Archive for January, 2009

Madaxtooyada oo la wareegtey lacag loogu deeqay Cusbitaalka Gebiley

Madaxtooyada oo la wareegtey lacag loogu deeqay Cusbitaalka Gebiley

Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxtooyada Somaliland ayaa la wareegtay lacag gaadhaysa 470,000 kun oo dollar oo gudoomiyaha ururka bisha cas ee dalka Imaaratka carabta Sheekh Xamdaan Binu Saayid Alla nahiyaan ugu deeqay in cusbitaal casri ah loogu dhiso degmada Gabiley.
Warkan oo aanu ka helnay ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in lacagtan oo wakiil ka socday Sheekh Xamdaan Binu Saayid Alnahiyaan uu maalintii shalay dalka soo gaadhsiiyay, Madaxweyne Riyaalena uu ku amray inuu jeegii lacagtaasi ku qornayd ku wareejiyo xoghaynta gaarka ah ee xafiiska Madaxweynaha.
Ilahani waxa kale oo ay tilmaameen in deeqda lacagtani ka danbaysay dedaal shakhsi ah oo ay sameeyeen dad muwaadiniin ah, kuwaas oo iskood Sheekh Xamdaan uga dalbaday inuu ka caawiyo dhismaha cusbitaalka Magaaladda Gabiley. Lacagtan tabaruca ah ee uu soo bixiyay Sheekh Xamdaan ayaa la sheegay in loogu tala galay in dhisme laba dabaq ah iyo qalabkiisi lagaga hirgaliyo cusbitaalka Gabiley, hase ahaatee waxa warar xogogaal ahii sheegeen in qayb ka mid ah lacagtan lagu wareejiyay NGO madaxtooyadu leedahay oo lagu magacaabo Hop Vision constarction kaas oo qandaraas lagu siiyay inuu dayactir kooban ku sameeyo cusbitaalka degmada Gabiley ee hada jira iyadoo inta kale ee lacagtaasna la rumaysan yahay in madaxweyne Riyaale rabo inuu uga faa’iidaysto ololaha doorashadda madaxtooyada. Waxa kale oo la sheegay in madaxweyne Riyaale damacsan yahay inuu casuumo qaar ka mid ah odayaasha

Source/ Somaliland.org, Hargeysa.

London: Baaq ka soo baxay shirweynihii xisbiga KULMIYE

Xisbiga qaranka ee KULMIYE oo shirku qabtay magaalada LONDON 24th Jannaayo 2009. Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen guddida KULMIYE UK waxaa kasoo qayb galay madax ka tirsan hoggaanka sare ee xisbiga, xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, Guddida KULMIYE UK, taageerayaasha xisbiga ee UK, ergooyin ka kala yimid Waqooyiga Maraykanka, bariga Afrika, qaaradda Yurub iyo bariga Dhexe.

Ujeedada shirku waa:

- Dar dargelinta hawlaha xisbiga iyo u diyaargarawga doorashada soo socota

- Xoojinta iyo xidhiidhka xubnaha xisbiga ee gudaha iyo dibadda iyo doorkuu qurbajoogu ka qaadan karo doorashada soo socota.

Madaxdii KULMIYE ee shirka ka hadashay waxay:
- Welwel iyo walaac ka muujiyeen siyaasadda xukuumadda Somaliland ee hadda oo loo arko inuu yahay mid ku tagri fashay awooddii qaranka, kuna tumatay sharcigii iyo distoorkii u yaallay, kuna tacadiday xuquuqdii shacbiga ee asaasiga ahayd oo aanay ixtiraamin xorriyatul qawlka iy saxaafadda xorta ah ee ka hirgashay Somaliland.

- Tibaaxeen in KULMIYE yahay xisbi isbadal doon ah, waxaanu diyaar u yahay inuu dhiso xukuumad tayo leh oo dhibkeeda iyo dheeftadaba loo siman yahay.

- KULMIYE wuxuu leeyahay siyaasad cad oo ka turjumaysa baahida bulshada. Waxaanu xisbigu wax ka qabanayaa horumarka dhaqaalaha, waxbarashada, daryeelka caafimaadka, wuxuu sugi doonaa nabadgelyada qaranka. Sidoo kalena wuxu cidhibtiri doonaa musuq maasuga baahay ee hadda aafaayey hay’adaha qaranka.

- KULMIYE waa hormuudka dimoqraadiyadda Somaliland, waxaanu guulo kasoo hooyey doorashooyinka dalka ka dhacay. Haddana wuxuu diyaar u yahay inuu ka qayb galo doorashada soo socota, wuxuuna aaminsan yahay inuu ku guulaysanaayo doorashada soo socota ee madaxweynaha

Haddaba shirka oo si fiican loo soo agaasimay ayna ka hadleen madaxda xisbiga ee gudaha iyo dibadduba waxaa gebagebadii shirkaas kasoo baxay warmurtiyeedkan iyo baaqyadan hoose:

- KULMIYE wuxuu u mahadnaqayaa dhammaan shacbiga Somaliland sidii fiicnayd ee nabadgelyadu ku jirtay ee ay uga qayg galeen diiwaangelintii. Waxaananu u aragnaa inay ahayd tallaabo taariikhi ah oo la gaadhay. Waxanaan ugu baaqaynaa shacbiga inay sidoo kalena u diyaargaroobaan inay si nabadgelyo iyo xasilooni leh ugu codeeyaan doorashada soo socota.

- KULMIYE wuxuu ugu baaqayaa in xisbiga talada ee UDUB uu dhakhso u qabsado shirweynihiisii, soona xulaan musharixiinta madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Waxaana ugu baaqayaa in xisbiga UDUB ay ka dhacdo gudihiisa tartan ku salaysan dimoqraadiyad lagu soo xuli doono musharaxiinta u tartamidoonta jogooyinka madaxweynaha iyo ku xigeenka.

- KULMIYE wuxuu diyaar u yahay in doorashadu ku dhacdo wakhtigii loo cayimay ee 29 Maarso 2009, mana aqbali doono dibudhac ku yimaadda doorashada.

- KULMIYE wuxuu ku kalsoon yahay guddida doorashada qaranka, waxaanu ugu baaqayaa in xukuumadda iyo xisbul xaakimkeeda is barkani ay dibin daabyada ka daayaan Guddida Doorashada qaranka oo gacan kasiiyaan sidii ay ugudan lahaayeen xilkan qaran ee loo igmaday.

- KULMIYE wuxuu ugu baaqayaa Guddida Doorashada qaranka inay dhex u ahaadaan axsaabta tartamaysa oo ay xaqsooraan xisbiyada qaranka ee ku loolamaya maskabka ugu mudan maandeeq. KULMIYE wuxuu ugu baaqayaa Komishanka qaranka inaanay u dhega nuglaan una jilcin cadaadiska kaga imanaya xukuudda si ay uga fushadaan danahooda gaar ah.

- KULMIYE wuxuu canbaaraynayaa xadhigii lagula kacay Cabdirashid Ducaale Qambi iyo Ahmed Cabdi Gadhle oo dhawaan lagu xidhay magaalada Hargeysa. Waxaanan ugu baaqaynaa inay xukuumaddu ka waan towda xadhiga xaqadarrada ay kula kacdo xubnaha ka tirsan xisbiga KULMIYE. Waxaanan u aragnaa in marhaddii lagu waayey eedihii raqiiska ee loo soo jeediyey ay xubnahani u xidhnaayeen fekerkooda siyaasiga ah oo ay ahaayeen maxaabiis siyaasadeed. Arrintani maaha mid laqaadan karo waa na mid ceeb ku ah dimoqraadiyadda Somaliland kana soo horjeeda shuruucda iyo distoorka qaranka.

- KULMIYE wuxuu ugu baaqayaa in xukuumaddu Somaliland ay ixtraamto kuna dhaqanto sharciga iyo distoorka. Sidoo kalena ay ixtiraamto xuquuqal insaanka, saxaafadda xorta ah iyo cabiraadda fekerka siyaasadeed.

- KULMIYE wuxuu ugu baaqayaa waddamada aan jiiraanka nahay ee Geeska Afrika ee ay ka socdaan colaaduhu in dagaalka la joojiyo wixii dhibaato ah ee jirina lagu dhammeeyo waan waan iyo wada xaajood. Waxaan u aragnaa in Geeska Afrika muddo badan ay ka taagnayd xasilooni darro iyo macaluul. Haddana lagaadhay wakhtigii lasoo afjari lahaa dagaalada aafeeyey mandaqadda. Lagana shaqeeyo sidii loo heli lahaa xasilooni si loo gaadho horumarka la hiigsanaayo.

- KULMIYE wuxuu ugu baaqayaa bulshada caalamka inay aqoonsadaan oo garwaaqsadaan tallaabooyinka horusocod ee ay qaaday Somaliland . KULMIYE wuxuu arkaa in la gaadhay wakhtigii bulshadu caalamku ay ogolaan lahaayeen inay Somaliland xubin ka noqoto Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa.

- KULMIYE wuxuu u arkaa in Somaliland oo hesha aqoonsi caalami ahi uu wax wayn katari doono xallilinta dhibaatada ka taagan mandaqadda Geeska Afrika. Somaliland oo iyadu aqoon iyo waayo aragnimo wayn u leh xallilinta khilaafka, waxay gacan ka gaysan kartaa sidii gobolada kale ee Geeska Afrika ee Somaliya kamid tahay loogu heli lahaa xal waara.

- KULMIYE wuxuu ku baaqayaa in Somaliland iyo Somaliya ay noqdaan laba dal oo jiiraan ah oo leh xuduudo caalami ah oo ay ka dhaxayso walaalnino iyo derisnimo wanaag.

- KULMIYE wuxuu aqoonsan yahay doorku qurbajooga Somaliland ku leeyahay horumarka iyo dibudhiska dalka. Wuxuuna xisbigu arkaa in qurbajoogu ka danbeeya horumarka balaadhan ee ay ku tallaabsatay Somaliland . KULMIYE wuxuu ugu baaqayaa golayaasha xeerdejinta in la cayimo xuquuqda qurbajooga oo ay dalka ku yeeshaan xuquuq lamid ah ta muwaadiniinta waddankii jooga ay leeyihiin. Qurbajoogu waxay xaq u leeyihiin inay kaqayb galaan doorashooyinka oo waxna doortaan lana doorto sidoo kalena isu soo sharraxi karaan inay qabtaan mansabka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

- KULMIYE wuxuu u mahadnaqayaa taageerayaasha qurbajooga oo xisbiga ka caawaya dhinaca dhaqaalaha. KULMIYE wuxuu qurbajooga ka codsanayaa inay laban laabaan kaalmada dhaqaale ee sannadkan si xisbigu u helo dhaqaale uu ku galo olalaha doorashada soo socota.

- KULMIYE wuxuu ugu baaqayaa shacbiga Somaliland ay taageeraan xisbiga KULMIYE oo ay codkooda siiyaan si uu ugu guulaysto doorashada soo socota ee madaxweynaha. Waxaana KULMIYE u arkaa in danta qaranku ku jirto muxaafid iyo mucaaridba in la helo isbadal siyaasadeed. Isbadalka loo baahan yahay waxaa keeni kara xisbiga KULMIYE oo diyaar u ah inuu adeego bulshada. Markaas si taas loo helo KULMIYE wuxuu uga baaqayaa inay shacbiga Somaliland ay codkooda siyaasiyaan xibiyada mucaaridka ah ee hormuudka u yahay xisbiga KULMIYE.

Guddiga qaban qaabada shirka KULMIYE ee London

Waraysi Aad U Xiisa Badan Oo Shabakada Wararka Ee Somaliland Press La Yeelatay Xildhibaan Maxamed Xaji Yusuf Axmed (Waabeeye)

Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Axmed (Waabeeye)

Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Axmed (Waabeeye)

“Ka qayb-qaadashada Diiwaangelinta Awgeed, Waxaanu Fasaxnay Golahayagii”

Hargeysa (Somalilandpress)- Waxaanu jecelahay in aanu Halkan idiinku soo gudbino waraysi gaar ah oo uu Cabdiqani Xuseen Baynax oo ka tirsan Tifaftirayaasha Shabakada Somalilandpress la yeeshay Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Axmed (Waabeeye), waraysigaas oo aad u xiiso badan, isla-markaana dhinacyo badan taabanaya waxa uu Xildhibaanku kaga waramay doorkii ay diiwaan-gelinta ka qaateen Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, waxa kale oo aanu wax kaga waydiinay wadciga siyaasiga ah ee wakhtigan, arrimaha doorashooyinka inagu soo fool leh, yooyootanka ka dhex-bilaabmay xisbiyada iyo arrimo kale. Waraysigaas oo dheeraa waxa uu u dhacay sidan: -
S: Xildhibaan waxaad ka tirsan tahay Golaha Wakiilada Somaliland, Diiwaan-gelin ayaana wadanka dhawaan lixda gobol ka dhacday wallow mudadii dheeraadka ahayd ee 15ka cisho ahayd aanay dhamaan sidee hawshaa looga faraxashay bay kula tahay?
J:
Waad mahadsantay marka hore, sidaad adiguba sheegtay waxay diiwaan-gelintu ka bilaabantay October, waxaanaan filayaa inay si wanaagsan uga dhamaatay, inkasta oo ay hakad gelisay hawshii Argagixisa ee ka dhacday Hargeysa. Hadana inkasta oo sida aad sheegtay aanay wali gabo-gaboobin si fiican ayay wadanka uga qabsoontay oo nabadgelyo ah.
S: Door nooceeya ayaad ka qaadateen haddii aad tihiin Xildhibaanada Golaha Wakiillada, mudadii ay diiwaan-gelintu socotay?
J:
Waxa aanu hawshaa uga qayb-qaadanay si aad iyo aad u heersaraysa, hadii naloo eego dadka Qaranka u shaqeeya, waxaan filayaa inay xildhibaanadu ahaayeen kuwa ugu shaqada badnaa dhamaan Masuuliyiinta Qaranka, marka laga reebo Komishanka u xilsaarnaa hawshaas. Waxaanay dhamaan 82ka Xildhibaanba intii joogtay ay tageen goboladii laga soo doortay, iyaga oo hawshaa wax ka maamulayay, kormeerayay, dadkana ku wacyi-gelinaayay inay is-diiwaan-geliyaan. Iyada oo ay waliba jiraan Xildhibaano ku dhaawacmay hawsha diiwaan-gelinta iyaga oo ku jira xil-gudashadoodii ku saabsanayd Diiwaan-gelinta, dhinaca kalena shirgudoonka Golaha Wakiilada oo ah Gudoomiyaha iyo 2-da Gudoomiye ku-xigeen ayaa sidaad la socoteen kormeerayay Gobolada iyo degmooyinka dalka, iyaga xaaladaha goboladaas u kuurgalaayay, iyaga oo huwan magaca shirgudoonka Golaha Wakiilada. Waxaanu ahayn Xildhibaano ahaan kuwo si mug leh uga qayb-qaatay, waxaana taas kuu cadaynaysa inaanu GOlahayaga u fasaxnay intii ay diiwaan-gelintu socotay.
S: Laakiin Xildhibaan dadka siyaasada u dhuundaloolaa waxay ku macneeyeen inay hawshiinu u badnayn Kaambayn Xisbi, oo nin waliba xisbigii laga soo doortay uu sitay magaciisa oo la socday Gudoomiyihiisa miyaanay taasi jirin?
J:
waa su’aal wanaagsan, runtii hawshu waxay ku magacawnayd Qaadashada Kaadhadhka Muwaadinimada iyo ka codbixinta oo la siinayay cidii sharcigu u ogol yahay. Laakiin, dabcan axsaabtu kamay madhnayn kaambaynkooda siyaasiga ah iyo wacyi-gelinta dadweynaha ee arrimaha diiwaangelinta, sidaas bay iyagu iyaga oo metelaya magaca xisbiyada ayay siyaasiyiinta Xisbiyadu u marayeen dhamaan gobolada ay marba diiwaan-gelintu ka socoto. Laakiin, xildhibaanadu waxay dadkoodii soo doortay ku wacyi-gelinayeen inay kaadhka qaataan. Iyada oo fariinta guud ahayd inuu muwaadin kastaa qaato kaadhadhka uu xaqa u leeyahay, lamase dafiri karo inay jireen faqaq hoose oo odhanaya hadhawto waa inaad codka siisaan Xisbi hebel.
S: Xildhibaan waxa jirta in maalmahan dambe ay Saxaafada iska weerarayeen Axsaabta Qaranku, siiba Xisbul-Xaakimka UDUB iyo KULMIYE, taasoo dadweynaha dib u xusuusinaysa wakhtigii Kaambaynkii Doorashada ee kan ka horeeyay, markaa ma la odhan karaa Axsabtu si toos ah ayay u guda-galeen Kaambaynkoodii Doorashada Madaxtooyada?
J:
haa, dabcan kaambaynku wuu socdaa oo waxa ina haysa Ufadii Doorashada, maadaama ay ku taariikhaysan tahay March oo ay aad u soo dhawaatay, markaa hawlo badan oo Kaambayn ayaa socda, sida aad ogtahayna Xisbiga Kulmiye hore ayuu u qabsaday Koongarayskiisii iyo shirkii Golaha Dhexeba. Laakiin, Xisbiga Udub weli muu qabsan shirweynahoodii. Markaa hawshaas ayuu xisbigaasi ku mashquulsan yahay, laakiin Xisbiga Kulmiye isagu marxaladaas wuu soo dhaafayn oo beryahan Safarada dibada iyo sidii uu ugu diyaar-garoobi lahaa Doorashada ayuu ka shaqaynaayay. Waana noo guul inaanu ka horayno XIsbiga UDUB xaga hawlihii sharci ee looga baahnaa XIsbinimo oo noo qabsoomay awgeed iyo taageerada dadka reer Somaliland oo aad iyo aad ugu soo korodhay xisbiga Kulmiye.
S: Laakiin, xildhibaan marka laga yimaado shirweynaha uu xisbiga lagaa soo doortay qabsaday, waxa jiray muran xoog leh oo soo dhex-galay wakhtigii shirkii Golaha Dhexe ee Burco taasoo laysku dayay in la xalilo, balse lagu guul-daraystay iyada oo Xubno uu ka mid yahay Dr. Axmed Xuseen Ciise uu ka baxay XIsbiga kuwo kale sida Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Muj. Dhego-waynena la sheegay inay weli cadho ku maqan yihiin arrimahaas side xisbiga Kulmiye ugu maaro helayaa?
J:
Marka uu Xisbi galayo shirarka noocan ah ee waliba loo eego wadankeena way ka soo baxaan arrimo noocan oo kale ah ama khilaaf. Hadaba, waxaanu galay dawayntii dhaliilahaas ka soo baxay shirka (Damage Cantrol) markaa hawsha inteedii badnayd waanu ku guulaysanay in kale oo naga qabyo ahina way jirtaa sida ragaas Kulmiye ee Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Dhego-weyne oo kale. Laakiin, Axmed Xuseen Ciise waad arkaysay inuu Xisbigii ka baxay taana xaq buu u leeyahay. Ragaa kale laakiin weli wada-hadal ayaa noo hadhsan
S: Gudoomiyaha XIsbiga Kulmiye Socdaal ayuu ku tagay Kenya, oo uu maanta ka soo laabtay, isaga oo mudadii uu halkaas joogay kulamo la yeeshay saraakiil sar sare, waxaana maanta loo soo dhaweeyay si ka duwan wakhtiyadii hore ee uu safarada ka soo laaban jiray, siday kuula dhadhamaysaa arrintaasi?
J:
waxay iila dhadhamaysaa arrintaasi oo ay ku tusaysaa rabitaanka shacbigani uu u hayo xisbiga Kulmiye iyo hogaankiisa, waxay kaloo ku tusaysaa sida ay dadku uga biyo-diideen xisbiga talada haya hogaamintiisa oo ay dareemeen inaan xisbigani talada wadankan sii wadi Karin, taasi oo si cad looga dareemo wakhtigan xaadirka ah dhamaan gobolada wadankan Somaliland, waxay kaloo I tusaysaa inay dadkani u baahan yihiin isbedel siyaasi ah oo dhab ah, kaasna uu keeni karo xisbiga Kulmiye.
S: Madaxweyne Rayaale waxa uu magacaabay Gudi uu u xilsaaray agaasinka iyo isku-duba-ridka shirweynaha UDUB, waxaana jiro dareen cadho leh oo ay arrintaas ka muujiyeen musharaxiinta la tartamaya Madaxweynaha ee XIldhibaan Sandoon iyo Cabdilaahi Darawal oo ka biyo-diiday hanaanka gudidaas dil-dilaac intee le’eg ayay xisbigaas arrintani ku ridi kartaa baad isleedahay?
J:
Waa laba arrimood, midi waa ta magacaabista xilligan iyo gudida qaban-qaabada, midna wa qaabka uu u xulay. Magacaabida xiligani waa habsan, hadayse ka soo baxday dee waaba ladan yahay, markii hore waxaaba lays lahaa malaha waxba qaban maayaan. Ta kale waa qaabka uu u xulay. Horta waxa uu ku badiyay Wasiiro, taasna waxaan u arkaa inay ka fiicnayd inuu magacaabo xubno ka tirsan Xisbiga UDUB oo aan ku jirin Xukuumada. Waayo Hawshii Qaranka ee ay Wasiiradani hayeen, waxa ay kaga mashquulayaan hawl qaban-qaabo Xisbi oo loo helaayo qof aan xil-qaran hayn. Ta labaad waxa Gudoomiye u ah Madaxweyne ku xigeenkii oo la filayo inuu musharax yahay. halkaana waxa ka muuqata maadaama gudidani ay noqonayso kuwii musharaxiinta kala reebaysay in Gudoomiye looga dhigo nin musharaxiinta ka mid ah. taasna waxaan u arkaa in lagaga wacnaa Madaxweyne ku-xigeenka inuu gudidaa Gudoomiye u noqdo.
S: Xildhibaan Xisbi Kulmiye ahaan waxaad isku qanciseen in Hogaanka iyo talada Madaxweyne Rayaale wakhtigan dadweynuhu ka qancay oo loo baahan yahay isbedel, Hadii isbedel kiina ka duwan uu yimaado xaga hogaanka UDUB oo ay Musharaxiin cusub doortaan miyaanay halis idin ku ahayn maxaase idiinka meel yaala?
J:
Xisbiga Kulmiye waxa uu indhaha ku haynayaa, cida uu soo saaro Xisbiga UDUB, hadii ay soo noqdaan Musharaxiinta hada ee Madaxweynaha iyo Ku-xigeenku, waxay yeelan doonaan qaab aanu ula kaambayn garayno oo iyaga ku wajahan iyo xisbigooda oo la taabanayo waxqabadkoodii iyo balanqaadyadoodii ay umadan u sheegeen, hadiise ay timaado cid cusubina, waxaanu iyagana nooga qorshaysan qaab kaambayn oo ku wajahan cidii xisbigaa ka timaada ee cusub. Haday cid cusub keenaan iyo haday kuwii hore keenaan waxaanu kula ciyaari doonaa qaab-ciyaareed kala duwan.
S: Xisbiga kulmiye kaambaynkii hore ee laga helay waxa uu ku kaambayn-garayn jiray Gobolo cusub ayaanu idiin magacaabaynaa marka aanu talada gacanta ku dhigno, haatana Madaxweyne Rayaale ayaa magacaabay Goboladii, maxaa taa ka duwan oo aad wakhtigan ku tartamaysaan?
J:
Horta, gobolo waa la magacaabi karaa. Laakiin, waxa loo baahan yahay wax horumar ah oo la taaban karo, anagu waxaanu kor-u-qaadi doonaa adeegyada bulshada, sida waxbarashada iyo caafimaadka, anaga oo baadi-dooni doona waxbarasho bilaasha ah (Free Education) inuu wadankani helo, waxaanuna kor-u-qaadi doonaa dakhliga wadanka, iyada oo aanu kobcin doono miisaaniyada wadanka, si shaqaaluhu uu u helo mushahar ku filan. Lana abuuro shaqooyin dhalinyarada waxbaratay ay helaan. Iyada oo ay noo qorshaysan tahay in aanu gobolada u qoondayno miisaaniyad gaar ah oo lagu hor-marinayo gobol walba ama mashaariicda horumarineed. Iyada oo mashaariic horumarineed aanay wali soo galin miisaaniyada xukuumada Madaxweyne Rayaale.
S: Xildhibaan sida Cadaada Afrikaanka ah marka ay doonayaan kursi balanqaadyadu way badan yihiin, hase yeeshee, marka ay madaxda Qaaradina hantaan kursiga ma jiro waxqabad ay la yimadaan, Hase yeeshee Obama oo ah Madaxweynaha Cusub ee Maraykanka, dhalasho ahaan Qaaradan ka soo jeeda balanqaadyadii kaambaynkiisa wuu fuliyay, ka dib markuu iridaha u laabay Xabsiga Gu’antanamo, idinka qorshaha ma idiinku jirtaa inaad xaga wanaaga siyaasadeed kaga dayataan Madaxweynahaas cusub?
J:
Horta, guud ahaan wixii wacan lagu daydaa meeshay ku jirtaa, laakiin dadku bal ha calaamadsadaan maanta wadanku halkuu taagan yahay. Waxaanu leenahayna ha qortaan, hadhawto dabadeedtana ha nagula xisaabtamaan, shacbigana waxa looga baahan yahay inay u fiirsadaan balanqaadka ay madaxdu samaynayso. Iminka xisbiga UDUb wuxuu balan-qaaday inuu wershada Sibidhka samayn doono, lama hayo, inuu lacagtii Burco bedeli doono, lama hayo, in maxjarkii uu ku dhamaan doono bilihii aynu soo dhaafnay lama hayo, in Derajadii ciidamada la bixin doono, lama hayo. Markaas shacbigu waa inay calaamadsadaan balan-qaadka hogaamadooda. Markaa anaga balanqaadkayaga ha calaamadsadaan hadii ay fuli waydo hadhaw ha nagula xisaabtamaan. Kii horena wixii fuli waayay ha kala xisaabtamaan si ay ugu cadaato ka balantii fuliyay iyo ka kale. Waxaanan ku kala duwanahay xisbiga talada haya iyaga waa inay dadweynuhu wixii hore kala xisaabtamaan ee balamo ahaa, anagase waa inay naga dhul-sugaan ilayn weli waxba nalooma dhiibine.

Source / Shabakada Somaliland Press

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo ka soo laabtay socdaalkiisii Nairobi

Mudane Silanyo

Mudane Silanyo

Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dalka dib ugu soo noqday kadib markii uu soo dhamaystay booqasho uu muddo ugu maqnaa dalka Kenya.

Axmed Siilaanyo oo maanta markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Hargaysa shir jaraa’id ku qabtay qolka nasashada ee Madaarka, ayaa sheegay in intii uu joogay magaalada Nayroobi uu kulamo la yeeshay madax farabadan oo uu ka mid yahay Madaxwayne-ku-xigeenka dalkaasi iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Kenya, kuwaasi oo ay ka wada hadleen arrimo farabadan oo ay ka mid ahaayeen xaaladda Mandaqada iyo ta Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxa kale oo uu sheegay in uu magaalada Nayroobi kulamo kula yeeshay safaaradaha dawladda Maraykanka iyo Dawladaha reer Galbeedka, Wakiillada Qaramada Midoobay, Midawga Yurub iyo deeq bixiyayaasha Somaliland ka caawiya arrimaha doorashooyinka iyo geedi socodka dimuquraadiyadda, kuwaasi oo uu sheegay in ay aad ugu heelan yihiin in ay Somaliland wax la qabtaan, isla markaana ay si xooga isha ugu hayaan hawlaha loogu diyaar garoobayo doorashooyinka ee Somaliland ka socda.

Mudane Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda Somaliland ka gaabisay in ay xidhiidh wanaagsan la samayso dawladda Kenya oo door muhiim ah ka ciyaarta arrimaha mandaqada, gaar ahaan Geeska Afrika, waayo ‘buu yidhi’ waxa ay madaxda Kenya wali Wasiirka Arrimaha dibadda u haystaan Edna Aadan, taasina ay tahay nasiib darro.

Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu mahadnaq ballaadhan u jeediyay shacabka Somaliland ee ku dhaqan dalka Kenaya oo uu sheegay in ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen.

Guddoomiyaha iyo Weftigii ku weheliyay socdaalkiisa ayaa maanta markii ay ka soo degeen Madaarka Hargaysa waxa si diiran ugu soo dhaweeyey dadwayne aad u tiro badan.

Source/ Somaliland.org, Hargeysa.

Marwadii Ugu Horaysay Ee Ka Mid Noqotay Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland

Hargaysa (Kulmiye.org) Marwo Faadumo Jaamac Ileeye, ayaa markii u horeysay taariikhda Somaliland ka mid noqotay mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, oo ah aqalka sare ee baarlamaanka Somaliland.

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Mudane Maxamed Ismaaciil Xirsi Oomane, ayaa shalay Xubintan cusub ee haweenka u dhaariyay xubin-nimada golaha guurtida Somaliland, ka dib markii ay buuxisay jago uu golahaas ka banneeyay odaygeedii Marxuum Maxamed Cismaan Guuleed, waxaana xafladii lagu dhaariyay goob joog ka ahaa shirguddoonka Golahaas.

Guddoomiyaha Golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aaden (Saleebaan Nuur), oo munaasibada dhaarta ka dib hadal kooban oo dardaaran iyo soo dhawayn ah halkaa ka jeediyay ayaa yidhi “Aniga oo ku hadlaya Magaca golaha waxaan kugu soo dhuwaynaynaa xubinimada aad golaha guurtida ka mid noqotay, waxaanuna Ilaahay kaaga baryaynaa inuu kuu fududeeyo xilkaa aad qaaday. Xil wayn baad qaaday oo xildhibaan Baarlamanka ka mid ah ayaad noqotay, wixii hawl ah ee Xildhibaan looga baahnaana waad qaban ama bulsho wayn ha noqoto ama golaha dhexdiisa ha noqotee Ilaahayna ha kuu fududeeyo.”

Xaaji Cabdikariin Cabdi Xuseen (Cabdi waraabe), oo ah guddoomiyaha gudida joogtada ah ee golaha guurtida, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa aad u soo dhaweeyay xubin-nimada marwo Faadumo waxaanu yidhi “Wakhtigan socda waxaanu Ilaahay ugu mahadnaqaynaa Maxamed Cismaan Guuleed oo ka baxay golaha guurtida Naxariistii janno Ilaahay ha siiyee, abaal-gudka shir-guddoonku u gartay ee guurtiduna ku wada raacday in Xaaskii iyo Carruurtii la siiyo jagadii inta nooga hadhay wakhtiga, waanuna ugu mahadnaqaynaa.”

Xaaji Cabdi waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Dumarku waxay odhan jireen guurtida ayaa horumarkii naga horjoogta, albaabkaasina hadduu furmay oo guurtidii la qorey oo Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aaden gartay oo shir-guddoonku oo dhami ku raacay oo guurtidu ku raacday kaana waanuna ku faraxsanahay.”

Mudane Cabdikariin waxa uu sheegay in cid walba wixii tallo ah looga baahan yahay balse la diidan yahay oo kaliya waxa shareecada ka hor imanaya “Waa albaab furmay oo dhana shareecadeena wixii ka horimanaya ayuun baa la diidan yahay ee wixii tallo ah qoom walba waa looga baahan yahay, oo dumarka ayaa looga baahan yahay inay soo hanuuniso oo wixii qaloocan ilaaliso oo wixii xun ee xaafadaha soo galaya u feejignaato oo iyaduna (Haweenayda guurtida lagu daray), waa caalimad oo Tafsiirkay akhridaa oo waan aqaanaa, oo markii la qaxay ayay Kaam Abokor ayay Tafsiirka ugu akhriyi jirtay dumarka oo dhan.”

Guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland Mudabe Cabdikariin Cabdi Xuseen, waxa uu Xildhibaanada u soo jeediyay inay dadaasho oo ay xukuumada iyo caalamkaba la shaqayso isla markaana ay u feejignaato wixii dhib keenaya ee xaafadaha soo galaya.

Marwo Faadumo Jaamac Ileeye, oo aanu waydiinay dareenkeeda ka dib markii xilka xildhibaanimo loo dhaariyay ayaa tidhi “Aniga oo ah Faadumo Jaamac Ileeye, waxaan aad iyo aad raali uga ahay ama ugu faraxsanahay maamulkaa la ii dhaariyay maanta ee aan noqday xubin ka mid ah Guurtida, Ilaahayna (SWT) waxaan ka rajaynayaa inaan ku guulaysto hawlahaa la ii xilsaaray oo aanan noqon mid dayacda aniga oo ah gabadhii ugu horeysay ee guurtida soo horfadhiisata ee loo doorto kursigan inkastoon Ilaahay qadarkiisa aan ku imid.”

Source: Geeska Afrika.

Mineappolis: Xaflad Lagu Soo Dhaweeyay Dr Gaboose, Gudoomiyaha Ururka Qaran

Xafladii Soo dhowaynta Dr. Gaboose ee Minnesota

Xafladii Soo dhowaynta Dr. Gaboose ee Minnesota

Waxaa shalay oo Axad ah bisha January-na tahay 18 xaflad soo dhowayn ah Hotel-ka Hilton ee ku yaal downton Minneapolis loogu sameeyey Guddoomiya ururka Qaran Dr. Maxamed Cabdi Yuusuf (Gaboose). Read more »

Obamas Dance, Celebrate at Inaugural Ball

(CNN) — President Barack Obama and first lady Michelle Obama were dancing their way through 10 official inaugural balls after a day of pomp and circumstance that saw his first presidential address and excitement about her inaugural dress.

Michelle Obama, dressed in Jason Wu, and President Obama at the Home State Ball Tuesday night.

Michelle Obama, dressed in Jason Wu, and President Obama at the Home State Ball Tuesday night.

The Obamas were serenaded by Beyoncé during their first dance at the Neighborhood Ball Tuesday night.

Beyoncé sang Etta James’ “At Last,” from her role in the movie “Cadillac Records” as the couple laughed and took their first spin around the dance floor.

Before the dance, Obama addressed the crowd, which erupted in applause when he entered the room.

“First of all, how good-looking is my wife?” Obama joked. Video Watch the Obamas at the first ball of the night »

All eyes certainly were on Michelle Obama, who had kept her choice of a designer and dress style a secret until the moment she entered the dance floor.

The first lady was clad in a long white gown designed by up-and-coming designer Jason Wu, 26. The gown made especially for the first lady is made of ivory silk chiffon, embellished with organza and Swarovski crystal rhinestones and silver thread embroidery, according to one of Wu’s publicists.

Wu told CNN he didn’t know that she had chosen his gown until her first ball appearance Tuesday night.

“It’s thrilling. … For a young designer, I couldn’t ask for any more than this,” said Wu, whose design style combines modern lifestyle dressing and haute couture, according to his Web site.

He designed and delivered the dress at the request of Michelle Obama’s aides in December, according to fashion expert Mary Alice Stephenson, contributing editor at Harper’s Bazaar.

Wu — who has been in the business for three years, according to InStyle.com fashion director Joe Berean — said he intended the gown to stand for everything that she and President Obama are about. Listen to Berean critique Michelle Obama’s inauguration outfits »

“It’s about hope. It’s about newness,” he said. “It’s all a little dreamlike, and we’re making history, and I wanted to really reflect that.”

The Neighborhood Ball, a first of its kind and one of the balls open to the public, was the first of 10 official balls that the Obamas were scheduled to attend.

For the new president, the first was particularly important.

“I cut my teeth doing neighborhood work and this campaign was organized neighborhood by neighborhood,” he said.

For that reason “this ball is the one that captures best the spirit of this campaign,” Obama said.

The Obamas then moved to their second ball — the Home State Ball, for Illinois and Hawaii — at the Convention Center.

After greeting the crowd by saying “Aloha,” the president thanked many in the crowd who he said were old friends who had been part of the couple’s lives for awhile.

“This is a special ball because it represents our roots,” he said.

The couple laughed and embraced as they danced. President Obama even let loose after his long day, twirling his wife around in a circle — a move the crowd cheered. Time: See the glamour of past balls

Next, the Obamas made their way to the Commander-in-Chief Ball, attended by many members of the military, including wounded veterans.

“It is wonderful to be surrounded by some of the very best and bravest Americans,” Obama said. “Your courage, your grace and your patriotism inspire us all.”

Obama told the crowd that there is “no greater honor or responsibility than serving as your commander in chief.” Video Watch the Obamas as the Commander-in-Chief Ball »

Obama then introduced members of the military from Illinois stationed in Kabul, Afghanistan. After thanking them, Obama took time for lighter banter, polling the members of the military about whether they were Chicago Cubs or Chicago White Sox baseball fans.

“Terrible!” quipped Obama, known to be a huge White Sox fan, as most said they were Cubs fans.

Then Obama introduced his wife, who took a moment to emerge from backstage.

“I may have been stood up,” he joked, before she came out for their next dance.

Next, the Obamas turned their attention to the Youth Inaugural Ball, where people between the ages of 18 and 35 gathered.

“When you look at the history of this campaign, what started out as an improbable journey — when nobody gave us a chance — was carried forward, was inspired by, was driven by, was energized by, young people all across America,” Obama said.

The president thanked the young people who came out to vote in dramatically high numbers, especially compared to past elections.

He said a new generation inspired an older generation, and “that’s how change happens in America.”

Afterward, the Obamas moved to the Home State Ball for Delaware and Pennsylvania, honoring Vice President Joe Biden.

“We are grateful to you, not only for the trust you bestowed, but also for a guy named Joe Biden,” Obama said. Biden was born in Pennsylvania and later moved to Delaware, which he represented in the U.S. Senate.

The Obamas then visited the rest of the parties earlier than scheduled and in quick succession, spending about five minutes each at the Mid-Atlantic, Western, Midwest, Southern and Eastern regional balls.

At the Western Ball, singer Marc Anthony helped entertain about 11,500 guests, including film director Ron Howard and “Curb Your Enthusiasm” actress Cheryl Hines. When the Obamas arrived, someone shouted “I love you” to the president.

“I love you back,” Obama responded. “Michelle loves you, too.”

Before the couple’s dance at the Midwest Ball, the president introduced the first lady by saying he’d “like to dance with the one who brung me, and who does everything I do except … in high heels.”

The first couple’s last dance of the night — at the Eastern Ball — happened shortly after 12:35 a.m. Wednesday.

Melanie Roussell, a spokeswoman for the committee, said that in keeping with tradition, the Obamas and Biden and his wife, Jill, would make appearances at each of the official balls. Quiz: First ladies gowns

There was more than chips and dip for the new president and his fellow partygoers. “We will have a little more than light fare,” said Roussell, who listed such menu items as penne Italiano and chilled chicken roulades with tomatoes, artichokes and pine nuts.

The balls also featured plenty of music to suit just about everyone’s taste. In addition to Beyoncé, the Neighborhood Inaugural Ball at the Walter E. Washington Convention Center included recording artists Jay-Z, Faith Hill, Shakira and Alicia Keys. iReport.com: Are you in Washington? Share your story

advertisement

Those not lucky enough to score a ticket or an invitation could watch on television.

“We are trying to make this the most accessible inauguration in history,” Roussell said. “We are encouraging people to plan parties in their own neighborhoods, and they can tune in and celebrate along with the president.

Source/ CNN

Historic moment as Obama sworn in

Obama kicks off U.S. presidency

AMERICAS

Historic moment as Obama sworn in
US President Barack Obama is sworn in

WASHINGTON – Barack Hussein Obama stepped into history Tuesday as the first black president of the United States, delivering an impassioned call for a new “era of responsibility” founded on the age-old American principles of honesty, courage, loyalty and old-fashioned hard work.

Obama, a quirk of the Constitution having moments earlier bestowed upon him the title of 44th U.S. president , lifted the weight of a troubled world onto his shoulders as he placed his hand on the gilt-edged Bible of Abraham Lincoln and took the oath of office.

“Today I say to you that the challenges we face are real,” Obama said in his inauguration speech.

“They are serious and they are many. They will not be met easily or in a short span of time. But know this, America – they will be met.”

More than a million people were jammed onto the National Mall to watch the historic moment, which in fact passed at noon without fanfare, thanks to a U.S. Constitution that says the president-elect gets the job at the top of the hour, oath or no oath.

Clad in a red tie and white shirt under dark overcoat adorned with an American flag pin, Obama thanked predecessor U.S. President George W. Bush as he began the difficult task of inspiring a deflated nation burdened with the cost of protracted wars and a deepening economic crisis.

“Our challenges may be new. The instruments with which we meet them may be new. But those values upon which our success depends – hard work and honesty, courage and fair play, tolerance and curiosity, loyalty and patriotism – these things are old,” he said.

What is demanded then is a return to these truths. What is required of us now is a new era of responsibility, a recognition – on the part of every American – that we have duties to ourselves, our nation, and the world, duties that we do not grudgingly accept but rather seize gladly, firm in the knowledge that there is nothing so satisfying to the spirit, so defining of our character, than giving our all to a difficult task.”

One of those challenges, the ongoing security of the United States in the midst of an international conflict that has not gone away, won’t result in the sacrifice of American ideals, the new president added.

“Our Founding Fathers, faced with perils we can scarcely imagine, drafted a charter to assure the rule of law and the rights of man, a charter expanded by the blood of generations. Those ideals still light the world, and we will not give them up for expedience’s sake,” Obama said.

“And so to all other peoples and governments who are watching today, from the grandest capitals to the small village where my father was born: know that America is a friend of each nation and every man, woman, and child who seeks a future of peace and dignity, and that we are ready to lead once more.”

Along with the dignitaries, a distant sea of people clogged Washington to be a part of history.

Joy Diaz, 47, travelled from Burlington, Ont., to stand along the route Obama would pass during the afternoon’s inaugural parade. She came because she was fascinated by the 2008 campaign.

“It was riveting in Canada. We were addicted,” Diaz said. “When it was over, we were going through withdrawal.”

Diaz said her parents, who are natives of Trinidad, wanted to attend the 1963 march on Washington but could not because they had young children.

“They couldn’t be part of history,” she said. “I said I have to represent them at this historical event.”

Diaz was part of a crowd that was on hand to witness a watershed moment in a country with a shameful history of slavery and segregation – a moment that Obama himself made sure to temper with a pointed reminder that difficult days are ahead.

“Our time of standing pat, of protecting narrow interests and putting off unpleasant decisions – that time has surely passed,” Obama said.

“Starting today, we must pick ourselves up, dust ourselves off, and begin again the work of remaking America.”

On hand for the ceremony were Obama’s living predecessors Jimmy Carter, George H.W. Bush and Bill Clinton, as well as his Obama’s wife Michelle, first lady Laura Bush and Lynne Cheney, wife of Vice President Dick Cheney.

Prior to the ceremony, Cheney – sitting in a wheelchair with a wooden cane across his lap after straining his back last week – emerged onto the inauguration platform with U.S. President George W. Bush, who was afterward spirited away to retirement at his ranch in Crawford, Tex.

Already a glorious structure, the Capitol was dressed to the nines for the historic event, elegantly draped with starry indigo bunting, flowing columns of red and white fabric and banks of snow-white bleachers for thousands of spectators.

Before the sun had even risen Tuesday, those determined to be on hand for the ceremony had started working their way into the National Mall to take in the spectacle.Crowds gather in the National Mall, Washington DC More than a million of them – all different colours, ages and nationalities – packed the Mall and along the inaugural parade route down Pennsylvania Avenue, from the Capitol to the White House.

Obama mentioned Iraq and Afghanistan by name as he pledged to peacefully end America’s two unpopular wars, to mitigate the threat of nuclear war and tackle global warming.

But he also had a pointed message for America’s enemies.

President-elect Barack Obama, First Lady Laura Bush, President George Bush and Michelle Obama on the steps of the White House“We will not apologize for our way of life, nor will we waver in its defence,” Obama said to rousing cheers from the crowd.

“For those who seek to advance their aims by inducing terror and slaughtering innocents, we say to you now that our spirit is stronger and cannot be broken; you cannot outlast us, and we will defeat you.”

T

Crowds gather in the National Mall, Washington DC

T

Just beyond the White House fence, huge crowds braved freezing temperatures and jostled for positions to see the ceremony, either with the naked eye or on Jumbotron screens.

They’ve been in D.C. for days, cramming the streets snapping pictures, buying all manner of Obama memorabilia and attending a massive outdoor concert at Lincoln Memorial in honour of their political hero.President Barack Obama, right, is congratulated by daughter Sasha, lower left, as first lady Michelle Obama looks on after taking the oath of office. THE ASSOCIATED PRESS/Susan WalshFor many of them, Obama’s successful run for the presidency not only represents a long-overdue shattering of the race barrier, but a return to honour in politics the likes of which hasn’t been seen since the 1960s with iconic figures like Martin Luther King Jr. and Robert F. Kennedy.

The Obama family on stage in Washington DC

Americans sobered by enduring conflicts in Iraq and Afghanistan and an ongoing economic meltdown won’t be alone in counting on the new U.S. president to deliver on the impending era of hope he’s promised since his momentous electoral victory in November.

The rest of the world, weary of war and ravaged by the economic meltdown, is also optimistic.

Source / By Lee-Anne Goodman, The Canadian Press

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Siilaanyo Oo Maanta La Kulmay Raisal Wasaaraha dalka Kenya Md Raila Odinga

Nairobi (Somaliland.org) – Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminayay oo maalintii todobaad booqasho ku jooga dalka Kenya magaalo madaxdiisa Nayrobi ayaa maanta la kulmay Raysalwasaaraha dalka Kenya Raila Odinga, iyaga oo kala hadlayay qadiyadda Somaliland iyo sidii dawladda Kenya u aqoonsan lahayd qadiyadda Somaliland oo buuxisay shuruudihii caalamku ku xidhay in ay dhamaystiraan oo ahayd horumarinta nidaamka dimuquraadiyadeed, qabashada diwaangelinta codbixiyayaasha oo iyana dalka ka qabsoontay dhawaan si loo helo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka qabsooma dalka.

Waftigan Guddoomiyuhu intii uu joogay dalka Kenaya Magaalo madaxdiisa Nayrobi waxa ay hore ula soo kulmeen Madaxwayne ku xigeenka dalka Kenaya, Safiirka wadanka Maraykanka u fadhiya Kenaya iyo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Axmadou Walad Cabdalla iyo diblumaasiyiin kale oo ka tirsan beesha caalamka, iyaga oo kala hadlay isla markaana kala garnaqsaday jawaabtii uu caalamku ka bixiyay masiibadii ay argagixisadu qaraxyada ugu gaysatay magaalada Hargaysa 29-kii October sannadkii hore ee 2008. taas oo uu weftigu tilmaamay in ay ahayd in aduunyadu Somaliland gacan ka siiso falalka argagaxisadu ka fuliyeen caasimadda Hargaysa, balse taas badalkeedu noqday in Qaramada Midoobay ay Somaliland ku qiimayso darajada afraad ee dhinaca amaanka.

Guddoomiyaha iyo weftigiisa ayaa la filayaa in Maalmaha soo socda ay u kicitimaan dalka Jabuuti oo sida la sheegay ay marti qaad ka haystaan.

Xigasho/ Somaliland.org

“Waxaa nooga dha-dhantay M/weyne ku xigeenka Kenya inay weli u haystaan Edna Wasiirka A. dibada” Guddoomiyaha KULMIYE

NAIROBI ( Ogaal) – Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo ) ayaa dhaliilay saameynta siyaasada Xukuummada Somaliland ee arrimaha dibada, Islamarkana waxa uu tilmaamay inaanay uga dhex muuqan sidii la filayay Saaxada lagu lafa-guro arrimaha siyaasada Afrika ee Nairobo Kenya.

Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maal-mihii ugu danbeeyay socdaal howleed ku joogay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Sidaa daraadeed, wargeyska Ogaal si uu wax uga ogaado dhaq-dhaqaaqyada Waftiga KULMIYE iyo waxyaabaha ay ka wadda hadleen Saraakiil sar sare iyo dublamaasiyiin uu la kulmay ayaa waxa uu khadka Isgaadhsiinta ku xog-waraystay Gudoomiye Axmed Siilaanyo. Waxaana uu sheegay Gudoomiyaha KULMIYE in shirarka ay la yeesheen Siyaasiyiinta dalka Kenye iyo Safiirada ku sugan Nairobi maalmaha kooban ee ay dalkaa ku sugnaayeen inay uga soo baxday inaanu jirin olole iyo dedaal ku wajahan qadiyada madaxbanaanida Somaliland oo xukuumada ka fuliso wadanka Kenya oo UDUB dhexaad u ah siyaasada Qaarada Afrika. “Waxaanu arragnay Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Kalonzo Musyoka, waxaa la noogu maqan yahay kullan aanu la yeelanayno Raysal-wasaaraha, waxaanu is arragnay Safiiro. Waxaanu la kulanay Saraakiisha Hayadaha qaramada midoobay…waxaasoo dhan waxaanu ka wadda hadlaynay arrimaha Somaliland oo ay ka muuqatay inaanay qaarkood war badanba ka heyn, xitaa waxaa nooga dha-dhantay Madaxweyne ku xigeenka Kenya markaanu la kulanay in weli ay u haystaan in Edna aadan Tahay Wasiirka Arrimaha dibada. Waan yaabnay meesha ay tegi jireen Cawil Iyo Cabdilaahi Maxamed Ducaal. Mar haduu soo qaadayna (Edna) waxaa noo cadaatay inaanay malaha is aragba marka Qoladaasi (Wasiirada Xukuumada Somaliland) Kenya yimaadaan, runtu waa sidaa” Sidaas waxa yidhi Axmed Siilaanyo.

Gudoomiyaha KULMIYE waxa uu sheegay in loo baahnaa in mar hore laga gallo Kenya dedaal dheeraad ah oo dublamaasiyadeed. Waxana hadalkiisa ka mid ahaa oo uu yidhi, “Waxaa noo muuqata inay waajib ahayd in mar hore Somaliland Xafiis balaadhan ku yeelato halkan Kenya, waa meesha siyaasada Afrika laga hago ee ay ka socota, dunidana xidhiidho badan la leh”

Gudoomiye Siilaanyo waxa uu sheegay in xukuumada Somaliland wakiil u magacawday Dalkaas, balse aanu jirin xafiis u furan iyo meel uu leeyahay toona. “Wakiil uunbaa la magacaabay, laakiin Xafiis iyo meel loo furay ma jirto..ninbaa ku magacaaban laakiin, wax lala qabtay iyo meel loo furay mid-na ma jirto. Balse, waa nin aad iyo aad u shaqeeya oo aanu ku hanbalyay-nayno dedaalkiisa.”

Waxa uu sheegay Axmed Siilaanyo inay Xisbi ahaan u tageen dalkaasi, aadna loogu soo dhaweeyay, mar uu arrintaa ka hadlayay-na waxa uu yidhi, “Si aad iyo aad ah oo laxaadleh ayay dadka reer Somaliland ee ku dhaqan Kenya noo soo dhaweeyeen, dhalin yaro iyo waayeel Caleemo qoyan ayaa lanagala hor yimid..,…Allbaabo fiican ayaa noo furmay .. kulan weyn ayaanu Axada (Beri) la yeelan doonaa Dadka reer Somaliland ee ku dhaqan dalkan oo aanu ugu waramaynaa..”

Gudoomiyaha KULMIYE su’aal laga sii weydiiyay goorta ay u balansanyihiin kulanka Raysal-wasaaraha waxa uu sheegay in lagu jiro Qorsheynta Kulankaasi.

Ugu danbeyna waxa uu ku dooday in socdaalkoodani u muujiyay meel looga baahanaa in xukuumadu uga ololeyso qadiyada madax-banaanida Somaliland, balse aan la sameyn. “Markaan soo ururiyo, waxaa nooga muuqda inay tahay meel aad la inooga baahnaa, inaynu dareen culus siino la inooga baahan-yahay. Waa meel Afrika oo dhami isugu timaado, dunidana xidhiidh fiican la leh weeye, Markaa, waxa la inooga baahnaa inaynu awood weyn iyo muuqaal weyn ku yeelano hadaynu doonayno in qadiyadeenu horumar sameyso.” Ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Xigasho/Ogaalnews