Archive for December, 2009
Xisbiga KULMIYE oo munaasibad ballaadhan ku soo dhaweeyay Taageerayaal ka baxay Xisbiga UDUB
Hargeysa (Somaliland.Org)- Munaasibad loo qabtay Taageerayaal ka soo baxay Xisbiga UDUB oo ku biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa maanta lagu qabtay Hutel Summer Time ee Magaalada Hargeysa. Read more »
“Faras Iska Daaye Anigu Diina Umaan Fuulin Jagadaasi Wasiirka Macdanta Iyo Biyaha Xilkeeda Doonto
Proffesor. Ismaaciil Muumin Aare
Hargeysa, December 7, 2009 (Haatuf) – Proffesor. Ismaaciil Muumin Aare oo ka mid ah guddida filinta xisbiga Kulmiye ayaa beeniyey inuu loolan ugu jiro jagada uu ka geeriyooday wasiirkii hore ee Macdanta iyo Biyaha Qaasim Sheekh Yuusuf, kaas oo tilmaamay inaanu ka mid ahayn xubnaha jagadaasi u cararaya, gaashaankana ku dhuftay in aanu isagu marnaba ku fakarin in Read more »
Taliyihii Sirdoonka Qaranka Ee Gobolka Sool Oo Ku Eedaysan Dilkii Qaraxa ee taliyaha Qaybta 12aad Ee Cidaamada Qaranka
Laascaanood(HWN):- Taliyaha Ciidamada Sirdoonka Somaliland ugu qaabilsan Gobolka Sool Cabdifataax Muuse Yuusuf, oo ku eedaysan dilka Taliyihii qaybta 12aad ee Ciidamada Qaranka oo bishii 11-aad ee sannadkan lagu dilay Qarax lala beegsaday Taliyaha geeryooday oo ku sugnaa Magaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, oo maanta la filayay in la hor keeno Maxkamadda Caasimada, ayaa dib ugu dhacay sababo aan la sheegin. Read more »
Gudomiyaha Xisbiga Kulmiye OoJawaab Ka Bixiyay Hadal Ka Soo Yeedhay Safiirka Masar Ee Somalia
Hargeysa (Kulmiye.Org)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ayaa jawaab ka bixiyay sida ay xisbi ahaan u arkaan hadal Safiirka Masaarida ee Soomaaliya ka soo yeedhay oo uu ku inkiray jiritaanka Somaliland. Read more »
Gudoomiyaha Xisbiga Oo Ku Baaqay In Ka Hartaga Argagixisada Laga Midaysnaado
Haddii Adduunku Inagu Marti Qaado Shirweynayaasha Caalamku Iskugu Imanayo Haddii Dawladeenani Meelna Ina Gaadhsiin Weydaye Waa In Aynu Ka Qayb Galno Oo Aduunka Wax La Qabsano”
Guddoomiyaha Kulmiye, Axmed Siilaanyo
Hargeysa, December 3, 2009-(Haatuf)-Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa ku baaqay in kooxaha argagixisada ee doonaya in nabadgelyada Somaliland ay burburiyaan wada jir looga hor tago qaran ahaan isla markaana loo midoobo difaaca dalka.isagoo intaa ku daray in xidhiidhka Somaliland iyo dawladaha Jabuuti iyo Itoobiya uu Read more »
Khubarro Wata Askar Ilaaliya oo si Rasmi ah u Bilaabay Hawsha Kala-shaandhaynta Diiwaangelinta
Hargeysa (Jam)- Khubarro ka socda shirkadda Ingiriiska ah ee ku guulaystay qandaraaska kala-shaandhaynta diiwaangelinta codbixiyeyaasha Somaliland oo wata askar shisheeye oo ilaalo u ah, ayaa si rasmi ah Salaasadii toddobaadkan xarunta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Hargeysa uga bilaabay hawsha kala-haadinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee doorashada madaxtooyada u dabran tahay. Read more »
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Aqbalay Dacwad KULMIYE ku Oogay Cismaan Hindi

Nuxurka qoraal xeer-ilaaliyaha guud u gudbiyey taliyaha booliska, ciidammada dambi baadhista ee CID-da iyo xeer-ilaalinta gobolka Hargeysa oo uu kaga codsaday in la dhaqaajiyo dacwada kulmiye ee ka dhanka ah guddoomiyaha ololaha UDUB
Hargeysa (Jam)- Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Mr. Xuseen Cabdi Qaalib, ayaa si rasmi ah xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE uga aqbalay in dacwad lagu soo oogo guddoomiyaha ololaha xisbiga UDUB Mr. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi). Read more »
Laamihii Xisbiga Kulmiye Oo Shir Ku Qabsaday Magaalada Birmingham
Nov 30 2009 (Birmingham 30 November 2009), Shirka ay soo qaban qaabiyeen guddida KULMIYE ee UK ayaa lagu qabtay magaalada Birmingham maalinimadii sabtidii ee bishu ahayd 30 November 2009. Shirka waxaa ka qayb galay guddoomiye ku xigeenka labaad ee KULMIYE Mr Abdiraxman Abdiqaadir Xoghayaha Arimaha Bulshada ee KULMIYE Dr Abdi Aw-Dahir, Xildhibaan Ahmed Mohamed Deria (Nacnac) iyo masuuliyiin faro badan oo iyagu ka kamid ah aqoon yahanada qurbajoogta ah ee Read more »
