January 17th, 2010 in Kulmiye_party | Comments Off
(Kulmiye.Org Minnesota MN USA) Maanta saacadu markii ahayd 1120 AM wakhtiga Central time ee woqooyiga Maraynkan, ayaa waxaa garoonka dayuuradaha ee MSP ee Minnesota ka soo degey waftigii uu hogaaminayey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ahmed Mohamed Siilaanyo isla markaana ah Musharaxa Madaxweynaha Jamhuuriyada S/land , waftiga waxaa garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyey boqolaal qof oo ah jaaliyada S/land ee degan Read more »
January 17th, 2010 in Kulmiye_party, Press | Comments Off

(Kulmiye.org , Washington DC ) Waxaa habeenkii jimcaha ka dhacday magaalada Washington ee caasimada dalka Maraykanka xaflad aad u balaadhan oo loo sameeyay marwada guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, marwo Amina waris. Xafaladan oo ay soo qababqaabiyeen haweenka deggan magaalada Washington waxay mid si heer sare ah loo soo abaabulay. Read more »
January 15th, 2010 in Uncategorized | Comments Off

Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Washington shir balaadhan oo ay dawladda Maraykanku soo abaabushay oo loogu talagalay wafitgii uu hogaaminayay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud Silaanye ee uu weheliyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, inay kaga warbxiyaan xaaladda siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgalyo ee Somaliland, kuna soo bandhigaan siyaasadda xisbigoodu ku hogaamin doono Somaliland. Read more »
January 14th, 2010 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Guddoomiyha Xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Maxamed Maxamud Silaanyo, oo uu weheliyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, oo hadda booqosho rasmi ah ku jooga dalka Maraykanka ayaa maanta kulammo la yeeshay Guddoomyaha Guddiga Afrika ee Baarlamaanka Maraykanka, Mudane Donald Payne iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka. Read more »
January 11th, 2010 in Kulmiye_party | Comments Off

Sawirada Martiqaadkii Gudoomiyaha Xisbiga

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Maxamed Maxamud, Marwadiisa marwo Amina Sheekh Maxamed Jirde, iyo Read more » |
January 10th, 2010 in Announcements, Press | Comments Off

KU: Gudoomiye kuxigeenka koowaad iyo labaad ee
Golaha guurtida; Sheekh Axmed Nuux Furre iyo
Siciid Jaamac Cali.
KA. Golaha qurba jooga S/land ee Yurub iyo Waqooyiga America.
Iyadoo Somaliland sanadihii u danbeeyeyba ay shicibkoodu la tacaalayeen , lana kacaa kufayeen horumar la’aanta 

dhinacyada; dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo guud ahaan adeegyada bulshada, ayaa waxaa labadii sano ee u danbeeyeyna dalka gil-gilay khilaafka siyaasadeed iyo mudo kordhin aan dastuuri ahayn oo golaha guurtidu xukuumadda Riyaale ugu Kordhiyeen Mudo dhawr jeer ah. Read more »
January 10th, 2010 in Kulmiye_party, Press | Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay inay ka dambayso khilaafka ka dhex aloosmay Golaha Guurtida, taas oo uu sheegay inay ku doonayaan in mar kale ay doorashada dib ugu dhigaan, si muddo-kordhin loogu sameeyo. Read more »
January 10th, 2010 in Press | Comments Off
Gabiley (kulmiye.Org)- Bandhig suugaaneed ku saabsan Maalmihii & Maansooyinkii Abwaankii Cabdilaahi Suldaan Timacadde ayaa lagusoo bandhigay Hotel Askar ee
magaalada Gebilay. Bandhig Suugaaneedkan oo si heersare ah loo soo agaasimay waxa ka qaybgalay aqoonyahan Boobe Yuusuf Ducaale,badhasaab ku xigeenka gobolka gabilay Cabdirisaaq sh.Aadan cali, Caaqil Max’ed C/laahi Xareed (weerar), Maryan Cabdilaahi suldaan Timacadde, Idiris Iimaan Rooble & marti Read more »
January 9th, 2010 in Kulmiye_party | Comments Off

KU:- Golaha Guurtida =Hargeysa=
OG:- Komishanka Doorashooyinka Qaranka =Hargeysa=
OG:- Shirguddoonka Golah Wakiilada =Hargeysa=
Ujeedo: Talobixin
Mudanayaal,
Waxaynu ka warqabnaa in maalmahan dambe uu jiro khilaaf soo kala dhexgalay Golaha Guurtida. Sidaynnu wada ognahay waxaynnu ka soo baxnay khilaaf siyaasadeed oo aad dalka ugil-giley. Read more »
January 8th, 2010 in Press | Comments Off
haa” ee casuumaad loo fidin lahaa, warar xogogaal ayaa WARYA TV u sheegay sidaas.

Ilo wareedkayagu wuxuu sheegayaa in wakiilka Somaliland u fadhiya Washington, Dr. Sacad Nuur, oo ah nin khabiir ah oo ku xeel dheer arrimaha dibloomaasiyadda in laga qariyey in isaga la sii marsiiyo si uu codsiga ugu soo sameeyo dawladda. Hadda ka hor dawladda Daahir Riyaale ayaan taladiisa ku socon taasoo dhalisay inay isku dhacaan dawladda Maraykanka.
Waaxda Arrimaha Debedda ee Maraykanka ayaa ugu jawaabtay dawladda Riyaale inaanay immika ahayan “waqtigii saxa ahaa” ee casuumaad loo fidin lahaa balse “aad ku mahadsantihiin codsiga aad soo sameysateen oo aannu mustaqbalka tixgelin doono” taasoo luqadda dibloomaasiyadda ay micnaheedu tahay ku dooni mayno. Ilo wareedkayagu muu tibaaxin cidda codsiga sameysay iyadoo wasiirku arrimaha debedda ee Somaliland uu haatan arrimo xagga caafimaadka awgeed uu ugu sugan yahay Addis Read more »