Archive for March, 2009

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE oo Cambaareeyey Go’aankii Guurtida, kuna baaqay la tashi wadajir ah

Somaliland.org (London, 31 March, 2009) Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa cambaareeyay go’aankii golaha Guurtida ee wakhtiga xukuumadda Daahir Rayaale ku kordhiyay muddo lix bilood ah marka u xilligeedu dhamaado 6 bisha April. Read more »

Warsaxaafadeed Ay Soo Saareen Ururka Somaliland Canadian Congress

Press Release): Somaliland Canadian Congress

Somaliland Canadian Congress

Warsaxaafadeed

March 31, 2009

Ururka Somaliland canadian Congress wuxuu si wayn u cambaaraynaynaa ugana soo horjeeda go’aankii guurtida ee loo adeegsaday in loogu cusboonayso Dahir Riyaale Kaahin mudo lix bilood ah. Go’aankaas oo si qaldan loo cuskaday qodobka 83 aad faqradiisa 5aad ee distoorka qaranka oo hoos ku qoran qof kastaana akhriskiisa uu fahmi karayo in aan dalka wax nabad galayo daro ahii aanay ka jirin. Waxa uu qodobku u dhigan yahay sida tan hoos ku qoran : Read more »

MAWQIFKA XISBIGA KULMIYE EE MUDDA KORDHINTA MADAWEYNAHA.

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARINTA SOMALILAND

KULMIYE

Date: 31/03/2009

MAWQIFKA XISBIGA KULMIYE EE

MUDDA KORDHINTA MADAWEYNAHA.

  1. Go’aankii Golaha Guurtida ee muddo-kordhinta MADAXWEYNAHA waxba kama beddelin mowqifkii hore Xisbiga KULMIYE ee ahaa inaan Xisbiga KULMIYE sinaba u aqbali Karin muddo-kordhin aan sharciga iyo distoorka dalka waafaqsanayn. Read more »

Guurtiyeey Danta Beeshu Waxay Ku Jirtaa Danta Qaranka

Guurtiyeey Danta Beeshu Waxay Ku Jirtaa Danta Qaranka

Waxa la yaab ah in Guurtidu u foodo waxaan meesha oolin, oo weliba ka dheer isu-soo-dhoweyn iyo soo uruurin, bal se ah kala eri, oo kala didi iyo burburin rajadii dhismaha dawlad dimuquraadi ah oo sharcigu hoggaamiyo. Waxa loo-qaadan-waa ah habka Shirguddoonku u maareeyey mooshinkan lagu aasay dimuquraadiyadii dalka. Ahmiyadda mashruucani dalka ku leeyahay, shirguddoonku wuu gees maray. Waxay ahyd nidaam ahaan in la mariyo dhabbada sulux-doonka iyo nidaamka Golaha oo ay ahayd: Read more »

Wariye Axmed Saleeban Dhuxul Oo Xadhigii Xaqdarada Ahaa Laga Sii Daayay

March 30, 2009

Ahmed Sulieman Dohol

HARGEYSA.  Wariye Axmed Saleebaan Dhuxul oo si xaqdarada ugu xidhanaa xabsiga CID a ee magaalada Hargeyasa oo jidh dil aad u xunna loo gaystay ayaa laga soo daayay xabsigaas. Read more »

Wariye Axmed Saleebaan Dhuxul Oo Sabab Aan La Cadayn Ugu Xidhan Saldhiga Dhexe ee Hargaysa

March 29th, 2009

Ahmed Sulieman Dohol
argaysa (Somaliland.org)- Wariye Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa caawa habeenkii labaad u hoyday saldhiga dhexe ee magaalada Hargaysa oo uu ku xidhan yahay, kadib markii ciidanka Boolisku ka qabteen shalay isaga oo ku guda jira hawshiisa Saxafinimo xarunta Baarlamaanka, halkaas oo ay golaha guurtida ka Read more »

Democracy in Somaliland hijacked by ruling party

De-facto Somaliland set to become de-facto single party state

Democracy in Somaliland hijacked by ruling party

http://www.pr-inside.com/democracy-in-somaliland-hijacked-by-r1143240.htm

Women queue at a polling station in Hargeisa, the capital of Somaliland.
Women queue at a polling station in Hargeisa, the capital of Somaliland.

2009-03-26 16:21:01 – Officials from the House of Elders and the House of Representatives of Somaliland are in discussion to extend the term of president Rayaale for the third time running within 13 months. Read more »

CODKAAGA KU CIIL BAX Q(13)….KOMISHANKU GOORMUU NOQDAY AMIIR

CODKAAGA KU CIIL BAX Q(13)….KOMISHANKU GOORMUU NOQDAY AMIIR

By Ahmed Arwo

Waxa ayaamahan ina taabatay dhib soo jiitamaysay, la arkayey oo ku biyo shubatay xumaan ina damaqday oo si gaar ah inoo tabatay. Murugo iyo naxdin qaranka oo dhan taabatay. Horaan uga afeef dhigtay oon u arkaayey in meesha balaayo ka socoto. Guji oo akhri: ARRIN LEYSLA OGGOLYAHAY HADDANA LEYSKU DIIDAN YAHAY!

Read more »

WARSAXAAFADEED:YAAN LAGA DAMQAN WAQTIGII WUU KAA DHAMMAADA

War saxaafadeedkii uu xisbiga UDUB soo saaray, wuxu na xusuusiyey dhammaadkii 1990 markii dalkii Soomaliya la odhan jirey badankiisu Read more »

Xisbiga Kulmiye Oo Jawaab Ka Soo Saaray UJEEDDO MAWQIFKA XISBIGA KULMIYE EE XILLIGA DOORASHADA IYO DHAMMAADKA XILKA MADAXWEYNAHA IYO KU-XIGEENKIISA

XISBIGA MIDNIMADA  IYO HORUMARINTA  SOMALILAND / KULMIYE

REF: XK/GF/0048/09

Date: 22/03/2009

KU: GOLAHA GUURTIDA JSL

KU: GOLAHA WAKIILLADA JSL

KU: KOMISHANKA DOORASHOOYINKA QARANKA  JSL

UJEEDDO: MAWQIFKA XISBIGA KULMIYE EE XILLIGA DOORASHADA IYO DHAMMAADKA XILKA MADAXWEYNAHA IYO KU-XIGEENKIISA

Jamhuuriyadda Somaliland waa Dawlad Dimuqraadi ah oo ku dhisan Distoor  loo qaaday Afti Dadweyne.  Distoorkaasi wuxuu ku saleysan yahay mabda’a aasaasiga ah ee uu saldhig u yahay  ku dhaqanka sharcig  (Rule of law). Read more »