Archive for March, 2009

Serverkii Diiwaangalinta Qaranka Oo Aqalka Madaxtooyada Lagu Fadhataysanayo

Waxaa maanta si cad u diiday natiijada hor dhaca ah ee ay komishinku soo saareen labada xisbi ee mucaaradka ah, iyagoo ku sababeeyey in dhaqaajinta serverka oo loo balansanaa maanta oo sabti ah (March 8th, 2009) hore loo bilaabay, lana soo ogaysiin. Read more »

Fadeexad Iyo Musuq-Maasuq Ka Soo Baxay Xogta Natiijadii Diiwaangelinta Iyo Ka Gil-Gilashada KomishankaIyo Interpeace Oo Daaha Ka Fayday Tuhuno Hore Loo Qabay

Muwaadinka Ay Xogtiisii Luntay Sidii Looga Kaban Karaa Iyo Baadhisteedii Way Socotaa… Idinkuna (Axsaabta) Hanagu Dul-Botorini-Na Ee Meelahaa Kale La Tagga” Jaamac Sweden

Hargeysa March 8, 2009 (Haatuf)- Komishanka Doorashooyinka ayaa Shalay kulan ugu qabtay xaruntooda saddexda xibi qaran iyo hay’adda interpeace, si ay asxaabta ugu qanciyaan bilawga hawsha Serverka kala shaandhaynta dadkii iska diiwaangeliyey  gobolada Read more »

Warqad Furan Oo Ku Socota Xisbiga KULMIYE Iyo Hogaankiisa Sare

Ku: Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ahna musharaxaha madaxweyne

Ku: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga
Og: Gudoomiye Ku xigeenada Xisbiga
Og; gudida fulinta xisbiga
Og: golaha dhexe ee xisbiga
Arar kooban,

Mahad oo dhammi waxa ay u sugnaatay Allaha weyn ee ina uumay SWT, naxariista iyo nabad gelyada Eebena korkiisa ka ahaato nabigeenii mudnaa Muxamed Ibnu Cabilaah SCW. Read more »

‘Golayaasha Sharciga Ah Ayaanu Ka Sugaynaa Cidda 6 April Wixii Ka Dambeeya Ummada Doorasho Gaadhsiinaysa’ KULMIYE

Hargaysa (Somaliland.org)- Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga KULMUYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax ayaa shir jaraa’id oo uu maanta qabtay ku sheegay wakhtigii xisbiga KULMIYE uu iska taagay wixii ka dambeeya 6-da bisha April oo sharciyadda Madaxwayne Riyaale ku eegtahay in go’aankaasi ay taagan yihiin oo ay ka sugayaan golayaasha Baarlamaanka ciddii 6-da bidha April wixii ka dambeeya ummadda doorasho gaadhsiin lahayd. Read more »

Xisbiga KULMIYE Iyo Komishanka Doorashooyinka Oo Shir Albaabada Isu Xidhay

Hargaysa (Somaliland.org)- Xisbiga KULMIYE iyo Komishanka doorashooyinka qaranka ayaa maanta kulan alaabadu u xidhan yihiin ku yeeshay huteelka maansoor ee magaalda Hargeisa, kulankaas oo ay kagaga hadlayeen sida xisbiga KULMIYE u aqbali lahaa mudada komishanka Read more »

Xisbiga Kulmiye Oo Maanta Soo Saaray Mawqifka Ay Ka Taagan Yihiin Xaladan Siyaasadeed Ee Doorashadii Ku Qabsoomi Waydaya

Date: 01.03.2009

MAWQIFKA XISBIGA KULMIYE EE XILLIGA DOORASHADA IYO MUDDO KORDHINTA XUKUUMADDA

Xisbiga Kulmiye waxaa uu diyaar u yahay in Doorashadii madaxtooyadu ku qabsoonto waqtigii loo cayimay ee 29.3.2009.

Distoorka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu si cad u qeexaya, qaab-dhismeedka hanaanka Dawladnimo, kuwaas oo kala ah; Golaha sharci-dejinta, Golaha fulinta iyo Hay’ada Garsoorka. Golayaashaas oo awoodahooda Distooriga ahi ay yihiin kuwo kala madax banaan (Separation of power), isla mar ahaantaasna leh isu Read more »