March 17th, 2010 in Kulmiye_party | Comments Off
(Kulmiye.org) Waxaa Magaalada Birmingham oo ah caasimada labaad ee dalka Ingriiska looga diyaar garoobayaa shir ballaadhan oo ay qabsanayaan taageerayaasha Xisbiga Kulmiye. Shirkan oo ay laanta Xisbiga Kulmiye ee magalaada Birmingham isku soo duba ridayso ayaa noqon doona shirarka xisbiga ee dalka Ingriiska kuwii ugu waawaynaa. Read more »
March 17th, 2010 in Press | Comments Off
Hargeysa (Kulmiye.org)- Allaah naxariistii janno haka waraabiyee waxaa shalay ku geeriyootay Cisbitaalka Edna ee magaalada Hargaysa, isla galabnimadiina lagu aasay xabaalaha Naaso-hablood Marxuumad Saafi Ducaale Cali oo ka mid ahayd fanaaniinta waawayn ee Reer Somaliland, si wayna looga yaqaanay mandaqada Geeska Afrika. Read more »
March 16th, 2010 in Kulmiye_party, Press | Comments Off

Hargeysa (Kulmiye.Org)- Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa maanta masuuliyiin cusub u magacaabay gobolka Gabilay.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Keyse Xasan Cige, ayaa lagu magacaabay masuuliyiinta heer Gobo lee Xisbiga KULMIYE ee gobolka Gabiley, Read more »
March 15th, 2010 in Codka Muwaadinka | Comments Off

DALJIRE
Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan. Read more »
March 15th, 2010 in Kulmiye_party | Comments Off

London (Kulmiye.Org) Waxa galinkii danbe ee maalinti Sabtida ka dhacay waqooyiga magaaladda London shir ay isugu yimaadeen madaxda iyo tagerayasha xisbiga Kulmiye ee dalka Ingiriiska. Shirkaas oo sida ujeedadisa lagu sheegay loogu talo galay u diyar garowga doorashoyinka dhowaan la filayo inay dalki ka dhacaan ayaa waxa ugu horeyn shirka furay Mudane Mukhtar Tayse oo ah gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee Waqooyiga London. Soo dhoweyn kadib waxa uu cod baahiyaha kusoo dhoweyey Mudane Ahmed Hassan Cunaaye oo isaga oo ku hadlaya afka laanta waqoyiga London sharaxad ka bixiyey ujeedada shirkaas. Read more »
March 15th, 2010 in Kulmiye_party | Comments Off

TACSI
Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ku hadlaaya Magaciisa, kan Xubnaha Xisbiga iyo taageerayaasha, waxa uu Tacsi u dirayaa guud ahaan reer Maxamed Maxamuud, Read more »
March 15th, 2010 in Codka Muwaadinka | Comments Off
![[arwo2.jpg]](http://1.bp.blogspot.com/_yo-aq_NCjxQ/S56H8bTLhzI/AAAAAAAABQg/52EzRrHd-yg/s1600/arwo2.jpg)
Wasaarada Khaarajiga Maraykanka oo soo saartay Warbixin daaha ka rogtay boogaha Xukuumadda Rayaale
Waa sanadkii labaad ee dawladda Maraykan si ba’an u durtay nidaamka uu Madaxweyne Riyaale dalka ku hago, iyadoo soo qaadatay falalka ka dhanka ah xuquuqda muwaadinka. Waxa ay taabatay xadhiga joogta ah ee saxaafadda iyo muwaadiniinta kale een lahayn dacwad iyo maxkamad. Waxa ay muujisay tumashada dastuurka, ooy soo qaadatay mamnuuca mudaharaadada, idaacad xor ah oon jirin, iyo cidhiidhiga la galiyo dhaqdhaqaaqa xisbiyada. Waxa ay iftiimisay inayna jirin xuduud u kala yaal maxkamadaha iyo madaxtooyada. Waxa ay farta inoo saartay in dakhliga dawladdu ku baxo hay’adaha amniga ooyna isla markaas ahayn ciidan nidaamsan bal se ay ku tilmaantay malitia ooy ugu wacantay darojo la’aantu.
Waxa ay soo qaadatay ooy toos u abaartay in Madaxweynahu xeelad kasta uu ciyaaray si uu ugu sii nagaado kursiga. Waxay qaawisay sharci darradii korodhsiimaha xilka Guurtida ee Madaxweynahu u kordhiyey ooy u aragtay Read more »
March 14th, 2010 in Press | Comments Off

Hargeysa(Kulmiye.org):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, ahna Musharaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbigaas Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Siilaanyo), ayaa qaddiyada gooni-isutaagga Somaliland ku tilmaamay mid ka dhalatay dareenka dadkeeda, isla markaana cid ka hadasha meelahaas aanay ka duwi karin jidka ay himiladeeda ugu Read more »
March 14th, 2010 in Press | Comments Off

Burco, March 14, 2010 (Haatuf) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay hadalada looga jeedinayo inanu gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo aanu u dhalan Hargeysa ay yihiin afkii xisbiga UDUB balse aanay ahayn afka reer Hargeysa iyo ummada wax kala garanaysa isagoo intaa ku daray in xoghayaha guud ee UDUB Jaamac Yaasiin Faarax uu yahay nin oday ah oo reer Hargeysa cidna aanay odhan Karin ma dhex mari karo hargeysa.Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Mujaahid Read more »
March 9th, 2010 in Press | Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa ka hadlay Kaadhadhka cusub ee la sheegay inay dhawaan u samayn doonaan in lagu galo Doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo.
Afhayeenka Guddida Doorashada Somaliland Axmed Maxamed Xirsi (Geelle) oo maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in muddo laba toddobaad ah ay ku mashquulsanaayeen dhismaha Guddiyada gobollada ee Komishanka Doorashooyinka, isla markaana ay hadda dhammeeyeen dhismahooda. “IInkasta oo ay soo baxeen khaladaadyo yar-yar oo aan badnayn, haddana guddiyada aanu dhisnay waanu isla qaadanay Axsaabta Siyaasadda oo waanu isku waafaqnay.” Ayuu yidhi Afhayeenka Guddida Read more »