Archive for January, 2010

Khudbadii Axmed Siilaanyo ee Columbus Ohio Oo Ay Ka Daawanayeen Barta Internetka in ka badan 20 Kun Oo Qof

IMG_5039Shir si aad u qiimo badan loo soo agaasimay aya Guddomiyaha Xisbiga Qaran ee Kulmiye Mudane Axmed M. Maxamud Siilaanyo fiidkii Sabtida la soo dhaafay ee bishan January 23, 2010 kula kulmay Jaaliyadda Somaliland ee deggan Gobolka Ohio iyo gobolada ku hareeraysan ee dalka Maraykanka. Read more »

Daahir Riyaale Inaan Xigmadi Ka Soo Baxayn Horaa Loo Ogaa

Read more »

Md Cabdiraxman Sylici Oo Jawaab Ka bixiyay Hadalkii Dalanbaabiga Ahaa ee Riyaale

“Sida cadceeda ayey muuqataa inuu Siilaanyo, isaga [Rayaale] uga lexejeclo badan yahay dalkan iyo dadkan oo intii uu u soo halgamayey……..

http://www.radiohormuud.dk/images/news/saylici(1).jpgMurashaxa jagada Madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE Mudane Cabdiraxman Cabdiraxmaan C. Ismaaciil (Saylici)

Hargeysa (Jam)- Murashaxa Jagada Madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin shir jaraa’id oo uu shalay qabtay ku sheegay in Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Siilaanyo uu aaminsan yahay nidaamka fadaraalka. Read more »

Md Muse Biixe Cabdi Oo Jawaab U Qalanta Hadalkii Riyale Kaga Jawaabay

(kulmiye.org)  Thursday, January 21, 2010

Guddoomiye Ku-xigeenka Koobad Ee Xisbiga Kulmiye, Muj: Musee Biixi Cabdi

-Ku simaha guddoomiyaha KULMIYE ahna guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbigaas Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag u naqdiyay khudbadii uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Salaasadii doraad ka jeediyay aqalka Madaxtooyada, waxaanu ku tilmaamay mid aan lahayn meeqaamkii hoggaamiye Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen dhawr iyo toban sanno soo ahaa uu jeedin lahaa.

Md. Muuse Biixi, oo uu Wargeyska Geeska Afrika xalay la yeeshay waraysi gaar ah, waxa kale oo uu ka hadlay xadhiga ay xukuumadu la maagantahay Maxamed Xaashi oo ah siyaasi caan ah oo ka tirsan KULMIYE, rabshadihii ka dhacay Wajaale Salaasadii  ee ka dhashay dilkii ay Bolisku u gaysteen dad shacab ah iyo arrimo kale. Read more »

Cismaan Saxardiid Cadaani Oo Loo Magacaabay Xidhiidhiyaha Laamaha Xisbiga KULMIYE ee Qurbajoogga

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARINTA SOMALILAND

DSC_0154 by you.

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARINTA SOMALILAND

KULMIYE

Ref: XK/XAD/0029/2010

Date: 20/01/2010

KU: Md. Cismaan Saxardiid

Og: Hoggaanka Xisbiga KULMIYE

Ujeedo: Magacaabis Xil

Xisbiga KULMIYE markuu arkay muhimadda hawlgallada taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee ku dhaqan qurbahu ay u leedahay horumarinta hawlaha qaran ee xisbiga, tixgalinna siiyay baahida loo qabo in la xidhiidhiyo lana kobciyo laamaha xisbiga ee jaaliyadaha qurbaha, dhagaystayna talooyin ay soo jeediyeen masuliyiinta laamaha xisbiga ee qurbuha, wuxuu u  magacaabay Cismaan Saxardiid inuu noqdo Xidhiidhiyaha Laamaha Xisbiga KULMIYE ee Qurbajoogga. Read more »

War saxaafadeed Xisbiga Kumiye ee Minnesota

Munaasabad xogwaran iyo soo dhoweyn ah ayaa lagu qabtay Hilton Hotel Minneapolis habeenimadii Axadii ee taariikhdu ahayd 01/17/2010 munaasibadaas oo ahayd soo dhoweyn iyo xogwaran ayaa waxaa lagu soo dhoweeyey waftigii uu hogaaminayey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Maxamed Maxamuod Siilaanyo iyo marwadiisa Amina Weris oo ay weheliyeen Xogyahayaha arimaha Dibeda ee Xisbiga Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Gudoomiyaha North America Injineer Xuseen Cabdi Ducaale. Read more »

Halkan Ka daawo Video-gii Khudbadii Gudoomiyaha Ee gobolka minosota

Video-Ga 1 aad

http://www.youtube.com/watch?v=8hTyZG2qFU8&feature=player_embedded

Video-Ga 2aad

http://www.youtube.com/watch?v=OOAL98uAsto&  feature=player_embeddedhttp://www.youtube.com/watch?v=OOAL98uAsto&feature=player_embedded

Video-ga 3aad

http://www.youtube.com/watch?v=7awVYbL7wlQ

http://www.longlivesomaliland.com/IMAGES/Siilaanyo-MJ.jpg

Waxa maalintii Axadda ee Bishan January ahayd 17, 2010 kasoo degay garoonka dayuuradaha ee MSAP kasoo degay wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye isla markaana ah musharax Madaxaweynaha ee aadka loo saadaalinayo inuu ku guulayso tartarnka madaxtinimada ee dhowaan ka dhici doona Jamhuuriyadda Somaliland. Weftiga guddoomiya waxa garoonka Read more »

Gudoomiyaha Xisbiga Oo La Wada Kulmay Jaaliayada Washington DC/ Virginia Iyo MaryLand

https://mail.google.com/mail/?ui=2&ik=ece4a3fd56&view=att&th=126422f215db9f29&attid=0.1&disp=inline&realattid=f_g4l5c8mv0&zw

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa habeenki Sabtida ee bishu ahayd Jan16  ay xaflad wayn ku soo dhaweyeen Jaaliyada Washington DC/Virginia. xafladaas oo ahayd mid si  heer sare ah loo soo agaasimay waxaa lagu qabtay Huteelka wayn ee la yidhaa Westin Hotel oo ku yaala daanta dhinaca gobolka Virginia.  Waxaa halkaa wafdiga ku soo dhaweeyay dadweyne boqolaal ah oo isugu jiray  jaaliyada reer Somaliland ee Washington DC/ Virginia iyo Jaaliyada gobolka Read more »

Warsaxaafadeed Ka Soo Baxay Labada Xisbi Mucaarid ee Kulmiye Iyo Ucid

http://www.gabooyenews.com/imgs/Logo-kulmiye-co1249715746.gif

War-saxaafadeed

Fadhi deg deg  ah oo madaxda sare ee labada xisbi qaran UCID IYO KULMIYE isaga yimaadeen maanta oo ay taariikhdu tahay 18/1/2010 oo ay isla qaadaa dhigeen xaalada guud ee dalku maraayo gaar ahaan khilaafkan kazoo laba kacleeyay Golaha Guurtida taasoo ula muuqata inay caqabad ku noqonayso geedisodkii dimuqraadiyada iyo doorashada madaxtooyada ee qabanqaabadeeda lagu gudo jiro, waxay  Dood iyo falaynqayn dheer ka dib ay isla  qaateen  qodobadan hoos ku qoran: Read more »

Shalay Iyo Maanta: Mahadhooyinka Weedhaha Siyaasadeed Ee Mujaahid Muuse Biixi Cabdi

http://www.longlivesomaliland.com/IMAGES/muuse-biixi-suite-and-tie.jpg

Qormadeenan todobaadlaha ee shalay iyo maanta ee aynu ku daraaasayno isbadalka siyaasiyiinta iyo mawaaqiftooda xisbiyada oo aynu kusoo qaadano siyaasi kasta mahadhooyinkiisa weedhaha siyaasadeed ee uu wakhtiyo kala duwan kasoo jeediyey masraxa siyaasada iyo fagaarayaasha khudbadaha laga jeediyey, oo aynu mid kasta ku muujino waayihiisa siyaasadeed ee shalay iyo maanta kana soo qaadano kalmado koob kooban ayaa waxaynu qormadeena maanta kusoo bandhigaynaa mahadhooyinkiisa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee KULMIYE Mujaahid Muuse Read more »