Archive for January, 2009

Dr Maxamed Cabdi Gaboose Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Columbus , Ohio

Dr MaxamAdd an Imageed Cabdi Gaboose Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Columbus , Ohio

Maanta oo ay taarikhdu ahayd 17/01/2009, waxa magaaaladda Columbus, Ohio ee carriga Maraykanka xaflad heer sare ah loogu qabtay guddoomiyaha urur siyaasadeedka QARAN Dr. Mohamed Abdi Gaboose iyo wefti uu hogaaminayo, oo beryahanba safarro ku marayey waddankan Maraykanka.

Safarkan Dr. Gaboose ayaa la xidhiidha olole siyaasaddeed (campaign) siddii la isugu xidhi lahaa taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee North America iyo taageerayaasha ururka QARAN, iyo sidii dhaqaale ururin loogu samayn lahaa xisbiga KULMIYE (fund-raising).

Haddaba xafladdan oo si heer qaran ah u dhacday ayaa waxaa ka soo qayb galay dhammaan bulshaweynta reer Somaliland ee ku dhaqan magaaladda Columbus, ee gobolka Ohio.

Haddaba ugu horrayn waxaa xafladaas ka hadlay guddoomiye ku xigeenka xisbiga KULMIYE North America ahna guddoomiyaha xisbaga KULMIYE ee Columbus, Ohio, Mr Saxardiid Mohamed Shaacir oo u mahad celiyey bulshaweyntii reer Somaliland, sida diirran ee ay uga soo qayb galeen xafladdan.

Muddo yar ka dib waxaa microphone ka lagu soo dhaweeyey guddoomiyaha ururka QARAN Dr. Mohamed Cabdi Gaboose, oo shacabkii ugu mahad naqay sida diirran ee ay usoo dhaweeyeen. waxaanu Dr. Gaboose ka warramay marxaladihii uu waddanku soo maray iyo xaaladda uu imika ku sugan yahay, waxa kale oo uu ka warramay dhibaatooyinka waddanka ka taagan dhinac kasta.

Xafladda Soo Dhawaynta Dr. Gabose, Columbus, Ohio

Xafladda Soo Dhawaynta Dr. Gabose, Columbus, Ohio

Wuuxu sheegay Dr. Gaboose in uu maadaxweyne ina Rayaale waddankii ka dhigay (monopoly) oo wax kasta u xidhay cid gaar ah:

  • Shidaalkii waxaa loo xidhay shirkadda total o qudha
  • Adhigii waxaa loo xidhay nin carab ah
  • Warshaddii sibidhka ilaa imika waa siddeeda ka dib markii uu dahir rayaale yidhi waxaan ku wareejiyey shirkad jarmal ah, oo dhagaxntii weli halkii ayey taalaa
  • Waddankii dhalinyaraddii way ka yaacday oo waxay ku xidh xidhan yihiin xabsiyadda Liibya iyo Suudaan
  • Goloyaashii qaranku uma shaqeeyaan si madax banaan

Waxaas oo dhibaato ah waxa uu Dr. Gaboose dusha ka saaray xukuumadda ina Rayaale.

Waxa kale oo uu Dr. Gaboose ka waramay xadhigoodii, sababtii loo xidhay iyo waxyaabaha ku kalifay in ay taageero siyaan xisbiga KULMIYE (indorsement). Dr. Gaboose waxa uu sheegay in uu xisbiga KULMIYE yahay xisbiga keliya ee oggol in la furo xisbiyo.

“Markii aanu aanu eegnay saddexda xisbi QARAN ee doorashadda u tartamaya waxay nala noqotay xisbiga wadddanka badbaadadiisu ku jirto waa KULMIYE, markaas hiil iyo hooba ha la isla garab taago xisbiga KULMIYE iyo Muj Siilaanyo” sidaa waxa yidhi Dr. Gaboose.

Gebogebaddii xafladda su’aalo la waydiiyey Dr. Gaboose ka dib waxaa halkaa shahaado sharaf ku kudoonsiiyey ururka dhalinyaro ah oo reer Somaliland ah oo la yidhaaho (UBAD), waxaana shahaadada gudoonsiiyey guddoomiyaha ururka (UBAD) Mr Ahmed Hassan.

Free Jornalist Abdisalam Mohamed Buraleh
csalaan2003@hotmail.com

Dr. Gabose oo socdaal ku maraya dalka Maraykanka

Dr. Gabose oo socdaal ku maraya dalka Maraykanka

Dhalinyarada ka qaybqaadatay soo dhawaynt Dr. Gabose

Dhalinyarada ka qaybqaadatay soo dhawaynt Dr. Gabose

Dr. Gabose oo soo dhawayn diirran oo lagu qaabilay

Dr. Gabose oo soo dhawayn diirran oo lagu qaabilay

Toronto Kulmiye Conference, Sunday Jan25 , 2009

KULMIYE-Canada-conf

Dhamaan Taageeryasha Xisbiga Waxaanu Ka Codsanaynaa In Wakhtiga La Ilaaliyo.

Dr Maxamed Cabdi Gaboose Oo Lagu Soo Dhaweeyay US State Department ka


}

gabose-state-department.jpg

Left Mr Carter,Dr.Gabose,Mr.James,Mr Walsh

Dr Gaboose oo ku sugan dalka Mareykanka wuxuu dedaal ugu jiraa sidii laysugu xidhi lahaa tageerayaasha xisbiga Kulmiye iyo Ururka Qaran. Dr Gabose wuxuu kaloo xarunta wasaaradda arrimaha dibedda (US State Department) kula wada kulmay (Jan 13-2009) masuulka sare ee u qaabilsan arrimaha Africa , Mr. Phillip Carter III (Principal Deputy Assistant Secretary- Bureau of African Affairs), madaxa Geeska Africa (Mr.James Director of East African Affairs), iyo madaxa arrimaha Somalia ( Mr. Matthew Walsh).

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Md Kayse Xasan Cige: “Boqolkiiba Sagaashan Waxaan Qabaa In Shirka UDUB Aanu Noqonayn Dimuqraadi, Madaxweynuhu Wuxuu Ku Jiraa Sidii Uu U Kala Daadin Lahaa Ragga.”

“Boqolkiiba Sagaashan Waxaan Qabaa In Shirka UDUB Aanu Noqonayn Dimuqraadi, Madaxweynuhu Wuxuu Ku Jiraa Sidii Uu U Kala Daadin Lahaa Ragga.”

()

hadhwanaag 2009-01-15 (Hadhwanaagnews) Xoghayaha Guud ee xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE,Md.Kayse Xasan Cigge,ayaa sheegay in aanu rajo ka qabin in xisbiyada UDUB iyo UCID dhexdooda lagu tartamo, oo ay si xor ah u soo xushaan murashxiintooda uga qeyb gelaya doorashada madaxtooyada ee fooda innagu soo haysa.

Waxaanu Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay inuu waddo wax uu ku tilmaamay olole uu ku kala daadinayo murashixiinta hanka leh ee todobaadkan shaaca ka qaaday inay kula tartamayaan murashaxa Madaxweynaha ee xisbul-xaakimka UDUB.

Xoghayaha Guud ee KULMIYE, waxa kale oo uu sheegay in xisbiga kale ee mucaaridka ah ee UCID uu yahay mid aan la mid ahayn xisbiyada kale, oo qof gaar ahi haysto.

Md. Kayse Xasan Cigge, wuxuu sidaa ku sheegay Waraysi Khaas ah oo uu maanta magaalada Hargeysa ku siiyay Shabakada wararka ee Ramaasnews, xoghayaha oo aanu weydiinay rajada uu ka qabo in xisbiga UDUB dhexdiisa loogu tartamo si xor ah oo xalaal ah wuxuu yidhi “Xisbi waliba wuxuu leeyahay xeer iyo qawaaniin isaga u gaar ah, xisbi kastana isaga ayay gaar u tahay marka uu qabsanayo shirweynihiisa iyo golahiisa dhexeba, hase yeeshee xisbi kastaa wuxuu leeyahay wakhti uu qabto shirkiisa golaha dhexe, shaki kuma jiro in xisbiga UDUB oo qudha maahee xisbiga UCID laftoodu shir la odhan karo waa kii golaha dhexe oo wax baa lagu soo doortay ma jiro.

Nin uun baa yidhi anigaa meesha iska haysta ee ka labaad doorta taasina socon mayso marka shuruucda la eego.” “Xisbiga waxaa laga doonayaa hoggaankii xisbiga, labadii murashax iyo golahii dhexe inay doortaan oo uu qaab dhismeed yeesho, way ku qasban yihiin UDUB iyo UCID-ba inta aan la gaadhin olalaha doorashada inay qabsadaan oo soo saaraan cidda isku soo sharaxaysa murashixiinta jagada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, bishan koowaad ha qabtaan ama bisha labaad ha qabtaane way ku khasban yihiin.”Ayuu intaa raaciyay.

Xoghayuhu wuxuu sheegay in madaxda xisbiyada UDUB iyo UCID aanay hubin inay kalsooni ka helayaan xisbiyadooda iyo in kale, isaga oo arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi “Annagu xisbi ahaan waanu ka libbaysanay[guulaysanay] kol hadii aanay illaa maantadaa ku dhici karin inay banaanka iskeenaan oo shirweyne ay qabsadaan waxna doortaan labada xisbi ee UDUB iyo UCID, sababtuna way caddahay oo waxa weeye wali kalsooni buuxda oo ay ku qabaan nimanka Guddoomiyeyaasha ahi inay helayaan iyo in kale ma jirto, awood ay intay miiska soo saaraan ay yidhaahdaan nasiibkiina ka qaadana ma laha.

Xisbiga UDUB oo isagu ahaa xisbi ay cid kastaaba ku jirto oo reer waliba uu ka muuqdo, maanta waa looga fadhiyaa UDUB inay ka soo dhex baxdo cid tidhaahda waan la tartamaynaa madaxweyne Rayaale.”

Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE, oo aanu weydiinay rajada ay ka qabtaan in xisbiga UDUB dhexdiisa si furan oo xalaal ah loogu dhex tartamo, waxaanu ku jawaabay oo uu yidhi “Boqolkiiba Sagaashan waxaan qabaa in aanu shirka UDUB noqonayn dimuqraadi, waxaanu imika Madaxweyne Rayaale uu ku jiraa olole ah inuu nimankan hanka leh ee caddaystay musharaxnimadooda ee C/Laahi Darawal iyo Axmed Sandoon sidii uu u kala daadin lahaa, oo uu dagaal ku qaado ninba meel uu ka soo galaba.”

“Ma dhici karto qaabkii aanu annagu[KULMIYE] u doodnay ee aanu wax u dooranay inay wax u doortaan, Annagu markaanu is dilay mucaarid baanu ahayn laakiin iyagu UDUB taladii ayay hayaan haddii ay is dilaan waa lagu kala kici waayo mishiinkii dawladnimo ayay hayaan, waa inay si sharaf leh shirweynahooda u qabsadaan, imika wuxuu Madaxweynuhu xulanayaa dadka uu is leeyahay way ku taageerayaan ee noqonayaa golaha dhexe, oo ay ka mid yihiin Golahiisa Wasiirada. Markaa Cabdilaahi Darawal iyo Axmed Sandoon, waxa lagu odhanayaa u coddeeya” Ayuu intaa raaciyay Xoghayuhu.

Md. Kayse Xasan Cigge, oo aanu weydiinay sida uu u arko in xisbiga UCID ku dooran doono murashxiintiisa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, wuxu ku jawaabay “Xisbiga UCID nidaamkiisu wuu ka duwan yahay UDUB, xisbiga UCID waa xisbi ay dad gaar ahi taageeraan, waa tii beeshii Habar-yoonis ka baxday markii ay yidhaahdeen aynu tartano ee uu Guddoomiyuhu yidhi annigaa kaadidayda u soo cabay, xilligana wuxuu rabaa uun in Madaxweyne ku xigeenka loo tartamo, laakiin ma rabo in isaga lala tartamo.

Madaxweyne ku xigeenkana laba reer ayuu danaynayay oo ah beelaha Gadabuursi iyo Harti, reer Awdal wuu ka noqonayaa oo wuxuu is leeyahay mar haddii ay Madaxweyne Rayaale iyo Ku xigeenka KULMIYE oo C/Raxman Saylici, ay leeyihiin boos iigama banaana, markaa wuxuu rajo weyn ka qabaa beelaha Hartiga.

“Xoghayuhu isagoo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Xisbiga UCID isaga arrintiisu waa gaar oo loolankan faraha badan leh ee beelaha kala duwani kama jiro, reerka Guddoomiyaha UCID-na ma ogola in magaca xisbigu ka wareego.”

Md. Kayse Xasan, oo aanu weydiinay rajada xisbigoodu ka qabo doorashada madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa, wuxuu sheegay oo uu ku adkaystay inay rajo fiican ku qabaan inay doorashada ku guulaystaan.

Waraysigan waxaa qaaday Cumar Maxamed Faarax

Source/Ramaasnews/Hargeysa.

Ogaysiis: Shir Balaadhan Oo Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Iyo Urur Siyaasadeedka Qaran Ay Soo Diyaariyeen Sabtida Bishu tahay Jan 17 ka, Waxaa Lagu Soo Dhawaynayaa Gudoomiyaha Ururka Qaran Dr Maxamed Cabdi Gaboose

Dr Mohamed Abdi Gabose Oo U warami Doona Jaaliyada Somaliland Ee Ohio Columbus

Dr Mohamed Abdi Gaboose

Ogaysiis: Shirweyne loo qabanaayo Xubnaha KULMIYE Norway, Sabtida 17.Janaur.2009


Waxaan dhamaan tageerasha iyo Xubnaha KULMIYE Norway la ogaysiin in Shirweyn iyo dood ku saabsan diyaargaradow doorashada 2009.
la qaban doonta Maalinta Sabtida 17.Janaur.2009

Adress waa:Olafiagangen 5, (Posta Grønland dusheeda)
Tariikhda Shirweynaha: .Sabtida 17.Janaur.2009
Saacada: 16:00 ilaa 19:00. (Wakhtiga hala ilaaliyo, 3 saacadood ayaa la kireeyay Hoolka)

Agenduhu waa:

  1. Card-kii Xubnimada Kulmiya oo la qaybinaayo .
  2. Diyaarinta Wafdiga balaadhan ee ka qayb galaay Shirweynaha London ee 24.01.09
  3. U diyaargarowda qaybta Laanta Norway ugu qaybqaadanaaso “Doorashada 2009?
  4. IWM

Guddoomiyaha KULMIYE Norway
Sulub Hussein Warsame
.

——————————————————————————————————————————–

KULMIYE PARTY, Norway Branch

Chairman of KULMIYE Norway Branch : Sulub WARSAME.
Member of K. Norway Committee: Roble Dahir, Ali Jama, Maryan Ali, Husen Hasan and Hasan Ali.
Member of KULMIYE C. C., from Norway Branch: Professor Husen Hassan.
Adress-office of Kumiye Norway: Nordkappgata 19, 0479 Oslo, Telefon: + 47 41075670.
Acoun-ka Norway Branch: 15030507670, Dnb NOR BANK.
E-mail of KULMIYE Norway: kulmiyenorway@hotmail.com.

Ogaysiis: Shirweynaha Xisbiga Kulmiye Ee Laanta Magaalaweynta Toronto iyo Hareeraheeda Oo Ku Beegan Axada Bishu Tahay Jan 25keeda

The image “http://farm4.static.flickr.com/3530/3195748318_ed387b381d_o.jpg” cannot be displayed, because it contains errors.

Raadraaca Taariikhda Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Silanyo)

Qaybta 1′aad

Qaybta 2′aad

Qaybta 3′aad

Farsamadii Jama Huut iyo codkii Axmed Saleebaan Dhuxul

Shir Jaraa’id Oo Wafdigii Madaxda Xisbiga Kulmiye Ku Qabteen Hotelka Sarena

24082008233 by Sacadguray (Gabileynews).
PDF Print E-mail
Wednesday, 14 January 2009

NAIROBI ( Togdhnews) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo ) ayaa shalay ku shir jaraa’id ku

qabtay guriga nabada Kenya lagu yagleelay ahna hotelka weyn Sarena Hotel.

Waxa uu Axmed-siilaanyo shirkaa jaraa’id kaga hadlay lakulankii uu la qaatay wakiilka gaarka ah ee Qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia iyo Somaliland Mr Ahmedou Walad Abdalla .

Waxa uu Guddoomiyuhu sheegay waxyaabaha waxaanu ka xusay inay isala soo qaadeen Arrimaha diiwaangalinta iyo doorashooyinka Somaliland, waxaanu Axmed-Siilaanyo caddeeyey inay wakiilka isla garteen sidii wada shaqyn looga yeelan lahaa hawlahaasi doorasho ee kusoo fool leh Somaliland si ay u dhacdo doorasho Xor iyo Xalaal ah.

Shirka jaraa’id ee uu Guddoomiyaha Kulmiye Axmed-siilaanyo ku qabtay Kenya ayaa ahaa mid aad loogu soo dhaweeyey xamaasad faro badanina ka muuqatay. Waxaana ugu horreyn furay Shirka jaraa’id kusimaha Gudoomiyaha dhalinyarada Somaliland Maxamed Cabdilaahi, inkastoo Gudoomiyaha jaaliyada Somaliland ee Kenya Mr Ahmed Yusuf Ducale uu wakhtigan booqasho ku joogo dhulkii hooyo ee Somaliland gaar ahaan caasimadda Hargeysa.

Haddaba guddoomiye kuxigeenka dhalin yarada ayaa hadal kooban halkaasi ka jeediyey, waxaanu kaga warramay hawlaha ururka iyo waxyaabaha dhallinta looga baahanayahay iyo siday xisbiga Kulmiye gacmo furan ugu soo dhaweeyeen. Intaasi kaddib waxaa halkaasi ka hadlay oo sacab lagu soo dhaweeyey Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamuud Siilaanyo, markii uu hadalkiisa intiisa ugu muhiimsanayd oo aynu sare ku soo sheegnay halkaasi ka jeediyey ayaa waxaa lagu boobay su’aalo kuwaasoo ay ka mid ahaayeen su’aalaha la wadiiyey :

Su’aal: Guddoomiye Siilaanyo ma laga yaabaa in sannadkan aad ku guulaysataan doorashada ? su’aashan oo dadku aad u dhoola cadeeyeen ayaa waxa waydiiyey Wariye ka socday HORN CABLE TV.

Jawaab: (C/raxmaan C/qaadir oo ah guddoomiye ku-xigeenka 2aaad ) ayaa ka jawaabay su’aashani waxaanu yidhi, Haa, guul weyn ayaanu rajaynaynaa.

Su’aal: Madaxdii Kenyaanku markay olalaha doorashada wadeen waxay jiilkoodii waxbarasho u ballan qaadeen in bilaash looga dhigi doona waxbarashada, ee idinkuna haddaad tihiin KULMIYE maxaad jiilka waxbarasho u ballan qaadaysaan ?

Jawaab: Manapoliga ayaan cidhibtiraynaa iyo waliba musuqmaasuqa ragaadiyey.

Su’aal: Haddii shirkadihii shisheeye hanan kari waayeen inay dhisaan warshaddii sibidhka, oo ganacsatada dalkuna hawshaasi awood u leeyihiin maxay dawladdu fasax u siin wayday si hawshii qaranka aanu albaabkiisu uga xidhnaan, idinkuse haddaad tihiin KULMIYE maxaad dawladda waxa ka dhiman aad ugu sheegi waydeen uguna caqli celin waydeen taageero iyo gacan buuxdana ugu siin wayden ?

Jawaab: Su’aashan oo guddoomiyaha Kulmiye Axmed-Siilaanyo si toos ah uga jawaabay ayaa waxa uu yidhi “ Haddii dawaladda aan talo u soo jeedino maba dhagaysato, danta guudna isku si ayaan u waajahnaa, waanan ku taageernaa waxii fiican ee ay dawladdu qabato, imik oo aan dalkan nimidna waxii arrimo daakhiliya kamaanaan hadal.” Waxaa intaasi hadal kusii lifaaqay oo ku ladhay Guddoomiyaha kuxigeenka 2aad ee xisbiga KULKMIYE Mr C/raxmaan C/qaadir waxaanu yidhi “annaga xisbi ahaan waa lanagu diraa dalalka shisheeye, laakiin annagu ku diri mayno waa dawladdayadii, waayo waxaan wax u raadinaynaa waa shacabka Somaliland sidii ay horumr la hanan karo oo la taaban karo u gaadhaan.

Su’aal: Wariye ka tirsan STAR FM ayaa su’aal waydiiyey waxaanay su’aashu ahayd, Haddaad doorashada ku guulaysataan maxaad ka qabanaysaan Gobolka Ogaadeeniya?

Jawaab: Waxaan dawladda ka midaysannahay ilaalinta nabadgalyada iyo danta guud, laakiin waxii xad gudub xuquuqda Aadamaha ah ma ogolaan doono, waxaana nagu waajiba in aan xaq dhawrno shuruucda caalamiga ah, dalalka jaarka aanu nahayna dhib lama rabno.


Xigasho..GoljanoNews.

Daljire :Codka Noo Hura ( Cabdillahi Geeljire)

DALJIRE

Daljire :Codka Noo Hura

By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:Wallaahi waan garanayay in ninkaa C/rashiid Qambi hadalkaa laga raacayo. Anigu wuxuun baan sugayey goorta Ina Rayaale xukuumaddiisu ay odhanayso qaraxii buu ku jiray oo Alshabaab baa taleefan noo soo dirtay.

Doolaal:Waa maxay hadalkaad sheegaysaa? Maxaase markaydin duni qastaan ee laydin qabto u tidhaahdaan mucaaridnimo ayaa nalagu xidhay?

Dubbe:Anigu weliba kelmad buu ka illaabay baan leeyahay hadalkii ee inuu Boolisna ku daraa bay ahayd.

Doolaal:waa maxay waxan aad ka hadlaysaa? Muxuu yidhi?

Dubbe:wuxuu yidhi . waa siduu hadalka u dhigaye. “Ina Rayaale waa nin laga garasho badan yahay oo bakhti iyo been isla helay aan cidina ka hor joogsanayn.” Anigu waxaan ugu dari lahaa “bakhti,been iyo Boolis buu isla helay.”

Doolaal:Ma waxaasuu ku hadlay ood leedahay maxaa loo xidhay? Bal waataase waxaan cay ahayn ha laydinka maqlo. Allah nimanku afxumaa.

Dubbe:Waar iska daayoo runtaa cay u taqaanaane. Jagadii marxuumkii Ina Bullaale weli cid ma la qoray? Sawtan la yidhi anagoon Waladaaliintii faataxadaba dhamayn meeshiisii shan nin baa isku haysta.

Doolaal:maxaa kaa galay adiga ma xisbigayagaad tahay?

Dubbe:mayee wallaahi waxaan ka naxsanay raga u soo cumaamatay halkaan ogaa. Marxuumka ayaanu isagoo nool u ooyi jirnay. Waar nimanka waxaad tidhaahdaan meeshan wax xoghaye la yidhaa ma jiro ee ha ku qaran jabina. “waar ma tanbaa Jafaalna baqal u soo fuulay” buu yidhi ninkii jiray. Meesha markeeda hore dadka udub u taliyaa golayaashiisaba wax yar baa kaga jira sawta la yidhi. Miyaanay taa ogeyn tolow?

Doolaal:yaa kugu yidhi?

Dubbe:waar tani waa iska wada Abasguule. Meesha waxa ka taliya ayaa layidhi ragga jeebkoodu gunta dheer yahay ee aan golayaasha ku jirin iyo cawil. Aar aan nimanka hoos ugu warramee ii kaadi.

Doolaal:waar adigu badayada ka bax.

Dubbe:Ma waxaad leedahay “do not enter our sea.” Waayahay ee Cabdillahi Darawal ka warran iyo arrintiisa u ku dhawaaqay shalay.

Doolaal: “Bal soo bax baa la leeyahay oo ay sacabka leefaysaa.” Ma noqotay haddana.

Dubbe:waxaan maqlay durba waxaad tidhaahdeen lacagta xisbiga muu bixin jirin. Oo yaa haddaa bixiya. Ta dawladda ayuumbaa xaddaan oo xisbiga ku quudisaane. Bal rasiidhkii Ina Rayaale ku bixiyay ha na tuso. Mise Ina Bullaale ayaa la dhintay buu odhan Alla ha u naxariistee? Wallaahi wax walba ka yaab. Wallaahi Darawal hadduu waxaa yeello isagaan kaanu naqaanayba ahayn.

Doolaal:waar waxayaga ka baxoo maxaa Kenya ka doonteen?

Dubbe:maxaa idinku Djibouti ka doonteen? Beentii yarayd ee guddi wasiiro ah ayaanu samaynay iyo heshiis baanu wadnaa saw maaha? Waanu ognay inaydin meesha macawiso u doonataan. Lix sanadood baanu beentaa yar soo dhegeysanaynay. Sawkaa nin waliba halkuu wax ku ogaa tegey maaha. Anagu dadkayaga ayaanu la soo kulmaynaa dawladahana waxaanu leenay sii diyaargarooba guusha dabeed been dambe oo laydiin sheegayaa ma jirto eh.

Doolaal:Oo maxaa dadkan gudaha ula hadli weydeen intaad kuwa debedda la soo hadlaysaan kuwanaaba codaynayee?

Dubbe:Waanu la hadallay oo waxaanu nidhi:

madax caanoo

cilmi badanoo

wada caadilla

baanu cuganee

codka noo hura

Dadkan cudurkiyo

Jahliga cuskaday

Aan ka cuudshoo

Ka casharinee

Codka noo hura

Cajam iyo carab

Dalka caddaw iyo

Col ku soo maqan

Aan ka celinee

Codka noo hura

Aan dhallinta cidlada

Caydh la tubanee

Cimrigood tegey

Camal siinee

Codka noo hura

Musuqa carrada

Cidhib tiray iyo

Boolli qaran cune

Hayska cararee

Codka noo hura

Kaan u ciil qabay

Citiraafkaan

Caska waagiyo

Ciyoon keeniye

Codka noo hura

Qof carruuriyo

Mid cirroole ah

Aynu ciidnoo

Ciyaar tumanee

Codka noo hura.

Waa innoo toddobaadka dambe. Haddii Eebbe idmo.

A.Geeljire