Archive for January, 2009

Mahadnaq Balaadhan oo General Maslax ( Ina Afweyne) U soo Jeediyey Madaxweyne Rayaale

General Maslax Maxamed Siyaad Bare Oo Uga Mahadnaqay Madaxweyne Riyaale Kaalmo Lacageed Oo La Sheegay Inuu u Fidiyay Xilligii uu Ku Jiray Diyaar Garowga Tartanka M/weynaha Ee Soomaaliya.

Somalilandfuture) Wiil uu dhalay M/weynihii hore u dambeeyay ee dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre oo magaciisa la yidhaahdo General Maslax Maxamed Si yaad Barre ayaa uga mahad celiyay M/weynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin kaalmo lacageed oo la sheegay inuu u fidiyay xilligii uu u diyaar garoobayay tartanka doorashada M/weynaha dalka Somaliya oo shalay lagu soo gebagabeeyay shirka ka socda dalka Jabouti, kaas oo M/weyne loogu doortay Sheekh Shariif Sheekh Axmed hogaamiyihii maxaakiimta.

General Maslax Maxamed Siyaad wuxuu sidaa ka sheegay hadal uu ka jeediyay maalintii doraad shirka kooxaha soomaalida uga socday magaalada Jabouti ee jamhuurida Jabouti, kaas oo Maslax ka mid ahaa xubnihii u tartamayay jagada M/weynaha ee dalka Soomaaliya.

General Maslax Maxamed Siyaad Barre oo ka mid ahaa saraakiishii dawladii melateriga ahayd ee aabihii uu M/weynaha ka ahaa isla markaana ka mid ahaa dadkii ka dambeeyay ee qaybta weyn ku lahaa tacadiyadii iyo xasuuqii loo geystay shacbiga reer Somaliland sanadihii sideetamaadkii ugu horeyn isaga oo ka hadlaya madasha uu ka socday shirka kooxaha soomaalida wuxuu yidhi “Marka hore waxaan u mahadnaqayaa dhamaan marti-sharafta iyo ergooyinka ka soo qayb galay shirka, sidoo kale waxaan u mahad celinayaa oo halkan u marinayaa M/weynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo qayb weyn ka qaatay mar aan ku jiray diyaar garowga hawshan aan manta u tartamayo ee M/weynenimada”Ayuu yidhi General Maslax Maxamed Siyaad.

Waxaanu intaa ku daray “M/weyne Riyaale inkasta oo aanan aqoon fiican isu lahayn labadayadu waqtigii dawladii hore {Dawladii Aabihii M/weynaha ka ahaa} hadana waan ka mahad sheeganaynaa qoys ahaan wayna jirtay xidhiidho kale oo qoyska ah kuwo toosa iyo kuwo dadbanba ha noqdaane”Ayuu yidhi General Maslax Maxamed Siyaad.

General Maslax Maxamed Siyaad inkasta oo aanu carabka ku dhufan ama daboolka ka qaadin tirada deeqda lacageed uu u fidiyay M/weyne Riyaale hadana waxay xogo lagu kalsoon yahay sheegeen in M/weyne Riyaale ugu deeqay General Maslax lacag dhan $125,000(Boqol labaatan iyo shan kun oo dollar),taas oo la sheegay inuu u mariyay mid ka mid ah xawaaladaha laga leeyahay dalka Soomaaliya

Dhinaca kale Waxaa hore wadanka u yimi dad badan oo loo tirinayey inay ka dambeeyen xasuuqyadii loo geystay dadka reer Somaliland isla markaana aan cafis loo fidinin, waxaa hore magaalada Hargeysa booqasho ugu timi gabadh uu dhalay General Maxamed xaashi Gaani oo ka mid ahaa ragii sida weyn uga qayb galay jariimooyinkii iyo xasuuqyadii loo geystay shabiga Somaliland waqtigii dawladii keli taliska ahayd ee Maxamed Siyaad Barre.

Gabadhaasi oo magaceeda la yidhaahdo Muna Maxamed Xaashi Gaani waxa la sheegay inuu la socday nin u dhashay dalka Talyaaniga oo la sheegay inuu qabo ama ay ooridiisa tahay gabadhaasi, kaas oo magaciisa la yidhaahdo Lucciano, waxayna qoyskaasi intii ay joogeen Hargeysa marti u ahaayeen qoyska madaxtooyada.
Xigasho / Somalilandfuture Hargeisa

Muddanayaasha Wakiilada Ee Xisbiga UDUB Oo Xubno Ka Mid Ah Golaha Dhexe Laga Saaray Lagana Reebay Ergada Shirweynaha



“Way Jirtaa In Aniga Iyo Mudanayaal Kalaba Laga Saaray Golaha Dhexe” Xariir Siciid Bulaale, Golaha Wakiilada

Hargeysa, January 29,2009 (Haatuf)- Mudanayaasha xisbiga UDUB ee golaha wakiilada Somaliland ayaa la sheegay in qaar ka mid ah laga reebay golaha dhexe ee xisbiga UDUB lagana saaray ergada shirweynaha xisbiga UDUB ee qabsoomi doona 3-da February, 2009 ka ka qaybgalaysa kuwaas oo ilo xoogaal ahi noo sheegeen in mudanayaashaasi ay ka mid yihiin:

md: Aadan Tarabi Oogle, 2: Faraxaan Maxamed Cali, 3. Md: Xariir Siciid Bulaale, 4. Md: Maxamuud Dhunkaal Guutaale, 5, Md: Cabdicasiis Ismaaciil Ducaale, 6. Md: Saleebaan Yuusuf Cali Koore, 7, Md: Ibraahim Maxamed Xuseen DHaadheere, 8, Md: Maxamed Nuur Duur.

Mudanayaashaasi oo dhamaantood ka tirsan xisbiga UDUB ayaa ilo xogogaal ahi sheegeen in sababta looga saaray golaha dhexe ee xisbiga UDUB ka dib markii   si weyn uga shakiyeen marka loo eego doodaha ay madasha fadhiyada golahaas u jeediyeen oo isbedel wayni ku dhacay aragtiyahoodii hore ugu difaaci jireen siyaasada xisbiga UDUB taas darteedna la sheegay in arintaasi ay tahay ta xudunta u ah ka saarida golaha dhexe ee xisbiga udub laga saaray.

Inkastoo Md: Saleebaan Yuusuf Cali Koore uu wakhtigan xaadirka ah socdaal ugu maqan yahay dalka UK hadana Md: Xariir Siciid Bulaale oo ka mida mudanayaashaasi la sheegay in golaha dhexe laga saaray, oo aanu wax ka waydiinay maalintii shalay arinkaasi ayaa isagu qiray in laga saaray golaha dhexe ee udub isaga iyo mudanayaal kale oo ka tirsan golaha wakiilada inkastoo uu ka war wareegay inuu faahfaahin dheeraada ka bixiyo arimaha lagaga saaray mudanayaashooda golaha dhexe ee udub hadana waxa uu si kooban u yidhi md: Xariir Siciid Bullaale “ way jirtaa in aniga iyo mudanayaal kalaba laga saaray golaha dhexe ee xisbiga UDUB”

Haseyeeshee Md; Aadan Tarabi Oogle oo ka mida mudanayaasha laga soo doortay xisbiga UDUB gaar ahaana gobolka Sool ayaa isagu ka gaabsaday inuu wax odhaaha ka yidhaahdo arintaasi ka dib markii aanu khatka telefoonka kula xidhiidhnayna waxa uu noo sheegay inaanu diyaar u ahayn inuu qadiyadaa ka hadlo.

Inkastoo aanu si rasmiya xisbiga UDUB u shaacinin 33 ka mudane ee golaha wakiilada kaga jire, in dhamaantood ay ka qaybgeli doonaan shirweynaha golaha dhexe hadana waxay tibaaxuhu sheegayeen in mudanayaashaasi si rasmiya looga saaray golaha dhexe xisbiga UDUB.

Xigasho / Haatufnews


Silanyo Oo Caddeeyey In KULMIYE Kalsooni Ku Qabo Komishanka

Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyaha Xisbiga ugu weyn mucaaridka ee KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shaaca ka qaaday in xisbiga KULMIYE kalsooni buuxda ku qabo Komishanka Doorashooyinka Qaranka, isla markaana taageero xisbigu la garab taagan yahay.

“Waxaan halkan ka caddaynayaa haddii aanu xisbiga KULMIYE nahay aanu kalsooni ku qabno Guddida Doorashooyinka Qaranka,” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.

Guddoomiyaha Xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo  waxa uu ugu baaqay labada Xisbi ee kale (UCID/UDUB) in ay iyaguna kalsoonida loo baahan yahay siiyaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka, si ay doorashadu u qabsoonto.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen xaruntooda magaalada Hargeysa, waxay ka dalbadeen xisbiyada inay caddeeyaan inay kalsooni ku qabaan Komishanka iyo in kale, iyaga oo sheegay inay iscasilayaan haddii xisbiyadu ay caddeeyaan in aanay ku kalsoonayn.

Komishanku waxa uu ka jawaabayey eedaymo beryahan dambe lagu faafinayey saxaafadda dowladda, oo ay ka mid tahay inay ku guuldarraysteen inay xisaab-celin ka sameeyaan kharashkii ku baxay diiwaangelinta codbixiyayaasha, taas oo ay sheegeen in hay’adda Inter Peace ay maamuleysey lacagta deeqbixiyayaashu ku deeqeen, Komishankuna uu maamulayey lacagta dowladda Somaliland bixisay oo keliya.

Dr Maxamed Cabdi Gaboose Oo Shalay Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

“Wax Kasta Oo Carqalad Ah Oo Doorashada Ku Yimaada Waxaan Hubaa Inay Maqaamkeenii Hoos U Dhigi Doonto, Laakin Waxaan Ugu Baaqayaa…”Dr Gaboose

()

hadhwanaag 2009-01-30 (Hadhwanaagnews) Hargeyasa(HWN):-Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka Qaran Dr.Maxamed Cabdi Gaboose oo wakhtigan la xulafo ah Xisbiga KULMIYE ayaa Galabta si diiran loogu soo dhaweeyey Gegeda diyaaradaha ee Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa, kadib markii uu safar hawleed uu ku tagay dalka Mareykanka oo todobaadyo qaatay.

Dr. Gaboose waxa Gegeda diyaaradaha ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], Gudoomiye kuxigeenka 2aad ee Urur Siyaasadeedka Qaran Jamaal Caydiid, Xildhibaano, aqoonyahano, dhalinyaro iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha Qaran oo Saxaafada uga waramayey qolka nasashada Madaarka Magaalada Hargeys ayaa waxa uu sharaxaaad ka bixiyey safarkii uu tagay dalka mareykanka, mudadii uu halkaas joogay cida uu la kulmay Iyo waxa ay ka wada hadleen waxaanu yidhi “Waxaan muddo ku maqnaa dalka Maraykanka, waxaanan la kulmay oo shirar la yeeshay jaaliyadda reer Somaliland ee dalkaas joogta, waa dad dalka jecel oo xogta dalka aad ugu baahan, aniguna xogta dhabta ah ee dalka ayaan siiyey ee ah taad ogtihiin ee dhibaatada waddanka taal, sharci-darrada taal, maamul-xumida taal, musuqmaasuqa yaal. Waxa kale oo aan uga warbixiyey in la marayo xilli doorasho, taas oo ah mid aad u muhiim ah,waayo dad ajanebi ah masuuliyiin ah oo aan la kulmay iyo cid kasta oo aad la sheekaysataaba waxaad moodaa doorashadan inay ku qiimaynayaan in Somaliland tallaabo weyn qaadi doonto haddii ay ku dhammaato jawi nabadgelyo, xor oo xalaal ah.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Qaranka Dr. Gaboose.

Gudoomiyaha Ururka Qaran D. Axmed Gaboose wax uu yidhi“Wax kasta oo carqalad ah oo doorashada ku yimaada waxaan hubaa inay maqaamkeenii hoos u dhigi doonto, sidaa daraadeed shacbiga waxaan ugu baaqi lahaa in laga dareemo oo qiimeeyo in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo oo aan laga yeelin marmarsiiyo yaryar oo loo maro ri baa halkan lug ku dhufatay iyo wax la mid ah.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Doorashadu inay waqtigeedii ku dhacdaa waa muhiim, haddii aanay waqtigeedii ku dhicin dee waqtiga Rayaale-na halkaasu ku dhammaanayaa oo anigu mabaqababa in sharciyad dambe kala hagayso dadka.”

Gaboose waxa sheegay in Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Maraykanku danaynayaan isbeddel siyaasadeed oo dalka ka dhaca,“Anigu waxaan u tagay Maraykan in taageerayaashii ururka QARAN iyo xisbiga KULMIYE aan uga sheekeeyo heshiiskii wanaagsanaa ee annaga iyo KULMIYE na dhexmaray, taas oo muhiimadda ugu weyn ahayd in xoogga la mideeyo si isbeddel siyaasadeed dalka ugu yimaado. Waxaanse idiinku bushaaraynayaa dadkaan u tagay oo aan islahaa wax ka dhaadhici in wax allaale wixii aan sheegayey inay qalbiga u sii adkayso mooyee dad KULMIYE ah ayaan u tagay oo maanta gacantooda, jeebkooda iyo codkoodaba diyaar u ah in Alle hala qabtee murrashaxa Axmed Siilaanyo uu guulaysto,”

Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Qaran ee Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo la weydiiyey Su’aal ahayd, mudadii uu Safarka ku marayey Dalka Mareykanka masuuliyiintii uu kulamada uu la yeeshay, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi“Waxaan la kulmay raggii ugu sarreeyey Wasaaradda Arrimaha Dibada qaybteeda Afrika, sida Afrika oo dhan ninka xukuma iyo ka Bariga Afrika xukuma. Markaa berigii nala xidhxidhay carqaladihii aannu la kulanay waatii halkan Jendayi Frazer nagula kulantay way na qiimeeyeen dee aniguna waxaan jeclaaday in aan ku idhaa mahadsanidin, ta labaadna waxay ahayd isbarasho, ta saddexaadna in aan uga waramo xaaladda doorashooyinka iyo ta guudba in aan uga waramo. Runta markaan idiin sheego waxaan la kulmay dad Somaliland aad u jecel, lana jecel doorashadaasi inay ku dhammaato guul, haddii doorashadu guul ku dhammaato Somaliland saaxiib weyn bay dunida ku leedahay oo ah dawladda dunida ugu weyn, waxaynu inagu iska xumayno mooyee xaggaa waa la inaga jecel yahay.”

Mar iyana la weydiiyey Su’aal ahayd Dr. Gaboose waxa ka jira warar sheegaya inuu Socdaalkaagii aad ku tagtay Dalka Mareykanka ay u jeedadiisu ahayd dhaqaale uruurin aad u samaynayso Xisbiga KULMIYE, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Wallaahi annagu markaanu heshiiska KULMIYE galnay waxaannu ballanqaadnay in aan milicda (qoraxda) iyo barafkaba u marno sidii uu u guulaysan lahaa xisbigu, waayo himiladii baanu ka dhex aragnay, markaa adigu lacag baad sheegaysaaye wax kasta waanu doonanaynaa.”

Waxa isna halkaasi ka hadlay Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, ayaa isaguna galabta ka soo laabtay socdaal muddo qaatay oo uu ugu maqnaa dalka Kiiniya.
Xigasho / Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Email: Janaale94@gmail.com

(Dr. Gaboose)

Fadeexadaha Iyo Foolxumooyinka Laga Xishooda Ee Hadheeyay Qaabka Ergooyinka Xisbiga Udub Loo Soo Xulayo

FOOLXUMO IYO MUSMAASUQ HADHEEYEY SIFAHA XULASHADA ERGADA XISBIGA UDUB EE UK
Posted on Friday, January 30 @ 12:11:53 EST by admin
Main News
London, 30 January 2009 (Somaliland Today)- Shabakadda wararka ee Somaliland today ayaa heshay xog ku saabsan sidii loo soo xulay ergooyinka xisbiga UDUB ee UK uga qayb galaya shirweynaha labaad ee xisbiga UDUB oo hadda hawshiisii laga bilaabay dalka iyo debeddaba. Warbixintii oo faahfaahsanina waa sidan.

Waxa dhawaan soo gaadhay carriga Ingiriiska wasiirka Goleyaasha, Cabdi Xasan Buuni iyo wasiir-ku-xigeenka qorshaynta, Axmed Xaashi iyo xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog si ay u soo xulaan ergooyinka xisbiga UDUB ee UK (Boqortooyada Ingiriiska) uga qayb gelaya shirweynaha labaad ee UDUB lana filayo inuu qabsoomo bilowga bisha February ee sanadkan 2009. Buuni, wasiir-ku-xigeenka iyo xildhibaanka oo uu Madaxweynuhu xulitaanka ergayda u soo wakiishay ayaa isugu yeedhay koox la filayo inay taageero buuxda siin doonaan doorashada musharaxnimada Daahir Riyaale, iyagoo baal maray inay isugu yeedhaan guddigii fulinta ee xisbiga oo dhan ee sharciga lagu dhisay sida ku cad warqadda halkan ku lifaaqan ee uu saxeexay Guddoomiyha UDUB ahna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Daahir Riyaale iyo Xoghayihii Guud ee Xisbiga, Maxamed Ismaaciil Bulaale.

Liistada Magacyada Guddiga Fulinta ee uu ansixiyey madaxweynuhu waa sidatan:


1. Axmed Naasir Xirsi- Guddomiyaha Xisbiga UDUB- UK
2. Faysal Cilmi Cali- Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga UDUB- UK
3. Axmed Xadi Saciid- Guddoomiye-ku-xigeenka Labaad
4. Maxamed Aw Daahir- Xoghayaha UDUB- YK
5. Cumar Gahayr Jaamac- Xoghaye-ku-xigeenka
6. Yusuf Xirsi Axmed (Xariir)- Khasnajiga Guud ee UDUB-UK
7. Cabdillaahi Maxamed Saleebaan- Ku-xigeenka khasnajiga Guud
8. Cabdiraxmaan Sheekh Xuseen Cabdi- Hoggaanka Xidhiidhka Guud
9. Maxamed Cabdillaahi Ciise- siyaasadda iyo horumarinta xisbiga
10. Maxamed Xasan Mataan- Afhayeenka Xisbiga
11. Cabdi Daahir Xasan- Guddoomiyaha Waaxda Waqooyi ee London
12. Mahdi Jaamac Rooble-Hogaanka Abaabulka iyo Wacyigelinta
13. Yuusuf Maxamuud Cawaale- Guddoomiyaha Galbeedka London
14. Ibraahim Maxamed Nuur- Guddoomiyaha Waaxda Koonfurta London
15. Axmed Yuusuf Ducaale- Guddoomiyaha Waaxda Bariga London
16. Koosaar Caydii Cabdi- Hoggaanka Anshax-marinta iyo Shuruucaha
17. Cabdiraxmaan Xasan Xaaji-Hantidhawraha Guud
18. Siciid Xasan Biixi- Guddoomiyaha London
19. Maxamed Cabdi Sheekh (Xirsi)- Xubin
20. Maxamuud Caddaani- Xubin
21. Nuux Fidhin- Xubin
22. Cabdalla Cabdi Dubad (Alifdoon)- Xubin
23. Muuse Cabdillaaahi Gaagaale- Xubin
24. Cali Jaamac Diiriye- Xubin
25. Muuse Maxamed Ducaale- Xubin
26. Cabdi Maxamuud (Cabdi Weyne)- Xubin
27. Fu’aad Ibraahim Odowaa- Xubin
28. Maxamed Xasan Cabdi- Xubin
29. Qaasin Aadan Saleebaan- Xubin
30. Suleemaan Yaasin Barre- Xubin
31. Axmed Cabdi Ismaaciil “Gorse”

Hase yeeshee waxa aan shirkaasi ka qayb gelin xubno door ah oo ka tirsan Guddiga fulinta ee xisbiga UDUB-UK sida ay xaqiijiyey ilwareedka Somaliland Today u warramay. Xubnaha shirkan ka qayb galaya oo tigidhada safarkoodana ay dawladdu ka bixinayaso oo hab beelaysan loo qaybiyeyna waxa ay kala yiihiin sidan:

1- Samaroon (5 ergo)
2- Garxajis (5 Ergo)
3- H/Jeclo (5 ergo)
4- H/Awal (5 ergo)

Sida shaxdan ku cad waxa laga reebay ergada UK beelihii kale ee Somaliland kana mid ahaan jiray taageerayaasha xisbiga UDUB sida Reer Sool, Badhan, Balligubadleh iyo Seylac. Iyadoo masuuliyiintaas loo soo diray xulitaanka ergada xisbiga UK sida uu Cabdiraxmaan Xoog ku caddeeyey waraysi uu dhawaan siiyay wargeyska HAATUF ayaa haddana waxa Riyaale uu si gaar ah u soo faray wasiir Buuni “in laga reebo liistada ergooyinka xisbiga UDUB ee UK labo xubnood oo ka tirsan Guddiga Fulinta oo ka soo jeeda Balligubadleh” taasoo loo maleynayo inay sababtu tahay in Riyaale ka walaacsanyahay inay taageero siiyaan Cabdillaahi Darawal oo haatan kula tartamaya isaga jagada madaxweynanimada ee xisbiga UDUB.

Ilo wareedkaas ayaa ku daray in labada xubnood ee la reebay ay kala yihiin Yuusuf Xirsi Ahmed iyo Dr. Koosaar Caydiid Cabdi.

Liistada ergada UK ee la gudbiyey ayaa lagu tilmaamay inay tahay mid sharci darro ah oo khiyaamo lagu sameeyey.

Warar cusub oo haatan na soo gaadhayaa ayaa iyana caddaynaya in Taliska Sare ee xisbiga UDUB kala jabay ka dib markii Riyaale uu rag ku jira golaha fulinta iy ka dhexeba uu sifo sharci darro ah looga saaray xisbiga gebi ahaanba.Waxa la filayaa in xubnahaas sida sharci darrada ah debedda looga dhigay xisbiga inay qabsan doonaan shirweyne gooniya oo ay ku soo magacaabaan madaxweyne iyo madxweyne-ku-xigeen cusub.

Source: SomalilandToday

Boqolaal Dumarka Reer Saaxil Ah Oo Ku Soo Biiray Xisbiga Kulmiye

http://harowo.com/uploads/Image/Tartanka%20Quraanka/Tartan%202.JPG

Hargeysa (Somaliland.org) – Boqolaal Haween ah oo ka tirsan haweenka gobolka Saaxil ayaa sheegay inay ku biireen Xisbiga KULMIYE.

Xaflad loo sameeyay oo ay masuuliyiinta Xisbiga u sameeyeen haweenkan, oo lagu qabtay Hotelka Maansoor ayaa waxa hadalo ka jeediyay qaar kamida haweenka gobolka Saaxil oo ay ka mid ahaayeen Milgo X. Daa’uud Cigaal iyo Faadumo Caaqil Maxamed Cabdillaahi, waxaanay ka dayriyeen Xaalada nololeed iyo bulsho ee gobolka Saaxil.

Haweenku waxa kale oo ay dayro ka muujiyeen xaalada Cusbitaalka Dhimirka iyo Cusbitaalka guud ee Magaalada Berbera oo ay sheegeen in xaaladoodu aad u liidato.

Haweenka gobolka Saaxil ee ku biiray xisbiga KULMIYE waxay shacbiga gobolka Saaxil ugu baaqeen inay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE.

Xafladan waxa kale oo hadalo ka jeediyay qaar kamida masuuliyiinta xisbiga KULMIYE oo ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha garabka haweenka ee Xisbiga KULMIYE Marwo Canab Cumar Illeeye, Xog-hayaha dhaqaalaha Maxamed Cabdi Iskeerse iyo Xog-hayaha guud ee xisbiga KULMIYE Kayse Xasan Cige.

Waxa kale oo munaasibadaa hadal ka jeediyay xil. Siciid Cilmi Rooble oo kamida xildhibaanada xisbiga KULMIYE uga soo baxay Gobolka Saaxil, waxaanu xildhibaanku sheegay in xukuumadda Somaliland ay dhawaan soo gaadhay 470 kun oo Dollar oo Sheekh Xamdaan binu Sayid Al-nahyaan ugu deeqay cusbitaalka degmada Gabiley, balse uu Maamulka Madaxweyne Riyaale gaadhiisayay Cusbitaalkaa kaliya $90 kun oo lacagtaasi ka mida, lacagtaas oo weliba ay xukuumadu iskaga dhigayso mid ay jeebkeeda ka bixisay.

Xildhibaan Siciid cilmi rooble waxa uu sheegay in Lacagtaasi uu Riyaale damacsan yahay inuu ku galo ololaha tartanka doorashada.

Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE waxa ay xafladda soo dhawaynta kaga dhawaaqeen deeq ay ugu talo galeen in la gaadhsiiyo Cusbitaalka dhimirka iyo cusbitaalka guud ee magaalada Berbera, Deeqdaas oo isugu jirtay Lacag, Xoolo nool iyo 250 xabo oo maro kaneecooyin ah.

Distoorku Riyaale Uuma Ogola Ina uu Jagada Madaxweynaha Qabto markale

http://www.redsea-online.com/books/mtg/2007/ali_marshal.jpgDistoorku Riyaale Uuma Ogola Ina uu Jagada Madaxweynaha Qabto markale

January 29th, 2009

Riyaale imise jeer ayaa jagada madaxweynaha loo dhaariyay? Tiraba saddex jeer. 1) Maalintii uu Cigaal geeriyooday 2) maalintii la doortay 3) maalintii Guurtidu u kordhisay!!!! Haddii markale (Alla ka ma dhige e) loo dhaariye jagada madaxweynaha waxa aay noqoneysaa AFAR JEER. Haddaba Sua’aashu waxa weeyi: Distoorku ma ogol yahey in qofna jagada madaxweyne in ka badan laba jeer loo dhaariyo? Jawaabtu waa maya.

Riyaale muddadii uu ka dhaxlay marxuum Cigaal waxa loo dhaariyay madaxweyne wadanka ee looma dhaarin KU-SIME. Taasi muuran kama taagna. Imika markii Guurtidu u kordhiseyna waxa loo dhaariyay madaxweyne ee KU-SIME looma dhaarin. Halkaa waxa ka cad ina uu saddex jeer jagada hore u soo qabtay marka lagu daro markii la doortay.

Hadaba distoorku muxuu o dhanayaa? Distoorku waxa uu dhigaaya sidan: “Qofna jagada Madaxweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan”

Riyaale weli maalin ayuu run sheegay. Waa maalintii uu yidhi, “distoorka ma jebiyo ee marmar ayaan iska garab maraa”! Maantana waxa uu u soo qeytay ina uu iska garab maro markale.

Sida la faafiyay shirweynihii labaad ee Xisbiga UDUB waxa la qaban doono 3-da bisha February ee 2009. Waxaana hubaal ah ina uu Riyaale isu soo sharixi jagada madaxweynaha. Sida shirkan loo soo qabanqaabiyay waxa loogu talagalay ina aan cid aan Riyaale aheyni ku soo bixin jagada madaxweynaha. Taasina waa mid xisbiga UDUB u caado noqotay. Madmadawga shirkan ku gadaaman waa arrin falaqeyn dheer u baahan oo aan mar kale u dhigan ee aan ku soo noqdo nuxurka qoraalkan oo ah Riyaale SADDEX jeer oo hore ayuu jagada madaxweynaha soo qabtay. Sida awgeed sida distoorka ku qayaxan markale jagada ma qaban karo. Sababtuna waa tan hoos ku qayaxan

U fiirso: distoorku ma odhan looma DOORAN karo laba jeer wax ka badan ee waxa uu yidhi laba jeer wax ka badan Madaxweyne ma NOQON karo. Distoorka qodobkisa 88 qeybtiisa (2) waxa aay dhigeysaa sidan, (Qofna jagada Madaxweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan). Qodobkaa 88 (2) nuxurkiisu waxa weeye Qofna laba jeer wax ka badan madaxweyne ma nuqon karo. Qodobkaasi ahmeyad ma siinin ina la doortay iyo inuu dhaxlay ee waxa uu ahmeyd siiyay ina uu madaxweyne noqday uun. Haddii aaynu sii jilcino sida uu ku noqday wax ka soo qaad ma leh ee ina uu noqday ayaa muhiim ah.

Haddaba sua’aashu waxa aay tahey, mudaddii uu dhameystiray Riyaale markii uu Marxuum Cigaal geeryooday ma loo tiriyaa HAL JEER (one term) mise waa maya. Culumada qareenado (Qareen ma ihi ee la soco) waxa aay isku waafaqsan yiheen ina uu mudadii uu dhaxlay loo tirinaayo HAL JEER (one term).

Madaxweyne laba siyood ayaa lagu noqon karaa: 1) Doorashu 2) Jagdaa oo si lama filaan ah u banaanaata. Distoorku waxa uu qayaxay haddi jagada lagu buuxiyo doorasho ina muddado loo cayimay tahay shan (5) sanno. Haddi si aan doorasho aheyn ku timaaadana waxa la dhameystirayaa muddadii ka hadhsaneyd. Marka meel aay distoorka kaga taalo jagada madaxweynaha haddi si aan doorasho aheyn lagu buuxiyo loo tirin maayo ma jirto.

Haddaba marka jagada madaxweynaha lagu buxiyo si an doorasho aheyn waxa aay noqon kartaa laba mid. Midi waa KU-SIME ila inta madaxweyne cusub la dooranaayo midne waa madaxweyne rasmi ah. Waxa aay culumado isku waafaqsan yiheen mar haddi uu kursiga ku fadhiyay isaga oo Madaxweyne TAAM ah oo aanu aheyn ku MEEL GAADH ina loo tirinaayo hal jeer oo buuxa amba shan (5) sanno ha gaadho amba ha ka yaraato e. Taasina waxa aaynu iska shabahnaa distoorka mareykanga.

Sida aanu muran ka taageyna Riyaale waxa uu aha Madaxweyne TAAM ah muddadii uu Marxuum Cigaal ka dhaxlay ee ma aheyn ku meel gaadh (care taker). Sida awgeed waxa loo tirinayaa HAL JEER. Waxa iyana laf dhabar u ah doodan distoorku marnaba amba meelnaba ina aany ku qeyxneyn ina LABADA JEER aay tahey laba jeer oo min shan (5) sanno oo BUUXA ah. Haddan halka ku celiyo distoorku waxa uu odhanaya LABA JEER oo QUDHA ee ma odhanaayo laba jeer oo min shan sanno ah (BUUXA). Mida kale distoorku kama hadlin muddada dhaxal-tooyada ina loo tirin karo hal jeer iyo in kale laakiin waxa laga dheegan kara qodobka 88 (2).

Bal haddaba aan eegno waxa uu distoorku ka odhannaayo haddii uu Madaxweynuhu geeriyoodo. Waxa uu u kala qaaday laba. Waa ta hore e sida ku qayaxaan qodobka 89 (1) waxa uu odhanayaa haddi uu geeriyoodo saddexda sanno ee hore gudahooda Madaxweyne ku xigeenka ayaa u sii qabanaaya jagada Madaxeynaha si ku meel gaadh ah (temporary President). Doorashada Madaxweynahan waxa lagu qabanayaa muddo lix (6) bilood ah. Culumada qareenado waxa ay isku wafaqsan yiheen mar haddi uu ku meel gaadh yahey ina aan loo tirinayn hal jeer (one term)

Waa ta labaada e qodobka 89 (2) waxa uu odhanayaa haddi uu geeriyoodo labada sanno ee dambe gudahooda, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa la wareegaaya jagada Madaxweynaha inta ka hadhay muddada oo isla markana magacaabaaya Madaxweyne kuxigeen isaga oo ka dooranaaya Wakiilada. Culumada qareenado waxa aay isla waafaqsan yiheen mar haddi uu isagu dooranaayo Madaxweyne ku-xigeenkiina ina aanu aheyn ku meel gaadh ee uu yahey Madaxweyne TAAM ah. Sidaasina waa sidii Riyaale ku soo baxay. Mar haddi aanu aheyna meel ku gaadh waxa la isku waafaqsan yahey ina loo tirinaayo HAL JEER (one term). Sida awgeed distoorku ma ogola ina uu Riyaale mar kale Madaxweyna nimada iso soo taago

Haddaba haddi uu mar kale Riyaale isa soo sharaxo oo la doorto (Ilaahay inaguma keene e) waxa uu Madaxweynanimada qabanayaa SADDEX (3) JEER amba AFAR (4) JEER. Taasina waxa aay ka hor imaneysaa qodobka 88 (2) ee odhanaaya, Qofna jagada Madaxweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan. Haddi aan sii lafa gurno nuxurku waa imisa jeer (number of terms) ayoo qofku Madaxweynanimada qaban karaa ee ma ah inta sanno ( number of years) ee uu hayay.

Waxa iyanna muhiim ah marka arrimaha qawaaniinta laga hadlaayo bal ina la darso sidaa qawaaniinta wadanada kalana ka yeelan marka Madaxweyne geeriyodo. Haddaba haddi aaynu soo qaadanu distoorka Mareykanga waxa uu odhanayaa sida ku qayaxaan bedelkaka (The 22nd Amendment) sidan hoos ku qoran:

“Qofna looma dooran karo xafiiska Madaxweynanimada laba jeer wax ka badan; amba qofka mar soo noqday Madaxweyne laba sanno in ka badan isaga oo dhameystiraaya muddo qof kale oo aan isaga aheyn loo doortay waxa iskii Madaxweyne loogu dooran karaa MAR QUDHA” Distoorka Mareykanka sida ku cad mudadda uu dhaxlo waxa loo tirinaayo HAL JEER oo TAAM ah inkasta oo ay ka yartahey shan (5) sanno. Habku dhaqankan distooriga ihi Mareykanka uun u gaar ma aha ee waxa la qaba wadana fara badan.

GEBOGEBO

Waxa laga yaaba ina dadka qaar kood yidhaahdaan DAW ma ah ina muddo shan (5) sanno ka yar loo xisaabiyo mudda buuxda, hase yeesee mar ka aad dhinaca kale ka eegto dadka qaar kood ayaa odhanaaya DAW ma ah ina uu qofna qabto laba jeer wax ka badan (labbadii jeer ee la doortay iyo tii uu daxlay) amba toban(10) sanno wax ka badan. Calaa kuli xaal ma aha maxaa DAW ah ee waa sida waafaqsan distoorka. Doodani waxa ay ku saleeysan tahey ina muddada uu qof noqonaayo Madaxweyne aanay ka badan toban (10) sanno bal se aay ka yaraan karto. Kaba soo qaad haddi Riyaale mar kale la doorto waxa uu hayn doona Madaxweyna nimada ina ka badan lix iyo toban (16) sanno.

Arrintani waxa ay qiimu u leedahey wadanada Fulinta iyo Garsoorku kala Madaxbanaan yahey laakin sida ka jirta Somaliland Fulinta iyo Garsoorku waa isla hal. Garsoorkuna waxa uu u shaqeeyaa Fulinta oo u yeedhisa hadaba sida aay iyaga ugu badineyso. Markaasi waxa la iskaga daaliyo garsoosrka meesha ma taalo.

Waxa aan idinkaga tegaya qodobak 88 (2), ee odhanaya, (Qofna jagada Madaxweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan). “No person may hold the office of President for more than two terms.

Ali Gulaid

TOP
Ali Gulaid

Ali Gulaid
Ali Gulaid has blogged 10 posts.

Ali Gulaid (CPA) has written articles on various topics in Somaliland including the democratization, good governance, government transparency and accountability and fiscal responsibility.

Toronto: Shirweyne Taageerayaasha Kulmiye Isugu Yimaadeen

Toronto, Jan 29- Waxaa magaalada Toronto lagu qabtay shirweyne ay isugu yimadeen xubnaha iyo tageerayaasha xisbiga Kulmiye ee magaala weynta Toronto iyo agagaarkeeda. Shirweynahaas oo ahaa shirweynihii sanad laha ee laanta xisbiga Toronto waxaa dadkii ka soo qayb galay ka kala yimaadeen magaalooyinka Toronto , Richmondhill, Markham , Mississauga iyo Hamilton.

Marwo Sainab Yusuf Xaji Adan Oo ahayd gudoomiyaha shirweynaha ayaa ugu horayntiiba khudbad soo dhawayn ah oo isugu jirtay gubaabo, wacyi galin iyo soo dhawaynba halkaa uga soo jeedisay dadkii shirka ka soo qayb galay. Marwo Sainab waxay taageeayaashii halkaa isugu yimid uga warantay dooraashada madaxweynha ee inagu soo fool eh iyo kaalinta laga doonayo inay ka qaataan taageerayaasha laanta maagala weynta Toronto iyo nawaaxigeeda, waxaa kale oo marwo Sainab taageerayaasha ku dhiiri galisay sidii doorashadaas goob joogayaal reer Toronto uga noqon lahaayeen.

Waxaa isna ka mid ahaa xubnihii shirweynaha ka hadlay md Mustafe C. Cartan oo ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee dalku soo maray tan intii ay Jamhuuriyada Soamaliland xornimadeeda la soo noqotay. md Mustafe Cartan waxaa si u taataabtay tayo xumada iyo tamar la’ aanta dawlada Rayaale Kaahin ee musmaasuqu ragaadiyay. md Cartan wuxuu u xusay in himiladii aynu ka lahayn qaranimada Somaliland meel xun dhigeen madaxda Udub ee hormoodka ka yahay Dahir Rayaale Kaahin waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in manta dadkii dalkan u soo halgamay ay aad ugu dayacanyihii wax daryeel ahna anay ku haysan.

Waxaa isna warbixin guud oo ku saabsan khayraadka bada halkaa ka jeediyay md Maxamed Khadar oo dhawaan dalkii ka soo laabtay. Waxaa isna khudbad dheer oo wacyigalin ah halkaa ka akhriyay md Cabdinasir Haybe oo ahaa gudoomiyihii ugu horeeyay kana mid ahaa asaasayaashii xisbiga Kulmiye laanta Toronto . Odayaashii shirka ka hadlay waxaa ka mid ahaa oday Ducaale Maxamed Xirsi oo si cilmiyaysan dadweynihii uga dhaadhiciyay dabka ka holcaya Somalia iyo in la adkeeyo amaanka xududaha dalka si aanay argagixisado ugu soo dhuuman magaca qaxootiga Somalia .

Oday Ducaale waxaa u dhamaan shacab,mucaarad iyo xukuumadba ugu baaqay in indhaha loo furo la iskana ilaaliyo dadka doonaya inay nabadgalyadeena khakhalka galiyaan. Oday Ducaale , waxaa uga digay argagixisoyinka ku soo dhuumanaya magic diineed iyo magic Somaliyeedba in shacabka reer Somaliland aan maantaa taa lagu qaldi karayn difaaca dalkana shacab, mucaarad iyo dawladba aanu meel uga soo wada jeedno.

Md Maxamed Cabdillahi Ismaciil (Beergeel) oo ah xubin ka tirsan

golaha dhexe ee xisbiga deganna magaalada Richmondhill ayaa isna soo bandhigay waxqabadka iyo qorshaha doorashada xisbiga Kulmiye ee lagu ansixiyay shirkii golaha dhexe ee magaalada Burco. Ugu dambayn waxaa gudoomiyaha shirweynuhu ku wareejisay mikrfoonka Dr Maxamed Raabi oo gudoomiyay doorashada gudida laanta Toronto halkaas oo lagu soo gabagabeeyay doorashada gudi 24 xubnood ka kooban oo xilka laanta hayn doonta mudo sanad ah.

Maxamud Lafcanbe

kulmiye.org

Waraysi Khaas Ah Oo Haatuf La Yeelatay Axmed Xaji Yusuf Ducaale

http://www.longlivesomaliland.com/IMAGES/axmed-xaji-yusuf-ducaale.jpg

Waraysi Khaas Ah Oo Haatuf La Yeelatay Axmed Yusuf Ducaale

“Xisbiga Udub Magaca Mooyee Wax Uga Hooseeyaa Ma Jiro,Haddii Aad Khaladaadka Xukuumadda Wax Ka Sheegtana..”..Axmed Yuusuf Ducaale.

Hargeysa(Somalilandfuture) – Axmed Yuusuf Ducaale oo hore uga tirsanaa xisbiga UDUB, balse badhtamihii sanadkan uga digo rogtay xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa xukuumada Riyaale ku eedeeyey in ay doorashada inagu soo foolka leh carqaladaynayso isla markaana cidii dhaliisha ama wax ka sheegta khaladaadka xukuumaddu gasho ay u samayso dambiyo, xabsigana u taxaabto, isagoo dhinaca kalena Axmed Yuusuf Ducaale sheegay inay xukuumadda Riyaale ka masuul tahay sicir-bararka shidaalka ee dadka reer Somaliland haysta.

Axmed Yuusuf Ducaale waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi khaasa oo uu shalay wargeyska Haatuf la yeeshay, isagoo jooga Hargeysa, waraysigaasi oo uu kaga hadlay arrimo door ah oo ku saabsan xaalada uu dalku haatan marayo iyo hab dhaqanka maamulka talada haya oo uu ku sheegay qaar aan u tudhayn dadka iyo dalka.

Waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Dadweynaha reer Somaliland waxa jirta dad badan oo damqashadii ka ba’day oo la saaxiibay nolosha dhibta badan ee ay haystaan oo aad mooddo waliba inaanay ahayn mid dabiiciya ee ay tahay mid gacmaha lagu sameeyay oo dabadeeto ay iyagu bal si ay ka noqotay taladoodii u daayeen inay sidaa ula saaxiibaan nolosha.

Reer Somaliland waxyaabaha aan ku arkay waxa ka mid ah waxay la saaxiibeen dhibaatada sida qofka cudurka macaanka qabaa ula saaxiibo, waxayna ku noolaayeen rajo, anaga laftigayagu markaanu dibada joognay rajaanu ku noolayn, waxa aan aad uga baqdin qabaa oo aan ka wabinayaa waxa kaliya ee lagu noolaa ee la sugayey amal bay ahayd rajadaasi inay soo gaabato ayaan aad uga baqo qabaa, sida wax loo wado ee arxan darada ah, meel ka dhaca ah, eek u dhiirashada dambiyada ah ee dalka iska camimay dhamaantii, illaahay waxaan uga baryayaa dadkan dhibaatooyinka ay qabaan inaanu in kale ugu darin, intana ka dul qaado”ayuu yidhi.

S: Waxa inagu soo fool leh doorashadii o ku beegan 29 march, diiwaangelintiina waa gebogabo,waxaa la sheegayaa in xukuumada Riyaale damacsan tahay in doorashada dib loo riixo oo guurtidu arimahaa ay wadaan oo ilaa July dib loo dhigayo, arimaha wax ma ka ogtahay ?

J: 15 kii may 2008 ilaa maalintaa la soo gaadhay lafteeda maamulka joogaa, madaxweynaha ilaa wasiirada ilaa xubinta ugu hoosaysa ee taageerta UDUB, waxay ka dhawaajinayeen inay qabanayaan doorashada, markaa aniga iima muuqato doorasho wadanka looga diyaar yahay, sababo badan dartood waxaa weeye waxaa layidhi cudurka ka gala fardaha haddii laga gubo dameer dawlada lama gaadhayo.

Xaal halkaas ayuu marayaa meel aanu ku jirin baa laga dayayaa dhibta iyo midhaheedana waxay ku soo noqonaysaa waa dadka ubadka iyo inta itaalka daran ee Somaliland ku sugan, waana dabar-go’ooda, ayaan ka baqayaa waayo sababahaa waxaa ka mid ah dawladani hadday doorasho doonayso, qof bani’aadmi ah weeyi oo bulshada ka mid ah haddii uu rabo dadku inuu doorto oo aanu ku haysan maamul inqilaab oo xoog ah, sida uu ula dhaqmi lahaa waa la garanayaa oo indhaha iska ridi mayno, cid uu maslaxday maan arag, qudh iyo qabiil tagri fal baa laga galay xadhig baa jira sharci daro ah, hanjabaad ayaa jirta, xumaan ayaa jirta, dadka oo aan dan laga lahayn baa jirta, waxa jirta gobolo dhan oo cashuurta uun marka laga soo qaadanayo la xasuusto inay dalka ku yaaliin, oo laga bedeli waayey, lacago qalaad oo calaloobay oo gaboobay oo haddii la furfuro googa’aysa oo dadka halkaa jooga marka loo tagayo laga qaadayo oo aan ku arkay Burco waa ayaan daro, ka bixinayaana waa ku ayaan daro, kan ka qaadanayana waa u iimaan xumo, waayo meel uu lacagta uu isagu cashuurta uga qaadayo gaysan waayey taa ay haystaana uu diiday, haddana yidhi khasab igu doona, waxay bixiyaan dadka caynkaas ah dee waa laba cashuurood bay u tahay, dhawr sanadood oo horana waxa ina soo maray in dakhliga lagu daray oo lacagteediiba la meel dhigay oo baarlamaanka laga ansixiyey oo hadana aan lays waydiinayn, dadka waxaad moodaa lacagahaa in ay ku ilaawayaan nabarada ku dhaca, oo markay qolofi fuusho halka hoosana uu ka shuuqayo inay sidaa isku ilawsiiyaan mar haddaanu indhaha uga muuqanayn laakiin dareenkii damqashadu inuu xidada ka ba’ay baad moodaa.

Ta kale waxa jira batroolka aduunka 7 bilood iyo badh horteed $150 ayey foostadu ka joogtay oo waliba saliida qaydhin ahayd, hadda oo aynu joognana kan la sifeeyey ee halkan yaala boqol iyo dhawr iyo toddobaatan ayaa lagaga soo qaadaa TOTAL sida ay ii sheegeen Kaalmaha shidaalka, caalamkiina waxay imika ka joogtaa wax ka hooseeya $35.

Waxa jirta duco nabigu (CSW) uu dadka u jideeyey oo ahayd illaahoow ha nagu salidin kaan adigana kaa baqayn, anagana aan noo arxamayn,.

Ta kale dadka gaadiidka ee cashuurta bixinayaa waxba laguma soo celiyo oo meel walba way dalooshaa laamiyada iyo wadooyinkaba, markaa naxariis iyo lexejeclo ka haysa cidda maamulka khaaska u leh ee Hawlaha guud.

Waxa kale oo jirta qofku haddii uu wax ka sheego maamulka khaladaadka dhacaya oo uu tilmaamo jeelka ayaa loo taxaabaa, dambiyo badan ayaa lagu qoraa, qaar dambiyo tilmaan fog ayaa lagu qoraa oo aan dhici Karin in la taabto oo qoor gooyo ah, waa qofkii loogu badheedhay dil, dabadeedna isagoo maxkamad la geyn baa la iska sii daayaa oo la yidhaa haddana orod oo iska tag.

S: Adigu hore waxaad uga tirsanayd UDUB dhawaana waxaad uga diga rogatay KULMIYE, xilligaa aad ka baxdayna waxaad sheegtay in aan meesha talo aad soo jeediso aan lagaa dhagaysanayn oo xisbigu shakhsi u xidhan yahay.

Hadda rag baa ka soo dhex baxay ku dhawaaqay inay murashaxiin yihiin tartamaysa sida C/llaahi dirawal, waxa kale oo la sheegayaa in UDUB ay dad iskugu yeedho aqal hoosta laga xidhay ka dibna Riyaale iyo ku xigeenkiisa lagu dhawaaqo in ay ku guuleysteen markaa maadaama oo aad aqoon u lahayd xisbigaas bal ka waran arimahaasi la soo gudboonaaday iyo halka uu ku dambeyn doono ?

J: Horta meeshu waa afrika oo waxa laga yaabaa in aanay garanaynin xisbigu wuxu yahay iyo inuu umad ka dhexeeyo oo la kala dhaxli doono oo wax mustaqbal u abuuran iyo masiir uu yahay fahamkooda aanan garanayn dadku sida uu u fahansan yahay, waxa kale oo ayaan daro ah inta fahamsan baa had iyo goor dulman, inta aan fahansanaynina waa kuwo dulmiga sameeya, xisbiga haddaan ka waramo waxaan bulshada ka rajaynayaa inay xusuustaan in badan oo aan ku jiray UDUB, guddida fulinta ee UK baan ku jiray, guddiyaha bariga Landon baan ahaa, xogogaal badan ayaan u hayey, UDUB waa magaca oo kaliya wax ka hooseeyaa ma jiraan, wax badan baan isku dayey oo aan talooyin u soo jeediyey in xisbiga la dhiso, korino, laamaha leex leexday oo dhan ka jarno oo si fiican loo biyeeyo, sidii ninkii yaqaanay ee sameeyey wax ka dambeeyey oo aan anigu garanayo ma jirto, waayo waxa u markhaati ah shirkii isaga lagu doortay shir ka dambeeya oo UDUB leedahay oo gole dhexe ah haddaad maqasheen aniga beenaale ah.

Ragana muruqa laba suule ninba si ku ah, ragana ninkii uu tabi waaey ee Cabdilaahi Darawal ku jiray ee aniga iga dul badnaa ama samirkiisuu iga badnaa raganimo badana ay qabtay waa kuwaa imika le kaaga tagi mayno, waxaase weeyi yaa u joojinaya, aniga iima muuqato waayo cidna la baryi mayo, riyaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin iyo inta kale eek u jirtaba sidii oo agaasimay waa garanayaan UDUB, lixda gobol buu ina Cigaal ka dhiga isku mid xubnuu ka doortay saddexda oo gole ka sameeyey dadkaa.

Anigu ma arko UDUB balse magacasi wuu jira, laakiin xisbi ahaan ma jiro marka nidaamka iyo shuruucda loo eego.

S: Sideed iyada u aragtaa rajada xisbiga KULMIYE ee doorashada fooda inagu soo haysa?

J: In badan baan rogrogayey oo aan dibada joogay intaanan ka soo bixin xisbiga UDUB, xaga dhaqanka xisbinimo iyo dhismaha maamul wax isku dhaw maaha oo shaqana iskuma laha, halkaa waxaa ka jira wixii oo dhisan oo nidaam leh, waa la isku qabtay waa lagu wada hadlay, intaas oo shirbay qabteen, iyagoo awood dawladeed gacan ugu jirin ayey is qancin ku dhamaystay amuurahoodii, xisbiga maanta u taagan inuu bedelo sababaha uu u bedelayaana waxa weeyi kaad shalayba aad arkaysay ifafaalihiisa sida loo soo dhaweeyey madaxweynaha mustaqbalka Somaliland iyo masiirkiisaba ku xidhan yahay waa Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo xisbiga KULMIYE-ba

Xigasho/ Haatufnews Read more »

Xisbiga Kulmiye Oo Beenta Shabakada Qaar Lagu Baahiyay Been Abuur Ku Sheegay

Hargeysa (Somaliland.org) – Xisbiga KULMIYE ayaa war aan waxba ka jirin oo been abuur ah ku sheegay war maanta lagu baahiyay wargeyska Qaarkood oo sheegayay in xisbiga KULMIYE tirtiri doono heshiisyada xukuumadu la gasho wadamada ethiopia iyo Djibouti marka uu ku guulaysto hogaanka dalka.

Warsaxaafadeed maanta ka soo baxay xafiiska KULMIYE ee magaalada Hargeysa oo uu ku saxeexan yahay ku-simaha af-hayeenka Xisbiga Mr. Yuusuf Nuur (Guruuje) ayaa waxa lagu sheegay in warka ku soo baxay wargeyskaas uu yahay war been abuur ah oo aflagaado ah. Warsaxafadeedka Xisbiga KULMIYE waxa lagu sheegay in Xisbiga KULMIYE Xidhiidh sokeeye oo taariikhiya la leeyahay dawladdaha deriska ah iyo kuwa caalamkaba gaar ahaan wadamada Ethiopia, Djibouti iyo dalka Kenya, xisbiga KULMIYE siyaasadiisu maaha inuu carqaladeeyo xidhiidhka dalalka deriska ah laakiin wuxuu Xisbiga siyaasadiisu ku salaysan tahay xoojinta xidhiidhka wadamada geeska iyo wax wada qabsigooda.