Archive for January, 2009

Xoghayihii Guud Xisbiga UDUB Maxamed Ismaaciil Bullaale ILLAAHAY Ha U Naxariistee Oo Ku Geeriyoodey Iyo Gudoomiuaha Xisbiga Tacsi U Diraya

http://harowo.com/uploads/Image/4-1/Bulaale.jpg

Jabuuti (Somaliland.org) – Xoghayihii Guud ee xisbiga talada haya ee UDUB, Maxamed Ismaaciil Bullaale ayaa maanta ku geeriyooday dalka Jabuuti.

Marxuumka oo baryahanba xanuunsanayay ayaa dhawaan loo qaaday dalka Jabuuti, waxaana la filayaa in Marxuumka maalinta beri ah Maydkiisa la keeno magaalada Caasimadda Hargaysa.

Guddoomiyaha Xisbiga Siyaasiga ah ee KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku hadlaya magaciisa, ka hogaanka xisbiga iyo ka taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu Tacsi u dirayaa dhamaan eheladii, qaraabadii iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay xoghayihii guud ee xisbiga UDUB Marxuum Maxamed Ismaaciil Bullaale.

Marxuum Maxamed Ismaaciil Bullaale, Alle ha u naxariistee Xilka Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB waxa uu hayay lixdii sanno ee ugu dambeeyay. Waxana uu geeryoodey isaga oo 64 jir ah.

Source/ Somaliland.org

Xoghayihii Guud Ee Xisbiga UDUB Maxamed Ismaciil Bullaale Oo Maanta Dalka Jabuuti Ku Geeriyooday

Xoghayihii Guud ee Xisbiga UDUB Marxuum Maxamed Ismaaciil Bullaale Oo Ku Geeriyooday Dalka Jbuuti Iyo Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi U Direy

(Xoghayihii Guud ee Xisbiga UDUB marxuum Maxamed Ismaaciil Bullaale )

hadhwanaag 2009-01-08 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Xoghayihii Guud ee Xisbiga UDUB marxuum Maxamed Ismaaciil Bullaale ayaa ku geeriyooday magaalda Djibuuti ee Dlaka Djibuuti, ka dib markii xanuun ku soo booday shalay oo loo qaaday Wadankaasi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa Dhanbaal Tacsi ah U Direy Marxuumkaas, waxaanay u dhignayd sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu manta dhambaal tacsi ah u dirayaa Qosykii, Qaraabadii, Xisbiga UDUB iyo taageerayaashiisii iyo ummada reer Somaliland geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Alla ha unaxariistee Xoghayihii Guud ee Xisbiga UDUB Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti.

Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale waxa uu ka mid ahaa Aasaasayaashii Xisbiga UDUB, isaga oo xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadihii kala danbeeyay, waxana uu qayb laxaad leh ka soo qaatay Nabadayntii Beelaha Somaliland iyo dib u dhiskii Qaranka JSL Alla ha u Naxariistee Marxuumku waxa uu hadh iyo habeenba u taagnaa horumarinta Qaranka iyo adkaynta Nabad gelyada.

Alle ha u Naxariistee Marxuumka waxa shalay loo qaaday Dalka Jabuuti, si loogu soo daweeyo xanuun kadis ah oo ku dhacay, waxana uu maanta ku geeriyooday Cisbitaal ku yaala Dalka Jabuuti. Madaxweynuhu waxa uu ilaahay uga baryay inuu janadii fardawsa ka waraabiyo, qoyskii, Qaraabadii, Xisbiga UDUB iyo taageerayaashiisii iyo shacbiga reer Somalilandna samir iyo iimaan ka siiyo.

Xigasho / Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland

Fu’aad Aadan Cadde oo sheegay in xukuumaddu maamuleysey diiwaangelinta goobaha la kordhiyey ee Gobolka Sool

http://www.jidbaale.com/radiossc/iur/pics/fu.jpg

Xudun (Somaliland.org) – Fu’aad Aadan Cadde oo haatan ku sugan degmada Xudun ee gobolka Sool, ayaa sheegay in maanta 12-kii duhurnimo albaabada loo soo laabay goobihii diwaangelinta, isla markaana laga soo qaaday hawl-wadeenadii Diwaangelinta, iyada oo ay wada tuman yihiin dadkii doonayay in ay si diwaan geliyaan.

Mudane Fu’aad ayaa tallaabadan kooxaha diwaan gelinta lagu soo qaaday ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda Madaxwayne Riyaale, oo uu sheegay inay si toos ah u maamulayeen diwaangelinta gobolka Sool. Waxana uu ku tilmaamay inay ka mid tahay tallaabooyin xukuumaddu ku carqaladaynayso diiwaangelinta deegaamada gobolka qaarkood,  taasi oo uu sabab uga dhigay baqdin iyo shaki ay xukuumaddu ka qabto in dadka deegaankaasi ay taageersan yihiiin Xisbiga KULMIYE.

Waxa kale oo uu Mudane Fu’aad Aadan Cadde intaa ku daray in 24 goobood oo degmada Xudun hoos yimaada oo ka mid ahaa goobihii loo cayimay in diwaangelintu ka dhacdo aan gebi ahaanba laga qaban, dambigeedan ay leeyihiin Komishanka Doorashooyinka iyo Xukuumaddu.

Cabasho tan la mid ah ayaa hore uga soo yeedhay deegaanka degmada Caynaba ee xarunta Gobolka Saraar, oo olole iyo is-hortaagba ay xukuumaddu uga gashay sidii aanay dadkaasi isaga diwaan gelin degmada Caynabo iyo deegaanada hoos yimaada.

Diiwaangelinta gobolka Sool ayaa caawa la soo gebagebeeyey, balse, ilaa iyo hadda lama sheegin tirada hordhaca ah ee dadka iska diiwaangeliyey gobolkaas lixdii maalmood ee diiwaangelintu ka socotey.

Xigasho/ Somaliland.org, Hargeysa.

Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye Eng Cabdiraxman Cabillahi Ismaciil ( Saylici ) Oo La Kulmay Qunsulka Britain U Fadhiya Addis-Ababa Mr John Marshal ( Source -Lughaynews)

Posted in January 6th, 2009
by lug in News

engsaylici.jpgBorama-(Lug)-Musharaxa Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Eng.C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) oo uu weheliyo Xoghaya Arrimaha dibada ee Xisbiga Kulmiye Dr.Maxamed C/laahi Cumar ayaa maanta magaalada Addis Ababa Kulan kula yeeshay Qunsulka Maxmiyadda Britain u fadhiya Adiss Ababa John Marshal, Kulankan ayaa waxa uu ka dhacay Gudaha Qunsulidda Ingiriiska ee Magaalada Addis ababa.

Eng.C/raxmaan Saylici oo khadka Telephone ugu waramay shabakada Lughayanews ayaa sheegay in kulankii ay la yeesheein Qunsul John Marshal uu ahaa mid midho dhal ah isagoo ka waramay waxyaabihii ay ka wada hadleen ayaa waxa uu yidhi waxa aanu ugu horeyn kala hadalnay sidii ay dowladda Ingiriisku u dar dar galin lahayd dadaalada ay ugu jirto Aqoonsi Caalami ah oo uu dalku helo.

Sidoo kale waxa aanu ka wada hadalnay Dimuqraadiyadda ka hano qaaday Somaliland iyo howlihii u dambeeyey ee ka qabsoomay dalka, ee ay ugu muhiimsanayd Diiwaangalintu taasi oo uu ka muujiyay dareen aad u sareeya.

Waxaa kale oo Eng.Saylici sheegay inay ka wada hadleen Qunsulka, Amniga Qaranka oo uu xusay inuu yahay mid u baahan adkayn iyo howlaha Budhcad badeeda iyo dadaalada ay Beesha Caalamku ugu jiraan sidii budhcad badeeda loo Xakamayn lahaa.

Waftigan heerka Qaran ah ee uu hogaaminayo Eng.C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) oo imika ku sugan Magaalada Addis ababa ayaa waxa ay usii dhaafi doonaan Maalinta Isniinta ah ee Fooda inagu soo haysa magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkaasi oo uu kaga qayb gali doono shir aad u balaadhan oo ay yeelan doonaan Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Qurba Jooga ah kuwaasi oo iskaga iman Doono Waqooyiga America, Bariga iyo Badhtamaha Europe, Khaliijka, Asia iyo Australia.

Shirwaynahan ayaa waxa uu dhici doonaa 24 January, 2009, waxana uu noqon doonaa mid si wayn looga arrinsado u diyaargarowga doorashooyinka fooda inagu soo haya iyo guud ahaan Xaalada dalka iyo Mustaqbalka Aqoonsiga qaranimda Somaliland.

Waftigan ee uu hogaaminayo Eng.Saylici ayaa waxa uu noqon doonaa Ergayga ugu sareeya ee ka socda Xisbiga Kulmiye ee Shirwaynahaasi ka qayb gala, waxa kale oo uu waftigu booqashooyin ku kala bixin doonaa qaybo ka mid ah Qaarada Europe halkaasi oo ay kula kulmi doonaan Jaaliyaddaha Somaliland ee Qurba jooga iyo Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye

Xisbiga KULMIYE Oo Ka Jawaabay Eedayn Xukuumaddu U-jeedisay Una Xambaariyay Maamulka Madaxweyne Rayaale.

hadhwanaag 2009-01-06 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Xubno isugu jira Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda dhalasho ahaan Deegaanka Buuhoodle, isla markaana ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaymo ay Wasiiro Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ka tirsani, kuwaasoo ku eedeeyay in Kulmiye ka dambeeyay rabshadihii todobaadkan ka dhacay Magaalooyinka Buhoodle iyo Widh-widh.

Wasiir ku xigeenka hawlaha guud iyo Guryaynta Somaliland oo dhalasho ahaan Buuhoodle ka soo jeeda, ayaa shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaaladda Hargaysa waxa uu ku eedeeyay shaqaaqadii ka dhacday Degmada Buuhoodle ee lagaga soo hor jeeday diwaangelinta in ay masuul ka ahaayeen xubno ka tirsan Xisbiga KULMIYE oo ka soo jeeda Deegaanka Buuhoodle.

Xubnaha uu Wasiir ku xigeenku eedeeyay oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi, Xildhibaan Xamse Maxamed Gaadawayne iyo Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Hawlaha guud Cabdirashiid Ducaale Qambi, ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Hargaysa waxa ay ku sheegeen in aanay waxba ka jirin eedaymaha xukuumaddu u soo jeedisay, wasiir ku xigeenkana ay hadalkaasi u gaysay waayo aragnimo la’aan iyo aqoon la’aan siyaasadeed.

Masuuliyiintani waxa ay sheegeen in xukuumaddu masuul ka tahay wax kasta oo ka dhacay deegaankaasi, maadaama oo ay xukuumaddu aanay samayn wax diyaargaraw ah iyo wax qorshe ah midna ku tagin deegaankaasi, isla markaana ay hawl-wadeenadii diwaangelinta u dirtay dhul aanay iyadu gacanta ku haynin amaankiisa.

Masuuliyiintani waxa ay intaa ku dareen in xukuumadda looga baahnaa in ay qirato khaladaadkii ay gashay ee aanay ahayn in ay cid kale ku eedayso. Dhinaca kale, wararka naga soo gaadhaya degmada Buuhoodle ayaa sheegay in ay maanta degmadaasi soo gaadheen siddeed baabuur oo tikniko ah oo ay wateen maleeshiyaad reer Buuhoodle ah, oo taabacsan maamul-goboleedka Puntland, kana yimi dhinaca magaalada Garoowe. Warku waxa uu intaa ku daray in dadka deegaankaasi diiday in ay kooxdaasi soo galaan gudaha magaalada Buuhoodle.

Xigasho/ Hadhwanaagnews

Eng Cabdiraman Saylici Iyo Dr Maxamed Cumar Oo U Soo Amabaxay Dalka Ingriiska

http://www.saylac.com/index.1.jpg

Hargeyasa, Somaliland- Musharaxa madaxweyne ku xigenka xisbiga Kulmiye Eng Cabdiraxman Cabdillahi Saylici iyo xoghayaha arimaha dibada ee xisbiga Dr Maxamed Cabdillahi Cai ayaa shalay ka soo u soo amabaxay dalka Ingriiska iyaga oo ku sii hakanaayay magaalada Addisababa ee caasimada dalka Ethiopia.Dr. M. A. Omar by M.A.Tahir

Madaxda xisbiga ayaa inta joogaan magaalada Addisababa waxay waxay kulamo la yeelan doonaan madax ka tirsan dalka Ethiopia iyo safaaradda dalka Ingriiska oo ay ka wada hadlayaan doorashooyinka soo socda ee iyo arimo la xidhiidha geedi socodka dimuqraadiyadeed ee jamhuuriyada Somaliland.

Musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga Eng Saylici iyo xoghayaha arimaha dibada ee xisbiga Dr Maxamed Cabdillahi Cumar ayaa waxay la kulmi doona dhamaan taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee dalka Ingriiska arimo la xidhiidha u diyaar garowga doorashada Madaxweyne iyo ku xigeenka ee bisha march 29keeda dalka ka qabsoomi doonta.

Kulmiye.org

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Siilaanyo Oo Tacsiyad U Diraya

” INNA LILLAAH WAA INNA ILAYHI RAAJUCUUN”

Aniga oo ku hadlaya magacayga, magaca golaha dhexe ee xisbiga, dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga ee dibada iyo gudaha dalkaba jooga waxaan halkan tacsi uga soo gudbinaya walaalkeen Ibrahin Xuseen oo ah gudoomiyaha Kulmiye UK,oo xalay walaalkii Sh Axmed Xuseen ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Waxaan marxuumka ILLAAHAY uga baryayaa inuu janadii Fardowsa ka waraaabiyo, idinkana samir iyo iimaan idinka wada siiyo. Aamiin

Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye

Hargeysa

____________________________________________________________

” INNAA LILLAAH WAA INNAA ILAYHI RAAJUCUUN “
Waxaa iyaguna tacsi tacsidaas la mid ah diraya dhamaan laamaha xisbiga ee kala duwan oo kala ah UK, Norway, Sweden ,Denmarka, Finland, Abudhabi, Canada iyo laamaha Maraykan. Waxaa kale oo iyaguna si gaar ah tacsidan mid la mid ah soo gudbinaya gudoomiyaha, gudida iyo dhamaan xubnaha qurbajooga Kulmiye ee ku dhan madasha loo yaqaan Kulmiye Egroupka oo walaalkood Ibraahim ka tacsiyadaynaya geerida ku timid walaalkii Sh Axmed Xuseen ILLAAHAYNA uga baryaya inuu marxuumka janadii Fardowsa ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadiina samir iyo imaan ka wada siiyo. Aamiin.

Ogaysiis: Laanta Xisbiga Kulmiye Iyo Urur Siyaasadeedka Qaran Ee Viginia Ka Soo Qayb Gal Xaflad Balaadhan Oo Uu Ka Soo Qayb Galayo Gudoomiyaha Ururka Qaran Dr Maxamed Cabdi Gaboose

Kulmiye_Virginia by osomaliland.

Gudoomiyaha Xisbiga Md Siilaanyo Oo Si Weyn Looga Soo Dhaweeyay Gobolka Saaxil

http://farm3.static.flickr.com/2204/2373841922_f430a9c0b5.jpg

“Runta markaan sheego KULMIYE gobollada

oo dhan si laxaad leh baa loogu soo dhaweeyay”

Axmed-Siilaanyo

Berbera (Ogaal)- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay hadal u jeediyay dad tiro badan oo ka tirsan taageerayaasha xisbigiisa ee gobolka Saaxil, kuwasoo isugu soo baxay xafiis-gobolleedka KULMIYE ee Berbera.

Taageerayaasha KULMIYE ee Saaxil, waxay shalay Guddoomiyaha ku soo dhaweeyeen magaalada Berbera ka dib markii uu ka soo laabtay socdaal wefti uu hoaaminayay kaga soo laabteen ka-qaybgalka hirgelinta hawlaha diiwaangelinta gobolka Sool. “Waxaad nasiib u yeelateen inaad noqotaan gobolkii u horeeyay ee Diiwaangelinta gala. Runtii tiradeenu ha yaraato, laakiin waxaan u malaynayaa haddii lays baadhbaadho, tirooyinkana Server-ka (Kambuyuutarka kala shaandhaynta dadka ku noqnoqda isdiiwaangelinta), cidi inagama dad badna.” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ahaa weftiga Guddoomiyaha ee ka soo laabtay gobolka Sool. “Waad ogtihiinoo, Diiwaangelintu maaha doorashadii, ololihii doorashaduna wuu inoo hadhay. Laakiin, tani bilaw bay u tahay hawsha doorashooyinka oo qofka aan hadda isdiiwaangelini doorashada ma codayn karo. Idinku hore ayaad hawshiinii u fuliseen (diiwaangelinta u gasheen), gobollada aanu so marnay oo dhanna si wacan bay uga socotay. Markaan runta idiin sheego, si aad u wanaagsan oo laxaad leh ayaa xisbiga KULMIYE gobollada aanu soo marnay oo dhan loogu soo dhaweeyey.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Axmed-Siilaanyo oo hadal kooban u jeediyay dadweynihii isugu soo baxay xafiiska xisbigooda ee Berbera. Guddoomiyuhu waxa uu taageerayaasha xisbiga ee Berbera uga mahadceliyay soo dhawaynta ay u muujiyeen. Wuxuuna intaa ku daray, in gobolka Saaxil ay ka bilaabi doonaan ololaha doorashada Madaxtinimada oo la filayo inay dalka ka dhacdo 29 March, muddo kooban ka dib marka xisbiyad loo fasaxo ololaha tartanka Madaxtinimada.

Weftiga KULMIYE oo shalay munaasibad qado ahayd ay isku qaabileen qaar badan oo taageerayaashiisa ka mid ah, wuxuu fiidnimadii xalay ku soo laabtay magaalada Hargeysa.

Xigasho / Ogaal

Waa Maxay Shaqadda Police-ku?

Waa maxay shaqadda police-ku?

http://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/6/69/Police_officer_in_riot_gear.jpg

Dunidan aynu ku noolahay laba system ayuu policeku u shaqeeya. Waa police dowlad diktator ah u shaqeeya oo guud ahaan dowladda dalkaa ka jirta danaheeda gaarka ah ee madaxda dowladdu leedahay fuliya oo amarkooda uun qaata iyo police ilaaliya sharciga ka jira dal diimuqradiya.

Markaa aynu ku horaynu dowladda diimuqraadiga ah. Policeka uu dalkaasi leeyahay sharciga dalka u yaala ayaa la baraa. Dugsiyo sharciga lagu dhigo oo dalkaasi leeyahay ayey askartu kasoo qalin jebiyaan. Qof aan sharciga aqoon police lagama dhigo. Policeku markuu ku qabanayo sharcigii aad jebisay ee dalka u yiilay ayuu kuu akhriyayaa. Haduu ku joojiyo wuxuu kugu odhanayaa “Sababtaan kuu joojiyey magaranaysaa.” Hadaad tidhaahdid maya iyo hadii kaleba sharciga’aad jebisay ayuu kuu sheegayaa. Reboodh ayuu kaa qorayaa faahfaahsan oo uu ku qoran yahay sharcigii aad jebisay ee markii uu ku qabtay aad faraha kula jirtay, saacadii, meeshii iyo hadii uu wax kale oo cadayma ah hayo cadaymihii. Hadii aanu askarigaasi wax macquul ah keenin maxkamadda ayuu waji gabax kala kulmayaa oo canaan u jeedinaysa. Markaa askarigu isaga oo huba qofkan uu soo xidhay inuu denbigii uu galay ku cadyahay ayuu maxkamadda geeyaa. Arin aniga , tuug iyo askari nadhexmartay aan idiinka sheekeeyo. Tuug ay arini nadhexmartay oo baxsaday ayaan arkay maalin kale isaga oo dukaankaygii hortiisa maraya . Askar ayaan wacday waxaan ku idhi “Ninkan meeshayada horteeda aan hada ku arkay, kamarad ayaa qabatay oo aan ka daawaday wuxuu u eegyahay nin kamid ah ragii tuugta ahaa. Qoortu waa qoortiisii, timuhu waa timihiisii, dhererkuna waa dherarkiisii” Askarigii wuxuu igu yidhi “ Ninkan hadda wax denbi ah oo uu faraha kulajiro mahayno. Maxkamaduna wax cadaan ah ayey iga rabtaa oo indhaha ayey igaga dhufanaysaa dacwada aan ku soo oogo oo wuxuu u eegyahay ninkii tuuga ahaa ma iga aqbalayso, laakiin magaciisa iyo cinwaankiisa ayaanu haynaynaa.”

The image “http://www.edupics.com/phpThumb/cache/7/73/73a/73a2/phpThumb_cache_edupics.com_src73a2479d6be970c567f1c28bbe204193_par09ff33df758b5f7c5623216939181bf7_dat1188199978.jpeg” cannot be displayed, because it contains errors.

Arintan soo socota sifiican aynu u fahano: “ POLICEKA DAL DIIMUQRAADIYA KA HOWLGALAA NINA AMAR KAMAQAATO CIDINA MASOODIRTO OO QOFKAA SOOQABO MATIRAAHDO SHARCIGUU AMAR KAQAATAA, SHARCIGUU ILAALIYAA, CIDKASTA OO SHARCIGA JEBISA OO DENBI GASHA MAXKAMADDA AYUU GEEYAA, HADII UU MADAXWAYNAHA OO DENBI KUJIRA ARKO, MASALAN ISAGOO TARAFIK LAYDHJARAY, TIGIDH AYUU U GOYNAYAA, HADAAD DACWAD KAQABTO MAXKAMADDA TAG AYUU LEEYAHAY” Waxa laga yaabaa inuu madaxwaynahaasi baryo askariga oo yiraahdo “ Min fadlan waan isku yara buuqsanaa oo ogaan umaan jebin sharciga masdaxdayduba may joogin ee ii naxariiso, nin madaxwayne/wasiir ah ayaan ahay hadii lamaqlo sharcigii ayaan jebiyey fadeexad iyo ceebwayn ayaan naftayda, dalka iyo xisbigaygaba u soo jiidayaa….” Markaa wasiir/madax waynahaasi wuxuu teerigaraynayaa inaanay cidi maqal. Waayo , xataa xisbigiisa ayaan arintan kuraacayn oo kasoo horjeesanaya ilayn waa xisbi mustaqbal raba e. Dadka laga baqanayaa waa shacbiga ilayn waala soo doortaaye. Meesha ay diimuqradiyadi kajirto nin walba sharcigu wuu qabtaa waana lagawada baqaa sharciga in lajebiyo waayo nin walba in sharciga la ilaaliyo ayey dantiisu ku jirtaa. Hadii kale dulmi ayaa ka dhalanaya qof walba taabta oo aanay cidina kabadbaadayn, ka bacdi burbur, kabacdi…………..

Markaa waaxda policeka iyo waaxda madaxwaynaha iyo wasiiradiisu shaqo isku malaha. Waa laba waaxood oo laba shaqo oo kala gooni ah qabta. Haday labadan waaxood is dhexgalaan diimuqraadiyadi majirto. Hada mowduucayga ayaan labadan waaxood ku soo qaatay uune ee waa inay executive-ka, policeka, cadaaladda iyo shaci dejintu kala madax banaanaadaan waa hadii diimuqraadiyad larabo.

The image “http://www.conceptualist.com/wp-content/uploads/2007/12/police_brutality01.gif” cannot be displayed, because it contains errors.

Shaqada policeka dowlad keli talis ahi waxaweeye: Askarigu sharci mayaqaan waa madax yaqaan. Hadaad ku tiraahdid waar sharcigee ayaan jebiyey wuxuu kuleeyahay “ ANIGA AMARBAA XAGA SARE IGAGA YIMI” isagu dembi maleh mushaharkiisa ayuu ilaashanayaa hadii kale waala eryayaa. Lamabarin sida sharciga loo ilaaliyo, laguma odhan sharcigu cidwalba wuuqabanayaa. Waala marin habaabiyey , waana laga faaiidaystay. Askarigu wuxuu sharaf, qiimo iyo tayo leeyahay markuu sharciga ilaalinayo ee aanu nin u shaqayn ee dalkiisa u shaqaynaayo. Askariga dowlad dikteer ah u shaqeeyaa waa qof baqanaya sida shacbigu ubaqanayo madaxdiisa ayuu kabaqanayaa. Waayo sharci kaqabanayaa majiro oo amarkooda ayaa sharci ah. Askariga laguma odhan dowladkasta oo dhalata adigu waad joogtaa, dantaaduna waxay ku jrtaa markaad u shaqaynayso dowlad diimuqraadiya.

Xisbiyadda mucaaradku ha u ololeeyeen qeybahaas aan kor ku soo sheegnay inay kalasaarayaan oo aanay isku dhexmilmayn oo askartana sharciga labarayo oo aanay nin amarkiisa ku shaqayndoonin ee ay sharcigu waxa uu yiraahdo ku shaqaynayaan. Dalkeena Somaliland nin wasiir ah ayaa dad jeel iska dhiganaya markaasaynu odhanaynaa diimuqraadi ayeynu nahay. Dowladda dalkeena ka jirtaa inay dictator tahay shacbiga badankiisu maba oga. Maxaa la inoo ictiraafi waayey ayeynu nidhaahnaa. Dunidda dowlad dictator ah lama ictiraafo ee waa laridaa. Albaabo ayaan garaacay ayuu Riyaale ku leeyahay. Bal waxaan isugu sheekaynayno daya. Nin dictator ah cidi albaabo kafurimayso isaguna wuu ogyahay ee waa kas iyo ulakac. Shacbigay utaalaa haday sidan diimuqraadiyad u haystaan.

Abdillahi M. Saleban

Aabdi18@hotmail.com

Toronto, Canada