaa xaaladda ka jirta Somaliland, isla markaana looga hirgalin lahaa mashaariic horumarineed iyo fursado kor u qaadaya taageerada la siiyo, taas oo ay ugu horreyso sidii dalalka Midowga Afrika loogu qancin lahaa aqoonsiga Somaliland, iyada oo la raacayo xeerarka iyo shuruucada caalamiga ah si looga hortago iskuday kasta oo xoogagga argagixisadu ku damacsan yihiin in kula wareegaan dhulkaas iyo si aanay falal argagixiso oo dambe uga dhicin.

Soomaaliya mar hore ayey noqotay hoy argagixisadu gabbaad ka dhigato, budhcad-badeedduna awood ay isku maamusho ku yeelato, sidaa awgeedna waa in la raadiyo mawqif caalami ah oo lagaga ilaalinayo in aragagixisadu isku baladhiso goobaha la dariska ah ee sharciga isku maamula,” ayuu yidhi Md. Lord Eric Avebury.

Md. Lord Eric Avebury waxa uu in taa ku daray in wasiirada dawladdiisu u sheegeen sababtii weerarka loogu qaaday dalka Afghanistan ay salka ku haysay si looga hortago in argagixisadu gabbaad ka dhigato, balse waxa uu xusay in aanay wasiiradu soo hadal qaadin sababtii weerarka loogu qaaday Ciraaq, taas oo siduu hore u sheegay Madaxweynaha Masar Mr. Xusni Mubaarig ay ka dhasheen boqol Cusaama oo isku baahiyey dunida dacalleeda.

Waxa kale oo uu ka hadlay weerarradii argagixiso ee ka dhacay Hindiya, Nairobi, Darasalaam, New ork, Madrid, Jakarta. Islamabad iyo Hargeysa, kuwaas oo uu sheegay in ay dhammaantood fuliyeen argagixiso aan naxayn oo u heellan siday mabaadii’dooda ugu fidin lahaayeen caalamka.


Xigasho / Jamhuuriya Online

Taariikh Nololeedka Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Cisman ILLAAHAY Naxariistii Janada Fardowsa Ha Ka Waraabiyee ( Sawiradii Aaska Marxuumka HalkanKa Daawo)

Taariikh Nololeedka Suldaan Cabdiraxmaan

Taariikh Nololeedka Suldaan Cabdiraxmaan

Suldan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed waxaa uu yaraantiisii ku barbaaray kuna hanaqaaday Kilalka Shanaad ee Itoobiya, halka uu xiligii dhalinyaranimadiisii uu ku qaatay magaalada Hargeisa halkaas oo uu la shaqayn jiray dawaladihii reer galbeedka ee dagaal waynihii labaad ee dunida isku hayay.

Suldan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed shaqooyinkiisii bulsho iyo nabadeed waxaa uu ka soo bilaabay dalka Itoobiya halkaas oo uu kala soo shaqeeyay jiray dawladihii kala dambeeyay ee dalkaas ilaa boqortooyadii Xayle Salaase ilaa taliskii Mingiste.

1955 kii ayaa isaga oo jooga itoobiya loo doortay inuu noqdo caaqil. 1961 kii ayuu Boqor xayle salaase qasrigiisa ku casuumay isla markaana ka dhigay Baranbaraas oo ahayd darajo uu boqorka oo kaliyi siiyo cida uu u arko inay dadaashay.1964 kii ayaa loo doortay inuu noqdo Suldaanka Guud ee beesha gabilay. 1969 kii waxaa uu mar labaad Boqor xayle salaase qasirigiisa boqortooyada ku gudoonsiiyay darajada fitawaraar oo ahayd darajo kale oo uu isla boqorka oo kaliyi bixiyo.

Marxuum Suldaan Cabdiraxmaan

Suldaan Cabdiraxman

Suldaanku ma uusan ahayn siyaasi ee waxaa uu ahaa oday dhaqameed oo nabada iyo horumarka bulshada ka shaqeeya.

Suldaan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed waxaa uu soo qabtay xilal badan oo dhaqan oo kala sareeya, waxaana sanadihii lixdamaadkii loo doortay inuu noqdo Suldaanka Guud ee Beesha Jibriil abokor, taas oo uu ilaa 40kii sano ee ugu dambeeyay ku soo shaqaynayay.

Aaskii maanta Suldaan Cabdiraxmaan
Aaskii maanta Suldaan Cabdiraxmaan

Suldaan Cabdiraxman Aaskii Maanta
Suldaan Cabdiraxman Aaskii Maanta1

Suldaan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed waxaa uu sanadihii todobaatanaadkii ka bilaabay dalka Soomaaliya shoqooyinkiisii bulsho iyo nabadeed.

Suldan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed waxaa uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii ugu horeeyay ee abaabulay ama abuuray jabhadii afraad ee gobolada woqooyi ee aakhirkiina isku rogay, dhaqdhaqaaqii xoreynta Somalia ee SNM…
Suldaanku isaga oo aasaaskii afraad ay kala Qayb qaateen Geesiyaal oday dhaqmeed ahaa oo aan maanta noolayn Eebe janada fardowsa ha ka waraabiyee oo ay ka mid ahaayeen chief Caaqil Maxamed Ibraahim Khaliif iyo Chief Caaqil Yusuf Khaliif Cige( Xaruur) oo run ahaantii manta la tabeyo Kaalintii ay kaga jireen Bulshada Gobolka Gabiley iyo guud ahaan Somalilandba. Waxa kale oo xusid mudan in ay garab taagnaayeen oo hawl fulintana lahaayeen saraakiil aan la iloobi Karin oo taariikhda baal dahaba kaga jira oo ay ka mid ahaayeen Janaraal Mahdi Cali , Janaraal Xasan Yoonis , Cornayl dhego laab iyo Kornayl dhuxul, Ambasador Yaxye intuba ilaahay ha u naxriistee ay dhinteen iyo kuwa noolba.
Suldaan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed iyo labadaa Caaqilba waxay muddo xabsiyada kala duwan ee dalka Somalia ugu xidhnaayeen taliskii Maxamed Siyaad Bare, halkaas oo ay ku xidhnaayeen ilaa xiligii burburkii dawladii Kacaanka ahayd.

Suldaanka iyo Caaqiladiisuba markii la soo daayay waxay isla markiiba ka qaybqaateen dhaqdhaqaaqii iyo hawlgaladii gobolada Woqooyi ka socday ee ay SNM hormoodka ka hayd, gaar ahaan dib u xoreyntii, dib u dhiskii, nabadayntii, dib u heshiisiintii iyo taabo galka ilaa manta lagu naaloonayo.

Suldaan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed waxaa uu ka mid ahaa gudidii odayaasha ahayd ee qalinka ku duugay kuna dhawaaqay go’aankii dib ula soo noqoshada xoriyada qaranka Jamhuuriyada Somaliland iyo gooni-isu taageedaba intii lagu gudo jiray shirwaynihii Burco ee 1991 lagu dhisay maamulkii ugu horeeyay ee dalka Somaliland ee uu hogaanka u ahaa Madaxweyne Cabadraxmaan Axmed Cali (Tuur).

Suldaanku isagoo amar ku siiyey Janaraal Xasan Yoonis oo ahaa masuulkii gacanta ku hayey ciidamadii degaanka in uu garabsiiyo sidii ay cagaha isugu taagi lahayd dawladii koowaad ee Somaliland ee uu Madaxweyne ka ahaa Mudane Cabdiraxmaan Tuur.

Sudaalku waxaa uu ka mid ahaa Shirgudoonkii guud ee shirwaynihii aayo-ka-tashiga beelaha Somaliland ee 1993 ka dhacay Boorame.

halkaas oo lagu soo dhisay dawladii labaad ee dalka jamhuuriyada Somaliland ee madaxda ka ahaa Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, sidoo kale waxaa uu shirgudoon ka ahaa shirwaynihii sadexaad ee beelaha Somaliland ee 1996 dib loogu soo doortay madaxweyne Maxamed Ibrahim Cigaal.

Suldaan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed waxaa uu ahaa xubin ka tirsan golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland. Waxaa uu qayb laxaad leh oo abaabul iyo hogaaminba isugu jirta ka qaatay dhamaan shirarkii dib u heshisiinta beelaha degan cariga Somaliland. Waxaa xusid mudan:-

Shirkii magaalada sheikh
- Shirk waynihii Burco
- Shirkii Ceerigaabo
- Shirarkii kala duwanaa ee beelaha gobolka Hargeisa iyo Boorama (Xarshin, Farawayne, Caada iyo kuwo kale).

Suldan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed waxaa uu kaalmaha hore kaga jiray odayaasha faro ku tiriska ah ee loo triyo nabadeynta iyo xasiloonida ay maanta dadka reer Somaliland ku naaloonayaan.

Waxaa uu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee qaatay go’aankii xereynta hubkii beelaha Somaliland gacanta ku hayeen sanadihii sagaashamaadkii.

halkaas oo beesha uu suldaanka u ahaa gudoonsatay noqotayna beelihii ugu horeeyey ee hubkoodii ku wareejiyay gacantii dawladii Maxamed ibrahim cigaal. Taas oo aabuurtay aaminka ilaa manta dhexyaal dawalada iyo dadka reer Somaliland.

Marxuum Suldaan Cabdiraxman (dhexda)

Suldaan Cabdiraxman dhexda

Suldaan Cabdiraxman oo ka dhexmuuqda golaha guurtida Somaliland.

Suldaan Cabdiraxman oo ka dhexmuuqda golaha guurtida Somaliland.

Suldan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed waxaa uu ahaa xubin sare ka tirsan golaha guurtida jamhuuriyada Somaliland halkaas oo uu ilaa manta xubin ka ahaa.

Suldan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed waxaa uu ifka kaga tagay tafiir ilaa boqol qof ku dhaw, taas oo ka kooban 14 qof(lix gabdhood iyo sideed wiil) iyo dadkii ay sii dhaleen. suldaanku wxuu guud ahaanba guursaday Sadex dumar ah oo labana nool yihiin midna hore u geeriyootay.

Suldan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed waxaa lagu xasuusan karaa guud ahaan kaalintii firfircoonayd ee uu ka soo qaatay dib u dhiskii qarankan jamhuriyada Somaliland ee aan kor soo xusnay iyo gaar ahaan Daacadnimadii ,hawl karnimadiisii , Dulqaad badnaantii, dabeecad wanaagiisii , Danayntii danta guud , iyo Fakirk qaranimo oo ay qabyaaladi ka dheerayd….

Suldaanka oo sanadihii ugu danbeeyey ahaa Bukaan jiif waxa Eebe naxriistii jano ha ka waraabiyee uu Ilaahay u raaxeeyey 10 De cember oo lagu aasay magaalada Hargeysa.

Caleemo saarkii Suldaan Ismaaciil

Waxa Bulsha weynta gobolka Gabiley gudo iyo dibadba soo dhawaynayaan Caleemo saarka la caleema saaray Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan in uu noqdo Suldaanka guud ee gobolka waxanan leenahay hambalyo Eebana ha kugu garab galo kuguna astura xilka weyn ee lagu saaray waxanan rajaynanaa in aad mari doonto wadadii toosnayd ee Aabahaa Eebe ha u naxriistee ku hogaaminayey Bulshada kulana socday oday dhaqmeedyada kale ee jamhuuriyada Somaliland.

Aamiin Aamiin Aamiin

Wa bilaahii Towfiiq

Waxa soo Diyaariey Taariikh nololeedka Suldaanka. Jaaliyada Somaliland ee Gobolka Gabiley Gaar ahaan Iskadaneefinyanka.

Afhayeenada jaaliyada

Dr. Osman Yusuf Magan.

Eng. Adam Yusuf Alin

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Axmed Siilaanyo oo Socdaal ku Tagay Oodweyne

Burco(Oodweynenews)-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ugu Weyn ee Kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Safar ugu Baxay Deegaanada Gobolka Oodweyne oo ay Hada ka Socoto Is-Diwaan Galintu, ka dib Markii wefti uu Gudoomiyuhu Hogaaminayaa Shalay Socdaal kan la Mid ah Ku Yimaadeen Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer

Gudoomiye Siilaanyo oo ay Weftigiisa ku Weheliyaan Xubno Sar sare oo ka Mid ah Xisbiga Kulmiye ayaa la Sheegay in Si weyn Loogu Soo dhaweeyay Deegaanadaasi Iyaga oo Ilaa Iyo Hada ku Sii Jeeda Magaalkada Oodweyne Lafteeda,

Wararku Waxa kale oo ay Sheegayaan in Soo dhaweynta Gudoomiyaha Si weyn looga Diyaar Garoobay deegaanadaasi oo ay Hada ku Sugan Yihiin Masuuliyiin Sare sare oo ka mid ah Xibiga Kulmiye oo ay ka Mid Yihiin Xil.Maxamed xaaji Yuusuf (Waabeeyo), Yuusuf Xirsi Galow, Iyo Nimco Xuseen Qawdhan

Wararku waxa kale oo ay Sheegayaan in Deegaanada Oodweyne ay Hada ku Sugan yihiin Xil,Cali Xaaji Maxamed Muuse Iyo Xil Jaamac Xasan Aadan kuwaasi oo Dhamaantood deegaankaasi gaadhay Ka hor Intii aanay Diwaan Galintu Bilaabmin,

Sidoo kale Wararka Oodweynenews ka helaayo Deegaanadaasi waxa ay Sheegayaan in Qaar ka Tirsan Goobaha Diwangalinyu aanay Ilaa Iyo Hada shaqayneyni Taasi oo daboolka ka Qadaysa Caqli Xumada Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo Baryahan danbe la Soo baxay Qayrul Masuulnimo aan Awoodeeda loo Dul Qaadan Karin, sababta oo ah Kuyuuguna Waa dheer yahay Compuradooduna waa Xunyihiin.

Ka Soo Xigasho / Foosi Saleebaan Aw-Bindhe
Oodweynenews International


” Inaalilaahi wa innaa ilahayhi raajacuun” Dhambaalo Tacsiyadeed:Marxuum Suldaan Cabdi-raxmaan Sheikh Muxumad Cismaan

Dhambaalo Tacsiyadeed:Marxuum Suldaan Cabdi-raxmaan Sheikh Muxumad Cismaan

(Marxuum Suldaan Cabdiraxmaan)

TACSI

Waxaan tacsi u dirayaa qoyskii, eheladii iyo dhammaan ummadda reer Somaliland oo aan uga tacsiyadaynayo geeridii ku timid Suldaan Cabdiraxman Sheikh Muxumed oo dhawaan ku geeriyooday laguna aasay magaalada Hargeisa.

Suldaan Cabdiraxman wuxuu ka mid mid ahaa Salaadiinta waawayn ee Somaliland wuxuuna ahaa oday muuqaal, maamuus iyo magacba ku leh ummadda dhexdeeda. Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu marxuumka naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii, qaraabadii iyo shacabka reer Somaliland uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar

Xoghayah Arrimaha Dibadda ee Xisbiga KULMIYE

__________________________________________________________________________________________________________

Anaga oo ah,-

1- Cali Cumar Xasan iyo Xaaskiisa.

2- Maxamed Yuusuf Buux iyo Xaaskiisa.

3- M. M. Ileeye ( suways) iyo Xaaskiisa.

4- Maxamed Cabdi Xasan iyo Xaaskiisa.

5- Cabdi Cabdilahi iyo Xaaskiisa.

6-Maxamed Yuusuf X, Cabdi iyo Xaaskiisa.

7- Maxamad Maxamuud Xuseen iyo xaaskiisa.

Iyo dhamaan jaaliyada reer Somaliland ee Holland waxan Tacsi halkan uga diraynaa qoyskii, qaraabadii iyo qaranka Somaliland, Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Suldaan Cabdi-raxmaan Sh, Muxumad Cismaan oo ahaa Suldaan naftiisa, iyo noloshiisaba u huray ka midho dhalinta jiritaanka iyo joogitaanka qaranka Somaliland, suldaanka oo maanta lagu aasay magaalada Hargaysa, waxanu leenahay Samir iyo Iiman Ilaahay ha inaga siiyo dhamaanteen geeridaa naxdinta leh, Marxuumkana ( suldaan C/raxmaan) janadii Fardawsa isaga iyo waxii Muslin ah ha geeyo. Taariikhdiisa waxanu soo gudbin doonaa dhawaan Insha Allah!

Aamiin Aamiin.Aamiin.

_____________________________________________________________________________________________________________

TACSI KA SOCOTA URURKA ARDAYDA SOMALILAND EE DALKA MASAR

Ururka Ardayda Somaliland ee Dalka Masar waxay Tacsi udirayaan Eheladii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Suldaan Cabdiraxmaan Maxamuud oo ku geeriyooday Magaalada Hargaysa inuu Ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo ,marxuunkana Janatul firdawsa ka waraabiyo Amiin Amiin Amiin

Waxa kale oo ay hanbalyo udirayaan Suldaanka cusub Suldaan Ismaaciil Suldaan cabdiraxamaan Maxamuud iyagoo ilaahay uga baryaya inuu xilka ufududeeyo

sosclub_cairo@hotmail.com

__________________________________________________________________________________________________________

Aniga oo ah Adam Yusuf Caalin iyo Marwadaydaa Canab Amin iyo caruurtayda , Mustafe ,Liban , Muhamed , Fosiya , Omar , Filsan , Ali iyo Ahmed waxan anagoo aad uga tiiraanyeysan Tacsi u dirayaan dadweynaha Gobolka Gabiley, guud ahaanba ummadda Somaliland iyo gaar ahaan Qoyskii iyo ehelkii uu ka baxay Suldaan Cabdirahmaan Sheekh Muxumed oo ahaa Suldaankii guud ee gobolka iyo dagaamada Gabiley, ahaana Shakhsi kaalin waxtarnimo iyo taariikh dahabiya ku lahaa dalka Somaliland. Suldaan oo ahaa xubin ka mid Golaha Guurtida maanta 11-12-08 ayaa si Qaranimo loogu aasay magaalda Hargeysa. Waxaananu Illahay uga Baryaynaa in u naxariisto Janada Fardawsana ka waraabiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin.

TOP

3 Responses to “Dhambaalo Tacsiyadeed:Marxuum Suldaan Cabdi-raxmaan Sheikh Muxumad Cismaan”

  1. Waxa aan uga tacsiyadeenayaa dhamaan eheleadii iyo qaraabadii uu ka tagay suldaanka, iyo ummada Somaliland Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Suldaan Cabdi-raxmaan Sh, Muxumad Cismaan.

    Waxaan lee yahay rabi naxariistii jano haka waraabsho. Qabriga ha u nuuro, idinkana samir iyo iimaan ha idinka wada siiyo.

    Aamiin

  2. I wish to offer my sincere condolences to the family of Suldaan C/raxmaan Sheekh Muxumed. I once saw him in Hargeisa and even though he didn’t know me, he came up and greeted me. What a lovely gesture.

    He was not only a gentleman but also a gentle man.
    He will be sadly missed.

    Salaam alaykum

  3. Inaa lilahi wa in ilayhi rajucuun

    Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo ka gudida fulinta uk,ka laamaha uk iyo ka laamaha yurub iyo ka tageerayashooda oo dhan Waxaan halkan tacsi uga diraynaa alla ha unaxariiste marxuum Suldaan cabdiraxmaan
    sh.muxumad cilmi oo ka mid golaha guurtida somaliland ahana odayadii ka so qayb qaatay nabadeyntii iyo dhismihii somaliland.
    waxaanu ilahay uga baryeynaa in ilahay naxariistiisa janada fardawsa ka waraabiyo ,qoyskii iyo eheladii iyo dhamaan shacabka reer somaliland iyo golahii guurtida u ka geeriyooday ilahay samir iyo iimaan ka siyo
    Amiin…..Amiin…..Amiin…….Amiin…….Amiin…….Amiin………Amiin

    Gudoomiyaha UK/yurub

    Ibrahim Hussein

Tacsi kale

Anago oo ah dhamaan ardayda wax ka barata dalkan India waxaanu tacsi u diraynaa Ehelkii iyo Qaraabdii uu ka baxay marxuun suldaan c/rixmaan maxamuud oo ku geeryooday magaalada hargaysa waxayna ilahay uga baryaynaa inuu naxariistii jano ka warabiyo ehelkiisii iyo qaraabadiisii samir iyo iimaan ka siiyo AAMIIN AAMIIN

1: MOHAMED HUSSEIN MUSE
2:CISMAAN IBRAAHIN AHMED HAYBE
3:ABDI AHMED YUSUF
4:FOOZI ABDI ASKAR
5:MOHAMED HASHI MUSE
6:A/fatah Ismail Dahir(caano)
7:Mohamoud Mahamed Shirwac
8:Samatar Yusuf Mohamed
9:Cabdiraxmaan saleebaan xasan (waakiyo)
10:Mohamed Mowlid Xirsi
11:Mustafe Muxumed Hassan
12:Mahamoud X.muse Jamac
13:Cabdikariin saleebaan xasan (kuus)
14:Ayaanle Isa Obsiye
15:Ahmedyasiin sh.Omar Ahmed
16:Mustafe A/laahi Omar(sheekeeye)
17:eng Mahamoud Mahamed Ciise
18:Dahir ismacil madar (nation)
19:Ismail Mahamed Magan(fiihaa)
20: Cabdiqaadir cali nuux (abasinia)
21:Madar cabdi Madar (yaasiin)
22:mukhtaar cabdi xasan

WAXAY EEBO UGA BARYAYAAN INA JANADA FARDUUSA KA WARAABIYO,EHELKII QARABADII AY KA BAXDAYNA SAMIR IYO IIMAAN KA SIIYO AAAMIIN AAMIIN

__________________________________________________________

Anaga oo ah dadka hoos ku qoran waxaanu tacsi u diraynaa qoryskii u ka geeriyooday
Suldan Cabdi.

1-Hassan Abdi Mah
2-Adan Abdillahi Hanfi
3-Mukhtar Muhumad Cabdillahi
4-Abib Ahmed Olhaye
5-Adan Dahir Barkhad
6-Muse Nur Duale
7-Mahamud Yusuf Duale
8-Abdirashid Hassan Ahmed
9-Ali H.Yusuf
10-Mahamed Omar Ahmed

Hassan Abdi Mah

” Inaalilaahi wa innaa ilahayhi raajacuun”. Marxuum Oday Gaaxnuug Xirsi Cige

Inaalilaahi wa inaa ilahayhi raajacuun.

Waxa shalay Magaalada Hargeysa ku geeriyooday Alla ha u naxariistee Oday Gaaxnuug Xirsi Cige oo ahaa oday caan ka ah Deegaanka Hargeysa, anagoo kala ah magacyada hoos ku qoran, waxaanu tacsi u gudbinaynaa Eheladii, qaraabadii iyo dhamaan bulshadii uu ka baxay , ilahay na waxaan uga baryaynaa inuu naxariisti jano ka waraabiyo marxuumka.

Samir iyo iimaan ilahay ha inaga siiyo Gaaxnuug Xirsi Cige.

Xasan Cismaan cajab
Cali cismaan Axmed (Ali abees)
Maxamuud Aadan-dhari (Dubbe)
Buux Caananuug
Aadan Cadaani Abdi-Hirad
Cabdiraxman Cismaan Xandule (Xawtaan)
Cabdilaahi Yuusuf Cali
cumar libaax
C/raxmaan Maxamed Ducaale
Ismaaciil Maxamed Ducaale
Maxamed Dubbe
Maxamuud Aw Cilmi
Axmed Aw Maxamed
Axmed Ismaciil Maxamed
Cabdilahi Cumar Usteliye
c/salaan Xaaji xasan
Cawil Xundub cali salaan
Khalil Maxamed yare
Muuse Haybe
Aadan Maxamed Cali gaboose
Ismaaciil Aadan-dhari
Khadar Ahmed Cilmi
Siciid Ahmed Cilmi
Ahmed Jaamac Ali
Maxamuud Jaamac Qabile
Maxamuud Cumar good
Maxamuud Cabdilahi Gamuur

iyo Dhamaan asxaab kale oo faro badan, waxay Marxuumka ilahay uga baryayaan inu u naxariisto oo u nuuro xabaasha. AAMIIN

Toronto,Canada

Diiwaangalinta Iyo Sawirada Quruxda Badan Ee Aanu Ka Soo Xiganay Shabakada Togdheernews

Muwaadiniintiii Gobolka Togdheer safaf dhaadheer ku jira sidii ay isu diiwaangalin lahaayeen. wararku waxay sheegayaan in tirada muwaadiniinta maanta is diiwaangalisay ay aad u badnayd, maalmaha soo socdana la filayo in muwaadiniin aad u badani inay waajibkooda is diiwaangalinta soo gutaan.

Waa Sawir muuqaalkiisu inna tusayo hawlwadeenada gudaha xafiisyada ku jira oo diiwaangalinaya muwaadin u dhashay gobolka Togdheer

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha wakiilada mudana Bashe Maxamed Jamac , dhexda waxaa ku jira m gudoomiyaha golaha wakiilada mudane Cabdiraxman maxamed (Cirro) Iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Axmed Yusuf Yaasiin

Diiwaangalintii Codbixiyeyaasha Gobolka Togdheer Oo Si Rasmi Ah Uga Bilaabantay Gobolka (Waxaanu Ka Soo Xiganay Gabilaynews)

Sunday, December 14, 2008

Diiwaan Gellinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland oo saaka Ka bilaabantay G/Togdheer

(sawiradii Diiwangalinta Burco)

Diiwaan Gellinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland oo saaka Ka bilaabantay G/Togdheer.

Burco(Gabileynews)- Diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland ayaa saaka 6dii subaxnimo ka bilabantay guud ahaan gobolka togdheer. magaalada Burco ayaa saaka la ciirciiraysay siyaasiyiin,dadweyne iyo gaadiidka kala duwan.
20081213036
maanta iyo diiwangalinta gobolka Togdheer

Waxa Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer kusugan Madexweyne kuxigeenka Somaliland Md Axmed Yuusuf Yaasiin iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo kuwaas oo ay kadaba yimaadeen Raxan Wasiiro ah oo uu horkacayo Wasiirka Maaliyada Xuseen Cali Ducaale(Cawil).

20081213035
Diiwangalinta gobolka Togdheer

Halka ay horena usii joogeen Wasiiro kale,Waxa kale oo ku sugan Magaalada Burco Gudoomiyaha Golaha wakiilada Mudane C/raxman ( Ciro), xildhibaano ubadan kuwa kasoo jeeda gobalka Togdheer ,sidoo kale waxa iyaguna ku sugan gobolka Gudoomiyeyaasha xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilanyo) iyo Gudoomyiha xisbiga Ucid ENG Faysal Cali waraabe ,iyo Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo isaguna Magaalada Burco kawada Olole balaadhan oo Diiwaan-galinta iyo kaambeyn kaleba ah.

20081213034

Inta laga war qabo majirto wax rabshada oo ka dhacay saaka goobaha cod bixinta balse waxaa jira goobo aan xiligii loogu talo galay furmin oo dib uga dhacay. Sidoo kale waxaa aad uga batay dadweynaha goobihii cod bixinta loogu talogalay taasoo keentay in kayuuga aad u dhaadheeraaday.

Gobolkan Togdheer oo aad u balaadhan ayaa waxaan si rasmi ah war looga hayn tuulooyinka ku yaala meelaha aan khadadka Isgaadhsiinta lahayn balse meelaha qaarkood la soo sheegay in ay computeradii ciladi ka gashay, si kastaba ha ahaatee waxaa Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudida Diiwaan Gelintu sheegeen in wixii khaladaad ah dib loo saxi doono.

20081213033
Safafka oo aad u dheeraa maanta Burco

Waxana jira goobo ay durtadiiba sidii Goboladii hore ay ka Xumaadeen Qalabka Kumbiyuutaradu oo aan qof laga Diiwaangalin sida,Muraayada meesha layidhaa oo u dhow Tuulada Qorilugud,iyo goobo Magaalada Burco gudaheeda ah

Source/ Gabileynews

Diiwaangalinta Codbixiyeyaasha Gobolka Togdheer Oo Ka Bilaabantay Gobolka Iyo Wararka Shabakadaha Reer Somaliland (Waxaanu Ka Soo Xiganay Hadhwanaagnews)

Diiwaan-gelintii Codbixiyayaasha Oo Gobolka Togdheer Si Rasmi Ah Maanta Uga Bilaabantay Iyo Masuulilyiin Tira Badan Oo Kormeer Ku Marayaya Gobolka.(Muuqaalka dadweynaha Gobolka Togdheer Oo Isdiwaangelinayaa)

Hadhwanaag 2008-12-13 (Hadhwanaagnews) Burco(HWN):- Guud ahaanba Gobolka Togdheer ayaa Maanta Si Rasmi ah waxa uga Bilaabantay Diwaangalinta codbixiyayaasha Somaliland, isla markaana waxa ku sugan Magaaladda Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Wefti uu hogaaminayo, Guddoomiyayaasha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada), Xildhibaano labadaasi Gole ka tirsan, Guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaradka ah, Axmed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe, Wasiiro Xukuumadda ka tirsan iyo Masuuliyiin Komishanka doorashooyinka ka tirsan.

196 goob oo ka tirsan Gobolka Togdheer, oo salaadii hore ee saaka diiwaan-gelintu ka bilaabantay, ayaa dadka Gobolka Safaf dhaadheer u Galeen Goobahaas ay Hawshu ka Socoto, Iyaga oo qaar kood ku Waa bariisteen, Ma Jiraan ilaa Iyo Hada inta la Ogyahay Wax Caqabado ah oo ka Haoryimid Habsami u Socodta Hawsha Diwaangalinta Sida ay Ku Doodeen Komishanka Doorashooyinka ee Gobolka Togdheer,

Hasa yeeshee Sida ay Sheegayaan Wararka aanu ka helayno deegaanada kala duwan ee Togdheer ayaa sheegaya in guud ahaanba hawluhu ay maalinkii maanta si habsami ah uga socdeen goobaha diiwaan-gelinta.

Wufuudaa Cul Culus ee ka kala Socotay Asxaabta Qaran Iyo Shirgudoonka Barlamaanka Somaliland iyo Madaxweyne ku-Xigeenka, ayaa kormeero kala duwan maanta ku marayay goobaha ay diiwaan-gelintu ka bilaabantay ee Gobolka Togdheer, gaar ahaan Magaala-madaxda Burco, isla markaana waxa ay guud ahaanba dadweynaha Gobolka ku dhiirigelinayeen in ay diiwaan-gelinta u soo baxaan, isla markaana qaataan kaadhadhka dhalashada iyo codaynta doorashooyinka, iyaga oo ka faa’iidaysanaya fursadan qaaliga ah ee u saamaxday in diiwaan-gelintu ka bilaabanto Togdheer. Sidoo kale waxay masuuliyiintani Shacbiga reer Togdheer u soo jeediyeen in ay dhawraan xasiloonida iyo nabadgalyada Gobolka, oo aan la’aanteed waxba kala soconaynin.

Gobolka Buuhoodle oo Degmo Togdheer ka tirsan wakhtigan loo tix-galinayo ayaanay diiwaan-gelintu ka bilaabin, isla markaana Guddoomiye Ku-xigeenka Komishanka doorashooyinka Cali Maxamed Cabdalla (Biikolo) oo Warbaahintu wax ka waydiisay sababta wakhtigan diiwaan-gelintu uga qabsoomi wayday Buuhoodle ayaa ku dooday in aanay doorashooyinkii hore ee Somaliland ka dhacay aanay ka qabsoomin Buuhoodle iyo Deegaanada Hoosyimaada arrimo nabadgalyo dartood, sidaa daraadeedna aanay wakhtigan suuragal ahayn in ay diiwaan-gelintu ka qabsoonto. Iyada oo ay hore dadka deegaanka Buuhoodle u isugu khilaafeen in diiwaan-gelinta laga hirgeliyo iyo in aan laga hirgelin Karin.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland Maxamed Ismaaciil Kabawayne, oo Saxaafadda ugu waramayay Xarunta Komishanka ee Magaaladda Hargeysa maanta, ayaa sheegay in ay guud ahaanba ka taxadireen ciladihii ku iman kari lahaa qalabka hawsha diiwaan-gelinta, taas oo uu ku sababeeyay in ay wax ku qaateen khibradii ay ka faa’iideen Goboladii hore diiwaan-gelintu uga soo dhacday, isla markaana waxa uu xusay in ay rejaynayaan in diiwaan-gelintu si nabadgalyo ah ay ku soo dhamaan doonto Togdheer.

Gobolka Togdheer ee ay maanta diiwaan-gelintu ka bilaabantay oo shanta cisho ee fooda inagu soo hayana ay ka sii socon doonto, ayaa noqonaya Gobolkii Afraad ee ay diiwaan-gelintu ka dhacdo, iyada oo saddexda Gobol ee Saaxil, Awda iyo Maroodi-jeex (Hargeysa) hore uga soo qabsoontay.

Diiwaangalinta Codbixiyeyaasha Gobolka Togdheer Oo Ka Bilaabantay Gobolka Iyo Wararka Shabakadaha Reer Somaliland (Waxaanu Ka Soo Xiganay Somaliland.org)

Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Oo Ka Bilaabantay Gobolka Togdheer,Masuuliyiin Mucaarad Iyo Muxaafadba Leh Oo Yimi Gobolka.

Hargeysa(Somaliland.Org) Hawsha diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha doorashooyinka ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabantay guud ahaan deegaamada gobolka Togdheer,Ayadoo diiwaan-gelintu ay ka bilaabantay 196 goobood ee loo qoondeeyay gobolka Togdheer.

Gudoomiye ku-xigeenka komishanka doorashooyinka Cali Maxamed Cabdale “Cali Biikolo” oo warbaahinta kula hadlay xarunta gudiga doorashooyinka ee gobolka Togdheer ayaa sheegay inay dhamaan ka bilaabantay hawsha diiwaan-gelintu goobihii loo qoondeeyay isla markaana aanay jirin wax dhibaato ah oo ka hortimi hawsha waxaanay diiwaan-gelintu ka dhacaysaa dhulkii ama goobihii doorashooyinku hore uga dhaceen “Diiwaan-gelintu waxay ka dhacaysaa deegaamadii ay hore doorashooyinku uga dhaceen marka laga reebo degmada Buuhoodle oo aan shaxda hore ugu jirin iminka aan lagu darin wax carqalad ah oo aanu ilaa hada la kulanayna ma jirto.”Ayuu yidhi Cali Biikolo

Waxaanu intaa ku daray “Waa diyaar kaydii ama agabkii kale hadii loo baahdo iyo kooxihii ka hawl geli lahaa goobaha looga baahdo ee ciladi ku timaado””Ayuu yidhi Gudoomiye ku-xigeenka gudiga doorashooyinka Cali Biikolo

Magaalada Burco ee xarunta gobolka Tordheer oo hawsha diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha ay si habsi ah uga soco ayaa dadka waxay safaf dhaadheer ugu jiraan goobaha diiwaan-gelinta,mana jirto wax dhibaato ah oo laga soo sheegay goobaha ay hawshu ka socoto.

Waxaana magaalada ku sugan wufuud kala duwan oo ka kala socda Axsaabta mucaaradka ah iyo xukuumada sida labada gudoomiye ee labada xisbi ee mucaaradka ah KULMIYE iyo UCID Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo Eng Faysal Cali Waraabe sidoo kalena waxa iyaguna jooga wefti ka socda xukuumada oo uu hogaaminayo Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin,kuwaas oo kormeeraya goobaha ay diiwaan-gelintu ka socoto si ay ula socdaan duruufaha ka jira deegaamada hawshu ka bilaabantay.

Masuuliyiin doora oo ka hadlay hawshan diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha ee maanta ka bilaabantay gobolka Togdheer ayaa shacbiga gobolka Togdheer ugu hambalyeeyay habsami u socodka hawsha iyo sida nabad gelyada ah ee loogu soo baxay diiwaan-gelinta.

Masuuliyiinta ka hadlay hawsha diiwaan-gelinta oo isugu jiray hogaamiyayaasha Axsaabta mucaaradka ah,M/weyne ku-xigeenka iyo Madax-dhaqameedyo waxa ugu horeyn ka hadlay Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” waxaanu yidhi “Waxaan ku faraxsanahay in maanta bulshada reer Togdheer kala qayb galno hawsha diiwaan-gelinta ee loo dareeray” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Siilaanyo.

Waxaanu intaa ku daray “Waxaynu la soconaa on hawsha maanta loo dareeray ay tahay mid Ahmiyada weyn u leh Somaliland dad ahaan iyo dal ahaanba”Ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.

Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Siilaanyo wuxuu sheegay in diiwan-gelintani ay wax weyn ka tari doonto qadiyada Somaliland “Diiwaan-gelintani waxay tusaysaa caalamka caalamka geedi socodka dimuqraadiyada Somaliland tahay mid aan inaga weecan karayn dagaal kasta oo la inagu soo qaado sidaa darted waxaan shacbiga gobolka Togdheer leeyahay ku faro adayga nabad gelyadiina oo si qurux badan ku dhamaysta hawsha diiwaan gelinta idinka soo sida aad maanta u midaysan tihiin u midaysan dadka reer Togdheeroow”Ayuu yidhi ugu dambayntii Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo.

Gudoomiyaha tibia UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo isaguna hawsha diiwaan-gelinta gobolka Togdheer ka bilaabantay ka hadlay ayaa sheegay in dad qaarkood ku amaaneen hawsha diiwaan-gelinta qaar kalena ay ku cambaareeyeen “Inay maanta godlike afraad ee dalka ka blatant waa ilaahay mahadii waana u mahad Mahayana dada reer Togdheer oo iyagu ugu fiican samaystayna gudiyo isku dhafan oo ilaa salaadiin leh”Ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

Waxaanu intaa raaciyay “Burco waa meeshii ugu fiicnahyd ee u sii diyaargarowda diiwaan-gelinta iyo sida loo abatable waxayna ku dhamaanaysaa guul”Ayuu yidhi ugu dambayntii Gudoomiyaha tibia UCID Eng Faysal Cali Waraabe.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo isaguna ka hadlay hawsha diiwaan-gelinta wuxuu yidhi “Caalamku waxa u qabaa in Somaliland 600000 lix boqol oo kun tahay balse sadexdii ugu horeeyey ayaa liqay Togdheer iyo labada gobol ee kalana way ku sadex laabmayaan waa markii u horeysay ee caalamku inaga caawiyo inane si njiyadeena muujino gobolka Togdheer waxaad tihiin indhihii dalka gaar ahaan gobolada bari waxaanu ka war haynaa in la doonayo in la carqaladeeyo oo waanu ognahay waliba sadexda gobol ee bari anaguna culeys baanu saaraynaa amaanka waxaa la odhan jiray Burco yaan laga badin ee yaan laydinka badin waxa farxad ii ah in aan arko idinkoo isku duuban oo aad gobolada kale kaga duwan tihiin”Ayuu yidhi M/weyne ku-xigeenku Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin .

Suldaan C/laahi Suldaan Cali Muuse oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Burco iyo gobolkuba waa meel degan ilaahay ayaanu ug mahad naqaynaa, idunkuna abaabulka iyo dhiiri gelintiina hadaad tihiin Asxaabta iyo xukuumadaba waad ku mahadsantihiin, Burco iyo gobolka Togdheerna waa amaan haddii aanay idinku (waftiyada ) aan laydin daba socon”

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo isana halkaa ka hadlay wuxuu yidhi “Waxaa xusid mudan in howlahaa S/land uga socdaan sidii cadowgu ugu talo galay si ka duwan illhay mahadi goboladu waa isku wada mid dhamaan tood waanu ku farax sanahay inay wajibaad koda gutaan insha alla dalka oo dhan” .

Waxa kale iyana halkaa ka hadlay shirgudoonka golaha wakiilada iyo masuuliyiin kale kuwaas oo dhamaantood ku boogaadiyay shacbiga gobolka Togdheer inay si nabad gelyo ah ugu soo baxaan hawsha diiwaan-gelinta

Dhinaca kale waxa qiyaasta dadka maanta iska diiwaan geliyay gobolka Togdheer lagu wadaa inay ku dhowaanayso ilaa 100.000 (Boqol Kun) waxayna tirooyinka hor dhaca ah ee soo xerooday Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer sheegayaan in 48-ka goobood ee Magaaladu in meesha ugu yar ay caawa iska divan geliyeen 240-qof inkasta oo aanu jirin war si rasmi ah uga soo baxay komishanka doorashooyinka

Xigasho /Somaliland.Org Burao.

Maamulka Riyaale ee waqti daayaca jooga waa in loo raaco magta dadkii ku dhintay shilalka gaadiidka muddadiiay xilka hayeen” Muj: Maxamd Cabdilaahi Cabsiiye, golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, Shirjaraa’id.

Hargeysa, December 12, 2008 (Haatuf)- Mujaahid Maxamed Cabdilaahi Cabsiiye oo ka mid ah golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE kana mid ahaa golihii hore ee wakiilada ayaa madaxweyne Riyaale ku eedeeyey shilalka gaadiidka dalka gudihiisa ka dhacay dhimishada iyo dhaawaca keena dushana ka saaray in loo raaco magta 2100 qof ee sanadkan ku nafta waayey gaadiidka , isagoo intaas ku daray in sanadkan 2008 ay dad tiradoodu gaadhayso 300 oo qof ay ku dhinteen, 900 oo qof oo kalana ay ku dhaawacmeen, taas oo uu ku sababeeyey in xukuuumada Riyaale ay ka gaabisay wax ka qabashada jidadka dayacan kuna tagri fashay cashuurtii lagu dhibay dadka ee ay ka urursato, kuna tilmaamay in masuuliyada dadkaa ku dhintay shilalka loo raaco xukuumada Riyaale isagoo dhinaca kalana golayaasha Baarlamaankana ku dhaliilay dhamaystirka xeerka nabadgelyada wadooyinka ee ku laalan labada gole ee guurtida iyo Wakiilada.

Mujaahid Cabsiiye waxa uu sidaasi ku sheegay shirjaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Hargeysa, kaas oo uu sidoo kale kaga hadlay arimo ku saabsan shirkada TOTAL ee shidaalka kootada loogu xidhay iyo arimo kale oo la xidhidha falalkii argagixiso ee caasimada ka dhacay 29 kii October 2008 ee ay dadka tirada badani ku dhinteen kuna dhaawacmeen 40 qof.

mujaahid cabsiiye isagoo arinkaa ka hadlayna awaxa uu yidhi “ waxaan maanta shirkaygan u qabtay inaan kaga hadlo dadka tirada badan ee inagaga dhintay shilalka gaadiidka warbixintii ay ciidamada nabadgelyada wadooyinku kasoo saareen shilalkii gaadiidka ee 2008 -da dalka ka dhacay oo ay ku sheegeen in 300 oo qofna ay ku dhaawacmeen marka celcelis ahaan la eego tirada todobaadii sano ee ay xukuumadan Riyaale dalka ka talinaysay waxaa shilalka gaadiidka inagaga dhintay dad gaadhaya 2100 (laba kun iyo boqol) qof , taas oo ay ku jiraan saraakiil sare oo mujaahidiin ahaa iyo aqoonyahano oo ay ka mid ahaayeen Xuseen Dheere, Yaxye Xaaji Ibraahim, Xuseen Ismaaciil, maayirkii hore ee Berbera Siciid Daa’uud, Xildhibaan Yuusuf Tuke, Abokor Shaadh yare, Xasan Cabdilaahi Cabsiiye, Xasan Khaliif, garyaqaan Muuse Ducaale, Shiine oo isaguna dhawaan shilgaadhi ku dhintay, waxaa isaguna aan la soo koobi karin aqoonyahanada saraakiisha ciidamada iyo dadka kale ee muxtarimka ahaa ee inagaga dhintay shilalkaa gaadiidka, tirada dadka inagaga dhintay shilalka gaadiidka, inagamay dhiman colaadihi sokeeye iyo xorayntii halganka dalka guddiyo farabadan ayey xukuumadu u saartaa arimo kale balse maalin kaliya shirka golaha wasiirada ajande ku saabsan dhibaatadaa shilalka lagumana soo qaadin, sidaa darteed waxaan masuuliyada dadkaa ku dhintay shilalka gaadiidka dusha ka saarayaa xukuumada Riyaale oo loo raacayaa magta dadkaa geeriyooday taas oo ay sababeen xeer la’aan iyo jidad xumo. ciidanka nabadgelyada wadooyinku waa ciidanka kaliya ee bulshada la saaxiibka ah ee aanay xukuumadu qiimayn, marka la qiyaaso tirada gaadiidka dalka joogta waxay gaadhayaan 30,000 oo gaadhi, markay tirada gaadiidkaasi inagaga dhimatay dadka tirada badane, wixii ka badanina waxay keeni karaan halaag, dadweynaha cashuur bay xukuumadu ka qaadaa hadana wadooyin hagaagsan ma haystaan may samaynin xukuumadu hay’ad gaadiidka iyo dadka la saarayo kantaroosha, wasaarada maaliyadu way ku dhibtaa hadana wax loogu qabtaa ma jirto umada cashuurtaasi, wasiirka hawlaha guud iyo gaadiidka kama hadlo dhibaatooyinkaa jira hadana waxa uu ka hadlaa arimo kale oo aan hawshiisa khuseyn.

Shidaalkan caalamka ka jabay qiimihiisu hadana shirkada TOTAL ee loogu xidhay maalin kaliya qiimaha shidaalka ay dalka keento hoos umay dhigin sidaa darteed ma qabo dawladan Riyaale ee wakhti daayaca joogtaa ay wax ka qaban karto shilalkan gaadiidka ee dhiiga badani ku daadanayo oo aanu u arko inay tahay arin argagixiso.

Umadana waxaan u soo jeedinayaa inay ka baraarugaan arintaa shilalka gaadiidka ee ay xukuumadani dayacday”

Intaa ka dib su’aalihii la waydiiyey iyo jawaabihiiba waxay u dhaceen sidan:

S: Xeerkii nabadgelyada wadooyinka ee loo raaci lahaa shilalka gaadiidka ee dalka gudihiisa ka dhaca muddo dhawr sanadooda ayuu ku laalan yahay labada gole baarlamaan arinkaa sideed u aragtaa ?

J: Horta dambiga shilalka gaadiidka golayaasha baarlamaanku kama maqnaan karaan iyaga laftoodu oo qaybay ku leeyihiin gaar ahaan qabyada xeerkaasi nabadgelyada wadooyinka.

S; sideed u aragtaa siyaalaha kala duwan ee madaxweyne Riyaale iyo wasiirka daakhiligu ay uga kala hadlaan baadhitaankii dhacdooyinka argagixiso ee dalka ka dhacay 29 kii October, 2008 ?

J:Horta madaxweyne iyo wasiirkiisii daakhiliga oo is burinayaa waxaan u arkaa inay tahay mid ceeb ku ah maamulkan wakhti daayaca jooga, dadkii ku dhintay qaraxyadaa laftoodana xukuumadan Riyaale sina ugama baxsan karto masuuliyada dadkii lagu laayey qaraxyadaa, baadhista xukuumada Somaliland gudaheeda oo ma dhaafsana xuduuda.

S: maxaad u soo jeedin lahayd shacbiga ?

J: waxaan u soo jeedin lahaa shacabka mar haddii xukuumadani waxba ka qaban wayday shilalkaa gaadiidka waa inay ka footeeyaan oo aanay cod dambe iska siinin maamulkan Riyaale.

s: intii ka dambeysay qaraxyadii argagixiso ee ka dhacay caasimada 29 kii October, waxaa la xidhay wadadii hor maraysay qasriga madaxtooyadu, arintaa sideed u aragtaa ?

j: horta jidka qasriga Madaxtooyada hormaraa marka horaba muu ahayn jid dayac tiran balse waxa u ahaa mid burbursan oo dayacan hase yeeshee xidhistaasi jidka madaxtooyadu waxa uu muujinayaa mid cabsiyi ka muuqato hogaanka talada dalka haga.

Xigasho / Haatufnews